
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Wararkii ugu dambeyay shirka 1 Aug 1, 2007 - 5:30:20 PM Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee maalmahan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa maanta lagu gabagabeeyay qodob ku saabsanaa amniga Qaranka iyo Hub ka dhigis, taasoo ay beelaha Soomaaliyeed ergooyinkii u hadlayay ay maanta qeybihiisii dambe soo gunaanadeen. Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Gudomiyaha Golaha Dhaqanka beelaha ****** oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay kaalin ka qaadan karaan sidii Hubka beelaha gacanta ugu jira loogu wraeejin lahaa Dowladda. “Dowlada waxaa laga rabaa ciidamada ay qoraneyso ama ay adegsaneyso inay noqdan kuwo tababar iyo aqoon leh, awal ciidamada waxaa lagu qori jiray dishibiliin iyo aqoon, hadana waxay yihiin kuwo leyska qoray oo u bahan tababar” ayuu yiri Xaji Cabdi Iiman. Dhinaca kale beelaha Digil iyo Mirifle khilaaf soo kala dhex galay ayaa sababay ergoyinkodii qeyb ka mid ah ay shirka ka baxaan, kuwasoo ku kala qeybsamay cafinta hantida ka maqan, balse wadahadal gaar ah oo ay dhexdooda ka yeesheen kadib ay ku soo laabteen shirka, kana sheegeen inay cafiyeen tacadiyada beelaha ****** iyo ******* ay u geysteen, iyagoo dalbaday in kulamo gaar ah beelahaasi ay la yeeshaan si hantida muuqata ee laga heysto ay u soo celiyaan. Shir guddoonka shirka ayaa maanta u gudbay qodobka Lixaad ee ah habka dowlad wanaaga, Axdiga Qaranka, abuurista xisbiyo iyo asxaab, qabanqaabinta doorasho xor ah, aburista xisbiyo iyo asxaab kaasoo la filayo in maalmaha soo socda ay ka doodaan ergooyinka, iyadoo shir guddoonka shirka uusan shegin sababta looga booday qodobka Shanaad oo ahaa hanti isu celinta. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
-
Yey, Cadde, and the newly changed, diminished Puntland?
General Duke replied to xiinfaniin's topic in Politics
I think its a good deal. It cements Puntland's postion in Somalia. Thus reduces the risk for misunderstanding. The TFG got what it wanted. As for the bleak picture, indeed Puntland has many problems, corruption is its no 1 dilema. How to address this is the responsability of those who live and view the state as their home. This deal highlights that Puntland State is not a seperate entity from the TFG. -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Indeed, yes Cade is like the governor of Minnesota. Riyaale is a simmilar position. Dheere, is a governor of a single state traditional form. However if the people of Banadir, Upper Shabbele, Hiiraan, Galgaduud became a single state then the leader will be like Cade, Riyaale = President of the federal states. -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Yusuf is the President of Somalia. Cade Muuse is the state President of Puntland [Governor].. -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wufuud ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo Muqdisho gaaray Khamiis, August 02, 2007(HOL): Wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse ayaa maanta waxay ka degeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii ay ka duuleen garoonka Diyaaradaha Garowe. Wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku horeeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada Villa Somalia. Daqiiqado kadib ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad kale oo siday wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse, kaasi oo ay xubnihiisa ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab, waxaana wafdigaas sidoo kale loo sameeyay soo dhaweyn heer sare ah. Qadar daqiiqado ah kadib ayaa hadana waxaa garoonkaas ka degtay Diyaarad kale oo siday Wafdi Isimo ah oo ka socday Gobollada Puntland, kuwaasi oo la sheegay in ay Muqdisho u tageen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho dhowr cisho ah ku soo qaatay magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa intii uu ku sugnaa magaaladaas wuxuu soo xaliyay khilaafaadyo soo kala dhexgalay golayaasha Dowlad-goboleedka Puntland iyo weliba xiisad ka dhalatay lacago been abuur ah oo sicir barar ka dhalisay Deegaanada Puntland, iyadoo sidoo kalena uu Madaxweynaha ka qeybgalay sanadguuradii 9aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay maamul goboleedka Puntland. Ujeedada booqashada Wafdiga Madaxweyne Cadde Muuse ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sidii loo dhameystiri heshiisyo horay u dhexmaray maamul goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa sidii ay labada dhinaca isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka. Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in la dejiyay Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo ay ku sii sugnaan doonaan inta ay joogaan Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Cadde Muuse ayay u tahay markii ugu horeysay oo uu Magaalada Muqdisho tago tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
^^^lool. indeed..
-
Secessionist outcry against the man Riyaale
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwayne Riyaale Kadaa Kadaa Kadaa Cabudhinta Handadaada Iyo Cagajuglaynta Jamhuuriyada Soomaaliland' Jal S/L Ee Manchester UK Somaliland.Org — London, UK — 1 August, 2007 --------- Riyaalow Madaxweyne, maalmuhu markasta kuu noqonmaayaan ciid ama sidaad doonayso, madaxwayne Riyaale... kadaa ...kadaa... kadaa cabudhinta handadaada iyo cagajuglaynta Jamhuuriyada soomaaliland, hana ku dayan; 1-Hayeelin hana ku dayan gedii iyo dhaqankii maamulkii gedo ee Siyaad bare kuna dhisnaa maroorsiga; 2-Hayeelin hana ku dayanin gedii iyo dhaqanka Madaxweyne CABDILAAHI Yuusuf ee maanta maroorsiga ku dhisan; Labadaas xukun ee qalafsan korna ku xusan, waxaa laga dhaxley burbur, barakac iyo dhimasho aan tiro lahayn, oo ay nidaamadaasi ummada soomaaliyeed badeen, taaso keentay hurgumooyinka iyo dhibaatooyinka ummada Soomaaliyeed maanta haysta, oo taariikhda ummada Soomaaliyeed ka galay baal madow oo marna Somaalidu aanay ilaabi Karin. Haddii aanu nahay Qurbajooga reer S/land ee Manchester, madaxweyne Riyaale iyo maamulkiisow waxaan idin soo jeedinaynaa inaad raacdaan dariiqii ama dhabadii suubaneyd ee uu jeexay Madaxweynihii1aad ee Soomaaliland, ilaahay ha u naxariistee Mudane Madaxweyne; Cabdirahmaan Axmed Cali, kuna saleysnayd falsafadda ismaqalka, deganaata iyo nabadaynta Beelaha reer S/land, taaso keentay nidaamka dawladnimo ee reer S/land maanta haystaan. Runtii, taasiwaa marag madoonto in ay dadaaleen siyaasiyiinta, mujaahidiinta Aqoonyahanka iyo Odayaasha guurtida S/land Sacabadana ay is qabsadeen Guntiga u adkaysteen sidii bulshada reer somaaliland nabad ugu wada noolaato, Barwaaqo iyo badhaadhe dhamaantood, taas oo ay ka miro dhaliyeen. Iyadoo aan la been abuurayn Taariikhda, waxaa la sameeyey shirweynihii beelaha Somaliland ee ka dhacay Boorame, kaaso qaatay muddo 5 bilood, Heshiisyadii ka soo baxay shirkaas waxay dhaliyay dawlada ka jirta Soomaaliland maanta. Haddaba waxaa isweydiin mudan in laga jawaabo su;aalahan; 1-Maxay dawladu ilaa shirkii Boorame ay dhina qudhe oga raran tahay oo marnana aan la badalin? 2-Ma sidaasbaa cadaaladu, mise waa dhaxaltooyo ay garteen beelaha galbeed? 3-Haddi uu kuu saamaxay waqtigu inuu ku soo maro xukunkii ugu dheeraa ee Soomaaliland, Miyaad garan wayday tanaasulka iyo xurmadda reer Soomaaliland.. Mise waa jujuub iyo maroorsigii sidii Siyaad Barre lugu yiqiin? 4-Miyay gayaan siyaasiinta, aqoonyahaka iyo waxgaradkii u soo halgamay soo celinta xoriyadda soomaaliland oo maanta la harsanayo xadhig iyu u taxaabid xabsi? Haddaba waxaa naxdin leh, xadhiga iyo xabis u taxaabida sharci darrada ah ee lagu sameeyey siyaasiinta aqoonyahaka iyo haldoorka jamhuuriyada S/LAND..sida dhacday maalintii sabtidii, taariikhdu ahayd 28/07/07 kuwaaso kala ah: 1- Dr. Maxamed cabdi gaboose 2- Ing. Maxamed Xaashi Cilmi 3- Mr, Jamaal Caydiiid Falka noocaas ah ee Riyaale iyo Xukuumadiisu ku kacday waa ayaan darro weyn oo ku habsatay S/land, Arrinkaas oo lagu degdegey fiiro dheerna laga yeelan huwana fool xumo weyn, Taasina waxay keeni kartaa gadood, isku dhac, jahawareer, kacdoon iyo burbur ku habsada qaranimadda S/LAND. Iayadoo aynu higsanayney, hadaynu nahay ummadda reer soomaaliland himilo weyn oo citiraafka ah, isla markaana indhaha caalamkunna inoo soo jeedaan. Haddaba falalka uu samaynayo maanta ina Riyaale waxay wiiqaysaan nabadda, naaladda iyo barwaaqadda aynu harsanayno waxayna dib udhigaysaa aqoonsigii caalamiga oo ay sugeysey Somalilanad. Waxaan u sheegaynaa haddaanu nahay aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbo joogta ah ee ku nool magaaladda Manchester In dawladda iyo riyaalaba ay u soo celiso sharaftii iyo xurmadii ay lahaayeen siyaasiyiinta la xidhay, isla markaana si deg deg ah loo sii daayaa oo bilaa shuraad ah. Bayaankan waxaa soo saaray magacyada hoos ku qoqran: -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaliya Mudane C/laahi Yuusuf, Madaxweynaha Puntland Jan. Max’ud Muuse,iyo Mas’uuliyiin kale oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Max’ud Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Yuusuf Gaagaab ayaa abaara 11:00 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Max’ud Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Yuusuf Gaagaab ayaa abaara 11:00 maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaa ku soo dhaweeyey Maamulka G/Banadir oo uu ugu horeeyey Gudoomiyaha G/Banadir Ahna Duqa Muqdisho Max’ed Dheere oo Garoonka kaga hortagay waxaana loo sii gudbiyey Dhinaca Madaxtooyada Somalia. Sida uu Shabkada Wararka Carmooyin u sheegay Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada C/waaxid Max’ed , waxa u sheegay in Mdaxada ay qaban doonan Shir jaraa’id oo wada jir ah. Xiligii ay soo dagayeen Madaxadan aya waxaa si aad ah loo adkeeyey amaanka wadooyinka u dhaxeeya garoonka Muqdisho ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia Wafdiga Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG. Madaxweynaha Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdiga uu horkacayo ayaa safar maalmo qaatay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarun gobaleedka Puntland. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne Yuusuf, Jan. Cadde Muuse, Yuusuf Gaagaab iyo Mas’uuliyiin kale Oo Soo Gaaray Muqdisho. Mogadishu, Khamiis , August 02, 2007 SMC Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Cadde Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Yuusuf Gaagaab ayaa barqanimadii maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha oo ku socday ilaa Saddex diyaaradood oo qadar daqiiqado ah kala dambeeyey ayaa garoonka Aadan Cadde International waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG. Waxaa si aad ah loo adkeeyey wadooyinka u dhaxeeya garoonka Muqdisho ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo gabi ahaanba la xadiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Wafdiga Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG. Madaxweynaha Somalia Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa socdaal maalmo qaatay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarun gobaleedka Puntland, iyadoo Madaxweyne Yuusufna uu sheegay ka hor intii aanu saakay kasoo kicitimin garoonka Garoowe in ay ku guuleysteen dhamaan ujeedooyinkii socdaalkooda Somaliweyn Media Center (SMC) MogadishuSomalia -
Mogadishu: President's of Somalia Puntland reach capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wefdi ay hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cade oo Muqdisho ka oo degay. Mogadishu,2 August 2007 (HornAfrik Media) Madaxwaynaha dowladda fadaraalka soomaaliya oo wefdi balaaran oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland hoogaaminaya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta. Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay maanta Madaxweynaha dowladda ee soomaaliya iyo wefdi ka socda dowlad goboleeedka Puntland oo uu hor kacayo Madaxweyne Cade Muuse Xirsi. Mas’uuliyiin katirsan dowladda fadaraalka soomaaliya ayaa wefdigaasi ku soo dhaweeyey gagada diyuuradaha ee Aadan Cade International airport iyagoo dhanka Madaxtooyada u sii gudbay. Wararku waxaa ay sheegayaan in wefdiga uu hogaaminayo General cade oo markii ugu horaysay cagaha soo dhigay Muqdisho ayaa kulamo la qaadan doonaan Ray’sal wasaaraha dowladda fadaraalka Cali Maxamed Geeddi si markaasi looga wada hadlo xariirka labada dhinac islamarkaana waxaa ka mid ah heshiiska laga gaari karo in Ciidamada daraawiishta Maamul goboleedka Puntland ay ula wareegi la’ahayd dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa wefdigaan ka mid ah ergooyin hor leh oo la doonayo inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo intii uu joogay Madaxweyne yuusuf uu markii uu tagay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee garoowe uu soo jeediyay in ergooyin muhiim ah ay kusuganyihiin Puntland islamarkaana ay tahay in shirka ay ka qayb galaan. Imaatinka wefdigaan uu hor kacayo madaxweynaha dowladda fadaraalka soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili caasimada xalay ay ka dhaceen tuuryada madaafiicda hoobiyaasha ah kuwaas oo keenay qasaare xoogan oo dad rayid ah soo gaartay. -
Go’aamo ka soo baxay Wadatashigii dhexmaray Wafdiga DFKMS iyo DGPL. Monday, 30-Jul 2007 Shirkii guud ee galabta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ayaa wax ka soo qayb galay Weftiga uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DFKMS Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Madaxwaynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ,Golaha wakiilada, golaha Xukuumadda, Isimada Puntland iyo qaar ka mid ah shacab magaalada Garowe. Kulankan ayaa waxaa uu lahaa labo weji oo kala ah Gunnaanadkii Weftiga Madaxweynaha booqashadoodii iyo xiritaankii Kalfadhiga 17aad ee golaha Baarlamaanka kaasi oo furnaa muddo 45cisho ah. Hadaba furitaankii kulankaasi ayaa ayaado quraan ah ka dib waxaa furay guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee DGPl, waxuuna yidhi waxaa galabta xirmaya kalfadhigii 17aad ee Golaha wakiilada DGPL, intii goluhu furnaa waxaanu qabanay Xisaab xirkii, iyo qorshaha shanta sanno, wixii haatan hadhayna waxaa sii qaban doono guddiga joogtada haddii alla idmo. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii loo gudbiyey Madaxweynaha DGPL mudane Maxamuud Muuse Xirsi, waxuunaa salaan ka dib yidhi “galabta waxaa xirmaya kalfadhigii 17aad ee Baarlamaanka DGPL waxaan jeclahay in dhibaatooyinka jira in la saxo, wixii naloo soo jeediyana waa qaadanaynaa, Puntland waxa loo burburinayaa waa federaalka dartii wax gaar ahna ma wadano, waxaan jecelnahay siday Puntland u hagaagi lahayd qaranimadii Soomaaliyana u soo noqon lahayd Danta guud ayaan ka shaqaynaynaa. Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, “ puntland waa xaruntii Midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed waana Dowlad Gobeleedka keliya ee dhisan, waxaana la kulanay Golayaasha Dowladda, guddiga Joogtada ee Baarlamaanka, golaha wakiilada DGPL, Issimada, iyo Ganacsatada iyagoo u midaysan sidii mustaqbal puntland ay isu garab taagi lahaayeen, waxaa laysla gartay oo laysku raacsan yahay ka dib markii la galay dood dheer iyo falaqayn in dhinac looga soo wada jeedsado wada jirka Puntland, markastana looga shaqayn lahaa nidaam dhaqan dhaqaale, Madaxweynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi Ammnigu ma sugna qodobo ayaan ka gaarnay jiritaanka Puntland waana Jiritaanka qof kasta oo reer Puntland ah, waxana loo baahan yahay halkaad ka soo bilowdeen waad ogaydeen waan in hore aad uga sii socotaan. Haddaba qodobada laysku raacay ka dib kulamo isdaba joog ah dood dheer iyo falaqayn ayaa waxa laysku raacay qodobadan soo socda, waxaana halkaasi ka akhriyey Xilshibaan Cabdirashiid Maxamed Xaashi(Ciro) oo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKGM.waxayna kala ahaayeen sidan: 1. Arrimaha siyaasada, Waa in la helaa Bulsho midaysan, mudnaan gaar ah waa in la siiyaa gobolada Sool, Cayn iyo Sanaag, ,Xuduudaha Punland.Xoogaga Isbahaystay waa in midnimo looga hortagaa, mudada Dowladda waa afar sanno, waxaana mudada u hartay looga baahan yahay dibu eegidda Dastuurka, afti dadweyne, sharciga aftida xisbiyada. 2. Arrimaha Ammniga, Waa in dib loo dhisaa Booliiska, Asluubta, Puntland waana in ay bixisaa bil kasta Mushaharka ,xuquuqda, Tababarka iyo howlaha kale. Daraawiishta Dowladda Federaalka ah ayaa la wareegeysa, baahidoodana fulinaysa, hubka dhigis waa in la hirgeliyaa oo hay’adda DDR la howlgeliyaa, dhaqan celina waa in lagu sameeyaa Ciidan Beeleedka, sifaynta Cadowga Ciidanka badda Dowladda Federaalka ayaa badidiisa Daboolaysa. 3. Arrimaha dhaqaalaha, Waa in si sax ah loogu dhaqmaa Miisaaniyadda Sannadka, bil walbana ay bixisaa mushaharooyinka, dibna waa in loo saxaa Shaqaalaha. Ganacsigu waa tartan xor ah iyo suuq xor ah, Xabagta waa in la dhiiri geliyaa, Maxjarka waa in la hirgeliyo waana in ay dhisaan Shirkadaha Ras-Al Khayma iyo Sucuudiga, waxaase mamulaysa DGPL, shirkad kasta oo xoolo dhoofisaa waa in ay soo martaa maxjarka, suuqa ay geynaysana waa ay u madax bannaan tahay, marka ay hesho labada shahaado ee kala ah waraaqda caafimaadka iyo cadaynta gobolka uu ka yimid, heshiisyada kalluumaysiga, Shidaalka iyo Macdanta Puntland way gelikartaa iyadoo la soo wergelinayo DFKMG, In la dhowro hay’adaha Dowladda dhexdeeda, in la dhowro issimada kaalintooda, waxaana la mamnuucay samaynta iyo Keenista lacagaha Been abuurka ah, lacagtana waxaa maamuli doona Bangiga dhexe ee DFKMG ah. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii mar labaad lagu wareejiyey Madaxweynaha DFKMG ah waxaanu DGPL uu ka codsaday in la fuliyo Go’aamada laysku raacay ee ayan noqon wax meeshaas inta layskag yiraahdo aan hadhow hirgelin Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah isimada oo uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxmed oo dhammaantoodba sheegay in ay go’aamadaasi raali ka yihiin kuna raacsan yihiin. Ugu Dambayntii waxaa kulankaasi oo isugu jiray labo arrimood soo gababeeyey Madaxweynaha DGPl kuna dhawaaqay in uu xiran yahay Kalfadhigii 17aad ee socday mudada 45cisho ah
-
Qodobo ay ku heshiiyeen DFKMG ah iyo MGPL 30 Jul 30, 2007 - 5:25:09 PM Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf ayaa shaley ku soo bandhigey qodobo lagu sheegey in lagu xalinayo dhibaatooyinka ka tagaan Puntland isla markaana lagu xalinayo khilaafkii u dhexeeyay DFKMG ah iyo DGPL xiritankii kalfadhigii GW Puntland kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha DGPL Cadde Muse, golaha wasiirada, waftigii la socdey Madaxweynaha iyo Issimo ayaa waxaa hadal ka jeediyay Madaxweyne Yusuf oo sheegey in ay Puntland soo gaareen kadib markii ay ka dhaceen mudahradyo wata rabshado iyo khilaafyo soo dhexgaley golayaahsa Puntland. Qodobadan oo uu akhriyay xildhiban ka tirsan DFKMG ah ayaa waxa ay ka koobnayen sidatan: 1-Siyaasada 2-Amniga 3-Dhaqaalaha iyo toosinta maamulka. 1) Siyaasada a) In la helo bulsho midaysan oo ka wada-shaqaysa danaha Ummada , in Golayasha dawladu ay wadashaqeeyaan. b) In fiiro gaar ah loo yeesho kooxo is-bahaystay oo aan doonayn jiritaanka Puntland iyo qaranimada Somalia. a) In xiliga dawlada Puntland ay tahay 4 sano b) In dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Puntland c) In la diyaariyo sharciga axsaabta d) In la sameeyo Guddi doorasho 2) Amniga : a) In Ciidanka Boliska iyo Asluubta la habeeyo oo tababaro loo furo ayna ahaadaan kuwo xadidan iyada oo ciidanka Darawiishta Puntland ay la wareegtay DFKMG ah , mas'uul-na ka tahay ah islamarkasna dhaqalaha iyo tababarkoodaba la waregayso. a) In Puntland laga hirgaliyo barnaamijka DDR ee hub ka dhigista b) In xuduudaha Puntland ee Waqooyiga iyo Koonfurta la asteeyo C) In ciidanka badda la habeeyo islamarkasna ay DFKMG ah ay la wareegto mamulkooda. 3) Dhaqaalaha : a) In Miisaaniyada lagu dhaqmo bil-kasta b) In shaqaalaha Puntland ay bil-kasta ay helaan mushaharkooda B) In Maxjarka ay dhisto shirkada maamulka Puntland uu heshiiska la galay isla markana la dhaqan galiyo iyo in la hubiyo qiimaha adeega Maxjarka iyo khidmadha laga qaadi doono ganacsatada xoolaha dhoofsaneyso. a) In la sameeyo shahaado caafimaad oo ay xooluhu leeyihiin b) Kalluumaysiga waxaa ka mas'uula ah maamulka Puntland c) Batroolka iyo Macdanta waxaa ka mas'uul ka ah DFKMG ah , hayeeshee iyadoo wacyiga lagu-jiro la eegayo maamulka Puntland waa uu sidii wadi-karaa heshiisyadiisa iyo hawlaha shidaalka iyada oo kala tashaneysa DFKMG ah. Waxaa la mamnuucay daabacaada lacagaha waxaana xaq u leh Banngiga dhexe a) In Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah Issimada ay Muqdisho tagaan. Toosinta Maamulka a) In la saxo khaladaadka dawlada b) In Golayaasha dawladu ay wada-shaqeeyaan d) In Issimada talada wax laga wadaajiyo e) In lagu dhaqmo Shuruucda dalka In gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn si wayn maamulku uga hawlgalo dhaqaale ahaan , maamul ahaanba iyo siyaasad ahaanba. Dhinaca kale Madaxweynaha DGPL oo halkaas ka hadley ayaa sheegey in aysan jirin khilaaf u dhexeeya mamaulkiisa iyo DFKMG ah isaga oo sheegey in ay waligood saxiib ahaayeen Cabdulahi Yusuf. Madaxweynaha DFKMG ah ayaa la filayaa in dhowaan ka ambabaxo Puntland iyada oo u fuleen howlihii uu yimid. Xabsade oo wareejiyay xilkii wasraadii Amniga. Xaabsade oo maanta ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay wasiir ku-xigneekiisa ayaa sheegey in wasaaradiisa sidii loo rifayay goortaan tagi wayay leygu yiri iska tag. Waasirkii hore ee amniga ayaa sheegey in madaxweynaha uu xaq u leeyahay in xilka uu ka qaado balse horey looga qadey mas'uuliyada oo aysan aheyn mid cusub. Xaabsadsade ayaa tibaaxey in wasardiisa laga qaadey markii hore howlihii ahaa : Laanta Socdaalka, wax ka qabadka masiibooyinka, reer miyiga, gobolada iyo Booliiska kuwaas oo lagu biiriyay wasaarada Cali Cabdi Awaare. Xaabsade ayaa sheegey in la kulmey waftigii ka socdey Somaliland basle hada uusan wax xill ah ka qabneyn mamaulka la magac baxey Somaliland. Wasiirkii hore ee Amniga ayaa sheegey in maamulka Puntland gaarsiisneyn gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn isaga oo sheegey in Cadde Muse ku guuldareystey in wax ka qabto dagaaladii dhexmarey beelihii Buhoodle. Garowe Online,Garowe
-
Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo gaarey magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland iyo wafdi ballaaran oo ay isimo ka mid yihiin ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wafdiga dawladda federaalka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa saaka ka amba baxay magaalada Garoowe halkaas oo ay muddo toddobaad ah ku sugnaayeen. Dhinaca Puntland-na waa markii ugu horreysey ee madaxweyne ka socda dawlad goboleedka Puntland uu gaaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Mas'uuliyiintan ayaa waxaa soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada dawladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir waxana ay haatan ku sugan yihiin xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho. Wafdiga ka socda dawlad goboleedka Puntland ee uu ugu horreeyo madaxweyne Cadde Muuse ayna kamid yihiin isimo ka socda deegaannada Puntland ayaa la filayaa in ay booqdaan kana qayb galaan xarunta uu shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ka socdo ee magaalada Muqdisho. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Sanad Guuradii Sagaalaad Markii dhidibada loo asteeyey Puntland oo maanta la xusey Garowe:-Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ka dhacdey Munaasabad Balaaran oo ku aadan Sanad Guuradii 9-aad ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey DG Puntland ee Soomaaliyeed. Munaasabada oo ka dhacdey Garoonka kubada Cagta ee Mirre Awaare ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb galey labada Madaxweyne ee DF Soomaaliya kan DG Puntland, Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Maxamuud Muuse Xirsi. Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galey Munaasabadaan Xubno ka tirsan Wasiirada MG Puntland, Xildhibaano Baarlamaanka Fedraalka iyo kan Puntland ka tirsan , Isimo, Waxgarad Cuqaal, Aqoonyahano Ururada Bulshada Rayidka, iyo Shacabka Magaalada Garoowe ku dhaqan. Kooxda Baambeyda ayaa waxaa ay garaacayeen Heesta Calanka Soomaaliya waaana Sallaan sharaf gudoonsiiyey Ciidamada Daraawiishta ee Soomaaliya Labada Madaxweyne, waxaana ay ku gudoomeen Salaanta. Madaxweynaha DG Puntland oo hadal ka jeediyey Munaasbada ayaa sheegey in loobahanyahay in la mideeyo Fikradaha Umada ku dhaqan Puntland. Madaxweynaha waxaa uu ku dheeraadey mudadii uu ku sugnaa wax yaabihii uu kala kulmey Puntland waxa uu doonayey in uu qabto markii uu isu soo taagayey xilka madaxtinimada Puntland iyo waxa haatan u qabsoomey. Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf oo sina hadal ka jeediey Munaasabada ayaa sheegey in Dawlad Goboleedka Puntland ay ku timid Rabitaanka Shacabka Reer Puntland. Madaxweynaha waxaa uu sheegey in uu horey u soo hayn jirey Xilka Madaxtinimada Puntland isla markaana uu ka mid ahaa dadkii wax ka so odhisey Maamulka Maanta ay ku hoos jiraan Umada ku dhaqan Deegaanada Puntland. Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ku wada dheeraadeen in ay jiraan dad doonayo in ay bur burto DG Puntland dadkaas oo u shahey Goboladaan. Waxaa sidoo kale isna ka Hadley Munaasabada Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sheegey in Puntland dadkeedu ay ka shaqeeyaan dhinacyada Amaanka Horuamarka waxaana uu ka codsadey Mas’uuliyiinta maanta horjoodey in ay ka soo iftiimaan Xilalka loo igmadey. Dhinaca kalena waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari laga xusey munaasabada 9-aad ee ka soo wareegtey markii Dhidibada loo taagey Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland oo ku beegan maanta oo ah 1 August. Xaflada balaaran oo ay soo agaasimeen maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa waxaa ka soo qeyb galey Munaasabadaan dadweyne aad u farabadan oo Reer Boosaaso ah. Waxaana hadalo koob kooban ka soo jeediyey Gudoonka Gobolka Kan Degmada iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasada Barkhad Cali Saalex. Waxaan madashii Maanta suugaan aan la dhayalsan Karin ku soo bandhigey Hobolada Wallaalaha Gobolka Bari. Guud ahaan Puntland ayaa maanta waxaa ay u ahayd maalin ay xusaan Maalintii ay sameysteen Maamul oo ay kaga gabadeen Dullinimada kala firirsanaanta iyaga oo ku helay Isku duubni Dhaxalsiisey Maamul Wanaag iyo Nabad gelyo ay ku naaloodaan Reer Puntland. Puntland waxaa la Aasaasey Maanta oo kale Sanadkii 1998 tan iyo xiligaasna waxyaabaha looga danbeeyey Puntland waxaa ka mid ah Deganaansho iyo Maamul aan ka madaxbanaaneyn Umada Soomaaliyeed iyada oo ay Puntland Marti gelisey isla markaana ay soo dhaweeyeen dad ka soo barkacay Koonfurta Wadanka Soomaaliya iyo Wadamada ay Soomaaliya Dariska yihiin sida Wadamad Itoobiya, Kenya iyo wadamo kale oo ku yaala Gobolka. Mohamed Ali (Dalmar) mohamedali11@gmail.com HorseedNet News Monitoring.
-
-
-
-
The father of the state Dabaaldagii Sanadguuradii Sagaalaad Ee Puntland -------------------------------------------------------------------------------- Garoowe (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Munaasabad balaaran oo lagu xusayey sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay Garoonka kubada cagta ee (Mire Awaare Stadium) ee Magaalada Garoowe. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Mas,uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed,Madaxweynaha Puntland Cade Muuse Boqor,Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Baarlamaan ee DFKG ah iyo Puntland iyo Isimo uu ka dhex-muqday Islaan Ciise Islaan Maxamed. Dhamaan Mas,uuliyiintii ka hadashay Munaasabada ayaa ku booriyay Dadweynaha Qowmiyada Puntland inay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo xasiloonada Magaalada Garoowe oo ay ka dhaceen Todobaadkii tagay mudaaharaad balaaran oo looga soo horjeeday sicir barar la soo gudboonaaday Shacabka Reer Puntland. [ August 02, 2007, 05:27 PM: Message edited by: The Duke ]
-
16 years of murdering innocents, a terrible addiction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Yet another tragedy 8-Ruux Oo Rayid Ah Oo Ku Dhimatay Hobiyayal Aan Loo Meel Dayin Xamar -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(Calanka.com) 02-Augosto-2007 Inta la ogyahay sideed ruux oo rayid ah (4-dumar ah & 3-caruur iyo nin waayeel ah) ayaa ku nafwaayay tiro ka badan labaatameeyana waa ey ku dhaawacmeen hoobiyeyaal xalay saq dhexe ey si dhuumaaleysi ah ku tuureen xaafadaha ku dhow-dhow wasaaraddii hore ee G/Dhigga kooxo aan la garaneyn ee diidan nabadda. Dadkan shacabka ah ee la gumaaday ayaa guryohooda loogu geeyay madaafiicdan xilli ey hurhurdeen oo ey saqdhexe aheyd saacadu, waxaana kooxaha falkan geystay ku andocoonayaan in ey la dagaalameen oo ey weerareen ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia oo fariisimo ku leh aagaga ey shacabkan ku xasuuqeen. Rayidkan xalay la gumaaday ee aan waxba galabsan ayaa wararku sheegayaan in markoodii hore ey ahaayeen qoxooti kasoo barakacay gobolada dhexe hadana bilaabay in ey kasii qaxaan goobahan si ey uga badbaadaan mdaafiicdan aan loo meel dayin oo ey tuurayaan kooxaha nabada diidan. Ma ahan markii ugu horeysay oo ey shacab aan waxba galabsan gumaadaan kooxahan, waxaana 19-kii bishii hore ey gumaadeen 6-caruur ah oo ku ciyaarayay banaanka guryohooda iyagoo markaana ku andocoonayay in ey weerareen goob uu ka furmay shirka dib u heshiisiinta Qaran. Kooxahan oo ey maalgaliyaan ganacsato careysan oo aan dooneyn in ey u hogaansamaan shuruucda dowladda ayaa waxa ey isku dayaan in ey had iyo goor khal-khal galiyaan amaanka caasimadda, waxaana inta badan weerarada dhuumaaleysiga ah oo ey geystaan ey ku wax yeeleeyaan dad shacab ah oo aan galabsan wax danbi ah. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
Geel-Jiire. The points you made are the same as the ones we have discussed earlier. Yes Ethiopia fought against the Eritrean and other groups in Somalia supporting the Clan Courts, who after their defeat are stuck in Asmara. However to say Ethiopia runs Somalia is just a joke. They defetaed their enemy and the TFG defeated their enemy and American made some news worthy points in its war against "terror". Everyone scored points. The Clan Courts, Oromo, ONLF, and Eritrea lost with their Arab backers.
-
^^^I am British like 60 million others, but I never claimed she was my mother unlike the secessionist leadership. They must have smoked IndaCade's herbs.
-
Ismael Umar Gulleh congradulates Somali President on NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Adeer stop with the insults adeer, its a second time dont complain later. Also one needs to go back and read the dictionary with the aim of finding out the word praise, even irony gets you lost. Anyhow another stone is taken off our shoes. Ismael Umar Gulleh has coem to his senses, thats great. Though we know who will think thats praise.. loool. -
Chinese gamble on finding oil in hostile Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Chinese President Hu Jintao ® meets with Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed at the Great Hall of the People in Beijing, capital of China, Nov. 7, 2006. Abdullahi Yusuf Ahmed attended the Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) Nov. 4-5 -
Garowe: Somali President meets state officials business groups: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source