General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Saxardiid, As you was there at the lecture, did he say these comments as reported on the article?
  2. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ee Maamulka Oo Sheegay In Uu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya, Arrintaas Oo Buuq Ka Abuurtay Caasimada Labaad Ee Soomaaliya Hargeysa. Hargeysa.Somalia(Radiolascaanod.com)Mon.03/01/05: Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Maamulka Beelaha Dirta Waqooyi Axmed Maxmed Aadan Qaybe ayaa sheegay mar uu waraysi la yeeshay TV-Hargeysa in uu aamin san yahay midnimada Soomaaliya oo aan cidi ku khasbi Karin in uu ku sii sugnaado Maamulka . Waraysigan Qaybe bixiyey oo uu kaga waramayey arrimo badan ayaa buq ka abuuray Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed ee Hargeysa ee ay hatan ku sugan yihiin jabhada SNM ee Soomaalidiidka ah. Qaybe mar wax laga weydiiyey in uu aaminsan yahay midnimada Soomaaliya ayuu yidhi “Waaan aaminsanahay Midnimada Soomaaliya†waxa kale oo qaybe la weydiiyey in uu safarka haatan dibada ugu baxayo , in uu soo xidhayo xadhkihii uu maamulka isaaqiya ku lid ka ah,waxuuna qaybe isaga oo arrintaas ka jawaabay yidhi “ Hadii aan doonayo cidi iskama kay hortaagi karto, laakiin hada waxaan u baxayaa caafimaadkayga sidii aan u soo baadhi lahaa, maraykana waxa aiigu danbaysay 1999â€. Mar wax laga weydiiyey xadhkihii uu hore u soo xidh xidhay in uu wax ka soo furfurayo ayuu qaybe sheegay in uu hore uga soo horjeedi jiray maamulka Isaaqiya hasa yeeshee hada aanu ahayn wasiirka arrimaha dibada ee maamulka dirta waqooyi ee taasi u taalo wasiirkaasi. Qaybe mar waxa laga weydiiyey in ay xidhiidh lee yihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuu sheegay in ay aqoon wanaagsan isu lee yihiin, xidhiidhkii ugu danbeeyeyna uu la yeeshay sannadkii 2003, cid iska hortaagi kartaana aysan jirin. Qaybe mar uu ka waramaye dhinaca Golaha wakiilada ee beelaha dirta waqooyi wuxuu sheegay hadii uu dhamaado xilligan goluhu oo ku eg bisha May ee sannadkan cusub ayuu sheegay in aanu dib uga mid noqondoonin hadii xataa la kordhiyo, oo iskaga tagi doono, Qaybe ayaa la aaminsan yahay in ay isku dhaceen kuxigeenkiisa koowaad oo sida uu sheegay ku xigeenka Qaybe in aanu doonayn Qaybe in aanay doorashooyin ka dhicin Maamulka beelaha Isaaqiya. waxa kale oo haatan soo shaac baxay in Qaybe ka Cadhooday beelaha Isaaqa oo la filayo in aanu dib ugu soo noqondoonin. Waraysiga Qaybe uu bixiyey ayaa waxa uu buuq xoogle ku abuuray dadka iyagu taageera maamulka dirta waqooyi ee ku nool Hargeysa iyo Burco oo muddo 14 sanno ah ku jiray beercadaad ay u qabaan in ay mar’uun dawlad noqdaan , hasa yeeshee ay marwalba dhirbaaxo kaga imanayso kuwo ay aamineen in ay wax la raadiyaan. Baadida qofbaa kula daydayi Daalna kaa badani , dadku muudi duulwada dhashoo wax u dahsoonayne , aanse doonayn inaad hesho daayin abidkaaye. Radiolascaanod.com Hargeysa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. radiolascaanod@yahoo.com
  3. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe Oo Caddeeyey Inuu Aaminsan Yahay Midnimada Soomaaliya Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 January, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa markii u horreysey caddeeyey inuu aaminsan yahay in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya. “Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,†ayuu yidhi Mudane Qaybe oo lagu waraystay barnaamujka HAL-ADAYG ee Telefishanka Madaxa banana ee Somaliland, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan ra’yiga ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabaan mudane Qaybe oo ah inuu aaminsan yahay Soomaali weyn oo aanu daacad u ahayn Somaliland. “Sideedaba midnimadu wax wanaagsan weeye, laakiin, waa inay caddaalad ku salaysan tahay,†ayuu raaciyey. Waraysigaas oo ka baxay Telefishanka SLTV habeenkii Axaddu soo gelaysey, ayaa mudane Qaybe si saraaxi ah ugaga jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey aragtidiisa siyaasadeed, xaaladda waqtigan Somaliland marayso iyo khilaafaadka ka taagan golihiisa ee ka dhashay xeerka loo diyaarinayo doorashada Golaha Wakiillada ee lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada bisha March. Isaga oo jawaabta su’aasha la xidhiidha mabda’iisa midnimada sii watana, waxa uu yidhi, “Mabda’iyan midnimadu waa wax wanaagsan, laakiin, “practical†ahaan waa inay caddaalad ku salaysnaataaâ€. Mudane Qaybe oo la weydiiyey; Markaa guddoomiye, haddii dadku aqbalayaan in Soomaaliya lala midoobo mar kale, [adigu] waad ku talin lahayd?†Waxa uu yidhi, “Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qaboâ€. Mudane Qaybe, waxa uu waraysigaa ku caddeeyey in haddii doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey bisha 29 March ay qabsoomi kari weydo, isla markaana mudada loo kordhiyo golaha hadda fadhiya in aanu isagu kasii mid noqonayn golaha, marka mudada xilkiisu dhammaado bisha May. Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey su’aal la weydiiyey oo ahayd, “maadaama adiga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, aad sidaa u hadlayso [arrinta midnimada] miyaan la odhan karin raalli kama tihid in doorashadu si cadli ah dalka uga dhacdo? Waxana uu yidhi, “Waxaan raalli ka ahay inay si caddaalad ah u dhacdo [doorashadu]â€. “Midna waan kuu sheegayaa,†ayuu yidhi Qaybe, “Haddii doorashadu wakhtigeedii ku dhici weydo oo la yidhaahdo Golaha Wakiillada waa loo kordhinayaa, aniga bisha May ee 2005 ayay igaga egtahay, xataa haddii Wakiillada loo kordhiyoâ€. Guddoomiyaha Wakiillada, mudane Qaybe oo beryahanba la hadalhayey inuu socdaal ugu baxayo dibadda. Waxaana jira tuhun had iyo goor ka dhasha socdaaladiisa dibadda oo ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu u baxo ama ka shaqeeyo hagardaamada Somaliland, isla markaana uu bixiyo xogo iyo tallooyin u adeegaya mabda’iisa midnimada Soomaaliya, kuna lid ah Somaliland. Balse, Qaybe, wuxuu wararkaas u beeniyey si cadho leh. “Waxa jirtey wakhti aanan Somaliland aaminsanayn oo aan albaabo badan ka soo xidhay,†ayuu yidhi. “Taana waxa igu kellifey dad sidaa u hadlaya. Cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto. Haddii aan doonayo inaan Somaliland ka hor imaaddo waan ka horimanayaa,†ayuu raaciyey. Waxa uu sheegay in Maraykan ay ugu dambeysey 1999kii mar uu Madaxweynihii hore, marxuum Cigaal safar u raacay, Ingiriiskana horraantii 2004 oo iyadana u raacay wefti Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey. “Anigu waxaan tagaa Abu Dhabi, UAE oo hadba waan isa soo jeeg-gareeyaa [medical check up]†ayuu yidhi Qaybe. Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi, “Anigu ma waxaan ahay Wasiir Arrima dibadeed. Ma England iyo Maraykan ayaan tagaa, mise Carabta ayay xadhkahaasi yaallaanâ€. “Markaad hawlahaas oo kale qabanayso waa inaad meel ka socotaa. Anigu ma ihi Wasiirka Arrimaha Dibadda, su’aashaasina ma taagna,†ayuu raaciyey. Qaybe waxa kale oo uu markii u horreeyey qirtay xidhiidh muddo dheer la tuhunsanaa inuu la leeyahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Mar la weydiiyey wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Puntland, isla markaana uu marar badan ka hordegey tallaabooyin ay Somaliland qaadi lahayd? Waxa uu yidhi mudane Qaybe, “Cabdillaahi Yuusuf waa nin aanu weligayo is naqaaney. Maalintii uu Sool soo galay ayaa iigu dambeysey xidhiidhkiisa,†ayuu yidhi. Ma sheegin waqtiga ay ciidamada Cabdillaahi Yuusuf soo galeen Sool, balse, waxa la filayaa inuu u jeedo dabayaaqadii Dec, 2003 markii ciidamada Puntland sida buuxda ula wareegeen magaalada Laascaanood. Waxana uu yidhi, isaga oo ka warramaya wixii ay ka wadahadleen xidhiidhkoodii ugu dambeeyey, “Nayroobi baan kula hadlay oo aan idhi ciidanka naga saar, wuxuuna yidhi, aniga ma aha ee waa Ina Cabdi Xaashi. Waxaan ku idhi adigaa Madaxweyne u ah askarta Sool ku jirta iyo Ina Cabdi Xaashi ee amar sii. Maalintaas ayaa iigu dambeyseyâ€. “Haddii aan doonayo Cabdillaahi Yuusuf xidhiidh inaan xidhiidh la yeesho cid iga hortaagani ma jirto, cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto, Somaliland taladayda ayaan ku joogaa,†ayuu raaciyey, isaga oo wararka noocaas ah ku cambaareeyey kuwo uu ku tilmaamay “dad cayayaan ah†oo aan waxba ogeyn, kuwaas oo ay saxaafaddu waraysato. Waxaana dadkaa ka mid ah oo uu xusay Wasiirkuxigeenkii hore ee Xannaanada Xoolaha, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ay isku deegaan ka yimaaddeen Qaybe, isla markaana, la ogyahay inuu aad u dhalliilo mudane Qaybe. Waraysiga waxa uu bixiyey Qaybe, mar culays weyni kaga yimi shirguddoonka xeerka Doorashada iyo ansixinta miisaaniyadda 2005, taas oo sababtay inuu iscasilaad qoro Kuxigeenkiisa 1aad, mudane Cabdulqaaddir Jirde oo golaha sii wadi lahaa maadaama la sheegay in Qaybe u baxayo dibadda. Waxaana intii xiisadda xeerarkani kacsanayd la maqlay in Qaybe ugu hanjabey mudanayaasha golaha inuu iskaga tegayo Somaliland oo uu bilaabayo ololihiisa Soomaaliweyn oo lagu xamanayey. Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.
  4. Prof. Axmed I Samatar oo jiritaanka Aakhiro Inkiray!!!!! Waagacusub Online 03/01/05 London Waxaa maalmahaan booqasho ku joogay London , Prof Axmed Ismail Samatar, oo ka ah Professor Macalester College, ee Mineapolis U.S.A , wuxuuna hadal ka jeediyey dhowr meelood, oo ku yaala magaaldaan London, isagoo la hadlayey dadka soomaaliyeed. Ugu horeyntii wuxuu hadal ka jeediyey kulan ka dhacay galbeedka London 27/12/04, wuxuuna ka hadlay mowduuc ahaa ( YAA U BAAHAN SOOMAALINIMO) wuxuuna usoo jeediyey si heer sare ah oo ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeyb galay, uguna hambalyeeyeen Professorka imaatinkiisa iyo sida wanaagsan ee uu u hadlay,. kulankii labaad ee uu ka hadlo Professorka ayaa wuxuu dhacay 01/01/05, kana dhacay North London, Masaajidka Finsbury Park qolkiisa shirarka, waxaana ka soo qeyb galay dad soomaaliyeed oo maalintii hore joogay iyo kuwo ku cusbeed la kulanka Prof.Samatar oo aad horey loogu amaaney. Prof. wuxuu ka hadlay moowduuc ciwaankisu ahaa SOOMAALIDA DIBADA KU NOOL , FURSADAHA IYO CAQABADAHA HOR YAAL) , Profku wuxuu ka hadlay sida ay soomaalidu dibada ineey timaado usoo bilaabatay , wuxuuna xusayna in ay waagii hore soomaalidii dibada usoo baxday ay u badnaayeen rag u badna ineey soo tacabireen iyo badmaaxiin , balse in soomaalida soo baxday dagaaladii ka dib ay heysatay dhibaato ku khasbeysay ineey dalkooda ka soo baxaan , taasina ay keentay in soomaalida dibada joogta maanta ay isugu jirto cid kasta , waayeel, caruuru, dhalinyaro, dumar . Wuxuu kaluu Profku ka hadlay in jaaliyadaha dibada joogo ee umadaha kale ay dalkoodii ay ka yimaadeen taageeraan, wuxuuna tusaale usoo qaatey in Israel ay ku dhisantahay taageerada uga timaada dadka yuhuuda ah ee ku nool addunweynaha. Profku wuxuu xusay in aduunka maanta ay ugu liitaan Muslimiinta iyo Afrikaanka, soomaalidana ay labadaaba ka tirsantahay, loona baahanayahay in laga fikiro sidii horumarka looga qeybqaadan lahaa , wuxuuna xusay in maanta furaha aqoonta ay tahay luqada Englishka , sidaa dated loo baaahanyahay in aad loo barto luqada Englishka maadaama ay tahay luqada ugu badan oo uu cilmiga ku qoranyahay , xirfadna la barto , si aan uga qeybqaadano tartanka nolosha horumarsan Wuxuu kaloo sheegay in aan isku xirnaano oo nidaam iyo sharciyo ay salkooda yihiin diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga degsano kuna dhaqano, qabyaalada iyo goboleysigana leeska dhaafo oo soomaalinimada la ilaaliyo. Prof. Samatar wuxuu yiri in loo baahanyahay in aan ilmaheena iyo dumarkeena barno kuna gubaabino sidii ay aduunka aad uga shaqeysan lahaayeen , waxna uga qabsan lahaayeen , balse Aakhiro dood baan ka qabaa ayuu yiri Prof Samatar, wadaadana waxaan iraahdaa aakhiro waxba ha iiga sheegina, waayo, waxa isku keen xiraya waa aduunka , ee ma ahan aakhiro, mana jirto cid ka soo warantay oo aakhiro ka timid oo war ka keentay , marka meel aan war laga heyn ha isku wareerinina, inaan ilaah caabudana waa arin shaqsi ah oo aniga igu xiran ( Private issue) , qofkii addunka wax ka qabsada ayaa aakhirana meel fiican tagaya.. Markuu sidaa yiri ayaa dadkii dhageeysanayey isku wada naxeen, waayo maka fileynin hadalkaa , maadaama goobtana aheyd hoolkii masaajidka , markaasaa waxaa su,aal weeydiiyey nin la yiraa Sh Ibraahin Muuse oo ka mid ah culumadii joogtay meesha , wuxuuna yiri , Prfesoore waad ku mahadsantahay muxaadaradaada, iyo sida aad noola hadashay , waxaanse kuu soo jeedinayaa laba arimood, 1-Inaad ogaato in culumadu yihiin dad ka mid ah aqoonyahanada, oo wax garanaya ee aysan aheyn dad jaahiliin ah aadana yareysan hadalkooda 2- In sidii aad aduunyada noogu gubaabisay aad aakhirana noogu gubaabiso oo aad ogaato in aduun iyo aakhiro yihiin laba nolol oo jiro oo mid kastaa loo baahanyahay in loo shaqeysto. Prof.Samatar wuxuu yiri in ay xiriir yeeshaan dadka aan diinta shaqo ku laheyn (Seculars) sideeydoo kale iyo culumada diinta islaamka waxba kama qabo. Mida aakhiradase dood baan ka qabaa , waxaana diyaar u ahay inaan wixii dood ah ee si edeb leh loo qabanayo aan ka qeyb galo Markeey meeshaa mareeyso ayaa wakhtigii dhamaaday lana joojiyey kulankii, markaasaa waxaa bilowday sawaxan ,iyo guux dadkii meesha joogay oo filan waayey , hadalka kasoo yeeray Profka ay uga yimaadeen daafaha London ineey dhageystaan waxa uu ku hadlay , waxaana bilowday ineey la hadlaaan si koox koox ah, waxaana dhacday in nin dhalinyaro ah ku yiri Profka , nin soomaali ah oo walaalkeey ah baa tahay ee yeeysan Aakhiro shaki kaa gelin wuxuuna ugu jawaabay Prof Samatar, adaa Aakhiro wakiil iiga ah. Waxaa kaloo la weeydiiyey Prof Samatar ma ogtahay in diidida aakhiro ay tahay Murtadnimo ( Diinta ka bixid ), wuxuuna yiri waan ogahay, balse sidaasaan aaminsanahay, . Sidoo kale dadkii la hadlay Prof Samatar waxaa ka mid ahaa Sh Cali Wardheere oo ku yiri hadii aad sidaan u hadleeysid inaad noo sii sheegto ayeey aheyd oo aan wax ka niraa wixii aad tiri , balse hada wixii aad dhihi laheyd waad dhahday inagana wakhti aan uga jawaabno ma leh, marka ma ahan inaad dadka hadal ku tuurtid iskana tagto. Sidoo kale dadki la hadlay waxaa ka mid ahaa Axmed Sh Maxamed oo ah gudoomiyaha Muslim Association of Britain (MAB) oo ka mid ahaa dhageystayaashii , wuxuuna ku yiri , inaadan islaamka iyo wixii ay culumasiisa ka qoreen aadan wax badan ka aqrinin ayaa kaa muuqato, nin akadeemic ahna waad tahay , mana ahan in adoon wax badan ka aqrinin islaamka aad iskala soo boodo diidmo iyo inkiraada Aakhiro. Waxaana meesha lagu soo kala tagay iyadoo qof kasto yaabanyahay, waayo waa markii ugu horeeysay waayadaan, uu qof soomaali ah si bareer ah u inkiro aakhirada, oo aan ognahay ineey ka mid tahay rumeynteeda IIMAANKA, wuxuuna qof kastaa ka shalaayey waxa maanta meesha keenay . Hadaba akhristoow waxaa ka muuqda hadalka iyo dhaqanka Prof Axmed Ismail Samatar dhawr amuurood, oo ay mid tahay :- 1- Ku jeesjeesid diinta islaamka oo islaam ka bixid ka dhadhameyso 2- Ixtiraam daro 3- Isburin 4- Aqoon gaabni iyo wax ka ogaan yari xaga diinta islaamka ah 5- Ujeedo xumo Hadaba waxaan jeclahay inaan ku soo gab gabeeyo wax usoo jeedin aan usoo jeedinayo Prof Axmed Ismail Samatar Marka hore waxaan jeclahay inaan kuu soo jeediyo inaad diidida aad diiday jiritaanka Aakhiro aad ka soo laabato, waayo waxeey ka mid tahay iimaanka salka u ah diinteena islaamka , hadii aad ogtahay inaad islaamka ka baxdayna aad islaamnimadaada usoo laabato , waayo Islaamnimadu waa shey qaali ah oo uu allah nagu manyestay , taasoo ay ka marag kaceen dadka soo islaamay oo ay ugu danbeysay gabadha Britishka ah oo weriyaha ah oo ay Dhaalibaan xiri jireen ( Yvonna Ridley ), waxaa kaloo kuu soo jeedinayaa inaad si dhab u akhrisid una baartid diinta islaamka , waayo ? islaam baan ahay Aakhiro waan diidi meel ma wada geli karaan , oo hadii aakhiro aan diidno jiritaankeeda maxaa inoo dhaxeeya inaga iyo gaalada, waxaana meesha ka baxeeysa sababta allah inoo abuuray oo ah inaan caabudno isaga kaliya , oo hadii aan caabudi weynana ay jiri doonto maalin nalala xisaabtami doono ( Judgement day ) , Qofkastana wuxuu ogyahay inuu dhiman, muslin iyo gaalba, marka markaad dhimato maxaa xigi weeye su,aashu? Mida kale waxaa ka muuqatay muxaadaradaadi danbe ixtiraam daro aad u heysid diinta islaamka iyo walaalahaa soomaaliyeed ee muslimiinta ah !! waxaad hortooda si aan ganbad laheyn u inikirtay uguna jeesjeestay tiir ka mid ah aasaaska rumeynta diinteena islaamka , taasoo aysan sameeynin xitaa gaalada , waxaadna dhabarka ka tuurtay ixtiraamka ay kuu hayeen oo ah sidii laguugu soo dhaweeyey London, una soo camireen muxaadarooyinkaadii , sidoo kale waxaad ixtiraami weysay meesha aad muxaadrada ku qabatay oo aheyd Masjid oo ah goob cibaado, . Hadaladaadii waa ay is burinayeen tusaale ahaan : maalintii 27/12/04, waxaad sheegtay in dhisitaanka qaran ay tahay in la helo =Dad , Dhaqan , iyo Caqiido, iyo Degaan , waxaad kaloo sheegtay in diintu ay tahay aasaaska nolosha, loona baahanayahay in la ilaaliyo , maalintii danbena oo aheyd 01/01/05, waxaad sheegtay, in aan sameeysano sharci salkiisu yahay diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga , waxaad kale oo aad sheegtay inaad tahay Secular , oo aadan diin shaqo ku laheyn, marka soow hadaladaada is burin mayaan? Waxaa kaloo hadaladaada ku jiray in maanta aduunka islaanimada geeska leesku gelinayo halgana uu ka socdo , loona baahanyahay inaan meeshii aan halgankaa ka geli laheyn isu diyaarino ? Waxaa kaloo iisoo baxay inaadan cilmi baaris badan aadan ku sameeynin Diinta Islaamka ee fadlan si fiican diinta islaamka cilmi baaris ugu samee, mida xigta soomaali ayaad tahay, hadii aadan caqiidada islaamka aaminsaneyna umadda dhexdeeda iyo guud ahaan muslimiinta micno badan ma u sameeyneeysid, ee waxaad noqon nin ummadiisa dhexdeeda ku ah ajnabi, ee Professore ummadu waa kuu baahantahay adigana waad u baahantahay ee islaamnimadaada xooji , waxaadna ogaataa in aad niyadjab badan ku riday dad fara badan oo aad kuu taageersanaa , waxaana kaa rajeeynayaa inaad ka toowba keento wixii aad tiri, . Waxaa qoray :Abdullahi Nur Osman Aosman66@yahoo.co.uk- London UK. editor@waagacusub.net Ku Noqo Wararka hore
  5. Prof. Axmed I Samatar oo jiritaanka Aakhiro Inkiray!!!!! Waagacusub Online 03/01/05 London Waxaa maalmahaan booqasho ku joogay London , Prof Axmed Ismail Samatar, oo ka ah Professor Macalester College, ee Mineapolis U.S.A , wuxuuna hadal ka jeediyey dhowr meelood, oo ku yaala magaaldaan London, isagoo la hadlayey dadka soomaaliyeed. Ugu horeyntii wuxuu hadal ka jeediyey kulan ka dhacay galbeedka London 27/12/04, wuxuuna ka hadlay mowduuc ahaa ( YAA U BAAHAN SOOMAALINIMO) wuxuuna usoo jeediyey si heer sare ah oo ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeyb galay, uguna hambalyeeyeen Professorka imaatinkiisa iyo sida wanaagsan ee uu u hadlay,. kulankii labaad ee uu ka hadlo Professorka ayaa wuxuu dhacay 01/01/05, kana dhacay North London, Masaajidka Finsbury Park qolkiisa shirarka, waxaana ka soo qeyb galay dad soomaaliyeed oo maalintii hore joogay iyo kuwo ku cusbeed la kulanka Prof.Samatar oo aad horey loogu amaaney. Prof. wuxuu ka hadlay moowduuc ciwaankisu ahaa SOOMAALIDA DIBADA KU NOOL , FURSADAHA IYO CAQABADAHA HOR YAAL) , Profku wuxuu ka hadlay sida ay soomaalidu dibada ineey timaado usoo bilaabatay , wuxuuna xusayna in ay waagii hore soomaalidii dibada usoo baxday ay u badnaayeen rag u badna ineey soo tacabireen iyo badmaaxiin , balse in soomaalida soo baxday dagaaladii ka dib ay heysatay dhibaato ku khasbeysay ineey dalkooda ka soo baxaan , taasina ay keentay in soomaalida dibada joogta maanta ay isugu jirto cid kasta , waayeel, caruuru, dhalinyaro, dumar . Wuxuu kaluu Profku ka hadlay in jaaliyadaha dibada joogo ee umadaha kale ay dalkoodii ay ka yimaadeen taageeraan, wuxuuna tusaale usoo qaatey in Israel ay ku dhisantahay taageerada uga timaada dadka yuhuuda ah ee ku nool addunweynaha. Profku wuxuu xusay in aduunka maanta ay ugu liitaan Muslimiinta iyo Afrikaanka, soomaalidana ay labadaaba ka tirsantahay, loona baahanayahay in laga fikiro sidii horumarka looga qeybqaadan lahaa , wuxuuna xusay in maanta furaha aqoonta ay tahay luqada Englishka , sidaa dated loo baaahanyahay in aad loo barto luqada Englishka maadaama ay tahay luqada ugu badan oo uu cilmiga ku qoranyahay , xirfadna la barto , si aan uga qeybqaadano tartanka nolosha horumarsan Wuxuu kaloo sheegay in aan isku xirnaano oo nidaam iyo sharciyo ay salkooda yihiin diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga degsano kuna dhaqano, qabyaalada iyo goboleysigana leeska dhaafo oo soomaalinimada la ilaaliyo. Prof. Samatar wuxuu yiri in loo baahanyahay in aan ilmaheena iyo dumarkeena barno kuna gubaabino sidii ay aduunka aad uga shaqeysan lahaayeen , waxna uga qabsan lahaayeen , balse Aakhiro dood baan ka qabaa ayuu yiri Prof Samatar, wadaadana waxaan iraahdaa aakhiro waxba ha iiga sheegina, waayo, waxa isku keen xiraya waa aduunka , ee ma ahan aakhiro, mana jirto cid ka soo warantay oo aakhiro ka timid oo war ka keentay , marka meel aan war laga heyn ha isku wareerinina, inaan ilaah caabudana waa arin shaqsi ah oo aniga igu xiran ( Private issue) , qofkii addunka wax ka qabsada ayaa aakhirana meel fiican tagaya.. Markuu sidaa yiri ayaa dadkii dhageeysanayey isku wada naxeen, waayo maka fileynin hadalkaa , maadaama goobtana aheyd hoolkii masaajidka , markaasaa waxaa su,aal weeydiiyey nin la yiraa Sh Ibraahin Muuse oo ka mid ah culumadii joogtay meesha , wuxuuna yiri , Prfesoore waad ku mahadsantahay muxaadaradaada, iyo sida aad noola hadashay , waxaanse kuu soo jeedinayaa laba arimood, 1-Inaad ogaato in culumadu yihiin dad ka mid ah aqoonyahanada, oo wax garanaya ee aysan aheyn dad jaahiliin ah aadana yareysan hadalkooda 2- In sidii aad aduunyada noogu gubaabisay aad aakhirana noogu gubaabiso oo aad ogaato in aduun iyo aakhiro yihiin laba nolol oo jiro oo mid kastaa loo baahanyahay in loo shaqeysto. Prof.Samatar wuxuu yiri in ay xiriir yeeshaan dadka aan diinta shaqo ku laheyn (Seculars) sideeydoo kale iyo culumada diinta islaamka waxba kama qabo. Mida aakhiradase dood baan ka qabaa , waxaana diyaar u ahay inaan wixii dood ah ee si edeb leh loo qabanayo aan ka qeyb galo Markeey meeshaa mareeyso ayaa wakhtigii dhamaaday lana joojiyey kulankii, markaasaa waxaa bilowday sawaxan ,iyo guux dadkii meesha joogay oo filan waayey , hadalka kasoo yeeray Profka ay uga yimaadeen daafaha London ineey dhageystaan waxa uu ku hadlay , waxaana bilowday ineey la hadlaaan si koox koox ah, waxaana dhacday in nin dhalinyaro ah ku yiri Profka , nin soomaali ah oo walaalkeey ah baa tahay ee yeeysan Aakhiro shaki kaa gelin wuxuuna ugu jawaabay Prof Samatar, adaa Aakhiro wakiil iiga ah. Waxaa kaloo la weeydiiyey Prof Samatar ma ogtahay in diidida aakhiro ay tahay Murtadnimo ( Diinta ka bixid ), wuxuuna yiri waan ogahay, balse sidaasaan aaminsanahay, . Sidoo kale dadkii la hadlay Prof Samatar waxaa ka mid ahaa Sh Cali Wardheere oo ku yiri hadii aad sidaan u hadleeysid inaad noo sii sheegto ayeey aheyd oo aan wax ka niraa wixii aad tiri , balse hada wixii aad dhihi laheyd waad dhahday inagana wakhti aan uga jawaabno ma leh, marka ma ahan inaad dadka hadal ku tuurtid iskana tagto. Sidoo kale dadki la hadlay waxaa ka mid ahaa Axmed Sh Maxamed oo ah gudoomiyaha Muslim Association of Britain (MAB) oo ka mid ahaa dhageystayaashii , wuxuuna ku yiri , inaadan islaamka iyo wixii ay culumasiisa ka qoreen aadan wax badan ka aqrinin ayaa kaa muuqato, nin akadeemic ahna waad tahay , mana ahan in adoon wax badan ka aqrinin islaamka aad iskala soo boodo diidmo iyo inkiraada Aakhiro. Waxaana meesha lagu soo kala tagay iyadoo qof kasto yaabanyahay, waayo waa markii ugu horeeysay waayadaan, uu qof soomaali ah si bareer ah u inkiro aakhirada, oo aan ognahay ineey ka mid tahay rumeynteeda IIMAANKA, wuxuuna qof kastaa ka shalaayey waxa maanta meesha keenay . Hadaba akhristoow waxaa ka muuqda hadalka iyo dhaqanka Prof Axmed Ismail Samatar dhawr amuurood, oo ay mid tahay :- 1- Ku jeesjeesid diinta islaamka oo islaam ka bixid ka dhadhameyso 2- Ixtiraam daro 3- Isburin 4- Aqoon gaabni iyo wax ka ogaan yari xaga diinta islaamka ah 5- Ujeedo xumo Hadaba waxaan jeclahay inaan ku soo gab gabeeyo wax usoo jeedin aan usoo jeedinayo Prof Axmed Ismail Samatar Marka hore waxaan jeclahay inaan kuu soo jeediyo inaad diidida aad diiday jiritaanka Aakhiro aad ka soo laabato, waayo waxeey ka mid tahay iimaanka salka u ah diinteena islaamka , hadii aad ogtahay inaad islaamka ka baxdayna aad islaamnimadaada usoo laabato , waayo Islaamnimadu waa shey qaali ah oo uu allah nagu manyestay , taasoo ay ka marag kaceen dadka soo islaamay oo ay ugu danbeysay gabadha Britishka ah oo weriyaha ah oo ay Dhaalibaan xiri jireen ( Yvonna Ridley ), waxaa kaloo kuu soo jeedinayaa inaad si dhab u akhrisid una baartid diinta islaamka , waayo ? islaam baan ahay Aakhiro waan diidi meel ma wada geli karaan , oo hadii aakhiro aan diidno jiritaankeeda maxaa inoo dhaxeeya inaga iyo gaalada, waxaana meesha ka baxeeysa sababta allah inoo abuuray oo ah inaan caabudno isaga kaliya , oo hadii aan caabudi weynana ay jiri doonto maalin nalala xisaabtami doono ( Judgement day ) , Qofkastana wuxuu ogyahay inuu dhiman, muslin iyo gaalba, marka markaad dhimato maxaa xigi weeye su,aashu? Mida kale waxaa ka muuqatay muxaadaradaadi danbe ixtiraam daro aad u heysid diinta islaamka iyo walaalahaa soomaaliyeed ee muslimiinta ah !! waxaad hortooda si aan ganbad laheyn u inikirtay uguna jeesjeestay tiir ka mid ah aasaaska rumeynta diinteena islaamka , taasoo aysan sameeynin xitaa gaalada , waxaadna dhabarka ka tuurtay ixtiraamka ay kuu hayeen oo ah sidii laguugu soo dhaweeyey London, una soo camireen muxaadarooyinkaadii , sidoo kale waxaad ixtiraami weysay meesha aad muxaadrada ku qabatay oo aheyd Masjid oo ah goob cibaado, . Hadaladaadii waa ay is burinayeen tusaale ahaan : maalintii 27/12/04, waxaad sheegtay in dhisitaanka qaran ay tahay in la helo =Dad , Dhaqan , iyo Caqiido, iyo Degaan , waxaad kaloo sheegtay in diintu ay tahay aasaaska nolosha, loona baahanayahay in la ilaaliyo , maalintii danbena oo aheyd 01/01/05, waxaad sheegtay, in aan sameeysano sharci salkiisu yahay diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga , waxaad kale oo aad sheegtay inaad tahay Secular , oo aadan diin shaqo ku laheyn, marka soow hadaladaada is burin mayaan? Waxaa kaloo hadaladaada ku jiray in maanta aduunka islaanimada geeska leesku gelinayo halgana uu ka socdo , loona baahanyahay inaan meeshii aan halgankaa ka geli laheyn isu diyaarino ? Waxaa kaloo iisoo baxay inaadan cilmi baaris badan aadan ku sameeynin Diinta Islaamka ee fadlan si fiican diinta islaamka cilmi baaris ugu samee, mida xigta soomaali ayaad tahay, hadii aadan caqiidada islaamka aaminsaneyna umadda dhexdeeda iyo guud ahaan muslimiinta micno badan ma u sameeyneeysid, ee waxaad noqon nin ummadiisa dhexdeeda ku ah ajnabi, ee Professore ummadu waa kuu baahantahay adigana waad u baahantahay ee islaamnimadaada xooji , waxaadna ogaataa in aad niyadjab badan ku riday dad fara badan oo aad kuu taageersanaa , waxaana kaa rajeeynayaa inaad ka toowba keento wixii aad tiri, . Waxaa qoray :Abdullahi Nur Osman Aosman66@yahoo.co.uk- London UK. editor@waagacusub.net Ku Noqo Wararka hore
  6. minimum is $10.00 dollars lets reach the target..PPL GIVE
  7. Give $10.000 dollars minimum each and lets reach the target.. From this section with all the heavy hitters we should be able to raise at least $500.00
  8. Qorshel, thanks bro.. We need to raise the alarm on this..
  9. Heshiis Culus oo dhexmaray Dawlada Ethiopia iyo Maamulka Puntland By Shacab Posted to the web 02-01-2005, 16:32:56 Garoowe:-Waraysi kooban oo uu la yeeshay Wargayska Shacab oo ka soo baxa magaalada Garoowe, Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdi-nuur Cilmi Maxamuud (Biindho) oo todobaadkan ka soo laabtay wadanka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddo laba bilood ah ku maqnaa dalkaasi lana yeeshay kulamo kala duwan madaxda sare ee dalka Ethiopia, iyagoo ka wada hadlay arimo la xiriira iskaashiga ganacsiga labada dhibac siiba dhinacyada Ganacsiga, Siyaasada iyo Guud ahaan xaalada nabadgalyo ee Gobolka, wuxuuna u dhacay sidan. S/Mudane, marka hore waxaad nooga warantaa ujeedooytinka aad ku tagteen Itoobiya iyo wixii aad kala kulanteen? J. Socdaalkii Itoobiya aanu ku tagnay waxuu ka dambeeyay wadahadalo soo taxnaa oo laba dhinac u socday oo heer Wasiir ilaa heer Madaxwayne lahaa, iyadoo wafdigii itoobiyaanka ee heerka Wasiir ahaa ee halkaan inala joogay muddo todobaad ah intaas oo wadahadal ah intaas oo wadahadal ah ayaa socdaalkayagu ka dambeeyay, dhammaan wadahadaladaasi waxay ahaayeen kuwo hal ujeedo leh iyadoo Itoobiya iyo Puntland ay yihiin laba wadan oo leh xiriir daris wanaag waxaa muuqatay in ay iska kaashadaan sidii ay u hormarin lahaayeen xidhiidhada gancsi siyaasadeed iyo isdhexgal taas oo lagu heli karo midaynta aragtida siyaasadeed ee labada dhinacba ugu duuli karaan is-dhaafsiga danaha ka dhaxeeya, hadii aanu halkaas tagnay waxaanu run ahaantii kala kulanay soo dhawayn heer qaran ah iyo is-afgaradba iyadoo iyadoo ay halkaas noogu yimaadeen intii aanu joognay Madaxwaynaha DFKS Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwaynaha DG Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, iyagoo nala rixay arimihii nagu adkaaday waxaanu kala saxiixanay dhammaan arimhii aan u tagnay ee ku luglahaa is-dhaafsiga ganacsiga iyo midaynta aragtida siyaasadeed ee labada dhinac kuwada shaqaynayaan iyo waliba dhinaca difaaca oo ay Itoobiya ka muujisay rabitaan dhab ah. Waanu soo dhammaysanay, waxaanu horkeenay shirka Golaha Wasiirrada ee arbacadii toddobaadkan dokumentiyadii qeexayay heshiisyadii aanu qalinka ku soo duugnay ee Itoobiya aanu wada galnaygaar ahaan arrimaha i khuseeya ee hoos imaanaya Wasaaradda Ganacsiga waa kala beddelashaa qalabka iyo badeecadaha sida Itoobiya oo laga soo qaadanayo dhismaha dhismaha iyo korontada oo aad uga jaban kuwa dibedda iyo cunnada sida khudaarta, baradhada, sokorta, shaaha, bunka, jaadka iyo guud ahaanba xoolaha nool. Habka loo jaan-goynayo socodsiinta heshiiskan oo aanu si wadajir ah u soo saari doono waxaa ka mid ah: Gaadiidka xammuulka oo loo sameyn doono miisaaniyad (budget) ama taarikooyin ay labada dhinacba ku geli karaan. Dhinaca Puntland waxaa laga qaadayaa kalluunka, hargaha, milixda, meydiga, fooxa, haddiga, xabkaha oo dhan iyo wixii kaloo kheyraad ah oo dalkeenna ka soo baxa, waxaana laga dhigtay seladda dhexe ee kulminaysa labada dhinac magaalada Wardheer. S/Mudane: Ma Wasaaradaha Ganacsiga ee Itoobiya iyo Puntland ayaa u idman socodsiinta iyo fulinta nooca is-dhaafsigaan ganacsi, mise wakiillo ganacsi sida shirkado ayaa loo iman doonaa ? J/ Dabcan, labada wakiil ganacsi waa labada wasaaradood, balse hordhac ahaan waxaan sameynay laba shirkadood oo aad u waaweyn, mid Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Biftodinsho, waa shirkad ballaaran oo laamo ganacsi oo fara badan, taasoo naloogu sheegay inay leedahay shaqaale dhan 3,600 qof, iyadoo xaggeena ay matali doonto shirkad ganacsi oo horay asaaskeeda u lahaayeen Md, Cabdulaahi Yuusuf Axmad iyo wasiirkii aniga iga horreeyay Md, Faarax Dooxa-joog, shirkaddaas waxaa la yiraahdaa SOMETH, Somali Ithiopian Trade Sharing Co. Labadaas shirkadood ayaa ilaa imminka aan ogahay wax leysamo u leh, kuwaas ayaana u idman is-dhaafsiga qalabka iyo badeecadaha ganacsi ee labada dhinac, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin labada wasaaradoodba, balse qof kastaa oo waddani reer Puntland way u furan tahay inuu miisaan leysan ganacsi ka qaato wasaaradda, kana shaqeysto labada dalba. S/Mudane: Qeybaha ganacsi ee labada dhinac is-dhaafsanayaan maxaa ka mid ah kuwa u soo horreeya ? J/ Waxaa ka mid ah Jaadka oo soo mari doona hawada, waxaa la inaga qaadi jiray lacag adag oo maalinle ah oo geli jirtay Itoobiya, iyadoo aanay jirin wax inooga soo noqdaa, balse hadda waxaan soo dhameysanay in tiro kastaba ha lahaadee, haddii uu yahay shan ama afar kartoon jaadkii diyaaraddu keento in aan ugu beddelno oo diyaaraddii dib u sii qaaddo badeecad u dhiganta siiba kalluun. Waxaa sidoo kale xooga xaggooda ka imaanaya khudaarta sida baradhada, halka ay milixduna noqon doonto mid xaggeena uga tagta oo soo hoyn doonta lacag adag. S/Mudane: Haddii aynu u leexano dhinaca siyaasadda, hadda ka hor Puntland kuma lahayn Itoobiya wakiil matala maamulka ama arrimaha siyaasadeed ama ganacsi, hadda ma ku darsateen qorsha-hawleedkiina in aad u magacaabataan wakiil matalaya Maamulka Puntland kan Itoobiya ? J/ Dabcan, arrimaha aanu soo dhamaysanay ayay ka mid ahayd intii aanu joognay ayaana magacaabanay wakiil u taagan Maamulka Puntland siiba arrimaha ganacsi, warqadihiisii aqoonsigana waa loo ansixiyay labada dhinacba, fadhigiisuna wuxuu noqon doonaa Dirir-dhabe iyo magaala-madaxda kililka shanaad ee Soomaalida oo hadda xafiisyadeedii uga furan yihiin, kaas oo ku simi doonaa ninka ay dawladda dhexe ay ka soo magacaabi doonto safiirkii iyo weliba Commercial attach matali doona arrimaha ganacsi, isaguna wuxuu noqon doonaa mid safaaradda la shaqeeya oo gaar ah Maamulka Puntland. Xigasho Wargayska Shacab Garoowe,Puntland,Soomaaliya
  10. Many thanks, to admin for giving us a way to help alleviate the suffering of the survivors the Tsunami. Please give, anything will be better than nothing. Please contribute in anyway that you possibly can.
  11. Many thanks, to admin for giving us a way to help alleviate the suffering of the survivors the Tsunami. Please give, anything will be better than nothing. Please contribute in anyway that you possibly can.
  12. Jaajus, never heard of a big Bacadweyn near Hobyo. In life you always learn new things. As for Bacadweyn its big now bro...
  13. Many thanks, to admin for giving us a way to help alleviate the suffering of the survivors the Tsunami. Please give, anything will be better than nothing. Please contribute in anyway that you possibly can.
  14. Many thanks, to admin for giving us a way to help alleviate the suffering of the survivors the Tsunami. Please give, anything will be better than nothing. Please contribute in anyway that you possibly can.
  15. Many thanks, to admin for giving us a way to help alleviate the suffering of the survivors the Tsunami. Please give, anything will be better than nothing. Please contribute in anyway that you possibly can.
  16. Juma, give us a break bro. You know there aint no Bacadweyn in South Mudug as there is no Hobyo in north Mududg.
  17. Halgankii Madaxweyne Muxamed Cabdi Xaashi & Kooxda Reer Sool ee loo soo igmaday By Ladan Haaji Posted to the web 01-01-2005, 17:00:57 Afeef: (Qormadan waxaa masuul ka ah ama xikmadeedu ku egtahay qoraaga, masuuliyadeeduna ma quseyso mulkiilaha jariiradan ama websitekan. waa fikrad ku kooban qoraaga keliya). Taariikhdu Heerka ay doonto ha noqotee waa aqoon wax lagu tixraaco, xasuusto, waayoarko, ama wax lagu qiimeeyo, Gaar ahaan waa aqoon ka dhalata dalkastaa ama shaksi walba waxa laga arko. intaas kadib, waxaan rabaa akhristow in qormadan aan ku tixraaco ama aan wax ka taabto halgankii uu Madaxweyne Mohamed Abdi Hashi uu u soo galay Umada Soomaliyeed,Gaar ahaan dadka ku nool Dawlad goboleedka Puntland. Mr. Xaashi isla haddana u cararaya Jagada Madaxweyninimada Dawlad goboleedka Puntland sadexda Sano ee soo socota. Intaas dabadeed, waxaan soo koobayaa dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee shakhsiyaadka loo adeegsanayo in ay majaxaabiyaan ololaha doorashade ee Mudane Xaashi iyo cawaaqib xumada aya ku keeni karaan maadaama ay ahaayeen niman u xusul duubnaa muddo dheer sida ay halgalkaas gacanta ugu gelin lahaayeen Jamhada SNM ee ka talisa gobolada waqooyiga Soomaliya qaarka mid ah, isla markaana weerar joogto ah ku soo qaaday degaanada Puntland ee Sool, Sanaag bari, iyo ceyn, weerarkii ugu danbeeyeyna dhacay bishii Oct, 29, 2004. Waa kuma Moxamed Cabdi Xaashi? Ugu horeyntii, hadii aan soo koobo aqoontayda gaaban ee aan ka ogahay shakhsiyada Mudane Mohamed A. Hashi. Waa Nin daacad ah, yaqaan waxa uu rabo,waa aqoonyahan Midnimada Soomaliya meel fog kaga taal, waa Halyey doonaya Qaranimo Soomaaliyeed oo timaada. Waa mid ka mid ah aqoonyahanadii Soomaliyeed ee dhaliyey gobonimadii Soomaliya, kadibna burburkii dalkeena Hooyo, waxa uu gudoomiye ka noqday Urrur siyaasadeedkii la oran jiray USP, (oo ay ku bahoobeen *****da degta Waqooyiga Soomaliya, Gudabiirsay iyo Ciise). Ururkan oo ay aheyd hadafkiisu in lagu ilaaliyo Midnimada Soomaaliya. 1998 Ururkii uu gudoomiyaha ka ahaa iyo SSDF iyo Beelaha kalle ee dega Puntland ayaa ku bahoobay in la dhiso maamul lagu suggo midnimo iyo Qaran Soomaliyeed. Maamul goboleedkaas oo uu Madaxweyne ka noqday Madaxweynaha Dawlada Federaaliga ah ee Haatan, Mudane Cabdulahi Yusuf, Mudane Mohamed A. Hashi isaguna ka noqday Madaxweyne ku xigeen. (Madaxweyne Yusuf iyo Xaashi ayaa taariikhdu ku sheegtaa aabayaashii Maamulkii Puntland). Ka dib, Guushii weynayd ee uu Madaxweyne A. Yusuf ku guulaystay jagada ugu sareysa ee Soomaliya, ayaa Mudane Xaashi uu noqday Madaxweynaha Dalwad goboleedka Punland. Nimanka loo adeegsanayaa waa kuwee?? Hadii aan wax ka taabto nimankaas iyagu cadowga mar walba ku ahaa hadafka (Goal) Madaxweyne Mohamed Abdi Haashi, isla markaana u heelan in ay noqdaan sababtii meesha ka saari laheyd ayaan halkan ku soo koobayaa qaar ka mid ah magacyadooda, Xilalkooda iyo dhaqdhaqaaqoodii siyaasadeed ee ugu danbeeyey. 1. Xasan Faarax Jaamac (Xasan Geerash):(1995-2004) Wuxuu ahaa mudo yar ka hor taliyihii ciidanka aaga bari ee maamulka lamagac baxay Soomaliland. Gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa nimankii soo dejiyey ciidamada beesha ***** deegaanka Yagoori iyo dhulka ku xeerdaansan. (hadana waxa uu isku soo sharaxay madaxweyninimada Puntland)!! 2. Baashe Cali Jaamac: (1991-1998) Mr. Baashe wax masuul ah kama noqon dawladii Soomaaliyeed ee Burburtey 1991 iyo kuwii ka horeeyey. laakiin Wuxuu noqday wasiir ka mid ah wasiiradii Jamhadii SNM ee uu horkici jireen C/iRahman Tuur iyo Ina Cigaal ee lamagac baxday Somaliland. 3. Cabdisamad Cali Shire:(1995-1999) Wuxuu ahaa taliyihii Ciidamadii Ina Cigaal ee iskugu yeeri jiray Soomaliland Gaar ahaan waqtigii Gerxejis iyo ***** intiisa kalle dagaalku ka dhex socday. 4. CabdiXamiid Garaad Jaamac: (2000-2004). Wuxuu ka mid ahaa qurbo joogtii Soomaaliyeed, ka dibna u jago raadsaday Dawladii Carta (2000), Ka dib markii uu jago ka waayey dawladaas, waxaa uu shaqo u raadsaday tii Ina Cigaal, ee mabda'eeedu ahaa SNM. wuxuuna u noqday Wasiirka arimaha dibeda, wuxuuna in badan ku dooday In Sool,Sanaag iyo Ceyn ay ka mid tahay SNM. Hadaba kooxdan iyo kuwa kalle oo badan waxa ay u heelan yihiin sidii ay Mr. Xaashi meesha uga saari lahaayeen. Nimanka oo aan weli ka soo dhamaan dhinaca SNM iyo Soomali diidnimada. Waxa ay soo gashanayaan shaatiyo kala duwan oo ay ku khayaamaynayaa shacabka reer Puntland. Maxaa la gudboon Dadka u dhashay Puntland: maxaa inala gudboon dhamaan reer Puntland?? Waa su'aal muhiim ah, oo jawaabteeda lagaga gaashaaman karo cawaaqib xumada ay keeni karaan nimankan siyaasiyiinta ah. Dadka iyagu danaynaya Masiirka iyo horumarka deegaankaas, waa in ay si wadajir ah MR. Xaashi iyo Ku xigeenkiisa Mr. Mohamed A. Yusuf (GAAGAAB) taageeraan. Waa in ay wax beerlaxawsi yo raas-raas ah isugu fiirsan. Waa in si Cad oo waadaxa looga hortagaa nimankaas in ay ku matelin kuraasta Puntland dibna u eegaan hagardaamada iyo ciidamada ay soo tubeen duleedka laascaanood iyo furfurka bulshada wada dhalatay ay ku wadaan. Isimada Maxaa la gudboon?? (GeboGebo): Isimada Puntland oo dhami waa in ay u dhabar adeegaan qadiyada oo aanay dhegaysan talo raaseed hadimo ku danbeyn doonta. Waa in ay doortaan qofka isku heyn kara Puntland, si daacadana ula shaqeyn kara dawlada Federaalka Soomaliyeed. Waa in ay ka hortagaan shakhsiyaadka loo soo igmaday burburinta ama kala qeybinta Puntland. Wabilaahi Tawfiiq Qore: Ladan Haaji Seara, SD. USA e-mail: ladanhj@yahoo.com
  18. XOOGSADE, there are many Somali warlorsd who for what ever reason, members of various clan could go after. But would that bring about peace and undertsanding or create deeper rifts?
  19. 2005 already.. Insha Allah it will be better than the last.
  20. Guddiga Doorashada Puntland oo soo saaray Liiska Xildhibaanada Cusub ee DG Puntland By Axmed Posted to the web 31-12-2004, 15:20:53 Garoowe:-Waxaa soo baxay Golaha cusub ee Baarlamaanka Puntland kaa so ay si rasmi ah u soo saareen Guddiga doorashada Puntland. Waa kuwaan Liiska magacyada Xilshibaanada Cusub iyadoo ay ka horayso qoraal kooban oo uu Guddigu ku soo lifaaqay Liiska Magacyada Xildibaanda. MARKII UU ARKAY DASTUURKA D.G.PL qodobkiisa ku saabsan shuruudaha Xulashada Xubnaha Golaha wakiilada. ISAGA OO KA DUULAYACaqiidada Diinta Islaamka ee Caddaalada in la sameeyo in ay tahay waajibaad samawi ah. ISAGA OO YAQIINSAN Qaabka qaybsiga hab beeleed ee Puntyland. ISAGA OO AAMINSAN In masiirka Ummadda & Jiritaanka Puntland ay tahay mid ka weyn nin jeclaysi iyo sad bursi qofeed. ISAGA OO ARKAY Qoraaladii ay ku saxiixnaayeen Samadoonada, Nabadoonada, Cuqaasha, & Culimaa’udiinka, ka dibna uu soo saxiixay Issimka Beesha. WUXUU U AQOONSADAY IN AY XILDHIBAANADA CUSUB EE GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND LAGA BILAABO 31-12-2004ta LIISKA HOOS KU XUSAn Guddiga waxaa uu u rajeeyey in Ilaahay subxaanuhu watacaalaa uu u fududeyo xilkaas culus ee Ummaddooda u soo dooratay. LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA BARI. 1.C/laahi Faarax Cali 2.C/laahi Waaberi Max’ed 3.C/laahi Siciid Caarshe 4.Cumar Ismaaciil Max’ud 5.Xassan Axmed Guuleed 6.Sheebee Sheekh Max’ud 7.Max’ed Cumar Max’ud 8.Seynab Ugaas Yaasiin 9.Jaamac Salaad Yuusuf 10.Inj. Salaad Xareed Cali 11.Cabdiweli Sheekh Axmed 12.C/rashiid Xassan Fadhaye 13.Max’ed Max’ud Idiris 14.Cali Saxar Guuleed 15.Qaasim Yuusuf Ismaaciil 16.Max’ed Cismaan Xassan 17Max’ed Faarax Dhancade 18.Cali Axmed Max’ed 19.Mahdi Max’ed Muuse 20.Siciid Cali Max’ed 21.Max’ed Yuusuf Axmed LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA NUGAAL 1.Muuse Xirsi Max’ud 2.Max’ud Cali Xassan 3.C/laahi Xaashi Warsame 4.Muuse Warsame Cumar 5.Axmed Siciid Muuse 6.Dr. Axmed Xirsi Carab 7.Bashiir C/casiis Cumar 8.C/qani Ismaaciil Aw Cismaan 9.Eng. Bashiir C/laahi Nuur LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA MUDUG 1.Xirsi Cabdi Oog 2.Caasho Geelle 3.C/laahi Khaliif Xaashi 4.C/rashiid Max’ed Xirsi 5.Ibraahim Cilmi Gaab 6.C/laahi Xirsi Ilka-Yare 7.Gen. Max’ed Jibriil Muuse 8.Muqtaar Max’ed Xassan 9.Axmed Max’ed Ciid 10.Xuseen Max’ed Cigaal LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA SANAAG. 1.Cismaan Dalmar Yuusuf 2.Max’ed Cali Guuleed 3.Axmed Cali Xaashi 4.Max’ed Cabdi Naaleeye 5.Axmed Jaamac Diiriye 6.C/laahi Xassan Cali yare 7.Bashiir Faarax Max’ud 8.Jookho Geelle 9.Yuusuf Bootaan 10.C/raxmaan Cali Bulshaale 11.Max’ed Cumar Xaash xaash LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA SOOL. 1.Xassan Daahir Afqurac 2.Saadiq Abshir Saalax 3.Cali Jaamac Faarax 4.Warsame Seeraar Xuseen 5.Maxamuud Xirsi Aadan 6.Aadan Xaaji Xuseen 7.Cali Axmed Cismaan 8.Jaamac Xassan Kaarshe 9.Cadi Jibriil Dhible 10.Saleebaan Yuusuf Dhigane 11.Xuseen Yaasiin X. Diiriye 12.Xariir Gaas Guutaale 13.Jawaahir Axmed Max’ud 14.Iraahim Max’ed Guure 15.Shan Cisho ayaa lagu xalinayaa Beesha Dhexdeeda Beesha ayaa Codsaday in la siiyo shan maalmood ay ku sao xaliso laba xubnood oo ka dhiman. Dhanka ka kale waxaa la filayaa in ay maalinta bari ah ay kulankooda ug horeeya yeeshaan Golahaan cusub sida uu sheegay C/kaafi Cabdi Abshir oo ah Xoghayaha Guddiga Doorashada. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya