General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Maamulka Gobolka Banaadir oo Shirkadaha Isgaarsiinta ku amray inay shati sameystaan { 24 Sep 2007} waxaa la daabacay Mon 24 Sep 2007 15: 25: 20 Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) ayaa waxaa shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala Gobolkan lagu wargeliyey inay fuliyaan qodobbada hoos ku qoran ee afarta ah: 1-Laga billaabo 24-9-2007 waa in shirkadaha isgaarsiintu qaataan shati, shirkaddii aan shati qaadan wax hawl ah kama qaban karto Magaalada gudaheeda sida keybal gelin, qodidda iyo farsamooyinka kala duwan ee ay ka hayaan magaalada gudaheeda, waana inay la xiriiraan waaxda shutuudda. 2-fasax la’aan lama qodi karo jidadka iyo laamiyada, waxaana fasaxaas bixin kara maamulka Gobolka Banaadir qeybta arrimaha bulshada. 3-Waana in la dhisaa dhammaan jidadka ay shirkadaha isgaarsiintu horey u qodeen burburna ku sameeyeen iyagoo fulinaya danahooda gaarka ah. 4-Shirkadaha isgaarsiintu waa inay banneeyaan baallayaasha dowladda, oo ay shirkaduhu sameystaan baallayaal u gaar ah sidaan horey ugu wargelinnayba. Wareegtadaan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye Maxamed Dheere ayaa waxaa soo bixitaankeeda aad u soo dhaweeyey shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku qabay dhibaatooyinka burburinta waddooyinka ee shirkadaha isgaarsiintu la yimaadaan. Waaxda Warfaafinta Gobolka
-
Baidoa: TFG leadership relationship, strong with no major issues
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its obvious you would take Yusuf Garad's words over any Pundland Somali's. Its simple to any observer that its the clan prisam that makes you sing so loudly adeer. However you do sound desperate, since all you are peddling today is that there is a political difference within the TFG. Thus you lost all hope with regards to your clans military might, your warlords declerations and your exiled leaders mad rants from Asmara. I hope you recover adeer. -
Muqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo Shirkadaha Isgaarsiinta ku amray inay shati sameystaan 24. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Maxamuud (Maxamed Dheere) ayaa waxaa shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala Gobolkan lagu wargeliyey inay fuliyaan qodobbada hoos ku qoran ee afarta ah: 1.Laga billaabo 24-9-2007 waa in shirkadaha isgaarsiintu qaataan shati, shirkaddii aan shati qaadan wax hawl ah kama qaban karto Magaalada gudaheeda sida keybal gelin, qodidda iyo farsamooyinka kala duwan ee ay ka hayaan magaalada gudaheeda, waana inay la xiriiraan waaxda shutuudda. 2.fasax la’aan lama qodi karo jidadka iyo laamiyada, waxaana fasaxaas bixin kara maamulka Gobolka Banaadir qeybta arrimaha bulshada. 3.Waana in la dhisaa dhammaan jidadka ay shirkadaha isgaarsiintu horey u qodeen burburna ku sameeyeen iyagoo fulinaya danahooda gaarka ah. 4.Shirkadaha isgaarsiintu waa inay banneeyaan baallayaasha dowladda, oo ay shirkaduhu sameystaan baallayaal u gaar ah sidaan horey ugu wargelinnayba. Wareegtadaan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye Maxamed Dheere ayaa waxaa soo bixitaankeeda aad u soo dhaweeyey shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku qabay dhibaatooyinka burburinta waddooyinka ee shirkadaha isgaarsiintu la yimaadaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Adeer, Geedi is the PM of Somalia, thus why would I attack him? Unless you can not see beyond the prisam of the clan.. He was choosin not by me but President Yusuf, twice even when the Parliment voted him out. If him and the dear leader have differences of opinion, then what? Who cares? You seem to base your whole political stance on wishing on stars, and fairytales told by old ladies and propogated by Dayniile.com. Farax Brown, alas your desperation is all too obvious, what happened to the Asmara gang and the clan daydreams in Asmara? The TFG is strong adeer, in control and any division, or change will not have any impact on it. Who is the puppet, those who reside in Mogadishu or those living in Aferwarki's house.
-
Baidoa: TFG leadership relationship, strong with no major issues
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Its laughable that you are still clutching to straws. The TFG is together and if change arises it will not make a single difference. Remmeber many have gone with the wind, the warlords [Qaynyare, Musa, Aydeed Jr] , the confused former Parliment speaker. Though the system still was in tact. As for trusting the BBC[Yusuf Garad] One can not expect such a media to ever make accurate reporting since they are fed by the defeated groups media master. -
Garowe: University of Rome delegation arrives in Puntland: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wefti caalamiya oo ka socda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga ayaa waxa ay Booqasho iyo kormeero kala duwan u jogan Degaanada Puntland Iyagoo indha indhaynaya arimo badan BOSASO:Weftigan Caalamiga ah ayaa waxaa ay u kuur gelayaan Xaalada Aqooneed e ka Jirta Maamulka Puntland waxaana ay Weftigan ay ka socdaan Jaamacadaha Dalka Talyaaniga Waxaana Hormuud ka ah ooo Hogaaminaya Safarkoodana ku soo Raacay Prof. Fago Luicieno oo ka socda Jaamacada Rome University Iyo Sidoo kale Inj.Calas Cabdinuur Yuusuf oo ah xiriiriyaha jaamacada Rome University iyo Puntland State Univesity Waxana ay Ka soo Degeen Masuuliyiintaasi Dhawaan madaarka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana ay u kuur gelayaan Weftigani arimo Badan oo la xiriira Nidaamka caalamiga ah ee aqooneed taas oo Hadafkodu ahaa inay ku soo xaqiijiyaan arimo badan oo ay u soo Qarshyeen boqashadan ay hada dalka ku joogaan, Waxayna kullamo kula yeesheen Garowe Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)Wasiirka Caafimaadka Dr.C/rixmaan Saciid Dhagaweyne, Wasiirka Waxbarashada Axmed Saciid Awnuur, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada Puntland ee Garoowe, waxayna heshiis Waxbarasho kala saxiixdeen Maamulka Pun tland Waxaana Heshiiskaas ka Muuqata tageero loo fidinayo iyo Soo dhawayn looga gol leeyahay sare u qaadista Jaamacadaha Puntland Dhinaca kale waxaa Magaalada Bosaso Casho sharaf ugu Sameeyey Wasiirka Wasaarada Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Iyo Wasiirka wasaarada DGPL waxaana ku Soo xaadiray Casha sharaftaasi Dad fara badan oo Casumaad ka helay waxana kala ahyeen Wasiiro,Xildhibaano,Wasiir kuxigeeno iyo aqoonyahano Dhaliyaro Cuqaal iyo Qaybaha kale oo ka mida wax garadka Puntland, Sidoo kale waxaa casha sharaftaas Weftigan Caalamiga ah Mahad naq uga soo jeediyey Wasaaradaha Caafimaadka iyo Maaliyada ee DGPL oo ku tilmaamay talaabadaas Mid mudan Wanaag iyo tixgelin Waxayna Mahad gaar u jeediyeen Wasaaradu Madaxda sare ee Qaabilsan arimahan oo iminka kula joogta safarka Wada shaqayntuna ka dhexayso kuwaas oo ka shaqeeyey taageerada JaamacadaTalyaanigu ay siinayso Jaamacada Puntland State University, Maxamed Axmed Ciise Bosaso Puntland Geedi7@hotmail.com -
Simple really, if the weapons were Geedi's & Dheere's, which is what you are proposing. Then they must not have any power in Mogadishu what so ever as these weapons were confiscated by the security apparatus. Thus your delusion of Geedi Vs Yey is not fonna pay any dividend. Anyhow our PM, Mayor are doing a hell of a job, so is Slad Ali Jelle, Mr Abdiqaybdeed, and all the fine police officers in Mogadishu.
-
Baidoa: TFG leadership relationship, strong with no major issues
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxda sare ee DF oo isku dhagan Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Sebtember-2007 Hogaanka sare ee dowlada KMG ah ayaa ilo wareedyo soo baxaya ay sheegayaan in ay ku sii jeedaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka haalkaasi oo uu shalay gaaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Safarkaani madaxda dowlada ugu jeedaan Baydhaba ayaan la aqoon ujeedka ka dambeeya , iyadoo safarkaani uusan aheyn mid horay loo sii shaaciyay. Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in qilaaf uu u dhaxeeyo xiligaan madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya kaasi oo la sheegay in baarlamaanka uusan wax ka ogeyn. Gudoomiye ku xegeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Dalxa ayaa tibaaxay in baarlamaanka wax ka ogeyn qilaf la sheegay in uu u dhaxeeyo madaxda dowlada KMG ah. Ka dib safarkaani ayuu madaxweyne Yuusuf u ambabaxayaa dhanka dalalka carbeed halkaasi oo uu madaxda dalalkaasi kala soo hadlayo ka qeyb qaadashada ciidamada nada ilaalinta. Maryama Xuseen Axmed seymyuun@hotmail.com Muqdisho,Somalia -
Baydhabo: Sh. Aadan Madoobe: “ Ma jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda” 24. September 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” oo maanta la hadlayey xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf siyaasadeed oo weyn oo u dhaxeeya madaxda dowladda balse ay jiraan kala fikir duwanaansho iskula aadan horumarinta dalka. “Waa been hadalada fadhi ku dirirada iyo idaacadaha qaarkood ay sheegayaan, waxaana idiin cadeynayaa in mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay dhawaan imaanayaan Baydhabo kuwaasoo diyaar u ah wax walba oo aan soo jeedino” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay intii uu Muqdisho joogay ay si caadi ah u wada kulmayeen isaga, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Sheekh Aadan Madoobe mar uu ka hadlayey xarigii Guddoomiyaha sare ee Maxkamadda Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayaa sheegay in si sharci ah loo xeri karo mas’uul kasta oo danbi gala waayo sharciga ayaa wax walbo ka weyn, aniguse ma hubo sababta lagu xeray Guddoomiyaha waana la baari doonaa ayuu yiri Guddoomiyaha. Gabagabadii Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku tilmaamay safarkoodii Sacuudiga inuu ahaa mid guul ah oo wax weyn u soo kordhinaya dhinaca dib u heshiisiinta isagoo u mahad naqay dowladda Sacuudiga oo mar walba gacan siisa shacbiga Soomaaliyeed. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Mugadishu Somalia's security is good UN envoy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Reer-Banadir, there will always be and have been clashes between Somali clans, over water holes and grazing areas. This has been true in the past and will be in the future so long as our mentality does not change. Yes there are many security concerns. However things are getting better. The security is improving no doubt since there is an unfair balance of power towards the TFG. Thus the recruiting, training and rebuilding from scratch all the security apparatus will take time. Somalia is not unique there are developing countries with much higher murder rates even though they have functioning governemnts, such as Brazil, Colombia, Jamaica and even South Africa. Is it improving?, Yes. If you want to reduce the violence, do not glorify it. -
Garowe: University of Rome delegation arrives in Puntland: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: University of Rome delegation arrives in Puntland: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Garowe: University of Rome delegation arrives in Puntland: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Wafti kasocda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga, oo Booqasho ku jooga Maamul Goboleedka Puntland Last Updated::2007-09-24 12:29:15 Garowe:- Wafti ka socda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga oo uu hogaaminayo,Prof. Fago Luicieno oo ka socda Jaamacada ROME UNIVERSITY oo ay weheliyaan Inj.Calas Cabdinuur Yuusuf oo ah xiriiriyaha jaamacada Rome University iyo Puntland State Univesity ayaa booqasho ku jooga Puntland. Waftigaan oo ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Aqoonyahano ay horkacayeen Prof. Maxamed Jaamac Salaad iyo Jen Cabdinuur Yuusuf Axmed. Waxayna kullamo kula yeesheen magaalada Garowe Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf {Gaagaab} Wasiirka Caafimaadka Dr.C/rixmaan Saciid Dhagaweyne, Wasiirka Waxbarashada Axmed Saciid Awnuur, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada Puntland ee Garoowe. Waxayna heshiis Waxbarasho kala saxiixdeen Maamulka Puntland, heshiis kaas oo dhigaya in Jaamacadaha Talyaanigu ay taageerayaan Jaamacadaha Puntland oo talyaanigu uu soo celinayo Taageeradii uu siin jiray jamacadihii Soomaaliya islamarkaasna ay is dhaaf sanayaan talyaaniga iyo Puntland Cilmi Baarista Dhinaca jaamacadaha ah, taas oo ay weheliso in ardada Puntland ay heli doonaan Waxbarashada Jaamacada Rome University. Sidoo kalena Mataa noobayaan, Rome University iyo Puntland State University. Waftigaas oo u ababaxay Boosaaso ayaa intii ay joogeen Garoowe waxaa Casho sharaf u sameeyey Wasiirka Maaliyadda Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab} iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr C/rixmaan Saciid Dhagaweyne. Waxaana kasoo qaybgalay xafladaasi Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir kuxigeeno iyo aqoonyahano. Wasiiraddda Maaliyadda iyo Caafimaadka ayaa aad ugu mahda ceshey Profsoorada talyaaniga iyo kuwa Puntland ee kasoo shaqeeyey taageerada JaamacadaTalyaanigu ay siinayso Jaamacada Puntland State University, HorseedNet.com
-
Idaacadda Shabeelle: The 6th Day
General Duke replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nothing preferential, Shabbele will come back to the air once the security of the area is improved. -
Asmara group brings in warlord IndaCade [same old clan joke]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Asmara farce -
Asmara group brings in warlord IndaCade [same old clan joke]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Whats the aim here? Other than to re-claim the looted land. Its a farce.. -
Asmara group brings in warlord IndaCade [same old clan joke]
General Duke posted a topic in Politics
Indha-cade oo loo magacaabay jago Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Sebtember-2007 Waxaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea lagaga dhawaaqay xilal ey ka mid yihiin ku xigeenada gudoomiyaha fulunta, kuwa golaha dhexe iyo xoghayeyaal tiradooda gaaraya 22-xubnood. xubnahan la magacaabay oo uu ka dhex muuqday madaxii hore ee gashandhigga Maxkamadihii Islaamka Sheekh Yusuf Siyaad Indhacade ayaanan isagu goobjoog aheyn goobta magacaabistu ka dhacday, ilaa iyo iminkana saxaafadda looma sheegin halka uu ku sugan yahay. Indhacade ayaa loo magacaabay isla jago uu u hayay Maxkamadihii Islaamka oo ah Xoghayaha Gaashandhigga, iyadii masuulkan laga waayay shaashadda saxaafadda tan iyo markii Maxkamadihii Islaamka dagaalka la galeen ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobiya ee lagaga awooda roonaaday. Waxaa sidoo kale la magacaabay xubno kale oo ey ku jirto qof dumar ah, oo ka tirsan Barlamanka xorta ah. Magacaabista xubnahan ayaa timid kadib markii magaalada Asmara lagaga dhawaaqay urur loogu magac daray Isbaheysiga Xoreynta oo kasoo horjeeda dowladda federalka iyo ciidamada Itobia ee ku sugan Somaliya. -
Laas Canood: militia defects from Somaliland after defeat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland Ilaa iyo 55 ka mid ahaa ciidamada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa habeenimadii xaley soo gaarey gudaha magaalada Laascanood, kuwaasi oo ka soo baxsadey deegaanka Adhi-Cadeeye oo ay fadhiyaan ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland oo ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada Puntland. Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/raxmaan Axmed Xaashi (C/raxmaan Tuur) oo u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamadan ka soo baxdey maamulka Somaliland ay u dhasheen deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasi oo uu sheegay inay u dulqaadan waayeen dagaalka lagu soo qaadayo Gobolada ay u dhasheen. C/raxmaan Tuur ayaa sheegay in ciidamadan in loo soo gudbin doono xerada ciidamada ee deegaanka Xorgoble halkaasi oo lagu wado in tababar loogu sameeyo, waxaana marka tababarkaasi uu soo dhamaado loo kala gudbin doonaa deegaanada Puntland oo ay ka qaban doonaan hawlaha loo xilsaaro ee ku aadan sugida amaanka iyo difaaca deegaanada Puntland. Ciidamadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee ka goosta maamulka Somaliland tan iyo markii ay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ka soo cusboonaadeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland. Axmed Max'ed Jaamac (Axmed Suufi) -
Laas Canood: militia defects from Somaliland after defeat
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SOOL, is a local issue, and JB you have seen another set back adeer. Our patiance is not always complete.. -
Dagaalkii ka socday duleedka Laascanood oo istaagay iyo Puntland oo guul sheegatay Last Updated::2007-09-24 17:58:45 Laascaanood:-Wararka naga soo gaaraya magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxa uu sheegaya in dagaalkii saaka ka qarxay jiida hore ee deegaanka Aricadeeye in haatan istaagay waxaana lagu soo waramayaa in dib loo riixay ciidanka Somaliland siday ay sheegteen Maamulka Puntland. Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ayaa ku soo waramaya in haatan dagaalka uu istaagay lana is weydaarsanayo madaafiic kaliya. Sarkaal u hadlay Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay madaafiic ku soo rideen kuwa Puntland ayna ka jawaabeen guulna ay ka gaareen dagaalkii maanta ay la galeen kuwa Somaliland. Warar madax banaan oo soo baxaya ayaa tibaaxaya in dagaalku uu istaagay markii uu roob xoogan ku dhufta jiida hore ee oo uu dagaalka ka socdo ee deegaanka Aricadeeye. HorseedNet.com
-
Mugadishu Somalia's security is good UN envoy
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiir ku xigeenka difaaca Qaranka Salaad Jeelle” Muqdisho rabshado meelo kale laga soo abaabulay ayaa loosoo musaafuriyay hadana kuwii loo soo dhiibay iyagi ayaaba gaba gabo la marsiinayaa” Wasiir ku xigeenka difaaca qaranka Soomaaliyeed Salaad cali Jeele ayaa ka dhawaajiyay in mar dhow xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho ay wax weyni iska badalidoonaan Dhagaha dadkuna ay ku diimi doonaan maqalka qaraxyadah iyo tacshiiradaha mararka qaar dhaca. “Amaanka Muqdisho hadda waa sugan yahay wax yaabo yar yar ayaana dhiman dhawana gacan bir ah ayay magaalada oo dhamki geli doontaa”ayuu yiri wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed Salaad Cali Jelle oo hadalkanka sheegay munaasabad madax farabadan oo Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho laguna mamuusayay fguritaanka xafiiska dalladda Bulshada rayidka deegaanada Banaadir oo uu guddoomiye ka yahay General Axmed jilicow Caddow . ” Muqdisho rabshado meelo kale laga soo abaabulay ayaa loo soo musaafuriyay hadana kuwii loo soo dhiibay iyagi ayaaba gaba gabo la marsiinayaa”ayuu mar kale yiri wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed salaad cali jeele oo intaa ku daray in dagalka argagixisada ka dhanka ahi uu marayo meel gabo gabo ah dhawaana lasoo afjaridoono. “Shacabka Muqdisho waa ognahay in ay nabadda u oomanyihiin ayna jecelyihiin dowladooda,laakin kuwo aad u tira yar ayaa isku dayaya in ay dhibaato hor leh abuuraan,waxaanse kuwaa iyaga ah u sheegayaa in ay waantooban hadii kale ay cawaaqib xumo aanay kasoo kabsan la kulmi doonaan “ayuu ku goodiyay wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed Halyey salaad Cali Jeelle. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com,carmooyin@gmail.com Email Story Printable View -
Muqdisho: Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatey hubab loo wadey magaalada Muqdisho. 23. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay qabatay hubab fara badan oo loo wadey magaalada Muqdisho isla markaana la doonayay in lugu taageero kooxaha mararka qaarkood qaraxyada ka geysta magaalada Muqdisho. Sarkaal sare oo dhinaca amniga oo magaciisa ka gaabsaday ayaa usheegay AllPuntland in ay ciidamada dowlada Soomaaliya hubab ku qabteen goobo ka mid ah dalka Soomaaliya isagoo sheegay in hubabkaasi dhamaantood loo wadey magaalada Muqdisho. Sarkaalkan wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya amaankiisa ay dowlada Soomaaliya dooneyso in ay ku soo dabaasho nabadgalyo isagoo hoosta ka xariiqay in gabi ahaanba lasoo afmeeray qaraxyo badan oo ka dhici jiray qeybo ka mid ah caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. AllPuntland ayaa ka soo xigatay Sarkaalkaasi in hubabkaasi lugu qabtay deegaano ka mid ah Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka mid yihiin degmada Afgooye ,Muqdiso iyo kuwa ka mid ah deegaanada Puntland. Talaabadan ayuu ku tilmaamay Sarkaalkasi mid soo afjareysa nabadgalyo daradii in mudo ah ka jirtay magaalada Muqdisho ,taasoo uu sheegay in ay ka danbeeyaan kooxaha ay dowladu ugu yeertay nabad diidayaasha. Sida la rumeysan yahay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada dowlada Itoobiya waxa ay dadaal xoogan ugashay nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ayadoo awoodeeda koowaad saartay magaalada Muqdisho oo loo arko in ay tahay xarunta amni darada Soomaaliya. Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa horay usheegtay in nabadgalyada Caasumada waqti kooban ay qaadaneyso soo celinteeda markii wadada lasoo dhoobay deegaanada magaalada ciidamada fara badan oo kala gadisan oo iskugu jira Soomaali iyo ciidamada dowlada Itoobiya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
