General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^The media was reporting he would be arriving in Puntland adeer.
  2. Our Garad is doing a great job. Love to my kin in the capital of SOOL. Thanks Cheif.
  3. The same place were Yusuf, Madoobe, Shargaduud, Darwish are. Mogadishu.
  4. Note to the TFG: Be scared, better be very scared, the Asmara group are not for a joke, they are for real, Indha'ade is "supposedly" going to bomb more kids and women, it's getting real and serious and now since he's named the defence minister thou not on his way to take Baidoa with UIC's militia but hiding in the unknown probably outside Somalia much like his real friends. , Indacade & Xasan Dahir ran away the first tiem they heard the bullets fly. Sharif Ahmed begged the US to rescue him from "terrorists". Then they reemeged in Asmara. Brave huh.
  5. Socod-, a man who is living in "comfort" in the West has no impact or right to criticise the only functioning governemnt for the Somali's since 1991. Melez, Ethiopia and so on are just a smokescreen put up by the defeated groups.
  6. Prof.Geedi oo ka warbixiiyey kulankii uu la yeeshey madaxweyne C/lahi Yuusuf Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Max’ed Geedi ayaa xaley wuxuu u sameeyey afar sharaf odoyaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha ******* & ****** kuwaasi oo ka mid ahaa odayaashii ka qayb galey shirkii dib u heshiisiintii beelaha Soomaalida ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, isla markaana wadanka Sacuudiga dhawaan booqdey, xiligii ay halkaasi booqanayeen madaxda sar sar ee Dawlada Federaalka KMG ah. Kulankan oo ahaa mid saxaafada aan la sii ogeysiin ayaa waxaa la xaqiijiyey in si weyn loogu lafa guray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha & ra’isalwasaaraha iyadoo duqeyda dhaqanka ay soo jeediyeen in wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya madaxda dawlad lagu xaliyo si Soomaalinimo ah, taasi oo ay isla garteen Odayaal dhaqameedka iyo Cali Max’ed Geedi. Ra’isalwasaaraha oo uga warbixinayey Odayaashii & waxgaradkii uu la kulmay kulankii uu shaley dhexmarey isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in kulankaasi ay isku afgarteen in la dhameeyo wixii mad madow ah ee jira taasi oo uu sheegay inay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha. SBC International News Desk
  7. War deg deg ah: Wafdi balaaran oo ka socda DFKMG oo laga sugayo Boosaaso War goor dhaweyd ku soo dhacay warqabadka SBC ayaa sheegaya in wafdi balaaran oo ka socda DFKMG ah ay ku soo fool leeyihiin saacadaha soo socda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Wafdigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxay isugu jiraan Wasiiro, wasiir kuxigeno iyo xildhibaano waxaana hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed (Gacmadheere), waxaana ka mid ah wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasiir kuxigeenka maaliyada iyo xubno kale. Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf Faroole oo goor dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramayey Warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa sheegay in wafdigan ay imaan doonaan duhurnimada maanta magaalada Boosaaso, isagoo sheegay Gudoomiyuhu in ay wadaan abaabul balaaran oo ku aadan soo dhaweynta wafdigan balaaran ee ka socda DFKMG ah. Warar SBC ka heshay dad wargal ayaa waxay tibaaxayaan in wafdigan ay laba arimood u imaanayaan Puntland waa tan koowaaden in wasiirka arimaha gudaha uu tababar u soo xiro 600 oo ka mid ah ciidamada Booliiska oo tababar uga socdey degmada Carmo iyo in meel la isla dhigo mad madow ku dhexjira DFKMG ah iyo Puntland oo ku aadan shidaal baarista, iyadoo sharciga shidaalka ee haatan horyaal Baarlamanka KMG ah ay Puntland ka biyo diidan tahay, taasi oo ay ka shaki qabto in uu lidi ku yahay heshiisyadii hore ee Puntland la gashey shirkado shisheeye oo shidaalka baara. SBC International News Desk
  8. Boosaaso: Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo Puntland tagey. 26. september 2007 Boosaaso(AllPuntland)- Wafdi ka socda dowlada Dhexe ee Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ka dagey Magaalada Boosaaso waxaana wafdigaasi gaarayaan 22 xubnood oo iskugu jira wasiiro ,wasiiro kuxigeeno ,taliyaal ciidan iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada dowlad gobaleedka Puntland. Wafdigaan waxaa siweyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo Dadweynaha magaalada Boosaaso. Wafuudan ayaa waxa ay isla markiiba ugudbeen magaalada Carmo halkaasi oo ay tababar ugu soo xirayaan Ciidan Boolis ah isla markaana ay dib ugu laabtaan magaalada Boosaaso oo ay caawa wada hadaladu ka bilaabanayaan. Xubnahan waxaa hogaaminaya sida wararku sheegayaan Wasiirka Arimaga gudaha Maxamed Maxamuud Guuleeed ,waxaana xubno ka ah wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali C/laahi Cosoble iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale iyo Xildhibaano kale oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah. Marka ay ku laabtaan xubnahan Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay bilaabayaan wada hadalo xasaasi ah oo ay la yeelanayaan Masuuliyiinta dowlada Puntland ee jooga magaalada Boosaaso sida wararku sheegayaan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  9. ^^^lool. Again as objective as ever ya, Abwan. loool. Juje Deviating from the subject, lool. Does Mr Tarzan know you harbour deep feelings towards him? Or in public, is snifiling part of the persona. As for the PM its all good adeer, no need to stress, or are you wating for all gun confrontation, still?
  10. Muqdisho: Faahfaahin Ku saabsan Shirkii Madaxweyne Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi. 26. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maalintii Shalay ahayd waxaa shir ku yeeshay Vila Soomaaliya Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaarihiisa Prof: Cali Maxamed Geedi. Shirkaasi oo Saxaafada loo diiday ayaa warar ay heshay Shabakada AllPuntland faahfaahin dheeri ka bixinayaan dhamaanba waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda dowlada Soomaaliya. Ilo ku dhow dhow shirkaasi ayaa sheegay in waxyaabaha sida weyn lays kula soo qaaday ay ka mid ah tahay Xariga gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo ku xiran Xabsiga magaalada Baydhabo ,Khilaaf dhinaca Fikirka oo soo kala dhexgalay labadan Masuul iyo xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wararku sheegayaan in uu usheegay raysal wasaare Geedi in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xaaladaha dalka Soomaaliya isla markaana howsha masuul walba uwado sidii Umada Soomaaliyeed uga bixi lahayd dagaalada ragaadiyey Soomaaliya 17 sanno. Waxa ay kaloo wararku sheegayaan in Madaxweynuhu raysal wasaare Geedi usheegay in looga baahan yahay Xukuumada Soomaaliya waxqabad muuqda isla markaana ay kor uqaada howlaha kala duwan ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga ee dalka. Ilo ku dhow dhow raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in raysalwasaaruhu usheegay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed in ay Xukuumadiisu howlo balaaran ka wada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan gobalada Koonfureed intooda badan kuwasoo uu Cali Maxamed Geedi ku tilmaamay kuwa mudan ku dayasho. Shirkan shalay ku qabsoomay Vila Soomaaliya ee dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi kaasoo inta badan aan faahfaahin balaaran laga siin Saxaafada gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa dibada toona. Todobaadkii ugu danbeeyey waxaa isoo tarayey wararka sheegaya in khilaaf xoogan udhaxeeyo Madaxda dowlada Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ,inkastoo labada masuul midkoodna uusan wali Cadeyn uu jiro khilaafkaasi. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  11. Wafti ka socda Dawlada dhexe ee somaliya uuna hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Maxamed guuleed gacmo dheere oo laga sugayo bosaso. Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland waxaa saaka laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhawaynta wafti heer sare ah oo ka socda Xukuumada Somaliya kaasoo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka soo dago garoonka diyaaradaha ee Bandar qasim International Airport. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in waftiga ay ka mid yihiin xubno wasiiro ah,xildhibaano iyo sidoo kale xubno kale oo aan wali la shaacin, waftiga ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan xukuumada Puntland iyadoo raisal wasaaraha somaliya oo lagu waday inuu yimaado Puntland uu baaqday wada hadalo u socda isaga iyo madaxwaynaha awgood. Waftiga ayaa sidoo kale lagu wadaa inay booqdaan kuliyada ciidamada Xooga dalka Somaliyeed ee Degmada Carmo halkaas oo tababar loogu soo xiri doono boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyeed oo tababar mudo sanad ku dhaw uga socday Degmada carmo ee gobolka Bari. Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org
  12. ^^^The pictures are ok, they do not do justice to the city. However what I liked was that in this report the reality came out. There is no greenline in Galkacyu, North/South divide is a thing of history. That made my day. You are right many things are missing, a real ecoonomy, pavements and roads, and a real water sewage system. That will come as the city grows and more people from the diaspora choose to move there.
  13. Magaalada Gaalkacyo ee Caasimaada Gobolka Mudug Juqraafi ahaan waxa ay ku taal bartamaha Soomaaliya,waxayna Magaalada markoodii hore ka koobnaan jirtay 4-Xaafadood oo lagu kala magacaabo (Garsoor,Israac,Horumar iyo Wadajir)balse wixii ka dambeeyay 1992-dii waxaa ku soo kordhay 7-Xaafadood oo lagu magacaabo (Suuq-Barwaaqo,Jiiro-Norwey,Xaafada Oog,New Baqdaad,Dhagacade,Kubkeygaan-ku-dhaartay iyo Xaafada Cabdulaahi ciise).
  14. Waa ceynkee muuqaalka mag. Gaalkacyo? Galkacyo, Somaliya (Calanka.com) 26-Sebtember-2007 Magaalada Gaalkacyo ee Caasimaada Gobolka Mudug Juqraafi ahaan waxa ay ku taal bartamaha Soomaaliya,waxayna Magaalada markoodii hore ka koobnaan jirtay 4-Xaafadood oo lagu kala magacaabo (Garsoor,Israac,Horumar iyo Wadajir)balse wixii ka dambeeyay 1992-dii waxaa ku soo kordhay 7-Xaafadood oo lagu magacaabo (Suuq-Barwaaqo,Jiiro-Norwey,Xaafada Oog,New Baqdaad,Dhagacade,Kubkeygaan-ku-dhaartay iyo Xaafada Cabdulaahi ciise). Magaalada Gaalkacyo waxaa laga isticmaalaa lacagta 500 ee Shiling-Soomaaliga,lacagtaas oo aan Gobolada Dalka laga isticmaalin,taasoo xitaa hadii ay tahay lacag duug ah ka shaqeyneyso gudaha Magaalada Gaalkacyo. Magaalada dhaqaala ahaan waxa ay ku tiirsan-tahay Ganacsiga xoolaha nool,waxayna xudun ganacsi u tahay isku-xirka Gobolada Waqooyi,Koonfur iyo Kilinka Shanaad ee Dalka Itoobiya. Magaalada intii aan joogay runtii waxa ay indhaheygu soo jiiteen dhismayaasha Hoteelada,waxaana la ii sheegay in Hoteelada ay badanaa kireystaan Dadka ka yimaada qurbaha iyo Gobolada kale ee Soomaaliya,waxaana la igu wargeliyay in Dadka oogu badan ee guryaha ka iibsada Magaalada ay hormud u yihiin Jaaliyadaha Puntland iyo Gal-mudug-State. KA DAAWO HALKAN SAWIRO KALE OO BADAN:! Dhinaca Caafimadka hadii aan ka warbixiyo,Magaalada waxaa ku yaal Isbitaalo Casri ah oo qaarkood ay maalgeliyeen Jaaliyadaha qurbo-jooga ee Gobolka Mudug,waxaana ka mid ah Isbitaalada oogu caansan (Norwey-Hospital iyo Dhagacade-Hospital)waxaa xusid mudan Isbitaalkii weynaa ee Magaalada Gaalkacyo waxa uu noqday Xero geel-jire kadib markii ay ka guureen Hey.adii gacanta ku heysay ee (Msf-Holland)oo ka guuray Magaalada kadib markii ay hanjabaad ka heleen qaar ka tirsan Madaxda-sare ee Gobolka Mudug. Waxbarashada Magaalada oo aan u kuurgalay,runtii waxaan aad oogu farxay markii aan arkay Jaamacado laga hirgeliyay Magaalada oo ay ka mid yihiin (Puntland-University iyo East African-University)waxayna ii sheegeen Hor-joogayaasha Jaamacada in dhaqaalaha lagu socod-siiyo waxbarashada ay ka qaadaan Ardeyda (School fee)halka Ardayda qaarkood ay lacagta bixiyaan Jaaliyada qur-ba-joogta ee Gobolka Mudug. Dhinaca biyaha hadii aan ka warbixiyo,Guryaha Magalada Gaalkacyo badanaa waxaa ku jira Tuubooyin Biyaha laga dhaansado,inkastoo xaafadaha Dadka dhaqaalaha heysto ay isticmaalaan biyo la warshadeeyay oo lagu magacaabo (Saxarla). Magaalada dhinaca Isgaarsiinta waxaa ka hawl-gala Shirkado ay ka mid-yihiin Golis,STG iyo Telecom,waxaana meesha ka marneyn Shirkadaha Xawilaadaha,oo ay ka mid yihiin Amal,Iftin,Dahabshiil Qaran iyo kuwa kale oo fara-badan. Dhaqanka Dadka Reer Muduga waa Dad aad u kaftan iyo xifaalo badan,waxayna leeyihiin halqabsiyo aad u fara-badan oo ay ka mid yihiin (Xilahay-Furan,Gun-Aloow hanaga dhigin,Najis-Najis Dhalay,Ma Laandheeraad is mooday,iyo kelmado badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin. Waxaa xusid mudan Magaalada Gaalkacyo oo aan sheeko ku maqli-jiray inuu khad-cagaaran u dhexeeyo Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada,ayaan waxaan ogaaday inaysan waxba ka jirin,waxaadna arkeysaa Dadweynaha Magaalada oo qof walba dhinaca uu doono u gudbaya,waxaana la ii sheegay in Dadka ku dhaqan Gobolka Mudug ay heshiis ku yihiin,xitaa hadii ay iska dilaan Boqolaal Wiil,inaysan ku kala guurin Magaalada Gaalkacyo oo ay noqdaan Dad Walaalo ah,markii Soomaalida kale lala xisaabtamayana inay Dadka tusaan inay yihiin cadow is ugaarsanaya,balse markii aan indha-indheeyay waxaa ogaaday in filin loo dhigayo Umada Soomaaliyeed,waayo intii aan Magaalada joogay Ciidamada oogu badan ee loo daad gureynayey Koonfurta Soomaaliya,waxa ay ka yimaadeen Waqoooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay ku wada nool yihiin Qowmiyadaha u dhashay Puntland iyo Galmudug. Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qiyaasaa Nus Malyuun iyo dheeraad waxaana la ii sheegay inay sii kordhayaan marba marka ka dambeyso,iyadoo dad badan oo ka soo hayaamay Gobolada Dalka ay saldhig ka dhiganayaan Magaalada,waxaana jira Qoysas badan oo ka soo guuray dibadaha oo Guryo waaweyn oo qurux badan ka dhistay gudaha Magaalada iyo meelo ka baxsan Magaalada. Guntii iyo Gaba-gabadii waxaan ku dhiiri gelin lahaa Jaaliyadaha qurba-joogta ah inay ku daydaan Jaaliyadaha Gobolka Mudug ee qurba joogta ah,oo iyagu maalgelin ku sameeyay Gobolkooda. Godo-Godo Tiibo_Talyaani@hotmail.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  15. ^^^Adeer, you are now contradicting yourself. I never said you praised the dude. Just highlighting the fact that you called him a big looser even when no one knew the man. loool. Keep up the good work just remmeber to think before you try to get too clever next time. Poor fellow.
  16. ^^^You are right. The Oil Law should be implemented..
  17. ^^^Of course the TFG should be responsible for the deals. But the TFG should also respect and empower when an a state makes a posative deal, like the Range deal. I also do not get who will fight over this? The locals will get employment, money and opportunity, Puntland state will get its cut and so will the TFG. Those who do not wnat any development, and I know you are not in that group, will complain out loud. The UAE has proved that a confederacy could make deals in terms of investment whihc could benefit the whole.
  18. Nayruus, dont be alarmed this is all about exploration, exploitation will take time. Range, CNOOC and others should be welcomed to come to Somalia, we need the interest. Our cash straped nation needs a healthy injection of cash..
  19. ^^No I do not have a clue who the new Ambassador is. As for Laqanyo, he seems to be a good fellow.
  20. Somaliland oo Xabsiga dhigtay rag ka yimid shirkii Asmara Hargeysa, 25 Sebt, 2007 (Geeska) - Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa horaantii toddobaadkan qabtay rag ka qayb galay shirkii Asmara uga socday kooxaha ka soo horjeeda dawladda Imbigaati iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Somaliya. Sidaas waxa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala oo ku dhow dhow ciidamada dambi baadhista Somaliland. Sida ay ilahaasi tibaaxeen, raggan oo aan tiradooda la cayimin waxa ay u dhasheen dalka Somaliya, waxaana lagu qabtay magaalada Lawyacado ee xuduudka Somaliland iyo Djibouti, iyagoo ka yimid dhinaca Djbouti, islamarkaana la sheegay inay doonayeen inay u gudbaan koonfurta Somaliya. Saraakiisha sar-sare ee Booliska Somaliland oo aanu isku daynay inaanu xadhiga ragan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin, balse warku waxa uu intaas ku daray in raggaas loo soo gudbiyay magaalada Hargeysa oo ay hadda ku xidhanyihiin, lamana garanayo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto, iyadoo dawladda Itoobiya oo ay Somaliland saaxiib yihiin u aragto dadka ka qayb galay shirkii Asmara inay yihiin cadawgeeda. Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa. www.geeska.net