
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Red Sea breaking news from no other site than whidwhid.com source Puntland Oo guul Weyn Ka Gaadhay dagaalkii Maanta::Guul::Guul::: (Laascaanood}1.10-7 Dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka culus iyo midka fudud ayaa ka soconaya duleedka magaalada Laascaanood ee deegaanka Abeesaalay. Dagaalka oo laysku habeen saday ayaad moodaa inuu yara qaboobay haatan iyadoo noqotay xili gudcur ah. Warku wuxuu sheegayaa in degaanka uu dagaalkaa ka curtay ee Abeesaalay oo magaalada Laascaanood u jirta 18Km la iskala soo durkay oo magaalada Laascaanood loo soo jirsaday wax ka yar 10-km, waxaana hubka labada dhinac isu adeegsanayaan laga maqlayaa magaalada Laascaanood oo dadka degani ay argagax xooggani ka qaadeen. Dagaalkaa oo ku bilowday si xawli ah ayaa waxaa la sheegayaa in uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh, inkastoo aan weli la ogaan Karin khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalkaasi geystay inta ay la'eg tahay. waa dagaalkii ugu khaasaraha iyo dhimashada badnaa ee ka dhaca laascaanood taniyo inta la xasuusto taariikhda Dhanka somaliland waxaa naloo xaqiijiyay in dhimashdu ay xagooda kor u dhaafayso ilaa 48 nin oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar waxaana maydadkaas lagu daad gureeyay Burco iyo caynaba halka saraakiishiina loo qaaday dhanka magaalada hargeisa Sida ay ii sheegeen saraakiil katirsan ciidamada dowlad goboleedka somaliyeed ee puntland dagaalka wuxuu geystay khasaarooyin naf iyo maalba leh waxaana ku dhimatay tiradii ugu xooga badnayd ee ka dhimata labada ciidan taniyo intii ay dagaaladu ka dhex qarxeen somaliland iyo puntland. Tirada dhaawaca iyo dhimashada ah ee yaala dhakhtarka weyn ee magaalada laascaanood ayaa ah mid aad u badan walow maanta reer laascaanood ay gebi ahaantoodba dagaalamayeen ayaan loo kala saari karin dhaawaca iyo dhimashada inay yihiin askar iyo shacab Ciidamada maamulka isku magacaabay somaliland ayaa fadhiya buuraha ku hareeraysan magaalada laascaanood halka ciidanka dowlad goboleedka Puntland-na ay dhufays yo adag samaysteen . shacabka iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa niyadoodu ay tahay mid saraysa waxayna hadiyo jeer ku taamayaan inay gacan sareeyaan guushana ay iyagu leeyihiin
-
Range has faith in Somalia The daily Express October 01, 2007 CITY & BUSINESS EDITED BY PETER CUNLIFFE - THE AIM MARKET IF Range Resources is right, untapped oil reserves could soon bring badly needed foreign investment to Somalia. The oil exploration company planning a £45million Aim listing this month believes the east African country is sitting on massive potential supplies. It is exploring in the Puntland region where it says the geology is similar to that of oil-rich Yemen directly across the Gulf of Aden. Earlier exploration by Western oil companies was promising, but operations were halted during civil unrest in the 1990s. Executive director Peter Landau said Puntland was more politically stable than other parts of the country and was keen to attract investment. Range, listed on the Australian stock exchange, has negotiated a six-year exploration and development agreement with Puntland. ange, whose chairman is mining industry veteran Sir Sam Jonah, plans to raise about £2million from the listing, intended to create a more liquid market in the shares. Trading is to start on October 23 and the company's broker is FoxDavies Capital. © 2007 Express Newspapers
-
Ciidamada Puntland oo dib u riixay kuwa Soomaaliland ka gurmad xooggan L/caanood (WNT)-Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo manta dagaal xooggani uga bilow duleedka magaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramayaan in ciidamada Soomaaliland aad dib loogu xiiray ka dib markii gurmad xoogan u yimid kuwa Puntland. Dagaalka oo saakay bilowday ayaa lagu soo waramayaa in subaxnimadii hore aad loo riixay ciidamada Puntland laysuguna keenay duleedka magaalada Laascaanood,waxaase arintaan badalay ka dib markii gurmad xoogan oo ka yimid dhanka magaalada Garoowe oo wata ilaa 11 baabuur oo tiknikada loo yqaan ah, waxaana si weyn loo xiiray ciidamada taabacsan dhinaca Soomaaliland. Dagaalka ayaa keenay dhimasho iyo dhaawac welina lama xaqiijin tiradu inta ay gaarayso, waxaana iyana dhimasho xoogani ay soo gaartay ciidamada Puntland ka dib markii sida la sheegay ay isku dheceen laba baabuur oo nooca tiknikada loo yqaan ah. Magaalada Laascaanood ayaa qasan waxaa jiray malayshiyo beeleedyo horay magaalada loo soo geliyey loogu tala galay in lagu khal khal geliyo xasiloonida magaalada waxaana magaalada laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta wallow aysan sidaas u badneyn. Dagaalkan oo ah mid aad xooggan ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid sii daba dheeraada kala qaybina ku keeno dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo iyagu nabad gelyo ku soo gudbay 18 sano ee aan ka soo gudubnay. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
-
Sheekh Xasan Turki oo sheegay in dagaalyahano shisheeye oo ka bar bar dagaalamayay Golihii Maxaakiimta gacanta looga dhigay halka qaar kalena laga dilay. (WYNet)Kismaayo:-Sheekh Xasan C/llaahi oo loo Yaqaano Sheekh Xasan Turki kana Mid ahaa Golihii Shuurada ee Maxaakiimta islaamiga ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano ajaanib ah looga dilay halka qaar kalena looqa qabtay dagaalkii dhex maray Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Ethiopia oo dhinac ahaa iyo Golihii maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed. Sheekha oo waraysi siinayaya T.V-ga afka carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa sheegay in dagaalyahano badan oo ajaanib ah ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay dalka soomaaliya kaasi oo dhex maray maxkamadihii Islaamiga iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo Dagaalkii dowlada Federalka Soomaaliya. isagoo arintaasi sii faah faahinaya ayuu sheegay in muslimiinta ku dhaqan guud ahaan caalamka aysan kala aheyn ajaanib isla markana meel kasta oo ay joogaan isku gurman karaan ayna Dagaalyahano badan oo ajaanib ah ay ka qeyb qateen dagaaladii ay Golaha maxaakiimta islaamiga la galeen Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya. mar uu ka hadlayay qaabka ay haatan ku doonayaan in mar kale ay kula wareegaan Guud ahaan dalka Soomaaliya Ayuu sheegay in ay haatan ku jiraan diyaar garoow isla markaana ay dajiyeen nashqadii lagula dagaalami lahaa Ciidamada Ethiopian-ka ah ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya. Sheekh Xasan Turki mar wax laga weydiiyay in dhinacooda ay wada hadal la galayaan Dowlada federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dalka ka jirin dowlada balse dalka uu iminka ka taliyo sida uu sheegay Jararaal Gabre aysana Muuqan sababo ay kula hadlaan dowlad hadii ay wada hadal la galayana ay la hadlayaan gabre kaasi oo hadalkoodu noqon doono Holac iyo xabad ay kala hortagaan Ciidamada Xooga ku qabaday Dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
-
Ciidamada Somaliland oo la dhaafiyey deegaanka Canjiid oo u dhow Ari cadeeye. Laascaanood Monday, October 01, 2007 Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dagaalkii maanta looga geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale laga qabsaday maxaabiis aad u badan. Dagaal qaraar oo weli dhexmaraya ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa soconaya iyadoo labada ciidan ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kan fudud. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dagaalkii maanta looga geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale laga qabsaday maxaabiis aad u badan. Ciidamada Somaliland ayaa imminka la dhaafiyey deegaanka Canjiid iyadoo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sool G/sare Saciid Showdhe mar aan qadka telfoonka kula xiriirnay uu sheegay in inta aaney qoraxda dhicin ciidamada Somaliland ay dhaafin doonan jiida Ari cadeeye iyadoo imminka saacadu tahay 5:30 saacada geeska Afrika dagaalkuna uu si xoog leh weli u soconayo. Ciidamo badan oo gurmad ah ayaa ku sii qulqulaya jiida dagaalka kuwaas oo magaalada laascaanood si weyn looga dareemayo gurmadka ku sii jeeda jiida dagaalka, waxana maanta sidoo kale jiida dagaalka gaaray ciidamo uu wato Col Xiis oo ah taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Col Xiis oo wata tikniko fara badan iyo ciidamo ayaa maanta dhaafay magaalada Laascaanood, iyadoo gurmadka ciidamada Puntland ee gaaray deegaanada ay ka socdaan dagaalada ay isa soo tarayaan. Dhinaca kale laba gawaari oo kala ahaa gaari Taransate ah iyo gaari tikniko ah ayaa maanta si lama filaan ah isagu dhacay wadada laamiga ee goolada laascaanood kuwaas oo si xowli ah ku socday. Gaariga tiknikada ah oo ay saarnaayeen ciidamo gaaraya Sideed Askari ayaa waxaa geeriyooday Afar Askari iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Afar kale kuwaas oo imminka lagu daweenayo isbitaalka magaalada Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa imminka laga dareemayaa xiisad colaadeed iyadoo ay kacsan tahay shacuurta dadwayanaha waxa ayna dadka u diyaar garoobayaan sidii ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen dagaalada ciidamada Somaliland ay ku soo qaadeen deegaanadooda. Cakaarra.com Laascaanood
-
Maleeyshiyaddii Daahir Riyaalle soo diray iyo Shakhsiyaadkii uu soo diray oo Jab kala dulmay damacoodii Oct 01, 2007 By: Laascaanood(Jidbaale.com) Dagaal qadhaadh oo hubka nooocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka socday goobaha ay isku horfadhiyaad Ciidamadda Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maleyshiyadda laga soo diray Hargeysa oo kaashanaya shaksiyaad lacag la soo siiyay waxaana waxay kala dulmeen jab iyo hoog, firxadkoodiina waa lagu daba jiraa Dagaalkan oo dadweynaha SSC ay mid saadaalinayeen ayaa la ogaa inuu maruun faraha loola tagi doono maleyshiyadda ee ka soo duulay Hargeysa iyo inta ka shisheysa iyadoo loo soo maleeygay qorshe la doonayo in caasimadda Gobolka Sool ay xoog ku qabsadaan Dagaal saacado badan socday, ayaa saaka aroornimadii bilowday, waxaana ka qeyb galay bulshadda SSC oo kaashanaya Ciidamadda Puntland iyo kuwa Dowlada Federaalka, waxaana ugu horeyn la kiciyay maleyshiyaddi Riyaalle. In kastoo Dagaalku uu lahaa tab xaleedadeed oo looga digo rogtay aagihii ay madaafiicdoodu ku soo dhacaysay, hadana waxaa adeegsaday farsamo kale oo lagu sameeyay dhabar jabin, ciidamo tiro badan ooo ku hubeysan hubabka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soo galay dhinaca koonfureed kuwaas oo ka soo kicitimay dhinaca Gaalkacayo. Mudo ka yar saacad ayaa lala fuqey Maleyshiyaddi Riyaalle waxaana wali lagu raad joogaa firxadkoodiin, wixii warar ee ka soo kordhana waau idinla socod siin doonaa Sidoo kale shakshiyaadkii u adeegayay Riyaalle iyo oo maalmihii ina dhaafay ku sugnaa Laascaanood qorshahooduna ahaa inay magaaladda qabtaan marka xabadu isku dhacdo ayaa iyaduna ka cararay Magaaladda iyadoo u firxaday dhinaca toga weyn ee magaaladda laascaanood koonfurta ka xiga, kadib markay hayn waayeen sawaxan dadka iyo gadoodkii shacabka, walina wax war ah lagama hay meeshay aadeen. Jidbaale Disk news
-
Dagaal ba'an oo ka socda Laascaano dafaheeda 1 Oct 1, 2007 - 6:31:53 AM Magalada Laascaano iyo daafaheeda oo saakey arroortii ka bilowdeen iska-horimadyo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wararka ugu dambeyay oo ka soo baxa sheegayaan dagaal ba'ani ka socda meel magaalada u jira 10km halkaas oo lagu magacaabo Canjiid. Dagaalkan ayaa subaxnimadii saakey looga awood roonaadey ciidamada Puntland iyada oo dib looga soo riixey fariisamahoodii hore balse warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegaya in dib isaga cabiyeen ciidamada Somaliland kadib markii uu soo gaarey gurmad ka yimid Garowe. Magaalada Lascaano gudaheeda ayaa waxaa ka jira jahawareer ba'an iyada oo ay jirto iyada oo laga baqayo in halkaas isku farasaraan ciidamo beeldyo kala tagersan labada maamul. Dhimashada iyo dhaawaca ayaan ilaa hada cadeyn balse waxaa jira warar soo baxaya oo shegaya in ay is herdiyeen labo baabur oo kuwa dagalka ah kuwas oo ciidamada Puntland saarnaayeen. Baaburtan oo si xowli ah ku socotey ayaa fooda isku darey dariiqyada magalada iyada oo wararka hordhaca ah shegayan in ay ku dhinteen ciidamo badan askari oo ka tirsan Puntland. Dhinaca kale waxaa saakey magaalada Laascaano lagu diley nin ganacsade ah oo magaciisa lagu magacaabi jirey Jamaal Axmad Maxamad Cadde kadib markii ciidamo beeleedyada [ Sool] oo tageersan MGPL ay dileen. Marxuumkan oo ay dileen ciidamo wata Tekniko sadex ah ayaa ka soo jeeday beelaha Howdka oo tageera maamulka Somaliland. Xaalada Magaalada ayaa weli aad u kacsan iyada oo dadka magaalada cabsi wayn ka qabaan in dagalkan isu badalo dagaal beleed kaas oo keeni kara khasaaro badan. Magalada Garowe ayaa waxaa ka baxey ciidamo gurmad ah oo aad u hubeysan kuwas oo ku wajahan maagalada Lascaano. Wararkeena dambe ayaan idinku soo gudbin doonaa tafaasiil dheraad ah. Garowe Online,Garowe
-
War dagdag ah Ciidamada [secessionists] waqooyi oo iyaga la jibiyey lana marinayo Gumays Laascaanood 01 Oct 2007 Sida uu warka noogu soo diray tifatiraha iddaacadda laascaanood oo isagu ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay Ciidamada mujaahidiinta ee daraawiishta puntland ayaa galabta iyagu jabiyey ciidamada [secesisonist]ah ee laga soo taxaabay boorame ,iyagoo ka saaaray dhamaan dhufaysyadii ay ku jireen iyadoo iminka ciidamada soomaalidiidku ay ku suganyihiin tuulada gumays oo iyadu laascaanood 60km u jirta Dhinaca kele waxaan kala joogsanayn gurmadaka iyo ciidamada ka kala imaanaya magaalooyinka puntland , Waxaana muuqata iminka in ciidamada waqooyi ay dibu gurasho sameeyeen iyagoo u adkeysan waayey xabadda ciidamada mujaahidiinta ee puntland Dhimashada ciidamada ciidamada waqooyi ayaa kor u dhaafaysa 31 askari iyadoo dhaawacuna intaa ka badan yahay , Dhinaca kele ciidamada puntland ayaa waxaa soo gaadhay dhimasho laba nina iyo afar askari oo dhaawac fududi soo gaadhay, marka laga reebo laba gaadhi oo tikniko ah oo isku galay badhtamaha magaalada laascaanood ,labadan gaadhi ee isgalay ayaa waxaa ku dhintay 3nin waxaana ku dhaawacmay afar nin, Wixii Wara ee ka soo kordha dagaalada waxaan idiin balanqaadaynaa akhristayaal inaan idinla soo socod siino iyadoo qaar ka tirsan wariyeyaasha idaacaduna ay ku suganyihii goobya dagaalka C/qani C/laahi Irbad
-
War deg.deg ah booliska magaalada laascaanood ayaa toogasho ku diley Nin dhalin yara ah ka dib markii ay rasaas is waydaarsadeen booliiska sidaasi waxaa radiolaascaanood u sheegay dad goobjoogayaal ahaa balse lama garanayo ilaa iyo haatan sababta dhabta ee dilkaasi ku yimid mana jirto cid ka hadashay dilkaas ilaa iyo haatan iyadoo maydkii ninkaas ay soo qaadeen booliiska magaalada laascaanood oo uu yaalo saldhiga waqooyi ee magaalada ilaa iyo haatan ma jiraan wax calaamad ah oo muujinaya in uu dagaal toosi jiro iyadoo laga cabsi qabo in dhaqdhaqaaqu intaasi ka sii bato ugu danbayntiina isu badalo dagaal Maxamed C/qaadir Maxamed Carab
-
Raas-Kambooni: Sheekh Xasna Turki: “Al-Qaacida waa qeyb ka tirsan jirkeyga, dagaalada hada socdana waa maslaxada shacabka” 1. Oktober 2007 Raas-Kambooni(AllPuntland)- Sheekh Xasan Cabdullaahi Xersi “Turki” oo wareysi siiyay Talafeshinka Al-jaziira ayaa sheegay inuu ku sugan yahay meel xadka Kenya aan ka fogeyn oo ah howdka dhulka Soomaaliya ee Jubooyinka isagoo sheegay in aan halkaasi loogu geysan karin khasaare ka yimaada duqeyn dhinaca cirka oo Mareykanka ku soo qaadaan oo uu heysto meelo istaraatiiji ah. “Al-Qaacida waa qeyb ka tirsan jirkeyga, dagaalada hada socdana waa maslaxada shacabka waana la wadayaa intii aan Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi la kulmi lahaayna waxaa ka sharaf fiican inaan la kulmo Generaal Gabre oo aan kula xaajoodo rasaas iyo madaafiic aan is dhaafsano” ayuu yiri Xasan Turki. “Hadiiba Cabdullaahi Yuusuf uu keenay Mareykan iyo Itoobiyaan maxaa noo diidaya inaan keensano oo u yeerano walaalaheena Muslimiinta, kuwasoo horayna noola joogay hadana nala jiraan oo horay ugu qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo gobolada kuwaasoo qaarkood ay ku dhinteen,m kuwana la qabtay waan qirayaa” ayuuna sii raaciyay wadaadka ruuxiga ee ku sugan keymaha Raas Kiyambooni oo uu sheegay iney saldhig u tahay. Xasan Turki waxaa uu caddeeyay in ay wadi doonaan weerarada lagu haayo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in khasaaraha ka dhasha uu yahay mid shacbiga maslaxad u ah taasoo meesha ka saareysa xaquuqda ay leeyihiin dadka maadida ah ee dhibaatada ka soo gaareysa qaraxyada iyo weerarada ka`dhaca goobaha lagu dagaalamayo. Dhinac kale Xasan Turki ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo shirka Erateriya oo ay saaxiibadiisii hore ay dhawaan ku dhawaaqeen isbaheysi xorreynaya sida ay sheegeen Soomaaliya balse Xasan Turki oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa horay u diiday natiijada iyo ka qeybgalka shirka oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid ay abaabuleen cilmaaniyiinta ayna habooneyn in laga qeybgalo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Sheekh X. Turki “Dagaalyahano ajanabi ah ayaa inaga barbardagaalamaya waayo" Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) oo ahaa hogaamiyihii garabka hubaysan ee maxakamadahii Islaamiga ee Gobolada Jubooyinka isla markaana ka mid ah dadka Mareykanku ay doondoonayaan ayaa wareysi dheer oo uu siiyay Barnaamijka Kulanka Maanta ee ka baxa Telefishinka Al-Jazeera wuxuu si rasmi ah ugu cadeeyey inay jiraan dagaalyahaniin shisheeye ah oo ka barbar dagaalamay maxkamadihii Islaamiga, iyadoo ay jiraan xiligana kuwa kale oo la jooga. Wareysigan ayuu ku sheegay Xasan Turki in sababaha uu ugu biirey dagaaladii magaalada Muqdisho ee dhexmarey maxkamadihii Islaamiga iyo waliba Isbahaysigii la burburiyey ee la dagaalanka argagixisada ee ay ku mideysnaayeen qabqablayaashii Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii dood ay qabatey BBC-da laanta Soomaaliga oo dhexmartey Xasan Daahir Aweys iyo Bashiir Raage Shiiraar uu Bashiir Raage ku tilmaamey in uu yahay Xasan Turki xubnaha argagixisada “Bashiir Raage oo igu tilmaamay inaan ahay qof Argagixiso ah, ayaan aad uga carooday, iyadoo uu Sheekh Xasan sheegay inaan ahay Muwaadin Soomaali ah, waxaana go’aansaday inaan Ciiddamaddayda ku jiray Xeradda Tababarka Raas Kambooni ku soo biiriyo dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka, waayo waxaan ogaa haddii uu Bashiir Raage ka guuleysto Maxkamadaha inuusan aniga I dhaafi doonin oo uu igu imaan doono Deegaanka Raas Kambooni, sidaasi ayaan dagaalka ku galey anigoo watey 21 baabuurta dagaalka waxaan degmada Kaaraan gaar ahaan waqooyiga Muqdisho dagaal kula galey Bashiir Raage oo aan k qabsadey hun fara badan” ayuu yiri Xasan Turki . Xasan Turki oo ka hadlayey dagaaladii dhexmarey ciidamada DFMG ah iyo kuwa Itoobiyaanka oo dhinac iyo maxkamadihii Islaamiga ayuu wuxuu sheegay inay iyaga ka barbar dagaalameen dagaalyahanadii ajanabi ah, kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood ay shahiideen kuwa la qabsadey iyadoo kuwa kale ay haatan la safan yihiin. Sheekh Xasan Turki wareysiga uu siiyay Tv-ga Al-Jazeera wuxuu ku difaacay dagaalyahaniinta ajanabiga ah ee ay garabsadeen, taasi oo ku macneeyey in Muslimiinta ay yihiin walaalo, isagoo soo xigtey Aadayo qu’aanka ah iyo xadiista nabigeena Muxamed CSW, wuxuu si kulul wareysiga ugu sheegay in mar hadii madaxda sar sar ee DFKMG ah ay u yeerteen ciidamo Itoobiyaan iyo Mareykan isugu jira ay iyaguna u yeerteen dad uu ku tilmaamey walaalaheen. Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) waxaa kaloo wax laga weydiiyey qaabkii uu uga badbaaday Duqeyntii Diyaaradaha dagaalka ay ku qaadeen qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka, waxa uu sheegay inu u Fadlga Ilaahay ku badbaaday iyo muhiimadda Deegaanka uu joogo oo uu xusay inay leedahay ahmiyad Isrtaraatijiyadeed. Sheekhu wuxuu sheegay sheegay inuu ku sugan yahay deegaan 700-Km u jirta xuduudka dalka Kenya, ama 500-Km xuduudka dalka Soomaaliya, waxaana uu xusay inaysan ka baqaynin duqeynta diyaaradaha, maadaama uu dhulku kaymo badan iyo biyo leeyahay. Wuxuu sheegay inaanay jiri doonin wax wadahal ah oo ay lagalayaan dawlada Federaalka KMG, isagoo sheegay in dagaal oo kaliya uu kala dhaxeeyo Itoobiya iyo DFKMG ah, sidaasi si lamid ah ayuu u wareeray siyaasada Madaxweynaha Mareykanka gaar ahaan dagaalada ka socda Ciraaq, Falastiin, Lubnaan Afgaanistaan, iyo Soomaaliya oo ku tilmaamay in Mareykanku uu ka dambeeyo. SBC International News Desk
-
Wararkii Ugu dameeyay Magaalada Laascanood IYo Ciidan uu wado Xeef cali taar oo garay halkaas Ciidamadii Maamulka Somaliland Oo Dib loo riixay iyo Ciidamo Horleh oo uu hogaaminayo Xeef Cali Taar ayaa goordhawayd gaaray magaalada laascaanood...... Ciidamada Dawlada iskeed isu magacawday ee Somaliland OO Dharbaaxo xun laku dhuftay Dibna Loo riixay Kadib markii ay Halkaas gaareen Ciidamo Aad u qalabaysan Oo uu wado Xeef cali taar iyo Ciidamo katirsan dawlada Somaliya OO Kayimi Dhanka Galkacayo Khasaraha Dagaalkaa inta uu leegyahay wali Lama garan karo Dagalka oo socda Owkeed waxan se idin Soo gudbin Doonaa saacadaha Soo socda insha alah kala Soco Boocame Online news warbahinta qarniga Cusub Boocame.com@hotmail.com
-
Wararkii Ugu dameeyay Magaalada Laascanood IYo Ciidan uu wado Xeef cali taar oo garay halkaas Ciidamadii Maamulka Somaliland Oo Dib loo riixay iyo Ciidamo Horleh oo uu hogaaminayo Xeef Cali Taar ayaa goordhawayd gaaray magaalada laascaanood...... Ciidamada Dawlada iskeed isu magacawday ee Somaliland OO Dharbaaxo xun laku dhuftay Dibna Loo riixay Kadib markii ay Halkaas gaareen Ciidamo Aad u qalabaysan Oo uu wado Xeef cali taar iyo Ciidamo katirsan dawlada Somaliya OO Kayimi Dhanka Galkacayo Khasaraha Dagaalkaa inta uu leegyahay wali Lama garan karo Dagalka oo socda Owkeed waxan se idin Soo gudbin Doonaa saacadaha Soo socda insha alah kala Soco Boocame Online news warbahinta qarniga Cusub Boocame.com@hotmail.com
-
Mogadishu: clan leaders from the Juba's reach agreement
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shir laga hadalayey arimaha magaalada Kismaayo oo lagu wado in galabta uu soo afjarmo Muqdisho (WNT)-Shirkaan oo soo socday tan bartamihii bishii aynu soo dhaafnay ee August ayaa lagaga hadlayey sidii xal looga gaari lahaa arinta cakiran ee magaalada Kismaayo,oo iyadu mudadii ugu danbaysay ka maqnay gacanta dawlada FS. Arintaan ayaa waxaa ka wada halayey odayaasha iyo isimada beelaha wada dega gobolka Jubbada Hoose, iyadoo qorshuhu ahaa in meel lays la dhigo khilaafka ka jira magaalada Kismaayo. Shirkaan oo marxallado kala duwan soo maray ayaa ilo ku dhaw dhaw waxay sheegayaa in dhinacyadii wada halayey arinta isla soo dhirin dhiriyeen meelna wax isla dhigeen walow aan weli si rasmi ah weli loo shaacin qodobada laysku afgartay. Xaallada Magaalada Kismaato oo ahayd mid cakiran tan iyo 10 sano ee ugu danbeeyey ayna ka dheceen barakicii ugu xumaa ayaa arintan hadda taagan waxaa ay timid ka dib markii malayshiyaad hubaysan oo taageersan isbahaysigii dooxada Jubba iyo ciidamo dawlada u taba baraa oo ay isku beel yihiin weerar lama filaan ah ku qabsadeen magaalada oo ay ka saareen maamulkii halkaas laga unkay iyo isla ciidan kale oo dawladu FS oo ay lahayd oo hogaaminey C/risaaq Afgaduud 23/04/2007. Dhacdaan ayaa keentay inay halkaas ku khilaafkaas ay ku naf waayaan in ka badan 100 ruux, ayna ku dhaawacmaan tiro intas ka badan, waxaana weli magaalada gacanta ku haya kooxahaas. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net -
Controversial Indhacade Selected for the Defense Post
General Duke replied to Tahliil's topic in Politics
These people "care" about Somalia and yet rejoice in more bloodshed. They want to fight Ethiopians inside Mogadishu? They want to help the Somali people by calling for more war in the safety of an Eritrean hotel. Its the hight of *********, and they are doomed to fail as they always have done. -
Dowladda Sacuudiga, oo ugu baaqday Beesha Caalamka inay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku bixiyaan xalka Somalia Muqdisho, Axad , September 30 2007 SMC Dowladda Sacuudiga, oo ka mid ah Dowladaha Carabta ee taageeradda ugu badan ku bixiyey Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee dabayaaqadii bishii August ee sannadkan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdishu, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay gacan dhaqaale iyo mid siyaasadeed u fidiyaan dadka Soomaalida, si ay u soo af-jaraan colaadaha sokeeye iyo deganaansho la’aanta ka jirta dalka Somalia. Dr. Mansuur Al-saluum Al-yaami oo xubin ka ah Ergadda Joogtadda ee Dowladda Sacuudiga ee u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, ayaa hadalkaasi kulan khaas ah oo ay xubnaha Kooxda Caalmiga ee Isku-xirka arrimaha dalka Somalia iyo Xubno ka socday Ururka Islaamka Adduunka “OIC”-da ee haatan ka qeybgalayo Shirweynaha 62-aad ee Golaha Guud ee QM ee ka socda magaalladda New York, wuxuuna xusay inay Dowladdiisa 30-million oo Dollar ku bixiyey Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda Muqdishu. Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu Boqor Cabdalla Bin C/casiis uu bishan 16-dii ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, oo lagu saxiixay Natiijooyinka ka soo baxay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Somalia. Dr. Mansuur Al-saluum Al-yaami, waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga si joogto ah ula socon doonto Arrimaha dalka Somalia, isagoo xusay inay gacan ka geysan doonaan Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda dalka Somalia. Dhinaca kale, Kulanka ay Ergooyinka ka kala socda Ururka Islaamka iyo Kooxda Caalamiga ee arrimaha Somalia, waxay kaloo taageereen in Ciiddamo Carbeed loo soo diro dalka Somalia, si ay gacan uga geystaan Soo-celinta Nabadda ee dalka Somalia iyo inay Ciiddamadda Ethiopianka isaga huleelaan gudaha dalka Somalia. Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa horey ugu baaqay in Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka kala socda Dowladaha Carabta iyo Afrikaanka oo hoos tagaya Dalladda QM loo soo diro dalka Somalia, si ay taasi u fududeyso inay Ciiddamadda Ethiopianka ee taageeradda siiya DFKMGS ay dib ugu laabtaan dalkooda. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia
-
Muqdisho: Isimada Beelaha wada daga gobalada Jubooyinka oo galabta soo xiraya wada hadalo mudo dheer usocdey. 30. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa mudo dheer ka socdey wada hadalo ay leeyihiin beelaha wada daga gobalada Jubooyinka gaar ahaan beelaha sida gaarka ah udagen magaalada Kismaayo. Wada hadaladan oo bilowday markii lasoo xiray Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ayaa sida wararku sheegayaan galabta lasoo afmeerayaa ayadoo lafilayo in ay ka soo baxaan qodobo ay wada gaareen beelahaasi. Waxyaabaha sida weyn ay uga wada hadlayeen waxgaradka isku yimid waxaa ka mid ahaa xaalada magaalada Kismaayo sidii wax looga qaban lahaa ,sidii loo dhameyn lahaa khilaafka udhaxeeya beelaha wada daga gobalkaasi Jubada Hoose iyo in Magaalada Kismaayo gacanta dowlada Soomaaliya dib loogu celiyo ayadoo qodobadaasina laysku raacay. Mid ka mid ah Waxgaradkii ka qeybgaleysa shirkaasi oo lugu magacaabo Suldaan Maxamed Jaamac ayaa AllPuntland usheegay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray shirkaasi isagoo beeniyay in beelaha sida gaar loo dhexdhaxaadinaya mid ka mid ah wada hadalada diiday. Suldaan Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro colaadaha gobalada Jubooyinka oo mudo soo taxnaa ,isagoo sidoo kale sheegay in ay dowlada Faderaalka ee Soomaaliyana howshan fulinteeda door lixaad leh ka qaadaneyso. Shirkan oo socdey bishii ugu danbeysay ayaa marar badan waxaa dhacdey in ay is qabtaan beelaha wax isku sheeganaya ayadoo qeyb weyn ay ka qaateen Isfaham siinta beelaha waxgaradkii kasoo tagey dowlad gobaleedka Puntland ee utagey Muqdisho wada hadaladii beelaha Soomaalida loogu soo xiray Caasumada labo bil ka hor. Waxyaabaha dadka dega magaalada Kismaayo isku hayaan waxaa la rumeysan yahay in ay tahay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo oo ah magaalo Deked leh isla markaana mid ka mid ah beelahaasi ay Xukumeysay mudo sanooyin ah ,balse gacantooda ka baxday markii Maxkamadihii Muqdisho halkaasi gaareen ayagoo 23-kii Sannadkana gacantooda dib ugu laabtay. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Mogadishu: President holds court with cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaaha DFKMGS Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi ka socday Dawlada Kuweyt oo Maanta si wadajir ah uga qeybgalay Kulankii Golaha Wasiirada ee Xarunta Nabadsugidda Qaranka"NSS"-ta ee magaalladda Muqdishu ka dhacay Madaxweyne C/llaahi Yusuuf Axmed iyo Wufuud ka timid Dalka Kuweyt ayaa si wadajir ah maanta waxa ay uga qeybgaleen Kulan Xasaasi ah oo ay Golaha Wasiirada maanta ku yeesheen Xarunta Nabad sugida Qaranka Muqdisho. Xarunta Kulanka iyo Goobaha ku dhaw dhaw ayaa waxaa la dhigay Ciiddamada Xooga Dalka Somaliyeed iyo Ciidamada Uganda ee AMISOM waxaana ay mamnuucay inay dadka iyo Gaadiidka BLka adeegsadaan Waddooyinka soo gala Xarunta NSS-ta oo ku taalla Degmadda Shibis. Kulankaan oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxaa looga dooday Ajendayaasha dhinacyadda Nabadgelyada Qaranka , Maamulka, iyo Siyaasada. Kulankaan oo si marti sharaf ah loogu casuumay Wafdiga Dawlada Kuweyt ka socday ayaa waxa ay halkaa ka balanqaadeen in ay gacan ka geysan doonan Horumarinta dhinaca Warbaahinta somalia gaar ahaan in ay qalab iyo Tababaro isugu daraan Shaqaalaha Wasaaradada Warfafinta sida uu sheegay Max'ud Sayid Aadan oo ah Wasiiru dawlaha Arimaha Guadaha oo kulankaa kadib la hadlay Saxaafada Max'ud Sayid Aadan ayaa sheegay in kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Saraakiil ka socotay Ciidamada Nabad ilaaliyasha Uganda ee AMISO , waxaana ay fikrado ka dhiibteen Sida Max'ud Sayid Aadan Sheegay sida ugu Fiican oo ay Dawlada ku hanan karta Amaanka Caasimada Kulankaan ayaa ah mid si weyn ay afkaarahooda Madaxweynaha Hortiisa uga dhiibteen Wasiirada Xukuumada . Ilo Wareedyo kale oo aan kulanka ka helanay ayaa sheegay in Madaxweynuhu cafis u fidiyey Gudoomiyihii Maxkamada Qaranka Dr:Yusuf Cali harun iyo Garsoore Sheegow -
Arm chair the map is too large for the screen. Try to make it fit into the page. I see the changes you have made including both Cayn as well as Ceerigabo.
-
Mogadishu: President holds court with cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its a tragedy, what our dear people have been facing these past decades. Though its ironic that the same people who use this ladies plight as a political weapon, are also encouraging the continuation of war, through the Asmara initiative, the bombers, the land mines and anarchy. The only ay out is to end the anarchy,and the TFG is doing just that. -
Mogadishu: President holds court with cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Dowladda KMG oo ka qeyb galay kulan ay maanta yeesheen Guddiga amniga iyo golaha wasiirada. { 29 Sep 2007} waxaa la daabacay Sat 29 Sep 2007 10: 05: 27 Kullan xasaasi ah oo ay maanta xarunta nabadsugida ee magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga amniga qaranka iyo golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey Prof. Cali Maxamed Geeddi oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaasoo looga hadlayey labo qodob oo kala ahaa xaaladda cusub ee nabadgelyada Muqdisho iyo xariga loo geystay Guddoomiyihii maxkamadda sare ee qaranka Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayey si saraaxad leh ugu doodeen. Kulankan oo ahaa mid albaabada u xernaayeen ayaa dhamaadkiisa kadib ay soo baxeen qodobadii looga hadlay oo ay ugu xasaasinaayeen ansixinta qodob ka mid ahaa heshiiskii dib u heshiisiinta beelaha kaasoo sheegayey in magacaabista golaha wasiirada laga soo xuli karo meel Baarlamaanka ka baxsan taasoo dhalisay dood iyo kala fikir duwanaansho iyadoo Madaxweynuhu uu soo bandhigay qodobkaas ay saraaxad leh uga doodeen golaha wasiirada iyadoo aan la ogeyn in ay ogolaadeen iyo iney diideen balse warar hoose ayaa sheegaya in xili kale lagu balamay in qodobkaasi laga doodo. Sidoo kale xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa golaha wasiiradu badankood ay ku tilmaameen inuuu yahay mid sharci daro ah hadii uu danbi galo ama ay ku cadaato waxaa haboon in sharciga xeritaankiisa ka hor la marsiiyo ayey ku doodeen golaha wasiirada oo diiday in Guddoomiyaha oo xilkiisa haya xabsiga la dhigo, qodobkaas ayaan la ogeyn waxa ka soo baxay iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in talo soo jeedin aheyd in xilka laga qaado Guddoomiyaha maxkamadda sare looga dooday shirka, iyadoo sidoo kalena looga hadlay sidii Baarlamaanka loogu gudbin lahaa miisaaniyada dowladda oo mudo afar cisho ay u qabteen Guddoonka Baarlamaanka taaso ay isku raaceen golaha wasiirada. Gabagabadii kulankaas ayaa looga hadlay warbixin uu soo jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” taasoo ku saabsaneyd xaaladda nabadgelyo ee maalmahan danbe gaar ahaan xalay ku soo korortay Muqdisho walow aan la ogeyn go’aanka ay ka qaateen guddiga amniga qaranka, golaha wasiirada iyo maamulka Gobolka Banaadir. Email: admin@gobolkabanaadir.com Gobolkabanaadir.com -
Mogadishu: President holds court with cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Golaha wasiiradda dowladda KMG ah oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho. Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media) Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa ka qeybgalay kulan xasaasi ah oo ay golaha wasiirada dowladda fadaraalka soomaaliya maanta ku yeesheen xarunta nabad sugida ee Magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ay isagu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo ahaa mid balaaran oo lagu lafa gurayay qodobo door ah kuwaas oo uu gu muhiim sanaa dhinaca nabadgalyada ayaa waxaa ka qeyb galay hay’addaha nabadgalyada dowladda KMG ah iyo maamulka Gobolka Banaadir. Kulankaan oo ahaa mid albaada ay u laaban yihiin ayaa qodobadii looga hadlay waxaa si kooban uga warbixyay HornAfrik wasiir dowlaha arrimaha Gudaha dowladda KMG ah Maxamuud Siyad Aadan isagoo sheegay in howlo ammaan oo deg deg ah looga hadlayay. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu golaha wasiirada hordhigay qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho si ay uga doodaan,iyadoo halkaasi ay dood xasaasi ah ku dhexmartay Golaha wasiirada. Kulankaan dhexmaray golaha wasiiradda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay Ray’sal wasaaraha dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi waxaana lagu tilmaami karaa kulankii ugu adkaa ee dhexmara in Golaha wasiiradda.