
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: NRC Somali clans forgive each other on the holly Quran
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxaa maanta looga hadlay shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed? Mogadishu,5,August 2007 "HornAfrik Media" Beelaha ka qayb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa maanta isla gaaray in gabi ahaanba la iska ilaawo waxyaabihii hore iyadoo kulankii maanta ay isku wada gudoonsiiyeen Kitaabka quraamka kariimka. Digri ayaa lagu bilaabay marka la is gudoonsiiynayey kitaabka quraamka kariimka ,iyadoo maxabaysi xoogan uu ka dhex muuqday ergooyinka shirka. Guddiga ayaa maanta soo diyaariyay kitaabo aad u fara badan kuwaas oo loo qeybiyey beelaha,iyadoo la sheegay in kutubtaasi ay yihiin kuwa la doonayo in beelaha ay isku cafiyaan. Beesha ****** oo uu hor kacaya Imaam Maxamuud ayaa waxaa ay beelaha ******* gudoonsiiyey isi madooda kitaab deetaana labada Beelood ee ******* iyo ****** oo wada jira ayaa gudoonsiiyay kitaabka beelaha kale ee digil iyo mirif kale iyagoo sadaxdaasi beelood ay hadana wada gudoonsiiyay beelaha direed Beelaha *******,******,,,,,,,,,,,...., waxaa ay wada gudoonsiiyeen kitaabkaasi beesha shanaad. Beelaha shanaad ayaa sheegay inay in ay ku qanacsanyihiin waxa maanta ka dhacay laakinse ay tahay in magaca loo bixyey laga daayo habka 4.5 kana isna loo baahan in la dhaafo waayo bay dheheen waa aan dhibsanay. Sidoo kale haweenka shirka ka qaybgalaya ayaa la gudoonsiiyay kitaabtaasi quraamka ah. Ugu dambeyn gudoonka shirka ayaa waxaa ay daaha ka qaadeen in wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyey beelaha ay halkaasi ku dhamaadeen kuwaas oo hada kadib u gudbi doona ergooyin qaran. Dhinaca waxaa maanta looga dooday shirka beelaha qodobka 9-aad ee ka mid ah 11 qodob ee ajandayaasha shirka dib u heshiisiinta qaran kaasoo ah in la ergooyinku ay ka doodaan xagjirnimada diinta islaamka iyadoo qaar kood ay ka codsadeen shir gudoonka in loo macneeyo erayga agjirnimada iyadoo isla maanta dib loo dhigay qodobkaasi oo barri lagu wado in la sii wado. -
wararkii ugu danbeeyay ee shirka dib u heshiisiinta beelaha oo maanta horumar laga gaaray { 05 Aug 2007} waxaa la daabacay Sun 05 Aug 2007 15: 06: 45 Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socday magaalada Muqdisho ayey maanta shanta beelood ee ka qeybgalaya dhamaantood ay si qaraaxad leh isugu cafiyeen ugana calool duubteen wixii horay ugula dhex maray beelaha Soomaaliyeed. Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socday magaalada Muqdisho ayey maanta shanta beelood ee ka qeybgalaya dhamaantood ay si qaraaxad leh isugu cafiyeen ugana calool duubteen wixii horay ugula dhex maray beelaha Soomaaliyeed. Ugu horeyn beesha ****** oo uu horkacayo Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa 114 Kitaab Qur'aanka kariimka ah ugu hoyatay beesha ******* iyadoo ay socotay qasiidooyin Nabi amaan ah, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ka wakiil ahaa beelaha ******* ayaa ka guddoomay beesha ****** kuwaasoo iyaguna si wada jir ah ugu sii gudbiyay beelaha Digil iyo Mirifle. Maxamed Cabdullaahi Fiqi oo isna ku hadlayey magaca beelaha......... ayaa ka guddoomay beelaha ****** iyo ******* isagoo sheegay iney qaateen cafiska iyo galiinka ay u soo jeediyeen labadaasi beelood oo horay ugu tabanayeen iney u geysteen tacadiyo iyo xadgudubyo, sidoo kale beelaha ******, ******* ......... ayaa Kutubtaasi ay u gudbiyeen beesha Direed oo ay ugu galiimeen una weydiisteen iney cafiyaan kana guddoomaan. Boqor Raabi oo u hadlayey........ ayaa ka guddoomay sadaxdaasi beelood una sheegay iney iska cafiyeen wixii horay u dhacay oo ay xalay dhalay ka yihiin isagoo raaciyay iney ka rumeeyaan cafiskaasi codsadayna in sidooda afarta beelood ay ugu galiimaan beelaha isbaheysiga oo uu sheegay iney iyagu yihiin kuwa ugu dhibaatada badan ee 17-kii sano ay ku dhaceen tacadiyo iyo xadgudubyo ka gaar ah kuwa ku dhacay shacbiga Soomaaliyeed. Gabagabadii beelaha Soomaaliyeed markii ay is cafiyeen ayaa loo gudbay ka doodista qodobka Sagaalaad ee ah xagjirnimada Diineed taasoo hoolka shirarka ka dhalisay dood iyo falanqeyn la xiriirta in marka hore la macneeyo erayga xagjir iyo waxa loola jeedo. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa sheegay iney bannaan tahay in lala dagaalamo kooxaha xagjirka ah oo aan marnaba ogoleyn wada hadal, deganaansho iyo horumar. Dood iyo falanqeyn dheer oo mararka qaar gaartay in Makroofanada la isku ciriiriyo ayaa Sh. Cali Nuur Macallin uu halkaasi ka jeediyay erayo kul kulul oo uu sheegay in xagjirnimada hadey tahay mid Diineed ay Soomaalidu danbi ku tahay in wax laga sheego hadii ay taasi kuwo qaraxyada iyo weerarada wada ay banaan tahay in laga doodo. Gobolkabanaadir.com [ August 06, 2007, 01:51 AM: Message edited by: The Duke ]
-
Aydeed Jr, no longer an MP, further isolation
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer Salah, the man has said he is a amember of the courts now. -
Faysal Waraabe Jaalle Rayaalow adaa saxsan wax kasta ood samayso
General Duke replied to Liibaan's topic in Politics
Faisal Warrabe has found a new strongman in Riyaale. One should be happy for the man. -
Aydeed Jr, no longer an MP, further isolation
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Anyhow its great he left the TFG, he will be a great asset to the Clan Courts. -
Minister of Defence Col Bixi We will finsih of trouble makers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^How do you know? Do you know the man and his family or are you just saying that? -
Minister of Defence Col Bixi We will finsih of trouble makers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mr A/Rizaq **** Biixi is not a drunk, a disturbing fact that people just say what they want now days. Give titles like Drunk, Gaalo and so on. -
Aydeed Jr, no longer an MP, further isolation
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^A born again Somali, thats original. shirweynaha Casmara Group for Somalia Anyhow good luck to Aydeed Jr for the future. -
lol: defeated Courts want to hold talks with Ethiopia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer your lack of comprehension with basic politics is evident but you dont have to make it that clear. As for MPLS ist a hot bed for governemnt support trust me the groups you speak about are no more than a fringe organisation running out of steam. The courts are finished even in Mogadishu their days of power is over hence the diplomatic moves to come in from the cold. loool. -
Afgooye: Taliyaha ciidamada nabadgelyada Afgooye iyo ciidamo uu horkacayo oo dagaal kula wareegay Kontoroolka Baar Ismaaciil 4. August 2007 Afgooye(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada nabadgelyada degmada Afgooye iyo ciidamo uu horkacayey ayaa gelinkii danbe ee maanta dagaal xoogan ay ku qaadeen Kontoroolka Baar Ismaaciil ee laga galo degmada Afgooye halkaasi oo ay ku sugnaayeen maliishiyadii horay gacanta ugu heysay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ciidamada nabadgelyada degmada Afgooye Col. Cali Ismaaciil Isxaaq (Cali Xabad) oo horkacayey ciidamada nabadgelyada Afgooye ayaa waxay ku guuleysteen iney kala wareegaan bartaasi kontorool oo maliishiyada horay ugu qaadi jiray lacagaha leejada loo yaqaan iyadoo halkaasi ciidamada dowladda ay ku dileen mid ka mid ah maliishiyadii halkaasi ku sugneyd waxayna ku dhaawaceen afar askari oo kale oo dhinaca maliishiyada, waxayna ku soo qabqabteen tiro kale oo halkaasi ku sugneyd. Weerarkan ayaa yimid kadib markii maliishiyadii ku sugneyd bartaasi kontorool ay lacago xad dhaaf ah ku soo rogeen gaadiidka isticmaala wadada Afgooye iyadoo cabasho ay ka soo gudbiyeen darawalada gaadiidleyda iyo dadka masafurka. Arintan ayaa ku soo beegantay xili maanta maamulka degmada Afgooye ay sheegeen iney qorsheeyeen Lixdan Askari oo ka shaqeynaya nawaaxiga degmada Afgooye si wax looga qabto xaalada nabadgelyo, waana tallaabadii ugu horeysay ee maamulka ka qaado kooxaha sharci darada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Aydeed Jr, no longer an MP, further isolation
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xuseen Caydiid oo laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya Written by Osman Dhayib User Rating: / 0 Saturday, 04 August 2007 Xuseen Maxamed Caydiid oo horay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga qaaday Xilkii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa maanta waxaa mar kale laga qaaday Xilkii u haray ee Xildhibaannimo. Guddiga Dishibiliinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xuseen Caydiid ku eedeeyay in uu fadhiyada Baarlamaanka uga maqnaa sabab la’aan, iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay Axdiga iyo Xeer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo shir guddoominayay kulan ay maanta Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay in Xuseen Caydiid laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu si sharci darro ah uga maqnaa fadhiyada Baarlamaanka muddo ka badan labo bilood. "Xildhibaankaas isaga ayaa gudan waayay xilkii uu u dhaartay marka waxaan ka codsaneynaa Beesha uu ka soo jeedo in ay soo gudbiso qofkii u geli lahaa Baarlamaanka Soomaaliya"ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano tiradooda kor u dhaafeyso 30 Mudane ayaa horay looga saaray Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, inkastoo Xubnahan ay la baxeen Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka wuxuu sheegay in Xildhibaankii fasax iyo sabab la’aan maqnaada muddo 60 cisho ah laga saarayo Baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Maxamed Caydiid oo dhawaan u waramayay Wargeyska Al-Quds Al-Arabi ayaa wuxuu madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay waajibkooda gudan waayeen, isla markaana ay dalka Soomaaliya keeneen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xasuuq ku haya dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ahna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu ballaarsaday Awoodda uu sharciga u ogolyahay, isla markaana uu sameynayo waxyaabo uusan sharciga u ogoleyn. Last Updated ( Saturday, 04 August 2007 ) -
Horn adeer, it seems you are protesting way to much. Gedo being one of the poorest states in Somalia is a fact thats not appealing to me at all. However you have explained that this fact is due to prolonged conflict and so on. As for the new evidance you provided, well its the same as before. But do keep trying.
-
^^^Adeer why are you all of a sudden making up historical events? Eritrea lost the last war with Ethiopia and is Isolated. Though the Ocaden region is a complex issue and one that highlights the clan division within the Somali's as the major problem to getting any direction for that huge region. A stable Somalia will help the Ocaden and NFD more than the fake clan Jihadilooters of the courts and the assaisns in Moadishu.
-
A whole week and they have not been charged? Riyaale indeed is the superman of the North-West
-
lol: defeated Courts want to hold talks with Ethiopia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Oh my what a load of rubish. First as highlighted above these clowns operate from Asmara and not a Muslim led nation. They have lost and any such moves now will only highlight their many problems, financial, political and even clan support which is ebbing away by the minute. Many of those who were foaming from the mouth in particular in the cold streets of MPLS & London are now going about their business of earning a living The enthusiasam and the false clan bravado has come to haunt many. The few Ethiopian troops wil leave Somalia as the TFG armed forces and the AU troops arrive. Juje The courts [an organ of a state] was never going to get any where. The only way they can enter Somali politics again is if they change dramaticly. -
Baydhabo: Baarlamaanka Soomaaliya Oo xilkii Xildhibaanimo ka qaaday Xuseen Maxamed Faarax Caydiid. 4. august 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay xilkii Xildhibaanimo ka qaadeen Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo horay raysal wasaaraha Soomaaliya ugu qaaday xilka wasiirnimo. Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku eedeeyeen Xuseen Caydiid in uu ku tuntay Sharciyada baarlamaanka Soomaaliya ,isla markaana uu ka soo hor jeestay Axdi KMG ee Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay markaasi ka dib cod uqaadeen in uu xildhibaan ka sii ahaado golaha baarlamaanka ,maadaama loo jeediyay eedayn ku aadan in ka gaabiyay hawlihii Xildhibaanimo. Xuseen Caydiid ayaa wuxuu ka mid yahay kooxaha falaagadaa ee Jooga Magaalada Asmara ,halkaasna ka sheega in ay ka soo horjeedaan Siyaasada dawlada Soomaaliya ayagoo markaasi sidoo kale Aflagaado ugeysta Masuuliyiinta dawlada Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo arintaan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in wax laga xumaado tahay in xildhibaan Soomaaliyeed ka soo horjeesto dawladii uu xildhibaanka ka ahaa. Mahan markii ugu horeysay ee Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya laga cayriyo ayadoo horay looga qaaday xilka xildhibaanimo gudoomiyihii hore iyo 30 xubnood ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Caydiid oo laga eryay Barlamanka 4 Aug 4, 2007 - 9:26:52 AM Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Somaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa maanta ka sheegay kalfadhigii Baarlamaanka in Xuseen Maxamed Caydiid laga qaaday xubintii Xildhibanimo kadib markii uu Gudoomiyuhu shegay in uu gudan waayay waajibaadkiisii isla markaana uusan mudo 8 bilood ah ka soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka. Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka codsaday beesha uu ka dhashay Xuseen Caydiid in ay keensadaan xubintii u badali laheyd oo uu ku eedeeyay in uu la baxay ama ku biiray xubnaha Baarlamaanka Xorta ah ee fadhiga ka dhigtay Asma. Eedeynta loo soo jeediyay Xuseen Caydiid ayaa ka danbeysay kadib markii uu ku biiray xubnaha ka soo horjeeda fikirka dowladda ee fariisinka ka dhigtay magaalada Asmara kuwaasoo isugu jira xubno hore oo Baarlamaanka ka tirsanaa iyo mas’uuliyiintii midowgii Maxkamaddaha ee laga awooda roonaaday, isagoo dhawaan ku eedeeyay dowladda iney ka leexatay dariiqii loo soo dhisay oo ay dalka gelisay waxa uu ugu yeeray gumeysi cusub isla markaana uu isagu gartay inuu isaga baxo uuna amaankiisa u baqay. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
-
^^Anyhow good news is important. Keep it coming. Adeer.
-
lol: defeated Courts want to hold talks with Ethiopia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^looooooooool. I like the reaction to this news. Its another strategic retreat correct? Brilliant stuff, they vowed to fight then ran, they promised to hold Mogadishu then claimes "massacre". They were full of bravado and now reduced to this? Talk to Ethiopia like Ahmed Diriye group, talk to Ethiopia all you like it wont change a bit. Things have changed. Its the TFG that runs Somalia. Just dont piss of the only hand that feeds you now. Aferwarki and Eritrea. Geel-Jire Jihad is one led by Aferwarki in the Coptic Church -
Minister of Defence Col Bixi We will finsih of trouble makers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The man seems to be confident of his words. -
^^^Adeer Melez has defeated Aferwarki in two wars. Made Addis the Brussles of Africa while the despot in Asmara has siolated his beautiful country. Thats comparing the two dudes who were friends, allies and even relations. On the other hand the fact that the defunct courts and otehr ****** stay in Asamara hotels highlights only their fallfrom grace[if they ever had any]. Anyhow I wish Eritrea a better future than the past 10 years of constant wars, disputes and chest beating.
-
Captain Paddy Ankunda: Somalia has touched on the road to peace
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Captain Paddy Ankunada"Soomaaliya waxay cagta saartay wadadii nabada. Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalinta Africa ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiligaan la joogo cagta saartay wadadii nabada, ayna ka soo kaban doonto dagaaladii sokeeye ee la dagagay wadanka Soomaaliya. Captain Paddy Ankunada, oo magaalada Caruusha ugu waramayay wargeys ka faalooda Ganasiga Africa , ayaa wuxuu sheegay inuu rejeynayo in shirka qaranka ay ka soo qeyb galaah xubnihii Maxkamadaha ,in kastoo ay mar hore shaaciyeen in aysan ka soo qeyb gali doonin shirka qaran ee ka socoda Muqdisho. Soomaaliya waxaa ka jiray dagaalo sokeeye wixi ka horeeyey DFKS, waxaana shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay mudan yihiin inay ka hadlaan aayahooda si ay u gaaraan, nabad waarta ugana gudbaan dhibaatooyinka keenaya qaran xumada ayuu yiri Captain Paddy Ankunada. Isagoo Captain Paddy Ankunada, intaasi ku daray in Mudowga Africa uu soo dhaweyndoono qodabadii ay ku heshiiyaan balaha Somaaliyaa waxaana ku taageeryanaa sii socoshada shirka,isagoo intaasi raaciyey in saraakiil ka socota Midowga Africa ay tagaan Muqdisho si ay goob joog uga noqodaan shirka qaranka ee lagu heshiisiinayo beelaha Somaaliyeed. Captain Paddy Ankunada, wuxu soo hadal qaaday ciidamabada nabad ilaalinta isago shegay in dhawaan ciidamo ka socoda wadamada Burundi iyo Ghana ay tagayaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socoda Uganada ee kusugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada dalak Soomaaliya. Said Axmed Husein Email:umaxl85@hotmail.com -
Shirweynaha Dib u heshiisiinta oo u gudbay Siyaasadda iyo Dib u dhiska Dalka Written by Osman Dhayib User Rating: / 0 Friday, 03 August 2007 Shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ayaa qaaday tallaabo weyn oo horumar leh, kadib markii maana oo Arbaco ah 1-da Ogost la soo gabagabeeyay qodobadii kala ahaa: XALINTA KHILAAFAADKA BEELAHA IYO NABADGELYADA DALKA IYO HUB DHIGISTA, waxaana shir guddoonka ku dhawaaqay in shirweynuhu u gudbay marxalada labaad oo ah: SIYAASADDA IYO DIB U DHISKA DALKA. Doodo qabyo ahaa oo madasha maanta ay ka jeediyeen xubno dhowr ah o fikirkooda ku biiriyay qaabka dalka looga sameyn karo hub dhigista ayuu guddoomiye ku xigeenka guddiga qaran ee shirweynaha Jan. C/raxmaan Cabdi Xuseen shaaca ka qaaday in shirka intii uu socday looga dooday qodobada kala ah: khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhex yaallay, Hub dhigista iyo Maamul wanaagga. Jeneraalka wuxuu intaas sii raaciyay in qodobada laga dooday shirku go'aano muhiim ah ka soo saaray, wuxuuna shaaca ka qaaday go'aanadii shirweynaha qaran ka soo baxay oo kala ah: 1)In beelaha Soomaaliyeed khilaafkii u dhaxeeyay lagu dhammeeyay heshiis iyo is cafin. 2)In la isu celiyo wixii hanti ah ee muuqda. 3)In 1-da Ogost loo aqoonsado maalinta ay heshiiyeen gacantana la isu saaray beelaha Soomaaliyeed. 4)In dhammaan degaanada dhulka Soomaalida xabbad joojin guud ka dhaqan gashay laga bilaabo 1-da Ogost 2007. 5)In lagu heshiiyay hub dhigis guud oo dalka ka dhacda. 6)Waxaa laga gudbay marxaladii koowaad ee shirweynaha waxaana loo gudbay marxalada labaad oo ah: SIYAASADDA IYO DIB U DHISKA DALKA. 7)In laga bilaabo 1-da Ogost ergooyinka Beelaha ee shirweynaha Qaran ay ka gudbeen ergooyin beeleed una gudbeen ergooyin Qaran. Qodobadan muhiimka ah ee ka soo baxay shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta oo uu madasha ka hor akhriyay guddoomiye ku xigeenka guddiga shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta Jen. C/raxmaan Cabdi`Xuseen waxaa si diiran u soo dhoweeyay dhammaan ergooyinkii shirka oo sacab iyo reyreyn ku soo dhoweeyay, wuxuuna shirkii maanta ku soo gabagaboobay si xamaasad leh, oo guul weyni laga gaaray.
-
Minister of Defence Col Bixi We will finsih of trouble makers
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “Waqti dhow waanu soo afmeeri doonaa kooxaha yar ee rabshadaha magaalada Muqdisho ka wada” Wasiirka difaaca qaranka Soomaaliyeed Colonel C/risaaq ***** biixi ayaa markii ugu horesay ka dhawaajiyay in uu jiro qorshe ballaaran oo ay wasaaraddiisu waddo loogana gol leeyahay Wasiirka difaaca qaranka Soomaaliyeed Colonel C/risaaq ***** biixi ayaa markii ugu horesay ka dhawaajiyay in uu jiro qorshe ballaaran oo ay wasaaraddiisu waddo loogana gol leeyahay in lagusoo afmeero qaraxyada iyo weerarada ay magaalada Mqudisho ka fuliyaan haraadiga kooxaha qaran diidka. “Rabshadaha ay kuwani haatan wadaan waa kuwo looga gol leeyahay is muujin oo keliya,wax ay guul ku gaarayaana ma lahan,dadweynaha rayidka ah unbey leynayaan maalin kasta”ayuu yiri wasiirka difaaca qaranka Soomaaliyeed Colonel C/risaaq Biixi. “Wasaradda ayaa haatan ku guda jirta diyaarinta qorsheyaal lagu soo cirib tirayo kuwa rabshadaha wada”ayuu mar kale yiri wasiirka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo sheegay in qaran diidyadu aanay heynin tabar kale oo aan ka ahayn in qaraxyada ay sameynayaan ay isku muujiyaan,laakin ay dhawaan imaandoonto in ay wada qarsoomaan gebidgood. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya haatan ay ciidan ahaan ugu shaqeeyaan maliishiyooyinkii beelaha oo dantu ay baday,isagoo ka dhawaajiyay in la diyaarinayo milatarigii hore ee Soomaaliya,maliishiyooyinkana tababarro loo furi doono si mustaqbalkooda ciidanimo loo dhiso. Wasiirka ayaa digniin kama dambeyn ah u diray maliishiyooyinka qaran diidka,waxaana uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan cafiskii madaxda qaranka oo ay dadkoodana dhinac kasoo raacaan. Xafiiska war qabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. -
Wasiirka Gaashaandhiga Oo Wacad Ku Maray In Lasoo Afjarayo Amaandarada Muqdisho (Muqdisho}3.8-7 wasiirka gaashaandhiga dowlada Somalia Gen. C/risaaq ***** Biixi ayaa sheegay in la soo afjari doono goor dhaw gabi ahaan weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho......................................... wasiirka gaashaandhiga Somalia Gen. C/risaaq ***** Biixi ayaa ku sheegay weerarada iyo qaraxyada baryahan sida isdaba joog ah isu soo taray in looga danleeyahay isa soo shaac bixin aan wax soo kordhinayn. Gen.C/risaaq Biixi ayaa ku sheegay weerarada iyo qaraxyada sida tooska ah hadh iyo habeenba loo la beegsanayo ciidamada dowlada in ay ka dambeeyaan waxa uu ku tilmaamay argagixisada caalamiga ah iyo waliba xubnaha ku sugan magaalada asmara ee Eritrea. .Wasaradda Gaashaandhiga ayaa haatan ku guda jirta diyaarinta qorsheyaal lagu soo cidhib tirayo kuwa rabshadaha wada”ayuu su kulul u yidhi wasiirka gaashaandhiga Somalia. widhwidhonline@gmail.com Widhwidh Online News Desk..Media Center