
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho:Xasan Turki iyo ciidamadii uu watay oo jowhar gudaha u galay 17. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha degmada Jowhar oo ay soo galeen ciidamadi Xasan Turki , waxaana goob joogayaal jooga ay sheegayaan in ciidamadii maamulka laga soo qabsaday afaafka magaalada oo ay gudaha ka dagaalamayan. Mustaqbalka gacan ku heynta Jowhar ayaa loo saadalinaya xoogaga mucaaradka maadama ay gudaha la isla soo galay. Dadka Jowhar ayaa u cararay daafaha magaalada si ay uga badbaadan dagaalka iyo waxyeeladiisa. la soco wali wixi ku soo kordha
-
IndaCade switches sides again this time to Sharif Ahmed
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It seems plausable indeed. The man had no love for Sharif and his hadn was forced for what ever reason. -
Xasan Turki iyo Ciidamo uu wato oo qeyb ka ah duulaanka Magaalada Jowhar Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshe istiraatjiyaded oo la doonayo in lagu qabsado Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo intooda badan gacanta ugu jira Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda ayaa ka soo baxay shir shalay ka dhacay Degmada Afgooye. Shirkan oo si qaas ah u quseeyay xaaladaha ka taagan Magaalada Muqdisho ee la doonayo in Dowladda lagu afgambiyo ayaa waxaa taas bedelkeed loo rogay dhanka Gobolada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka. Wararka ayaa sheegaya in qidada dagaal ee la dajiyay ay ka mid tahay in la weeraro Magaalooyinka Jowhar iyo B/weyn si gacanta Xoogaga Mucaaradka u soo gasho. Kulankii shalay oo ahaa mid ay ka qeyb galeen Sheekh Xasan Turki, Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Saraakiil sar sare oo ka socda Alshabaab, kuwaasoo isla gartay in weerar wada jir ah lagu qaado Magaalooyinka Jowhar iyo B/weyn. Wararka ayaa hada sheegaya in Sheekh Xasan Turki uu ku sii socdo Magaalada Jowhar iyadoona duulaankaas ay qeyb ka yihiin Xoogag ka tirsan Alshabaab iyo kuwa Xisbul Islaam. Qorshaha ayaa waxaa uu yahay in dhowr jiho laga weeraro Magaalada Jowhar, waxaana dagaalka bilowgiisii hore uu hada ka bilowday inta u dhaxeysa Deegaanada Qalimow iyo Garsaale. Ciidamadii ugu badnaa ee soo galay Magaalada Muqdisho ee gurmadka ahaanta horay ugu yimid Xoogaga Mucaaradka ayaa qeyb ka ah duulaanka lagu qaaday Magaalada Jowhar si gacanta Maxkamadaha Islaamka looga bixiyo. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Gaalkacyo: Ciidamada Birmadka ee Puntland ay dhawaan udirtay gobalka Mudug oo qaaday howlgalo culus oo amaan sugid ah. 17. maj 2009 Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Ciidamada Birmadka ee ay dawladda Puntland todobaadkii hore udirtay magaalada Gaalkacyo ayaa qaaday howlgalo culus oo ay uga soo horjeedaan falalka amaan daro ee dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna soo qabteen dad lugu tuhmayo falal amaan daro. Ciidamada Birmadka ayaa labadii habeen ay ka howlgalayeen magaalada Gaalkacyo waxa ay soo qabteen dad gaaraya 12 qof oo lugu bartilmaameedsaday goobo lugu tuhunsanaa, waxaana dadkaasi lugu tuhmay in ay qeyb ka yihiin dad ujooga magaalada Gaalkacyo in ay ka shaqeeyaan amaan la'aanta magaaladaasi. Taliye sare oo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa usheegay AllPuntland in ay wadayaan howlgaladan, ayna qaadeen talaabooyin muhiim ah amaanka magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in dadka ay soo qabteen ay sharciga marin doonaan, waxaana Laamaha dambe Baarista ee magaaladu ay wadaan baaritaano ay ku hayaan shaqsiyaadka ay soo qabteen ciidamada amaanku. Dadka ay soo qabteen ciidamadan waxa ay iskugu jiraan rag iyo haween, waxaana Maamulka gobalka Mudug xubno ka tirsan ay sheegeen in ay wadayaan howlgaladan ayna magaalada ka dhigi doonaan meel uu amaan ka jiro, inkastoo ay adag tahay in la xakameeyo amaanka magaalada Gaalkacyo. Ciidamada Loo yaqaano Bol-Bir oo ah ciidanka Birmadka Puntland waxa ay gaar uyihiin gobalada Puntland, waxaana inta badan loo diraa gobalka amaankiisa la fahmi waayo, waxaana asaasay Madaxweynihii ee hore Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo ku bilaabay magaalada Boosaaso oo ay amaankeeda sugeen, waxa ayna ahaayeen ciidamadii sugayay amaanka Garowe bilihii lugu jiray tartanka doorashada Madaxweyne-nimada oo ay dad badan wadnaha farta ku hayeen. Ciidanka waxa ay todobaadkii hore soo afjareen falal amaan daro oo ka jiray magaalada Garowe ee caasumada maamulka Puntland, taasoo ay dhalinyarada magaaladu xaafad-xaafad udagaalamayeen, waxa ayna soo qabteen dhalinyaro badan oo hubeysan ka dibna waxaa loo sii gudbiyey xabsiyada magaalooyinka Puntland. F. C. Geylan AllPuntland
-
Muqdisho: War Deg Deg ah Dagaal ka bilawday duleedka jowhar 17. maj Muqdisho:Dagaal xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka bilawday tuulada garsaale oo aad ugu dhaw degmada Jowhar. Dagaalka oo madaaficda la isku adeegsanayo si weyn looga maqlayo degmada Jowhar ayaa ilaa hada ku socda si xawli ah . Dagaalka ayaa bialawday marki ciidamdii weerarka ku ahaa Jowhar ay ka hortageen kuwa maamulka Sh/Dhxe. dagaalka oo socda kala soco wixi ku soo kordha AllPuntland Muqdisho
-
War deg deg ah: Dagaal hada ka qarxay Tuulada Garsaale oo 25KM u jirta Magaalada Jowhar Warar goor dhow naga soo gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu goor dhoweyd ka qarxay Tuulada Garsaale oo ilaa 25KM dhanka koonfur kaga beegan Magaalada Jowhar u jira. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda iyo Xoogaga Alshabaab oo la sheegay inay duulaan ku soo yihiin Magaalada Jowhar. Waabarigii saaka ayaa mar kaliya Magaalada Jowhar waxaa laga dareemay cabsi dagaal, iyadoona durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo guluf dagala ay galeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka. Wariye ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in dagaalka uu hada xoogiisa ka socda Tuulada Garsaale, halkaasoo ay difaacyo adag ka sameysteen Ciidamada Maxkamadaha. Wariyaha ayaa sheegaya in goor horeba laga war haayay duulaanka ku soo socda Magaalada Jowhar oo maalmihii u dambeeyay abaabulkiisa laga dareemayay Degmada Balcad. Isku dayga Xoogaga Shabaab ayaa ah inay la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar iyo deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana jira qorshayaal horay loo dejiyay oo la sheegay in dhowr jiho laga soo weeraray Magaalada. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
IndaCade switches sides again this time to Sharif Ahmed
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
JB: The man felt unsafe since the arrival of the Turki and Co. He is seeking refugee with the AU troops nothing more. -
IndaCade switches sides again this time to Sharif Ahmed
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Indha-Cadde oo isku dhiibay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. 17. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka mid ah shaqsiyaadka hubka ku heystay magaalada Muqdisho ayaa ku biiray dawladda Faderaalka ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya magaalada Muqdisho. Nin sheegay in uu yahay gacan-yaraha Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa usheegay AllPuntland in uu maamulihiisu ugalay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo isku dhiibay, wuxuuna sheegay in ay sababtu tahay markii uu arkay sida loogu baahan yahay in wax laga qabto amaanka Magaalada Muqdisho. Yuusuf Maxamed wuxuu todobaadkii ugu dambeeyey ku jiray jahawareer Siyaasadeed, oo gaarsiiyey in uu Saxaafada Soomaalida ka sheego in uu ka baxay siyaasada dalka Soomaaliya oo uu ka fariistay, wuxuuna sidoo kale wareejiyey qaar ka mid ah gaadiidkiisii dagaal oo uu ku wareejiyey hogaamiyaha ay aadka iskugu dhow yihiin ee Xasan Daahir Aweys oo dagaal adag lagalay dawladda Shariif Sheekh Axmed. Siyaasiinta Muqdisho ayaa wareegitaanka Yuusuf Indha-Cadde ugalay dawladda Soomaaliya, waxa ay ku sheegeen mid aan wanaagsaneyn waxaana ay sheegeen in uu hadalo kala duwan uu todobaad gudihiis ka sheegay gudaha Saxaafada dalka Soomaaliya, isagoo aan ka fiirsan siyaasadaha dhibka badan ee ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho. Yuusuf Maxamed Siyaad wuxuu horay uga soo mid noqday Hogaamiyaashii Muqdisho oo uu ka baxay markii ay sameysteen Isbaheysi ay awooda ku mideeyeen, ragii ugu sareeyey Maxkamadihii awoodooda la wiiqay, wuxuu ka mid noqday Isbaheysigii Dibu xoreynta, wuxuu ka mid noqday Xisbul Islaam markii la dhisay dawladda Soomaaliya, isagoo ka soo horjeestay dawladda oo maanta isku dhiibay, wuxuuna ugu dambeyntii maalmo ka hor heshiis la galay dawladda Soomaaliya, ka dibna Saxaafada ayuu ka beeniyey marna ka sheegay, Shan maalmood ka hor wuxuu ka sheegay Saxaafada Soomaaliya in uu ka baxay Siyaasada Soomaaliya. Isdhiibitaankiisa waqtigan ee isku dhiibay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxa ay saameyn ku yeelan kartaa xiisadaha dagaal ee ka taagan magaalada Muqdisho, siiba waxaa ay dad badan leeyihiin waxa ay hurin kartaa dagaalada udhaxeeya dawladda Soomaaliya & Mucaaradkeeda sida adag uga soo horjeedo ee uu hogaaminayo waqtigan Xasan Daahir Aweys. F. C. Geylan AllPuntland -
Muqdisho:War Deg Deg ah Ciidamo uu wato Xasan Turki oo u jiheystay degmada Jowhar 17. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka magaaladaas uu ku jarmaaday xasan Turki iyo ciidamada lagu qiyaasay 700-Askari oo wata gaawari gareysa ilaa 30-Baabur. Gawaaridaan dagaal iyo Xasan Turki ayaa la sheegay in goor dhaw ay ka gudbeen deegaan lagu magacaabo Garsaale , waxaana ay u socdaan sidii ay dagaal ugu qabsan lahaayeen degmadaas oo hada ay gacanta ku hayaan maxaakimta dawlada taabacsan. Maamulka G/Sh/Dhxe oo maalmahan isna waday olole ay ku kicinayaan dadka Jowhar si ay isu difaacaan ayaa saaka heegan buuxa galiyey ciidamadodi , waxaana ay isugu keeneen Xaafada Kongo afaafka Jowhar. Lama yaqaan dagaalka ku wajahan Jowhar in uu yahay mid horey loo qorsheeyey iyo in kale , waxaase maalmahan jiray saansaan dagaal oo kua aadanaa Jowhar. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
-
IndaCade switches sides again this time to Sharif Ahmed
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho:Yuusuf Indhacade iyo 11-tikniko oo uu wato oo dawlada isku soo dhiibay 17. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacade iyo gawaari dagaal oo uu wato ayaa xalay saqda dhexe isu soo dhiibay dawlada Somalia kana soo gudbay qadka ay kala fadhiyaan ciidamada dawlada iyo mucaaradka ee Hotelka Ramdaan. Yuusuf Indhacade oo saldhig ku lahaa warsahadii hore ee Baastada iyo daartii Xeyle bariise ayaa waxaa la soo gudbay ku dhawaad 11-tikniko ah . Warar is khilaafsan aya ka soo baxaya sababaha uu dawlada ugu soo galay Yuusuf Indhacade ,waxaana warar ay heshay APL ay sheegayaan in ay isu goodiyeen saraakil Al-Shabab ah oo ku amray in uu so wareejiyo hubka uu sii heysto isna uu ku gacan seeray taas oo ku dhalisay in uu u soo goosto dhinaca dawlada si uu ciidamadiisa iyo gaawaridiisa uga badbaadiyo weerar suurtagal ahaa in ay ku qaadaan xooagaga Al-Shabab. Dhinaca kale warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Yuusuf Indhacade uu soo kala dhex galay is faham la’aan isaga iyo hogaamiyaha mucaaradka Asmara Xasan Dahir oo ay isku qabteen arimo ku saabsan in uu gala dagaalada socdaa oo uu hogaamiyaa taas oo u ku gacan seeray. Dadka Muqdisho ayaa aad uga jahwareeray siyaasadaha Yuusuf Indhacade oo maalin walbaa u ciyaara koox siyaasadeed oo cusub , waxaana aan la ogeyn sida dawlada uu ugu dhex milmi karo maadama dhawaan uu uga baxay heshiis uu la galay. Yuusuf Indhacade oo inta badan wata maleeshiyo ku heyb ah ayaa ah nin ka qeybgalka dagaalada Muqdisho aad looga battay , waxaana dad badan dhawrayaan waxa uu ka badali karo sgaxda dagaal ee dawlada kula jirto mucaaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland -
War deg deg ah: Sheekh Yuusuf Indha cadde oo ku biiray dowlada isaga iyo gadiidkiisa dagaalka Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah wasiirada dowlada Soomaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo 17 ka tirsan Gadiidkiisa dagaalka ayaa ku biiray dowlada KMG ah ee Soomaliya isagoo haatan ku sugan Madaxtooyada Soomaliya ee Muqdisho. Indha cadde iyo maleshiyaadkiisa oo xarun ku lahaa warshada baastada ayaa habeenkii xalay ah waxa uu si rasmi ah ugu biiray dowlada Soomaliya, waxaana uu ku wareejiyay 17 gawaarida dagaalka ah iyo ciidamadiisii daacada u ahaa. Lama oga waxa xilligan ku soo beegay in Indha Cadde uu ku biiro dowlada xilli uu hore u sheegay inuu hubkiisa ku wareejiyay walalal oo kal jeeday Sheekh Xasan Daahir Aweys. Hore ayaa waxaa u jiray hishiis hor dhac ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaliya iyo Yuusuf Indha Cadde Lakiin hishiiskaasi ayaa bur buray ka dib markii uu Indha cadde sheegay inuu hubkiisa u dhiibqtay qof walaal ah. Wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaa kala socon doontaa. Had iyo jeer kala soco wararka xaqiiqda ah jowhar.com Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
An epic Clan war : Sharif Ahmed sidelined as Turki Vs Chickens
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^You are right they seem to be all over the place these days.. -
Breaking: Shaykh Turki and the Eagles of Ras Kambooni land in Xamar
General Duke replied to Kashafa's topic in Politics
^^^No they are close allies, there is some respect there. -
Xildhibaanada Beelaha ****** iyo ........ oo shir ku qaadatay Magaalaa Muqdisho MAY 16, 2009 Radiofreesomalia.com Waxaa maanta gelinkii hore shir balaaran uu ka dhacay guriga guriga gudoomiyihii hore ee magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb halkaasoo ay isugu yimaadeen xildhibaano farabadan iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Qanyare , Xuldhibaan Muuse Suusi, Xildhibaan Cumar Filish , Xildhibaan Salaad Cali Jeele , Xildhibaan Maxamuud Owgeedi , Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) iyo Xildhibaan Ibrahim Sheikh Ali (Ibrahim Jeebo). Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay difaaca magaalada Muqdisho, iyo sii looga hortagilahaa maleeshiyada huwanta ee ka soo kala duulay gobolada Galgaduud, Bay iyo Jubada Hoose. Goobta kulanka ayaa waxaa hadalka furay Xildhibaan Maxamed Qayare Afrax oo si weyn ugu nuux nuuxsaday in beelahan lagu qaldan magac diin , runtana ay soo baxday maanta oo ay dadkii indhahooda ay ku arkeen dad ajnabi ah oo si naxariisdaro ah u laynaya shacabka. Sidoo kale waxaa goobta kahadlay Xildhibaan Muuse Suudi si weyna u cadeeyay in ay maanta ku muquuninayaan cidamadaan huwanta , hab dowladnimo iyo hab beel labadaba , maalmaha soo socdana ay kasifeyn doonan dhamaan dalka oo idil. Waxaa si weyn looga dareemayaa dhamaan magaalada Muqdisho in ay socdaan diyaargarow dagaal, ciidamada dowlada oo dib u habayn lagu sameeyay kadib markii shaqada si toos ah iyo si dadbanba looga qaaday xilalkoodii Wasiirka Arimaha Gudaha Shiikh Abdulqadir Ali Cumar iyo taliyihii xooga dalka Somaliya Gen. Siciid Dheere , kadib markii ay xilalkoodi ka soo dhalaali waayeen. Dhanka kale waxaa ay ciidamada Shabaabka hub kadhigis ku sameeyeen Yuusuf Indhacade iyo Shiikh Dahir Aweis kadib markii ay guuldarooyin farabadan kala kulmeen dagaalada Muqdisho, Masuuliyadii Shiikh Dahir Aweis-na lagu wareejiyay Shiikh Xasan Turki , haatana fariisin ka samaystay deeganka Dayniile ee magaalda Muqdisho. Muse kulow [ May 16, 2009, 05:59 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]
-
Breaking: Shaykh Turki and the Eagles of Ras Kambooni land in Xamar
General Duke replied to Kashafa's topic in Politics
There is something missing Where are the Al Shabaab leaders this is a get together of Hizbul Islam. -
Sharif Ahmed calls for ceasefire, Advantage Xasan Dahir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ould-Abdalla said he has offered to help Somalia's hardline Islamic leaders remove their names from a U.N. Security Council list of terrorists if they will work for peace. " It is not in killing their own people that they will solve this problem, " Ould-Abdalla said, referring to the terrorist designation. "On the contrary." Walid Abdalla is making offers to Xasan Dahir Aways, what does he know that we dont? -
Sharif Ahmed calls on famous WARLORDS for help,?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waa ognahay salaad Jele , Max'ed Dhere , Muuse suudi iyo kuwa kale oo caan ku aha dhibaatada shacabka in talada dagaaka loo gacab galiyey laakin ilaahay ayaa waji walbaa oo ay ku soo dagaal galaan ku jabin doono " ayu yiri Careele. Hadalka Afhayeenkan u hadlay Xisbul islaam ayaa imaanaya xili maalmahan aysan madaxtooyada ka lug bixin rag la waayey oo u badan hogaamiya kooxedyadi Muqdisho sida Max'ed Dhere , Muuse Suudi ,Cumar Finish , Bootaan , Max'ed Qanyare iyo Cabdi Waal. Dhinaca kale imaanshihi Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay salku ku heyso wicitaan uu wacay madaxweyne Shariif oo ay qabiil ahaan isku heyb yihiin. Are Mohamed Dheere, Musa Sudi, Bashir Raaage no longer warlords, criminals anti Islam, as they were once called? Is the tactic of calling on ones clan not being clanist ? We need some answers from the Caravan of confusion... -
Muqdisho:Ururka Xisbul islaam oo qeyla dhaan xoogan ka soo saaray maleeshiyaadka Mudulood ee la hubeeyey 16. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Afhayeenka Xisbul islaam Muuse Cabdi Caraale ayaa qeyla dhaan xoogan ka soo saaray maleeshiyo beeledka mudulood dhaqdhaqaaq ay wadaan ee ku aadan in ay damacsanyihiin weeraro iyo dagaal kale oo dib loogu qabsanayo meelihi dawlada laga soo saaray. Muuse Caraale ayaa sheegay in dawlada u yeertay Max'ed Dheere isagoo Nairobii jooga si ay u hawlgaliso ama uu Shariifka u dagaal galiyo qaab beeled. Muuse Caraale ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in maleeshiyaad Mudulood ka soo jeeda la siin rabo hub iyo rasaas si qaab beeled loogu sii huriyo dagaalka , waxaana uu ku eedeyey talaabada in uu wado wasiirka amaanka Cumar Xaashi Aadan. "Waa ognahay salaad Jele , Max'ed Dhere , Muuse suudi iyo kuwa kale oo caan ku aha dhibaatada shacabka in talada dagaaka loo gacab galiyey laakin ilaahay ayaa waji walbaa oo ay ku soo dagaal galaan ku jabin doono " ayu yiri Careele. Hadalka Afhayeenkan u hadlay Xisbul islaam ayaa imaanaya xili maalmahan aysan madaxtooyada ka lug bixin rag la waayey oo u badan hogaamiya kooxedyadi Muqdisho sida Max'ed Dhere , Muuse Suudi ,Cumar Finish , Bootaan , Max'ed Qanyare iyo Cabdi Waal. Dhinaca kale imaanshihi Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay salku ku heyso wicitaan uu wacay madaxweyne Shariif oo ay qabiil ahaan isku heyb yihiin. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
-
Sharif Ahmed calls for ceasefire, Advantage Xasan Dahir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xasan Dahir -
Sharif Ahmed calls for ceasefire, Advantage Xasan Dahir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shiikh Xasan Daahir oo diiday wada hadal Labada nin oo horey u ahaa xulafo ayaa hadda iska soo horjeeda Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku gacanseyray codsi uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo uu kaga dalbanayay kooxaha mucaaradka ee la dagaallamaya dowladdiisa inay wada hadal la galaan. Xasan Daahir Shiikh Aweys ayaa diiday wax wada xaajood ah inta ay joogaan sida uu yiri ciidamada Midowga Africa dhulka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dowladda inay tahay mid aannu shacabku soo dooran, oo aanay matalin dadka Soomaaliyeed. Hey'adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in ilaa soddon kun oo qof dagaalladu ku qasbeen inay isafa baxaan guryihii ay ku noolaayeen. Cumar Iimaan oo madax ka ururka Xisbul Islaam oo ay isbahaysi yihiin kooxda Al-shabaab ayaa wareysi uu BBC siiyay ku sheegay in ciidamada dowladda ay qaarna baxsadeen, qaarka hareyna waxaa ilaalinaaya ciidamada Midowga Afrika. -
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadal ugu baaqay Kooxaha Dagaalamaya Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu Kooxaha Islaamiyinta ee ka dagaalameeya Magaaladda Muqdisho ugu baaqay in ay soo fariistaan Miiska Wada hadalka. Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu BBC-da uu sheegay in Dagaalada iminka ka soconaaya aysan fa’ido uu ahayn Dadweynaha Soomaaliyeed ayna ku barakacayaan Dad kumaan kuun ah maalin kasta. Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in Kooxaha Dagaalada wada ay sharci ka dhigteen dhiig daadashadda iyadoo ujeedadooda ay tahay in Wadanka Soomaaliya ay xoog kula wareegaan.waxaana uu ugu baaqay in ay joojiyaan joojiyaan ayna wada hadalada soo galaan. Dhanka kale Sheikh Xassan Daahir Aweys oo ka soo horjeeda Dowladda Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayna mar isku Xisbi ahaan Jirin Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu diiday una ka soo horjeestay Baaqa ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana uu BBC-da uu sheegay in aysan surtagal ahayn in ay wada hadal la qaatan Dowladda Soomaaliya inta ay Ciidamada AMISOM ku suganyihin Magaaladda Muqdisho,waxaana uu sheegay in ay yihin Cadowga koowaad ee Soomaaliyeed. Balse Hadalkaas waxaa aad uga soo horjeestay jawaabna ka bixiyey ergayga Midowga Afrika ee uu qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicolas Bwakiira,waxaana uu sheegay inaysan xilligaan munaasiib ahayn in ay dib uga soo guurtaan Magaaladda Muqdisho. Ciidamadda AMISOM ee jooga Magaaladda Muqdisho oo gaareeya 4,300 oo ka kala socda Wadamada Burundi iyo Uganda ayaa waxay ilaaliyaan goobo aad uu muhiimsan oo ay ka mid yihin Dekada iyo Garoonka Aadan Cade International Airport. Dowladda Wadanka Maraykanka iyo Qaramada Midoobay waxay Sheikh Xassan Daahir Aweys ku dareen Liiska Argagaxiisada Caalamka. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee uu qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmedou Wald Abdalla ayaa waxaa uu baaqay in laga saaro liiska Argagaxiisada Caalamka sidii uu wada hadal la geli laha Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay hadii uu ku jiro liiska argagaxiisada caalamka ma uusan qaban karo xil oo xafiis ma fariisan karo,xitaa wax safar ah ma geli karo waayo khatar ayuu gelaaya. Baaqaan ayaa waxaa uu ku soo beegmaaya xilli Dagaalada ka soconaaya Magaaladda Muqdisho ay geysteen Khasaaro dhimasho oo gaareeya 139-qof halka dad lagu qiyaasay 27,000-qof ay ku barakaceen. Farta Ali Husein SBC International- Bosaaso.
-
Mad man Xasan Dahir holds radio QA in middle of war
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gabagabo Sheekha waxaa ka muuqatay hal adayg iyo inuu tiisa ku dhaganaa su’aalaha dadka oo kasoo wada horjeeday dareenkiisana uusan ka garaaabin. Waxaa kaloo ka muuqatay inuusan haatan wadahadal gali karin, mujaahidiinta kuwa uu yaqaanno haatanna uusan wax u qaadi karin, maadaama aysan midaysnayn aysanna jirin hogaan ka dhex muuqda oo si aad ah ugu kalsoon yihiin ama uga danbeeyaan oo wax usoo qaadi kara, waxa kaliya ee lagusii wada socon karana ay tahay dagaalka lagula jiro dawladda oo uun lagu sii midaysnaado oo haddii wadahadal oo ogolaado waxaa ay noqnaysaa in shabaabka ay markaa kala haraan. Ma muuqan mustaqbalka inuu wax jawaab ah u hayo sida caalamka uu cadawga u arko loola tacaamuli karo aan ka ahayn in dabka lagu sii socdo oo aan laga leexan. Ma hayo dammaanad sidii Soomaliya ay caalamka ammaan uga heli lahayd, iyana ammaan looga heli lahaa mar haddii Alshabaab oo caddaysanaya in dunida kale oo idil duullaan ku yihiin uu isbahaysi maanta sheekha kala dhexeeyo. Waxaa kaloo muuqata inaysan wadaadadu markii horeba shacabka bareerahooda hor dhigin, Nabiga scw waa u caddeyn jiray qabaailka dabeecadda farriintiisa, hadana Ansaar wuxuu kual heshiiyey inay difaacaan uun balse aysan cid kale u weerarin. Sidoo kale markii la isku soo bahaystay wuxuu u ogolaaday inay qabaailka qaar la tacaamulaan si ay culayska iskaga fududeeyaan. Halkan wadaadada beelaha kuma dagaal galin billawgii horeba inay la doonaan sidii wadaadadu dalka u xukumi lahaayeen, waxayse u sheegeen markii hore in maxkamado beelaha leeyihiin ay ciidan iyo garsoor u noqonayaan, ka dibna waxaa loo sheegay in itoobiya laga dul xoraynayo oo kasoo qayb qaataan dagaalka iyo in shareecada loo baahan yahay. Markii la helay in Itoobiya baxday, shareecadiina la ogolaaday oo odayada dhaqanku sidaa dalbadeen, gudoomiyihii maxkamadaha iyo labadiisii kuxigeenna ay dawladdii garwadeen ka noqdeen ayaa haatan lala soo baxay in cidda shareecada sida saxda u dabaqi karta aysan wadaad oo idil ahayn ee ay tahay wadaado si gaar ah uso dhididay, si xaqdarra ahna liiska argagixisada loogu daray ilaa kuwaas talada la wareegayaanna uusan halgankii dhammaan! Adduunka waxaa kala soocan saraakiisha dagaalka hogaamisa oo dabeecad iyo luqad gaar ah leh iyo siyaasiyiinta ay amarka ka qaataan oo ka dabacsan kana hadal macaan. Sheekha waxaa ka muuqatay dabeecad hogaamiye jabhadeed ama ciidan, mana lahayn dabeecadda lagu yiqiin siyaasiyinta iyo tixgelinta dareenka shacabka. Hay’adda Culimada oo dalbatay aqbashayna shareecada la qaatay oo sheegtay in dawladdu tahay mid muslim ah oo aysan bannaayn in lala dagaalo ayaa xujo ku ah mucaaradka aysan meelna kamari karin. Culimada waxay sharci ahaan codsadeen in aan AMISOM haatan lala dagaalin, wadahadalna la iskugu yimaado, shareecada dawladdu qaadatayna lala meel mariyo, waxaase mucaaradka ka muuqda inaysan dagaalka AMISOM joojinayn, qaarkood wadahadal ogolayn, madaxda dawladdana u arkaan gaalo ay tahay in lala dagaalo. Waxaa markaa shacabka isweydiinayaa una jeedaan in diinta tafsiirkeeda iyo waxa diin ahaan quman laga qaadanayo sida ay qabto culimada badankeed ee aan la raacayn laba sheikh ama seddex jabhadaynaysa oo lagu tuhmmi karo inaan damac siyaasadeed ka marnay iyo anaa mudan oo usoo kaadi cabay, taasoo aan diiin shaqo ku lahayn balse loollan awoodeed ah. Ugu danbayn haddii badanka ahdaaftii kala duwanayn ee inta dagaalka isla soo wada gashay lahayd la gaaray waxaa in badan qabtaa in markaa inta dagaalka haatan ku jirtaa ay tahay laba koox oo markan ahdaaf u gaar ahayd u dagaallamaysa, shacabka, odayada dhaqanka iyo culimadana aysan haatan dagaalka la rabo aqbalsanayn, wixii yaa mudan iyo maxaa mudan ahna wadahal lagu dhammay karo, waxaanse la aqbali karin ama 100% wixii la wada rabay ama 0% baan ka xignaa iyo sidoo kale in la ogolaado dagaalyahannada Alqaacida inay Soomalia ka dhigtaan furun dagaal iyo in Soomali qasab lagu galiyo dagaal caalami ah oo aan xuduud lahayn oo ilaa caalamka laga xoreeyo ay Soomali dagaal kujiri doonto iyadoo dhanka kalena ay dadkii macluul la tiicayaan oo gacanta inay kujihaadaan la rabo mooyaane tan kale ay caalamka lagu qasbayo la jihaada ay macaawino kaga qaadanayaan -
Mad man Xasan Dahir holds radio QA in middle of war
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
7. Haddii ay jiraan niman ajnabi ah oo ka barbar dagaallamaya ayuu sheekhu ka siibtay isagoo tii qabyaaladda Soomalida la ‘aaday balse ka gaabsaday ragga Al qaacida lagu tuhmayo ee xamar lagu arkay iyagoo ka dagaallamaya. Mar la waydiiyey in haddii ay dagaalka sii wadaan ay keeni karto in quwado kale dalka soo galaan ayuu sheegay inaysan taa fikirkooda waxba ka badalayn ee ay sidii ula dagaallami doonaan? Waxa la xasuusiyay in Xabashida hal goob oo laga saaray labadii sano aysan jirin ee markii ay baxaysana ay ka wada baxday halkaasi oo loola jeedo inaysan jirin awood ay hal goob xoog kaga saari kareen, awoodaha shisheeye haddii ay hadda soo laabatana laga yaabo inuu sidi xaalku noqdo? 8. Sheekhu wuxuu dadka ugu bishaaraynayey in fooshii lagu jiro oo haddii in yar la samro guusha la gaari doono, wuxuuna dhanka kale ka sheegayaa inuusan hayn siyaasad dalka lagu badbaadin karo, nololna loo heli karo oo wuxuu tibaaxay in ilaa iyo New York cadawgu is dabahaysto oo taa macnaheedu yahay ma hayno xirfad aan ku baajin karno faragalin kale oo timaadda oo in la filan karana uu qirayo, mana hayno awood aan eryaay ku oran karno ee waa jabhadayntii oo aan siyaasadna wadan iyo intii gabari naga harayso waa dagaallamaynaa oo uusan shacabka kana ka qayaar gelinaynin. 9. Nin Maraykan ah oo weydiiyay sababta haatan dhiigga u daadanayo ayuu sheekhu ugu jawaabay inay iyago muddo dheer b52 iyo hub kaloo waaweyn la dhacayeen shacabka Soomaaliyeed, itoobiyana keeneen, maantana ay dantooda yara arkeen ee aysan naxariis ka ahayn, waxaase is weydiin mudan ninka Maraykan uma dhalan dadkaan ee waxa sheikh Xasan uu ugu eg yahay hadalkiisa adinkana horaad u disheen innagana dagaalka waa wadaynaa inta wadaadada uu isagu ku jiro talada loo ogolaanayo inay la gaar noqdaan, dhibka shacabka soo gaaranaya uusan u muuqan. 10. Mar la weydiiyey isaga iyo shabaab inay halka ay shariif kala marayaan ka gaar karto ,iyana wuxuu uga leexday sida uu tii ajaanibta uga weecday, oo ku dheeraaday wixi ay shariifka isku qabteen, waxaase in badan ka cabsi qabtaa in foosha ka dib haddiiba la gaaro ama ka hor ay Xisbiga iyo Alshabaab hadana is qabtaan mar haddii mabaadiida qaar ku kala tagsan yihiin. 11. Sheekhu wuxuu ifiyey in dagaalka dadka wada galay ay kala ujeedo duwanaayeen halkaasina haatan dhibka ka yimid. Qaar dareen qabiil baa waday oo haddii C/llaahi ka dul tagay waa qanceen, Qaar dareen wadani ayaa waday oo haddii Itoobiyaan baxay caalamka kale waa la heshiin karaan, wuxuuse u arkay in wadaadada hadafkoodii aan la gaarin sidase muuqata wadaada qudhooda ayaa sii kala duwanaa oo kuwana haddii amxaaro baxdo, taladana wax looga ogolaado waa garawsadeen in TFG ay wax la wadaagaan, caalamkana masaalix wadaag kula noolaadaan, halka kuwa hubka wataana uu halgankoodu laba sii kala yahay; Xisbiga oo raba in talada wadaadada ad adag loo daayo balse dalkooda ku ekaadaan iyo shabaab oo dunida oo dhan inay xoreeyaan usocda, kuwaasoo iyagana berri kala sii hari doona.