General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xildhibaan C/rashiid Cirro oo Xaqiijiyey in Madaxweynaha DFKMG is casilayo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Cirro oo ahxubin ay si weyn isugu dhow yihiin Madaxweynaha DFKMG ayaa idaacadda Codka Maraykanka oo waraysi la yeelatay isagoo joog Baydhabo u xaqiijiyey in madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu go'aansaday in uu xilka isaga dego, ugu horayn Sabtida ama markii kale ee baarlamaanka DFKMG uu arrintaas ka ballamo... Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cirro ama soo rogo (mp3) - waraysigii Idaacadda codka maraykanka... C/Laahi Yuusuf oo Tegaya Garoowe kaddib is casilaaddiisa.. Warar laga helay ilo ku dhaw xafiiska madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu tegayo Puntland kaddib marka uu iska casilo jagada madaxweynaha DFKMG. Waxaana uu gaar ahaan tegi doonaa magaalada Garoowe oo ay ka socoto ololaha doorashada madaxweynaha DGPL (doorashadaas oo dhic doonta Jan 8, 2009). Waxaa sidoo kaleh warkaas ah in C/laahi Yuusuf tegi doono Puntland carrabka ku dhuftay Xildhibaan Cirro (waraysiga sare).
  2. Juje, why would he not be going? And why the concern for you?
  3. ^^^What disgrace, the old man is resigning, nothing major adeer and he has his base and Villa in Garowe to live in. No Somali leader has achieved as much in the postwar years. I wish the best for thsoe after him.
  4. The truth is Allamagan my lad, Puntland has become a powerhouse within Somalia. Since 1998 and its inception has seen the growth of its cities, many infrastructure projects set in place, a booming economy again relative to Somalia and a profound self belief in its population. Puntland has many problems, poverty, high unemployment and mismanagement of resources. But it has the people to address these issues. Our elder leaders for all their faults have given us the state and secured it. It is up to the next generation and the Young Turks to develop this state to a new level surpassing anything ever done in Somalia. Insha Allah we will. Geel-Jiire, adeer yusuf is a hero in Puntland, as its greatest defender and founding father he holds a special place. Now that he is retiring even his detractors will see the value of the old warrior.
  5. Madaxwayne Abdullaahi Yusuf oo diyaariyay warqadii uu xilka isaga casili lahaa Sabtiddana Barlamanka Horgaynaya. Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Cirro oo ka tirsan xildhibaanadda sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuuf Axmed ayaa VOA u xaqiijieyey in Madaxweynuhu uu xilka ka dagayo. Xildhibaan Cirro, wuxuu sheegay in kadib markii kullan ay isaga iyo xildhibaano kale oo badan la qaateen Madaxweynaha ay u soo jeediyeen inuu iscasilo oo uu tanaasulaad sameeyo. Xildhibaankan wuxuu sheegay in Madaxweynaha laga fidiyey warar been abuur ah oo lagu tilmaamay inuu carqalad ku yahay nabadda Soomaaliya taasina ay tahay mid aan waxba ka jirin. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed, wuxuu sheegay inuu rajaynayo in Madaxweyne Yusuf uu iscasilaadiisa ku soo gudbiyo kulan ay yeelan doonaan barlamaanka Soomaaliya oo la rajaynayo inuu dhaco maalinta Sabtida ah. Xildhibaan Cirro wuxuu sheegay in Madaxweyne Yusuf marka uu iscasilo uu tagi doono deegaanada Puntland oo asal ahaan ka soo jeedo, ugu danbeyn Xildhibaan Cirro wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maamul goboleed-ka Puntland ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale. Email Story Printable View
  6. Xildhibaan shaki galiyay jirintaanka dowlada kadib is casilaada Madaxweyne Yuusuf. Baydhabo,(WNT):-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil(saalax bad baado)oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dayriyayMustaqbalka dowlada federaalka Soomaaliya hadii uu xilka iska casilo Madaxweyne Yuusuf. Xildhibaan Saalax ayaa sheegay In bur bur ku imaan doono hadii ay dhab noqoto iscasilaada Madaxweyne Yuusuf isla markaana jiri doonin Xukuumad iyo baarlamaan intaba sida uu hadalka u dhigay. “waxana qabaa in hadii Madaxweynuhu xilka iska casilo bur buri doonto dhamaan dowlada federaalka Soomaaliya oo aanu jiri doonin xukuumad iyo baarlamaan”ayuu yiri xildhibaan saalax bad baado. Xildhibaanka oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn u taabacsan madaxweyne Yuusuf ayaa xaqiijiyay in ay jiraan saan saan uu madaxweyne Yuusuf xilka isaga casilo doono. Waxaana uu carabka ku adkeeyay in Maalinta sabtida Yuusuf ku wargaliyay In baarlamaanka ka hor aqrin doono warqadiisa is casilaada sida uu sheegay xildhibaanka. Tan iyo markii ay soo ifbaxeen khilaafaadkii ka dhex jiray Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa saameyn xoogani khilaafaadkaasi ay ku yeesheen golayaasha dowlada qeybahooda kala duwan gaar ahaan baarlamaanka oo la kala saftay labada Mas’uul. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.
  7. Emperor I agree with you on that, but we invested in the project and got bad returns. The one real advantage is our battle hardened troops who have managed to stay in hostile territory with little political support for over three years. Their return will help Puntland security and the return of our region SOOL back to the core. I belive we will be the true winners in a few years insha Allah.
  8. I would like to thank the secessionists for showing their fear of the man and the more reason he should become President of Puntland. Anyhow he has done a great deal to integrate the SANAAG base to the rest of the state. Good on Gen Abdullahi..
  9. Saraakiisha Amaanka Degaanada Puntland ayaa si wayn u soo dhoweeyey Murashaxnimada General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir oo ka mid ah Murashaxiinta ugu Cadcad Xilka madaxnimada DGPL Garoowe:-Saraakiishii Hore ee Ciidamada Qaranka somaliyeed ee ka soo jeeda Degaanada Puntland ayaa si wayn ula dhacsan is sharaxaada xilka madaxnimada General cabdilaahi Axmed Jaamac ilka jiir oo ay si wayn shacabka Reer Puntland ugu mashquleen ka dib markii ay soo yaraatay tirada murashaxiinta doonaysa ay inay safka hore ka fariistaan xilka madaxnimada Puntland iyo Doorka Murahax ilkajiir oo Noqonaya mid aan laga maarmikarin maka la arko wacyiga iyo xiliga ay ku guda jirto xukuumada Puntland,Maxamed Tafa dheere waxa uu ka mid yahay Sarkiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland waxaana uu sheegay isaga iyo Sarkiil kale oo si wayn xilal ugu soo qabtay Dowladihii hore ee Somaliya inay ka go,antahay in inay Danaynayaan in la Doorto Generalka si loo helo difaac iyo kala damayn buuxda oo lugu xasiliyo Xukuumada Puntland. Sarkiisha Ciidankii hore ee dalka somaliya oo qaarkood aysan wax shaqo ah haynin ayaa waxaa ay shegeen in Puntland ay u baahantahay maanta nin qibrad u leh awooda militeriga iyo hagitaanka Ciidanka sidaasi daraadeed ay lagama maarmaan u tahay in loo doorto xukuumada Puntland nin General cabdilaahi Axmed jaamac ilkajiir oo ka mid ah dadka lugu tiriyo mayal adaga iyo ku dhaqanka Shuruucda Caalamiga ah ee u degan mileteriga Caalamka. Murashax Cabdilaahi Axmed jaamac ilkajiir oo ka mid ah Murashaxiinta ka timid Dalka debediisa horena Kaalin Ciidan iyo door tariikhi ah ugu soo cayaaray Difaaca dalka ayaa waxaa Sheegay in isu soo sharixidiisu ay timid ka dib markii uu arkay faquuqa iyo Nidaamka xukuumada Puntland oo noqday mid liicliicaya isla markaasina loo baahanyahay badbaado iyo dib u soo noolayn dhinaca Ciidamada Amaanka ah taasi oo uu qibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay General cabdilaahi Axmed jaamac ilakjiir. Murasha ilkajiir ayaa ah Murashaxa ugu degan murashiixnta Puntland isla markaasina ku dhaqma Nidaamka iyo kala damaynta Maamulka iyo weliba shacabka waxaana Xusid mudan oo doorka Madaxwayne nimada Generalku ay qayb ka tahay Dedaalo badan oo dhowaanihii ugu dameeyey lugu xusuusto ka dib markii uu guulo la taaban karo ka soo hayey Khilaaf yar oo ka dhacay Magaalada Laag ee Gobolka Bari ,Iyo arin uu in badan ku mashquulsanaa oo uu ka qabtay Guud ahaan Gobolka sanaag taasi uu kula dagaalamay Gubida dhuxusha iyo cowska laga shidijirey degaankaasi. Maxamed Axmed Ciise Radio dhahar Garoowe Waxaa xusud naga Mudan inaan soo bandhigidoono Muqaalo maqal iyo muqaal ah oo ku aadan General cabdilaahi Axmed jaamac ilkajiir iyo waxqabakiisii tan iyo markii uu yimid Dalka somaliya ee degaanada Puntland.
  10. If he does resign then it would be a great political move. Then there will be no obsticle to peace as the "international community" stated correct and milk and honey will flow from every direction ...
  11. Nayroobi: IGAD, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka oo walaac ka muujiyey wararka sheegaya in uu Iscasilayo Madaxweyne Yuusuf. 25. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Dalalka ood wadaagta la'ah dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa wal-wal ka qaba hadii uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxyaabaha dhici kara. Dawladaha Kenya, Ugandha, Burundi iyo Itoobiya iyo waliba Ururada, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midowbay iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ay dhistay dawladda Mareykanka iyo Xukuumada Bush ayaa lasoo xiriiray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen in uu ka laabto, hadii ay jirto in uu iska casilayo xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya. Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dawladda Mareykanku, ka codsatay Madaxweyne Yuusuf in uu arintaasi uusan ku dhaqaaqin,hadii ay jirto laakiin Mudanahan ayaa sheegay in uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaankan oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa ka gaabsaday in Magaciisa lasheego, wuxuuna sheegay in ay wax jira tahay in uu doonayo Madaxweyne Yuusuf in uu iska casilo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku ka soo horjeesatay Axdiga dawladda Soomaaliya ayna aqoonsatay dawlad aan sharci aheyn. Hadii uu xilka Madaxweyne-nimo ka dago Madaxweyne Yuusuf, ma jirayso Xukuumada uu hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen,maadaama uu Raysalwasaaraha magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya,hadii uu iscasilana uu raacayo. Xildhibaanadii dhawaan ku kulmayay Xarunta ADC-da ayaa xalay oo dhan kulamo ku lahaa Magaalada Baydhabo, kuwasoo oo ay kaga hadlayaan xaaladaha soo wajahay, waxaana ay sheegeen in ay ka war sugayaan hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ka hor cadeeyo Baarlamaanka Soomaaliya maalinada Sabtida ah. Madaxweyne Yuusuf ayaa dhawaan ay sheegeen dawladdaha iyo Ururada qaarkood, siiba IGAD Iyo Midowga Africa in uu dhibaato ku yahay dibu heshiisiinta Soomaaliya, balse dad badan ayaa xasuusta wada hadaladii Magaalada Muqdisho loogu qabtay 3,200 Ergay oo laga kala keenay gobalada dalka Soomaaliya, ayna ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed oo ay udhaxeeyeen dagaalo qaraar lagana heshiiyey. Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa ka mid ahaa in Raysalwasaaraha iyo Wasiirada dawladda Soomaaliya banaanka laga soo dooran karo, taasoo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya. Waana mida lugu magacaabay Nuur Xasan Xuseen oo aan ka mid aheyn Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dastuurka dawladda Soomaaliya qabey ka hor waqtigaasi, in qof aan aheyn Xildhibaan uusan ka mid noqon karin Golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya. Soomaali badan oo taageersanaa dawladda Soomaaliya ayaa rajadoodii ka laabtay DFKMGS, markii ay soo baxday dhawaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed qorsheynayo in uu iska casilo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in taasi ay cadeyneyso in ay burburayso dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyey markii ay ka soo laabteen isaga iyo Nuur Cadde Magaalada Addis Ababa, 25-Oug-2008, kana jeediyey Xarunt ADC-da ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna uga digey beesha Caalamka iyo Baarlamaanka Soomaaliya-aba in ay dumiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaas oo ay socdeen Ifafaalo muujinaya xaaladaha maanta taagan. Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo wariyey in uu wel-wel ka qabo waxyaabaha dhici kara hadii uu icasilo Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna cabsi ka qabaa in ay burburto dawladda Soomaaliya, maadaama ay soobaxayaan warar sheegaya in uu ka tagayo Hogaamiyihii mudada dheer isku hayay dawladda Soomaaliya. Saxaafada Soomaalida iyo Mida Caalamka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ay cadaadis saareen dawlado iyo Ururo ay ka mid yihiin ICG, IGAD, AU, Mareykanka iyo EU, balse taasi waxaa meesha ka saaray afhayeenada Madaxweynaha Soomaaliya oo been ku sheegay warkaasi, waxa ayna ka codsadeen Saxaafada in ay joojiyaan duminta dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay in la dhiso Soomaaliya. IGAD, Hay'ada Xasaradaha Aduunka, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka, ayaa wel-welka ay ka qabaan in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf ku noqotey mid culus, markii ay soo shaac baxday Iscasilaadii Raysalwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay si sharci ah udhacday Xukuumadii Nuur Xasan Xuseen oo waqtigeedu ku ekaa 22-Nov-2008. Madaxweyne Yuusuf ayaa Cod bixin caam ah kaga guuleystay sannadkii 2004, rag Siyaasiin ah oo la tartamayay, markii lasoo unkay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu uu codad badan kaga qaaday C/laahi Yuusuf Cadow xilka Madaxweyne-nimo, oo ay saaxiibo ahaayeen ayna ku wada tartamayeen Xilka Madaxweyne-nimo, ayadoo sidoo kale ay la tartamayeen Rag kale oo si aad ah looga yaqaano Siyaasada dalka Soomaaliya, balse ku guuldareystay in ay ku soo baxaan Madaxweyne-nimada Soomaaliya. Md. Yuusuf ayaa dawladiisu ay noqotey dawladii ugu horeysay ee ciidamo ay leedahay ku maamushay Gobalada Jubooyinka, Banadaair, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Mudug, Banaadir, Baay, Bakool iyo Hiiraan wixii ka horeeyey 22-kii November 2007-ba, markaasoo xilka Raysalwasaare-nimo loo dhiibay Nuur Xasan Xuseen oo lasheegay in uu sicad u amray in ay ciidamada dawladda Soomaaliya ka baxaan Xeryihii Milateri ee ay ku lahaayeen gobaladaasi. Madaxweynaha ayaa noqday Madaxweynihii koowaad ee Vila Soomaaliya ee Muqdisho xarun ka dhigta, wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya ka dhaceen dagaaladii lugu diray Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare (Allaha uraxmadee), waxa ayna dad badan wada dhowrayaan waxyaabaha dhacaya Maalinimada Sabtida ah hadii Eebe Yiraahdo. Kala soco Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee www.AllPuntlad.com, wararkii ugu xiisaha badnaa uguna dambeeyey ee gudaha Soomaaliya, oo ku Saleysan Waaya-aragnimo mug dheer, xaqiiqo, cadaalad iyo Wariyaal ku xeerdheer xaqiijinta wararka, la soco daqiiqad kasta iyo waqti walba AllPuntland. F. C. Geylan AllPuntland
  12. Madaxweyne Yuusuf oo ku gacanseyray codsiyo uga yimid Caalamka Friday, December 26th, 2008 at 8:30 am Horseed Media News Agencies Madaxweynaha dowladda kmg ah ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku gacanseyray codsiyo uga yimid Beesha Caalamka inaanu iscasilin. Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo Maraykanka ayaa ka codsaday madaxweyne Yuusuf inuu ka baaqsado go’aanka uu ku gaaray inuu xilka iska casilo. Ilo ku dhow dhow madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxay soo wariyeen in madaxweynaha uu ka jawaabayay telefoono dibadda ah ay u soo diryeen diblomaasiyiinta beesha caalamka oo ay kaga codsanayeen inuusan is casilin. Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ku eedeeyay inay gidaarka ku qaraaceen dastuurka federaaliga iyagoo taageeray dowlad uu xilkeedii dhammaaday, ayna diideen inay la shaqeeyaan ra’iisal wasaarihii uu soo magacaabay. Madaxwyene Yuusuf ayaa sheegay inuusan garaneyn waxa uu madaxweyne u sii ahaado mar haddii la dhinac maray dastuurkii dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu diyaariyay warqadiisii Istiqaalada oo uu u gudbin doono baarlamaanka federaalka kmg ah. Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedin doona sabtida soo socota fadhi uu isugu iman doono baarlamaanka. Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa wararku waxay sheegayaan inay sidoo kale la soo xiriireen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyagoo ka dalbanaya inuusan iscasilin, balse uu sii hayo kursiga. (Wakaaladaha Wararka)
  13. Baydhabo: Ciro oo shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf. 25. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Cabdi (Ciro) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay suuragal in uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, markii ay talo ahaan usoo jeediyeen Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Ciro ayaa sheegay in ay taladan siiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku been ka abuurtay Mr. Yuusuf kuna eedeeyeen in uu ka soo horjeedo dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu sheegay Xildhibaan-kuye. Mudahan baarlamaan ayaa usheegay dadkii wararkaasi faafiyey in ay arintaasi cadaan doonto, maalmaha fooda nagu soo haya, gaar ahaana Maalinta Sabtida ah oo lasheegayo in uu iscasiliyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Xildhibaanku wuxuu sheegay in iscasilaada ka dib Madaxweyne Yuusuf gaarayo deegaanada Puntland oo ay ka socdaan doorashooyinka Madaxweyne-nimo, markaasna uu doonayo in uu dusha sare kala socdo sida ay udhacdo doorashadaasi, wuxuuna horey uga sheegay Caasumada Puntland in uu goobta joogi doono Hadii Alle Idmo. Mudane, Ciro ayaa beeniyey wararka sheegaya in ay dawlad gobaleedka Puntland ka go'ayso Soomaalida kale, markii ay Soomaalida kale waxba qaban waayeen ama ay raaci waayeen dadaaladii kala duwanaa ee la sameeyey. Xildhibaanka oo la hadlayay Idaacada VOA-da qeybteeda Lahadasha Soomaaliya ayaa warkan ku sifeeyey, in Baarlamanaka Soomaaliya uu Madaxweynuhu hor tagi doono hadii Eebe yiraahdo Maalinimada Sabtida ah oo ay naga xigto beri oo kaliya, Hadii Alle Idmo. F. C. Geylan AllPuntland
  14. Baydhabo: Ciro oo shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf. 25. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Cabdi (Ciro) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay suuragal in uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, markii ay talo ahaan usoo jeediyeen Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Ciro ayaa sheegay in ay taladan siiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku been ka abuurtay Mr. Yuusuf kuna eedeeyeen in uu ka soo horjeedo dadaalada nabdeed ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya, waa sida uu sheegay Xildhibaan-kuye. Mudahan baarlamaan ayaa usheegay dadkii wararkaasi faafiyey in ay arintaasi cadaan doonto, maalmaha fooda nagu soo haya, gaar ahaana Maalinta Sabtida ah oo lasheegayo in uu iscasiliyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Xildhibaanku wuxuu sheegay in iscasilaada ka dib Madaxweyne Yuusuf gaarayo deegaanada Puntland oo ay ka socdaan doorashooyinka Madaxweyne-nimo, markaasna uu doonayo in uu dusha sare kala socdo sida ay udhacdo doorashadaasi, wuxuuna horey uga sheegay Caasumada Puntland in uu goobta joogi doono Hadii Alle Idmo. Mudane, Ciro ayaa beeniyey wararka sheegaya in ay dawlad gobaleedka Puntland ka go'ayso Soomaalida kale, markii ay Soomaalida kale waxba qaban waayeen ama ay raaci waayeen dadaaladii kala duwanaa ee la sameeyey. Xildhibaanka oo la hadlayay Idaacada VOA-da qeybteeda Lahadasha Soomaaliya ayaa warkan ku sifeeyey, in Baarlamanaka Soomaaliya uu Madaxweynuhu hor tagi doono hadii Eebe yiraahdo Maalinimada Sabtida ah oo ay naga xigto beri oo kaliya, Hadii Alle Idmo. F. C. Geylan AllPuntland
  15. ^^lool. you mean no more than a 100%, that I agree with its not that high 65% is a more accurate figure.
  16. ^^^Now the pressure is on the "International community" I hope they help the new admin and keep their promises. Yusuf impact will be felt though.. May Allah SWT give peace to our beloved land and people.
  17. ^^^Its free style "Islamic" Justice..
  18. Lool. My dear L-Girl, I must commend you for the raw no nonsense approach you are taking with this post, its refreshing and welcomed. I understand your anti secessionist stance and believe me I share them with you. However we must be realistic and open our eyes to the reality on the ground. If Abdullahi Yusuf as you suppose was the obstacle to peace and the problem with the AL Shabaabs playing politics then he is gone and we should have no problems. If on the contrary as I believe Nur Cade and Sharif Ahmed plan does not work, and they are overrun by the marauding mad men and their militias then what do you suppose we do? We in this instance are Puntland, Somaliland and others. What I see here is the destruction of a fragile government that was holding its own , it was made up of all clans and was supported by most people. This government has been dismantled from within and from without and we don’t have anything else to replace it. All I hear is the 550 parliament and the many signed agreements and as a student of Somali history I am not impressed and have been witness to the former Djibouti agreement and Arta and what it produced. The secessionist gain much, they might even get special status because of our collective failures. Now the answer to your question, if the Nur Cade, Sharif Ahmed plan works and your miracle becomes true then every Somali should support it and fight for it. I the Duke will even promote it at the top of my lungs. But alas we have to also think about saving what little we have before we try to capture Iceland and Alaska.
  19. ^^^lool. your are confusing yourself, Adeer did I un-cheer him in that comment? If so how?
  20. Nuune, I think you need to rest reading all the Duke comments on SOL, seems to be making you real tired old boy. My comment above about Xasan Turki did not mention him being bad or good. The TFG's demise will empower not you, or your group but Xasan Turki, Goodane, Fuad Shangool and Abu Mansuur, these men are not gonna take orders from Adeer Ahmed Diriye...lol. Whats you point Nuune?
  21. Nuune, adeer everything comes to an end. The end of the TFG does not mean much on the ground other than shifting political prospective and the biggest one is that within Puntland. Abdullahi Yusuf retirement will spell a competition for the new top leader and thus changing of the guards. As for the comments about resting, I am a young man old boy don’t superimpose my person for yourself.
  22. L-GIRL: I am no fan of the secessionist , however who gains from the demise of the TFG and let me be frank, after Yusuf there will be no TFG the way he went will send shockwaves through his base and many predict that most groups will go back to their home towns thus going back to pre 2004. We will have certain individuals with titles like President and so on, just like pre 2004. Who does this suit the most? If Somaliland is lets say 1/3 of Somalia and they do no not recognize the central government and then now you have Puntland which is another 1/3 of Somalia not recognizing the government. The remaining 40% includes large areas under the control of your favorite folks. The world media will say, Somali has no central government and all these think tanks that people specially the groups supporting Nur Cade kept quoting will just say there is no central government. Who does this benefit? Yes the secessionists are captivated by the TFG, because they know who Yusuf is, what Puntland represents more deeply than the southern folks do. Thus they know sense that Puntland energy will be spent elsewhere and they might even get a resolution from that end which they covet. The demise of the central government only helps those who do not want a central government and that is the secessionists camp.
  23. JB: I know you was never one of the crazy gang or how did they describe you a Cyber warrior.. GeelJire: The secessionist’s are the clear winners here. The rest of us have bad grades, Puntland gets a (D) The clan courts and the armed groups of Mogadishu get a (F) your group get a Horrible (HF). Thus unlike you I try to use reason and these folks secessionist have gained an advantage.