General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Suuqa weeyn ee Bakaaraha oo laga dareemay dub udhis aad u xoogan. {Muqdisho}7.8-7 Suuqa bakaaraha gudihiisa ayaad waxaad ku arkeeysaa dhismo aad u balaaran dhanka wadooyinka suuqa gudihiisaDaawo Sawirada Dadka guryaha kuleh ayaa waxa ay kuu sheegayaan in ay lacago ay isku dareen ay wadooyinka ku dhisayaan sabab ta oo ah hadii ay san dhisin in wadada laga dhisanayo jiingado sidaa darteed ayaa nagu kaliftay in aan dhisno dariiq yada guryaha hor tooda si aan loola hor dagin ayna noo kireeys maan baqaaradeena . mid kamid ah dadweeynaha dhex dagan suuqa bakaaraha ayaa noo sheegay in ay fur sad u tahay wadooyin ka suuqa ay fureen doowlada ku meelgaarka isagoo sheegay in uu gurigiisa u la aa kiro waxaana ku hor yaalay jiingado si qasab ah loogu hor dhistay isagoo sheegay mar kii laga fujiyay wadadiina lafuray uu ku helay gurigii kiro dhan 750$ markii horana uu ku la aa 100$. sikastaba ha ahaatee dhismaha kasocda wadooyinka suuqa gudihiisa ayaa ah kuwa si xoowli ah u socda iyadoo aad mararka qaar aad arkeeyso dad isku haysta wadada madisaysi iyo waan dhisayaa wayaa waxaa xaliyo ciidamada dowlada mararka qaar ayaa waxaa dhacdo in uu isku dhac uu kayi maado qofkii mil kiilaha guriga iyo ninkii qaadaca dariiqa ahaa.
  2. ^^^The other man who resigned a few days back. Is he also a former SNM member?
  3. Indonesia, Kuwait eye proposed Somali oil firm Tuesday, August 07, 2007 NAIROBI (Reuters) - Somalia is considering creating a state petroleum firm with a 49 percent stake for Indonesia's PT Medco Energi Internasional Tbk and Kuwait Energy Company, according to documents obtained by Reuters. The government documents, titled "Somalia Petroleum Policy", indicate that the two firms would acquire their stake in Somalia Petroleum Corporation on August 31. That, however, would be dependent on the passing of a national oil law awaiting parliamentary debate, analysts say. Source: Reuters, Aug 07, 2007
  4. Howlgallo Baaritaan Oo Ka Socda Maalinkii 3-aad Mag. Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 07-Augosto-2007 Waxaa maalinkii sadexaad ka soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho howlgallo lagu adkeynayo amaanka caasimadda oo baryihii ugu danbeeyay kusoo badanayeen falalka dilka, qaraxyada iyo kooxaha burcadda ah. Howlgalkan oo ey fulinayaan ciidamada dowladda oo kaabaya kuwa boliska & ciidamo Itobian ah ayaa waxa ey ka soconayaan degmooyinka Hodan, Huriwaa, Yaaqshiid iyo qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley. Xaafadahan ayaa sida bolisku uu sheegay waxaa kusoo batay burcadda iyo kooxaha diidan dowladda, waxeyna si dhuumaaleysi ah uga geystaan degmooyinkan dilal, dhac iyo qaraxyo oo ey khalkhal ku galinayaan amaanka Muqdisho. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad kaor u dhaafaya boqolaal oo qaarkood lagu tuhunsan yahay in ey ka danbeeyaan faflaka amni darro ee degmooyinkan. Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore fuliyay howlgallo sidan u balaaran oo ey wax kaga qabteen amaanka isla markaana kusoo qabqabteen hub iyo kooxaha qaska ka waday xaafadahan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  5. Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, oo booqasho hawleed ku yimid Magaalladda Muqdishu Mogadisho, Talaado , August 07, 2007 SMC Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Francious Lonses Fall iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa barqanimaddii maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde Inteernational Airport ee magaalladda Muqdishu. Wafdiga oo ku yimid Labo Diyaaradood oo ay QM leedahay ayaa waxay si toos ah u abaareen Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, halkaasi oo ay kulammo kula yeelanayaa Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi. Dhinaca kale, Mr. Fall iyo xubnaha Beesha Caalamka ee la socda, waxa u qorsheysan inay booqdaan, isla markaana ay Hadal ka jeediyaan Madasha hirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia oo Toddobaadkiisa saddexaad ka socda Xeradda Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdishu. Wafdiga Caalamiga, oo aan weli tiradooda la shaacinin, ayaa waxaa ka mid ah Diplomaasiyiin, La-taliyayaal dhinacyadda Dhaqaalaha iyo Ammaanka iyo Wakiillo ka kala socda Dalalka Deeqaha bixiya, waxay kulan la qaadanayaan Guddoomiyaha Shir-guddoonka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, Md. Cali Mahdi Maxamed iyo xubnaha kale ee Shir-guddoonka. Imaanshaha Wafdigan ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo aysan Ergooyinka Shirkaasi aysan helin Lacagihii Gunnadda ee loo qoondeeyey, iyadoo ay QM iyo Hay’a’adaha Caalamiga bixiniyaan Kharajka Guud ee loogu talagalay Shirweynahaasi oo ay ka qeyb galayaan 1,600- oo Ergo oo ka kala socda dhammaan Beelaha iyo Ururradda Bulshadda ee Somalia. Guddoomiyaha Shir-guddoonka Shirkaasi, Md. Cali Mahdi Maxamed, waxa uu horey u sheegay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda “UNDP” mas’uul ka tahay bixinta Kharashaadka lagu socoddsiinayo Shirweynahaasi oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha dalka Somalia. Dhinaca kale, Wafdiga uu hoggaaminayo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Francious Fall, ayaa ah Ergaddii Labaad ee ka socda QM, Hay’adaha Caalamiga iyo Diplomaasiyiinta oo muddo bil gudaheeda socdaal hawleed ku yimaada magaalladda Muqdishu, si ay u qiimaynaya Hawlaha Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta iyo xaalladda guud ee magaalladda Muqdishu. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia
  6. Francois Fall Oo Hadalo Ka Jeediyay Madasha Shirka ------------------------------- Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 06-Augosto-2007 Wafdigi ka socday beesha caalamka ee saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ey ka qeybgaleen shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran kadib kulamo ey kula soo qaateen xarunta madaxtooyada madaxda sare ee dowladda federalka. Wafdigan oo uu horkacayey wakiilka Qaramada Midoobay ugu qeybsan arimaha Somalia Francois Lonesy Fall ayaa waxa uu hadalo ka jeediyay madasha shirka oo uu ka sheegay in Qaramada midoobay si weyn u taageersantahay shirkan ey ka warsugeyaan waxa kasoo boxo. "Qarammada Midoobay waxay shirka Qaran ka taageeraysaa dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna soo dhaweynaysaa qaabka uu ku socdo shirka”, wuxuuna intaa raaciyay in uu shaqsi ahaantiisa uu aad ula dhacsan yahay sida habsamida leh ee uu shirkan u socdo. Mr. Fall ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ey kula dardaarmeyso in shirka laga soo qeyb galiyo dhamaan kooxaha mucaaradka ee ku kala sugan dalka dibadiisa iyo gudaha hadii ey meel iska dhigayaan qalalaasaha una hogaansamayaan axdiga kumeel gaarka ah ee Somaliya "“Waxaa xiriirro kala duwan oo aan la soo sameynay Cali Mahdi uga codsannay inuu u ogolaado xubnaha shirka ka maqan inay ka soo qabgalaan, wuuna naga ogolaaday”, ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ugu qeybsan arimaha Somalia Francois Lonesy Fall. Wafdiga Mr. Fall oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Midowga Yurub iyo safaaradaha Norway, Swedan, Danmark iyo Masar ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida uu shirku ku socdo, waxayna balanqaadeen inay mar kale shirka dib ugu soo laabanayaan si ay ula socdaan natiijooyinka kasoo baxa. Xubnahan beesha caalanka ka socday ee soo gaaray madasha shirka ayaa kula dardaarmay ergooyinka shirka in ey ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii loosoo afjari lahaa calaadaha la dagay dalkooda Somaliya. Wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay madasha shirka, waxaana gabi ahaanba badalmay jawiga shirka oo ey hareereeyeen heeso, sacab iyo amaan loosoo jeedinayay wafdigan soo booqday. Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda
  7. ME. in All fairness, Siyad;s group probably were behind the killing, he then put Azhari the son in law of Shermarke in jail, Siyad even placed Adan Cade the firts leader, Egal the PM and others in jail. Yusuf served time in jail like those great leaders persecuted by the dumb Barre. Yet you blame Yusuf, kinda shows your lack of reasoning and knowledge.
  8. ^^^Yet Yusuf fought the war in 1978. Anyhow, Who benefited from his death? Mohamed Siyad Barre and who was never promoted after the death of President Sharmarke, and spent 6 years in jail? Abdullahi Yusuf Ahmed. One more simple point, Yusuf Azhari and his wife Khadija A/rashid Sermarke are very close to President Yusuf and Azhari is his close advisor. Hence Yusuf connection to the late President was deep.
  9. ^^^Adeer the facts are that Siyad was a misrable leader. A total failure who managed to make Somalia what it is today. He destroyed every institution. You talk about corruption his 21 years saw clan nepotisam at its hight with his own family promoted to top positions. He was the law all unto himslef. He inherited a state and left behind a failed state. Therw would be no SSDF, USC, Somaliland and the war we had ifit was not for his actions. Now let me ask you who killed President Sharmarke, wasn't it Cabdulahi Yusuf who ordered the assasination? lool. Who benefited from his death? Mohamed Siyad Barre and who was never promoted after the death of President Sharmarke, and spent 6 years in jail? Abdullahi Yusuf Ahmed. One more simple point, Yusuf Azhari and his wife Khadija A/rashid Sermarke are very close to President Yusuf and Azhari is his close advisor. Hence Yusuf connection to the late President was deep.
  10. Dasturka PL oo dib loo eegayo 6 Aug 6, 2007 - 5:11:15 PM Waxaa soo baxaya warar sheegaya in gabo gabo ay mareyso dib u habeyn lagu sameynayo Dastuurka maamul goboleedka Puntland oo la doonayo in wax laga badalo. Dasturkaan ayaa waxa marka isbadalda lagu sameeyo la sheegeyaa in afti looga qaadayo dadweynaha Puntland. Wariyaha BBC-da u fadhiya Puntland Axmad Maxamad Cali (Axmad Kismayo) ayaa arinkaan wax ka waydiiiyay Gudoomiyaha guddiga dib u habeynta Dastuurka Maxamad Xasan Maxamad waxaana uu hadalkiisa ku bilaabey: DHAGEYSO Garowe Online,Garowe
  11. Somalia: State of Puntland to reform regional constitution 6 Aug 6, 2007 - 7:08:45 PM GAROWE, Somalia Aug 6 (Garowe Online) - Officials in the self-governing Puntland regional administration in northern Somalia are restructuring the region's constitution to better fit with “changing times,” according to Mohamed Hassan Mohamed, chairman of the government-appointed committee steering the process. Mohamed told the BBC Somali Service on Monday that the process will take place over a three-phase period. The first draft will be released to the public so the committee can receive feedback from locals, Mohamed said. A second draft would then be reviewed by a committee composed of intellectuals, experts and traditional elders. "A third and final draft will be written after intellectuals' review [the second draft] and will be presented to the public," Mohamed said. He went on to say the Puntland government intends to help the public understand the logic behind reforming the constitution, which has governed the region since its inception in 1998. Mohamed said Puntland has been governed under a clan-based formula, where parliament seats and power sharing was based on satisfying the region's clan balance. But the new constitution, once ratified, would allow the introduction of governance based on political party rule and not clan-based rule, he said. The new constitution would also balance power between the federal government in Mogadishu and the state government in Garowe. "Allah has guaranteed women's rights and what Allah has already ordained we cannot add more. Shari'ah [islamic] law is the foundation of our constitution," Mohamed said, answering a question about women' s and minority rights in the new constitution. This announcement comes at a time Puntland President Mohamud "Adde" Muse is visiting Mogadishu to finalize an agreement with federal officials regarding the political system, taxes and the sharing of natural resources. [ Full story] Source: Garowe Online
  12. ^^^Adeer Siyad Barre's actions his coup, his crimes aganst the people, the institutions of the state led to the creation of the SSDF. If he never existed I think Somalia would be a much better country.
  13. ^^^Aseer Siyad's action created these movements. His incompetency and idiotic notions put us back years. We are still trying to overcome his years even today. Adeer the SNF and USP you say, they might have played a role, some what small, much like how Morgan led the liberation of Gedo. But those who died for the city of Glkacyu's defence were the local lads who died for their dignity, its just common sense. Hence for all the talk the SSDF stronghold of Galkacyu was Aydeed's major setback in Somalia. He could cross most barriers but not Galkacyu.
  14. ^^^Adeer bravery is a reletive term. The SSDF took on the state at its mightiest, while many were clapping for Siyad. Those same brave people fled on donkeys and carts when the regime fell. Then they ran away from Aydeed. While the SSDF defetaed the old General in Galkacyu and hence him never encrouging on that part of the country. Adeer go talk to children. The Duke is no child.
  15. Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud , suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman , suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin.
  16. Mid ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada Muqdisho oo qado sharaf u sameeyey ergadii maamul govboleedka Puntland Mogadisho, Talaado , August 07, 2007 SMC Mid ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada Muqdisho oo qado sharaf u sameeyey ergadii maamul govboleedka Puntland ee ka qeyb galaysay shirka dib u heshiisiinta beelaha somaliyeed haatan uga socda xerada gaadiidka boliska Ku xigeenka gudoomiyaha gobolka banadir ee dhinaca arimaha nabad gelyadda mudane cabdifatraax ibraahim cumar sebriye ( ina shaaweeye) ayaa qado sharaf u sameeyey ergada shirka dib uheshiisiinta ee belaha somaliyeed haatan uga socda magaalada muqdisho ee ka soo jeeda gobolada waqooyi berri ee maamul goboleedka puntland , Ibraahin fagaareeye isaga oo ku hadlayey magaca beesha ayaa ku so dhaweeyey guriga cabdifitax cumar sebriye shaaweeye oo garabkiisa taagnaayeen Cabdikariin sh: ibraahin ,nasra weheliye maalin,iyo ganacsade suuxaay iyo xubno kale ayaa Si kalsooni leh waxaa uu ugu soo dhaweeyey si ay ka muuqato walaaltinimo islaanimo iyo sharaftii u dhaxeynjirtay beelaha somaliyeed ee walaalaha ah gar ahaan kuwa puntland iyo beesha murusade dhaxeyn jirtay oo dameystiran Dhinaca beesha murusade ayaa waxa ka soo qeyb galay qaarka tirsan ugaasyada ,boqorada ,indheer garadka,salaadiinta ,culumaa.udiinka ,haweenka , iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay beesha murusade iyada oo dhianaca isgaarsiintane uu uga qeyb qaatey ka qeyb galka qado sharaftaas ugaaska beesha murusade ugaas cabdiqadir oo ku sugnaa xiligaa magaalda ceelbuur ee gobolka galgaduud. Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud , suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman , suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin. Beesha....... oo gogoshan dhigtay ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd gogol saaxiibtinimo o ka dhaxayso labada beelood taasoo lagu macneeyey mid so jireen ah iyada oo loogu tala galay in ay ka so qeyb galaan madaxdhaqanmeedyada labada beelood sida Salaadiinta ugaas yada boqorada islaanyada nabadoonyada iyo ergsada kale ee la socoto ee rer puntland iyaga oo ka raali geliyey wixii daldaloola ah ee ay leedahay gogoshu. Cabdifatax ibraahin sebriye shaawey oo ah ku xigeenka duqa magalada xaga arimaha nabadgelyada ayaa ergada reer puntland ugu horeyn ugha mahad celiyey ka soo qeyb galka qado sharaftaa isaga o u sheegay in caasimada muqdisho ee somaliya ay tahay magaladoodii labaad uuna si weyn ugu faraxsan yahay sida ay uga soo qeyb galeen casuumadii uu u fidiyey wuxuuna xusay in ay farxad weyn u tahay in dad kala maqnaa mudo 17 sanno ah ay manta hal meel ku wada qadeenyaan waxeyna taasi ina xasuusineysaa nbuu yiri dhaqankii iyo hidihii somaliyeed ee soo jireenka ahaa wuxuuna xusay in aanay somaliya manta sinaba u kala marmin ayna yihiin dad isku diin ah .isku dhaqan ah.isku af ah. Ugu danbeyntii labada beelood ayaa si waangsan isu afgartey waxaana lagu soo gebegebeeyey guul iyo wanaag. Wuxuuna halkaasi ku gudoonsiiyey hadiyado qaali ah oo ka wuxuuna sheegay in ay ka dhaxeyso sidaan oo kale labada beelood. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia
  17. ^^^Adeer my cousins in their teens, lost their lives at the hands of Barre in the Mudug before even coming of age, they were not part of the coup. It was systamatic attempt to criple a whole clan. Barre started with Galkacyu, moved on to Hargaysa and then Mogadishu. He was the first to arrest Hon,leaders such as Adan Cade, Mohamed Abshir, Yasin Nur Xasan, Egal, and other founders of the state. He was the firts to use military might to support his clan's wars remmeber what he did to the locals of Cadaado. Anyhow as history would have it, its Yusuf Yey who prevailed and Barre who went on a donkey and died in exile. So much for cult of personality that he tried to foster for 21 years. He destroyed Somalia and his own family. As for Ethiopia, if I am getting killed I would use any tool to defend my person. Thus if it was not for the regimes actions, the coup, the disaster that was the war the SSDF would not have been created and Barre would not have fled as he did.
  18. Guddoomiye Ku xigeenka G/Banaadir C/Fitaax Shaawey oo ka war bixiyay guulaha laga gaaray howlgallada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka xagga amaanka ee Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa maanta ka war bixiyay howl-gallada ka soconaya magaalada Mqudisho ee lagu baacasnayo haraadiga argagixisada lagulana dagaalamayo hubka gacanta ugu jira wax ma garadka. Mudane Shaawey ayaa shegay in howlgalladu ay wali soconayaan oo biyo dhocoodii aan la gaarin,hase ahaatee marka ay soo dhamaadaan masuuliyiinta maamulka gobalku ay sxaafadda u soo bandhigi doonaan hub faraabdan,waxyaabo qarxa iyo shaqsiyaad argagixiso ah oo lagu soo qab qabtay howlgallada soconaya. “Guulo wax ku ool ah ayaa howlgallada laga garay,laakin marka ay soo dhamaadaan ayaan war baahinta usoo bandhigi doonaa xog dheeraad ah”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xagga amaanka gobalka Banaadir C/fitaax Shaawey oo saxaafadda la hadlay maanta. Howlgalladan ayaa ilaa iyo iminka qaran diidyada lagu soo qab qabtay waxaa ay dhan yihiin in ka badan 160,waxaana loo dhaadhiciyay xabsiyada kala duwan ee magaalada Muqdisho,iyadoo Mudane shaawey uu sxafada ku dhaliilay in ay si kale dadweynaha ugu turjumaan qab qabashada qaran diidyada oo ay ka dhigaan dambi laawayaal la iskasoo ururiyay. Isagoo si gaar ah ula hadlayay kooxaha qaran diidka ee rabshadaha wada ayaa mudane Shawey waxaa uu sheegay in masuuliyiinta qaranka bambooyin xaafdaha dhexdooda laga tur tuuro aanay ka hor joogsanaynin howshooda in ay sii wataan. “Shir weyne qaran ayaa iminka soconaya waxaan u sheegeynaa cidii wax tabaneysa in ay timaado miiska wada hadallada”ayuu yiri guddoomiye ku xigaha gobalka Banaadir ee xagga amaanka Mudane Shaawey oo intaana sii raaciyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo wax tabaneysa maadaama ay dowladdu tahay dowlad dib u heshiisiineed,hase ahaatee aan loo dul qaadanaynin shacabka in la dhibaateeyo. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmoyin@hotmail.com