
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source update on the crackdown. ME: The boots on the ground are mostly SOMALI, the Ethiopians will give what ever support required. Armchair: There is no green or red zones in Mogadishu. And the clan court/warlords did not have Sadam hussains 400,000 strong army, this is not baghdad or even Ramade.. -
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Howlgalo xoogan oo ka socda Caasimada Muqdisho. Mogadishu ,6, September 2007 (HornAfrik Media) Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa itoobiyaanka ayaa waxaa ay saaka howlgalo baaritaan ah ka samaynayaan qeybo fara badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa itoobiyaanka ayaa saaka la arkayay iyaga oo kusugan qeybo fara badan oo ka mid Caasimada Muqdisho kuwaas howlo baaritaano ah ka samaynaya meelaha ay joogaan waxaana Ciidamadu ay xireen wadooyinka ay howlgalada ka wadaan oo idil oo ay u diideen dadka iyo gaadiidka. Meelaha ay Ciidamada iskaashanaya saaka howlgalada ka wadaan ayaa waxaa mid ah wadada dheer ee warshadaha halkaasi oo ay saaka ku waabariisteen Ciidamo itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira. Waxaa sidoo kale la arkayay gaadiidka dadweynaha oo maraya wadooyin qarjajeex ah oo xaafadaha dhexdooda ah. Goobaha ay saaka baaritaanadu ka socda ayaa waxaa isaga fogaaday inta badan dadkii ku dhaqnaa gaar ahaan dhalinyarada wiilsha ah kuwaas oo ka baqdin qaba in loo qab qabto rabshadaha ka aloosan Caasimada. Afhayeenka Ciidamada Booliska u qaabilsan xariirka dadweynaha iyo saxaafadda C/waaxid ayaa sheegay in howlgaladaani ay sii socon doonaan inta buu yiri laga helayo ammaan buuxa. Howlagaladaan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa xili Maamulka Gobolka Banadir ay soo diyaariyeen qorshe la doonayo in wax looga qabto xaalada Magaalada Muqdisho kaasoo ay ansixiyeen Golaha wasiirada Xukuumada fadaraalka KMG ah. -
^^^There are others, one must give change a chance.
-
They are coming soon. Its all in the programm.
-
^^What ever do you mean?
-
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ 1. This crackdown is more comprehensive, it deals with the real issue of security by creating the 50 check points to be manned by the police and military. The divison of the city into four securty zones each led by one of the deputies of the mayor, also helps in maintaining control. This is not a panacea, but it will address many issues. more boots on the ground will deter attacks and criminal activities. 1.i. The other crackdowns have worked in crippling the armed warlord groups, who previously could lead an open day attacks. Today they hide in the outskirts and rely on hand grenades. 2. The Ethiopians will leave sooner rather than later. as you might have read more AU troops are to arrive, from burundi. Things are moving forward. 3. 2009, insha Allah will be just the beginning of the end of lawlessness and hence many jobs will be available for talented young Somali's back home. -
Brundi oo tageysa Somalia 5 Oct 5, 2007 - 9:21:35 AM 1700 askari oo ka tirsan ciidamad dalka Brundi ayaa lagu wadaa iney yimaadaan dalka Soomaaliya si ay ugu qeyb biiraan ciidamada AMISOM ee ka howlgelaya gudaha dalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa shalay xero ku taala dalka Brundi loogu soo xiray tababar socday mudo lix todobaad ah kuwaas oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka. Ciidamadaan ka socda dalka Brundi ayaa waxaa hoggaamin doona 70 sarkaal oo iyagu heysta tababar gaar ah oo ku saabsan dhinaca ciidamada nabad ilaalinta. Afhayeenka ciidamada wadanka Burundi Col. Adolphe Manirakiza ayaa u mahad celiyay dowladda Mareykanka oo tababarkaas siisay ciidamadooda iyo weliba balan qaadka ay Mareykanku u fidiyeen ee ku saabsan gacan siinta dhinaca isgaarsiinta kuwaas oo sahlaya howlahooda. Dhinaca kale dowlada Faransiiska ayaa ballan qaaday iney iyadu qeyb ka qaadaneyso daad gureynta ciidamadaasi la geynayo dalka Soomaaliya kuwaasoo la filayey iney yimaadaan bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyagoo dib ugu dhacay arimo ku saabsan dhinaca isgaarsiinta iyo gaadiidka diyaaradaha. Bishii Agosto ayaa toban sarkaal oo ka socday ciidamada Brundi Muqdisho booqasho ku yimaadeen kuwaasoo u guur galayey xaaladda nabadgelyo ee magaalada iyo goobihii ay degi lahaayeen ciidamadaasi ka socda dalka Brundi. Garowe Online,Muqdisho
-
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Afhayeenka booliska ee dhinaca Saxaafadda oo maanta sheegay in Muqdisho laga bilaabay howlgalo Cakaarra Friday, October 05, 2007 Xayeysiis Saraakiisha amaanka dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay sheegeen in maanta magaalada Muqdisho uu ka hirgalayo gao’aan ay ku gaareen in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay howl-gallo lagu soo celinayo amaanka ka bilaabayaan magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Booliska ee dhinaca Saxaafadda C/waaxid Max’ed Xuseen ayaa sheegay in maanta magaalada Muqdisho laga bilaabayo howl-gallo amaan sugid ah oo ay sameynayaan ciidamada dowladdaKMG ah. Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamada dowladda KMG ah ay shalay howlgalo hordhac ay ka bilaabeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir balse waxa uu sheegay in maanta uu toos u bilaabmayo howlgalka. howlgaladan ayuu sheegay Afhayeenku inay fulinayaan ciidamada dowladda KMG ah isagoo dhinaca kalana sheegay in haddii loo baahdo ciidamada Itoobiya ay iyagana qeyb weyn ka qaadanaayan ammaan sugida gobolka Banaadir. Guddiga ammaanka Qaranka, saraakiil Itoobiyaan ah iyo maamulka gobolka Banadir kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku sheegeen qodobo dhowr ah oo ku aadan sidii loo soo celin lahaa ammaanka, iyadoo qodobada ay soo saareen ay ku jirto in ciidamo ka tirsan dowladda la dajiyo in ka badan 50 barood oo ku taala Muqdisho. Howlgalada ay ku dhawaaqeen guddiga ammaanka Qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan xaaladda ammaan xumo ee ka sii dareysa ee ka jirta magaalada Muqdisho iyadoo maalin walba gudaha magaalada ay ka dhacaan dilal kale duwan iyo weliba qaraxyo si toos ah loola beegsado ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya fariisimaha ay ku leeyihiin Muqdisho. Cakaarra.com Muqdisho -
PRESS RELEASE 004/2007 Friday, October 05, 2007 Nairob (UNPOS) - UN Special Representative for Somalia, Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, is pleased with the decision taken by the Transitional Federal Government (TFG) in its meeting on 4 October. he decision to endorse the recommendations of the recently concluded National Reconciliation Congress (NRC) “should pave the way for greater inclusion of Somalis from a larger political spectrum”, said Mr. Ould-Abdallah. This endorsement has long been awaited by Somalis and the entire international community. Mr. Ould-Abdallah commended this decision as a first step towards national reconciliation and urged the TFG to go further by extending the mandate of the National Governance and Reconciliation Committee (NGRC) as soon as possible. Mr. Ould-Abdallah hopes that, by allowing the Committee to continue the national reconciliation process, the TFG will prepare the ground for serious talks between Somalis inside and outside the country. He also calls the international community to support this helpful move.
-
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
DFKMS oo Muqdisho ka bilaabaysa hawlgalkii ugu balaarnaa dhinaca amniga ee ay Muqdisho ka fuliso Last Updated::2007-10-05 11:41:20 Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin oo u warramayay wargeyska Asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London ee xarunta daka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in DFKMS ay---- Muqdisho ka bilaabi doonto hawlgal kii ugu balaarnaa dhinaca amaanka ee ay abid ka fuliso magaalada Muqdisho Waxaa afhayeenku u intaa ku daray in hawlgalkan ay si wada jir ah uga qayb qaadan doonaan kumanaal ka tirsan ciidamada milateriga iyo kuwa boliska ee DFKMS kuwaas oo la dhigi doono 52 isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho Waxaa afhayeenkani uu intaa ku daray in hawlgalkan ay si toos ah dusha ugal socon doonto wasaarada arrmiha gudaha isla markana warbaxinaha hawlgaladan si toos ah loo gudbin doono madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed . Hawlgalkan ayaa ka dameeyay kadib markii kooxaha ku kacsan dawlada ay kor dhiyeen weeraradooda ka dhanka ah ciidamada federalka iyo kuwa Ethiopia . C/hi Caaqil HorseedNet.com -
Mogadishu: 50 checkpoints and security crackdown to start
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho oo amaankooda la adkeeyay 5. Oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa guud ahaan la adkeeyay wadooyinka laamiga ah iyo kuwa jid cadayaasha ah ee soo gala magaalada Muqdisho gaar ahaan kontoroolka wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada jid caddaha ah ee soo gasha deegaanka Dayniile ee duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale xeradii Masxlax iyo Ceel Cirfiid ayey degeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Itoobiya halka kuwa dowladda oo kaliya la dejiyay deegaanka Galgalato oo ah bar kontorool oo laga xukumo wadooyinka isku xera Muqdisho iyo gobolada dhexe. Ciidamadan ayaa baaritaan adag ku haaya gaadiidka isticmaala wadooyinkaas kuwa ka baxaya iyo kuwa soo gelaya, iyadoo la arkayey gawaarida ka timaada gobolada dalka oo ku safan kontorooladaasi. Caawa ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo qorshihii maamulka gobolka Banaadir uu soo bandhigay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay degaan dhamaan isgoysyada, saldhigyada Booliska iyo xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo sugi doona amaanka guud ee caasimada sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ahna agaasimaha warfaafinta Gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Saacadaha soo socda oo uu Muqdisho ka bilaabmi doono howlgal baaxad leh oo amaanka lagu sugayo. Masuuliyiinta ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in saacadaha inasoo aadan uu magaalada Muqdisho ka bilaabmi doona howlgal baaxad leh oo looga gol leeyahay in amaanka magaalada lagu adkeeyo laguna soo ciribtiro haraadiga argagixisada iyo qarandiidka. Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah uga qeyb qaadanaya ciidamada nabad ilaalinta Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federalka Soomaaliya,waxaana uu sameyn doonaa marka ugu horeysa xaafadaha qaran diidka iyo taageerayaasgoodu ay aadka ugu badan yihiin,sida Suuq xoolaha iyo meelaha la midka ah. Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/waaxdi maxamed xuseen ayaa xaqiijiyay in ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa nabad ilalainta Itoobiyaanku ay maanta magalada Muqdisho ka bilaabayaan howlgal kii ugu ballaarnaa oo amanka lagu adkeynayo. “Shalay ayay ciidanka qaranku smeeyen howlgal hor dhac ahaa oo lagu tijaabinayay bal in qaabka wx loo rabo ay ciidanku wax badan ka fahmeen,tijabadaana waa lagu guuleystay”ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed C/waaxid. Howlgalka amaanka lagu sugayo ee saacaaha inasoo aadan bilaabanaya ayaa waxa uu kusoo begmayaa ,iyadoo maalintii shalay ay kulan muddo saacado ah socday yeesheen saraakiisha guddiga amaanka qaranka,taliyeyaasha ciidamada nabad ilalainta,guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo taliye yaasha ciidanka maamulka gobalka,wxaana kulankaa lagu dajiyay khidad cusub oo ku aadan qaabka looga taqallusayo haraadiga argagixiada iyo qaran diidka wali ku fir fircoon magaalada Mqudisho. Ciidamada howlgalkan ka qeyb qaadanaya ayaa fariisimo ku yeelanaya in ka bdan 50 jeck point,oo ay hwolgalladooda ka qaadi doonaan,mudada uu soconayo howlgalka ballaaran ee lagu sugayo amaanka gobalka Banaadir. Howlgalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay golaha wasiirrada dwoladda federalka Soomaaliya,waxaan goluhu uu sheegay in ay lagamamaarmaan tahay in amaanka Mqudisho gacanta lagu dhigo. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Email Story Printable View
-
Mogadishu: retired General Jilacoow Caddow murdered
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
the late jilicoow Cadoow May Allah give him his mercy. -
FB: I think you are jumping on the wrong horse adeer. Indeed I have defended Geedi and the cabinet, as I have on many occasions highlighted his faults and that of the cabinet. Thus, I want to see through the promise that is the restoration of the state. I think Geedi has tried and came short. Thus you want me to insult the PM of Somalia?, no. We need change, even if he stays and creats a smaller cabinet filled with technocrats, then it would be a move in the right direction.
-
Burundi oo Ciidamo u soo diraysa Soomaaliya Dowladda Burundi ayaa sheegtay in Ciidamo ka socda dalkeeda ay dhawaan soo gaarayaan dalka Soomaaliya iyadoo hore Magaalada Muqdisho ay u joogeen Ciidamada dalka Uganda Ciidamo ka socda wadanka Burundi ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaarsiiyo dalka Soomaaliya kuwaas oo tababar lix asbuuc ah oo u soconayay uu u soo gabagaboobey maalinimadii shalay. In ka badan badan boqol tabarayaal ah oo katirsan saraakiisha sar sare ee wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay maalinimadii shalay tababar soconayay muddo dhan 6 asbuuc ah u soo xireen Ciidamo gaaraya 1700 oo askari oo burudiyaan ah kuwaas oo lagu tababarayay xerada Camp Gakumbu ee dalka Burundi. Madaxa difaaca xoogaga Ciidamada qaranka Burundi General Major Samuel Gahiro,ayaa waxaa uu mahad balaaran u celiyay dowladda Mareynka oo uu sheegay in qeyb lixaad leh ay ka qaadatay tabarka Ciidamadaan isagoo sidoo kale ku amaanay Ciidamada Burundi in ay gacan siiyaan wadanka kale si nabad ay ugu soo dabaalaan. Lama sheegin xiliga kama dambeysta ah ee Ciidamada Burundi ay soo gaarayaan dalka Soomaaliya maadaama ay jiraan qalab farsamo oo wali Ciidamaasi ka dhiman. Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay Ciidamadaan burundii ka saa cidi doonto dhinaca qalabka isgaarsiinta,iyadoo sidoo kale dowladda faransiisku ay iyana balan qaaday in Ciidamadaasi ay ka taageerayso sidii Soomaaliya ay ku soo gaari lahaayeen. Ciidamada Burundi ee lagu wado in lagu soo daabulo wadanka Soomaaliya ayaa waxaa awal horey dib u dhac uu ugu yimid bishii July ee sanadkaan sababo la xariira dhinaca isgaarsiinta iyo diyaaradihii keeni lahaa wadanka Soomaaliya. Toban ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlada Burundi ayaa waxaa ay socdaal gaaban ku yimaadeen Magaalada Muqdisho intii lagu jiray bishii agoosto kuwaas oo u kuur galay sida Ciidamada Burundi ay dalka Soomaaliya oo dagaalo ay ka dilaaceen ay u soo gaari lahaayeen.
-
Mogadishu: retired General Jilacoow Caddow murdered
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Janaraal Jilacow oo galabta la dilay iyo Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay in la eedi doono dilka Janaraalka { 05 Oct 2007} waxaa la daabacay Fri 05 Oct 2007 12: 37: 33 Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday. Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay. Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada. Email: admin@gobolkabanaadir.com GobolkaBanaadir.com -
FB; I want a more competent PM, with a smaller 12-15 ministers and a more coherent cabinet. That would put in place the foundations for the restoration of the state. I have nothing against GEEDI, but things could be better within the cabinet. Who to replace him? Thats not my choice, there are many competent Somali's who could replace him. I hope that answered your question adeer.
-
Even when he is criticized with exaggeration his detractors do not like the reality. Ina Yusuf Yey is the legitimate President of Somalia, because he won an open and fair election in 2004. In his tenure he has single handedly ended the era of Mogadishu warlords, where are Sudi, Qaynyare, IndaCade, Xasan dahir? Who for so long kept the people of southern Somalia hostage? Gone, a remarkable acahievement that today the singular political power of all Somalia is Yusuf and the TFG. This quote was closer to the truth than any sentence in that whole over the top and predictable article. If there is a central figure in the transitional institutions, it is Yusuf, who is backed by Ethiopia, was the president of Puntland and retains a power base there, has militias from his ********* sub-clan at his disposal, and is a crafty political tactician. It is difficult to imagine a T.F.G. with any coherence without Yusuf; the fate of the T.F.G. is synonymous with Yusuf's fate, and he has succeeded thus far in trapping and finessing the external actors.
-
We all must wait and see. Its all speculation right now.
-
Muqdisho: Kooxo hubeysan oo galabta toogasho ku dilay Janaraal Jilacoow, Maxamed Dheere oo sheegay in la eedi doono dilka Jananka 5. Oktober 2007 Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday. Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay. Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Tragic news indeed. disgusted at this action. May allah give his mercy to the dead and their families courage at this time.
-
^^^I take my sisters words seriously. We need every area to be part of Somalia, puntland is and so will the northwest sooner rather than later.
-
Mooshin qaab sharci ah xukuumada Geedi lagu ridayo oo si weyn u socda Waxaa si weyn isu soo taraysa wararka sheegaya in dhawaan qaab dastuuri ah loo ridi lahaa xukuumada uu Ra'isalwasaaraha yahay Prof.Cali Max'ed Geedi. Ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu jiro dadaal balaaran iyo xusul duub ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka FKMG ah ee Soomaaliya kaasi oo ku aadan in qaab sharci loo eego sii jiritaanka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo sida sharci yaqaanadu leeyihiin xiligeedii ugu egyahay 13 October 2007 oo ay inaga xigto maalmo kooban. Ilo wareedka ayaa cadeynaya in xubno ka mid ah Baarlamanka ay wadaan mooshin ku aadan in mar hadii xukuumada Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi ka soo bixin qodobo ka mid ah dastuurka ay tahay inaanay jirin oo ay tahay la soo dhiso xukuumada cusub oo wadata Ra'isalwasare cusub. Sharci ku xeel dheerayaasha ayaa sheegaya in axadiga DFKMG ah lagu soo dhisey qodobo ka mid ah uu dhigayo in xukuumada KMG ah mudo sadex sano ah dalka ka sameyso tirokoob dadweyne, qorsita iyo diyaarinta dastuur cusub oo dalka lagu maamuli doono iyo afti loo qaado dasturka, iyadoo sharci yaqaanadu leeyihiin dhamaan qodobadaasi ma jiro mid ka mid ah ay xukuumadu xiligan qaadey, waxaana taasi fursad u helay oo cuskadey qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka oo ku haminaya inay keeneen mooshin arintan ku aadan si loo rido xukuumada. Dadka siyaasada Soomaaliya isha kala socda ayaa sheegaya in arintan ay xildhibaanada qaar kaga faa'ideysanayaan khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeyo Madaxweynaha & Ra'isalwasaaraha. Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in xildhibaanada cuskanaya sharcigan inay keeneen mooshinkan iyadoo laga yaabo arintan inay keento in Baarlamanku ka doodo maadaama ay tahay mid sharci ah. Dhinaca kale dad wargal ah oo u waramay warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa sheegaya in ay jiraan siyaasiyiin qaarkood isku hayb hoose yihiin Cali Max'ed Geedi inay haataan bilaabeen guluf ay ku jafjafanayaan Cv-yadooda si ay u helaan jagada Ra'isalwasaaraha maadaama hadii xiligan la rido xukuumada Ra'isalwasaare Geedi aanu Cali Max'ed Geedi mar kale sharci u haysan in Madaxweynuhu uu magacaabo maadaama laba goor uu ogol yahay axdiga DFKMG ah in madaxweynuhu uu soo magacaabi karo Ra'isalwasaaraha. Cali Max'ed Geedi ayaa laba goor waxaa afka ciida u darey xukuumadiisa Baarlamanka KMG ah, waxaana labadii marba dib u soo magacaabey Madaxweyne C/laahi Yuusuf. SBC International News Desk