General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Warbixin: Kooxda Alshabaab oo asbuucaan fuliyay shirqooladii iyo dilalkii ugu badnaa Posted to the MOL June 23, 2008, 6:47 am Kooxda Alshabaab ee dagaalka ka wada koonfurta Somaliya ayaa asbuucaan fuliyay shirqooladii ugu badnaa intay falalka noocaan ah soo bilaabeen illaa sannadkii 2000 wixii laga soo bilaabo. Maalintii shalay ayay kooxdaas afduub ku kaxaysteen madaxii hay’ada qaxootiga ee QM taas oo dhabar jab ku noqotay howlihii bini’aadninimo ee ay haya’adaas ka waday koonfirta Somaliya. Magaalada Baledweyne ayaa isna waxaa kooxda Alshabaab ku toogteen madaxii hey'adda CRD ee Gobolada Dhexe Allaha u xariistee Maxamed Xasan Kulmiye. Waxaa isla magaalada Baladweyne lagu dilay doraad mid ka mida ahaa dadka shacabka ah, kaas oo kooxda Alshabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeeyay ciidamada itoobiya. Waxaa magaalada Muqdisho isna lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booiiska ee dowladda kmg ah ee Soomaaliya, Sargaalkaas ayaa lagu dilay shirqool ka dib markii gaari uu watay loo dhigay miino wadada geeskeeda loogu qariyay. Sarkaalka qaraxa lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Waasuge oo ahaa taliyaha booliska ee qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay nabadoon Cabdirisaaq Farabadane Guhaad. Miino ayaa waxaa loo hoosgaliyay marxuumka gaarigiisa uu watay, waxaa isla goobtii ku nafwaayay darawalkii gaariga waday, nabadoonka ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Gaalkacyo saacado yar ka dib. Warar aan Gaalkacyo ka helayno ayaa sheegaya in nabadoonkaas qabiil ahaan loo dilay iyagoo warar soo baxaya ay sheegayaan in dilkiisa uu soo amray Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah madaxa kooxda Alshabaab. Waxaa intaas oo shirqool oo ay kooxda Alshabaab fuliyeen ka sii daran iyagoo laayay dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Kooxda Alshabaab ayaa bomb gacmeed ku tuurtay Shineemo Afrika oo ku taala Degmada Xamar Jajab, halkaas oo dhalinyaro badan aya ku daawanayeen Filim uu inta la ogyahay 2 ku dhimatay halka illaa 6 kka midana ay ku dhaawacmeen. Shinneemo ku taal magaalada Baydhabo ayaa iyana waxaa lagu tuuray bomb gacmeed iyadoo Ugu yaraan Afar qof ay ku dhinteen shirqoolkaas iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Haddaba isku duuboo dadka Somaliyeed ayaa meel walba oo ay ka joogaan koonfurta Somaliya dareemay arxan darada kooxda Alshabaab asbuucaan, iyadoo aysan dowlada KMG ahi wali helin qaab istiraajiyadeed oo ay kula dagaalaan kooxdaas diin iyo qabiil isku dhexjira awgiis u laynaysa dadka shacabka ah. Mudugonline.com
  2. Asmara: "Waxaa xaqiiq ah in Sh. Shariif uu xiriir la leeyahay Dowladda Mareykanka" Xasan Daahir Aweys 21. Juni 2008 Asmara(AllPuntland)-Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan hoggaanka sare ee isbaheysiga dib u xorreynta dalka Soomaaliya ee lagu dhisay Asmara ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha Isbaheysigaasi Sh. Shariif Sh. Axmed uu xiriir la leeyahay Dowladda Mareykanka, xiriirkaasi uu uu sheegay in uu soo tixnaa tan iyo markii Sheekh Shariif Sh. Axmed uu isku dhiibay Dalka Kenya waa sida uu hadalka u dhigay Sh. Xasan Daahir Aweys. Sh. Xasan ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay in uu horay u jiray xiriir qarsoodi ah oo Sh. Shariif Sh. Axmed la yeelan jiray wakiilo ka socday safaaraddaareykanka ee magaalada Nairobi, hadalkan ayuu Sh. Xasan Daahir Aweys uu ku sheegay Wareysi uu siiyay wargeyska Al-Sharqal Awsad ee ka soo baxa Londan. Ujeedooyinkii loo aas aasay iyo istiraatiijiyadii Isbaheysiga ayuu ka weecday Sh. Shariif ayuu yiri Sh. Xasan Daahir Aweys oo intaa raaciyay in Sh. Shariif uu khilaafay go'aankii Isbaheysigaasi ay ku diidanayeen iney wada xaajood ay galaan tan iyo inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin Soomaaliya, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir Aweys uu sheegay inuu isagu shaqsi ahaan la wareegi doono Xilka Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara xiliga ay isu yimaadaan xubnaha isbageysiga ee bisha Luulyo kulanka ku yeelan doonaan Asmara. Sheekha ayaa ka horyimid in dalka la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, isla markaana tilmaamay in aysan soo kordhineyn, wuxuuna carabka ku dhuftay howlgalkii rajo soo celinta ee Mareykanka ka waday Soomaaliya sanadkii 1993-kii. Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn ugu soo horjeeda shirkii nabadeed ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti kaasoo lagu gaaray heshiis dhex maray Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara ee uu ka tirsan yahay. C.M.Cali AllPuntland.
  3. Why the attacks on the man? Its crazy some people can not face facts. MMA- what is misleading about the title? Aways says the Sharif is close to the Americans, was saved by them, has links to the Embassay in Nairobi. Now the CIA, are American, they work with both the military and civilian branches of the American governemnt. I would love to see people not get emotional on SOL. When their favourite hero's are caught with their pants down.
  4. Thanks Good Mansuur & Turki are not southerners? And their clans do not live in the south? Also who are these elders who are providing the muscle, name names? As for your example of Mongols & Turkmen, how does that apply, we are clans these are nations as Somalia is? Is it not amusing that one is masking clan militias who have always been against for what ever reason restoring the states, as a religious movement. A notable historical point is that this same militia attacked the TFG, and is now crying out for the effect of the cause they out into play. But your remarks were honest at least.
  5. ^^^Expand on it a little. Is Al Shabaab a clan movement or a religious one. You touched a nerve I dare say lad.
  6. ^^^Adeer so its the ICU & JIS who are killing all these women and children. Is
  7. Does it matter what an ill informed secessionists thinks. You do not know anything about politics and the implications of these latest moves. With Djibouti on side, the TFG has gained a new friend, and isolated the bombers and their pay master Afewarki. The secessionists have not even been recognized by Djibouti, while Abdullahi an old rival was accorded the red carpet treatment. Cayrow: Its boring I know no killing of southern children, and bombings of Mogadishu and capture of southern villages by the Mujahi’s led by your kinsmen from Burco. How boring indeed.
  8. ^^^Adeer stop beliveing in your own lies. Killing local police in a village in the middle of now where does not liberate anything. Again who are the courts admin? Names please, even a video.
  9. Indha Cade, sow maaha ninkii Itobiya u fooriyey ee yiri iska dalkeenee Ardisababa ayaan idiinku imaaneynaa, markuu arkay iney soo dhaqaaqeena diyaarad ku boodey ee isaga Mansuur israaceen Xaj aan waajib ku ahayn wakhtigaa asaga ah aadey, miyuusan ahayn ninkii Kenya kula soo shiri jirey Mareykan lacagtana kaga soo qaadan jirey, misuun ahayn ninkii Beeraha dadku lahaayeen canshuurta kaga guran jirey, miyuusan ahayn ninkii Sidii GEEDI BAABOW dhihi jirey Odey hebel Gabadhiisa cawada ha la ii meheriyo waa gabar hadey u badato 15 jir ah, oo waxaa hadba meel ila joogta oo aanan been ka sheegeyn gabar reer Marka ah oo ka mid ah gabdhihii sidaa la yeeli jirey, oo aabaheed habeyn madow ka saarey magaaladii keenay Xamar kadibna laga soo dhoofiyey oo kenya la keenay sidaasna maraykanka lagu soo geliyey miyaa intuu Cimaaamad qaato oran kara dal baan xoreynayaa cadowga uu sheegayo waa kuwa uu ku soo casumay dalka weliba muqdisho iyo marekankuu Lacgta sida caadada u hayd Qab Qablayaasha oran jireen Argagixisaa Joogta, miyeysan kuugu imaan jirin marka ayagoo xogta kaa qaadanay maxaad maanta sheegi kartaa Indhacadoow waa dakaas oo kale dadka dhminaaya waa inaan ka diidnaa
  10. Cayrow: They have killed, maimed and have been killed and maimed. They and their supporters have raised funds, they and their Eritrean/Arab friends have sent money and yet they have not liberated a single town. they do not hold a single city, set up a single admin. Its been a year and they are not only stuck in Asmara. They have lost their greatest fighters and their Amir has signed an agreement with the devil. Dont convince me, talk to Sharif Ahmed, Shiekh Janagow, Abukar Cadaan, Sharif Xasan These people belived more than you, and today have fled Asamara. Apart from your talk what have they given to their population? Yes they have made the resident of Mogadishu, into refugees. The Mogadishu folks had their homes before Al Shabaab But hey you are from Burco and its ok up there right Mujahid.
  11. Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Boqor) ayaa sheegay in iskaashi cusub oo dhanka Ganacsiga ah oo kala saxiixdeen maamul Goboleedka Puntland iyo Dawlada Jabuuti. Khamiis Jun 19 2008 Somalia- Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Boqor) oo maalintii shaley ahaeed dalka dib ugu soo laabtey ka dib socdaal dhawar maalmood ah ayaa sheegay in iskaashi cusub oo dhanka Ganacsiga ah oo kala saxiixdeen maamul Goboleedka Puntland iyo Dawlada Jabuuti. Madaxweyne Cade Muuse wuxuu intaasi ku darey in boqoshadii u kutagay dalkaasi Jabuuti u ah mid ahmid balaaran u leh Dadyoowga reer Puntland una rajeynayo inuu noqdo mid kaba dhaqaalah Puntland cadde Muse ayaa sidoo kale xusey in iskaashiyadaasi ganacsi ay si weyn uga faa’ideysan doonaan dadweynaha Puntland iyo kuwa Jabuuti. Dhinac kale Cade Muse wuxuu guul ku tilmaamay kulan kii ay yeeshen ganacsatada dalka Jabuuti, uu ahaa mid is afgarad iyo niyad sami ku dhamaday. Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan Allidamaale@hotmail.com Xaafiiska Waraqabadka Somalia Allidamaale.com
  12. Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Now its sad that this buffoon, is the real power behind the insurgents. This gives us confidance that, he will not get far. We hope his blind supporetrs would come around and spare the children.
  13. Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Jimco, June 20, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in uunsan khuseynin heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in sida uu u yiri raggii heshiiskaas saxiixay ay ahaayeen kuwo la goostay wixii ay mas’uulka ka ahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan heshiiskaas wakiil uga ahayn. Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu sheegay in isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu Heshiiskaas waxba kala soconin, sidaas darteedna uusan khuseynin, “Walaalow annaga heshiiskaas nama khuseeyo, waana sii socon doonaa dagaalka Ciidmada Itoobiya looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Yuusuf Indha Cadde in ay ka digtoonaadaan shirqoollada loo dhigayo, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo heer caalami ah oo marba weji loogu soo yeelayo. “Dadkani waxaa Dad Muslimiin ah haddii ay wax qeybsanayaan waxay wax ku saleysanayaan Kitaabka Alle”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in haddii ay dhaceyso in ay wax qeybsadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay wax ku qeybsanayaan qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5). Ugu dambeyntiina, hadalka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 9-kii bishan ay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen-na ay ugu muhiimsan yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah, inkastoo lagu xiray shuruud ah marka ay yimaadaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  14. ^^^lool. The Al Shabaab are not important, ask Sharif Ahmed, Janagow and Co.
  15. Geele oo ka hadley Eritrea 18 Jun 18, 2008 - 5:43:28 PM Wareysi uu Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, siiyey BBC ayuu ku sheegay inuusan jawaab waafi ah u heyn sababta ay Eritrea usoo weerartay dalkiisa. Mar la waydiiyey in laga yaabo in weerarka Eritrea uu salka ku hayo soo wareegista ay qaar kamid ah xubaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta kasoo guureen dalka Eritrea, oo ay saldhig ka yeesheen Djibouti ay sabab u tahay, ayuu sheegay in, inkastoo taasi ay mala'awaal tahay, haddana ay tahay arrin lala yaabo, maadaama ay Djibouti u aragto Somalia dal ay bah yihiin. Heshiiska Djibouti & France Madaxweyne Geelle ayaa xaqiijiyey inuu jiro heshiis xagga difaaca ah oo uu dalkiisu la leeyahay dalka Faransiiska, oo ahaa gumeystihii hore. Wuxuuse intaas ku daray in dalkiisu uu diyaar u yahay in askartiisu ay iyaga u dhintaan difaaca dalkooda. Wuxuu kaloo madaxweyne Geelle soo dhaweeyey hadalkii dalka Mareykanka ee lagu cambaareynayey weerarkii ay Eritrea kusoo qaadday dalka Djibouti. Wuxuuse sheegay inuusan jirin heshiis xagga difaaca ah oo ka dhaxeeya dalkiisa iyo Mareykanka Dhexdhexaadin Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dadaal dhexdhexaadin ah oo uu waday madaxweynaha Yemen, Cali Cabdalla Saalax, uu ku gacan-seyray madaxweynah Eritrea. Dowladda Djibouti diyaar bay u tahay heshiis noocaas ah, ayuu yir. Heshiiska Soomaalida Mar la waydiiyey waxa uu heshiiskii ay dhawaan kooxaha Soomaalidu kaga duwan yahay heshiisyadii hore, madaxweyne Geelle ayaa sheegay in beesha caalamku ay usoo gurmatay dalka Soomaaliya, uuna jiro dadaal gaar ah oo ay beesha caalamku ku doonayso in lasoo afjaro colaadda daba-dheeraatay ee Soomaaliya. Madaxweyne Geelle ayaa si gaar ah u ammaanay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Axmadou Walad-Cabdalla, iyo Boqortooyada Sucuudiga, oo uu sheegay inay daacad ka yihiin heshiisiinta Soomaalida. Mar uu ka jawaabayey saameynta ay heshiiska ku yeelan karto kala jabka Isbaheysiga, ayuu madaxweyne Geelle sheegay in lala shaqeynayo ciddii nabadda dooneysa oo kaliya. Wareysigan oo dheer, ayaa tabanaya dhinacyo kale oo fara badan. Dhgeyso Xigasho/BBC
  16. ^^^lool. you are having laughing. The SNM was based in Ethiopia and armed by Ethiopia much like all the armed factions. They are only special Haji Cayrow because they are from your clan. what a smart lad you are
  17. PUNTLAND:“Cadaawahaagu waa Cadaaweheena”, Docda kalena waxaa carada iyo ciilkoodii muujiyay dad badan oo Soomaaliyeed, iyagoo leh hadii Eretereya ay laheyd dhul Soomaaliyeed ayaan xabashi ka xoreynahayaa, maxaa sababay in ay u hanqal taagto dhul kale oo Soomaaliyeed, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa iyaguna u arkay fursad siyaasadeed oo ay ciyaari karaan in halkan ka banaantahay, Somaliland oo ka mid ah maamulada garabsada Ethiopia, ayaa dhaleecayn aan buurnayn u jeedisay Eretereya, halka Puntland oo dagaal dadban kula jirta Eretereyana ay si cad uga booday cayaarta Eretereya iyo Jabuti, iyadoo halhayska luuqdooduna u ekayt “Cadaawahaagu waa Cadaaweheena”, ayay calankii Eretereya holac qabadsiiyeen kuna dul mashxaradeen, deeq xoolaadna xoogagii jabuuti u direen. Malaha Eseyas Afewerk marna isma oran calanka Eretereya ayaa ciida Soomaaliya lagu holcin doonaa, isagoo xasuusanahaya sida uu ugu farxi jiray markii maxaakiimtu gacanta ugu jidhay koonfurta Soomaaliya oo maalin walba taleefishinada caalamka laga daawan jiray iyaga oo gubahaya calanka Ethiopia. Dhaxalka siyaasada guracan ee Eretereya ayaa ah mid ayadu gacmaha isku jarta, daandaansiga Jabuutina waa talaabo ayan ka fiirsan hogaanka Eseyas Afewerk ee meesha dhow wax ka arka, taasoo ah waxa beesha caalamka go’doonka uga yahay ruuxii raaca ama rafiiq ka dhigtana maalinta danbe in uu cuno isku daya, iyadoo la oran karo garab Isbaheysigii ka mid ah ayaa ka badbaaday dibin daabyadii Eretereya. Faa’iidada kaliya oo Soomaali amase qolo yar oo meel isku xirtaa ka dhaxli karto dagaalka Jabuuti iyo Eretereya ayaa waxa ay noqonaysaa, in isusoo dhawaansho iyo isdugaalaysi Soomaaliyi dhexmarto, iyagoo midaynaya muruqa iyo maskaxda Soomaali, halka qolooyinka ku doodahaya in Somali qaybiyaan maantana ay ka faa’iidahayaan oo kaliya, in sida Jabuuti ku dhacday manta, cagajuglayn, handadaad iyo baad ay ku noolaan doonaan, ileen ayaga ayaa is dhigay halka lagu jiidahayo, marka ay gooni ugu baxaan waraabayaasha dunidan wareershay. WQ:Muxyadiin X Ciid Alcarab1@yahoo.co.uk Maqaalkani ka turjumi mayo shakada wararka Waayaha.net,waxaa iska leh qorraaga
  18. “War ninkan waalan maxaa nala kasiiyaa”, waxse beesha caalamka lagu yaqaan ayaa jiray, oo ah in ayan ka hadlin dhiilo ilaa xero iyo fandhaali kala dhacaan, cabashadii Jabuutina dhag jalaq looma siin, taasoo dhiirigalin u noqotay Eretereya iyadoo dharaar cad caga lasoo gashay ciidii Jabuuti, saldhigatay, dhufeysyana ka qodatay, tanoo ay rajeynayeen, in oday Geele oo barya ah u soo jilba dhigan doono, balse ma dhicin Jabuutina iyada oo dhexda marada ku xiranaysa ayay isku dayday in ay hor istaagto Eretereya, dhinaca kalena waxa ay dani ku riixday in DFKG ah, oo ay u taqaanay Maqaar saar ay noqoto garabka kaliya ee ay isku hubto, waxa ay dhegta qabatay taleefoonada Madaxweyne Cabdulaahi, sidoo kalena weedheeda gaarsiisay Addis-Ababa, iyada oo iclaaminaysa garabka ay tahay, labaduna si gacmo furan ah ayay kusoo dhaweeyeen, maadaama ayba xarashkii ay u hayeen Hogaanka Casmara meesha uga muuqday, iyagoo leh “Wankii waraabaha raacaad awalba aheyd”. Si ay u cadeyso garabka ay tahay ayay Jabuuti ugu durbaan tuntay Isbaheysigii Casmara Jabuuti, iyadoona u balanqaaday saldhig sidoo kalena xodxodasho u gashay sidii ay u hantiyi laheyd xubnaha hogaanka u ah Isbaheysiga, si ay uga faramaroojiso Eretereya, meeshana uga saarto danaha rakhiiska ah ee Esayas Afawerke awalba ku gaar is lahaa Isbaheysiga, iyadoo ku guuleysatay, intii badnayd Isbaheysigiina Jabuuti kusoo urursatay taabagalisayna in jawi isfaham ka dhex abuurto garabyada siyaasada Soomaaliya isku hayay, ayada oo la kaashaneysa beesha caalamka, ilaa lawada saxiixday heshiiskii Jabuuti. Taasi waxa ay noqotay gool lama filaan ah oo Madaxweynaha Jabuuti uu ka dhaliyay Eretereya, isaga oo aan dabaabaad iyo dayaarado midna ku weerarin, Esayasna ku noqotay falaar uusan fileyn, balse sidii dabcigiisu ahaa Afewerke ayuu hal mar kula soo haliilay Jabuuti buntukhiisii amaanku u furnaa, tanoo dhalisay dagaal socday maalmo, Jabuutina muujisay in ayan caga jugleyn iyo handadaad danbe u dulqaadin doonin, jilibkana u dhigeen weerarka waraabihii beri ay saaxiibka ahaayeen.