General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Golaha Maxkamadaha Islaamka Somaliya, oo ka soo debceen Mowqifkii ay ku diidanaayeen inay DFKMGS kula xaajoodaan, xilli ay GMIS beeniyeen inay Dowladda Ethiopia la yesheen Wada-xaajood qarsoodi ah Mogadisho, Isniin , August 06, 2007 SMC Ilo Diplomaasiyiin Carbeed ah, ayaa ka shanqariyey inay GMIS soo bandhigeen Hindise la xiriira inay mar kale DFKMGS la bilaabaan Wada-xaajood lagu xalinayo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Labada dhinac, oo dabayaaqadii sanandkii hore dagaal lagu riiqmay uu dhex maray. Wargeyska Maalinlaha ee Asharqal-awsad ee ka soo baxa Magaalladda London, ayaa maanta soo daabacay inay soo xooraansadeen in Wafdiga ka socda GMIS ee haaatan socdaalka hawleed ku jooga Casimadda dalka Masar ee Qaahira u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta inay GMIS diyaar u yihiin inay soo galaan Wada-xaajood Nabadeed oo looga hadlayo Arrimaha dalka Somalia. Wargeyska, waxa uu intaasi ku daray inay Ergadda,Maxkamadaha ay saddex shuruud ku xireen Ka-qeybgalka Shirweynaha Nabadda Somalia, waxayna shuruudahaasi kala yihiin:- Inay Ciiddanmadda Ethiopianka ka wada huleelaan gudaha dalka Somalia Inay Ciiddamadda Ethiopianka joojiyaan dhammaan Taageeradda ay siiyaan DFKMGS iyo in la qaado Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Ajnabiga ee ku sugan gudaha dalka Somalia. In Shirweyne Dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed lagu qabto meel ka baxsan dalka Somalia, oo ay Dowladaha Carabta ama Islaamka dhexdhexaadiyaal ka yihiin. Dhinaca kale, Dowladda Federalka Somalia iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegayo inay Golaha Maxkamadaha Islaaamka iyo Dowladda Ethiopia yeesheen Wada-xaajood qarsoodi ah. Guddoomiyaha Guddigii Fulinta ee GMIS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyey arrintaasi, isagoo sheegay inaysan jirin xiriir qarsoodi ah iyo mid toos ah aanay la yeelanin Dowladda Ethiopia, wuxuuna ugu baaqay inay Ciiddamadooda kala baxaan gudaha dalka Somalia. Wargeyska Asharqal-awsad waxa uu maanta qoray inay Dowladda Federalka beenisay inay wax ka og tahay Xiriir dhex maray GMIS iyo Dowladda Ethiopia ee ay Isbahaysiga yihiin,. Mas’uul ka tirsan DFKMGS oo u waramay Wargeyska Asharqal-awsad, ayaa beeniyey inay Dowladda wax ka og tahay xiriir dhex maray GMIS iyo Dowladda Ethiopia, wuxuuna Mas’uulkaasi oo aan maagaciisa la shaacinin uu sheegay inuu xirmay baabkii Wada-xaajoodka ee ay la lahaayeen waxa uu ugu yeeray Argagixisadda. Sidoo kale, Mas’uul ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa iska fogeeyey run ahaanshaha Wada-xaajoodka qarsoodiga ee la sheegay inuu dhex maray Dowladda Ethiopia iyo Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia
  2. Ciidamada Dowlada Federaalka oo hawlagalo ka wada Xaafada Wardhiigley Last Updated::2007-08-06 09:33:57 Muqdisho:- Ciidamada DFKMG ayaa baaritaano balaaran ka wada Xaafada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Waxaana gebi ahaan xiran wadadadii 30ka iyo Warshadaha halkaasi oo ay ka socdaan baaritaano lagu doonayo xubno kamid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho weerarada ka geysta. Ciidamada DFKMG oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa shalay xiray wadooyin iyo isgoysyo kala gedisan oo ku yaal magaalada Muqdisho, si ay halkaasi uga xanibaan kooxo la sheegay in ay ku dhex dhuumaaleysanayaan xaafadaha magaalada. Waxaa saaka oo Isniin ah dib loo furay qaar kamid ah wadooyinka gala suuqa weyn ee Bakaaraha ayadoo shalay qaar kamid ah jidadkaasi loo xiray arrimo la xariira baaritaanadan. HorseedNet.com
  3. ^^^Dreaming are those who seek refugee in Asmara and attack nation like France and organisations like the Arab league. One must know his or her limitations
  4. ^^^They colonised the whole Maghrib and are a permenet members of the security council. A man who is fleeing the TFG army can not talk to France. But its further good news.
  5. ^^^If its true then they have failed. If Sharif does not know then there may be even a bigger problem within them which has to surfice. If its spin then the TFG is coming of age. Here is more good new. Ibrahim Cadow Oo Ku Baaqay Inay Wadohadallo La Galayo Dowladda Federaalka uuna ka qaybgalayo shirka Dib u heshiisiinta. Aug 4 2007 Radiofreesomalia.com Ibraahim Xasan Cadow oo ahaa madaxii arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha ayaa asagoo ku sugan magaalada Saca ee dalka Yemen sheegay in midowga maxkamadaha ee laga itaalka roonaaday ay diyaar u yihiin inay wadohadallo la yeeshaan dowladda federaalka Soomaliya si loo af soojaro colaadaha ka taagan Somaliya. Ibraahiim Xasan Caddoow oo u waramayey wakaalada wararka ee dalka Yemen ayaa waxaa kale uu sheegay inuu shaqsi ahaan diyaar u yahay xal raadinta uuna taageersan yahay Shirka dib u heshiisiinta ka socda magaalada Muqdisho. Wakaalada wararka Yemen ayaa waxaa kale oo sheegtay in masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa midowgii maxkamadaha ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida , lana shaqeeyaan Dowlada KMG. Midowga maxkamadaha oo ka talin jiray degaano badan oo ka mid ah dalka Soomaliya ayaa horay ugu gacansaray inay wadohadallo la galaan dowladda federaalka, iyaga oo markastaba ku xiri jiray shuruudo adag inuu wadohadallo dhexmaro. Dhinaca dowladda ayaan wax jawaab ah ka soo saarin nabada uu ku baaqay madaxii hore ee arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha. RFS World
  6. ^^^Bari is the largest region in Somalia as a whole, Sanaag is second, Mudug and SOOL are third which one os larger I dont remember. Thus SSCMNB=Puntland much larger than the remaining Awdal,Togdheer &W/Galbeed.
  7. ^^^One must undertsand the topic one wants to contribute towards. The elders of the Somali clans have forgiven each other on the Quran. This is a landmark moment, what happened in the past is past lets starts a fresh. The Quran is your reward for forgiving what was done to you and what you did is forgiven by others. A powerful testiment. Nothing to do with TFG, politics or governemnt.
  8. Proposed meeting between Somalia govt, opposition in Djibouti MOGADISHU, Somalia - Somali transitional government officials are to hold direct talks with members of the opposition in Djibouti, officials said Saturday. Ali Mahdi Mohamed, organizing committee chairman of the national reconciliation conference, told VOA Somali Service that the ongoing NRC will not be relocated to a neutral venue outside Somalia, but admitted that there are plans for government officials to meet with opposition figures in Djibouti. "They [opposition groups] contacted us and said they want to meet with the [national reconciliation] committee in Djibouti and we accepted," Chairman Mahdi said. Mahdi said the opposition groups, including the Islamic Courts and the so-called "Free Parliamentarians" led by former Speaker Sharif Hassan, had replied to his calls for direct talks last month.
  9. ^^^Oh them boys bully you up in LA. Sool is one of the largest regions out of Somalia's 18 districts.
  10. ^^ In Siyaad Barre time, faysal waraabe was working with Riyaale, both of them were working for siyaad to last minutes, Riyaale was senior spy and Faysal junior spy of NSS At that time, Faysal motto was "Jaalle Siyaadow adaa saxsan wax kasta ood samayso" In Egal time, Faysal’s motto was "Jaalle Egalow adaa saxsan wax kasta ood samayso" And presently under Riyaale rule, Faysal’s motto is "Jaalle Rayaalow adaa saxsan wax kasta ood samayso" Faysal first he is calooshii u shaqeeste, second he is qabiilist who only knows hate speech Riyaale is a master of the dark arts, the man is amazing.
  11. Beelaha Soomaaliyeed ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta oo maanta si guud isu cafiyay Axad, August 05, 2007(HOL): Beelaha Soomaaliyeed ee Shanta ah ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta iska cafiyay wixii dhibaato ahaa ee hore u soo maray iyo dagaaladii dalka ka socday mudadda dheer. beelaha waxay kala guddoomeen kitaabada Qur'aanka kariimka ah oo beel walba xaalmaris ahaan loo siiyay, iyadoo beel kastaahi ay madasha ka caddaysay markii ay gudoontay kitaabadaasi inay ku qanacsan tahay is cafinta beelaha Soomaaliyeed dhex martay. Shir gudoonka shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa soo jeediyay inay Beelaha Soomaaliyeed isku xaal mariyaan Kitaabka Alle, wuxuuna sheegay in marka hore ay beesha ****** xaal mariso Beesha *******, iyadoo intaasi kadibna ay labada beelood ee ****** iyo ******* si wadajir ah u xaal marin doonaan beesha ............, intaasi dabadeedna ay saddexda beelood ee ******, ******* iyo .......... oo wadajira ay wada xaal marinayaan beesha ***, kuwaasi oo marka danbe afarta Beelood si wadajira xaal marinayaan Beesha Shanaad oo eedo badan ka wada tirsanaysa wallaalahooda kale. Tallo soo jeedintaasi kadib ayaa beelaha Soomaaliyeed waxay si kala gooni gooni ah ay u fuliyeen codsigii guddoonka sidii loogu talagalay, waxaana beel walba hogaaminayay madax dhaqameedka ay leeyihiin kuwaasoo ka tacsiyadeeyay wax kasta oo xumaan ah oo beeshooda laga tirsanayo. Hadallo ay halkaasi si kala duwan ay uga soo jeediyeen Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong), Boqor Cabdullaahi Raabi iyo kuwo kale oo ku kala hadlayay magacyada beelaha ******, *******,........, ..... iyo Beesha Shanaad ayaa mid walba wuxuu si gooni ah uu u caddeeyay in uu raali ka yahay sida loogu soo hoyday iyo qaabka looga raali geliyay wixii horey u dhacay oo xumaan ahaa. Is cafintaasi ka hor ayaa shirweyanaha qaran waxaa uu kao dooday qodobkii ku aadanaa xag-jirnimada Diinta oo ah qoddobka sagaalaad oo Shirweyanaha Qaran uu ka doodayo. Culumaa'udiin ay ka mid yihiin Sheekh Muuse Cadde, Sheekh Xasan Cabdi Yarow, Sheekh Maxamed Guuleed Muuse, Sheekh Sayid Cali iyo xubno kale ayaa si aad ah uga dheereeday qodobkan xasaasiga, waxaana ay culimadaasi shirweynaha ka sheegeen in xilligaan ay Soomaaliya ka jirto wax ku sheegeen Fitno Diimeed, waxayna ku celceliyeen in dhibaatada diinta ay tahay mid waqtigaan aad uga adag, iyaga oo xusay in dalka Soomaaliya ay xilligaan ay ka jiraan firqooyin Diimeed oo isugu jira takfiir, Tabliiq, Itixaad, Shabaab, Shiico, Quraniya, Calmaaniya, iyo kuwa kale oo aad u badan. Culimaadasi waxay qireen in dalka Soomaaliya la soo geliyay sanadahan dambe kitaabo aad u fara badan oo dhamaantood ka hor imaanaya diinta Islaamka, waxayna soo jeediyeen in dib loogu noqdo kitaabka ALLE. Gabagabadii kulankaii maanta ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in shirguddoonku shirka ku faraxsan yahay sida ay maanta beelaha Soomaaliyeed u kala qaateen xaal marintii ku aadnayd dhibaatadii kala gaartay oo beel waliba la siiyay Kitaabka Qur'aanka kariimka ah, waxuuna ku nuuxnuuxsady in Berito dib la isugu soo laaban doono ka dooddida qodobka xag-jirnimada Diimeed oo maanta bilowday. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  12. Ibrahim Cadow Oo Ku Baaqay Inay Wadohadallo La Galayo Dowladda Federaalka uuna ka qaybgalayo shirka Dib u heshiisiinta. Aug 4 2007 Radiofreesomalia.com Ibraahim Xasan Cadow oo ahaa madaxii arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha ayaa asagoo ku sugan magaalada Saca ee dalka Yemen sheegay in midowga maxkamadaha ee laga itaalka roonaaday ay diyaar u yihiin inay wadohadallo la yeeshaan dowladda federaalka Soomaliya si loo af soojaro colaadaha ka taagan Somaliya. Ibraahiim Xasan Caddoow oo u waramayey wakaalada wararka ee dalka Yemen ayaa waxaa kale uu sheegay inuu shaqsi ahaan diyaar u yahay xal raadinta uuna taageersan yahay Shirka dib u heshiisiinta ka socda magaalada Muqdisho. Wakaalada wararka Yemen ayaa waxaa kale oo sheegtay in masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa midowgii maxkamadaha ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida , lana shaqeeyaan Dowlada KMG. Midowga maxkamadaha oo ka talin jiray degaano badan oo ka mid ah dalka Soomaliya ayaa horay ugu gacansaray inay wadohadallo la galaan dowladda federaalka, iyaga oo markastaba ku xiri jiray shuruudo adag inuu wadohadallo dhexmaro. Dhinaca dowladda ayaan wax jawaab ah ka soo saarin nabada uu ku baaqay madaxii hore ee arrimaha dibadda ee midowga maxkamadaha. RFS World
  13. ^^^Adeer ok , if that helps you sleep at night. But for the rest of SOL kindly provide pics.
  14. ^^^Indeed he denied it, like he used to deny they would attack Baidoa and they did without even his knowledge, since his boss Xasan Dahir and Indacdae made the decession. Thus this man is out in the cold, pity he was one of the best of this criminal group.
  15. Juje to the Duke Prove sxb, even whether you read it in Chinese. You have a point there adeer. Xusen Caydid''Waxaan Katirsanahay Maxkamadaha Hadeer Laakiin Haday Dowladu Raali (Europe}24.7-7 Xuseen Maxamed Caydiid oo ku sugan dalalka Yurub ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Focus on Afrika isagoo yidhi "waxaan si rasmiya ugu biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa laakiin dowlada Somalia haday saxdo qaladkii ay gashay dib ayaan ugu soo biirayaa ........................... Xuseen Maxamed Caydiid oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Focus on Afrika ayaa sheegay inuu Yurub u joogo sdiii uu lacago ugu raadin lahaa xubnaha ay isku fikirka yihiin ee ka tirsanaan jiray baarlamaanka oo ku sugan Asmara. Xuseen Caydiid oo wax laga weydiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu ka tirsanaan jiray ayaa sheegay in Dowladdu ay gashay qaladaad ayna u baahan tahay inay dib iska saxdo, isagoo sheegay inuu markaas ku biirayo Dowladda. “Kooxdeenna waxaan ku biirnay Maxkamadihii Islaamiga ahaa, waayo waxay saxeen qaladaadkoodii, marka cid walba oo qaladkeeda saxda waa lala heshiin karaa, balse cid aan qaladkeeda sixin lalama hadli karo” ayuu yidhi Xuseen Caydiid oo sheegay in loo baahan yahay inay dowladdu isa saxdo. “Waxaan filayaa howlaha ay dowladdu waddo inaysan ka soconayn xilligaan Xamar, waayo dadka Soomaaliyeed way ka gudbeen xilli wax loogu sheego hal dheg, waxaana loo baahan yahay inay Dowladda Federaalka saxdo khaladaadkeeda ayna kasbato shacabka” ayuu yidhi Xuseen Caydiid. Sidoo kale Xuseen Caydiid, wuxuu sheegay inuu socdaal ku soo maray dalka Mareykanka, halkaasoo uu ka haysto Baasaboor, wuxuuna xilligan ku sugan yahay Dalalka Yurub, iyadoo lagu wado inuu ku soo laabto Dalka Imaaraadka Carabta, dabadeedna wadanka Eretaraya ee xaruntiisa ah Casmara uu tago. widhwidhonline@gmail.com Widhwidh Online News Desk..Media Center source
  16. ^^^Yes they are and hence the words from these two men are no more than the criminals trying to justify the crime. Anyhow its another episode Berxani, Kismayu, Gedo and now Jilib. When the shitt hits the fan, they will sayeveryone killed us, targeted us, why as their elders claimed in the NRC complaining that all Somali's targeted them after Siyad went of on the donkey. Now all of Juba will?, be carefull lads the roadblocks in Julib and looting local warehouses will not get you rich nor save your face when the dust settles.
  17. ^^^1700 Uganda troops arrived in Mogadishu 6 months ago. 4 have died from a road side bomb. Mogadishu is not Baghdad. As for the doubters, its not for me to convince you. The man is there on the ground and sees the results , naysayers in America and the west could never comprehend the day to day changes that is taking place. He has more insight of Mogadishu today than those in Asamara, who rely on secondary evidance and the world media.
  18. ^^^Nicely put. The Burco-Hargaysa-Berberal traingle is what is known to some as Somaliland. Riyaale has done a mighty job confusing the secssionist camp. He is arresting former SNM members as he did in his previous role as NSS chief in the Burco-Hargaysa-Berbera traingle.
  19. Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku eedeeyay Dowladda Faransiiska in ay garab kusiiso Dowladda Itoobiya Dhibaatada ay ku heyso Soomaaliya Mogadisho, Khamiis , August 02, 2007 SMC Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa Guddoomiyii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyntani waxa uu dusha kaga tuuray Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Faransiiska Pernand Kooshineer. Eedeynta ayuu ku sheegay in Dowladda Faransiiska ay garabsiineyso Dowladda itoobiya oo Shariif Xasan uu sheegay in ay Gumeysi ku heysato Dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray Shariif Xasan Sheekh Aadan in Itoobiya ay Soomaaliya kusoo gashay Si Sharci darro ah waa sida uu hadalka u dhigay. Bayaan uu dhowaan soo saaray Shariif Xasan ayuu kusheegay in Wax iskacaabinta kasocota Muqdisho ayna wadaan Shacabka Soomaaliyeed in uu yahay Jawaab Sharci ah oo Ciidamada Itoobiyaanka ee Xoogga ku heysta Dalka Soomaaliya lagaga hortagayo waa sida uu bayaankiisa kusheegay, wuxuuna sidoo kale kusheegay in uu si aad ah ugu murugeysan yahay Mawqifka Kooshineer oo sheegay in lagu yaqiino Shaqsi difaaca Dadka la dhibateeyo hayeeshee iminka in ay tahay wax si aad ah looga xumaado in uu Difaaco Kooshineer Ciidamo meel xoog ku heysta. Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Guddoomiyii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda France in uu ka hortago Kaalmada ay siinayaan Ciidamada dowladda Burundi si ay ugu biiraan Ciidamada uu kusheegay Shariif Xasan in ay xoogga ku heystaan Soomaaliya ee Itoobiya. Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa Soomaaliya si buuxda u soo galay Dabayaaqada Sanadkii 2006-da kadib dagaaladii ay la galeen Xoogagii Maxkamadaha Islaamka ee ka arimin jiray Koonfurta Soomaaliya. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia