
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Such as the one highlighted above. Also a no confidance vote, or even a stright sacking of the whole cabinet by the President. We have o wait and see how things play out.
-
Emperor, you made a very valid point. This is not about personality but performance. FB: Adeer no one here is arguing against Geedi, if as the reports indicate his governments term ends, then thats it. There are mechanisam's in place here dear lad.
-
LA update:PUNTLAND in total control of sool region..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiiro ka socda Puntland oo booqasho ku tagey magaalada Laascaanood Wasiiro iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxay booqasho ku tageen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Wafdiyada gaarey magaalada Laascaanood waxaa ka mid ah wasiirka Maaliyada Max'ed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Max'ed Bangax, wasiirka cadaalada iyo diinta C/risaaq Yaasin Cabdulle Geesood iyo xubno kale, waxaana halkaasi ay kulamo kala duwan kula leeyihiin Odaayaasha, waxgaradka, aqoonahanada, culima'udiinka, qaybaha maamulka iyo taliyeyaasha ciidamada Gobolka iyo kuwa Daraawiishta ee difaaca uga jira duleedka magaalada Laascaanood halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulka la magac baxay Somaliland. Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Max'ed Bangax oo ka mid ahaa wasiirada booqashad ku tagey magaalada Laascaanood ayaa maanta mar u wareysi gaar ah siiyey warbaahinta caalamiga ah ee SBC wuxuu ku nuuxnuuxsadey in bulshada Gobolka Sool ay yihiin dad dhiig ahaan, dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba ah Puntland, waxaana meesha uu ka saarey sheegashada ka imaanaya maamulka Somaliland ee ku aadan magaalada Laascaanood ay joogaan dad taageersan Somaliland. C/raxmaan Max'ed Bangax wuxuu hoosta ka xariiqay in dadka ku dhaqan Gobolka Sool ay yihiin dad caan ku ah xornimo doon, Soomaali jecel sidaasi darteed aysan xiligan ka suurgali karin in ay raacaan maamul u hamuun qaba in uu kala qaybiyo midnimada Soomaaliya. Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey saxafiyiinta gudaha iyo dibada waxaana uu sheegay in saxaafada uu u keenay magaalada Laascaanood si ay meesha uga baxdo wararka uu ku tilmaamay ku tiri kuteenta ee ay Somaliland ku sheegayso in ay haysato magaalada Laascaanood. SBC International News Desk -
FB: The cabinet is easy to change than the parliment or executive. its the nature of the beast. Che: I dont think that the point is valid here, as for geedi's sub-clan they wont be sent out in the cold. Its a change of direction for the day to day running of the state, nothing more. the mayor and others will retain their position.
-
Farax, I have no real position with regards to this issue, i would like to see change. As for dinaari i have not got a clue.
-
This is mere speculation, never the less its practicle, as the cabinet needs some new fresh faces. The parliment seems to be working, the army, NSS and other organs of the state are also doing a competent job. Again we have to wait and see. To make changes does not imply a rift. Also the mayor, and other local officials will not get exited because of changes in the cabinet.
-
Muqdisho: Xukuumada Geedi oo dhaceysa Waa Maxay sababtu? Maxayse Hay'ada Sharci dajinta ka tiri?. 4. October 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xukuumada waqtigan ee uu hogaamiyo raysal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa dadka Sharciga falanqeeya sheegayaan in ay dhaceyso 13-Bishaan. Dhicitaanka Xukuumadan ayaa wararku sheegayaan in ay tahay mid Sharci ah,maadaama Xukuumada Cali Maxamed Geedi ku guuldareysay soo qorida Dastuurka dalka Soomaaliya lugu dhaqayo iyo qaadida Afti guud oo laga qaado Umada Soomaaliyeed. Xukuumadan ayaa wararku sheegayaa in dhamaanba ay ku guuldareystay qodobadaasi isla markaana ay sidoo kale buuxsantey 3-dii sanno ee looga baahnaa in ay howlahaasi ku fuliso. Sharci yaqaano sare ayaa AllPuntland usharaxey in arintan ay keeni karto is qabqabsi dhinaca Dastuurkaa isla markaana Hay’adaha Dastuurku ku xalin doonaan habka Dastuur. Sharciyaqaanadu waxa ay leeyihiin raysal wasaaraha hada jira xilka kuma soo laaban karo ,taasna waxaa loo sababeynayaa ayadoo labo jeer oo hore la soo magacaabay ,mar sadexaadna aan lasoo magacaabi Karin. Madaxweynaha dowlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wasiirada ka codsaday ansixinta qodobka ah in raysal wasaaraha banaanka laga soo dooran karo ayadoo wasiiradu aan la aqoon in ay qodobkaasi ansixiyeen iyo in kale. Xukuumada Cali Maxamed Geedi ayaa walaac xoogan ka muujineysa arintan ayadoo waqtigana ay ka dhiman tahay 9 beri ayadoo raysalwasaaruhu xusul duub ugu jiro arintaasi inkastoo Sharciga dowlada Soomaaliya uusan qabin in raysal wasaaraha waqtigan uusan soo noqon oo uusan noqon raysal wasaare Cusub. Hay’ada Sharci dajinta dalka Soomaaliya ama baarlamaanka ayaa siweyn arintan u hadal haya waxa ayna sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhowrayaan soo magacaabida raysal wasaare Cusub oo ay Xukuumadiisa ansixiyaan. Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa AllPuntland usheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay og yihiin arintaasi taheyna 13-Bishan ayna wax walba ugeeyaan Sharciga ay ku dhisan tahay dowlada Soomaaliya. Soomaalida oo dhan waxa ay indhaha ku heysaan Masraxa Siyaasada ee Soomaaliya waqtigan halka uu saldhiganayo iyo sida loo maareeyo Dhacida Xukuumada Prof: Cali Maxamed Geedi. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
^^^No it aint adeer, go listen to the BBC/VOA for the latest update.
-
^^^lool. You dont have any saxib. For example there was a clash there you claimed you captured the city and yet sent no one to visit, to speak to the locals to see the situation? Instead your ministers held a press conference in Borama? You must be having a laugh adeer.
-
^^^lool. Adeer you are in denail. It as your president who was chased out of LA. Your flag that was burned.
-
^^^loool. Adeer, I like it. Anyhow PUNTLAND is more than "Garowe" or beloved capital, and thus you dont get it LA is part and parcel of the state of PUNTLAND. Hence most of our cabinet, men who hail from SOOL,SANAAG, CAYN. NUGAAL, MUDUG, BARI are right now in LA.
-
^^^loool. No you dont have any adeer, they were chased out, thats why your officials are talking from far away BORAMA while our PRESIDENT, ministers and cheif of police are in LA. It also highlights how important the capital of SOOL is to Puntland.
-
Yep why dont those secessionists listen to common sense??
-
LA update:PUNTLAND in total control of sool region..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Laascaanood: Wasiirada ugu sareysay Puntland oo booqdey magaalada Laascaanood jiidahana soo kormeeray. 4. October 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Xukuumada dowlad gobaleedka Puntland wasiiro ka socda ayaa maanta booqdey dhamaan Jiidaha dagaalka iyo waliba Magaalada Laascaanood ayagoo ciidamada Puntland hadal dheer ujeediyey. Wafdigaan oo ka kooban ku dhowaad 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro,wasiiro kuxigeeno iyo taliyaal ciidan ayaa tagey saakaba Magaalada laascaanood waxaana hogaaminaya Wasiirka maaliyada Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana xubno ka ah wasiirka Cadalaada iyo arimaha diinta C/risaaq Yaasiin Cabdile (Geesoood) wasiiru dowlaha amniga Puntland iyo xubno kale oo fara badan. Wafuudan waxa ay tageen Jiidaha ay joogaan ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayagoo ciidamada hadal gaaban oo ay ujeediyeen ayay ciidamada ku booriyeen in ay difaacaan deegaaanada Puntland. Burhaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyada Puntland oo jooga Magaalada laascaanood oo khadka telfoonka loo yaqaano Thruya kula soo hadley AllPuntland ayaa usheegay in shir xasaasi ay leeyihiin waxgaradka gobalada SSC iyo wasiirada Puntland ee halkaasi tagtay. Horey Burhaan wuxu sheegay in ay magaalada joogeen wasiiro kuxigeeno iyo taliyaasha ciidamada Puntland oo iskugu jira Boolis iyo Milateri waxa ayna la kulmayaan amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya. Burhaan wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay joogaan meelihii ay daganaayeen 5-tii Sano ee ugu danbeysay isla markaana waxa ay tibaaxay in aysan jirin wax saan saan colaadeed ah isla markaanay ciidamadii Somaliland ku laabteen meelihii ay joogeen intii ay sheeganayeen Somaliland. Wixii ka soo baxa Kulamada Isimada iyo Puntland waan idiin soo gudbin doonaa. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
loool. The man is in Borama talking about LaasCanood, why not go there and hold a press conference. loooooool.
-
LA update:PUNTLAND in total control of sool region..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Magaalada Laascaanood oo saaka degan iyo ciidanka Puntland oo howgalo ka wada Last Updated::2007-10-04 12:20:34 Laascaanood:- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta golabka sool ayaa ku soo waramaya in saaka ay magaalada xasiloon tahay uuna ganacsiga u socdo si caadi ah waloow laga baqayo in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada S/land iyo kuwa Puntland. Waxaa magaalada gaaf wareegaya Ciidamada booliska iyo milateriga ee dawlada gobaleedka Puntland oo si wada jir ah uga wada magaalada Laascaanood iyo degaanada ku dhaw dhaw hawl galo balaaran oo ay ku xoojinayaan amaanka magaalada Laascaanood . Ciidamada ayaa waxaa ay xoojinayaa amaanka xarumaha dawlada iyo kantaroolada laga soo galo magaalada Laascaanod iyaga baaraya baabuurta soo galaysa magaalada amase ka baxaysa Ciidamada oo wata baabuurta gaashaaman ayaa waxaa ay roondooyin ku marayaan wadooyinka magaalada iyaga oo si weyn loo arkayo baabuurta tiknikada oo magaalada buux dhaafisay. Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ay ka wadaan magaalada Laascaanood ayaa ka dameeyay kadib markii ay wax garadka gobalka sool ay kala daadsheen maleeshiyo deegaanka oo daacad u ahayd S/land. Magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ay si weyn ugu jirtaa gacanta maamulka Puntland waloow la dareemayo dhiilo colaadeed oo laga baqayo in ay isku dhacaan mar kale Ciidamada S/land iyo Puntland. HorseedNet.com -
Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay Xaalada Amniga ee Gobalka Sool Last Updated::2007-10-04 12:50:44 Laascaanood (HRNet):-Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda Gobolka Sool. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Mudane C.raxmaan Maxamed Saalax(Bangax) ayaa gaaray Gobolka Sool Gaar ahaana Magaalada Laascaanood, wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Raxan Weriyayaal ah oo isugu jira kuwa ka howlgala Gobolada Puntland iyo caalamka sida BBc. Wasiirka ayaa waxa uu ka warbixiyey xaaladda gobolka Sool oo maalmahanba ay sheeganayeen haysashadeeda Maamulka isku magacaabay Soomaaliland. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dadaal xoog ah wadaan Isimada Gobolka oo uu horkacayo Garaadka guud ee Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay ka mid yihiin Garaad saleebaan iyo Garaad abshir, sidii ay xal nabadeed loogu heli lahaa dagaaladaasi. Wasiirka ayaa waxa uu ka soo sheekeeyey taariikhda sooyaalka ah ee ay caanka ku yihiin Goboladaasi. Wuxuuna intaasi raaciyey in ay muqadas tahay jiritaanka sugidda xuduudaha Puntland oo ah waajib saaan dowladda iyo shacabka, wuxuu kaloo wasiirku intaa ku daray in aanay goboladaasi mar walba ku dadaalayaa sidii ay midnimabdooda u adkayn lahaayeen iyo siiba jiritaanka soomali weyn. Wasiirka ayaa warsaxaafadeedkiisa sheegay ka dib shirkii caadiga ahaa ee khamiislaha ahaa ee todoobaadkasta ay yeeshaan xukuumadda kaasi oo maanta lagaga hadlayey si gaar ah arrimaha Ammniga gaar ahaana xaaladda Gobolka sool. Wuxuuna wasiirku intaasi ku sii daray isagoo weli hadalkiisa sii wata in ay sool tahay hoygii xoriyada soomaaliyeed ahna meeshii uu ka bilowday halgankii xoraynta soomaliya ee uu Hoggaaminayey Sayid Maxamed Cadulle Xasan oo lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska muddo ka badan Labaatan Sannadood, taasi ayaa kuu daliil ah in sool ay tahay soomalidoon ee aanay ahayn soomaalidiid, waxayna bulshada reer sool markasta ka soo horjeedaan nin kasta oo soomaali kala faquuqaya,kana shaqaynaya kala fogaynta Soomaaliya. Ugu dambayntii wuxuu sheegay wasiirku in ay xasiloon tahay Magaalada Laascccnood iyo Nawaaxigeedu,ciidamada Puntland ay joogaa goobahoodii hore. Faisa Cabdi Dhalac HorseedNet.com
-
Somaliland Defence Forces in control of Las Anod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Adeer, why dont you like the audio verbal evidance, or the textual evidance. Its a afact LA was never lost to us, its the time for you to realise this, and look for a new subject. -
Somaliland Defence Forces in control of Las Anod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Adeer LA is in Puntland hands, go ask Yusuf Garad and your war chief. As I have said a few days back, it is nothing more than a Dhhar fiasco in which you claimed you won initially and then went quite, changing the subject. -
Somaliland Defence Forces in control of Las Anod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^It matters not they were defated and the city is in the hands of Puntland, you can trick us once, but not twice adeer. -
^^^Yes they have adeer, not only PICS but we toured journalists from VOA, BBC and others across the LA. While your war chief was talking from Hargaysa. Our Police chief and President were in SOOL. Laakiin haddana, Taliyaha Booliiska Puntland, oo shalay BBC-da u warramay asaga oo sheegay in uu joogo Laas Caanood, waxaa uu sheegay in aan magaaladu marnaba ka bixin gacanta ciidanka Puntland. Weriayaha BBC, Axmed Maxamed Cali ayaa maanta booqday Laas Caanood. Axmed waxaa uu qiray in magaalada gudaheeda iyo weliba kontoroollada laga soo galo ay gacanta ku hayaan ciidammo Puntland ka tirsan oo uu indhihiisa ku soo arkay. Laas Caanood, gacansigeedu caadi ayuu maanta u socday, laakiin waxaa uu arkay baabuur hubeysan (tekniko). source Puntland oo xaqiijisay gacan ku haynta Lascaano 3 Oct 3, 2007 - 9:06:47 AM Laascaano ayaa maanta dagan waxaana gacanta ugu jirtaa ciidamada Puntland sida uu ku soo waramay wariyaha BBC-da u jooga Puntland oo maanta booqasho ku tagey magaalada. DGPL ayaa maanta ku maqrtiqadey Lascano koox suxufiyiin ah oo isugu jirta Idacadaha maxaliga ah ee Puntland iyo kuwa shisheeye si ay u soo xaqiijiyan xaalada rasmiga ee ka jirta gobolka isla markana meesha uga saaraan shegashada maamulka Somaliland. Axmad Kismayo[ Wariyaha BBC] ayaa sheegey in labada Kontrool ee magalada ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland iyo goobaha dowlada isla markana ganacsigu yahay mid caadi ah. Kismayo ayaa tilmamey in ciidamo beeledyada tagersan Somaliland ay ku suganyihiin magaalada qaybteeda galbeed balse aysan laheyn awood ciidan oo balaaran iyada oo magaalada isku dhaafyaan ciidamada Puntland oo labisan Tuutaha. Wariyahan ayaa tibaaxey in labada ciidan[Puntland &Somaliland] isku horfadhiyaan meel aan kala fogeyn suurtagalna tahay in ay dagaalamaan laakiin roobab da'ay awgood gadiidka ciidanku ka dagi karin wadada laamiga ah taasna suurtagal tahay Saraakiil u hadashay maamulka Somaliland ayaa maalmha
-
Somaliland Defence Forces in control of Las Anod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Why are you in such a plight? Maybe one should mind his own business and leave SOOL & SANAAG alone as you want to be left.