General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wafdi ka socda QM waliba sarsare oo Muqdisho soo gaaray Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-Sebtember-2007 Wafdi uu hor kacayo ergayga cusub ee Qaramada Mdoobay ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho , iyadoo iminka ay kulamo la leeyihiin madaxda dowlada KMG ah. Ahmedou Ould Abdulla iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya safarkooda , iyadoo warar hoose ay sheegayaan in arimaha bani`aadanimada Soomaaliya ay kala hadlayaan madaxda dowlada. Waxaana la filiyaa in saacadaha soo socda ay saxaafadda la hadlaan si ay u siiyaan warbixino ku aadan wax yaabaha ay kala hadleen Yuusuf iyo Geeddi. Ahmedou Ould Abdulla ayay u tahay marki ugu horeeysay oo uu soo gaaro Soomaaliya tan iyo markii xilkaasi uu qabtay , iyadoo uu kala wareegay Mr.Fall. Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli maalintii shalay magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayo Ghanim Al-najar oo Qaramada Midoobay u Qaabilsan dhanka xuquuqul insaanka Soomaaliya. Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Muqdisho
  2. Nayroobi: QM oo sheegtay in nabadgalyo ka jrto Soomaaliya. 23. september 2007 Nayroobi(AllPuntland)- Qaramada Midowbay ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya nabadgalyadiisu soo hagaageyso isla markaana dowlada Soomaaliya iyo ciidamada dowlada Itoobiya oo taageeraya ay ku guuleysteen nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdiso. Wakiilka cusub ee Qaramada Midowbay uqaabilsan dalka Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo shalay tagey magaalada Muqdisho ayaa Shir Jaraa'idka oo ku qabtay Magaalada Nayroobi wuxuu sheegay in uu ku farxay nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Sarkaalkan in magaalada Muqdisho inkastoo ay joogaan ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse wuxuu sheegay in laga guuleystay kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya. "Waxaan aad iyo aad ugu farxay nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho ,waxaana arkay ciidamo fara badan oo magaalada jooga laakiin kuwaasi waxa ay ilaalinayaan nabadgalyada ay keeneen ciidamada dowlada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya "Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midowbay ee arimaha Soomaaliya. Wakiilku wuxuu sheegay in ay isla soo qaadeen Madaxda dowlada Soomaaliya markii uu shalay la kulmay nabadku soo celinta dalka iyo sidii UN-ka uga qebqaadan lahaayeen sugida amaanka ee dalka Soomaaliya. Wuxuu soo dhaweeyey masuulkan codsi ay jeediyeen Madaxda Qaranka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalida Md.C/laahi Yuusuf Axmed oo ku aadanaa in ciidamo ka socda Carabta iyo Africa la keeno Soomaaliya si buu yiri ay ubaxaan ciidamada dowlada Itoobiya oo waqti dheer ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Ugu danbeyntii wuxuu sheegay sarkaalkan in uu ku faraxsan yahay howlaha dowlada Soomaaliya laamaheeda sharcigaa ka wadaan magaalada Muqdisho isagoo ku booriyey dowlada Faderaalka ee Soomaaliya in ay kor uqaada howlaha loogu gargaarayo umada Soomaaliyeed oo dowlad la'aan ahaa 17 sanno waqti ku dhow. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  3. Muqdisho amaankeedu waa wanaagsan-yahay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Sebtember-2007 Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo malintii shalay booqday magaalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in amaanka magalaada Muqdisho uu wanaagsan yahay isla markaana uu kasii wanaagsanaanayo maalinba maalinta xigta . Ahmed Ould Abdallah oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in si weyn uu ugu faraxsanahay ifafaalaha nabaeed ee Muqdisho ka jira uuna ku boorinayo dowlada in ay sii dar dar giliso. Waxa uuna intaa raaciyay Ahmed Ould Abdallah in madaxda dowlada KMG ah ay ka wada hadleen nabad soo celinta Soomaaliya iyo sidii Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen soo celinta nabada Soomaaliya. Wakiilkaani cusub ee u dhashay dalka Morataaniya ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada KMG ah uu ku war giliyay in ay codsanayaan ciidamo carbeed iyo kuwa african ah taani la dar dar gilinayo . Ahmed Ould Abdallah ayay u tahay markii ugu horeeysay oo uu soo gaaray magaalada Muqdisho ,iyadoo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in wax weyn uu ka qabto howlaha nabada Soomaaliya. Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com
  4. Laascaanood: Ciidamado ka soo gadoodey Somaliland oo soo gaaray Magaalada Laascaanood. 23. september 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxaa soo gaaray tiro ciidamo ah oo ka soo gadoodey Maamulka Somaliland ,ayadoo ciidamadaasina ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada gobaleedka Puntland. Jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan labadan ciidan ayaa ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay xalay ka soo gudbeen waxa ayna usoo talaabeen dhinaca magaalada Laascaanood waxa ayna dhamaantood ka soo jeedaan gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn. 55 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Maamulka La baxay Somaliland ,ayaa soo tagi taankooda waxa ay ku macneeyeen markii ay u adkeysan waayeen dagaalada gardaradaa ee lugu hayo deegaanada Puntland ayagoo markaasina sheegay in ay haatan diyaar uyihiin difaacada deegaanadooda. Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/rixmaan Axmed Xaashi ayaa usheegay Saxaafada Puntland in dhamaanba ciidamadaasi loo gudbin doono magaalada Qardho ee gobalka Karkaar si halkaasi ay ugu soo qaataan tababaro kala duwan inkastoo warar ku sheegayaan in aan ciidankaasi wali lasoo gaarsiin magaalada laascaanood. Warar kale oo laga helayo goobaha ay isku hor fadhiyaan labadan ciidan ayaa waxa ay sheegayaan in saaka goobahaasi laga dareemayey xiisado colaadeed ayagoo Maamulka la baxalay Somaliland lasheegay in uu wado qorshayaal hubab loogu gudbinayo gudaha dalka Soomaaliya. Labada ciidan ayaa todobaadkii hore hal mar dagaalo ay dhexmareen inkastoo dagaaladaasi ay khasaare lixaad leh ka soo gaareen Maamulka la baxalay Somaliland ,ayadoo Puntland uu kaga dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah ciidamada Difaaca ee Puntland. Ciidamadan ka soo gadoodey Maamulka la baxay Somaliland ayaa noqonaya ciidamadii ugu tirada yaraa ee ka soo baxa Ciidamada Somaliland una soo gala dowlad gobaleedka Puntland ciidamadooda jooga gobalka Sool. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  5. Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland Ilaa iyo 55 ka mid ahaa ciidamada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa habeenimadii xaley soo gaarey gudaha magaalada Laascanood, kuwaasi oo ka soo baxsadey deegaanka Adhi-Cadeeye oo ay fadhiyaan ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland oo ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada Puntland. Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/raxmaan Axmed Xaashi (C/raxmaan Tuur) oo u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamadan ka soo baxdey maamulka Somaliland ay u dhasheen deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasi oo uu sheegay inay u dulqaadan waayeen dagaalka lagu soo qaadayo Gobolada ay u dhasheen. C/raxmaan Tuur ayaa sheegay in ciidamadan in loo soo gudbin doono xerada ciidamada ee deegaanka Xorgoble halkaasi oo lagu wado in tababar loogu sameeyo, waxaana marka tababarkaasi uu soo dhamaado loo kala gudbin doonaa deegaanada Puntland oo ay ka qaban doonaan hawlaha loo xilsaaro ee ku aadan sugida amaanka iyo difaaca deegaanada Puntland. Ciidamadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee ka goosta maamulka Somaliland tan iyo markii ay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ka soo cusboonaadeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland. Axmed Max'ed Jaamac (Axmed Suufi) SBC International Laascaanoo
  6. Hub Aada U Tira Badan Oo Laga Soo Dajiyay Dekada Muqdisho Oo Gacanta Lagu Dhigay Posted to the MOL September 22, 2007, 9:35 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada booliska dowlada KMG ah ay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah looga soo dajiyay dekada Muqdisho. C/laahi Shaashaa oo ah ku xigeenka afhayeenka booliska ayaa laga soo xigtay in hubkaasi uu ahaa mid aad u tira badan isla markaana ay ku jireen walxaha qarxa . Waxa uuna sheegay in hubkaasi la doonayay in laga qaado dekada laguna qaado gaari nooca yar , iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga helin arinta hubkaasi iyo cidda laheyd toona. Waa markii ugu horeeysay oo dekada Muqdisho lagu qabto hub iyo walxaha qarxa oo la doonayo in magalaada la giliyo , waxa ayna saraakiisha booliska sheegeen in iminka ay wadaan baaritano xoogan . Waxa aynta arintaani soo baxeysa xilli dowlada KMG ah ay ka waddo magaalada Muqdisho dadaalo xoogan oo hubka lagu qabqabanayo. Mudugonline.com
  7. Maxay tahay ujeedada uu maamulka Soomaali diidku ka lahaa dagaalkii Ari Caddeeye?? {Aqriso xog dhab ah } Shabakadda wrarka carmooyin.com xafiiskeeda muqdisho ayaa saameeyay baaritaano ku saabsan waxa sababay dagaal ciidamada maamulka Soomaali diidku ay todobaadkan kusoo qaadeen deegaano ka tirsan gobalka Sool oo ay ka mid tahay tuulada Ari Caddeeye. Shabakadda wrarka carmooyin.com xafiiskeeda muqdisho ayaa saameeyay baaritaano ku saabsan waxa sababay dagaal ciidamada maamulka Soomaali diidku ay todobaadkan kusoo qaadeen deegaano ka tirsan gobalka Sool oo ay ka mid tahay tuulada Ari Caddeeye. Baaritaanka ayaanu ku ogaanay in ujeedada ugu weyn ee maamulka Soomaali diidka ciidamadiisu ay weerarkan usoo qaadeen ay tahay in dagaalkaa lagu soo hoos qariyo hub iyo wax yaabo qarxa oo la doonayo in ay usoo gudbaan dhanka koofureed ee dalka Soomaaliya si qalalaasooyin cusub loo sii huriyo. Magaalada Ber Bera wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in dekedda magaaladaasi lagasoo dejiyay hub noocyo kala duwan ah oo laga keenay dhanka Eritrea lana doonayo in loosoo gudbiyo kofurta Soomaaliya . Maamulka Soomaali diidku waxaa uu doonayaa in koofurta Soomaaliya aanay dagin,iyadoo hamigiisuna uu yahay in dhulka Soomaali diidku uu helo aqoonsi caalami ah ,hase ahaatee taasi ay tahay mid aan marnaba la gaari doonin,marka loo eego sida beesha caalamka ay uga go’antahay in Soomaaliya ay tahay dal midnimadiisu ay tahay muqadas oo aanay marnaba kala go’i Karin. Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa muuqata in maamulka Soomalidiidku uu ku hungobayo hamigiisan aan marnaba la gaari kareynin,halka sidoo kale kooxaha qaran diidka ee Asmara joogaahi ay guuldarro ku dul kufeen sida ka muuqata ifafaalaha caalamka oo dhan laga arkayo. Xafiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or acrmooyin@gmail.com
  8. ^^^lool. You are getting more focused. The TFG is winning, the future prediction is more pain for the trouble makers.
  9. Hub sharci daro ah oo si qarsoodi ah lagu soo gelin rabay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay gudaha dekada Muqdisho. Waxaa warkaani internetka soo galay 22 Sep 07, 08:40 Dowlada kmg ayaa sheegtay iney hub sharci daro ah kuqabtay gudaha dekada caalamiga ee Muqdisho iyadoo hubkaasi loo xiray tiro dada oo lagu qabtay hubkaasi. Ciidamada dowlada kmg ayaa kahelay gudaha dekada sanaadiiq ay kucabeysnaayeen qoryaha AK 47 iyo rasaastiisa kuwaasoo lagu dhex qariyay badeecad dekada laga dejinayay. Sarkaal uhadlay ciidamada booliska ayaa sheegay iney qabten hub sharci daro ah oo lagu dhex qariyay badeecad isagoo tibaaxay in tiro dada loo qabtay hubkaasi. Wararka@huriwaa.com Xafiiska Muqdisho.
  10. ^^^lool. my main prediction in SOL are well known. The landslide election of ina Yey in 2004. The defeat of the clan courts. The capture of Mogadishu, and TFG success. Ethiopians will leave when its the right time, not a minute before.
  11. Markab hubsiday oo lagu qabtay dekadda magaalada Muqdisho Muqdisho (WTN)-Markab kuwa xamuulka oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay hub uu siday. Hubkaan oo u banaa rasaas ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhex qariyey daasadaha caana booraha,iyadoo kolkii baabuurta hubka wadaa ay dekadda ka bixi lahaayeen ay ka war helleen ciidanka Booliisku baabuurtiina halkaas lagu qabtay. Xu xigeenka afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya C/llaahi Shac Shac oo la hadlayey saxaafadda ayaa sheegay in arintani ahayn mid isku ogaayeen qaybo ka mid ah illaalada dekadda iyo ganacsatadu, lacago musuq maasuqna la kala qaatay. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in raggaan maxkamad la soo taagi doono, waxaa uu sheegay in iyana talaabo laga qaadi doono ganacsatada markabkani u rarnaa. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horay oo ka dhacda magaalada Muqdisho, iyadoo iskaashi uu dhex marayo ganacsatada iyo ilaalada Dekada si hub sharci daro ah dalka looga soo dejiyo dekadda Muqdisho, lamana oga horay sidaas oo kale magaalada uu u galay hub sharci daro ahi. Dhinaca kale ilaa iminka wax war ahi kama soo bexi ganacsatadii markabku u rarnaa. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
  12. Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday in ay diyaarineyso Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in Dowladda soo gaba gabeysay diyaar garowga Ciidamo gurmad ahaan uga howl galaya Deegaano ka tirsan Gobolada Dalka, kuwaasi oo laga soo sheegayo falal ammaan daro. "Qorshaha Dowladda ee ay ku sugeyso Amniga Dalka waa socdaa, haatana Dowladdu waxay diyaarisay Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala dalka oo idil, si ammaanka gacan bir lagu qabto"ayuu yiri Madoobe Nuunow. Waxa uu sheegay Wasiirka in tallaabadan ay tahay mid Dowladda kula dagaalameyso Kooxaha burcada oo uu sheegay in ay falal ammaan daro ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada Dalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka hortageyso Dowlada. Hadalka wasiirka ayaa ku sii aadaya xilli qeybo ka tirsan Deegaanada Gobolada Dalka ay ku soo badanayaan Jidgooyooyin lagu dhibaateynayo dadka rakaabka.
  13. ^^Predictable nonsence. Shame is what Somalia has been for 17 years, bottom of the world in any measure, wealth, education, security and so on. Today the Governemnt of Somalia is restoring order. Those who led the 17 years of shame will no doubt want no change, make "amxaro" the excuse for their failure to comprehend reality. The Somali governemnt will not be detered by mere talk, fake rehtoric, the old war hero ina Yey is working over time to restore the nation and a new age of hope. InSHA Allah.
  14. ^^^Your info is suspect, it would be nice if you kept it to yourself, since seeing grown men embarras themselves is not to my taste..
  15. ^^^Crocodile tears from security crackdowns are natural. Dont kid yourself the security forces of the Somali government are doing a hell of a job. They are not even 60% ready yet and are still performing well. Imagine when they get to 100%, people like you will be singing..
  16. Michel Renneberger "Eritrea waxaan ku darnay Liiska dalalka taageera Argagixisada, waana hoyga Kooxaha argagixisada ku jira maamulka Maxaakimta" Danjiraha Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Mr Michel Renneberger ayaa sheegay in Dalka Eritrea uu noqday Dalka keliya ee si toos ah u gacan qabtay Kooxaha Argagixisada. Mr Renneberger ayaa sheegay in Asmara ay noqotay xarun weyn oo ay iska soo abaabulaan kooxaha Argagixisada. "Eritrea waxaan ku darnay Liiska dalalka taageera Argagixisada, waana hoyga Kooxaha argagixisada ku jira maamulka Maxaakimta"ayuu yiri Mr Renneberger Waxa uu ka digay taageerada iyo hooyga la siiyay xubno uu kamid yahay Wadaadka ugu sareeya Shuurada Maxaakimta islaamka Sheekh Xasan Dahir Aweys, isagoo xusay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka Liiska Argagixisada ugu jira Mareykanka iyo Q.M sida uu hadalka u dhigay. Mr Renneberger ayaa aad u cambaareeyay Shirka Asmara ee lagu aas aasay isbaheysiga ka dhanka ah Dowladda, isagoo sheegay in kooxaha Asmara ku sugan ay yihiin kuwo aan heysan kalsoonida shacabka.
  17. Markab hub sida oo laga qabtay dekedda weyn ee Muqdisho Masuul sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen markab hub xambaarsan ,kaddib markii uu kusoo xirtay dekedda caalamiga ah ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Masuul sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen markab hub xambaarsan ,kaddib markii uu kusoo xirtay dekedda caalamiga ah ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim oo ah ku xigeenka afhayeen ciidanka booliska Soomaaliyeed oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in markab laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta oo hub xambaarasan lagu dhigay gacanta,iyadoo hubkaasi uu yahay mid aanay dowladdu ka war qabin,lana doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalka. “markabkan hubka sida ee la qabtay waxaa uu u rarnaa ganacsto Soomaali ah “ayuu yiri kaaliyaha afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim. Markabkan ayaa dekedda weyn ee Muqdisho soo gaaray 19-kii bishan,hase ahaatee mar dambe ayay ciidanku ka war heleen in uu hub xambaarsan yahay sida uu afhayeenku sheegay. “Qaar ka mida ciidanka dekeda ku sugan ayaa isku dayay in ay ganacsatada u fududeeyaan in ay hubkaa lasoo dagaan,hase ahaatee waxaa ka war helay oo kana hortagay in taasi ay dhacdo taliyaha saldhigga dekedda Gaashaanle dhexe maxamed Eebow”ayuu mar kale yiri afhayeenka u hadlay booliska Soomalaiyeed. Tan ayaa waxaa ay muujineysaa in ganacsato isku sheegga la shaqeeya kooxaha qarandiidka ay waayeen meel kale oo ay hub ku keenaan maadaama ay u bareereen dekedda weyn oo haatan ay ciidanka dowladda Soomaaliya gacanta ku hayaan,waxaana ay sidoo kale muujineysaa in ganacsato ku sheeggu ay si dhab ah ugu lug leeyihiin rabshadaha ka taagan magaalada Muqdisho. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.
  18. ^^^Pardon, what has justice got to do with confiscating dangerous and illegal weapons?
  19. ^^^A major war? Adeer there is no startegy to bring Somaliland into play. The TFG does not attack unless its under threat. It has patiance and foresight and avoids silly skirmishes which will cost the lives of our young armed forces. They are still under extensive and touh training. Hargaysa is not that important, just Puntland reacting to the over the top senseless provocation.
  20. Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub laga soo dajiyay dekada wayn ee Muqdisho Mogadishu ,22, September 2007 (HornAfrik Media) Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in maalintii shalay ay qeybteen hub si qarsoodi ah looga soo dajiyay dekada weyn ee Magaalada Muqdisho. Kuxigeenka afhayeenka Booliska ee arrimaha saxaafadda iyo dadweynaha C/laahi Ibraahim Shaashaa ayaa waxaa uu sheegay in hub markii ugu horeeysay laga soo dajiyay dekada Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen. Ciidamada Booliska ayaa waxaa uu sheegay in howl gal ay maalintii shalay ahayd sameeyeen ay u sahashay in si fudud ay gacanta ugu dhigaan hub fara badan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo galiyo gudaha Magaalada Muqdisho. Mr shaashaa ayaa waxaa uu sheegay in hubkaasi ay kujireen labo Box oo sameno ah iyo waliba hub kale oo fara badan isagoo sheegay in hubkaasi markii ay qabanayeen uu saarnaa baabuur yar oo la doonayay in dekada looga bixiyo. Waa Markii ugu horaysay oo hub nuucaan oo kale ah Ciidamada dowladda KMG ah ay ka qabtaan dekada wayn ee Magaalada Muqdisho sida uu sheegay labo xidiglle Shaashaa.
  21. Markab siday hub sharci darro ah oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho Last Updated::2007-09-22 09:57:49 Muqdisho (HRNet):- Markab siday hub sharci darro ah ayaa lagu qabtay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, sida uu shaaca ka qaaday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Ku xigeenka afhayeenka ciidamada Booliiska, Cabdulaahi Shac Shac, ayaa shaaca ka qaaday in hubka oo u badnaa rasaas lagu soo dhex qariyay markab ka diiwaan gashan dalka Imaaraadka oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah. Waxa uu yiri in soo dejinta hubka ay wax ka oogaayeen qaar ka mid ah ilaalada Dekedda, oo sida uu yiri lacag laaluush ah qaatay, kadibna Markabka kasoo dejiyay hubka. Hase yeeshee buu yiri in Taliyaha sladhiga ciidanka Booliska Dekedda uu ka war helay hubka oo gawaari lagu raray lagana sii bixinayo Dekedda, halkaasina lagu qabto. Mr. Shac Shac ayaa tilmaamay in askartii ku lugta lahayd bixinta hubkaasi sharci darrada ah la xiray, islamarkaana Maxkamad lasoo taagi doono, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale lala xisaabtami doono ganacsatadii uu Markabka u rarnaa. Hubka ayaa waxaa lagu soo dhex qariyay gasacyada caana booraha, sida uu sheegay Shac Shac. HorseedNet.com