General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Ciidamada dawlada oo maata baaritaano xooggan ka wada gohii xalay dagaaladu ka dhaceen. Muqdisho (WNT)-Baaritaano xooggan ayaa ka socda goobihii xalay ay ka dhaceen weerarada lala beegsaday xeyaha ciidamada dawlada FS iyo kuwa Ethiopian-ka. Saakay ayaa lagu waabariistay wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd waddooyinka u mashquulka badan magaalada Muqdisho oo xiran, iyadoo gebi ahaanba loo diiday in gaadiidku maraan, waxaana gaadiidka dad weynu qarda jeexayeen xaafadaha dhexdooda. Wadada oo laga xiray dhinaca Cocola iyo Shiirkole ayaa waxaa gudaha xaafadaha waxaa ka socda baaritaano aad u xooggan iyadoon weli la ogayn waxaa ciidamadu halkaas ka soo qabteen iyo waxay kala kulmeen toona. Aritaan ayaa ka danbayso weeraro xooggan oo xalay lagu qaaday qaybo ka mid ah xerayaha ciidamada iyo weliba saldhiga degmada Hodan oo isaga mudo gaaban ay la wareegeen kooxaha weerarka soo qaaday ayna ka sii daayeen maxaabiis halkaas ku xirayd. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxaa ka socda weeraro ka horumarsan kuwii horay loo soo qaadi jiray, waxaana weeraradani keeneen in laga qaxo magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah iyadoo dadku ka cabsi qabaan in halkaas dagaal weyni ka dilaaco. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
  2. Ciidamada Boolis-ka Dowladda KMG oo maanta xer xeray qaar ka tirsan Dhalinyarada Degan Xaafadda Hodo Written by Xassan Bile User Rating: / 0 Ciidamo Boolis ah oo aad u careysan ayaa iminka waxa ay ka wadaan xaafadaha degmada Hodon howlgallo qab qabasho ah oo ay ku qabanayaan dhamaan dhalinayarada deegaankaasi xili halkaasi ay dadkii isaga baxeen. Haweeney kamid ah dadka deegaankasi ayaa sheegtay in Ciidamada dawladda ay halkaasi ka wateen wixii rag ahaa hadii ay ahaan lahaayeen dhalinyaro iyo hadii ay ahaan lahayeen dad waa weyn. Ciidamada Booliska ayaa jirdil u geysanaya dadka ay qab qabanayan iyagoona ku eedeynaya in ay ka qeyb qaateen weerarkii xalay lagu qabsaday saldhigooda isla markaana looga dilay askar kala duwan. Waxaaa iminka deegaanka Hodon ka taagan xaalad argagax iyo cabsi lasoo gudboonaatay haweenka iyo Caruurta iyadoona dhalinyaradii badankooda ay saakaba isaga carareen deegaankaasi. Ciidamada Booliska ayaa baaraya kooxihii ka danbeeyay weerar ba'an oo xalay lagu qabsaday saldhiga Booliska Hodon isla markaana dab lagu qabad siiyay,waxaana sidoo kale halkaasi ka dhashay khasaare nafeed.
  3. Ciidamada qaranka oo baaritaano ko ka wada qeybo ka mida degmooyinka Hodon,Howl wadaag iyo Yaaqshiid. Ciidamada qaranka ayaa saaka waxaa ay bilaabeen baaritaanno ay ku sameynayaan xaafado ku teedsan wadooyinka warshadaha,tiribuunka,wadnaha iyo xaafado kale,iyadoo ujeedaduna ay tahay in lasoo qab qabto qran-diidyada wali ku dhuumaaleysanaya xaafadahasi. Waxaa xiran qeybo ka mida wadada wadnaha sida inta u dhexeysa Isgoyska Tribuunka ilaa iyo Howl wadaag,sidoo kalana waxaa xiran wadada isku xirta Tribuunka ilaa iyo warshadda caanaha,iyadoo ay ciidankuna xaafadaha wadooyinkaa u dhexeeya ka wadaan baaritaano xooggan. Sidoo kale wadada warshadaha xaafadaha ku teedsada ee ka kala tirsan Gubta iyo yaaqshiid ayay ciidanka qaranku ka wadaan baaritaanno ay guryaha mid mid ugu galayaan. Warar laga helay dadka dagan xaafdaha ay ciidanku howlgalada baaritaanada ah ka wadaan ayaa sheegaya in ciidmadu ay sooheleen noocyo kala duwan oo hub ah islamarkaana ay gacanta ku dhigeen maliishiyooyin farabadan. Degmada Hodon gaar ahana xafadaha ku teedsan masajidka Sh cali suufi oo ka mid ah fariisimada qarandiidka ayaa waxaa saaka laga qab qabtay in ka badan 60 ruux ,kuwaasoo 20-meeyo ka mida lasii daayay kaddib markii tuhunkii loosoo qab qabtay uumeesha ka baxay,iyadoo kuwii kalana xabsiyada lagu hayo oo baaritaano ay ku soconayaan. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  4. Ku xigeenka afhayeenka booliska oo sheegay in weerarkii xalay qaran diidku ku qaaden saldhigga Hodon ay laba askari ku dhaawacmeen qarandiidkana 2 looga qabsaday. Kaaliyaha afhayeenka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim (Shac Shac) ayaa faafaahin dheeraada ka bixiyay khasaaraha ciidanka qaranka kasoo gaaray weerar xalay ay kooxaha qaran-diidku ku qaadeen saldhigga Booliska ee degmada Hodon. “Weerarkaasi waxaa uu ahaa mid fulaynimo oo ay kooxaha argagixisadu soo qaadeen waxaana dhanka ciidanka khasaaraha soo gaaray uu dhan yahay laba askari oo dhaawac ah “ayuu yiri ku xigaha afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Shac Shac oo saaka saxaafda la hadlay. Masuulkan sare oo u hadlay booliska Soomaliyeed waxa uu sheegay in ciidamo gurmad ah oo yimid ay duib u xureeyeen saldhigga oo markii hore xillila afurayay ay qaran diidku soo weerareen gacantana ku dhigeen. Ciidamada ayaa saldhigga dib ula wareegay abaara 11-kii habeenimo ee xalay,waxana xilligaa ay ku dileen dhowr ka trisan qaran diidayaaha,halka laba kalana ay gacanta ku dhigeen kuwaasi oo midkood uu dhaawc qabay halka kan kalana isagoo bed qaba gacanta lagu dhigay. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  5. Golaha Wasiirada Dowlada KMG Oo Ku Shirsan Muqdisho, Madaxweyne Yuusuf Iyo Geedi Oo Kulankaasi Ka Qeyb Galay Posted to the MOL September 29, 2007, 8:32 am Magaalada Muqdisho wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in iminka uu kulan xasaasi ah oo uu goob joog ka yahay madaxweynaha dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed uu ka socdo xarunta nabad sugida magaalada . Kulankaani golaha wasiirada leyihiin oo uu shir gudoominayo Ra`isul wasaare Geedi ayaa ilo ku dhaw sheegayaan in looga hadlayo arimo ku saabsan xarigga gudoomiyaha maxkamadda sare , iyadoo kulankaani laga fogeeyay saxaafadda . Waxaana si weyn loo sugay amaanka wadooyinka gala xarunta nabad sugida , iyadoo madaxda sare ee dowlada amaankooda si weyn loo adkeeyay . Arrinta xarigga gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa qilaaf kala dhex dhigay labada mas`uul ee dalka uga sareeya madaxweyne Yuusuf iyo Ra`isul wasaare Geedi. Mudugonline.com
  6. Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta ka qeybgalay kulan xasaasi ah oo golaha wasiirada ku yeesheen Muqdisho 29. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Goalaha wasiirada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta nabad sugida ee magaalada Muqdisho kaasoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha dowladda KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo khudbad gaaban ka jeediyay. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoominayey Ra;iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo sidoo kale saraakiisha ciidamada amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere uu ka qeybgalay kulankaasi oo si weyn looga hadlayey arrimaha amaanka xili xaalada nabadgelyo ee Muqdisho u muuqata mid sii wiiqeysa. Wasiirul Dowlaha arrimaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in kulankii maanta uu ahaa mid qodobo dhowr ah looga hadlayey iyadoo arrimaha amaanka ay ugu weynaayeen isgoo ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta. Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad gaaban uu ka jeediyay waxaa uu ugu hadlay xaalada nabadgelyo ee Muqdisho iyo sida looga baahan yahay in wax laga qabto, sidoo kale Madaxweynaha ayaa golaha wasiirada hordhigay qodobadii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, qodobadaasi oo dhaliyay dood xasaasi ah iyadoo markii uu Madaxweynaha dhameystay khudbadiisa uu ka baxay shirkii waxaana horay ugu sii dooday golaha wasiirada oo aan wax war ah ka soo saarin kulankooda. Waa markii ugu horeysay ee kulanka golaha wasiirada ay ka qeybgalaan Madaxweynaha dowladda KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Taliyeyaasha ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka Banaadirqeybaha amaank Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. Muqdisho: Wadooyinka qaar oo saaka u xiran ciidamada dowladda KMG ah. Muqdisho, Sabti, 29 Septemper - 2007 [Radio Simba] Waxaa maanta xiran qeybo ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho, oo qaarkoodba hore u xirnaa, ka dib dagaaladii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa saaka gabi ahaanba hakad galiyay dhaq dhaqaaqii Gaadiidka iyo dad weynaha ee wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dad weynaha ay u diideen in ay wadadaasi isticmaalaan. Gawaaridii ka shaqeyn jirta wadada ayaan gabi ahaanba saaka lagu arkeynin, wadaasi Wadnaha, hasa ahaatee taa badalkeeda ayaa waxaa la arkayaa Gawaaridan Bl-ka oo soo maraya wadooyin qardo jeex ah. Arrimahan ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan, xilli habeenimadii xalay dagaal qaraar uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaa oo dhex maray Ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda ciidamada, sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.
  8. Ciidamada dowladda KMG ah oo howlgalo ka wada qaar ka mid wadooyinka Muqdisho. Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media) Waxaa saaka xiran isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo arrintaana ay saameyn wayn ku yeelatay howl maalmeedkii dadkaasi. Wadooyinka saaka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha wadada tarabuunka iyo black sea. Qaar ka mid ah wadooyinkaasi ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ka samaynaya xaafadaha deegaanadii xalay ay iska horimaadyadu ka dhaceen. Gaadiidka BL ah ee ka shaqayn jiray wadooyinkaasi ayaa waxaa ay saka isticmaalayeen dhabayaal qarjajeex ah. Wadada wadnaha ayaa waxaa ay ka xirantahay agagaarka tarabuunka iyo warshadii hore ee Coa-Colla. Xirnaanasha wadooyinkaani ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadin markii xalay dagaalo abaabulan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan halkaasi oo fariisimo ku leeyihiin Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa itoobiyaanka.
  9. Xubno ka socda maamulka Somaliland oo si qarsoodi ah ku yimid Laascanod Waxaa xalay soo gaaray magaalada laascaanood wafdi ka socda dhinaca maamulka la magac baxay Soomaaliland, kuwaasoo isugu jira xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Wafdigan waxaa hogaaminaya Abaanduulaha ciidamada Maamulka Somaliland Col.Ibraahim Cardiid waxaana ka mid ah Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland iyo xubno kale waxaana ay wateen ilaa lix baabuur ah nooca dagaalka. Waxaa la sheegay in raggaasi soo galay magaalada Laascaanood ay ka yimaadeen dhinaca degmada Kalabeyr ee gobolka Sool, iyagoo ku hubeysnaa ilaa lix gawaarida tiknikada ah. Xubnaha ka mid ah maamulka Somaliland Waxayna haatan ku sugan yihiin dhinaca koonfurta laascaanood iyagoo halkaasi kulamo kula leh saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo odayaasha dhaqanka. Imaanshaha xubnahan ka socda maamulka Somaliland ay xaley yimaadeen magaalada Laascaanood ayaa waxay magaalada ka dhalisey xiisad iyadoo laga cabsi qabo inay keento arintan iska horimaad sida ay tibaxaayaan wararku. Axmed Max'ed Jaamac (Suufi) SBC International Laascaanood
  10. Muqdisho: Ciidamada dowladda oo saakay howlgalo ka wada qeybo ka tirsan Muqdisho 29. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa saakay howlgalo xoogan ay ka wadaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo baaritaano xoogan ka fulinaya xaafadaha degmada Hodan oo xalay weeraro hubeysan ay ka dhaceen. Waxaa xeran wadada dheer ee jidka wadnaha halkaasi oo loo diiday in ay maraan gaadiidka, waxayna gaadiidkii istimaali jiray wadada wadnaha ay saakay isticmaalayeen xaafadaha dhexdooda. Wadada wadnaha ayaa laga xeray agagaarka warshadii hore ee Coca Cola iyo Tarabuunka iyadoo dhinaca Shiirkole ay sidoo kale ciidamada howlgal xoogan ay ka wadaan. Howlgaladan ayaa yimid kadib markii xalay weeraro qorsheysan lagu soo qaaday fariisamaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo weeraradaasi ay ahaayeen kuwo xooganaa oo khasaaro labada dhinac ka soo gaaray. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  11. Khalaf,you should not ponder too much on that. The TFG is made up of shared pwoer throught the 4 major clans and minority clan. The opposition is a single sub-clan that endorsed the 4.5 under Abdiqasin, then abandoned it and took on the religious garb under the clan courts movement. I hope that was insightful.
  12. ^^^Adeer, continue with it and try to create a thorough political Somali map.
  13. ^^^I understand and applaud your logic. You divided the city of Galkacyu between Galmudug/Puntland, thus why not divide Ceerigabo also. As for control, CAYN's main towns are under Puntland control as well as all the major towns in SOOL including the capital. You should use one standard, for example if just claiming an area as Galmaudug & Makhir is fine then Ceerigabo & Cayn should not be part of SL.
  14. ^^^Adeer, the Makhir/Puntland divide is not that important nor paramount. Your map excludes Ceerigabo from the Makhir/Puntland area, and gives it exculsively to SL, also Cayn is missing from Toghdeer. These are important areas, since they seperate Unity and Secessionist claims.
  15. ^^^Its one of the best articles I have read on the situation back home. We need more insight and less emotion when it comes to analysing our dire situation.
  16. Muqdisho: Laamaha Amniga oo bilaabey dadaalada lugu raadinayo Madaxda kooxaha Muqdisho dhibaatada ka wada ...Warbixin khaas ah... 28. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Hay'adaha amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa wararka ay ka helayso Shabakada AllPuntland waxa ay sheegayaan in ay baadi goob xoogan waqtigan ugu jiraan sidii loo helilahaa xubno sarsare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay dowlada Soomaaliya ku eedeyneyso nabadgalyo darida ka jirta qeybo ka mid Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaganu horey uqirtay. Mid ka mid ah gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa tibaaxay in ay howlgalladaasi bilowdeen maanta ,markii la helay xog sugan oo ku aadan in Sarkaal sare oo ka soo horjeeda nabad ku soo celinta Soomaaliya kaasoo lugu magacaabay in uu yahay Aaden Xaashi Ceyrow oo ay dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku ku raadjoogaan inkastoo marar badan laysku dayey in gacanta lugu soo dhigo. Sarkaalkaasi ka tirsan gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya oo magaciisa diiday in lasheego ayaa wuxuu hoosta ka xariiqey in howlaha ay sida wada jir ufulinayaan dhamaan laamaha Sirdoonka Soomaaliya ,isagoo sheegay in hadii gacanta lugu soo dhigo Madaxda kooxaha qaraxyada ka wada Muqdisho ay magaaladu najaxeyso. Howlgalladan ay wadaan laamaha amaanka ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmay ayadoo maantadii hore qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lugu daadiyay waraaqo ay ku sheegayaan kooxaha isku saxiixey in ay Jihaad galayaan. Todobaadkan waxaa la xaqiijiyey in uu magaalada Muqdisho soo galay ninka madaxda u ah hogaanka dagaalada Maxkamadihii awoodooda la wiiqey 2006-dii Aaden Xaashi Ceyrow kaasoo ka soo baxay hawdka fog ee koonfurta dalka Soomaaliya halkaasi oo ay joogaan rag siweyn loo baadi goobayo. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  17. ^^^I like the Somali airline pic.. As for Shabbele is it still cloosed?
  18. Dugsiga Carmo Oo Tababar Loogu Soo Xeray 600- Oo Boolis Ah Posted to the MOL September 28, 2007, 7:51 am Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa deegaanka Carmo tababar ugu soo xeray tiro boolis ah oo halkaa tababar uga socday . Mr Qeybdiid ayaa tababarka u soo xeray ilaa 600 oo boolis kuwaasi oo dhameeystay tababar dhanka booliska , iyadoo tababarkaasi uu mudooyinkaani uga socday dugsiga tababarka boolisma ee Carmo. Waxaana munaasabada tababarkaasi lagu xerayay ka qeyb galay mas`uuliyiin ka socotay dowlada KMG ah ,Maamulka Puntland iyo saraakiil ka socotay hay`adda UNDP Xafladdan munaasabada aheyd ayaa waxaa loo soo agaasimay si weyn, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay wakiilo ka socday DFKMG ah iyo Qaramada Midoobey kuwaasoo xiritaanka tababarka ciidamadaasi Booliiska ku tilmaamay mid guul ah. Qeybdiid ayaa halkaasi ardayda dhameeystay tababarka boolisnimo guduunsiiyay shahaadooyin muujinaya wax ay qaateen . Ma ah markii ugu horeeysay oo deegaanka Carmo ee Puntland lagu soo xero tababar dhanka booliska ah , waxaana horay halkaa tababar ugu soo qaatay boqolaal boolis ah . Mudugonline.com
  19. ^^^Camir, taking these important incremental steps is how you win.
  20. Qof ka yimid Asmara oo la diley 26 Sep 26, 2007 - 6:23:56 PM Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku dilay madaxii laanta la socodka hawada iyo saadaasha garoonka dayuuraddaha Hargeysa Marxuum Ibraahim Xasan Gamuute oo ka qeybgalay shirkii Asmara ee dalka Erateriya. Marxuumka ayaa toogasho ay ku dileen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale Kaahin oo ku sugnaa xadka Somaliland iyo Jabuuti halkaasoo uu mas’uulkaasi doonayey inuu dhinaca dhulka ah uu ka soo galo magaalada Hargeysa xilli uu diyarad Asmara ka soo qaatay ay keentay dalka Jabuuti Ehelada marxumkan ayaa ku tilmamay falkaasi mid laga naxo oo dhan ka ah xaquuqda aadanaha, dhaqanka Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo ay sheegen in falkasi ay geysteen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale walow aan la cadeyn arintaasi. Mamulka Samaliland ayaa horay ugu mamanuucay degaanadooda ineysan imaan karin dadka ka qeybgalay shirkii Asmara oo ay ku tilmamen inuu yahay mid aanan khuseyn. Dhowaan ayay aheyd markii ciidamadaas Somaliland ay xabsiga u taxaabeen xubno ka soo qayb galey shirka Asmara oo donayey iney safar dhulka ah ku galaan Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay dib loogu celiyey dalka Jabuuti goor dambe. Mamaulka Somaliland ayaa gacan saar leh dowlada Ethiopia oo aad uga soo horjeeda kulankaas ka djacey dalka Eritrea. Garowe Online,Somaliland
  21. Muqdisho: Isticmaalka baasaboorka cagaaran oo maanta ku eg 27. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Md. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in isticmaalka Baasaboorka cagaaran uu gebi ahaanba maanta ku eg yahay ayna dhamaatay labadii bilood ee uu Ra’iisul Wasaare Geeddi mudada ugu kordhiyay taasoo maanta ku eg isla markaana dhaqan galay Baasaboorka cusub ee loo yaqaano EP. “Waxaan ku guuleysanay in magaalada Dubai iyo Nairobii ay maanta kadib laga isticmaali doonin baasaboorkii cagaarnaa uuna ka dhaqan galay midka cusub ee ay dowladdu keentay” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in dadka sugayey Fiisooyinka ee heysta baasaboorkii cagaarnaa ay u dhamaatay. “Awalba anagoo og in Baasaboorka cagaaran ay dad been abuurayaal ah ka sameyn jireen Cabdal Shideeye ayaan indhaha ka qabsan jirnay, balse waxaan leenahay inti hore allaha idiin calfo, maanta kadibna iimaanka allaha idin geliyo” ayuu yiri Md. Gaafow oo ka gaabsaday in baasaboorada Cabdal Shideeyihii ay raggaasi ku bixin jireen saxiixiisa. Baasaboorkan cusub ayaa dhaqan galkiisa ay noqoneysaa guul u soo hoyotay dowladda isla markaana meesha ka saareysa orodka maamulka la magac baxay Somaliland ay ugu jirto aqoonsi ay ku qasbanaan doonto iney Laas Caanood ka soo doontaan Baasaboorkan cusub halkaasoo uu ka furan yahay xafiis bixinaya Baasaboorka cusub oo qeyb ka ah xafiisyo badan oo laga furay dalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  22. Baasaboorkii hore oo gabi ahaan la mamnuucay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 27-Sebtember-2007 Shir jaraa`id uu maanta ku qabtay garoonka caalimiga Muqdisho madaxa socdaalka & jinsiyada C/laahi Gaafow Maxamud ayaa waxa uu ku mamnuucay isticmaalka baasaboorkii hore ee Somaliya kaasoo uu ku sheegay in ey maanta ku ekeyd xiligii labada bilood oo ey dowladda federalku ugu dartay isticmaalkiisa isagoo barbar socday kii cusbaa. Mudane Gaafow ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixi ka danbeeya uusan garoonka ka dhoofi doonin qof aanan wadan baasaboorka cusub isla markaana xabsiga loo taxaabi doono lana ganaaxi doono cidii lagu qabtaa iyadoo baasaborkii hore rabta in ey ku duusho. Baasaboorka cusub ayaa waxa uu sheegay Gaafow in aduunka laga aqoonsanyahay, wuxuuna intaa raaciyay in baasaboorka cusub laga qaadan karo wadamo badan oo ey ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, Mareykanka, Carabaha iyo Ingriiska. C/laahi Gaafow ayaa sidoo kale sheegay in baasaboorka cusub uu dheeryahay waxyaabo badan kii hore, waxaana lagu helayaa Visoyin, ciqaamo iyo faaiidooyin kale, ayuu yiri. Shirkan jaraa`id ayaa yimid kadib markii ey maanta ku ekeyd xiligii dowladdu u qabatay istocmaalka baasaboorkii hore oo mudo laba bilood ah barbarsocday kan cusub si ey dadku ugala qabsadaan
  23. Hargeysa: Ilaalada qaaska Daahir Riyaale oo toogasho ku dilay Xubin ka qeyb galay shirka Asmara 26. September 2007 Hargeysa(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya dhinaca xuduuda ay la wadaagto Somaliland dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha la magac baxay maamulka isku magacaabay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ay toogasho ku dileen xubin ka qeybgalay shirkii Asmara ee dalka Erateriya kaasoo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Ibraahim Xasan Gamuute oo ahaa madaxii la socodka saadaxasha hawada iyo garoomada ee Somaliland. Sida ay u xaqiijiyeen ehelada marxuumka la dilay ayaa AllPuntland u sheegay in ilaalada Daahir Riyaale si ula kac ah ay u toogteen marxuumkaas oo si nabad ah doonayey inuu u soo galo magaalada Hargeysa. Marxuumkan ayaa duulimaad diyaarad ah ugu yimid dalka Asmara oo uu u soo gaaray dalka Jabuuti bacdamaa ay gobolada Waqooyi ay diideen in diyaaradaha ay saran yihiin ergadii Asmara imaan Karin garoomadooda. Horay ayey ciidamada Somaliland u xereen ergooyin ka yimid Asmara kuwaasoo ay u dib ugu celiyeen dalka jabuuti qaarkoodna ay xabsiga dhigeen. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho