
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mad man Xasan Dahir holds radio QA in middle of war
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
1. Sheekhu wuxuu sheegay in dagaalkoodu ku wajahan yahay nimanka AMISOM ee uusan Soomaaida ama maxaakimata dawladda la safan uusan ku wajahnayn, waxaase wariyaha iyo ka qayb galayaashu ku diideen taa iyagoo la weydiiyey waxa iyado ciidamada AMISOM la yaqaanno goobaha ay joogaan oo 500 tallaabo meelaha qaar isu jiraan ay dagaalka uga wadaan meelo aad uga fog meelaha ciidamadaasi joogaan oo uu Soomaali u dhexeeyo . Jawaabtiisu waxay noqotay in iyagu AMISOM ku wajahnaayeen balse kuwani ka mashquuliyeen oo dagaalka kusoo billaabeen! Waxaa sidoo kale la weydiiyay in dagaallada Buulo barte, Maxaas iyo Wabxo ka socdaa iyadana loogu qiil dayi karo AMISOM taasoo uu si sahlan usheegay in beeluhuba isku diriraan si sahlan maadaama la iskhilaafsan yahayna ay dhici karaan dagaallo. Halkan waxaa iyana ku jirta in maadaama ay shabaab isbahaysanayaan kuwaasina ay sheegeen inay dagaalkooda dawladda ridadda ah ku wajahan yahay oo baarlamaankeedii hoobiyayaal ku garaaceen , gaalaysiinayaanna sida ay ugu sahlanaatay inuu kuwaa furun dagaal la wadaago ama gaalaysinta uusan kaga qaban karin. 2. Fikrad kale sheekhu wuxuu ku dooday in safka uu qofka ku jiro iyo niyaddiisa loo eegayo ee aan hadalka iyo koofi diineed la eegayn? Waxaase isweydiin leh yaa niyadda ka warqaba oo kasoo tarjumaya? Kuwa sheikh Xasan safkiisa ku jira haddii niyadooda tahay adduunyo qaarkod balse daahirka ay jihaad ka sheegayaan ma ku eed beelayaan? kanse ku jira safka uu cadawga u arko haddii uu sidaa xal moodo oo daacad ka yahay miyaan niyaddiisa loo eegayn? 3. Mar la weydiiyey wax dagaalkooda kii USC ka duwan yahay wuxu sheegay in aysan qabyaalad koodu ku jirin hadaf siyaasadeed oo cadna uu leeyahay waxaase weli wax garad badan in weydiinayaan maxuu yahay hadafka siyaasadeed ee sh Xasan iyo shabaab ka dhexayn kara ama cad oo shacabka horey uga qanciyeen oo haatan lagu diidan yahay? Ma ogol yhihiin in shacabka loo daayo inay madaxdooda doortaan mase in is magacawday oo isla quman oo hubaysan ayaa u go’aan gaaraysa shacabka waa sida ka muuqata kooxaha hubaysane? Haddiise barnaamij iyo hadaf jiray maxay maxkamadihii shabaab iyo isbahaysi ugu kala jabeen? Hadana isbahaysigi Asmara iyo Jabuuti ugu kala jabeen maxaase loo waayay xeerar iyo golayaal kala saara khilaafkooda oo ay ku kala baxaan halkii midba maalin hubkiisa gaar u jiidanayo oo kuwii kale ee la safnaa kusoo jeesanayo? 4. Mar la weydiiyey shacabka dagaalka ku baaba’aya wuxuu ku dooday in madaafiicda AMISOM ay tahay balse ay raggiisa haystaan qoryo yar yar. Tani waa jawaab siyaasadaysan oo dhabta ka fog mar haddii la ogyahay in hub badan oo tiknika ah ay haystaan baasuukayaal , hoobiyayaal iyo dhashiikana ay hurgafayeen. Dhagayste ayaa weydiiyey duqayntii baarlamaanka inay ahayd mid xagooda ka timid oo shacab masiikin ah ama 11 qof ku geeriyoodeen mase AMISOM baa kaana tuurtay wuxuuse uga baxay taana inay wax yar ahaayeen ama la eegayo niyadda AMISOM iyo niyadda kuwa baarlamaanka duqeeyey oo inay kala eryaan rabay, waxaanse la filayn in 11 qof ee dhintay eheladoodu ku qancayaan waa kama iyo niyaddu adinka ma ahayn! 5. Mar la weydiiyey daliilka uu hayo in dawlad shareecadii islaamka qaadatay lala dagaallami karo ayuu sheekhu wax lala yaabo kaga jawaabay isagoo yiri C/llaahi Yuusuf waa ka yeeli lahayn, sheikh Shariifse kama yeelanyo! Cilladna wuxuu ka dhigay in C/llaahi nin tallaabo horey usoo qaaday noqon lahaa halka shariif uu yahay nin ka baxay wareeggii uu kuijiray! Waxaan jawaab weli loo hayn waxa shakhsi ama koox xaq u siisay in cidna ka aqbalaan shareecada cidna ka diidaan? Ma ilaahay baa ka aqbalista leh iyo ka sokow shacabka mase koox gaar ah ayaa Eebbe ka wakiil yeeshay ama iska dhigtay oo dagaal sokeeye u ridaysa ra’yigooda ama diidmadooda? C/llaahi oo qabqable ahaa ma laga yeelayaa, Shariif oo wadaad ahna malaga diidayaa? Haddii Sharif shalay sida uu Xasan u dhigay wareegga ka baxay maku soo laaban karo miyaa? oo asaa leh xaqa uu cidna kaga diido cidna kaga yeelo?! Dhanka kale wuxuu leeyahay weli waxaa jooga Cabdi qaybdiid iwm oo haddii kuwaa aqbaleen in madaxdii maxkamaduhu hogaamiyeen soona dhaweeyeen shareecada iyagana laga aqbali mayo miyaa? Haddiise uu ku dooday sheekhu mar kale in shareecada haddii la qaato ay tahay inay fuliyaan dad ahalkeeda ah ee aysan ahayn qabqablayaashii la diriray, sow sheikh Shariif, Janaqow iyo ragga la midkaa u ehel maaha, oo asna uma ogola inuu wax ka dabbaqo, oo hay’adda culimadana ay keento qaabkii iyo sidii lagu fulin lahaa. Wuxuu ka hor geeyey warkii R/Wasaaraha ee uu ku yiri inaysan gacan goyn lahayn shareecada waxaase isweydiin leh ma taasaa ku filan inay dagaal u galaan mase waxay si sahlan isaga iyo culimada iyo raggii maxkamadaha iska kaashan karaan sidii si dhab ah shareecada loogu dhaqmi lahaa? 6. Mar la weydiiyey dadaallada culimada ee nabadda inay yeelayaan ayuu sheegay in aqbalayaan balse alle mahaddii ay kuwa kale noqdeen waxa dagaalka billaabay! Waxaase halkan jawaab u baahan haddii culimada uu ka yeelo in dawladda aysan ladagaalayn balse uu AMISOM xabadda u qaadanayo, Shabaabna ay culimada ka diidaan inay wax dagaal ah joojiyaan, oo dawaladda weerarayaan oo magaaladu markaasi noqoto meel AMISOM iyo XIsbiga isku haystaan iyo meel shabaab iyo dawladda ku dirarayaan sida markaasi nabad iyo nasiino ku jiri karto inkastoo ay haatanba sidaa arrintu ahayn oo shabaab iyo xisibiga ay ciidankii dawladda la diririyaan. -
Sh Xasan iyo Hadalhaynta Horn Afrik: Faaqidaad Saturday, 16 May 2009 04:22 Editor Hordhac:Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa barnaamijka hadalhaynta ee Horn Afrik asbuucan marti ku ahaa isagoo ka jawaabayey su’aalaha shacabka iyo waxgaradku soo weydiinayeen. Sheekhu wuxuu ku ammaannaa, ka qaybgalayaasha qaarkoodna ku bogaadyeen in waqtigan uu dadka soo hor fariisto oo su’aalahooda toos uga jawaabo, una dul qaato su’aalaha iyo dhaliisha adag ee uga imaanaysay dadka barnaamijka kala qayb qaatay. Inkastoo mararka qaar uu la yaabanaa su’aalaha la weydinayo hadana wuxuuba weriyaha xataa ka dalbanayey inuu soo fasaxo dadka sheekha sida tooska u weeraraya ee u arka inuu maato qixiye iyo qalbi dillaacshe yahay. Wuxuu sheekhu aad uga horreeyaa madaxda shabaabka oo in dadka cajalad usoo duuban hal waddo ah ama one way ah mooyaane aan ogolayn in barnaamijkooda lalaga doodo ama dadka dood kaga iibiyaan. Ma garanayo waxa uu sheekhu ka baranayo barnaamijka waxaase gabi ahaanba dadkii barnaamijka socday saacadda iyo barka kala qayb qaatay ay dareenkooda ku muujiyeen inay kasoo hor jeedaan qaabka uu isaga iyo kooxaha mucaaradka wax u rabaan. Barnaamijka oo ciddii xiisaynaysa oo aan horey u maqal ka dhagaysan karto bogga gargaarka.com waxaa sheekhu isku dayey inuu ka iibiyo shacabka sida uu wax u arko. Su’aalaha ku xeeran arrinta taagan badankood sheekha waa la waydiiyey inkastoo siduu uga jawaabayna ay dulduleello ku furan yihiin. Ma dhicin in sida barnaamijyada qaar sameeyaan in la su’aalo- weydiiyaha lagu celiyo inuu ku qancay ama wax uga kordheen jawaabta sheekha taasoo ah mid loo baahan yahay in idaacaduhu barnaamijyada ku darsadaan si loo ogaado ilaa heerka uu qofka martida u ah barnaamijka dadka qancinayo. Jawaabaha qaar waa siyaasadaysnaayeen sida cidda dagaalka billawday iyo in AMISOM uun u socdaan iwm, waxaase jira su’aale kale oo uusan ka jawaabin ama cillad wayni ka muuqato.
-
Intaa ku tag hadaba, haddii kale rag baa is hayyee dhan ku biir dhexda ha taagnaane What nonsense, adeer the two men who are fighting have nothing to do with me, I am just looking out for the national interest. My Presdient Faroole controls more land and people than both combined a few times over, and thats who's side I am on.
-
PeaceAction: Adeer there is no confusion just reporting the truth, also the use of my name with Yusuf is irrelevent and beside the point. We were told he had a great support within the Islamist, this has been proven to be false. We were told he had a great militia and support. They were proven to be a weak group that melted in two days. We were told the man was nationalist and his government sold the sea to Kenay. Its alarming that you think the man who sits in Villa Somalia will stop the "Talabisation" of Somalia. Peace who control Bay, Bakool, Lower Shabbele, the two Juba's and Gedo? Come on, the solution is a national government and not this clownish Caravan that has rewarded bad behaviour of the likes of the happless Sharif Ahmed.
-
^^^lool. As expected its about you and your prediction, yes Yusuf Yey's period came to an end becasue of Xiin's efforts in SOL. Now if we come back to reality, why did Xiin not stop the sale of the sea to Kenya and defend Shirkoole & other areas from the enemy. Adeer you are giving us a laugh and no more. As I stated Sharif is an utter failure, we hope he pulls it through. Your Caravan & Nir Cade;s efforts have in the long run proven Yusuf was wise and competent and for that I welcome it.
-
^^^Xiin: Adeer you are a soft fella and out of touch with relality. The sea was sold, you dont care. Sharif has proven to be a weak incopetent man, you dont care. What matters to you is that you prove that your fake Caravn prediction was correct on SOL. I am highlighting the weakness of the President of Somalia, and all the fake foundation his claims were built on and the national treason of selling Somali sea to poor Kenya, as reported by your favourite website Somalitalk.com. You are bothered about what some people online think of you. Thats the difference between us dear kinsmen.
-
Maxamed Dheere oo dib mar kale ula soo baxay Hubkiisii, kana wado kulamo wada Waqooyiga Muqdisho Mogadishu Friday, 15 May 2009 SMC Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" oo ahaa gudoomiyahii Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho ayaa dib ula soo baxay hubkiisa isagoo shalay kulamo la yeeshay siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Mudulood. Maxamed Dheere ayaa waxaa durba degay Hoygiisii xilligii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Hoygaasoo hada ka hor uu diiday inuu wareejiyo, waxaana uu ahaa guri loogu tala galay inay degaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Siyaasigan ayaa xeritaankiisa ay sabab u aheyd labo arrimood oo uu diiday, iyadoo mid ay aheyd inuu Hubkiisa soo wareejiyo, mida kalena ay aheyd inuu wareejiyo Hoyga uu degan yahay, waxaana shalay dadka ay layaab kula noqotay markii ay arkeen Maxamed Dheere oo sii galaya Guriga iyo isagoo la soo baxay Tikniko fara badan. Ku dhowaad 10 gaadiidka dagaalka iyo Maleeshiyadii daacada u aheyd ayaa la arkayay iyagoo si aad ah u ilaalinaya Maxamed Dheere, isagoo shalay kulamo goono gooni ah la qaatay Xildhibaano beeshiisa ka soo jeeda sida Salaad Cali Jeelle iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, kuwaasoo ku kulmay Hoyga Xaaji Muuse oo ku yaal Degmada Kaaraan. Dad ku dhow dhow Maxamed Dheere ayaa ii sheegay in Maxamed Dheere ay u yeereen Odayaal iyo waxgarad ka tirsan Beeshiisa, si uu gacan uga geysto dagaalada ka dhex oogan beeshiisa oo sida la rumeysan yahay ay isku heystaan gacan ku heynta Saldhiga Yaaqshiid. Ma cada sida uu saameyn ugu yeelan karo Maxamed Dheere xaaladaha ka taagan Waqooyi Muqdisho oo haatan ay muuqdaan kuwo dagaalka ku soo siqaya, waxaana uu Maxamed Dheere dhaq dhaqaaqyo ka wadaa deegaanadan, taasoo aanay ilaa iyo hada cadeyn. Ilaa iyo hada wax war ah ma siinin saxaafada Maxamed Dheere oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, iyadoona dad badan ay su'aalo iska weydiinayaan soo laabashadiisa xilligan oo dagaalo ka holcayaan Magaalada Muqdisho. Xigasho: Somalimaanta
-
Amir Sharif calls on the clan the clan responds
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Raamsade, Basha Sudi Yalaxow and Co will do a fine jobe reclaiming their old regions. -
Amir Sharif calls on the clan the clan responds
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Sharif is out of his depth. -
^^^Xiin, adeer you are the only one who is conflicted everything you stood for is becoming hot air. Sharif Ahmed, is visionless. He is cowring in Mogadishu, thus has no base & is unpopular. He sold the sea, thus not a nationalist. He is call on his clan, thus a clanist. He is shelling the city, thus heartless. He is hiding behind AU forces, thus a puppet. Do I go on?
-
Ceel-Buur: Ahlu Sunna clan militias defeat Al Shabaab in Maxas Waxbo
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho:Maleeshiyaa dka Ahlusunah oo Al-Shabab kala wareegay Maxaas iyo Wabxo kadib dagaalo ay galeen 15. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Maleeshiyada urur diimedka Ahlsunah ayaa gacanta ku dhigay labadii degmo ee uga hartay G/galguduud. Maleeshiyadaan ayaa qabsatay degmooyinka Maxaas iyo Wabxo oo dagaal culus ay maanta kula galeen maleeshiyada Al-Shabab. Afhayeen u hadlay Ahlusunah ayaa sheegay in dagaalka ay iyaga qaadeen ayna ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen Shababka oo uu ku tilmaamay Khawaarij iyo sharci diidayaal. Sh.C/risaq Ashcari ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare badan u geysteen Shababka ayna ka qabsadeen saad iyo hub sida uu sheegay. Waxa uu dhica kale qiray in dagaalka ay garab ku siiyen maxaakimta G/Hiiraan oo ay iska dhinac dagaalamayeen. Qabsashada laga qabsaday Shababka labadan degmo ayayna ka hadlin waxaana ay wadaan abaabul dagaal oo ay mar kale la galaan maleeshiyaadka Sunada. G/Galguduud ayaa waxaa uu ku soo biiray meelaha ay ku hardamayaan kooxa diimedyada. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland -
^^^Meiji adeer, Al Shabaab go for soft targets, Mogadishu is a soft one and hence all the fighting and the defeats the clan militias have suffered under their hands. Even the anti Ethiopian war you are proud of was conducted by Al Shabaab and not the clan militias of yours. Anywho its important to note that I am not anti anything just pro Puntland & Somaliweyn.
-
Bashiir Rage Shiraar oo goor dho w ka soo degay Garoonka Diyarad aha Muqdisho, MAY 15, 2009 Radiofreesomalia.com Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulayay masuuliyiin, ganacsato , saraakiil, aqoonyahan iyo dhalinyaro farabadan oo dhamaan ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibediisa , kadib markii ay qabaa'ilo huwan ah uu hogaaminayo Xasan Dahir Aweis ay weerarada ku qaadeen degaanada beesha Muddulood. Sidoo kale waxaa malinimadii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Gudoomiyihii hore ee Magaalada Muqdisho MAxamed Cumar Xabeeb iyo ciidamado bada oo daacad u ah. Labadaan ( 2) mas'uul ku soo laabashadooda xamar ayay warar is-qilaafsan sheegayaan, inay labadan mas'uul ku soo laabteen codsi uga yimid Dowladda midnimada qaran, warar kalana waxaay sheegayaan inay imaashadoodo la xariiirto shir ay beeshoodu ***** ****** Mudulood dhowaan ku yeelatay Hotel Nasahablood 2, taariikhdu markey aheyd Maay 12th, 2009. Sikastaba arrintu ha ahaatee waxay wararku sheegayaan, markii ay labadaan dagaalyahan Mohamed Dheere iyo Bashiir Raage soo gaareen Muqdishu inay kulan deg deg ah la galeen mas'uuliyiinta caanka ah oo kala ah: Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Eng.Caddow, Salaad Cali Jeele, Cumar Finish, Mohamed Osman Ali ( Dhagax-Tuur). Gen Gacmo Dulle, Nuur Dikhle iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muhudiin Hassan ( Jurus). Wararku waxay sheegayeen in shirkaan mas'uuliyiintaan uu albaabadu u xirin yihiin ilaa haddana aysan wax war ah ka soo bixin shirkooda. RFS _Muqdisho
-
Ceel-Buur: Ahlu Sunna clan militias defeat Al Shabaab in Maxas Waxbo
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sunah Waljamaacah oo la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Wabxo iyo qeyb ka mid ah Maxaas. Maleeshiyaadka Urur diimeedka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa guul horu dhac ah ka gaaray dagaalo ay manta kula galeen Deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud, iyagoona sheegay inay Kooxda Alshabaab kala wareegeen Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud. Afhayeen u hadlay Ahlu Sunah Waljamaacah oo la yiraahdo Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa Warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen Deegaanka Wabxo isla markaana ay ka saareen waxa uu ugu yeeray Khawaarij Waxaa uu sheegay inay soo gaba gabeeyeen howl gal weerar ah oo ay ku qaadeen Wabxo, isagoona sheegay in guud ahaan Deegaanka Wabxo oo bilo ka hor dagaal adag ku dhex maray iyaga iyo Alshabaab. Sheekh C/risaaq ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qeyb ka mid ah Deegaanka Maxaas ay gacanta ku hayaan, isagoo tibaaxay in wali ay dicaayadooda ku jiraan weerarna lagu soo qaaday sida uu yiri Labada Deegaan ayaa waxay yihiin kuwo aan sidaa u kala fogeyn, waxaana sida muuqata wali la dareemayaa xiisadaha u dhaxeeya Shabaab iyo Ahlu Sunah, kaasoo ku soo goostay deegaanada Gobolka Hiiraan. Labadan Urur Diimeed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ay ka mid yihiin Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, halkaasoo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana Ururkan uu u muuqdaa mid la wareegaya Deegaanada Gobolka G/gaduud oo idil. Xaaladaha Labada degmo ayaa caawa degan, inkastoo Degmada Maxaas ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, waxaana ka sokow dagaalka u dhaxeeya Ahlu Sunah iyo Alshabaab ka qeyb qaadanaya Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com -
Ceel-Buur: Ahlu Sunna clan militias defeat Al Shabaab in Maxas Waxbo
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ahlu Sunna oo ka faa’ideystay Mashquulka shabaabka weerarna ku qaaday. Friday, 15 May 2009 13:19 BXM Degaanka Wabxo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka bilowday galabta dagaal xoogan oo u dhaxeeya labo koox diimeed oo kala ah Ahlu sunna iyo Alshabaab. Dagaalkani oo aan la ogeyn sababta uu kubilowday ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in goob ay kusugnaayeen Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Ururka Ahlu sunna iyaga oo ka faa’ideysanaya shabaabka oo Muqdisho u soo wada cararay. Labadani koox ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay isku hayay gacan ku heynta qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya inkastoo horey shabaabka dhowr goobood lagala wareegay oo illaa iyo iminka ay awoodi la’yihiin in ay kulaabtaan. Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay ku mashquulsan yihiin dhinaca Magaalada Muqdisho hayeeshee Kooxda suufiyada ayaa iyaguna u arkay arrintaasi in ay fursad tahay oo ay uga faa’ideysan karayaan inta Gobolada ay kusugan yihiin shabaabka ay badankooda kasii maqan yihiin. Kooxdan Suufiyada ah ayaanan horey dagaallo u geli jirin isla markaasina hub aanan qaadan jirin inkastoo markii Shabaabka ay lasoo baxeen dhaqanno ay si toos ah ugu beegsanayaan kooxdaasi ay iyaguna dhankooda galeen in ay is difaacaan taasi oo keentay in shabaabka laga soo qabsado goobo dhowr ah. -
Dagaal ka qarxay duleedka degmada Ceel-Buur Dagaal qaraar oo u dhexeeya maleeshiyaadka Islaamiyiinta ee kala taabacsan kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlusunna ayaa waxa uu si xaagan iminka uga soconayaan deegaanka Wabxo uu wax yar u jirta magaalada Ceelbuur ee gobolka Gal-gaduud. Dagaalkan oo la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa mar qura ka bilowday deegaanka Wabxo oo ey iminka gacan ku haydteeda la wareegeen maleeshiyaadka Ahlusunnah Wal-Jameeca, sida ey wararku nagu soo gaarayaan. Ma cada wali khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas oo iminka kusoo durqaya dhanka magaalada Ceelbuur. Labadan kooxood ayaa indhawaalaba isku hayay gobolada dhexe ee Somaliya, waxaana ey isku hayaan arimo la xiriira xaga fikirka diinta ah. Wixii kusoo kordha kala soco Calanka Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
confused Islamists: Does this make sense to you guys?
General Duke replied to Meiji's topic in Politics
^^^The Kharajites are as confused as Kshafa, they seem to be losing the central regions and thus spoke Duke to the happless PC warriors in the US. -
Muqdisho:Max'ed Dheere iyo ciidamo uu gaar u leeyahay oo dhaqdhaqaqyo saaka ka bilaabay W/Muqdisho 15. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )Ciidamo uu gaar u lahaa max'ed Dheere gudoomiyihi hore ee G/Banadir ayaa saaka dhadhaqaaqyo ka bilaabay aagagi dagaalada ay ka socdeen. Gawaari dagaal oo si gaar ah uu u lahaa Max'ed Dheere ayaa saaka la arkayey iyagoo xawli ku maraya xaafadaha dagaalada ay ku socdee, waxaana ay u muuqdeen kuwo kaga biiray dagaalka dhinaca dawlada. Max'ed Dheere oo shalay la kulmay madaxweynaha ayaan la aqoon waxa ay kawada hadleen , waxaana ay warar shegayaan in meel fiican ay wax isla dhigee. Xafiska wararka Muqdisho AllPuntland
-
Maxamed Dheere oo dib mar kale ula soo baxay Hubkiisii, dhaq dhaqaaqyana ka wada Waqooyiga Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada Waqooyi Muqdisho, iyadoo Maxamed Dheere dib loogu arkay Hubkiisii. Maxamed Dheere ayaa waxaa durba degay Hoygiisii xilligii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Hoygaasoo hada ka hor uu diiday inuu wareejiyo, waxaana uu ahaa guri loogu tala galay inay degaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Siyaasigan ayaa xeritaankiisa ay sabab u aheyd labo arrimood oo uu diiday, iyadoo mid ay aheyd inuu Hubkiisa soo wareejiyo, mida kalena ay aheyd inuu wareejiyo Hoyga uu degan yahay, waxaana shalay dadka ay layaab kula noqotay markii ay arkeen Maxamed Dheere oo sii galaya Guriga iyo isagoo la soo baxay Tikniko fara badan. Ku dhowaad 10 gaadiidka dagaalka iyo Maleeshiyadii daacada u aheyd ayaa la arkayay iyagoo si aad ah u ilaalinaya Maxamed Dheere, isagoo shalay kulamo goono gooni ah la qaatay Xildhibaano beeshiisa ka soo jeeda sida Salaad Cali Jeelle iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, kuwaasoo ku kulmay Hoyga Xaaji Muuse oo ku yaal Degmada Kaaraan. Dad ku dhow dhow Maxamed Dheere ayaa ii sheegay in Maxamed Dheere ay u yeereen Odayaal iyo waxgarad ka tirsan Beeshiisa, si uu gacan uga geysto dagaalada ka dhex oogan beeshiisa oo sida la rumeysan yahay ay isku heystaan gacan ku heynta Saldhiga Yaaqshiid. Ma cada sida uu saameyn ugu yeelan karo Maxamed Dheere xaaladaha ka taagan Waqooyi Muqdisho oo haatan ay muuqdaan kuwo dagaalka ku soo siqaya, waxaana uu Maxamed Dheere dhaq dhaqaaqyo ka wadaa deegaanadan, taasoo aanay ilaa iyo hada cadeyn. Ilaa iyo hada wax war ah ma siinin saxaafada Maxamed Dheere oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, iyadoona dad badan ay su'aalo iska weydiinayaan soo laabashadiisa xilligan oo dagaalo ka holcayaan Magaalada Muqdisho. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com