
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^Adeer I dont speak for the rest, but the SSDF were fighting the regime and not the people of Somalia. The regime that was persecuting their members, then bombed Hargaysa and then triggered the civil war. Siyad Barre caused Somalia and its people more harm than Haile Salasy or Menghestu could ever dream of.
-
^^^Adeer dont excuse Siyad Barre, he ended up a leader of the SNF after destroying the nation.
-
^^^Adeer they the media you so much were in love with are turning on you.. Dayniile is siding with the locals and not with.. Now your father A/Qasin's Shabbele runs the news, the locals are setting up for a fight against the "invaders" why on earth are you always the invaders? .. Maamulka degmada Jilib oo eedeyn u jeediyay ciidamo duulaan ku qabsaday degmadaasi Mogadishu 07, August 07 ( Sh.M.Network) Maamulka degmada Jilib ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka beesha **** in ay doonayaan in ay baabi'iyaan maamulka degmadaasi. Afhayeenka maamulka degmada Jilib maxamuud Max'ed Cadde oo u waramayay shabakadda warbaahinta Shabelle, isagoo jooga duleedka magaalada Jilib ayaa waxa uu sheegay in dhibaato dhac, boob iyo dilba ay ka geysteen magaalada Jilib waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ka soo jeeda beesha **** oo duulaan ku qabsaday magaalada Jilib. Afhayeenka waxa uu beeniyay in ciidamada qabsaday degmada Jilib ay yihiin kuwo amar ka heysta dowladda KMG ah, isagoo sheegay in ujeedkoodana uu yahay in ay baabi'iyaan maamulka, deegaankana ay la wareegaan. Waxa uu rajo xumo ka muujiyay wada hadalo shalay magaalada Jilib ku dhex maray maamulka degmada Jilib iyo saraakiil ka socotay ciidamada duulaanka ku qabsaday degmadaasi. Afhayeenka waxa uu sheegay in ay ku howlan yihiin abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada qabsaday degmada Jilib, isagoo sheegay in ciidamadooda ay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi isla markaana waqti dhow ay qaadi doonaan talaabooyin ku aadan sidii gacantooda ay ugu soo laaban laheyd maamulka degmada Jilib. Dagaaladii ka dhacay dhowaan degmada Jilib ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen ku dhowaad 6 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaaladaan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamo ka soo duulay magaalada kismaayo iyo ciidamo deegaanka ah.
-
ME, adeer go wash your mouth and dont insult the SSDF.
-
^^^Mdheere what ever he is matters not he is the leader of Banadir and mayor of Mogadishu. Complaints wont make any difference to his position.
-
Rudy, the "Xasuuq" claims only come when these clowns are rounded up or executed. When they kill cleaning ladies or children oustide their home in a daily basis. The warlord media calls it an "accident". Anyhow it will continue untill Mogadishu is safe and secure for everyone.
-
Ciidamada amaanka G/Shabeelaha Dhexe oo gacanta ku dhigay ruux argagixiso ah iyo miinooyinka Remute conrol-ka laga hago. Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka gobalkaasi ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo 3 miino oo ah nooca remute control-ka laga hago iyo hal ruux oo argagxiso ahoo watay,iyadoo mid kalana uu baxsaday hase ahaatee lagu daba jiro. Argagixisadahan qaran diidka ah iyo miinooyinka uu watay ayaa lagu qabtay kontoroolka Garsaale ee duleedka degamda Jowhar,waxana uu doonayay in uu galo magalda gudeheeda oo deetana uu qaraxyo ka fuliyo,hase ahaate gacanta ayaa lagu dhigay dhagar qabahaasi ka hor inta aanu ujeedkiisii gaarin. Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa uu leeyahay ciidamo cudud ballaaran oo si weynna u feejigan iyo sir doon howlgalladoodu ay sarreeyaan, waxaana gobalkani uu wada shaqeyn la leeyahay gobalka Bnaadir. Masuul u hadlay saldhigga degmada Jowhar oo ka gaabsday magaciisa in la shaaciyo ayaa shabakadda carmooyin.com u xaqiijiyay soo qabshada ninkan iyo baxsashada midka kale,waxaana uu intaa ku daray masuulkani in baaritaano ay ku soconayaan ruuxa qaran diidka ah ee gacanta lagu dhigay oo la weydiinayo su’aalo ku aadan halkii laga soo diray iyo cidda sooo adeejisay intaba. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com
-
Ciidamada Xoogga iyo nabad ilaaliye yaasha Itoobiyaanka oo saaka howlgallo ka wada Suuqa Xoolaha Dayax ee deegaanka Waxaracadde. Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogag dalka Soomaaliyeed iyo nabad ilaaliye yaasha Itoobiyaanka ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa howlgallo ballaaran ay ka wadaan suuqa Xoolaha Dayax ee deegaanka waxaracadde ee degmada Huruwaa. Howlgallada ay ciidanku ka bilaabeen suuqa Dayax oo ah kan ugu weyn Muqdiho ee xoolaha lagu iibiyo ayaa waxaa ay kusoo beegmeen kaddib markii ay xalay suuqaa ka dheceen qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka gacmaha laga tuuro. Qaarka mdia dadka deegaanka oo saka u warramay shabaakdda wararka carmooyin.com ayaa sheegaya in ciidmadu ay dadka ka hakiyeen galitaanka suuqa,islamarkaana kuwii saaka waabarigii suuqa tagayna ay ku amreen in ayka baxaan. Wararka ayaa intaa raacinaya in ciidamadu ay galeen guryo dhowr ah oo ku yaala daafaha suuqa ,islamarkana ay gacanta kusoo dhigeen 6 ka mida maliishiyooyinka qarandiidka iyo hub iyo waxyaabo qarxa oo ay ku heysteen guryaha dhexdooda. Gacan ku dhigidda maliishiyooyinkan qaran diidka ah ayaa waxaa loo kaashaday oo gacan ka geystay dadka deegaanka oo soo sheegay guryaha ay maliishiyooyinka qaran diidku ku dhuumaaleysanayeen,waxaana maliishiyooyinkan la sheegay in ay ka qeyb qaateen qraxyadii xalay ka dhacay suuqa dayax. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com
-
Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo maalintii 3aad baaritaano ka wada Muqdisho Shabelle to air news in English Mogadishu 07, August 07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabay deegaano ka tirsan degmada Heliwaa, iyadoo howl-galladaasina ay galeen maalintii 3aad. Dadka degan xaafadaha inta badan ku teedsan wadada laamiga ah ayaa saakay ku waabariistay, iyadoo ciidamada dowladda oo isugu jira boolis iyo Militari ay taagan yihiin albaab walba gurigiisa, halkaasi oo baaritaano ay ka bilaabeen. Ciidamada dowladda KMG ah ayaa xir xirey dad badan oo ay ku jiraan dhalinyaro, ardey iyo dad waaweyn, inkastoo aan la soo sheegin haween la xir xirey sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamada ayaa dadka ay qabtaan waxa ay isugu geynayeen meelo barxado ah oo koox koox ay u fariisinayeen, iyadoo dhinacyadana ay ka taagnaayeen askarta dowladda KMG ah ee Somalia. Waxaa gabi ahaanba hakad uu ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo dadka ay cabsi ka muujiyeen howl-gallada baaxadda leh ee laga fulinayo xaafadahooda. Baaritaanadaan ayaa waxa ay ka dambeeyeen ka dib markii shalay halkaasi ay ka dhaceen weeraro bambaano oo lagu qaaday fariisimada ciidamada Ethiopia ee warshadii hore ee Baastada, iyadoo qaraxyada ka dib tacshiirad ay fureen ciidamada Ethiopia ay ku geeriyoodeen in ka badan 6 ruux. Howl-galladaan baaritaanada ah oo galay maalintii 3aad ayaa ciidamada dowladda waxa ay ku xir xireen dad fara badan, inkastoo dadkaasi qaarkooda la sii daayay halka kuwa kalena loo sii taxaabay xabsiga.
-
-
Adeer thanks for the joke, but I doubt you know more English than my person. Though you might think so and even believe you are more English, as you guys claim the Queen herself is your "Mother".lool.
-
^^^lool. What use is a passport from an unrecognised clan region. To the true belivers it holds some hope. But for the rest of Somalia and the world it means nothing much at all.
-
Sanca: homeless courts ready to talk to TFG[?]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer, no day dream the NRC has proven the TFG is in control while the courts and the looters have lost much ground. -
Mogadishu: President CadeMuse stroll across the capital +audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Mogadishu: President CadeMuse stroll across the capital +audio
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’isal wasaare Geedi iyo Madaxweyne Cadde oo Maanta Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’isal Wasaare Geedi ayaa maanta waxa uu kulan adag oo mudo kooban socday la qaatay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi , waxaana kulankooda uu ka danbeeyey markii ay Maanta si wadajir ah uga qeybgaleen Xiritaanka Siminaar loogu xirayey Iskoolka Police-ka Shaqaalaha Maamulka G/Banadir Madaxweyne Cadde ayaa xiligaa waxa uu uga warbixiyey Ra’isal wasaare Geedi Safarkiisa Muqdisho iyo waliba kulamadii uu la qaatay Madaxdii Dawlada Dhexe ee uu arkay. Sida uu Shabakada Wararka Carmooyin.com u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/Raxmaan Bankax kulan kale oo mudo badan qaadan doona ayaa u dhiman labada Mas’uul , waxa uuna sheegay Bankax in uu kan ahaa mid horudhac ah Mr: Bankax ayaa sheegay in ay sii joogi doonaan Magaalada Muqdisho waqti kale inta ay ka dhamaysanayaan kulamo wali uga harsan Madaxda Dawlada Federaalka Mar uu ka hadlaayey Bankax halka ay ku danbeeyaan Ciidamadii daraawiishta ee ay balanqadeen xiliga la soo rarayo ayuu sheegay in ay u xayirantahay oo kaliya arintaa Wasaarada Gaashaandhiga Si kastaba waxaa la wada dhawraya kulan ay Saxaafada ka qeyngasho oo ay wada yeeshaan Ra’isal wasaare Geedi iyo Wafuuda uu hogaaminayo Madaxweyne Cadde Muse Xirsi Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com -
Muqdisho: Dadka Xamar Weyne oo Generaal Cadde Muuse moodayey Wasiir ama Xildhibaan ka tirsan dowladda 6. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa la arkayey maanta isagoo ay la socdeen labo gaari oo ciidamada amaanka ee dhar cadka ah ay la socdeen ayaa kormeer ku soo kala bixiyay deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho sida xaafadaha Xamar Weyne. Xamar Jajab iyo Shangaani. "30 Sano ka hor ayaa iigu danbeysay magaalada Muqdisho, markii aan imidna runtiina waan la yaabay sida ay u dhisan tahay, inkastoo aan xaaladaha ka jira awal kor kala socon jiray waxaana ii asteysan inaan booqdo goobo taariikhi ii ah oo nolosheyda aanan ilooweynin mana jirto wax cabsi ah oo iga baajin kara inaan maro meeshii aan doono" ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo dhawaan qeybo ka tirsan warbaahinta xog-wareysi siinayey. Madaxweyne Cadde Muuse ayaa la arkayey isagoon aysan ka muuqan wax cabsi ah oo uu ka qabo qaraxyada iyo iska horimaadyada xiliyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho isagoo suuqii Xamar Weyne gaar ahaan agagaarkii Kawaanka uu ku soo maray socod dhinaca lugta ah isla markaana uu u guur galayo xaalada ay ku kala sugan tahay xiligii ugu danbeysay iyo xiligan. Kormeerka Madaxweyne Cadde Muuse ayey dadka ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan kuwii la kulmay aysan aqoon u laheyn iyagoo moodayey inuu yahay Wasiir ka tirsan Dowladda ama Xildhibaan, marka ay maqleen inuu Cadde Muuse yahay ayey si weyn ula yaabeen tallaabada geesinimada leh ee uu ugu dhex lugeynayey suuqii Xamar Weyne iyadoo horay u arag wasiir ama xildhibaan awoodin inuu ku dhex lugeeyo magaalada Muqdisho Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
The rise of Maakhir State and the fall of Puntland
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^It matters not as I have said the people of SSC are nationalists and will never support the secessionist day dream. Anyhow Sayid is right Awdal land seems a better bet. -
The video did not go far enough. Warlords part of the Clan Courts include Yusuf Siyaad IndaCade.. Fact that Sharif Ahmed is a former stooge of Mohamed Dheere Macalin Xashi former Musa Sudi stooge Shiekh Seeraar, Shiekh Goobanle and Shiekh A/Qasin. Abukar Cadaan used to fight street battles on the side of Bashir Raage, these past 16 years. Fact: Clan courts were allied with the warlords in the Balcad coalition. Fact: the clown courts built on public property and even looted areas they captured Jowhar included. Fact: clan courts leaders all reside in Asmara Eritrea hosts of a Coptic President who leads their "Jihad". The video missed these and many other points.
-
Madaxweyne Yuusuf oo maanta xeray siminaarki Tabeelayaasha 16-ka degmo { 06 Aug 2007} waxaa la daabacay Mon 06 Aug 2007 13: 59: 41 Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarunta Dugsiga sare Booliska ku soo gabagabeeyay siminaar kor loogu qaadayey aqoonta madaxda tabeelooyinka waaxyaha 16-ka degmo ee G/Banaadir. Siminaarkan oo furmay Talaadadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalayey madaxda tabeelayaasha, kaas oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin sare, waxaana soo diyaariyay siminaarkan maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha G.Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M.dheere) oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay siminaarka, wuxuuna sheegay in mudadii uu socday ay madaxda Tabeelayaasha ku barteen daruus la xiriirta tiro koob qoys, arrimaha nabadaafada, qaranimada, maamulka, waxbarashada, bilicda magaalada, arrimaha nabadgelyada iyo qodobo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay in ka qeybgalayaashu si fiican ugu faa'iideysteen. Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in qorshaha dariseynta ee gobolka Banaadir uu yahay mid wax weyn ka taraya qorsyahaasha sugida amniga ee gobolkan, wuxuuna mahad naq gaar ah halkaas ugu jeediyay hey'addihii gacanta ka geystay suurtagelinta siminaarkaas. Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka KMG ah Md. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo isagana halkaas kja hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay heerka xaga abaabulka dadka gobolka iyo qorshaha deriseynta, wuxuuna Wasiirku sheegay in guusha gobolka Banaadir gaaray ay tahay mid ay gaartay dowladda Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa isagana halkaas ka hadlay, wuxuuna sidoo kale maamulka gobolka ugu mahad celiyay qorshihii siminaarka, kaas oo uu tilmaamay inuu ahaa mid kor loogu qaadayey garaadka iyo biseylka hoggaamiyeyaasha tabeelooyinka, kuwaasoo uu ku tilmaamay iney yihiin dal jirayaal. "Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay la mid tahay madaxa oo kale, Madaxa waxaa ku yaala maskaxdii, dhegihii, indhihii, sanka iyo afka, muhiimada uu madaxa uu leeyahay noolaha dartiis ayaa Muqdisho loogu bixiyay magaalo madax, hadii ay degan tahay dalkoo dhan wuu degayaa, hadii ay xumaatana dalkoo dhan wuu xumaanayaa, sidaas darteed waa inaan ku dadaalnaa in Muqdisho ay nabad noqoto" ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhanka kale amaan u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan. Ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna salaan kadib mahad naq weyn u soo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku tilmaamay iney qaadeen tallaabooyin qiimo u leh dalka iyo dadka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay abaabulka qorshaha deriseynta ee min tabeele ilaa heer degmo. "Xaruntan degsiga sare ee Booliska aniga iyo koox kale ayaa tababar noo dhamaaday kadib sanadkii 1957-kii naloogu dhaariyay in aan daacad ugu adeegno dalka iyo dadka, ilaa iyo hadana dhaartaas ayaan ku shaqeynaa, sidaas darteed madaxda tabeelayaasha ee tababarkan dhameystay waxaan kula dardaarmayaa iney si daacadnimo iyo howlgar ah ugu adeegaan umada Soomaaliyeed" ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. "Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badanahay inta xun ee qaska ka wada magaalada, walaalayaal waa inaan garbaha is qabsanaa inteena wanaagsan ee daacadda ah, si aan ugu guuleysano kuwa u taagan xumaha" ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhanka kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u xeray tababarki madaxda tabeelayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir. Xafiiska warfaafinta gobolka Banaadir
-
Madaxda Qaranka Oo Maanta Xiray Siminaarkii 16-ka Degmo -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho (Calanka.com) 06-Augosto-2007 Madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta waxa uu xiray siminaar mudo isbuuc ah uga socday magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Iskole Bolisio madaxda tabeelooyinka waaxyaha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir. Siminaarkan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka furmay Muqdisho maalinimadii Talaadada ee eynu soo dhaafnay (31-0707), waxaana kasoo qeybgalay xafladaas furitaanka siminaarkan dad tiradoodu lagu sheegay in ka badan 2334-ruux. Dhageyso, Daawo furitaankii siminaarka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Maxamuud (M/dheere) oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay siminaarka, wuxuuna sheegay in mudadii uu socday siminaarku ay madaxda Tabeelayaasha ku barteen halkaa daruus la xiriirta tiro koob qoys, arrimaha nabadaafada, qaranimada, maamulka, waxbarashada, bilicda magaalada, arrimaha nabadgelyada iyo qodobo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay in ka qeybgalayaashu si fiican ugu faa'iideysteen. Wasiirka arimaha gudaha Somaliya mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) oo isagana halkaas ka hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay xaga abaabulka gobolka iyo qorshaha deriseynta, wuxuuna wasiirku sheegay in guusha gobolka Banaadir uu gaaray ay tahay mid ay gaartay dowladda Federaalka Somaliya. Waxaa sidoo kale ka hadlay halkaa ra'iisul Wasaaraha Somaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi, wuxuuna isna u mahad celiyay maamulka gobolka BAnaadir iyo qorshaha siminaarkan, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid kor loogu qaadayey garaadka iyo biseylka hogaamiyeyaasha tabeelooyinka oo uu ku sheegay iney yihiin dal jirayaal. "Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay la mid tahay madaxa oo kale, Madaxa waxaa ku yaala maskaxdii, dhegihii, indhihii, sanka iyo afka, muhiimada uu madaxa uu leeyahay noolaha dartiis ayaa Muqdisho loogu bixiyay magaalo madax, hadii ay degan tahay dalkoo dhan wuu degayaa, hadii ay xumaatana dalkoo dhan wuu xumaanayaa, sidaas darteed waa inaan ku dadaalnaa in Muqdisho ay nabad noqoto", ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhanka kale amaan u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan. Ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Somaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna salaan kadib mahad naq weyn u soo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku tilmaamay iney qaadeen tallaabooyin qiimo u leh dalka iyo dadka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay abaabulka qorshaha deriseynta ee min tabeele ilaa heer degmo. "Xaruntan dugsiga sare ee Booliska (Iskol Bolizio) aniga iyo koox kale ayaa tababar noogu dhamaaday sanadkii 1957-kii, waxaana naloogu dhaariyay halkan in aan daacad ugu adeegno dalka iyo dadka, ilaa iyo hadana dhaartaas ayaan ku shaqeynaa, sidaas darteed madaxda tabeelayaasha ee tababarkan dhameystay waxaan kula dardaarmayaa iney si daacadnimo iyo howlkar ugu adeegaan umadda Somaliyed" , ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. "Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badanahay inta xun ee qaska ka wada magaalada, walaalayaal waa inaan garbaha is qabsanaa inteena wanaagsan ee daacadda ah, si aan ugu guuleysano kuwa u taagan xumaha", ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhanka kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u xermay maanta tababarkii madaxda tabeelayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir. Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda