
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mr Kadawo: adeer dont live in denail, nothing has changed the ****** in the capital will continue their game and those paid by the NGO's will get their rewards at your expense. Maybe you need your clan sites view point.
-
15 ku dhimatey dagaalada Muqdisho 29 Dec 29, 2008 - 7:10:01 AM Ugu yaraan 15 qof oo u badan xoogag ka horjeeda DF iyo ciidamada shisheeye ayaa ku dhintay dagaalo iyo duqeymo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ka badan 20-qofna ay ku dhaawacmeen. Dagaal xoogan oo u dhexeeyay mucaaradka iyo ciidamada Ethiopia ayaa ka qarxay saakay warshadii baastada, halkasoo ay ku yaaceen dad badan kadib markii la sheegay inay ciidamadii ku jiray baxeen. "Dad badan ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay warshada baastada, inta aan arkay waa 10-qof oo ay ku jiraan kooxaha mucaaradka ah, waxanaa lagu dilay agagaarka warshada" ayuu yiri mid ka mid ah dadka degmada Huriwaa oo argagaxsan. Ruuxan oo ka mid ahaa boqolaal qof oo damacsanaa inay gudaha u galaan warshada baastada, ayaa u sheegay warbaahinta isagoo naxsan, inay ku baraarugeen rasaas mar keliya isqabsatay. Warar ayaa sheegay in ciidamadii Ethiopia ee ku jiray warshadaha baastada iyo xayle bariise ay halkaas ka baxeen, waxaana kooxaha hubeysan ee lagu dilay iskahorimaadkaas la sheegay inay taageersanayaan Yuusuf Indhacadde. Madaafiic jawaab u ahaa hoobiyeyaal lagu gacaay Villa Somalia ayaa ku dilay suuqa Bakaaraha in ka badan 5 qof, waxaana dhaawacmay 10-qof oo kale, kuwaasoo ahaa rayid. "Hoobiyeyaal fara badan ayaa kusoo dhacay suuqa, dadka dhintay waxaa ka mid ahaa haweeney shaah ka ganacsanaysay iyo cunug yar, sidoo kale 7-qof ayaa hal goob ku dhaawacmay, markii uu madfac ku habsaday" ayay tiro Ugaaso Cali oo ka mid ah ganacsatada Bakaaraha. Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay duqeyntii loo geystay Villa Somalia, iyadoo duqeyntan ay kusoo beegmayso xilli uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iska casilay xilkiisii. Garowe Online, Muqdisho
-
Editorial: Puntland will safe money resources post TFG.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I dont think Cade & Sharif are warming anything for anyone and will be fighting the Al Shabaab soon. -
Dagaal la isku adeegsanayo Hubka noociisa kala duwan oo ka qarxay Muqdisho Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa haatan waxa uu ka soconaya magaalada Muqdisho ee Xaadimada Dalka . Dagaalkan oo Qarxay Abaare 6dii iyo rubi ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Fariisinka kuleh Degmada Hiliwaa Gaar ahaan xaafada Juungal iyo kooxaha isaaliyiinta Ee ka soo horjeeda Jogitaankooda . Dagaalkan oo la isku adeegasnayo Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa daryanka Madaafiicda la isweydaarsanayo waxaa laga Maqlayaa dhamaan 16ka Xaafadod ee magaalada ayadoo ay Jiraan Jawaabo ka soo baxaya Ciidamada Itoobiya oo ay ku jabaabayaan Hubka Noociisa culus gaar ahaan kan loo yaqaan BM ah . Dadka ka ag dhow Deegaanada uu Dagaalku ka Qarxay ayaa bilaabay in ay k asoo qaxaan goobhaasi ayagoo Naf bidaya in ay aadaan Meelo ka Fog fog Goobaha ay ku dhacayaan Madaafiicda la isweydaarsanayo . Waxan ilaa iyo Haatan La ogeyn Qasaaraha ka dhashay Dagaalkan Maadaama uu waqti yar un socdo xili Habeena lagu jiro balse waxii ku soo kordha waxaad kala Soconkartaa Wararkayaga Dambe iyaga oo dhageysi ah iyo weliba Qoraal ah . Cali Max’ed Axmed SBCInternational- Muqdisho
-
BBC: Caaqil Cabdi Shire of Dhahar Laba Qabiil isma Tirakoobto
General Duke replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
lool. The Caqil was 100% right, the secessionists are just prancing around as ususal, and have no power to do anything. -
NGOONGE: Yusuf has retired for good and the election will continue. Che, adeer the troops in Mogadishu will relocate, they will move North or through the Somali region of Ethiopia as they came. Also the whole of the Puntland MP's have leanded in Galkacyu. Anyhow President Yusuf recieved a hero's welcome today and Puntland is glad he is home.. Welcome home Sir.
-
Puntland dhaqaalaheedii ayaa u baaqan doona mar hadday burburtay dowladii KMG ahayd Posted to the MOL December 29, 2008, 8:23 am Iyadoo maanta uu madaxweyne Yuusuf magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iscasilay ayaa dad badan oo reer Puntland ah soo dhaweeyeen arintaas ka dib markii ay guuldaraysatay dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Kenya mudo 4 sanno ka hor ah. Shabakada Mudugonline uu u kuur gashay dareenka dadka reer Puntland ayaa muujinaya inay dadka reer Puntland ay u arkaan iscasiladaada madaxweyne Yuusuf mid sax ahayd loona baahnaa inay intaan ka soo hormarto. Deegaanada Puntland oo ahayd lafdhabarta ugu weyn ee ay ku taagnayd dowlada KMG ah ayaa hadda waxaa muuqata inay la noqon doonaan taageeradii ay u hayeen dowladaas markii ay ka shaqayn weyday xubnihii ugu sareeyay oo isku bahaysatay kaliya sidii ay u afganbin lahaayeen dowladii ay madaxda ka ahaayeen. Haddaba su’aasha dad badan oo Somali ah isweydiinayaan maanta ayaa waxay tahay bal sida ay u shaqeyn doonto dowlad ay madax ka yihiin Sh. Shariif oo la filayo in loo doorto booskii madaxweyne Yuusuf iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo gacantiisa ku burburiyay dowlada KMG ah. Waxaa durba bilaamay in siyaasiyiintii Puntland ugu jiray dowlada KMG ah ay ka baxaan magaalooyinka Muqdishu iyo Baydhabo. Waxaa kaloo isdiyaarinaya oo la filayaa inay dhawaan baxaan ciidamada Puntland oo iyaguna ah cududa ciidan ee ugu weyn ciidamada dowlada burburtay ee KMG ah. Siyaasi ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta isagoo arimamahaas ka faaloonaya wuxuu yiri; Puntland iyo awoodeedii tagtaye, bal Nuur Cadde, SH. Shariif iyo Aadan Madoobe ha keeneen wax Somali u dhan tahay oo ay isugu imaan karto. Isagoo intaas ku daray in qorshaha Sh. Shariif ee ka dhigaya tirada baarlamaanka 550 uusan hirgali doonin. Saadaasha hadda socota ayaa waxay tahay inaysan dowlada KMG ah dhaafi doonin sannadkaan, baarlamaanka inta Baydhabo ku hartayna ay u kala firxan doonaan deegaanadoodii. Kooxda Alshabaabna ay la wareegi doonto magaalooyinka koonfurta Somaliya taas oo dad badan oo Somali ahi raali ku yihiin marba haddii siyaasiyiin isku sheegii ay burburiyeen dowladii dhisideeda lagu soo dhibtooday. Mudugonline.com
-
Ahlusunah oo dagaal kula wareegtay Gelinsoor iyo Cadaado
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Ahlu Clan wal Jamaca have netered the gamer lads. ' Soon they will be fighting in Mogadishu under Maulana InadaCade... -
Yusuf oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garowe 29 Dec 29, 2008 - 4:02:43 AM Qaybo kamid ah dadkii soo dhoweeyey Cabdulahi Yusuf Madaxweyne Yusuf oo xilka iska-casiley maaanta 29 Dec,2008 ayaa waxaa uu ka soo dagay garoonka diyaarada Conoco ee ku yaal duleedka magaalada Garowe. Garoonka diyaaradaha Conoco ayaa waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha xilka ka tagey Cadde Muse, ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiin Puntland. Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa si-weyn ugu soo dhoweeyey magaalada Garowe dadweyne farabadan kuwasoo ay ka muuqatey xamaasad ku aadan qaabka Cabdulahi Yusuf ugu soo dagay xilka uu iska casiley. Dadweynihii soo dhoweeyey Cabdulahi Yusuf Cabdulahi Yusuf oo galay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu albaabka hore kula hadley dadweynihii ku soo dhoweeyey Garowe isaga oo halkaas ka jeediyey hadal gaaban. 'Waad salaamantihiin dhamaantiin lix sano kahor ayaan idinka tagey, howl ayaan aadey, howshiina waa ii soo dhamaatey maantana idinka ayaan idinka mid ahay." Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka hor-sheegay mudanayaasha Baarlamaanka inuu iscasilay, isagoo hadal kooban ka jeediyay fadhigii maanta. Yuusuf, wuxuu sheegay inuu xilka ka tagay, isagoo warqadiisii iscasilaada si toos ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo garabkiisa taagnaa. "Sidii aan horay idin kaga balan qaaday, markaad i dooranayseen, howshii waan wadi waayay, idinka ayaana idiin soo celiyay, maadaama aan saas idinka balanqaaday" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo hadal kooban jeediyay. C/llaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in go'aanka uu isku casilay uu ahaa mid uu isagu gaaray, kadib markii uu la tashtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo la taliyeyaashiisa. Radio Garowe,Garowe
-
Dagaaladii Guracel oo xoogeystey 29 Dec 29, 2008 - 5:33:41 AM Sida la xaqiijiyay 10-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal maanta mar kale ku dhexamaray degmada Guriceel kooxo Islaamiyiin ah, iyadoo ay ku dhaawacmaan in ka badan 9-ruux. Dagaalka oo u dhexeeyay Duruq-suufiya iyo Al-shabaab ayaa qarxay markii gurmad u yimid Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen degmada Guriceel oo ay gacanta ku hayeen Ahlusunna. Dad ku sugan Guriceel ayaa sheegay in rayid ay ku dhinteen dagaalka kuwaas oo madaafiic ay kula habsatay guryahooda, iyadoo dadkaas lagu sheegay inay ku jireen haween iyo curuur. Dagalka ayaa socday in ka badan afar saac, waxana dhawacyadii ka dhashay la dhigay Isbitaalka Istarliin ee magaaladaas oo la sheegay inay ku dhaceen laba madfac oo ka mid ah kuwii ay dhinacyadu isdhafsanayeen. Ururka Al-shabaab oo maanta weerarka qaaday ayaa maalin ka hor laga gacan-marojiyay degmada Guriceel, taasoo keentay in weerarkan ay ku qaadaan, iyadoo labada dhinac aysan magaalada gacan ku hayn. Dhinacyada hardamay ayaa madaafiic aan kala go' lahayn u adeegsaday dagaalka, taasoo laga maqlayay deegaano ay ku barokacen dadkii ka cararay dagaalkii Sabtidii ku dhexmaray degmadaas kooxaha Islaamiyiinta ah. Ciidamo Ethiopian ah oo ka yimid dhanka Balanbale ayaa la xaqiijiyay inay gudaha u galeen degmadaas, taasoo keentay inay dhinacyadii dagaalamay isaga baxaan magaalada, lamana yaqaan halka ay ku kala sugan yihiin. Degmada Dhuusomareb oo xaaladoodu dagan tahay ayaa la sheegay inay ka baxeen xoogagii Ahlu-sunna ayna haatan ku sugan yihiin kuwa Al-shabaab kadib dagaal shalay ka dhacay degmadaas. Garowe Online, Guriceel
-
Garowe: " 6 Sano ka hor, markii aan idinka aaday Shirkii Kenya, Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ku soo laabto dalkeyga iyo dadkeygii, anoo ah Shaqsi" Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. 29. december 2008 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee xarunta dalka Puntland, waxaana soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiin, Ururada Bulshada rayidka, dawladda Puntland iyo Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland. Madaxweynihii hore waxaa maanta uu ka duwanaa meelihii uu hore ee uu soo gaari jiray deegaanadan Puntland, wuxuuna ku faraxsanaa in uu maanta ku soo laabto deegaanada dawladda Puntland, waxaana ay dad badan oo ku dhaqan Magaalada Garowe sheegeen in ay tahay maalin qadarin mudan. Mudane Yuusuf wuxuu salaan balaaran ujeediyey dadka ku dhaqan deegaanada Puntland, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadgalyada, Yuusuf ayaa lafilayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Puntland, Musharaxiinta iyo Isimada Puntland oo uu kala hadlayo xaaladaha Soomaaliya iyo Puntland. Dad fara badan ayaa hortagay Xarunta Madaxtooyada Puntland oo ay galeen Madaxda dawladda Puntland iyo Madaxweynihii maanta xilka iska casilay Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana uu hadal ujeediyey Shacabkii iskugu soo baxxay Madaxtooyada, isagoo ugu baaqay in ay is dajiyaan ayna xaaladu ku soo dhamaatay jawi wanaagsan. kala soco kulamada Madaxweynihii maanta iscasilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed www.AllPuntland.com F. C. Geylan AllPuntland
-
Garowe: Gen Abdullahi Jama Ilka Jiir welcomed in capital:PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somaliland is NW Somalia just like Puntland is NE Somalia saxib. Its unrecognised, and little Djibouti has 50% Afar population which makes it a little bit different to our republics states. Anyhow your argument holds no water, oops I forgot you are a secessionist its all fantasy for ya. -
Garowe: Gen Abdullahi Jama Ilka Jiir welcomed in capital:PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer none of us divided the people you are talking about, and you have no power to divide the people of Bossaso, Las Qoray, Erigavo and so on. Thats the fact here. If you want to secede by all means take your villages, but dont try to force others who do not want you, are not related to you and who have welcomed your chief Riyaale with bullets. -
^^^ few of his detractors on SOL can actually read, thus we had to summarized the mans life..
-
President Yusuf to retire to Puntland as an elder statesman
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^lool. Norf adeer the agenda, policies and positions have not changed. The Duke's political career has yet to begin, but my interest in unity, justice and beloved Puntland is still very strong. -
President Yusuf to retire to Puntland as an elder statesman
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lool. ^^I will not retire; I will continue giving the delusion groups which you are a cheerleader of a dose of truth every now and then. I am way too young to stop and hope to match the 40 years of ina Yusuf service to the people. -
President Yusuf to retire to Puntland as an elder statesman
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats his choice adeer, and I hope he retires and sees Puntland become what it can, a thriving prosporous state in his own lifetime. -
President Yusuf to retire to Puntland as an elder statesman
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lool. Adeer the old man is retiring and leaving because he either gets his way or leaves. That’s called determination, as for being fired, one needs 189 MP’s and there are not even that figure in Baidoa, I know its not worth explaining anything to someone who will not be able to comprehend what’s going on. Hate is a deep thing, but you can do nothing to the man. Norf: United though I hate them are winners, just like ina Yusuf Yey. -
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
One must not mistake my analysis of the correct situation ad an endorsement of the secessionist’s camp or their agenda. I have highlighted they got an advantage today because of their non participation. However as the term goes who dares wins. The Somali situation is quite complex however the players in the south’s energy has been spent on preventing Yusuf from getting a great hold on power and for this they have destroyed property and caused the deaths of a multitude of civilians. The Hargaysa group now have to deal with a Puntland pre 2004, united with their armed forces returning from the south, battled hardened facing the same old loud mouth but not very tough militias of Riyaale. The Puntland elections will rap up in less than two weeks which should allow for swift decision making, while Hargaysa is ties up selling the big lie of mass election, to confuse the west however people are energized and so is Riyaale in staying in power. One does not doubt that Puntland has the moral and material authority to defeat the secessionist in SSC regions without much problems once the troops are in position and the old warrior retires. Thus to Qudhac and Co, to the Duke secessionists pose little threat to Puntland, the great danger is the Al Shabaab, Ethiopia and our own incompetence after that we might think about our loud mouth but little substance brothers in Hargaysa. -
TAARIIKH KOOBAN C/LAAHI YUUSUF AXMED C/Lahi Yuusuf Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo December sanadkii 1934. Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya, wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-1956. Sanadkii 1957 dii ayaa loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubada sare iyo jubada hoose. 1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga soomaaliya. Sanadkii 1964tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe "Lieutenant Colonel" waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya. Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66. Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii. Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay "ciiidanka koobaad" ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya. Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii. Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii. Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan 'Inqilaabkii dhicisoobey', Waxa uu u galay dalka Itoobiya. Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya (SSF). Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu, xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday. Waxa uu tegey Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu madaxweyne ka noqday Dawlad Goboleedkii la asaasay bartamahii sannadkii 1998. Waxana uu halkaas madaxweyne ka ahaa ilaa uu ka aadey Eldoret/Nairobi Kenya oo lagu soo dhisayey DFKMG. Markey taariikhdu tahay October 10, 2004 ayuu C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha FKMG ee Dawlada Dhexe ee Soomaaliya. Jagadaas oo uu muddo ku taamayey in uu gaaro. Waxana uu dhawr jeer intii uu shirka Kenya socdey ku celceliyey in uu asagu bilaabay dhibka Soomaaliya uuna asagu dhamayn karo. December 24, 2008 ayaa waxaa soo shaac baxay in C/laahi Yuusuf uu iska casilayo madaxweynaha DFKMG. Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah (Laba wiil iyo Laba Gabdhood) oo ku noolyihiin dalka Kanada iyo marwo.
-
President Yusuf to retire to Puntland as an elder statesman
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Norf adeer: 1. Yusuf a decorated war hero was the founder of Puntland state, that secured , stabilized and gave hope to 40% of Somalia and a huge chunk of its population. 2. He was elected to he highest office because of his determination and strength of character. 3. As president he never attacked any group and held a defensive posture , defeating his enemies in the bushes away from civilians 4. The president held the largest peace conference in Mogadishu, which lasted for 45 days and brought all the clans together. 5. Yusuf is on the verge of leaving office and retiring, a feet not achieved by any President of Somalia other than Adan Abdulla Osman. 6. He does not support Arsenal and is a fan of Man U, he likes Sir Alex’s no nonsense approach. Which is a shame. Once a warrior always a warrior -
Uganda oo lagula taliyay in dalka ay Ciidamadooda kala baxaan. Friday, 26 December 2008 11:41 BXM Kadib xadid la’aanta kuyimid khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa ee TFG-da oo Ciidamada Itoobiyaankuna ay sheegayaan in dalka ay isaga baxayaan ayaa waxaa soo baxaya talooyin kale oo ku aadan Ugandeska in ay iyaguna ka baxaan dalka Soomaaliya. Hussein Kyanjo oo ah mas’uul katirsan dowladda Uganda gaar ahaan dhanka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dooneyso in ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya kadib markii dhibaatada kajirta Soomaaliya xal loo waayay. Mas’uulkani ayaa waxa uu sheegey in ciidamada dowlada Uganda looga saarayo Soomaaliya sababo uu ku sheegay in uu isku dhexyaac iyo nidaam darro ka dhex dhashay TFG-da maadaama ay markii hore ku yimaadeen si ay u ilaaliyaan ammaanka Mas’uuliyiinta TFG-da. Mr.Hussein waxa uu sheegay in TFG-dii martigelisay Ciidamada AMISOM in iminka aysan jirin meel ay maamulaan oo ay ka taliyaan oo xittaa iminka Muqdisho qeybo yar oo kooban ay ka maamulaan Caasimadda. Arrintani ayuu talo ahaan u soo jeediyay mas’uulkani waxaana uu sii raaciyay in haddii Itoobiyaanka ay ka baxaan Soomaaliya islamarkaasina khilaafka lagu kala tago in Amisom ay wajahi doonto dhibaato xoogan oo ay gaarsiin doonto heer ay kala garan weydo Ugandeska cidda ay u shaqeyneyso iyo kuwa ay Ammaankooda sugeyso. Lama garanayo AMISOM sida ay ka yeeli doonaan Ciidamadooda oo iminka ay Muqdisho kajoogaan kuwa ka kala socda Burundi iyo Uganda iyadoo dhowaanna lasheegayo in Ciidadama Itoobiyanka ay dalka isaga bixi doonaan.