
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somalia's terror [Al Shabaab] leader from Hargaysa NW:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Ibrahim Afghani & Godane are novices, with Sharif of course.. -
Al Shabaab threaten Mogadishu clan website reports
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Peace to Mogadishu? They want to turn it into a terror training camp. To liberate Alaska. -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^My uncle you dont hate its his clan, and thats the issue with most. He fought Ethiopia in two major wars for Somalia. Yusuf has enough supporters and the haters whole arguments have been turned to dust. 1 million people have fled Mogadishu. 200 covilians dead, the fake Shiekhs are bombings Mosques and killing anything that moves. Sharif Ahmed is hiding behind the same african's he used to attack when he was in Asmara. Give us a break Yusuf told the truth and never sold the Somali sea. Thats dignity. -
Somalia's terror [Al Shabaab] leader from Hargaysa NW:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaraxyadii Hargeysa waxaa ku dhintay 20 ruux waxaana ku dhaawacmay 31 kale. Madaxtooyada Hargeysa waxaa ku dhintay Saraakiil muhiima oo ay ka mid ahaayeen xogheyntii madaxweyne Reyaale, Beeldaajiye kamid ahaa golaha guurtida iyo rag kale. Waxaa sidoo kale raggii dhaawacmay ku jiray taliyahii nabad-sugidda gobolka Hargeysa Ibrahim Hutu. -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^As you can see he has many fans who want to get an autograph. I say NO. Only NGOONGE will get a signed one, no one else. -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^My uncle did a great job as can be seen by the performance of the happless Sharif. I am not bothered adeer as for your comments then you are a pawn of the pawns of the pawns... -
Somalia's terror [Al Shabaab] leader from Hargaysa NW:
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane) wuxuu u dhashay beesha ugu badan Somaliland ee *****, gaar ahaan jilibka ****, wuxuuna xilligii maxaakiimta noqday xoghayohooda guud, keddibna wuxuu la baxay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr). This man bombed Hargaysa thus the country is one even in terror.. [ May 14, 2009, 12:45 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ] -
Waa kuma "AMIIRKA" Al-Shabaab "ABUU SUBEYR" Amiirka ururka Al-shabaab Sh Mukhtaar Abuu-Zubeyr ayaa maalintii shalay 13/05/2009, markii ugu horreysay soo diray cajalad maqal ah oo saxaafadda laga sii daayay isaga oo uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horreeyaan dagaallada lagu hoobtay ee Muqdisho ka socda. Haddaba, waxaan jeclaystay in aan akhristeyaasha waxyar uga iftiimiyo ninkaas xogtiisa dhabta ah inta aan ka warhayo, si aanay ugu jaha wareerin magaca dad-sameega ahe aanay ummadda badankeedu hore u maqal. Axmed Cabdi Ow-Maxamuud (Godane) wuxuu u dhashay beesha ugu badan Somaliland ee *****, gaar ahaan jilibka ****, wuxuuna xilligii maxaakiimta noqday xoghayohooda guud, keddibna wuxuu la baxay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu-Zubeyr). Axmed (Godane), isaga iyo rag kale ayaa mas’uul ka ahaa hawl galladii lagu qarxiyay Somaliland iyo Puntland hawl galladaas oo lagu maal geliyay lacag dhan boqol kun ($100,000.00) oo dollar, taas oo xawaaladda Qaran xarunteeda Garowe uu ka qaaday taliyaha ururka Al-Shabaab ee Puntland Fu-aad Maxamed Khalaf (Shongolle), sida ku cad dukuminti hore loogu faafiyay warbaahinta, lana saxiixay July 3,2008. Qaraxyadii Hargeysa waxaa ku dhintay 20 ruux waxaana ku dhaawacmay 31 kale. Madaxtooyada Hargeysa waxaa ku dhintay Saraakiil muhiima oo ay ka mid ahaayeen xogheyntii madaxweyne Reyaale, Beeldaajiye kamid ahaa golaha guurtida iyo rag kale. Waxaa sidoo kale raggii dhaawacmay ku jiray taliyahii nabad-sugidda gobolka Hargeysa Ibrahim Hutu. Qunsuliyadda Ethiopia ee Hargeysa dadkii ku hoobtay sida la sheegay waxay dhamaantood ahaayeen rayid safaaradda ka doonayay fiisooyin halka xarunta UNDP Hargeysa uu ku dhintay madaxii amaanka oo ahaa nin Somaliland kasoo jeeda. Puntland waxay sheegteen inuu qaraxyada kaga dhintay hal nin, toddoba kalena ay kaga dhaawacmeen, hase yeeshee tirada dhimashada waxay dad madax bannaani ku sheegeen 11 ay ka mid ahaayeen Masuuliyiin. Ahmed Godane waxaa lagu tilmaamaa nin aamusnaan badan, jab yar oo cad, Wuxuu ka shaqeyn jiray Shirkaddii Barakaat iyo isgaarsiinta Telesom Somaliland. Axmed Godane wuxuu wax ku bartay Bakistan, wuxuuna lixdii biloodba 43 cisho tababar Millateri kusoo qaadan jiray Afghanistan, sida uu Muxaadaro ku qirtay, horena eheladiisu uga faalloodeen. Ahmed Godane waxaa Somaliland lagu qabtay xilli uu lacag dhacay, waxaana jaaniska uu ku baxsaday siiyay nin ay walaalo yihiin oo taliye ciidan waqtigaas ka ahaa Somaliland. Hase yeeshee 1994 tii waxaa la helay in Godane iyo Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) laba jeer isku dayeen fal ay doonayeen inay ku dilaan madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo waqtigaas socdaal ku marayay Boorame. Dadka la shaqeyn jiray Ahmed Godane way rumeysan waayeen inuu yahay nin ku kacaya fal dhac iyo dimbi, waxaana warku shaac baxay markii laga war helay inuu gaari dheereeya kaga gudbay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee degaanka Togdheer. Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afqaani) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha ***** ee *****, wuxuu sanado badan ku noolaa Maraykanka kadibna tababar ayuu ku qaatay Afqanistaan, waxaana dadka yaqaanna sheegeen inuu ka shaqeyn jiray kaalin Shidaal oo ku taal Minnesota. Labada xagjir ee u dhashay Somaliland waxaa hore uga fashilmay qorshe ay la doonayeen inay ku burburiyaan madaxtooyadda iyo bankiga dhexe ee Hargeysa, waxaana la qabtay ninkii falkaas hogaaminayay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Indha-cadde) una dhashay beesha uu madaxweyne Reyaale kasoo jeedo ee ******** (**********). Indha-cadde oo jidka Berbera lagu qabtay isagooy gacan uu ka dhaawacmay u duubnayd, xirnaana niqaabka dumarka, wuxu ku haminayay inuu qaraxyadiisa fuliyo maalintii doorashadda baarlamaanka Somaliland 2005, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, hase yeeshee, madaxweynaha Somaliland Daahir Reyaale Kaahin ayaa 31/05/07 cafis u fidiyay isaga iyo rag falka kula jiray oo qaarkood qirasha sameeyay. Sabriye Macallin Muuse sabkaxaaji@hotmail.c om Minnesota-United States [ May 14, 2009, 12:44 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
1. Sharif Ahmed. 2.Xasan dahir. 3.Fuad Shangoole 4.Goodane 5.Abdiraxin Isa Adow 6. Abu Mansuur 7.Ahmed Diiriye Ali 8.Xasan Turki These in this order, the fighting in Mogadishu has cost 200 lives, 1 million displaced in 6 days.
-
Sharif Ahmed losses more ground in North Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalka Muqdisho oo soo gaaray Xaafado horay u degganaa sida Shibbis iyo Isgoyska Sanca, Iyo Xoogagga Islaamiyiinta oo is Ballaarinaya. Muqdisho,13,May,2009 ,Arboco,(Hillaac.net ) Dagaalka la'isku Maqribsaday ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Xaafado hor leh oo uusan Dagaal ka jirin 6dii Maalmood ee la soo dhaafay, Xaafadaha Shibis, Boondheere iyo Isgoyska Sanca ayaa Xilligani ay Xabbaduhu ka socdaan Iyadoo Ciidamada Dowladda laga soo saaray Goobihii ay saakay ku sugnaayeen. Dagaallada maanta ayaa Qasaaro Lixaad leh ay ka soo gaartay Shacab Rayid ah oo ku dhex go'doomay Labadii dhinac ee Dagaallamayey waxana Geerida ay sii cagacageyneysaa 60 Dhammaantood Rayid ah oo ay ku jiraan Carruur, Halka Dhaawacuna uu intaas ka badan yahay. Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ayaa haatan isku ballaarinaya Magaalada Muqdisho Iyagoo Kaabiga dhinac walba uga soo haya Xarunta Madaxtooyada oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda. Kummanaan qoys ayaa ka firxanaya dagaallada ka soconaya Magaalada Muqdisho, Marka laga soo tago Rasaasta ay is weydaarsanayaan Labada dhinac waxa jira Madaafiic aan loo meel dayin oo ay Ciidamada AMISOM ku garaacayaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Taasoo keentay in Shacabku ay aad u weeyraxaan kana qaxaan Xaafado uusanba Dagaalka soo gaarin. -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo lagu eedeeyey in uu afgambinayo Sh. Shariif Hogaamiye diimeedka garhayeenka ka ah xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dawlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu eedeeyey in uu damacsan yahay in uu afgambiyo dawlada KMG ah ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay horey u ahaayeen xulufo xaga fikirka ka mideysnaa haatanse dabeysha siyaasadu ay kala waday. Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaalida Axmadu Walde Cabdalla ayaa hadal uu galabta ka jeediyey magaalada Adis Ababa wuxuu si ba’an ugu eedeeyey Sheekh Xasan Daahir in uu u tagey magaalada Muqdisho sidii waa sida hadalka uu u dhigay Mr Cabdalle uu u afgambnin lahaa xukuumada sharciga ah ee KMG ah ee Soomaaliya. Mr Walad Cabdallah wuxuu sheegay in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ahaa dagaalada xoogan ujeedada laga lahaa ay aheyd in la afgambiyo xukuumada KMG ah oo uu ku macneeyey inay tahay maamul sharci ah oo lagu doonayo in si awood ah oo hub la adeegsanayo in lagu afgambiyo. Hadalkan Axmedu Walad Cabdalah ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta magaalada Adis Ababa ay shir xasaasi ah ku yeesheen wasiirada gaashaandhiga ee dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo si buuxda u shaaciyey in la taageero ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, isla markaana lagu kordhiyo laba kun oo ciidamo dheeraad ah. Farxiyo Cali Xuseen SBC International News Desk -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its easy because the UN is the real power in Somalia. All this talk of fitna I dont buy because these groups you talk about are criminals who used ignorant people to get to power. Walid Abdaalla has failed thus far. Its his job on the line as his lies will be exposed to the UN itself. -
Axmed Walad Cabdalla Cries out as his project unravels
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
In the land of the blind the one eyed man is king From Addis Ababa he cries out, yet few weeks ago his report stated it was all rossy in Mogadishu -
Axmed Walad Cabdalla "Xasan Dahir wuxuu doonayaa inuu afgambiyo Dowlad sharci ah, xukunkana la wareego" Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa ku eedeeyay Sheekh Xasan Dahir Aweys inuu doonayo inuu afgambiyo Dowladda KMG, isagoona sheegay inuu ka mas'uul yahay weerarada iyo dagaalada lagala soo horjeedo Dowladda. Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia wax yar kadib markii uu dhamaaday Shir uu Midowga Afrika kaga hadlayay xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada Muqdisho. "Xasan Dahir wuxuu doonayaa inuu afgambiyo Dowlad sharci ah, xukunkana la wareego, waana sababta uu Soomaaliya dib ugu soo laabtay, wuxuu abuurayaa qalalaaso"ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla oo dagaalada Muqdisho ka socda ku tilmaamay mid la doonayo in Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif lagu afgambiyo. Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka digay in dagaalada Muqdisho loo rogo dagaalo beeleed, isagoona tibaaxay in hadii dagaalku noqdo beelo isku soo horjeedo ay keeneyso dhibaato tii ugu ba'aneyd iyo in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato colaadihii dagaalada sokeeye Hadalka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, kadib dagaalo galay maalintii 6aad oo ay ka qeyb qaadanayaan Kooxaha Mucaaradka iyo Ciidamada Dowladda, iyadoona dagaaladan ay salka ku hayaan gacan ku heynta Magaalada Muqdisho oo ay Mucaaradku doonayaan inay qabsadaan. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Malika dear, Puntland is a state that has a functioning government. The PM visit was planned before these events and he and the President are welcome to the state.
-
Sharif Ahmed losses more ground in North Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^If you read the post from Jowhar.com it does not bode well, they are deep supporters of the Sharif and they seem to have given up.. -
Wararkii u dambeeyay Dagaalo la isku gabal dhacsaday (Isgoyska Sanca oo dagaalka ku soo fiday) Dagaaladan oo ah kuwo goos goos ah ayaa la isku gabal dhacsaday, iyadoona uu soo bilowday barqanimadii manta, waxaana dagaalada ay ku fideen Xaafado hor leh oo horay dagaalka uga caaganaa. Dagaaladan oo u muuqda kuwo ay galeen maalintii 6aad ayaa waxaa qasaaraha ugu badan ay ka soo gaareen dadka rayidka, waxaana ku le'day dad ku dhow 200 ruux, halka dhaawacuna uu caga cageynayo 300 oo ruux. Xoogaga Mucaaradka ayaa ah kuwo u muuqda inay haatan isku ballaarinayaan Magaalada inteeda kale, marka loo eego goobaha uu haatan soo gaaray dagaalka oo ah Waqooyiga Muqdisho. Dagaalada ayaa ah mid ka yara roon sidii duhurnimadii manta, oo ay Magaalada inteeda kale ay gil gileen Madaafiic xoogan oo ay ku hoobanayeen Xaafadaha dadka rayidka. Ilaa 5-ruux oo caruur u badan ayaa ku dhintay dagaalo xoogan oo soo gaaray fiidnimadii caawa, kaasoo si toos uga socday Isgoysyada Jardiinka, Siinaay iyo Sanca, waxaana laga barakacay Degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Degmada Boondheere oo dagaalka manta ku soo fiday. Kumanaan qoys oo isugu jira caruur iyo haween ayaa ka firxanaya dagaalada aan dhamaadka laheyn oo ah mid lagu loolamayo oo kaliya gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, waxaana dadka rajo beel ku riday iyadoo aan socon wax waan waan ah oo dagaaladaas xal looga gaarayo. Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta is baheysanaya ayaa ah kuwo doonaya inay la wareegaan goobaha ay Dowladda ku sugan tahay, iyadoona Ciidamada Dowladda ay cad bistiis u noqdeen weerarada naf hurnimada oo ay Mucaaradka ku soo qaadayaan. Lixdii maalmood ee u dambeeyay ayay Mucaaradka u horu mar buuxa ka sameeyeen dagaalka, kadib markii ay qabsadeen suura gashay inay qabsadaan goobo hor leh, iyagoona ka soo saaray meelo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, kadib dagaalo faraha looga gubtay. Xoogaga Mucaaradka ayaa lugaha soo geliyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Shibis, halkaasoo ay Ciidamada Dowladda ka sameysteen aagag difaac, balse sheekadu waa ay ku xun tahay Dowladda. Isgoyska Afarta Jardiino iyo kan Siinaay ayaa caawa waxaa ku hoyanaya Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo is baheysanaya, halka Isgoyska Sanca ay Dowladda si naf la caari ah u difaacaneyso. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
COUNTER ATTACK: Government forces recapture lost ground.
General Duke replied to MoonLight1's topic in Politics
Other later news state the government has lost more ground. Deg deg:Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada magaalada Muqdisho(Sawiro) Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen 20 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalo qarara oo jilbaha la isku dhigtey oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada caasimada ah. Dagaalka maanta ayaa ka dhacay Suuq Bacaad, Siinaay, Afarta Jardiino iyo Boondheere, waxaana dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan oo xoogaga dawlada ka soo horjeeda ay ku qaadeen ciidamada dawlada taabacsan ee isugu jira kuwa maxkamadaha iyo kuwii hore ee dawlada. Dirirtan colaadeed ee maanta ruxdey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid daba socota dagaalo horey Muqdisho ugu dhexmarey kooxaha Islaamiyiinta ee ku dagaalamaya gacan ku haynta Muqdisho iyo dadka shacabka ah ee ay ku dul dagaalamayaan, waxaana dagaalka maanta si xun la isugu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka. Madaafiic loo riday si aan loo fiirsan, kuwa shiish wareeray oo gafay halkii loo wadey iyo rasaas wiifto ah ayaa waxay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay. -
^^^There is something about the Sufi's maybe they dont fall for the fake head scarfs and beardsm they had them for a while. Qad keeps them awake and ready for battle and they eat well from all the feasts. We found our solution just geta all the Sufi's together and set up a the brigades of Shiekh Abdulqadir Jaylani to counter Raas Kamboni and Al Shabaab.
-
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka DKMG oo ku baaqay in Sh Shariif uu iscasilo Xildhaan Caasho Axmed Cabdalle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe 2004tii isu soo taagtay jagada madaxtinimada Soomaliya, ayaa ku baaqday in Madaxweynaha Soomaliya Shariif Sheekh Axmed uu is casilo maadaama bay tiri uu madaafiic iyo hoobiyaal uu la dhacayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Mogdisho maalintii 6aad isla markaana uu iibsaday qeyb ka mid ah dalka Soomaliya waa sida ay hadalka u dhigtay. Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalle ayaa sidoo kale ku eedaysay madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif in uu inqilaabay dowlad dhisan isaga iyo dowlada Jabuuti iyo waliba wakiilka Qaramada Midoobi u qaabilsan Soomaliya Axmed Wallad Cabdale mar ay wareysi gaar ah siisay Idaacada SBC . “Shekh Shariif 275 qof ayuu ku soo daray barlamaanka Soomaliya waxuuna meesha ka saaray xuquuqdii kuwii hore isagoo been iyo barabugaando beesha caalamka ku akhriyey xaq dardii uu shalay galay ayaa maanta ka soo baxday kuwii ay shalay meel ka soo wada jeedeen ayaa maanta la dagaalamaya shareecada islaamka uu ku baaqay magaranayo beerlaxowsiga uu ka lee yahay dadku waa muslim 100/% sidaas waxaa tiri Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale” Baarlamaanka Soomaliya waa in ay xilka ka qaadaan madaxweyne Sheekh Shariif isla markaana geed hoostii la isugu yimaada aayaha Soomaliyan laga tashadaa iyadoon beesha caalamka lala tashan waayo bay tiri Maamulada Puntland iyo Somaliland waa dad muslin ah kuwa isku sheega beesha caalamka afka qalaadna loo yaqaan international community waxba uma dhisan maamulda aan kor ku soo sheegay dadku iyagaa wax qabsaday sidaa daraadeed looma baahna faragelin shisheeye oo garab siiya Sheekh Shariif oo aan ku tilmaami karo khaain wadan” Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale waxay ugu baaqday beesha caalamka gaar ahaan wadamada Mareykanka Kenya iyo Ethiopia in ay kala baxaan gacmaha arimaha Soomaliya Soomaliyana aayaheeda garataa. Axmed Max’ud Max’ed [Axmed-Shaam] SBC International Boosaaso.
-
^^^They are the key to destroying Al Shabaab. And eventually they will.
-
Al Shabaab want to BEHEAD Yusuf Inda Cade pressure on Aways
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Not much they are running scared of all Shabaab. -
Al Shabaab threaten Mogadishu clan website reports
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats the solution, the claims over the capital has been luicrous and destructive, if thats the lesson people learn it will be great.