
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
SSC spokesperson
-
Garowe : PUNTLAND UNDP come to an agreement: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe : PUNTLAND UNDP come to an agreement: pics
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Shir khaas ah oo dhexmaray Puntland iyo Qaramada Midoobay Last Updated::2007-10-08 18:39:24 Garowe (HRNet):- Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Caasimada Garowe kulan ku yeeshay Maamul goboleedka puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Qaramada Miodoobay. Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay u qaybsanaha Xiriirka qaramada midoobay ee Bani’aadanimada Mr Eric Lorich iyo xubno kale, dhinaca Puntland ayaa waxaa uga qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka, Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud, Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad Cali, Wasiirka Waxbarashada Puntland Axmed Siciid Awnuur, wasiirka Caafimaadka Cabdiraxmaan Siciid Gacamey(dhagaweyne), Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Caasha Geelle Diiriye, wasiirka xannaanada Xoolaha,Beeraha iyo Degaanka. Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa looga hadlay arrimaha nabadgelyada, horumarinta mashaariicda. Waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay warbixin ay soo saartay UNDP oo ka hadlaysa tirada dadka ku nool Soomaaliya Gaar ahaana puntland, warbixintaasi oo ay si weyn u dhaliishay Puntland. Ugu dambayntii ayaa waxaa laysku afgartay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi. HorseedNet.com
-
afnugaal whidwhid calanka allpuntland
-
Waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu Horkacyo oo kabooban Labada Gole ee Dowlada Soomaaliya. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa markii uu kasoo degay gegeda diyaaradaha ee magaalada baydhabo waxaa si heer sare ahugu soo dhoweeyay wafti uu horkacayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Sheekh aadan maxamed Nuur (Sheekh aadan Madoob) Isimo,Ururada Bulshada rayidka ah Dhalinyaro,Haween ,Aqoon yahano, iyo Dadwayne aad u faro Badan. Waxa sidoo kale safarka Madaxwaynaha ku weheliyay Saraakiil Sar sare oo Ka tirsan Ciidamada nabad sugida u jooga Soomaliya ee Amissom iyo kuwa Soomaaliya iyo weliba Ethiopia iyadoo la filayo in maalmaha fooda inagu soo haya uu soo gaaro magaalada Baydhabo Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaliya prof Geedi. Ka hor intuu aanu Ka soo duulin Magaalada Muqdisho Madaxwaynuhu ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay Amaanka Magaalada Baydhaabo gaar ahaan Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Airporka . Markii uu madaxwaynuhu kasoo degay Garoonka diyaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Madaxwaynaha Loo Soo gelbiyay dhanka aqalka Madaxtooyada Magaalada baydhobo Halkaasi oo uu kulan kulan gaaba kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Kulankaasi oo Saxaafadu aanay ka qayb galin wax faah faahinana laga haynin. Mudane Yuusuf ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamaanka horgeeyo Go’aamadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaliyeed ee Magaalada muqdisho lagu soo gabo gabeeyay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Golaha wasiirada Banaanka Laga qaadan karo. Imaanshaha Madaxweyne Yuusuf ee Baydhabo ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa Iyadoo Magaalada baydhabo laga wado Qaban qaabada Lagu doonayo in lagu Qabto Xaflad lagu maamuusayo Sanad guuradii 3Sedexaad ee kasoo Wareegtay Xiligii Madaxweynaha Soomaliya Loo doortay Hogaanka ugu Sareeya ee Dalka Soomaliya Kaasi oo ku Beegan 10/10 /2007-da. Sidoo kale Imaantinka Madaxwaynuhu wuxuu ku soo beegmayaa Xili uu Axdiga Qaranku uu qorayo in Hadii Xukuumadu Federaalka ay gaarsiin waydo Gobolada Dalkalaga soo bilaabo ilaa iyo markii xukuumad La dhisay iyo 12ka Bishan ay Xumadu dhacayso Hadii Anaa lahelin Xeer Jajab kale oo Madaxda Dowladu ay ku heshiiyaan. X.F gudaal yare Gudaal18@hotmail.com Allsanaag.com
-
Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Baydhabo ka dagey. 8. oktober 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka duuley magaalada Muqdisho isagoo gaarey Magaalada Baydhabo oo xarun u ah baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Max'ed Nuur ,Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumada Cali Maxamed Geedi. Madaxweyne Yuusuf ayaa la kulmaya gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayagoo kala warqaadanaya xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya iyo walibaha howlaha Xukuumada Soomaaliya oo waqtigeedu ku e'eg yahay Sida qaar ka mid ah baarlamaanku ku doodayaan 13 -Bishan. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Aaden Madoobe ayaa ka wada hadlaya Mooshinada sidoo kale ka socda magaalada Baydhabo ee ku aadan dhamaantooda Xukuumada hada jirta ee uu hogaamiyo Cali Maxamed Geedi ,ayadoo lafilayo in ay ka soo saaraan shirarkaasi Go'aamo wax ka badalaya Xukuumada hada jirta. Madaxweyne Yuusuf ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu hortagayaa baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shirsan wuxuuna warbixin guud kasiinayaa intii uu Muqdisho joogey waxyaabihii uu qabtey iyo waliba Khilaaf lugu waramey in uu dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo raysalwasaare Cali Maxamed Geedi. Faahfaahin ku saabsan Socdaalka Madaxweynaha kala soco Shabakada AllPuntland.com Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
MOGADISHU: Huge security operation underway..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Maalintii labaad oo Howlgal dadka, gaadiidka iyo guryaha lagu baarayo oo ka socda Muqdisho 8. Oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maalintii labaad ayaa waxaa si weyn magaalada Muqdisho ugu socdo howlgal baaxad leh oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, kaasoo bilowday maalintii shalay. Ciidamada Booliska Dowladda oo isugu jira rag iyo haween ayaa isgoysyada magaalada Muqdisho iyo goobaha muhiimka ah ee haadiidka isticmaala la dhigay kuwaasi oo baaritaano qof qof iyo gaadiid gaadiid ah u sameynaya iyadoo dadka laga dejinayo gaadiidka dabadeedna la marsiinayo baaritaan adag. Howlgalkan ayaa lagu qiyaasay kii ugu adkaa ee ciidamada dowladda ka fuliyaan magaalada Muqdisho inta la og yahay, iyadoo howlgalkan uu wax weyn ku kordhinayo xaalada amaan ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa saakay howlgal baaritaan guri guri ah ka fuliyay wadada KPP iyo qeybo ka tirsan xaafadaha Hodan iyadoo ciidamada ay ka baarayaan guryaha hub sharci daro ah iyo walxaha qarxa. Howlgaladan ayaa yimid kadib markii maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga amniga ay isla garteen in qorshe cusub oo nabadgelyada lagu sugayo ay u gudbiyeen golaha wasiiradda oo ansixiyay kadibna Madaxweynaha ay u gudbiyeen wasiirada, Madaxweynuhuna uu aqbalay qorshahaasi cusub oo la aaminsan yahay in uu wax weyn ku soo kordhin doono jawiga iyo xaalada magaalada Muqdisho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
M/weyne Yuusuf oo gaaray Baydhabo Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-Oktober-2007 Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay xilli baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshayaal lagula xisaabtamayo xukuumada Geedi. Mr Yuusuf iyo xubnaha uu hor kacayo ayaa saaka ka duulay garoonka Aadan Cadde , iyadoo intii uu baxayay si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho. Waxaana la ogeyn ujeedka ka dambeeya safarka madaxweyne Yuusuf ee magaalada Baydhaba inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan safarkaasi . Ilo wareedyo gaar ah ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Yuusuf ee Baydhabao uu la xariiro sidii baarlamaanka dowlada KMG uu u dhameyn lahaa qilaafka u dhaxeeya isaga iyo ra`isul wasaare Geedi. Waxa uuna safarka iminka ee Mr.Yuusuf ee uu Baydhabo ku jooga ayaa soo baxaya xilli baarlamaanka dowlada KMG ah uu su`aalo weydiinayo qaar ka mid ah wasiirada oo wax laga weydiinayo wax qabadkooda . Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com
-
waxii khasaare ah ee ka yimaadda ay mas'uuliyaddooda iyagu qaadi doonaan, gobolada Sool Sanaag & Cayn waxay ka mid yihiin maamulka goboleedka Puntland. 1)Garaad Jaamac Garaad Cali 2)Garaad Saleebaan Garaad Maxamed 3)Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed 4)Garaad C/laahi Garaad Soofe 5)Garaad Abshir Saalax 6)Ugaas C/laahi Ciise Nuur 7)Suldaan Siciid Cali 8)Garaad C/salaam Xasan 9)Garaad Cali Buraale 10)Boqor C/laahi Dabagooye 11)Garaad Saleebaan Buraale 12)Ugaas Faarax X.. Maxamuud
-
Politics exists in a fuid and ever changing environment. Thus the motion', is refelection of differences of opinion. As for the fight in parliment, its not unique to Somalia many hot blooded MP's have fought in Russia, Japan and other moe powerful nations.
-
MOGADISHU: Huge security operation underway..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgalo ammaanka lagu sugayo ka bilawday Magaalada Muqdisho Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Madaxda u yahay Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii wax uga qaban lahaa Nabadgalyo xumada ka jirta ama Maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxday ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Howlgal soconayo 17 Maalmood ama ku dhawaad 20 Maalmood si wada jir ahna u fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo nabad ilaalyaasha Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah uga bilawday Magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in gabi-ahaanba magaalada Muqdisho uu ka bilowday howl-gallo ballaaran oo lagu sugayo amaanka, xilli xaaladda amaan ee caasimadda uu sii xumaanayay maalmihii la soo dhaafay isla markaana magaalada gudaheeda lagu dilay Saraakiil hore ugu tirsanaan jirtay Ciidamadii Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Marxuum Axmed Jilacow Caddow.s Howl-galladaan ayaa intooda badan waxaa ay ka soconayaan deegaanada Suuqa xoolaha, Ex Ctrl Balcad, Gubta iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha halkaas oo ay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Muqdisho aaminsan yihiin in laga soo abaabulo qorshayaasha Dowladda looga soo horjeedo Inta badan dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay hadal haayan howlgalada saaka ka bilawday Magaalada Muqdisho waxayna dadka qaarkiis sheegayan inay ka war dhawrayaan natiijada uu ku dhamaan doono howlgalkan cusub. Abaaqaroow.com (wiil waal) -
MOGADISHU: Huge security operation underway..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SOCOD: 1. The warlords were fighting for their own narrow interest and this includes the clan court warlords like IndaCade, Cirfo and Xasan Dahir. 2. The bombers did exist they were the militias of the defeated courts, who have lost their armour and hide outs. Thus they turn to the F1 bomb and this will be managed with time. -
MOGADISHU: Huge security operation underway..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir oo maanta heegan ku noqday afarta qaybood ee loo kala Qaybiyey Magaalada Muqdisho { 07 Oct 2007} waxaa la daabacay Sun 07 Oct 2007 15: 35: 20 Guddoomiye ku xigeennada dhinacyada kala duwan ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta mid kasta oo ka mid ah wuxuu heegan ku noqday qaybta loo xil saaray ee ka mid afarta qaybood ee loo kala qaybiyey Magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee dhinaca arrimaha Nabadgelyada Mudane Cabdifataax Ibraahim Cumar Shaaweey oo madax looga dhigay qayb ka mid ah afartaas qaybood, ayaa maanta hawshiisa ka billaabay halkaas, isagoo soo kormeeray isgoysyada la dhigay ciidamada Booliska ee degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay, sidoo kale wuxuu kulamo halkaas kula yeeshay saraakiisha ciidamada iyo madaxda tabeelayaasha xaafadaha ee degmooyinkaas. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa socdaal uu ugu kuurgalayo sida ay u socdaan hawlaha sugidda amniga ku soo wada maray gebi ahaan inta isgoys ee qaybtiisa looga qorsheeyey in la dhigo ciidamo boolis ah, wuxuuna kulamo uu ugu kuur galayo sida ay xaaladaha deegaanadaas yihiin la yeeshay madaxda ciidamada, kuwa degmooyinkaas iyo waxgaradka deegaannadaas. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca hawlaha guud Mudane Cumar Aweys Nuur oo isagana madax ka ah qayb kale oo Magaalada Muqdisho ah ayaa kormeer ku soo wada maray degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay, wuxuuna soo booqday goobihii isgoysyada ahaa ee guddiga amniga Gobolka Banaadir ay islaamiyeen in ciidamo boolis ah la dhigo. Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi oo ah ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee xagga arrimaha Siyaasadda ayaa isagana heegan ku soo noqday qaybta madaxda looga dhigay, wuxuuna subaxnimadii hore ee saakay soo wada kormeeray dhammaanba degmooyinka ay qaybtaas ka kooban tahay. Qorshaha nabadgelyada ee askarta lagu geeyey isgoysyadaas ayaa ah mid si joogto ah u soconaya, iyadoo habeen iyo maalinba ay ciidamadaas ku sugnaan doonaan goobaha la geeyey. Email: admin@gobolkabanaadir.com GobolkaBanaadir.com -
Dowlada Masar oo Xabsiga u Taxaabtey 12 Nin oo Gacan siiyeen Maxkamadihii Soomaaliya. Last Updated::2007-10-07 22:39:20 AL Qahira (HRNet):-Xariga ay u geysteen Laamaha Amaanka ee Wadanka Masar 12 Kaan Nin ayaa waxaa ay timid ka dib markii lagu soo eedeeyey Laguna Helay in ay Gacan siiyeen Ururo gacan Saar la leh Al Qaacida sida ay sheegtey Xukuumada Al Qaahira. Laamaha Amaanka amaanka ayaa waxaa ay sheegeen markii ay Gacanta ku dhigeen 12 Kaan Nin in ay Faraha kula jireen Dhaq dhaqaaq Argagixiso kaas oo ka dhan ahaa Dalxiisayaal ku sugnaa Marinka Sinia eek u yaala Wadanka Masar. Ragaan ayaa waxaa kale oo si toos ah loogu helay in ay kala soo qeyb qaateen dagaalo ay galleon Midawga Maxkamadihii Islaamiga ee Dhamaadkii Kal Hore looga Itaalka Roonaadey Dagaal ay la galleon Dawlada Soomaaliya oo kaa shaneysey Ciidamada Wadanka Itoobiya. inkasta oo ay haatan wali socdaan Baaritaano lagu wado Qeyb ka tirsan Ragaan ayaa hadana Hogaamiya Kooxdaan oo lagu Magacaabo Axmed Abu Al Naga, waxaa uu si buuxda u qirtey in uu Wadanka Soomaaliya kula soo dagaalamey Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka. waxaana uu sheegey in uu taageero u fulinayey Koox uu sheegey in ay ahaayeen Koox aan Tabar la ekeyn Xoogagii ka soo horjeedey kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo Islaami ah ka wadey Gudaha Wadanka Soomaaliya. Dhawaan ayaa la rajeynayaa in Maxkamad la soo taago inta ay ku cadaato inta ku lugta leh Waxa lagu soo eedeeyey. Maxkamadihii Islaamiga ayaa la rumeysanyahay in Dagaaladii ay ku qabsadeen bartamihii Sanadkii hore Badi Koonfurta Dalka in ay kala qeyb qaateen Kooxo la sheegey in ay yihiin Ajaaniib. Mohamed Ali (Dalmar) HorseedNet News Desk.
-
Somalia's transitional govt to face confidence vote in parliament 7 Oct 7, 2007 - 1:25:30 PM BAIDOA, Somalia Oct 7 (Garowe Online) - The interim government of Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi will face a vote of confidence in parliament this week, lawmakers said today. Tens of MPs have been pouring into the inland town of Baidoa, 250km northwest of Mogadishu, in recent days in preparation for the confidence vote. Several MPs have introduced the motion in parliament, but inside sources said lawmakers are deeply divided on the vote. Somali PM Gedi Prime Minister Gedi has many supporters in parliament and has survived two such motions during his three-year tenure as prime minister. But a large number of MPs want to bring down Gedi's government, citing anything from the misappropriation of public funds to rising insecurity. The anti-Gedi camp within parliament wants President Abdullahi Yusuf to name a new Prime Minister, who will in turn appoint fresh faces in the Cabinet. President Yusuf and Premier Gedi have not been on the best of terms in recent weeks, even though Gedi hoped to quell concerns yesterday when he said there was "no dispute" between him and the Somali president. Legal analysts say Gedi cannot be renamed by President Yusuf to a third consecutive term under restrictions detailed in the interim government's constitution. Yusuf reappointed Gedi as Prime Minister in two past occasions when the majority of MPs voted his government out. Lawmakers have been grilling Gedi's Cabinet ministers in recent weeks to answer questions about finances and ministry operations. Source: Garowe Online
-
Laascaanood : second huge demo against [Cadowga Somalidiidka]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The picture is not of the demo, just the report that highlights who is control of LA. Breakingmy fast? -
SSC traditional leaders warn North West: Press release...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SSC spokesperson speaks out -
SSC traditional leaders warn North West: Press release...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Laascaanood: Isimada gobalada SSC oo baaq kama danbeys ah udiray Maamulka gobalada Waqooyi Galbeed Soomaaliya. 7. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Isimada ugu sareeya ee wax laga weydiiyo arimaha gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta baaq kama danbeys ah oo ay ugu hadlayaan xaaladaha gobaladaasi ay ka soo saareen Magaalada Laascaanood ee xarunya gobalka Sool. Isimadu waxa ay baaqoodan ku socodsiinyeen dowlada faderaalka ee Soomaaliya Iyo Hay'adaha Caalamiga ah iyo waliba Beesha Caalamka waxa ayna sheegeen in ay deegaanadooda ka difaacanayaan cadowga ku soo duuley. Isimadu waxa ay kaloo ugu baaqeen dowlada Soomaaliya in ay ogaadaan in Masuuliyada dagaal yimaada ay qaadeyso Maamulka la baxay Somaliland oo ku soo duuley deegaanada dowlad gobaleedka Puntland. Garaadadu waxa ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin deegaanada dowlad gobaleedka Puntland isla markaana ay ka soo horjeedaan maamulka la baxay Somaliland ee dulaanka ku soo qaadey deegaanadooda. Waxa ay Isimadu ku sheegeen baaqoodan in ay digniin kama danbeys ah ujeedinayaan Maamulka Somaliland,ayagoona ku baaqey in ciidamadooda joojiyaan daan daansiga qaawan ee ay ku hayaan deegaanadooda. Baaqan wuxuu ka soo baxey sida wararku sheegayaan markii ay wada hadalo dheer oo mudo qaatey dhexmareen wasiiro ka socda dowlada gobaleedka Puntland iyo Isimada gobalada SSC. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
SSC traditional leaders warn North West: Press release...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pressrelease View the above link fo the original press release with the names of the traditional elders.. -
Golaha Isimada ......... oo udigniin u jeediyay Somaliland Isimada goballada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa maanta baaq ka Soo saaray gobolka sool Baaqan oo ay kaga hadlayaan xaallada cakirran ee iminka ay ku jiraan Gobollada SSCayn,Baaqan ayaa ah kii labaad ee Ka Soo baxay Isimada Gobollada SS-Cayn. Haddaba, Baaqan ayaa waxaa uu u Qornaa Sidatan Hoos ku qoran iyadoo ay ku saxiixan Yihiin dhamaan Ismada SSCayn. jees nasrullaah Laascaanood
-
MOGADISHU: Huge security operation underway..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^SOCOD: The warlords who kicked me out of my home were fighting in the name of clan and included many in the courts as well as the parliment. The TFG, which is the only real hope for somalia, has isolated the warlords and defeated the courts. They are facing what A/qasin, Ali Mahdi and others faced, a hostile group led by criminals who do not wnat to see any governemnt. Thus these bombers, criminal networks are part and parcel of the warlords/looters and fake wadaads who kept somalia without any governemnt and isolated. Those days are the past.