General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Xarun cusub oo wasaaradda arrimaha dibada xafisyo u noqoneysa oo xariga laga jaray 2. Oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta xariga laga jaray dhismaha iyo xarunta ku howlgaleyso wasaaradda arrimaha dibada halkaasoo laga dhigay goob si weyn loo dayac tiray oo loo qalabeeyay. Munaasabada furitaanka xaruntaasi oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday labada gole ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Md. Maxamed jaamac Cali oo ka warbixiyay qaabka ay ku howlgaleyso wasaaraddu iyo dhismaha xaruntan cusub oo ay yeelatay. Agaasimaha wuxuu kaloo ka warbixiyay dhismaha xarunta oo uu sheegay iney tahay mid ku timid dadaalka madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta wasaarada oo ku guuleystay maanta in xariga laga jaro xaruntan cusub ee wasaaradda arrimaha dibada. Dhanka kale munaasabad lagu dhaarinayey safiirka dowladda Soomaaliya ugu wakiil noqonaya dalka Jarmalka ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada iyadoo uu goob joo ka ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo mas’uuliyiin kale. Danjire Maxamed Maxamuud Duqoow ayaa lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa kaasoo uu guddoonsiiyay waraaqihii aqoonsiga ee danjirenimo iyadoo loo rajeeyay safiirka cusub in Ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay uuna waajibkiisa u guto si daacad ah. Safiirka cusub ee Jarmalka Md. Maxamed Maxamuud Duqoow ayaa isna ballan qaaday inuu ka soo dhalaali doono xilka loo magacaabay oo uu shacbiga Soomaaliyeed uu u adeegi doono si caddaalad ah dhaqsina uu ugu ambabixi doono dalka Jarmalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  2. Bidix Amb. Uganda, Agasime Mj. Amb. Tifow. Amb. Kuwait, Amb. Shinaha, Amb. UAE iyo Midig Qunsulka Germany
  3. Danjire Maxamuud Maxamed Tifow oo loo dhaariyey inuu Safiir ka noqdo dalka Germany. Daawo Sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyey Ambassador Maxamuud Maxamed Tifow inuu danjiraha dalka Somalia ugu noqda dalka Germany waxaana lagu dhaariyey Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Ka hor inta aan la dhaarin ayaa waxaa hadal gaaban u jeediyey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo u sheegay in Danjire Tifow looga baahan yahay inuu lasoo baxo karti dheeri ah oo noqdo ninkii isku xeri lahaa labada dal isla markaana uu yahay nin ka masuul ah dalka Somalia shacabkooda oo dhan. Sedex qofood baa gaadiidkooda ku xeran kara Calanka Baluuga ah ee xidigta shangeesoodka leh dhexda kaga taalo, waana Madaxweynaha, Danjireyaasha iyo Gudoomiyeyaasha Gobolka, hadaba taasi waxay cadayn u tahay inaad wakiil ka tahay Jamhuuriyada Somalia oo dhan waxaanu kaa sugaynaa isbadal iyo in labada dowladood waa Somalia iyo Germany inaad ka dhigto kuwa isku xeran hadii taasi lagaa helana waxaad kasban doontaa inaad ka dalacdo Danjirenimada ayuu kula dardaarmay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Dhaarintii ka dib ayuu Md. Prof. Maxamuud Maxamed Tifow lagu wareejiyey Warqadihii Aqoonsiga ee Dowladda Somalia iyadoo horey uu madaxweynaha Germany horey ugu aqbalay in uu safiir u noqdo dalka Somalia. Ambassador Tifow ayaa horey ay u magacaabeen Golaha Wasiiradda iyadoo dowladda Germany laga sugayey aqbalaad laga bilaabo maalinta uu warqadihiisa aqoonsiga ugudbiyo dowladda Germany ayuu ku wareegayaa safaarada Somalia ee ku taala Dalka Germany magaalada Munich. Dhaarinta Ambassador Tifow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Jaamac iyo Safiiro iyagana sugaya aqbalaada dowladdihii loo magacaabay. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  4. Hobyo is one of the most historic and beautiful of all Somali regions. Insha Allah the locals will rebuild that fine old district.
  5. Punt land oo ka hadashay dagaalada G/Sool Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 02-Oktober-2007 Iyadoo maalintii shalay ay ciidamada maamulada PL iyo S/LAND ku dagalameen dhinaca galbeed ee magalada laasacaanood ayaa dagalaankaasi waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka PL Dr c/raxmaan maxamed bangax oo sheegey inuu ahaa mid gardarro oo kaga yimid dhinaca mamulka la magac baxay somaliland waxa uuna sheegey in lagu soo duley goobo ay fadhiyeen ciidamada PL ayna iska difaacen Guushuna ay Dhinacooda ay tahay. Wasiirka oo ka hadlayey waxa dagaalkaan uu salka ku hayo ayaa sheegey in tani ay tahay qorshe looga soo horjeedo dowlada Somaliya iyo Mamulka Puntland ayna ku lugleeyihiin kooxaha Asmara iyadoo loo soo marayo mamulka somaliland. Wasiirka ayaa intaasi sii raaciyey in ciidamada puntland ay hada ku suganyihiin goobihii ay fadhiyen ka hor dagaalka isagoo tibaaxay puntland ineysan marna diyaar u aheyn dagaal iyo dhiig somaliyeed oo daata hase ahaatee ay jawaabta ku haboon ka bixindoonto hadii weeraro danbe oo daandaansi ah lagu soo qaado Puntland. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya iyada oo habeenimadii xalay ahayd uu Booqasho aan hore loo shaacin uu ku tagay laascaano Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Mahamud isaga oo halkaasi kulamo kula qaatay Salaadiinta Gobolka Sool waxana uu kala hadlay sidii xiisada loo dajin lahaa usana mar dame dagal u dhicin. Mahamud Said Salaad askar75@hotmail.com Bosaso, Somalia Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  6. Muqdisho: Dab khasaaro xoogan dhaliyay oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha welina ku sii fidaya 2. Oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dab xoogan oo dhaliyay khasaaro hantiyadeed oo la soo goobi Karin ayaa caawa maqribnimadii ka kacay qeybt Bacadlaha ee suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo dabkaasi uu ku sii fiday qeybta Galeyda, Rijinga iyo qeybta hilib Ariga. Dabkaasi ayaa gebi ahaanba baabi’iyay qeybahaasi iyadoo aysan jirin gurmad xoogan oo halkaasi gaaray hadey ahaan laheyd dhinaca dowladda, maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Uurada iyo uu dhaliyay Dabkaasi ayaa la sheegayaa in ay Haweeney ay u geeriyootay waxaana la sheegayaa in qasaaraha uu geysanayo dabkaasi uu sii kordhayo, dadweynaha fara badan ayaa halkaasi isugu tagay kuwaasi oo doonaya iney ka ceynsadaan wixii haraa ah walow aan la geli karin gudaha suuqa oo dabka ku sii fidaya qeybo kale. Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa qeyla dhaan baaq ah u jeediyay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir, mana jiraan ilaa iyo hada gurmad deg deg ah oo looga hortegaya dabkaasi xoogan, marka laga reebo dadka hantidooda gubaneyso oo baaldiyo iyo caagag ku dhaaminaya biyaha iyo caro. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dabkan uu markiisii hore ka bilowday rasaas caawa maqribkii ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa kacdoonka wada oo ku soo dhacday suuqa Bakaaraha balse cid xaqiijin karta ma jirto marka laga reebo saadaashaas iyo maleynta, mana ahan markii ugu horeysay ee uu dab ceynkan oo kale ah uu ka dhaco suuqaasi iyadoo ilaa afar jeer ay gaareyso inta uu suuqaasi gubto. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. Dab weyn oo ka holcaya suuqa Bakaaraha Last Updated::2007-10-02 22:02:02 Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in dab weyn oo abaarihii 7-dii fiidnimo ka kacay bartamaha suuqa Bakaaraha uu ilaa iminka ku sii fidiyo goobo hor leh Holoca iyo qiiqa dabkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in laga arkayo degaano si weyn uga durugsan suuqa Bakaaraha Lama oga ilaa iminka sababta dhalisay dabkan ,mana jiro ilaa iminka gurmad xoogleh oo ku aadan daminta dabkan ,mana aha markii u horeysay oo dab noocan oo kale ah uu ka qarxo suuqa Bakaaraha iyada oo isla markiba horay loogu guulaysan jiray in la damiyo dabkan Waxaa wararku intaa ku darayaan in amaan darro la xiriirta wadooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ay keentay In dad badan oo ka qayb qaadan lahaa daminta dabkan ay cabsi darted uga baaqsadeen daminta dabkan C/hi Caaqil HorseedNet.com
  8. Laascaanood) Badhanonline.com.War deg deg ah: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo usoogalay kuwa puntland warkii oodhan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay magaalada soo galeen ciidamado ka soo goostey Maamulka Somaliland isla markaana ciidamadaasi ay ku soo biireen ciidamada Puntland ee jiida arcadeeya kusagan. Ciidamadan soo goostay ayaa wararku sheegayaan in ay ciidamadaasi yihiin kuwa fara badan oo ku hubeysan Gawaarida dagaalka oo gaaraya 3 gaari ,ayadoo wararku sheegayaan in ciidamadaasi loo soo gudbiyey magaalada Garoowe ee saasimada maamul goboleedka puntland. Mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka soo jeedaan beelaha deegaanka oo ka soo horjeeda ujeedada dagaalka ,ciidamada Puntland iyo dadweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey Imaatinka ciidamadaasi. Sababaha ay ciidamadan usoo goosteen waxa ay ku sheegeen markii ay arkeen duulaanka lugu soo yahay dhulkoodii waa sida ay hadal udhigeene iyo waliba dadka dagaalka wadaa in ay ku jiraan kooxihii dowlada Soomaaliya ka saartay Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya oo ah Koox-da All-Shabaab Waqooyi Galbeed oo ayaga dano gaar ah leh. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo AllPuntland kula soo xiriiray Telfoonka loo yaqaano Thruya ayaa xaqiijiyey in ciidankaasi xalay soo galeen Magaalada garoowe ee caasimada puntland. Saraakiisha Puntland waxa ay sheegayaan in dagaalo kale la filayo in ay dhacaan hadii aysan si nabadgalyo ah kaga bixin dhamaana deeganada Puntland ee ay soo galeen ,dibna ugu laaban sohdintoodii. xigasho Faarax C/qaadir Geylan
  9. Ciidamo aad u tira badan oo gaaray Aagii hore ee dagaalku shalay ka dhacay. Abaabul balaaran ayaa ka socda guud ahaan Puntland waxaana magaalooyinka lagu dhex arkayaa Ciidamadii daraawishta oo fuulaya Gawaadhidii dagaalka iyo weliba kuwii xamuulka kuwaas oo u socda Gobolka Sool, ka dib markii ay dagaal gaadma ah ay soo qaadeen Jabhada SNM [somalida Neceb Midnimada] maalintii shalay ahayd. Ciidamada Daraawishta ayaa waxaa ka muuqda wajigooda Niyad badan in ay u hayaan Difaaca Puntland ka dib markii la soo cadeeyey in ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan Wadanka Ereteria iyo weliba qeyb ka mid midowgii maxaakiimta oo lagaga awooda roonaaday Konfurta Somalia. Sarkaal u hadlay maanta Ciidamada Daraawishta ayaa sheegay in aan waxba ka jirin hadalkii ay shalay BBC du faafisay kaas oo ahaa in Jabhada SNM [somalida Neceb Midnimada]ay la wareegeen gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascanood sarkaalka ayaa sheegey in uu hada ku sugan yahay Aagii hore ee dagaalku ka bilowday. Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Calooshooda u shaqeystayashii ay ka baxeen Xaafadii ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo baqdin iyo argagax badan ku dhashay ka dib markii ay soo gareen magaalada Laascanood Ciidamo badan oo ka tirsan Darawiishta Puntland. Ugu danbayntii waxaa magaalada gacanta ku haya Maamul gobaleedka Puntland waxayna meesha ka saareen isgaarsiintii oo dhan taas oo awalba laga lahaa gobolada Waqooyi Mataan Farah allsanaag.com
  10. Here is the locals updating [audio] us on yesterday sevents: audio C/qani C/llaahi Cirbad oo waraysi Siiyaya Radio Boocame isagoo ku sukan Magaalada Laascaanod C/qani C/llaahi Cirbad oo waraysi Siiyaya Radio Boocame isagoo ku sukan Magaalada Laascaanod Magaaladda L/caanood oo ay weli ka taagantahay xiisad colaadeed oo aad u qaraar aya waxa noo suurta gashay in ay waraysi layeelano Cabdiqani Cabdilahi irbad
  11. Somali thinker: What you have provides is quite simple "Somaliland claims to have taken LA" its true, they also claimed they took Dhahar, after a simmilar defeat. The issue of LAASCANNOD, is local clans that will be settled by the local elders. Hargaysa has no say and thanks to this action they will further loose SOOL, CAYN and SANAAG.
  12. Wax garadka iyo Cuqaasha Gobolka Sool oo kulan saacado qaatay la yeeshay Madax wayne ku xigenka Maamul goboleedka Puntland oo Saacadihii aan Soo dhaafnay Gaarey Magaalada Laascanood ee ay xiisadu ka aloosantahay. Laascanood: Cuqaasha iyo wax garadka Degaanka Laascanood oo isugu jira Culimo iyo wax garadka gobolkaasi ayaa waxaa kulan la yesheen Madax wayne ku xigeenka Dowald Goboleedka Puntland oo soo gaaray Magaalaa Laascanood Shalay gelinkii dambe ka dib markii ay dagaalo xoogani ka qarxeen oo laysku riiqay. Madaxwayne ku xigeenka DGPL ahna siihayaha Xilka Madaxwayne Xasan daahir Maxamud ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey uu ku tegey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool Golihiisa Wasiirada Qaar ka mida, Sida Wasiirka Caafimaadka C/raxmaan Dhagaweyne, Wasiirku xigeenka Maaliyada Yaasiin Cartan iyo laamaha amniga ee Puntland. Garaadyada iyo isimada aya ugu baqey kulankaasi ujeedadiisu ahayd in laga shaqeeyo Xasiloonida iyo habkii loo dejin lahaa marxalada ka soo kacdoontahay Gobolka Sool kulamakaasi ka dib ayaa waxaa Madaxwayne ku xigeenka iyo Golihiisa wasiirada loo sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa mid lugu riiqday waxaana ay intaas u raaciyeen dadkii dagaalka ka warbixinayey in Maalintii shalay ahayd Dagaalka Somaliland la soo gashay Puntland ay qayb ka ahayeen kooxaha lugu magcaabo Al-Shabaab oo garab siinaya Maamulka Somaliland. Dhinaca kale waxaa ay Maamulka Puntland isimada iyo wax garadku waxay ka Codsadeen inaan iminka Xasan daahir Maxamud looga fadhiyin Handadaad hor leh oo la galo Maamulka Somaliland waxaana ay Isimadu si buuxda uga Codsadeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland sidoo shacabka Reer laascanood in aan shacbigooda lagu dhex dagaalamin. Weftigan ayaa waxaa hor kacaayay guutooyin ciidan aad u hubeysan oo ka tegey Magaaada Garoowe ayaa waxaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo Weftigiis ay Booqdeen Jiida hore ee Dagaalku ka dhacay Maalintii Shalay waxaana u Madaxwayne ku xigeenka ku la Dardaarmay Taliska sare ee Ciidanka Puntland inay Difaac taabagala ka gaalaan Maamulka Somaliland hadii ay dagaaldame ku soo gar******aan. Maxamed Axmed Ciise Bosaso Dhar.com
  13. Somalithinker: All the local meia outlets are telling you the situation as it is. Also many audio reports from LA, highlight that once again the secessionist have been defeated at the gates of LA. Remember this was the city in which Dhari Riyaale was chased out more than four years ago by the locals. While all Presidents of Puntland, Mohamed Abdi Hashi. Cade Muse Hirsi have been welcomed with open arms? How then can you have us believe that the locals, the children of the Darwish are now supporting SL, or want SL? Who is daydreaming.
  14. Garoowe: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo magaalada Laascaanood kula shirey Waxgaradka gobalka Sool booqdeyna Jiidaha dagaalka. 2. October 2007 Garoowe(AllPuntland)- Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo Wafuud uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Laascaanood. Wafuudan oo ubadan taliyaasha ciidamada iyo golaha wasiirada waxaana ka mid ahaa wasiirada Wasiirka Caafimaadka Dhagaweyne ,Wasiirku xigeenka Maaliyada Yaasiin Tamaad iyo taliyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Puntland. Madaxweyne kuxigeenka oo magaalada tagey xili habeen ah ayaa bilaabey la shirida dhamaan qeybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood gaar ahaan waxgaradka gobalka Sool isagoo la kulmey Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan kalana hadley dajinta xaalada gobalka Sool. Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan ayaa usheegay Madaxda Puntland in ay sameynayaan waan-waan ku aadan in magaalada Koonfurteeda laga saaro maleeshiyo beeleedka loona baahan yahay in aan magaalada wax dagaal ah laga ridin. Xukuumada Puntland ayaa balan ku qaadey in aysan magaalada joogi karin Maleeshiyaadka udurbaan tumaya kooxaha iskaashanaya ee Somaliland iyo Koox-da Al-Shabaab isla markaana looga baahan yahay Isimada gobalka Sool in ay kooxahaasi Magaalada ka saaraan. Waxgaradka gobalka Sool ayaa usheegay Xasan Daahir Afqudhac in ay dagaalkii shaley dhinaca Puntland ay la dagaalameen koox-da Al-Shabaab iyo Somaliland oo iskaashanaya ayagoo markaasina ka fashilmey qorshihii ay doonayeen. Wafdigan waxa ay kaloo booqdeen Jiida dagaalka ayagoo halkaasi kula kulmey Saraakiisha howlgalinta ciidamada dowlada Puntland ee jooga goobahaasi ayagoo kala hadlay sidii difaaca ay tahay Puntland loo xoojin lahaa ayadoo Madaxweyne kuxigeenku usheegay ciidamada in looga baahan yahay difaacida dalka iyo dadka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha xilka Madaxweynaha ayaa magaalada si caadi ah ku dhexmareyey ayadoo guud ahaan gacan ku heynta magaalada ay Puntland si rasmi saaka ula wareegtay ,ayadoo wasiiro ka tirsan Puntland oo dhinaca Milateri ku caanbaxey ay tageen Jiida hore oo dagaalka oo ay wali joogeen. Shirarkaasi ka dib ayaa Madaxweyne kuxigeenka oo ay galbinayaan gaadiidka dagaalka wuxu tagey meelihii uu shalay dagaalku ka bilowday isagoo ka dibna Caasumada Puntland ee Garoowe dib ugu soo laabtay. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  15. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo gaaray magaalada Laascaano ee Gobolka Sool. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna sii haya xilka Madaxweynaha mudane Xasan Daahir Afqurac ayaa xalay gaaray Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii ay dagaalo kharaar magaalada duleedkeeda ku dhex mareen ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland iyo kooxaha nabad diidkaa ee Hargaysa. Mudane Xasan Daahir Afqurac ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo nabadoonada gobolka Sool, iyadoo laga wada hadlay sidii amniga gobolka loo sugi lahaa loona difaaci lahaa xuduuda deegaanada Puntland., Sidoo kale Madaxweynaha ayaa saaka kulamo dheeraad ah la yeeshay cuqaasha magaalada laascaanood. Dhanka kale saakay iyo xalay ayay magaalada laascaanood ku sii qul qulayeen ciidamo farabadan oo ka imaanayey gobolada Puntland, kuwaasoo hada gacanta ku haya magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Warar hoose ayaa sheegaya in magaalada Laascanood lagu soo rogi doono xaalad dag dag ah sababo dhanka amaanka ah iyadoo ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ay dhanka waqooyi u dhaafeen magaalada difaacna ka xirta halkaas. Warqabadka shabakadda Allmudug.org
  16. Puntland oo ku dhaleecaysay BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga been abuur. War maanta uu soo saaray wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska maamul Goboleedka Puntland Mr.C/raxmaan Maxamed Salaax, ayaa dhaleecayn dusha ugu turay idaacada BBC-da laanteda Afsoomaaliga in ay warar been abuur ah iyo argagaxin ah ka bixisay dagaaladii ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood. Bangax, ayaa shaaca ka qaaday in warar been abuur ah oo ay idaacadaasi faafisay lagu sheegay in maleeshiyooyin taageersan maamulka Somaliland ay qabsadeen magaalada Laascaanood, isla markaana ciidamada Punatland ay Garoowe u boqooleen. Wasiirka ayaa warkaasi ku tilmaamay war la iska yiri oo ay ka muuqato cadiifad dheer oo salka ku heysa qabiil iyo siyaasado la xiriira khal khal ku abuurida deegaanada nabdoon ee Puntland. Wasiirku wuxuu sidoo kale beeniyey in Wasiiro uu asagu kamid yahay ay ka baxeen magaalada Laascaanood, isagoo arinkaasi ku ku tilmaamay mid ku tiri ku teen ah. Dhanka kale Taliyaha Booliska Maamul Goboleedka Puntland Col: C/casiis Gacmey oo asagu hada ku sugan saldhiga booliska ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay sugayaan amniga deegaanka ku dhaw dhaw magaalada iyo sidoo kale gudaha magaalada. sidoo kale wuxuu Taliyaha Booliska Puntland dhaleecayn dusha uga tuuray wararka ay faafisay idaacada BBC-da qeybta Afsoomaaliga ee sheegayey in magaalada laascaanood ay lawareegeen maleeshiyoyin taageersan maamulka Riyaale. Hadalkaana yaa kusoo beegamay kadib markii xalay magaalada Laascaanood uu gaaray Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ku jiraan wasiiro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland. Warqabadka shabakadda Allmudug.org
  17. Puntland oo ku dhaliiceysay BBC-da laanteeda Afsoomaaliga been abuur Last Updated::2007-10-02 15:01:12 Laascaanood (HRNet):- War ay maanta soo saareen mas'uuliyiin kala gedisan oo kamid ah dowlada Puntland ayaa dhaliiceyn dusha uga tuuray idaacada BBC-da laanteeda afsoomaaliga in ay warar been abuur ah iyo argagaxin ah ka bixisay dagaaladii ka dhacay duleedka magaalada Laascaano maalintii shalay. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Puntland Mr.C/raxmaan Maxamed Saalax (Bangax) ayaa shaaca ka qaaday in warar been abuur ah oo ay idaacadaasi faafisay lagu sheegay in maleeshiyooyinka taageersan maamulka Soomaliland ay qabsadeen magaalada Laascaano, isla markaana ciidamada Puntland ay Garowe aaden. Warkaasi ayuu wasiirka ku tilmaamay warar la iska yiri oo ay ka muuqato caadifad dheer oo salka ku heysa qabiil iyo siyaasado la xariira khal khal ku abuurida gobalada nabadoon ee Puntland. Wuxuuna beeniyey in Wasiiro uu asagu kamid yahay ay ka baxeen magaalada Laascaano,asagoo arrinkaasi ku sheegay ku tiri ku teen. Dhinaca kale Taliyaha Booliiska Puntland Col.C/casiis Gacmey oo asagu hada ku sugan saldhiga Booliiska ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay sugayaan amniga deegaanada ku dhaw magaalada Laascaano. Wuxuu sidoo kale dhaliiceyn dusha uga tuuray warar ay faafinayaan qaar kamid ah idaacadaha ee sheegaya in magaalada Laascaanood ay joogaan maleeshiyooyin taageersan Somaliland. Hadaladan ayaa soo baxaya kadib markii uu xalay magaalada Laascaanood soo gaaray Madaxweyne kuxigeenka Puntland Md.Xassan Daahir Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan wasiiro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland. HorseedNet.com
  18. War deg deg ah: Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo soo gaarey Puntland. 2. October 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay magaalada soo galeen ciidamado ka soo goostey Maamulka Somaliland isla markaana ciidamadaasi ay ku soo biireen ciidamada Puntland. Ciidamadan soo goostay ayaa wararku sheegayaan in ay ciidamadaasi yihiin kuwa fara badan oo ku hubeysan Gawaarida dagaalka oo gaaraya 3 gaari ,ayadoo wararku sheegayaan in ciidamadaasi loo soo gudbiyey magaalada Garoowe. Mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka soo jeedaan beelaha deegaanka oo ka soo horjeeda ujeedada dagaalka ,ciidamada Puntland iyo dadweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa siweyn usoo dhaweeyey Imaatinka ciidamadaasi. Sababaha ay ciidamadan usoo goosteen waxa ay ku sheegeen markii ay arkeen duulaanka lugu soo yahay dhulkoodii waa sida ay hadal udhigeene iyo waliba dadka dagaalka wadaa in ay ku jiraan kooxihii dowlada Soomaaliya ka saartay Koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaliya oo ah Koox-da All-Shabaab Waqooyi Galbeed oo ayaga dano gaar ah leh. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo AllPuntland kula soo xiriiray Telfoonka loo yaqaano Thruya ayaa xaqiijiyey in ciidankaasi xalay soo galeen Magaalada. Saraakiisha Puntland waxa ay sheegayaan in dagaalo kale la filayo in ay dhacaan hadii aysan si nabadgalyo ah kaga bixin dhamaana deeganada Puntland ee ay soo galeen ,dibna ugu laaban sohdintoodii. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  19. Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Laascaanood gaaray Last Updated::2007-10-02 14:48:58 Laascaanood (HRNet):- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna siihayaha xilka Madaxweynaha Md.Xassan Daahir Afqudhac ayaa xalay gaaray magaalada Laascaano. Md.Afqudhac ayaa gaaray magaalada kadib markii ay dagaalo ka dhaceen duleedka magaalada LaasCaanood. Md.Xassan Daahir ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo nabadoonada gobalka Sool, ayadoo laga wada hadlay sidii amniga gobalka loo sugi lahaa. Madaxweyne kuxigeenka ayaa saaka sidoo kale kulamo dheeraad ah la yeeshay cuqaasha magaalada. Dhinaca kale saaka iyo xalay ayey magaalada Laascaanood gaareen ciidamo tiro badan oo ah kuwa Puntland kuwaasi oo gacanta ku haya magaalada iyo nawaaxigeeda. C/risaaq Shiino HorseedNet.com
  20. Kambala: Ciidamo cusub oo ka socda dalka Ugandha oo Muqdisho ku soo fool leh 1. Oktober 2007 Kambala(AllPuntland)- Ciidamo tiradoodu gaareyso 1600 (Kun iyo Lix boqol) iyo 97 sarkaal oo maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay tababar loogu soo xeray xero ku taala dalka Ugandha ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gaaraan magaalada Muqdisho kuwaasoo badali doona kuwa Ugandha ee hada ku sugan Muqdisho. Tababarkan oo ay bixinayeen 31 Macallin oo Faransiis ah kana tirsan saraakiisha saldhiga ku leh dalka Jabuuti ayaa lagu waramayaa iney kaalin muuqata ka qaadan doonaan howlgalka nabad ilaalinta ciidamada Africa ee ka howlgalaya Soomaaliya. Ciidamadan ayaa u muuqda kuwo ka duwan kuwii hore ee Ugandha kuwaasoo iska daawan jiray marka ay iska horyimaadaan ciidamada dowladda, Itoobiya oo iskaashanaya iyo kooxaha ka horjeeda ee ku sugan Muqdisho iyadoo aysan wax gurmad ah ama gacan ah u fidin jirin ciidamada isku onoka yihiin. Dhinaca kale waxaa jira qorshe afar dal oo Africaan ah lagu keenayo ciidamo ka tirsan dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka qaadanaya howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  21. Somalithinker, the news comes from local reer laascanood portals. thus they know whats happening on the ground the other national and international media will no doubt catch up.
  22. Gurmad Aad U Tirobadan Oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Laascaanood Oct 01, 2007 By: Laascaanood(jidbaale.com):-Waxaa magaalada Laascaanood goor dhaweyd soo gaadhay gurmad aad u xoogbadan oo ka kala yimi garoowe iyo Gaalkcayo, waxaanay magaalada Laascaanood isu rogtay goob milatari. source
  23. Sacuudiga oo caalamka ugu baaqday in taageero dhaqaale la siiyo dowladda KMG ah.... Somalia Sunday, September 30, 2007 Xayeysiis Dowladda Sacuudiga ayaa beesha caalamka ugu baaqday in taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed la siiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay xal ugu hesho nabad la'aanta ka taagan dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah ergada joogtada ee dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada MidoobayDr. Almansuur Al-saluum ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay lahaayeen kooxda caalamiga ee isku xirka arrimaha dalka Soomaaliya iyo xubna ka socday ururka Islaamka Aduunka kuwaas oo ka qeybgalaya kulan weynaha 62-aaad ee golaha ammanka uga socda maagalada New York. Mas'uulkan ayaa xusay in dowladda Sacuudiga oo uu ka socda ay Soomaaliya ugu deeqday 30millyan oo doolar gaar ahaan shirwayanihii dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in boqoka dalka Sacuudiga Boqor Cabdala uu magaalada Jidaha ku casuumaya qaar ka mid ah madaxda dowladda KMG ah iyo ergadii ka qeybgashay shirwaynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo halkaa lagu saxiixay natiijooyinkii ka soo baxay shirwayanahaas. Sidoo ergooyinkii ka socotay Ururka Islaamka ayaa iyagana dhinacooda taageeray ciidamo loo diro dalka Soomaaliya kuwaas oo ka socda dalalka carabta si ay gacan uga geystaan howlaha nabad ilaalinta islamarkaana ay u badalaan kuwa Itoobiya ee hadda ciidamada dowladda KMG ah gacanta siinaya. Cakaarra.com Somalia
  24. Ciidamo Puntland Oo Awood Dheeraada keensaday Gobolka Sool (Laascaanood}1.10-7 War Deg Deg Ah::: Ciidamo aad u xoog badan oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka ee tiknikada isla markaana ah kuwo si gaara u tababan ayaa haatan dul hoganaya jiida hore ee dagaalka.... Sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan dowlad goboleedka puntland ciidamadan ayaa ah kuwo si gaara u toba baran isla markaana gaashaaman puntland-na ay ugu talo gashay inay sigaara u galaan dagaalka ayaa haatan buux dhaafiyay magaalada kuwaas oo isu diyaariyay dagaal aan soo jeesad lahayn. walow ciidamada dowlad goboleedka puntland markii hore ey dhinac koone ah ka fadhiisteen magaalada ayaa hadana ay si dar darleh kusoo galeen casarkii kuwaas oo in badan eryayday ciidamadii duulaanka soo qaaday ee somaliland . Ciidamada daraawiishtu waxay eryanayeen ilaa iyo buuraha xargaga walow markii danbe ay puntlandtu dibu gurasho sameeyeen taas oo ay saraakiisha puntland ay ku macneeyeen taatiko dagaal. Caawa oo ay magaalada guux iyo buuq badan kajiraan meel kastana laga maqlayo dhawaaqa rasaasta ayaa hadana waxaa ay inta badan magaaladu ay tahay wada askar waxaana laguu sheegayaa in dagaalkan uu yahay kii lagu kala hadhayay. war aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga puntland oo ah rug cadaa ku xeel dheer dagaalada isla markaana ahaa ninkii gobolka ka eryay daahir riyaale xiligii uu imanayay magaalada uu haatan isaga iyo ciidamo xoogan uu wato kusoo fooleeyay magaalada. Axmed Cabdi xaabsade oo laba maalmood kahor Garoowe looga yeedhay si xilkiisii loogu soo celiyo ayaa la sheegayaa in caawa uu difaac adag ku jiro isla markana uu hogaaminayo ciidamo gaara oo tikniko huwan walow warkaasi uu san siweyn usoo shaac bixin. Liibaan Jordan