General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Maxjarka Ka dib markan akhrinay heshiiska ku saabsan dhisidda maxjarka xoolaha la dhoofinayo Ka dib markaan dhegaysanay Madaxweynaha DGPl Markaan si qoto dheer uga doodnay oo dhinac walba ka eegnay waxaan Go’aaminay. 1.In mushruuca sida uu yahay loo hirgeliyo 2.In shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa xaq u leedahay in ay isticmaasho maxjarka. 3. In shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa ay xoolaheeda u suuq geyn karto wadanka ay doonto, waxaana looga baahan yahay: a..Health certificate b.certificate of country of origin. Dabcan labadaan shahaado waxaa bixin doono maxjarka cusub,waxaana mas’uul ka ah DGPL. Intaasi ka dib ayaa waxaa hadal kooban yidhi Madaxweynaha DFKMG Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed sida uu qabo dastuurka Puntland,iyo axdiga DFKM ah,ganacsigu waa mid xor ah oo tartan ah heshiika sida ku cad Saleebaan aljaabiri waxaa u xiran Sacuudiga, Ganacsatada Soomaaliyana waxaa u xiran dalalka Yemen, Emaaraatka iyo cummaan. Hadaba ma jiraan wax u xiran Aljaabiri iyo wax u xiran Soomaali midna,nin waliba meeshuu doono ayuu xoolaha u dhoofsanayaa sidoo kale ma jiro xero labaad oo la dhisayo. Somaliweyn Media Center (SMC) Gorowe Somalia
  2. Madaxweyne C/laahi Yuusufoo Madaxda iyo Ganacsatada Puntland kala hadlay Mishkiladaha ganacsiga ee hareeyey Maamulka Puntland Garowe, Axad, July 29, 2007 SMC Shir ay isugu yimaadeen Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ah,Madaxweynaha DGPL,wasiirka Ganacsiga,wasiirka Xannaanada Xoolaha Beeraha Iyo Degaanka iyo Ganacsatada Puntland ayaa waxa uu xalay ka dhacay Hoolka shirarka ee Xarunta Madaxtooyada DGPL. Shirkan ayaa ahaa mid ay ka qayb galeen ganacsatada oo u kala qaybsanayd labo dhinac,qayb maxjarka diidan iyo kuwa ogol in ay dhisto shirkadda aljaabiri. Dood dheer ka dib ayaa waxa la go’aamiyey in loo saaro guddi ka soo baaraan degta soo akhrida heshiiska lala galay shirkada Aljaabiri. Intaasi ayaa waxaa mar labaad laysugu soo noqday galabta shirkii oo ay ganacsatu qayb waliba ay soo dirsatay guddi u hadla. Ugu horrayntiiba waxaa halkaasi laga akhriyey go’aamadii ay soo saareen guddigii xalay loo xilsaaray waxaana halkaasi ka akhriyey Xildhibaan Cali Baashe oo ka mid ahaa weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFKGM,Go’aankiina waxaa uu u qornaa sidatan:
  3. ^^ Mida kowaad - adiga iyo Garowe online isku maskax ayaad tihiin, qalbigaa ka bugtaan. First of all stop with the insults, its against the rules. Its against the rules of the site, so becareful Less than two weeks ago you were claming that he is scandaleuos - now all of a sudden he is a great supporter who has seen the light. So tell me what has happened to the scandal case , is it out of the window or it does not matter ? Again, I never claimed anything, it was a French newspaper which was splashed all over the world media and translated into various languages from Somali to Afar. If he is found guilty or not matters not the least to me. What I want is better relations between the two nations of Somalia and Djibouti and for Mr Gulleh not to give a safe haven to the defeated groups. Kapish
  4. ^^^Mr Geeljire, I respect the way you present your argument. However one must not get confused on a simple issue. The Ethiopians and Ugandans were not in Somalia at the time, now they are to support the legitimate governemnt. We ahve also highlighted the fact that the TFG parliment headed by Sharif Xasan at the time passed a motion requesting such support from any quarter. Adeer one final point Somalia has never been at war with Tigray in its history since the Togray have not dominated Ethiopia as they do now. Amharo yes even Oromo to a lesse extent As for history, we have never been in such difficult circumstances as we find ourselves these past 17 years.
  5. “Anigo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabbuuti iyo kan shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed dadaalka dib u heshiisiin ee dowladdiisu ay u gashay sidii beelaha Soomaaliyeed u gaari lahaayeen heshiis buuxa” ayaa lagu yiri dhambaalkaasi .
  6. Dowlada Djabuti oo aad moodo iney issagga hartey siyaasadeedii gacan bidixeynta Garoowe,Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Dhambaalkan oo ahaa mid taageero ah oo Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu ugu hambaleyaynayey Madaxweyne Yuusuf dadaalka dib u heshiisiineed ee dowladda Federaalka ugu jirto sidii wada hadal wax walba loogu dhameyn lahaa. “Anigo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabbuuti iyo kan shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed dadaalka dib u heshiisiin ee dowladdiisu ay u gashay sidii beelaha Soomaaliyeed u gaari lahaayeen heshiis buuxa” ayaa lagu yiri dhambaalkaasi . Dhambaalkan ayaa sidoo kale lagu magacaabay ergay cusub oo dowladda Jabuuti wakiil uga ah shirka dib u heshiisiinta kaasoo lagu magacaabo Yuusuf Cumar uuna wakiil buuxa ka yahay dowladda Jabuuti. Dhambaalkan ayaa ku soo aaday xili dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Jabuuti xiriirka ka dhaxeeya uusan aheyn mid wanaagsan, walow haatan ay soo ifbaxayaan xiriiro iyo isu soo dhowaansho labada dowladood. by/qalinle
  7. That was quite ammusing however your answers highlight the holes in your argument. The TFG has stolen no property and has cripled thsoe who lived on stolen civilian loot for 17 years.
  8. ^^^Oh my, pardon but I am not the topic adeer. The President of Djibouti with all the allegation against him and his recent past actions has come to his senses. Now thats a notable topic. As for A/Qasin he is a light weight, who brought the house down on himself.
  9. What ever Mr Gulleh is alleged to have done he is the President of Djibouti. An ally of the defeated groups led by A/Qasin. Thus the change of tone from this fellow towards Somalia is an important indicator of the sizable change that has taken place. What ever Ismael Umar Gulleh is, he has changed his tune from the days of out right hostility and when he harboured the clan courts and propped up A/Qasin. Those days
  10. ^^^Adeer your reports are noted however they do not have any case were property is looted. Crocodile tears from the defeated groups aside. I wnat you not to hide nor waffle as usual Just answer who stole properties and from whom?
  11. Xadhiga Dr. Gaboose, Muj. Maxamed.. Rashid — USA — 28 July, 2007 Salaamu Aleekum; Dhamaantiin waan idin wada salaamay. Marka xiga waxa mar dhawayd la i soo gaadhsiiyey in la xidhay Dr. Gaboose, Muj. Maxamed Xaashi, iyo Jamaal Caydiid. Mudo ku dhadhoow 30 meeyo sanno ka hor bay ahayd markii Inj. Maxamed Xaashi iyo 6 nin oo uu ku jiro toos ugu dhawaaqeen SNM. Qorshaha laga lahaa maalintaa SNM in la abuuro waxa keenay xukun kali talis ah, xaqdaro qof ka lagu xidho, kufsi, dhac, iwm. Waxa halgankii dhalay waxa maanta aynu ugu yeedhno Somaliland. Su'aasha u baahan in aan is waydiino dhamaanteen waxa weeye, hadii waxa hada jooga aan aqbali karo, maxaan 1988-1991 u burburinaynay Hargeysa, Burco, iyo Berbera? Hadii aan aqbali karo in muwaadinka lagu dulsocdo, maxaan bara kaca intaa leeg ugu badheedhnay? Hadiiba Somaliland ay maanta marayso kuwii u soo halgamay in god lagu rido, maxaan u diidaynay nidaamkii kaligii taliye Afweyne? Waa ayaan daro in Riyaale saamaxaadii la saamaxay in ay ku filaan waydo oo maanta uu miciyo la soo baxo. Waxa hubaal ah oo aan u baahnayn markhaati in dadkii dhagta dhiiga loogu daray Lawyacado, ee Jibuuti laga soo mastaafuriyey in uu Riyaale lug ku lahaa. Waxaa marag ma doon ah in dadkii Carabaha laga soo mastaafuriyey ee dhagta dhiiga loogu daray Berbera SNM baad taageertaan markii Berbera la keenay in uu Riyaale lug ku lahaa. Maantana waxa uu cadaystay inuu dagaal qaawan kula kaco Ragii Illaahay ka sokow sababta u ahaa Somaliland. Waxa haboon in runta la isu sheego oo la is waydiiyo, waxa aynu rabno maxay tahay? Ma dal baan rabnaa in aan noqono xaq iyo sharci lagu kala socdo, mise meel kolba guruubkii yimaadaa sida ay doonaan ugu takri falaan oo dadkana lagu khuukhiyo NABAD GALYADA AAN DHOOWRO? Nabad Galyada ninka diidani waa ka u diidan muwaadinka in uu xuquuqda sharcigu siiya ku dhaqmo, lagulana dhaqmo. Sharcigu one way street maaha, mid dhinac qudha qabta oo lagula dhaqmo maaha, ee waa in loo wada sinaado. Hadii taasi dhici waydo, kan awooda sheeganaya isna loo aqoonsan maayo qayb ta qudha ee sharciga ka mid ka ee isaga awooda siinaysa. Isna sharci kuma joogo oo kuguma haysto ayay ka dhigan tahay. Markaa ta xigi "NINKII CAQLI LIHII WUU GARANAYAA DOQONA LOO SHEEGI MAAYO". Qolada maamulka ee guriga quraarada ah ku jirta dhagaxana tuurtuuraysa, waxa aan u sheegi in cida wax kasta waayeysaa ay iyaga tahay, oo cid kale oo caano ka daadanayaana aanay jirin. Taa Riyaale iyo daba dhilifkiisa Cawil, C/laahi Ciro, Dhoolayare, Sulub, iyo Awr Kiraale Ismaaciil ****** ha loo sheego, hadii ay rumaysan waayaana ha loogu dhaarto. Somaliland ama ha lagu kala guuro ama wixii loogu badheedhay halgan ka dheer waa in muwaadin kasta oo ku nool uu helo. Beerka jecli xaydha jecli iyo nabad la isku khuukhiyo mid na meel inagayn mayso, ee waa in xaqa loo hiiliyaa, hadii kale maaweelo caruurta halagu jiro inta baaqigii ka hadhay Afweyne, C/laahi Yusuf Yey iyo qayrkii inta ay yimaadaan oo fuliyaan riyadiisii ahayd Beer oo Burco agteeda ah waa gobol ka Cayn, Sanaag iyo Sool na tiradaba marka hore kuma jiraan oo in ay ka taliyaan bay u haystaanba. "NINKA TA JOOGTA AAN GARAN TA SOO SOCOTANA MA GARTO". Bal aan dhawro ayaamo iyo halka ay ku danbayso. Salaamu Aleekum; Rashiid
  12. Maybe the Mother of the "Orphans" of the not yet deceased Queen have been recognised by her
  13. ^^Adeer dont make accusation which you can not back up, which property has been stolen by the TFG?
  14. Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo sheegay in la baabi’inayo Magaca Others July 29, 2007 Markacadeey Shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga doodey qodobo ka mid ahaa in leyka raali geliyo xasuugii iyo dhibkii beelaha Somaaliyeed ay isu geysteen. Shirka wuxuu dhegeystey cabasho ay halkaasi ka soo jeediyeen beelaha kuna aadanaa dhibaatooyinkii ay u geysteen beelaha ****** iyo ******* oo markaasi ku hardamaayey xukunka dalka. Shariif Munye oo ku hadlaayey magaca Beelaha ayaa halkaasi ka jeediyey cabasho asagoo ka hadley dhibaatooyinkii ay beesha ****** u geysateen beelahooda oo ka mid ahaa xasuuq, burburin hanti, iyo barakicin. Shariif Munye asagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in dadka qaarkood ay nabadgelyo ahaan u galeen Masaajidyada ku yaala Degmooyinka Xamar-weyne iyo Shangaani haseyeeshee ay dhacdey in masaajidyada loogu galey dhibaatooyin kala duwana halkaasi loogu geystey. Suldaan Cabdinaasir Aadan Seed oo ku hadlaayey magaca Beesha ****** ayaa eedeymahaasi jawaab ka bixiyey, asagoo sheegay in ay raaligelin ka bixin doonaan dhibaatooyinka Beeshiisa geysatey, isla markaana ay xaal-marin ka bixin doonto. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadley Nabadoon Macallin Haaruun oo u hadlayey beesha ****** ayaa isagu halkaasi raali gelin ugu jeediyay beesha Shanaad isagoo caddeeyay inuu ka mid ahaa saxiixayaashii shirkii Carte u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti in beesha Shanaad ay tahay mid bar ah, isagoo cafis weydiistay bulshada ku abtirsada beesha Shanaad. Markaa ka dib ayaa guddoomiye ku xigeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa sheegay in maanta waxii ka dambeeya aysan jiri doonin beelo Others la yiraahdo. Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  15. ^^^The TFG is made up of all Somali clans, thus what do you mean, they are stealing property? Kindly explain
  16. What ever Mr Gulleh is alleged to have done he is the President of Djibouti. An ally of the defeated groups led by A/Qasin. Thus the change of tone from this fellow towards Somalia is an important indicator of the sizable change that has taken place.
  17. PUNTLAND OO KU GUULAYSATAY JAA’ISADA MAAMUL-WANAAGGA AFRIKA SANNADKA 2007'' Magaalada London ayaa dhowaan waxaa lagu qabtay Baarlamaanka Aqalka Cuqaasha (House of Lords) dalka Ingiriiska qado-sharaf lagu maamuusayey Jaa’iso Aqoonsi oo la siiyey Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland (AWMP). Posted to the Web Jul 26, 16:51 Magaalada London ayaa dhowaan waxaa lagu qabtay Baarlamaanka Aqalka Cuqaasha (House of Lords) dalka Ingiriiska qado-sharaf lagu maamuusayey Jaa’iso Aqoonsi oo la siiyey Astaynta MaamulWanaagga Puntland (AWMP). Xafladda oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Maamul-Wanaagga Ingiriisku (Good Governance Group) ayaa Lord Ashdown oo ka tisan Aqalka Cuqaasha ahna siyaasi ruug-caddaa ah wuxuu Jaa’isada (Award) guddoonsiiyey Guddoomiyaha AMWP, Siciid Faarax Maxamuud, oo ku yimid marti-qaad ay u fidisay hey’addu ka dib markii ay Puntland ku guulaysatey Jaa’isada Maamul-Wanaagga Afrika ee sannadka 2007. Lord Ashdown oo muddo ku hawlanaa wax-ka-qabashada dalalka ka soo doogey dagaallada, gaar ahaan Bosniya, Kosafo iyo Ireland, wuxuu si weyn ugu ammaanay warbixinihii iyo talooyinkii ay Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland u sameeyeen Dawlad-Goboleedka Puntland oo uu iyaduna xushmad ku mutaysatay maal-gelinta iyo dareenka isbeddel-doonka ah. Lord Ashdown wuxuu caddeeyey in uu jeclaan lahaa in uu arko in barnaamijka Astaynta Puntland lagu dabbakho dalal kale oo adduunka ah si loo gaaro horumar loo siman yahay meel kasta. Astaynta Maamul-Wanaagga Puntland waxaa Jaa’isada lagu siiyey baaritaan qota dheer iyo soo-saarid afar warbixinood iyo talooyin oo ku kala saabsan amniga, garsoorka iyo Shareecada, maaliyadda iyo lacagta iyo qaab-dhismeedka hey’adaha dawladda (tayaynta shaqaalaha dawladda iyo qaabaynta hey’adaha). Warbixinahaas iyo talooyinkooda, oo macnohoodu yahay in sida ugu habboon loo toosiyo hab-maamulka hey’adaha dawladda iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka, waxaa suurageliyey guddiyo 24 xirfadlayaal sare ah iyo xafiiska AMWP oo labadaba Madaxweynaha DGPL Xeer ku magacaabay bishii Maarso 2006. DGPL waxa ay dhowaan guda-gashay fulinta talooyinkii Astaynta oo uu garab-socdo dib-u-eegista dastuurka iyo barnaamijkii dimoqoraaddiyaynta Puntland. Shaki la’aan, Jaa’isada Maamul-Wanaagga Afrika 2007 oo toddobaadkan la siiyey waxa ay u tahay Puntland dhiirri-gelin qiima leh. Haddii ay Puntland si dhab ah u dhaqan-geliso talooyinka Guddiyada Astaynta waxay horseed u noqon kartaa taageero dhinac kasta ah oo ay ka helaan beesha caalamka. Jaaliyadda Puntland ee London. UK C/qaadir Jaamac Faarax Weyrax Somali Community Centre –London UK abdul@somalicentre.org Tel: +442072678897 or +447958984556
  18. Seminaar Muqdisho uga furmaya in ku dhow 2000-qofood oo ka socda degmooyinka G/Banaadir { 29 Jul 2007} waxaa la daabacay Sun 29 Jul 2007 14: 39: 48 Waxaa beri Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho ka furmaya Seminaar ay ka qeyb gelayaan 1800-qofood oo ka kala socda degmooyinka G/Banaadir. Xubnaha tababarkan u furmayo ayaa la tilmaamayaa inay ka kooban yihiin guddiyada Degmooyinka, qeybaha waaxyaha iyo tabeelayaasha, waxaana mudada uu socdo tababarkan lagu wadaa in xubnahaasi ay ku qaataan duruus la xiriirta qaabka wada shaqeynta maamulada degmooyinka iyo ka qeyb qaadashada adeegyada bulshada sida uu sheegay Md.Sheekha Muudey Gacal oo ah Wakiilka dib u dejinta iyo taakuleynta qaxootiga ee maamulka G/Banaadir. Wuxuuna Sheekha Muudey hoosta ka xariiqay in qabsoomida seminaarkan ay gacan ka geysanayaan Hay’adda CED oo ku deeqday macallimiin iyo dhaqaale, isagoo tallaabadaasina uga mahad celiyay Agaasimaha Hay’adda CED Prof. C/llaahi Cali Xasan. Seminaarkan oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee maamulka G/Banaadir soo qabanqaabiyo ayaa waxaa la filayaa inay furitaankiisa ka soo qeyb galaan madax ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda iyo safiirada Muqdisho u jooga dowladaha caalamka. Waxaa sidoo kale furitaanka seminaarkan lagu wadaa in Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M/Dheere) uu ka soo jeediyo khudbad dheer oo ku aadan qorshaha waxqabadka maamulka G/Banaadir ee ku wajahan arrimaha nabadgelyada iyo dib u soo nooleynta adeegyadii dowliga ahaa ee D/Hoose.
  19. Most Somali's of every clan lost property in the mayhem. Its only fair that those people get theirs, that will lead to peace. Insha Allah. Good luck Buuxo hope you get yours in due course.
  20. Burco iyo Dareenka Xadhigga Hoggaamiyeyaasha QARAN: Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa dareen cadho leh ka muujiyay, ka dib markii la ogaaday in la xidhay madaxdii sare ee ururka QARAN, loona gudbiyay Xabsiga Madheera. Waxa Magaalada ka Socda Kulamo iyo Shirar lagaga hadlayo Xadhigan Masuuliyiinta Qaranka,kaasoo loo Arko mid lagu khalkhalinayo Deganaashaha Dalka,Islamrkaana Xukuumadu markii ay ogaatay in Kalsoonidii Shacabigu u hayay ay sii yaraanayso ay ku dhaqaaqday Talaabooyinka ay ku xidhay Masuuliyiinta Ururka Qaran ee kala ah Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,Inj.Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid. Shacbiga ayaa Xadhiggan ku tilmaamay mid dadka Xasuusinaya Kalistalimadii Xiligii Siyaad Bare,balse Xukuumada Rayaale ilowsan tahay wxii ka dhashay arimahaas. Waxay dadweynuhu ku baaqeen in si dhaqso ah loo sii daayo Masuuliyiintaas oo loo celiyo Xoriyadoodii. Dhinaca kale Guddiga Wadajirka labada Beeleed ee (Habar Yoonis iyo Habar Jeclo) ayaa kulan ay shalay isugu yimaaddeen waxa ay ka soosaareen bayaan ay ku cambaareynayaan xadhiga Masuuliyiinta Qaran, kuwaasoo ku tilmaamay in sharci-darro lagu abuurayo xasillooni-darro si aanay u qabsoomin doorashooyinku. Haddaba, bayaankaas oo ay ku saxeexnaayeen in ka badan 25xubnood waxa uu dhignaa sidan. “Sida aynu Maalmahanba Maqlaynay ficilkeeduna uu muuqday saaka subaxnimadii [shalay] 28.7.07.waxa dhacay xadhig sharci daro ah oo ay fulisay Dawladu,kuna fulisay Madaxdii Sare ee Ururka Qaran. Haddaba, waxaanu u aragnaa xadhiggaa inuu yahay mid sharci daro ah oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeerka waddanka u yaal, kaas oo ina xasuusinaya dhibtii uu ummadan soo mariyay Nidaamkii Siyaad Barre ee digtaytarka ahaa. Gudiga wadajirka ee labada Beelood waxay cambaareynayaan Xadhigaas Sharci darada ah, waxaanay soo jeedinayaan in si bilaa shuruud ah oo degdeg ah loogu soo celiyo Madaxbanaanidoodii, dawladduna ay ka korto Cagajuglaynta iyo Cabudhinta aan waafaqsanayn dimuqraadiyadda iyo shuruucda wadanka u yaal, laguna kala baxo wixii muran sharci ah ee yimaadda Dastuurka iyo Xeerarka Dalka. Waxa kale oo beeluhu ay ka dareen qabaan inay dawladdu arrimahan uga jeedo xaalad-abuur lagu caqabadaynayo Doorashooyinka.
  21. Mujaahidiinta SNM: Koox mujaahidiina oo ka tirsanayd xooggagii ururkii SNM, ayaa si weyn u cabaareeyey tallaabada ay xukuumadda Somaliland xabsiga ugu taxaabtay hoggaankii sare ee urur-siyaasadeedka QARAN. Xubnaha mujaahidiinta ah oo shalay shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen arrintan saxaafadda ugu qabtay hoteelka City Plazza ee magaalada Hargeysa, ayaa amarka ay xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay masuuliyiinta QARAN ku tilmaamay mid gef ah oo baalmarsan nidaamka iyo shuruucda dalka u dajisan, isla markaana waxay xukuumadda u soo jeediyeen in ay si bilaa shuruud ah dhakhso ugu sii dayso hoggaamiyeyaasha ururka. Muj. Kayse Jaamac Kaahin (Geeljire) oo ka mid ahaa xubnaha shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa isagoo faahfaahinayey dhacdada masuuliyiinta ururka QARAN xabsiga loogu taxaabay, waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxa la xidhxidhay hoggaankii ururka QARAN, dastoorkana way ku caddahay in ururro lagu tartamo horena waa loogu tartamay. Ujeeddada loo xidhxidhayaa waa yaan waddankan waxba jirin ee maaha sharcigay jabiyeen, mana aha rabash bay sameeyeen. Waxa la xidhaa nin fal dambi ah sameeyey oo gacanta kula jira, laakiinse tani [xadhigga masuuliyiinta ururka QARAN] dariiqo sharci oo la isku raaco ayey leedahay. Korka ayaa la jarayaa ummadda reer Somaliland ee qarannimada iyo xorriyadda dhiigga badani u soo daatay ku fadhida, waxaan leeyahay cidi hadday awood sheeganayso annaga oo SNM ah oo Siyaad Barre halkan ka qabsanay ayaa sheegan lahayn, haddii qoriga la isku maquuninayo annagaa ku muquuqin lahayn, annagaa Afweyne ka dajinay oo nidhi nin walowba waa kuu mubaax, saaka in tiiyoo kale dib loo bilaabo ninba ka yeeli maayo, haddii waddanka waxa laga wado laga joojin waayo oo lagu dhiqi waayo dimuqraadiyadda iyo distoorka ciddii lahayd ayaa qaadan doonta, nin walbana wuxuu yahay ayuu noqon doonaa. Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa halaga qaado nimankaa faraha, haddii laga qaadi waayo wax laga yaabo ayaa dhici doona.
  22. 'This Action Cannot Stand!' Press Release By Qaran Party The Qaran Pary — Hargeysa, Somaliland — 28 July, 2007 Press Release Hargeisa July 28, 2007 This action cannot stand! It is regrettable that at this day and age, having all experienced the horrors of bad regimes in the past, the people of S/Land are once again reliving the abusive powers of yet another callous regime. The unlawful arrest of the entire leadership of Qaran is a clear indication of a regime that known no bounds, and feels confident enough to do just about anything it pleases under the cloak of protecting national security (remember the Barre Regime?). The simple fact is that this arrest is purely political and the administration having lost their base support to Qaran are resorting to play the only card left for them to play, and that is the power of detention. The hope is that if Qaran's leadership is put away, the movement will also go away. That is just simple wishful thinking on their part, Qaran's movement is not confined to the leadership of the party, the true power of this movement for change comes from the people locally and abroad, and the consequences of this illegal action from the administration will clearly demonstrate the extent of this support. We urge all peace loving S/Landers to reject this unchecked, arrogant and dangerous action from this administration and stand up to defend the constitution and the laws of our beloved country and say with a single united voice "enough is enough"! The only laws worth having are those worth defending! The Qaran Pary
  23. Laascaanood: "Xubnihii Somaliland waa ay iskaga huleeleen Laascaanood" Wasiirku xigeenka Arimaha Amniga Puntland. 29. juli 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Maalintii shalay ayaa waxaa magaalada Laascaanood si dhuumaaleysi ah ku soo galay xubno ka socda Maamulka labaxay Somaliland,ayadoo arintaasi buuq siyaasadeed ka dhex abuurtay Dadweynaha Laascaanood. Xubnahaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay saaka halkaasi ka isaga huleeleen ,markii ay dawlada Puntland ka dalbatay in ay deg deg uga baxaan Magaalada laascaanood maadaama ay ka tirsan tahay dawlad gobaleedka Puntland. Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa wuxuu AllPuntland usheegay in xubnahaasi uyimaadeen codsi uga yimid beelahooda isla markaana aysan ku imaan wax maamul ah magaci ,isagoo warkan ku sheegay in uu yahay mid ay buunbuunisay Xukuumada Hargeysa. Faarax Cabdi Doorshe wuxuu sheegay in ay markii ay yimaadeen Magaalada laascaanood xubnaha ay soo mareen xarunta wasaarada Maaliyada Puntland ku leedahay Magaalada ,ayna kula hadleen ayagoo ay wadaan Isimadooda gudiga amniga gobalka Sool oo markaasi kulansanaa ayna usheegeen in aysan wax siyaasad ah ku lug laheyn. Wasiirku xigeenka arimaha amniga ayaa oo laweydiiyay warka sheegaya in ay wafdigu halkaasi uyimaadeen indho indheynta Mashaariic ay Somaliland sheegeen in ay halkaasi ka fulinayaan,balse Faarax Cabdi Doorshe wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isla markaana aysan Maamulka Waqooyi galbeed waxba hawlaa ka wadin Sool. Shan ka dib ayaa waxaa Shalay dadweynuhu isweydiinayaan wafdiga yimid laascaanood ee ka socda Maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo Magaalada xoog looga saaray sannadkii 2002-dii xiligaasi oo uu Madaxweynaha Puntland ahaa C/laahi Yuusuf Axmed hadana ah Madaxweynaha DFKMGS. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland