General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Dowlada Puntland oo ka hadashay Waxqabadkeedii Sunday, January 4th, 2009 at 11:18 am Jaamac Deperaani Horseed Media Garowe, Puntland Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Garowe kulan looga hadlayey Qoraalkii ay dhawaan soo saartay Dowlada Puntland ee la xariiray Waxqabadka Xukuumada Puntland ee 2005 illaa 2009. Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen mas’ uuliyiin kala duwan ayaa waxaa kamid ahaa xubnihii sida aad ka ah uga hadlay arrimaha horumarinta ee dowlada Puntland qabatay Wasiirka Batroolka ee Puntland Mr.Aloore. Aloore ayaa halkaasi ka akhriyey qoraalkii dowlada ee waxqabadkeeda iyo waliba hawlaha macdan baarista.
  2. The do not want government troops, they do not want the courts troops, they dont want to be taxes, they just want to keep the loot.
  3. Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo codsaday in la qaado ciidamada Maxkamadaha islaamiga ee la soo dhigay hareeraha Suuqa Bakaaraha. Posted: 1/4/2009 4:26:00 PM Shabelle: MUQDISHO Gudiga ganacsatada Suuqa bakaaraha ayaa sheegay in aysan waxba kala socon ciidamada Maxkamadaha islaamiga ee Fariisimada ka samaystay Saldhigyada u dhow Suuqa Bakaaraha iyagoo dalbaday in si dag dag ah looga qaado ciidamadaasi. Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Max’ed Siyaad Cali Dheere oo galabta u waramayay idaacada Shabelle ayaa sheegay in gudiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha aysan waxba kala socon ciidamada Maxkamadaha ee dhawaan la soo dajiyaya Saldhigyada Hodon iyo Howlwadaag oo kaabiga ku haya Suuqa Weyn ee Bakaaraha. Hadlakaani ka soo yeeray gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ka hor ayaa gudiga ganacsatad Suuqa Baklaaraha waxaa ay soo saareen war saxaafadeed ka koobnaa ilaa 3-qodob oo ay kaga hadlayeen arimaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Ciidamada Maxkamadaha islaamiga kuwaasi oo lagu codsanyo in laga qaado ciidamada Maxkamadaha islaamiga Hareeraha saldhigyada ku yaala Suuqa Bakaaraha. Mudo Sedax Maalin laga joogo ayay aheeyd markii qaar ka mid ah saldhigayada gudaha Magaalada Muqdisho lagu arkay ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamiga oo fariisimo ka samaystay kuwaasi oo ku hubaysan hubka culus iyo kan fudud. Hadalka ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalintii shalay aheeyd waraysi gaar ah oo uu siiyay Idaacada Shabelle Afhayeenka dhanka howlgalada Maxkamadaha islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Cadoow uu ku sheegay in ciidamadaani ay sugayaan Ammaanka dadka shacabka ah ee ka agdhow saldhigayada ay fariisinka ka samayesteen.
  4. Saraakiil ka tursan soomaaliland oo lagu dilay Dagaalkii Widh Widh iyo mudaharaadyo ka dhacay degmada Buuhoodle Posted to the MOL January 4, 2009, 1:21 pm Iskahorimaad u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay deegaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn oo ay isku horfadhiyeen maamulada Puntland iyo Somaliland. Dagaalka ayaa ka dhashay sanaadiiqda codbixinta oo deegaano ka tirsan Gobollada Cayn iyo Sanaag ay Somaliland geysay, iyadoo dadka deegaanada ay shaqaaqaduhu ka dhaceen taageersanaayeen Puntland. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland C/laahi Cali Ibraahim ayaa xaqiijiyay inay dhankooda ka dhinteen laba sarkaal, iyagoo ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan. Saraarkiisha ciidamada Puntland hoggaaminaysa ayaa sheegay inay dileen laba sarkaal oo ka tirsan Somaliland ayna dhaawacyo badan u geysteen ciidamadii la dgaalaamay, halka dhankooda ay sheegeen khasaarooyin dhaawacyo ah. Ma jirto cid madaxbanaan oo ka hadashay dagaaladaas, waxaana dhawaanahan ay Puntland goboladaas geysnaysay ciidamo fara badan, si ay uga hortagaan sanaadiiqda doorashooyinka ee Somalia oo maamulkaas uu sheegay inuu Goboldaaas geynayo. Gobollada Cayn iyo Sanaag ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haya Maamulka Puntland, iyadoo deegaano yar ay maamusho Somaliland, waxaana weli jira xiisadihi colaadeed ee ka dhashay sanaadiiqda cod bixinta. Degmada buuhoodle ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay mudaharaad balaaran oo la sheegay in dadka deegaanku uga soo horjeedaan sanaadiiqda doorooshooyinka oo Somaliland dhigtay guryo ku yaal magaalada. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha codbixinta ee ka socotay Somaliland haatan ay isaga baxeen magaalada ka dib markii ay la kulmeen dad badan oo caraysan. Mudugonline.com
  5. MASHA-ALLAH: I love progress and this is great. Puntland should have a single great University..
  6. Barlamaanka Puntland oo Gudoomiye Doortay Posted to the MOL January 3, 2009, 12:56 pm Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta gudoomiye u doortay Cabdirashiid Maxamed Xirsi, iyagoo sidoo kalena doortay laba gudoomiye ku-xigeen. Barlamaankan oo ah kii sadexaad ee ay yeelato Puntland tan iyo markii maamul kan lagu dhawaaqay muddo haatan laga joogo 10 Sanadood. Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka maamulkan ayaa waxay ahay mid uu u tartamayay musharax kaliya, waxaana musharaxaasi si gacantaag ah ugu codeeyey 66 xildhibaan. Maamul goboleedka Puntland ayaa haatan isku diyaarinaya doorasho madaxweynenimo oo dhawaan halkaasi ka dhaci doonta.
  7. 2 "Somaliland" officers killed in violence linked to voter-registration 3 Jan 3, 2009 - 2:41:54 PM BUHODLE, Somalia Jan 3 (Garowe Online) - At least two military officers from Somalia's separatist republic of Somaliland were gunned down Saturday in a bloody battle in Togdheer region, Radio Garowe reports. Officials from Somaliland brought voter-registration materials under the guard of soldiers, according to locals in Widh Widh town, in Buhodle district. A group of traditional elders and community leaders met with the Somaliland commanders, requesting that they peacefully leave Widh Widh town. Fighting later erupted after local clan militias attacked the Somaliland soldiers, killing the commanding officer named Abdirisak Jama Hersi, alias Shine Galaal. The local militias support Puntland, a neighboring region that is anti-independence. Keyse Abdi Yusuf, the Puntland-appointed Widh Widh town mayor, reportedly led the local militias. Somaliland soldiers are reported to have withdrawn from Widh Widh town, after suffering two casualties. Abdullahi Ali Ibrahim, Somaliland's defense minister, confirmed the death toll on local radio. But he said the two military officers were killed in a "sneak attack," and not during an all-out battle among fighters. Mr. Ibrahim, who is currently visiting Sool region, also claimed that the voter-registration process is "going well" across the region. An independent journalist in Huddun, a district in Sool, told Radio Garowe that Somaliland voter-registration officials "cannot enter the town," due to threats by local militias. Source: Garowe Online
  8. Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta guul kasoo hoyay koobka Bariga & Bartamaha Afrika Kampala, Uganda (Calanka.com) 03-Janaayo-09 Xulka Qaranka Somaliya ayaa maanta guul farxad leh kasoo hoyay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmay dalka Uganda, kadib markii ey 1-0 uga badiyeen kooxda xulka qaranka Tanzania. Ciyaarta maanta dhacday oo ey guusha kasoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa la sheegay in ey ka dhacday garoonka NATAKUBI, kaasoo ku yaala magaalo madaxda Uganda ee Kampala. Goolka guusha ey kusoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa waxaa u dhaliyay xulka qaranka Somaliya ciyaaryahan lagu magacaabo Ciise Abshir Aadan (Ciise Dheere) oo isagu deegaan ahaan iminka dagan dalka Norway. Ciise Dheere oo ah kabtanka kooxda Somalida islamarkaana qaata (nr.9) ayaa dhaliyay goolka galinkii hore ee ciyaarta (14-mirir ka dib markii ey ciyaartu bilaabatay), waxaana la sheegay goolka uu dhaliyay in uu ahaa mid aad u qurxoon. Dhanka kale kooxda reer Tanzania ayaa ciyaarta galinkeedii dambe waxa ey lasoo bexeen fir-fircooni dheeri ah oo u muuqatay in ey kaga soo ceshanayeen goolkii uu ka dhaliyay kabtanka kooxda Somaliya ee Ciise Dheere. Waa ciyaartii labaad oo ey ciyaaraan kooxda xulka Qaranka Somaliya, waxaana ciyaartan tii ka horeysay ey Somalidu la ciyaareen kooxda xulka Zan-Zibar oo iyagu uga badiyay Somaliya 2-0, halkaasna ey Somalidu guul-darro kala soo laabteen. Macalin Geelle oo ah tababaraha xulka Qaranka Somaliya iyo Somalidii daawaneysay ciyaartan ayaa soo dhaweeyay guusha ey soo hoyeen dhalinyarada xulka qaranka Somaliya. Maalinka Isniinta ahaa ayaa waxaa lagu wadaa in ey ciyaartii sadexaad ciyaaraan, iyadoo ciyaartani ey isaga hor imaan doonan sida naloo xaqiijiyay xulka qaranka Rwanda. Dhalinyarada Xulka Qaranka Somaliya ayaa iyagu ka kooban dhalinyaro Somaliyeed oo laga soo ururiyay dalal kala duwan oo caalamka ku yaal, haba u badnaadeene wadamada reer galbeedka. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  9. Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta guul kasoo hoyay koobka Bariga & Bartamaha Afrika Kampala, Uganda (Calanka.com) 03-Janaayo-09 Xulka Qaranka Somaliya ayaa maanta guul farxad leh kasoo hoyay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhawaan ka furmay dalka Uganda, kadib markii ey 1-0 uga badiyeen kooxda xulka qaranka Tanzania. Ciyaarta maanta dhacday oo ey guusha kasoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa la sheegay in ey ka dhacday garoonka NATAKUBI, kaasoo ku yaala magaalo madaxda Uganda ee Kampala. Goolka guusha ey kusoo hoyeen xulka Qaranka Somaliya ayaa waxaa u dhaliyay xulka qaranka Somaliya ciyaaryahan lagu magacaabo Ciise Abshir Aadan (Ciise Dheere) oo isagu deegaan ahaan iminka dagan dalka Norway. Ciise Dheere oo ah kabtanka kooxda Somalida islamarkaana qaata (nr.9) ayaa dhaliyay goolka galinkii hore ee ciyaarta (14-mirir ka dib markii ey ciyaartu bilaabatay), waxaana la sheegay goolka uu dhaliyay in uu ahaa mid aad u qurxoon. Dhanka kale kooxda reer Tanzania ayaa ciyaarta galinkeedii dambe waxa ey lasoo bexeen fir-fircooni dheeri ah oo u muuqatay in ey kaga soo ceshanayeen goolkii uu ka dhaliyay kabtanka kooxda Somaliya ee Ciise Dheere. Waa ciyaartii labaad oo ey ciyaaraan kooxda xulka Qaranka Somaliya, waxaana ciyaartan tii ka horeysay ey Somalidu la ciyaareen kooxda xulka Zan-Zibar oo iyagu uga badiyay Somaliya 2-0, halkaasna ey Somalidu guul-darro kala soo laabteen. Macalin Geelle oo ah tababaraha xulka Qaranka Somaliya iyo Somalidii daawaneysay ciyaartan ayaa soo dhaweeyay guusha ey soo hoyeen dhalinyarada xulka qaranka Somaliya. Maalinka Isniinta ahaa ayaa waxaa lagu wadaa in ey ciyaartii sadexaad ciyaaraan, iyadoo ciyaartani ey isaga hor imaan doonan sida naloo xaqiijiyay xulka qaranka Rwanda. Dhalinyarada Xulka Qaranka Somaliya ayaa iyagu ka kooban dhalinyaro Somaliyeed oo laga soo ururiyay dalal kala duwan oo caalamka ku yaal, haba u badnaadeene wadamada reer galbeedka. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  10. Xulka Somalia oo hal iyo eber direy Tansaaniya Saturday, January 3rd, 2009 at 8:40 pm C/qaadir Kaarshe HR Media Kampala kaarshe@horseedmedia.net Halyey Ciise Abshir Midnimo Goolka shabaqa ku hubsadey oo shucuurtiisa siiyay Horseed Media markii uu goolka dhaliyey: Halkan ka dhegayso Ciyaarta maanta dhexmartay xulalka qaramada Somalia iyo Tansania ayaa waxay ahayd ciyaar aad u xiisa badan iyadoo ay boqolaal Taageerayaal somali u badan ay soo buuxdhaafiyeen Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay. Labada Xul ee ay ciyaartu dhexmaraysay Somalia iyo Tansania ayaa waxay labaduba soo bandhigeen Ciyaar aad u xiisa badan taasoo ay la dheceen dadkii ciyaarta Daawanayey, sacab iyo sawaxana uu garoonka is qabsaday. Xulka Somalia oo maanta soo bandhigay Ciyaar aad uga qoslisay kumanaan Somali ah oo si aan hore loo arag maanta usoo camirtay Garoonka ayaa waxay ciyaar wanaagii ay maanta soo bandhigeen u suura gelisay inay guul ka soo hooyaan ciyaarta. Ciyaarta oo ay markii ay bilaabatay ku bilaabatay weerar xoogan oo ay labada kooxood la yimaadeen, ayaa kooxda Qaranka Somalia waxaa u suurta gashay inay kaambiyadii hore ee ciyaarta ay shabaqa Xulka Tansania Goal ku hubsadaan. Ciise Abshir Midnimo oo ah Kabtanka qaranka somalia ayaa Goal laga soo shaqeeyey oo uu baas fiican ka helay Saaxiibkii Shiino ku hubsaday shabaqa kooxda ka soo horjeeda. Markii uu dhashay Goalka ayaa garoonka oo dhan waxaa hadheeyey sacab iyo sawaxan ay dadka somalida ah ku taageerayaan Goalka Quruxda badan ee ay xulkoodo soo hooyeen, waxaana kaambiyadii hore ciyaarta lagu kala nastay 1-0 ay xulka qaranka somalia ku hogaaminaysay ciyaarta. Markii laysu soo laabtay kaambiyadii Danbe ee ciyaarta ayaa inkasta oo ay kooxda qaranka Tansania ay la timi weerara isdaba jooga iyo dadaal fara badan ayaa hadana Goal hayaha Xulka Somalia ayaa diiday inay mar qudha ay soo taabtaan shabaqooda. Waxaana ay ciyaartu ku soo gebagebowday 1– 0 uu xulka somalia ku badiyey. Xulka Somalia ayaa waxa au hadhay laba ciyaarood oo ay layeelanayaan labada xul ee Rwanda iyo Uganda oo ay Group A kuwada jiraan, waxaana rajadoodu ku xidhantahay inay labada ciyaarood ay badiyaan ama ay midna badiyaan midna barbardhac layimaadaan
  11. Xulka Somalia oo hal iyo eber direy Tansaaniya Saturday, January 3rd, 2009 at 8:40 pm C/qaadir Kaarshe HR Media Kampala kaarshe@horseedmedia.net Halyey Ciise Abshir Midnimo Goolka shabaqa ku hubsadey oo shucuurtiisa siiyay Horseed Media markii uu goolka dhaliyey: Halkan ka dhegayso Ciyaarta maanta dhexmartay xulalka qaramada Somalia iyo Tansania ayaa waxay ahayd ciyaar aad u xiisa badan iyadoo ay boqolaal Taageerayaal somali u badan ay soo buuxdhaafiyeen Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay. Labada Xul ee ay ciyaartu dhexmaraysay Somalia iyo Tansania ayaa waxay labaduba soo bandhigeen Ciyaar aad u xiisa badan taasoo ay la dheceen dadkii ciyaarta Daawanayey, sacab iyo sawaxana uu garoonka is qabsaday. Xulka Somalia oo maanta soo bandhigay Ciyaar aad uga qoslisay kumanaan Somali ah oo si aan hore loo arag maanta usoo camirtay Garoonka ayaa waxay ciyaar wanaagii ay maanta soo bandhigeen u suura gelisay inay guul ka soo hooyaan ciyaarta. Ciyaarta oo ay markii ay bilaabatay ku bilaabatay weerar xoogan oo ay labada kooxood la yimaadeen, ayaa kooxda Qaranka Somalia waxaa u suurta gashay inay kaambiyadii hore ee ciyaarta ay shabaqa Xulka Tansania Goal ku hubsadaan. Ciise Abshir Midnimo oo ah Kabtanka qaranka somalia ayaa Goal laga soo shaqeeyey oo uu baas fiican ka helay Saaxiibkii Shiino ku hubsaday shabaqa kooxda ka soo horjeeda. Markii uu dhashay Goalka ayaa garoonka oo dhan waxaa hadheeyey sacab iyo sawaxan ay dadka somalida ah ku taageerayaan Goalka Quruxda badan ee ay xulkoodo soo hooyeen, waxaana kaambiyadii hore ciyaarta lagu kala nastay 1-0 ay xulka qaranka somalia ku hogaaminaysay ciyaarta. Markii laysu soo laabtay kaambiyadii Danbe ee ciyaarta ayaa inkasta oo ay kooxda qaranka Tansania ay la timi weerara isdaba jooga iyo dadaal fara badan ayaa hadana Goal hayaha Xulka Somalia ayaa diiday inay mar qudha ay soo taabtaan shabaqooda. Waxaana ay ciyaartu ku soo gebagebowday 1– 0 uu xulka somalia ku badiyey. Xulka Somalia ayaa waxa au hadhay laba ciyaarood oo ay layeelanayaan labada xul ee Rwanda iyo Uganda oo ay Group A kuwada jiraan, waxaana rajadoodu ku xidhantahay inay labada ciyaarood ay badiyaan ama ay midna badiyaan midna barbardhac layimaadaan
  12. Dagaal ka dhacay Widh Widh 3 Jan 3, 2009 - 4:04:02 AM Wararka naga soo gaaraya degmada Widh Widh ee Gobolka Cayn ayaa sheegaya in saakay waaberigii uu dagaal xoogan uu ka qarxay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah oo taageersan Puntland. Dagalkan ayaa waxaa uu ka bilowday kadib markii maamulka Somaliland ay degmada Widh Widh soo geliyeen qalabkii diiwaan gelinta isla markaana ay damceen in ay ka bilaabaan ololaha doorashada, hase ahaatee waxaa ka horyimid oo si nabadgelyo leh ugu hortegay waxgaradka deganka, wada hadaladasi nabadeed oo ay barbar socdeen abaabul iyo ciidan arursi. Saakay Hiiradii ayaa laga war helay xoonka tiknikada iyo rasaas xoogan oo ka dhaceysa banaanka magaalada, Taliyihii ciidamada hoggaaminayey ee Somaliland oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Xesi [shiine Galaal] ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu ku geeriyooday, tiro kale oo dhimasho ahna ay jirto, inkastoo aan la xaqiijin karin xogta rasmiga ah. Guddoomiyihii degmada Widh Widh Keyse Cabdi Yusuf oo hoggaaminayey ciidamada taageersan dhinaca Puntland ayaa warar la isla dhex marayo ay sheegayaan in uu dagaalkaasi ku geeriyooday, hase ahaatee Xiriir ay Idaacadda Garoowe la sameysay deegaankaasi ayey ku heshay Cawil Weyseysane oo ka mid ah waxgaradka degmada ayaa inoo xaqiijiyay in wararkaasi aysan waxba ka jirin. Gacan ku heynta magaalada ayaa waxaa hada ku haya ciidamada deegaanka, iyadoo dhinaca banaanka magaaladana ay isku hor fadhiyaan labada ciidan oo saakay dagaalamayey afar saacadood oo xiriir ah. Radio Garowe,Garowe
  13. Warbixin:::Dagaalkii Widhwidh Kadhacay Maanta oo ay ku dhinteen 3 sarkaal Tiraba sadax ruux ayaa lasheegay inay ku dhinteen dagaal maanta dhexmaray Ciidamada maamulka isku magacaabay Somaliland iyo qaar kamid ah dhalinyarada reer widhwidh oo gacan kahelay ciidamada gudoomiyaha gobolka Cayn ................ Dagaalkan ayaa dhacay kolkii baabur ay saaran yihiin sanaaduuqda codeynta oo ay horkacayaan baabuurta tiknikada ay saaka weerar kusoo qaadeen Widhwidh si ay ulawareegaan gacan ku haynta degmada, balse arintaa ayaa suurto geliweyday markii ay kacdoon sameeyeen qaar kamid ah dhalinyarada Reer widhwidh. waxaa lasheegay dagaalka oo socday saacado kooban inay ku dhinteen sadaxruux oo laba kamid ah ay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday halka dhaawacana aan wali cadadkiisa aan lashaacin. Labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya deegaanka Widhwidh, iyadoo aysan iminka jirin wax rasaas ah oo socota, balse waxaa jira walaac ballaadhan oo laga qabo in mar kale uu iska hor imaad ka dhaco Degmada Widhwidh oo ah goob istaraatiiji ah oo isku xidha inta badan deegamada Hawdka . mid kamid ah dhalinyarada difaaca uga jira gudaha Degmada Widhwidh ayaa saxaafada u sheegay in maleeshiyaadka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen saaka Magaalada, iyagoo doonaya in ay qabsadaan Degmada Widhwidh si ay ukeenaan sanaaduuq ay wataan oo lasheegay inay kujiraan waraaqaha codbixinta, balse dhalinyarada reer widhwidh oo gurmad ka helay ciidanka Keyse Cabdi Yuusuf gudoomiyaha Gobolka Cayn oo markii horeba gacanta ku hayay Widhwidh ayaa sheegay in ay eryeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ma jirto ilaa iyo iminka cid waan waan dhex dhigtay labada dhinac oo weli isku hor fadhiya Aagaga Degmada Widhwidh ku agdhaw , taasoo walaac weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaankaas oo ka baqaya in talo faro ay ka baxdo, isla markaana arrintu ay isku rogto dagaal toos ah oo dhex mara labada dhinac. Widhwidh Online News Desk..Media Center
  14. Baarlamanka Maamul Gobaleedka Puntland oo doortay Gudoomiye News/Articles ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ayaa ku guuleystay inuu noqdo Guddomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland, Iyadoo cod gacan taag ah ay Xildhibaanada oo dhan ay ku doorteen. Siihayaha Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay in ansax uu yahay Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ee Xildhibanada doorteen, waxaana uu u mahad celiyay Guddoomiyaha cusub dhamaan Xildhibaanada codka siiyay. C/rashiid Maxamed Xersi waxaa laga soo doortay Gobolka Mudug,iyada oo aysan jirin Murashaxiin kale oo kula tartamey jagada Gudomiye-nimada Barlamanka Puntland, halka la qudareynayo in xilalka Madaxweynaha iyo kuxigenkiisa ka yimadan gobolada Nugaal, Sool, Ceyn, Sanaag iyo Barri. Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu ku dhashay Gobolka Mudug, kana soo jeeda
  15. Guddoomiyaha Barlamanka MG Puntland oo la doortay 2 Jan 2, 2009 - 10:49:31 PM Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ayaa ku guuleystay inuu noqdo Guddomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland, Iyadoo cod gacan taag ah ay Xildhibaanada oo dhan ay ku doorteen. Siihayaha Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay in ansax uu yahay Md. Cabdirashiid Maxamed Xersi ee Xildhibanada doorteen, waxaana uu u mahad celiyay Guddoomiyaha cusub dhamaan Xildhibaanada codka siiyay. C/rashiid Maxamed Xersi waxaa laga soo doortay Gobolka Mudug,iyada oo aysan jirin Murashaxiin kale oo kula tartamey jagada Gudomiye-nimada Barlamanka Puntland, halka la qudareynayo in xilalka Madaxweynaha iyo kuxigenkiisa ka yimadan gobolada Nugaal, Sool, Ceyn, Sanaag iyo Barri. Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu ku dhashay Gobolka Mudug, kana soo jeeda .... Xildhibanada gobolka Sanaag kasoo jeeda u tartami lahaa xilkaan waxa ka hor-istaagey musharax Gen. Ilka Jiir iyada oo tartanka Madaxweyna-nimadu yahay mid furan u dhexey-na murashaxiinta kasoo jeeda gobolada marka laga reebo Mudug oo ku hartey wax qaybisigii goboleedkii Puntland, madaama Gudoomiyaha Barlamanka cusubi kasoo jeedo Mudug.. Kala soco wixii warar ah Warsidaha Garowe Online
  16. Col, C/laahi Yuusuf oo Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunat G/Mudug Madaxweyanihii hore Soomaalia C/laahi yuusuf Axmed ayaa Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug . Madaxweynaha oo ka kicitimay magalada Garowe Ee Caasimada puntland ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Gudaha Magaalada Gaalkacyo Dhamaan Masuuliyiinta Maamulka Degmada iyo Dad aad u farabadan . Kadib soo dhaweyn ayaa waxaa Col, C/laahi Yuusuf waxaa loo gelbiyay Aqalka uu ka degenyahay Magaalada Gaalkacyo, hadaba Madaxaweyne Yuusuf ayaa waxa uu la hadlay saxaafada waxaana ugu horeyn uu Mahad Balaaran U Jeediyay Dadkii sida weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo . C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigiisa ayaa Magaalada Garowe waxay soo gaareen Todobaadkan Horaanytiisii Kadib iscasilaad uu iska Casilay Jagadiisii Madaxweyne Nimo waxaana ka soo horeeyay oo soogaaray magaalada Gaalkacyo xarunat G/Mudug Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya waxayan Maantay ku soo dhaweeyeen Magaalada Gaaalkacyo. Liibaan C/laahi Faarax Qaran SBCInternational- Gaalkacyo
  17. I hope it is a dude from Mudug or Nugaal. Sanaag for President.. Ilka Jaiir for President.
  18. Taageerayaasha Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir oo isku urursanaya duleedka magaalada Muqdisho . January 2 2008 Radiofreesomalia.com Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taageerayaal farabadan oo daacad u ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banadadir Maxamed Cumar Xabeed " Maxamed Dheere" ay isku urursanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelada dhexe ee uu maxamed Dheere degaan ahaan uu ka soo jeedo. Taageerayaashan ayaa ku tilmaamay xariga Maxamed Dheere mid salka ku haya qabiil iyo qayaano la soo maleegay ayna ka dambeeyaan Ahmed Cabdisalaan iyo Ahmed Diiriye oo hayb ahaan halbeel ka soo wada jeeda, colaad hoosena u qaba , Maxamed Dheere iyo Salaad Cali Jeele, iyagoo si toos ah uga sheegay saxaafada colaadaha goonida ee loo hayo labadaa mas'uul. Dhanka kale ciidamo tiradooda ay gaarayso sadex kun oo ka tirsanaa ciidamada dowlada ee ku sugnaa magaalada Muqdiso agagaarka geed timorow , ahaana ciidamada dowlada ee lagu dhafi lahaa ciidamada Maxkamadaha , qarash gaaraya shan malyana ay dowlada Mareykanka ugu talagashay isku dhafka cidamadaa, ayaa maanta gadood iyo is rasaaseyn ay ka dhex dhacday. Waxaa dad badan oo siyaasada Somaliya u dhuun daloola ay saadalinayaa in ay mar labaad ay ka bilowdaan colaadihii sokeeye ee baabi'iyay magaalada Muqdisho sanadihii 1993kii, ee beelaha ****** kala geeyay. Cidamada Ethiopia oo cutubkoodi ugu horeeyay ay maanta ka ruqaansadeen magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay ku tilmaamen in magaalada Muqdisho lagu kala dareersan doono, haday ciidamada Itobiya ay ka wada baxaan, iydoo ay muuqado in dagaalo faraha lagaga guban doono ay halkaa ka dhici doonan. RFS _ Muqdisho
  19. The old man was the link that kept the TFG together and his forces were the strongest. Now his return will have a remarkable posative effect on Puntland. Mogadishu and Baidoa will be better when one group establishes order. Ibti, Puntland is bigger than Somaliland thats not the issue. It is dominated by a single sub-clan, thats also not an issue. It can become whatever it wants, that is also very clear. Facts seem to be confusing you my dear
  20. ^^^Yup its a state, with a single sub-clan , just because the lord has blessed them with land is no problem. But note, Puntland is open to all Somali's they do need nothing more than be Somali, they will see their blue flag flying high and be treated with love.