General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Sidii Natiijada doorashada Puntland looga soo dhaweeyey magaalooyinka Bosaaso, Qardho, Garowe, Badhan, Gaalkacyo, Laas Caano iyo aaga forinta ee Puntland ]Garowe :- Kadib saacadihii lasoo dhaafay markii lagu dhaawaaqay natiijada Doorashooyinkii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa meelo badan oo kamid ah Puntland oo ay weli ka socdaan damaashaadka lagu soo dhaweenayo Natiijada doorashada. Magaalada Boosaaso oo ay dad kumanaan ah maanta isugu soo baxeen ayagoo sita caleemo qoyan ayaa laga maqlay sawaxanka rasaasta culus iyo kuwa fudud oo cirka loo riday kadib markii raadiyaasha laga dhagaystay doorshada oo si toos ah loola socday. Magaalada ayey ka dhex muuqadaan dad badan oo si weyn usoo dhaweeyey soo afjarkii loolankii Doorashada iyo waliba natiijadii kasoo baxday. Magaalada Qardho ayaa ayadu si weyn looga dabaal degay ayadoo ay fagaaraha magaalada maanta isugu soo baxeen dad kumanaan ah oo si wadajir ah u dhageysanayey habkii ay doorashada u dhacaysay oo laga dhageysanayey raadiyaha magaalada ee SBC Radio. Waxaa ayduna si weyn looga dareemay dabaaldega Doorashooyinka magaalada Badhan ee gobalka Sanaag Bari, halkaasi oo ay dadku maanta si weyn usoo dhaweeyeen horumarka laga gaaray doorashooyinka. Magaalada Garowe oo ayadu todobaadyadan laga dareemay loolanka siyaasadeed ee musharaxiintii u tartamayey jegada Madaxweynaha iyo kuxigeenka ayaa waxaa laga maqlayey rasaasta lidka diyaaradaha oo cirka loo riday kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ayadoo dad badani ku xoon sanaayeen goobta ay doorashada ka dhacaysay ee Baarlamaanka Puntland. Laas Caano oo kamid ah goobihii sida weyn looga taageersanaa musharax Gen. Cadde Muse ayaa maanta si weyn looga soo dhaweeyey sidii ay doorashada ku dhacday ayadoo Forinta hore ee ciidamada Puntland ku sugan yihiin laga dareemay dabaaldega dhismaha maamulka cusub ee Puntland. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale in kabadan oo kamid ah Taageerayaasha Gen. Cadde Muse ay magaalada isugu soo baxeen ayadoo ay muuqato in dadka intiisa badan hadal hayo doorashooyinkii maanta dhacay oo noqotay doorashadii ugu horeysay oo si aad ah ay dadku ulla socdeen ayagoo markaa ka dhageysanaya raadiyaasha oo soo tabinayey wararka si toos ah. Doorashada Puntland ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu horeeyey oo noocooda ah oo ka dhaca deegaankan waana markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka Puntland si toos ah usoo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen. Waxay sidoo kale doorashadan ahayd midii ugu horeysay oo qaabka cod bixinta u dhacay si qarsoon ayadoo lagu ridayey BOX ama SANDUUKH dhamaan cododka xildhibaanada Puntland, halkii ay doorashooyinkii horey uga dhacay Puntland ay ahaayeen kuwo ay si gacantaag ah codkooda ku dhiiban jireen ergooyinka ka kala yimaada gobalada. Isku soo duubaa doorashadan ka dhacday maanta Puntland ayaa ahayd midii ugu horeysay oo loolan xoogan ku dhexmaro musharaxiin kala gedisan oo magacweyn ku dhexleh Puntland, waxaana lagu tilmaamay in doorashadan noqotay mid ah horumar weyn oo ay Puntland ka gaartay dhanka dimuquraadiyada. C/risaaq Shiino HorseedNet.com Garowe, PL Somaliya
  2. Mohamed Abdi Hashi the great leader of Puntland will be remembered fondly. Bari, at least the process works where the incumbent losses shows there is some fairness. Can anyone tell me about the new vice President elect? I dont think I ever heard of him. Geesinimada Xaashi Iyo Guusha Cade. Garoowe(Radiolascaanod.com)08/01/05:-Dimuqraadiyada Puntland ka hanaqaaday ayaa manta la odhan karaa in waa iftiim u bidhaabay Bulshada ku dhaqan gudaha Soomaaliya, loona baahan yahay ku dayasho. Waxaana saaka ka dhacday Puntland arrin uu leeyahay geesinimadeeda madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxmed Cabdi Xaashi, oo manta muujiyey geesinimo , iyo bisayl dimuqraadiyadeed, iyada oo ay soo martay Puntland Marxalado kala duwan wuxuuna Mr.Xaashi shacabka Reer Puntland uu baray macnaha dhabta ah ee ay lee dahay xukunku in uu yahay meerto. Taasna waxaa daliil cad u ahaa markii ay dhamaatay doorashadii isla markaan lagu dhawaaqay in uu cadde ku guulaystay ayuu Maxmed Cabdi Xaashi kaga dhabeeyey odhaahdisii ahayd in uu u hanbalyey nayo cidii ku soo baxda. Mudane Xaashi laba habeen ka hor ayuu mar kale shaaca ka qaaday in hadii lagaga guulaysto aanu dalka ka dhacayn wax qaylo iyo qalalaase ah, waxaanu manta bulshada reer Puntland u cadeeyey Xaashi Xilku in uu meerto yahay kuna qancay natiijadii halkaasi ka soo baxday. Radiolascaanod.com Garoowe Puntland J.F.Somaliya
  3. Barnaamijka siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse 1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo. 2. Dib u habaynta iyo dib u sixida ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo 3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda. 4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq. 5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban. 6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen. Barnaamijka oo Dhamaystiran.....
  4. Maxaad Ka Taqaan Gen.Cadde Muuse Warbixin Taariikh Nolaleedkiisa oo Kooban SBC Exclusive-08.Jan.2005 Gen Cade Muuse Xirsi Madaxweynaha cusub ee maanta ku Guuleystay Doorashadii Taarikhiga aheyd ee ka dhacdey Magaalada Garoowe ee Xarunta DGPL waxaa uu ku dhashay Magaalada madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho sanadku markuu ahaa 1937-dii waxaana Hooyadii Lagu Magacabaa Naado shire. Gen.Cadde Muuse wuxuu barashada Qur,aanka Kariimka ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1942 ilaa 1944-tii waxaana uu dugsiga hoose iyo dhexeba ka dhigtay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1944 ilaa 1953-dii General Cade Muuse Xirsi Madaxweynaha DGPL waxaa uu dugsiga sare ka dhigtay isla Magaalada Muqdisho sanadkii 1954 ilaa 1958 sidoo kale Jananku wuxuu uu kuliyada Ciidamada ka bartay Modena ee dalka talyaaniga sanadihii 1959 ilaa 1961-dii Sanadihii 1962-dii ilaa 1963-dii wuxuu wax ka baranayey Kuliyada Ciidamada Sharciga ee Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga. Sanadihii 1967-dii ilaa iyo 1969-kii Wuxuu wax ku bartey Kuliyada Saraakiisha sare ee Hogaaminta Ciidamada ee ku taal Dalka Talyaaniga Sanadihii 1975-tii ilaa 1976 wuxuu wax ku baranayey Kuliyada Istratijiyada Heerka sare ee Dalka Ruusha. Gen.Cadde Muuse & Shaqooyinkii uu soo qabtey 1963 ilaa 1965-tii Kaaliyaha Xogheynta Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Sanadihii 1965-tii ilaa 1967 wuxuu ahaa Taliyaha Ururka Horseed ee Magaalada Muqdisho. Sanadihii 1970-kii ilaa 1972-kii waxa uu soo qabtey Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sanadihii 1972 ilaa 1973 wuxuuu soo noqdey Taliyaha Hogaanka Tababarka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Sanadihii 1974 ilaa 1975 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Sanadihii 1976 ilaa 1978 wuxuu ahaa Wakiilka Ciidamada ee Safaarada Dalka Shiinaha Sanadihii 1979 ilaa 1981 wuxuu ahaa Diblumaasi Dalka Kanada Sanadihii 1981 ilaa 1984 wuxuu ahaa Taliyaha Ciidamadii Ururka SSDF ee fadhigoodu xiligaas ahaa Dalka Itoobiya. 1984 ilaa 1990 Wuxuu ku joogey Magangalyo Siyaasadeed Dalka Kenya. 1991-2002 Wuxuu ku sugnaa Dalka Kanada. 2002 ilaa 2003 Gudoomiyihii Jabhadii Golaha Badbaada Puntland ee GBP, wuxuuna Gen.Cadde qaatey Abaal marinta ama Bilada Nabada ku guuleystey ka dib markii uu la qaatey Heshiis nabadeed oo buuxa Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ay xiligaas iskaga soo horjeedeen arimaha Siyaasada Puntland, sidaasna waxaana ku dhamaadey colaad mudo ka aloosneyd Deegaanada Puntland. Sanidihii 2003 ilaa 2004 Wuxuu qayb wayn ka ciyaarey u olaleynta iyo dhismaha Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ku sugnaa mudo aad u fara badan Madasha Shirkii Dib u Heshiisiinta Soomaliyeed ee ay ka dhalatey Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Gen.Cadde Muuse waa nin dabeecad ahaan furfuran, waxaana lagu tilmaami karaa inuu yahay nin aamus badan, waa nin marka uu kula hadlayo aad dareemayso inuu ka taxadarayo weeraha ama hadalka uu doonayo inuu yiraahdo. Dadka yaqaan Gen.Cadde waxay sheegaan inuu yahay Nin la oran karo wuxuu xiligan ka saari karaa Maamulka Puntland oo ay ka jiraan daruufo iyo marxalado gaar ah oo u baahan in loo wajaho hab waxqabad iyo adkeysi. Gen.Cadde Muuse inkastoo Lagu Naaneyso Cadde, hadana ma ahan nin sidaa loo oran karo magaca Cadde ayuu sitaa oo waxaad moodaa in uu ka madow yahay. Qaar ka mid ah Dadka reer Puntland ayaa ku xanta inuusan Cadde Cadeyn, balse hadalkiisu Cad yahay. Tifaftiraha Eng.Mowliid Haji Abdi
  5. Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Puntland oo Boosaaso ka socda Boosaaso :- Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka soconaya dibadbaxyo iyo damaashaadyo loogu dabaal degayo natiijada doorashada Madaxweynaha Puntland, oo uu jagadaasi goor dhoweyd ku guuleystey Gen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn looga yaqaan gobolladan Puntland kana mid ahaa afar musharrax oo ugu dambayntii ku kala baxay codadka xildhibaannada oo ee ka dhacday xarunta golahaas ee magaalada Garoowe. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu arki karayaa dadweyne caleemo qoyan lulaya oo ay farxadi ka muuqato kuna dhawaaqaya magaca madaxweynaha cusub ee Puntland, Gen. Cadde Muuse Xirsi. Daqiidado ka dib markii uu Gen. Cadde Muuse Xirsi ku guuleystey madaxweynaha Puntland ayaa madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo tartanka kula jirey waxaa uu Radio SBC u sheegay in uu raalli ka yahay natiijada doorashada isla markaasna uu u hambalyaynayo madaxweynaha cusub. SBC / HorseedNet
  6. Breaking News: Xasan Daahir Af qudhac oo ku guuleystay Jagadda Madaxweyne Ku-xigeenka Live From Garowe(Radiolascaanod.com) 08/01/05: Xasan Daahir Afqudhac oo ku guuleytay Madaxweyna ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland, Halkaasna waxaa ku soo gaba gaboowday doorashadii saaka dadka Reer Puntland u dareereen, waxayna xilkii ku aamineen laba ka mid ah musharraxiintii isu soo taagay qabashada talada dalka. Madaxweynihii laga badiyay doorashadii Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ku-xigeenkiisii Mudane Gaagaab ayaa u hambalyeeyay labada musharrax ee ka guuleystay, waxayna si wadajir ah isugu gacan qaadeen Hoolka weyn ee doorashadu ka socoto. Bahda Webka Radiolascaanod.com wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hogaanka cusub ee talada dalka qabtay, waxayna ilaahay uga baryayaan inay noqdaan kuwii daboola baahida dadka iyo dalka. Madaxweyne Cadde Muse Boqor iyo Ku-xigeenkiisa Xasan Daahir Af-qudhac waxaanu idiin rajaynayaa inaad noqotaan kuwo lagu seexdo oo si caadilnimo ku jirto u guta xilka dalka. Live From Garoowe - Asad Cadaani Ibraahim Radiolascaanod.com
  7. Breaking News: Jen. Cadde Muuse oo helay 35 cod, Sidaasna ku noqday Madaxweynaha Mustaqbalka ee Puntland Live From Garoowe(Radiolascaanod.com) 08/01/05: Jen. Cadde Muuse ayaa ku guulaystay Madaxtinimada Puntland ka dib markii uu helay codad gaadhaya 35, halka Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Maxaweynihii talada Dalka hayay uu helay 30 cod. Jen. Cadde Muuse oo ah ruug caddaa siyaasi ah aadna looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadiisaba ayaa noqday Madaxweynihii Saddexaad ee qabta hogaanka Puntland ilaa la aasaasay Puntland Doorashada oo saaka arooryadii hore bilaabantay ayaa soo gaba gabowday kadib markii labada musharrax ee u soo gudbay wareega saddexaad ee lagu kala hadhayay kala heleen codadka aynu soo sheegnay. Daqiiqadihii ugu danbeeyey ayaa sida la aaminsan yahay C/raxmaan Faroole ugu shubay 15 cod ee uu helay, taas oo aad moodid in ay xod xodasho gaar ahi dhex martay Jen. Cadde Muuse iyo C/raxmaan Faroole. Gari laba nin kama wada qosliso, saaka Nin walba oo ka mid ah musharraxiinta soo buuxisay hoolkan weyn ee tartanka madaxnimada Puntland, wuxuu la soo toosay waji dabacsan iyo rajo wanaagsan oo uu ka qabay taageerayaashiisa, xubnaha xildhibaanada ayaa iyagu saaka la arkayay inay diblomaasiyad ku dhaqmayaan, waxayna isku dayayeen inay ilaaliyaan nidaamka dowliga ah ee doorashada, waxay si xushmad leh xildhibaan waliba codkiisa u siinayay musharraxii uu u garto inuu hoggaanka dalka meel wanaagsan marinayo. Asad Cadaani Ibraahim
  8. Jeneraal Cadde Muuse Xirsi oo ku guulaystay doorashada madaxweynaha Puntland. SBC Live Coverage-08.Jan.2005 doorashada madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku guulaystay jeneraal Cadde Muuse Xirsi Boqor, Waxa ay wareegga saddexaad isugu soo hareen. Maxamed Cabdi Xaashi oo ah madaxweynaha haatan talada maamulka hayay. jeneraal Cadde Wuxuu helay 35 halka Maxamed Cabdi XAashi uu ka helay 30 C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso
  9. No bro its the third time. But thanks for your compliment. Cade Muse Hersi, the new Prseident of Puntland State of Somalia.
  10. Qorshel, thanks for the thread bro. Xoogsade made some good points. I have to agree with Ameena though its the language and culture that supercedes ethnicity because of this fact North African's are as Arab as those in the Gulf. Over the centuries there has been considerable mixing of blood through the several empires and dynasties. Today you have people with blue eyes and blond hair being Arab as in the case of Syria, Lebanon. This is all a posative development as it makes the society richer as a whole. The Somali's have Arab heritage, many of our clans claim Arab descent and our capital Mogadishu was founded by Omani Arabs. However I[my personel opinion] do not consider Somali's to be Arab for we have our own language and identity, like the Turk, Kurd, Afghan etc.
  11. Well done to President elect Cade Muse Boqor. Well done to Puntland now its Bari's turn to reign.
  12. You will get what you want by the end of the day, though I wonder whether you have yet contemplated the cosequences of it But I bet you have ey
  13. Poem 2. Untitled I must say I still find you Beautiful I must confess that your touch is Blessed I must remind you that our time Has just begun The past is not what I crave for But that destiny of hope that you have brought It’s not the distance but how near you are Even if fortune created a space between us like the stars Endless would be my love for you ............................................................. SmithNWestern aka The Duke Valantino 2005
  14. Poem 1. Untitled My soul mate My destiny my fate In my heart that special place Everything and yet more Days turn to years and I still adore Feelings passionate so raw Heaven is but to see That rare smile that lets me be ………………………………………… SmithNWestern aka The Duke Valantino 2005
  15. This poem is dedicated to the true founder, father and symbol of Somali struggle Imam Ahmed Ibrahim Al Ghazi aka Ahmed the left handed, Ahmed Guray, Ahmed Gran .................................................................. I wonder what Imam Ahmed would say Would he cry or just turn away? To see his descendents today Oh I wonder what he would say? Was it vanity that he carved out this land, Or the jihad of a just man? How can one explain that Adel is no more That Ifat has been swallowed up raw? How could I tell Ahmed that he founded a nation One that still struggles to understand That the greatest enemy is the devil disguised as the clan I wonder what Imam Ahmed would say To see his Somali’s this way Fragmented and torn apart? Who would have the courage to inform him That Abyssinia still exists today And his people are in bondage ? If he knew this would he cry or would he just walk away? ........................................................... SmithNWestern aka The Duke Valantino 2005.
  16. Bari LOL, bro, Smith was getting on my nerves As it stands now S/land have a firm case to push their case forward for secession, it has been given to them on a plate and intentionally. Wonderful satire. Somaliland has had the chance, do you seriously want us to believe that today in which they have lost SOOL, SANAG and CAYN. That there is a Somali government even in Nairobi that the world would take them seriously. Give us a break will ya.
  17. New Somali cabinet sworn in Friday 07 January 2005, 16:10 Makka Time, 13:10 GMT Somali cabinet ministers are sworn in, in Narobi Related: Somalia approves new PM Somali president to seek cabinet nod Somali Prime Minister Ali Muhammad Gadi has named 47 ministers to form his new cabinet, nearly a month after parliament sacked his first team. The ministers and 42 assistant ministers were immediately sworn into office before President Abd Allahi Yusuf Ahmad in Nairobi on Friday. Gadi said he made a slight change to his first cabinet, which was sacked on 11 December, in order to respect the principle of equal distribution of power among five major clans and one minor in Somalia, as envisaged by the country's transitional constitution. The new team is expected to fill a 13-year power vacuum in the state, which first descended into chaos in 1991 when Muhammad Siad Barre was toppled. "I have made this list to the best of my ability," Gadi told his new ministers. "Those given posts will have a task of serving Somalia [at] a critical point ... some [of you are] unhappy because they were not in the list of the cabinet, but hopefully tomorrow, they will be in the list. This is not a permanent cabinet," Yusuf said. When the first government was formed on 1 December, some tribal leaders were not happy with the posts they were allocated. Relocation All of the Somali officials involved in efforts to set up a new government, including Gadi and President Yusuf, are based in the Kenyan capital, Nairobi, because their own, Mogadishu, is still considered too dangerous. "The cabinet should immediately draw a timetable for the relocation of our government. We should go and serve the people of Somalia immediately, not sit here in Kenya," he added. Since 1991, two governments have been formed, but neither managed to establish control across the country, where rival chiefs have wreaked havoc and carved themselves fiefdoms. Hope for success is much higher in this round of peace talks, which started in Kenya in 2002, mainly because previously excluded tribal chiefs were brought into the negotiations. AFP
  18. What 61 MP's from the North? The clan has 61 which are split into 40 north and 16 south. The 40 MP's voted like everyone else. they have a number of ministers like the rest and so on. JB, the Puntland formula could work for Somaliland, for Puntland has local MP's with powers to appoint a local President as is happening ina couple of hours time Insha Allah.
  19. Musharaxiinta ku tartamaya Hanashadda Kursiga ugu sareeya Dowlad Goboleedka Puntland iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Garoowe (Radiolascaanod.com) 07/01/05: Gudida Qabanqaabada Diyaarinta Doorashada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta shaaciyay Liiska Magacyadda musharaxiinta u tartamaya jagadda Madaxweynenimada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Gudidan oo ka kooban 7 xubnood waxay sheegeen in maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 08/01/2005, saacaduna tahay 0800 AM (saacada Geeska Africa), cod bixintu bilaabmi doonto, si Live ahna warbaahintu u soo tabindoonto. Liiska Musharaxiinta ee Gudida Qabanqaabadu shaacisay ayaa u qornaa sidan: 1) Musharax Maxamed Cabdi Xaashi (oo hadda ah madaxweynah Puntland) 2) Musharax Cadde Muuse Xirsi 3) Musharax C/raxmaan Maxamed Faroole 4) Musharax Abshir Muuse Xirsi 5) Musharax Caasho Geelle Diiriye. Dhinaca kale Liiska Musharaxiinta u tartamaya Jagadda Madaxweyne ku-xigeenka ayayna iyana maanta shaaciyeen, wuxuuna u qornaa sidan: 1) Musharax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) (oo hadda ah M/ku-xigeenka Puntland 2) Musharax Axmed Cabdi Xaabsade 3) Musharax Xuseen Ceegaag Obokor 4) Musharax Cali Magan Nuur 5) Musharax Xassan Daahir Afqurac 6) Musharax Baashe Cali Jaamac 7) Musharrax Cali Ciise Cali Dhinaca kale Gudidu waxay liiska tartamayaasha ka saareen sadexdii musharax ee tanaasulay oo kala ahaa sidan: 1) Carfi Jaamaca 2) Dr. Cali Caydiid 3) Xassan Geerash Marka laysku soo wada duubo maalinta berito ah, saacaduna tahay 0800 subaxnimo, dunida waxay si Live ah ula socon doontaa loolanka cod bixinta, habka cod bixintu u dhacaysaana waa qarsoodi ah, siday gudidu cadaysay. Maamulka Puntland iyo Shacabka Puntland waa kuwii suurta galiyay masiiraha cusub ee Ummadda Soomaaliyeed, iyo mustaqbalka cusub ee soomaaliyi maanta higsanayso. Guud ahaan shacabka Puntland waxay u bislaadeen habka siyaasadda qabow iyo nidaamka dimoqraadiga ah, waxayna ku caan baxeen inay muujiyaan mar walba isu tanaasul iyo is xaq dhowr. Dowlada Cusub ee maanta talada Dalka Soomaaliya haysta waxaa dhashay Dowlada Puntland, sidaas oo kale waxaan shaki ku jirin inay shacabka Puntlandna abuurayaan jiil cusub iyo siyaasad dabacsan iyo horumar wax ku ool ah. Guulaha Dowlad Goboleedka Puntland gaadhay sanadkan ee dhinaca dimoqraadiyada ah waxaa ka mid ah: 1) Sidii kalsoonida lahayd ee ay u kala direen Golihii Baarlamaankii hore, kuna soo doorteen Golle Baarlamaan cusub oo ka kala socda dhamaan beelaha dega gobolada Puntland. 2) Sidii xushmada laheyd ee ay u doorteen Af-hayeenka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Labadiisa ku-xigeen. 3) Sidii mudnaanta lahayd ee ay isugu tanaasuleen, iyagoo musharaxiinta tanaasulay qadarinaya danta guud iyo duraafaha maanta lagu jiro. 4) Sidii ay musharaxiintu ugu hogaasameen talooyinka gudida qaban qabada Puntland. Radiolascaanod.com Desk News
  20. UK has allot of Somali's. I belive its around 250,000. There are Somali's in London, nearly every Borough has a sizable community, even though they chose to live in the worst ones. Hey thats another story. Burmingham, Shefield, Manchester, Bristol, Lesceter. Wales and now there are even some in Scorland and Northern Ireland. Another important point here is that most of this population are under the age of 15. So in a decade or so it could more than double.
  21. Raysul wasaaraha Soomaaliya Pro Cali Maxamed,Geedi ayaa Maanta magacaabay Xubnaha Galaha Wasiirada Jamhuuriyada Soomaaliya: Raysulwasaare ku xigeeno & Wasiiru doowlo yaal iyo Wasiiro ku Xigeeno isagoo ugu dhawaaqay Sidan , Raysulwasaare ku xigeenada 1-Rasul Wasaare Ku xigeen Eng Xusseen Maxamed Faarax Caydiid 2-Dr Maxamed Cabdulaahi Jaamac Sifir 3-Dr Saalim Caliyoow Ibroow Wasiirada Wasaaradaha 1-Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil 2-Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed Faarax Caydiid 3-Wasiirka Garsoorka Sh Adan Maxamed Nuur 4-Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax 5-WasiirkaTastuurka& Arimaha Federaalka Cabdalla Deeroow ***** 6-Wasiirka Qarshaynta Qaranka& Iskaashiga Gobolka Cabdi Risaaq Cismaan Xasan 7-Wasiirka Horumarinta Daryeelka Qoyska Fowziyo Maxamed Sh Ibraahin 8-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Ibraahin Maxamed ***** 9-Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud 10-Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Xasan Abshir Faarax 11-Wasiirka Batroolka Yusuf Maxamed Axmed Xaraare 12-Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato 13-Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Bada Cali Ismaaciil Cabdi Giir 14-Wasiirka Cirka iyo Dhulka Ibraahin Adan Xasan 15-Wasiirka Gaashandhiga C/raxmaan Maxamed Cali 16-Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muse Sudi Yalaxow 17-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Salaad Nuur 18-Wasiirka Horumarinta Iskaasha tooyinka Maxamed Cabdulaahi Kaamil 19-Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Agoonta Xussen Ceelaabe Faahiye 20-Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar 21-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac 22-Wasiirka Warshadaha Cabdi Maxamed Tarax 23-Wasiirka Dhulka iyo Deegaamaynta Moowliid Macaane Maxamuud 24-Wasiirka Horumarinta Reer Miyaga Maxamed Maxamuud Guulayd Gacmodheere 25-Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta Bare Adan Shire Bare Hiiraale 26-Wasiirka Caafimaad Dr Cabdi Casis Sh Yusuf Sh Ibraahin 27-Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble 28-WasiirkaTacliinta Sare Xussen Maxamed Sh 29-Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi 30--Wasiirka Deegaanka& Maraynta Aafooyinka Maxamed OsmanMaye 31-Wasiirka Iskaasho Goboleedka Ismaaciil Maxamed Hure Baoobaa 32-Wasiirka Hantida Qaranka iyo qalabaynta Maxamuud Sayid Adan 33-Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjogta Maxamuud Maxamed Xayd 34-Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Kaamil 35-Wasiirka Dib u heshiisinta Jaaliyadaha Dibada Sh Adan Sh Maxamed 36-Wasiirka Lacagta Dr Cabdi Kariim Axmed Cali 37-Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin 38-WasaaradaAwqaafta Arimaha Diinta Cumar Maxamed Finish 39-Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha Saalax Cali Faarax 40-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdulaahi Jaamac Daakir 41-Wasiirka Cilmiga iyo Tajnoolijiyada Xasan Jaamac Wasiiru Doowlayaasha waxa ay kalo Yihiin Sidan: 1-Ibraahin Sh Cali Xaafuun Dibada 2-Dr Qaalid Cumar Cali Xafiiska Madaxwaynaha 3-C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane Xafiiska Raysul Wasaaraha 4-Maxamuud Xareed Gaashaandhiga 5-C/rixmaan Adan Ibi Baarlamaanka& Xukuumada Wasiiro ku Xigeenada waxa ay kalo Yihiin Sidan 1-Wasiiru ku xigeenka Arimaha Dibada Xasan Axmed Jaamac 2-Arimaha Diinta iyo Awqaafta Sh Maxamed Nuur 3-Badroolka Ibraahim Xuseen Cali Saalax 4-Beeraha Maxamed Cali Bilaal 5-Boostada iyo Isgaarsiinta C/kaafi Macalin Xasan 6-Caafimaadka Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud Dufle 7-Dalxiiska & Duurjoogta Geele Maxamed Adan 8-Amniga Qaranka Cabdi Rashiid Maxamed Xidig 9-Tastuurka iyo Arimaha Federaalka Maxamed Axmed Kulan 10-Dhalinyarada Isboortiga Bashiir Maxamed Adan 11-Dib u dhiska iyo dib u dajinta C/kariim Cige Guuled 12-Gaashaandhiga Cumar Adan Xasan 13-Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cabdulaahi Axmed Cabdulle 14-Ganacsiga Amiin Axmed Sh 15-Garsoorka Yuusuf Maxamed C/qaadir 16-Howlaha Guud iyo Guryeenta 17-Wasaarada Tacliinta C/rixmaan Maxamed 18-Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Cabdi Axmed Dhuxuloow 19-Dhaqan Celintaiyo Tababarada Maleeshiyooyinka Dr Xasan ***** Yacquub 20-Iskaashi Goboleedka Deeqo Jaamac Col ujoog 21-Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dr C/qaadir Nuur Caraalle 22-Maaliyada Maxam,ed Xasan braahin 23-Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga Ciise Wehliya Maalin 24-WasaaradaShaqada iyo Shaqaala C/qaadirSh Maxamed Nuur 25-Wasarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele 26-Wasaarada Warshadaha Cabdulaahi Cabdi 27-Wasarada Arimaha Gudaha Fahgmo Axmed Nuur 28-Wasaarada DakedahaGaadiidka Bada Xirsi Adan Rooble 29-Wasaarada HantidaQaranka iyo Qallabaynta Maxamed ***** Yaroow 30-Wasaarada Dib u heshiisiintaiyo Jaaliyada DibaDA Maxamed Cismaan Qudub 31-Wasaarada Waxbarashada Muqtaar Maxamed Yuusuf 32-Wasaarada Horumarinta Miyiga Saciid Xasan Shire 33-Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Cabdi 34-Wasaarada Tamarta Maxamed Sh ***** 35-Wasaarada Lacagta Mire Xaaji Faarax 36-WasaaradaDaryeelka Naafada iyo Agoonta Maxamed Jaamac 37-Wasaarada Horumarinta Iskaashatooyinka Xuseen Maxamuud Musse 38-Wasaarada Dhulka iyo Deegaamaynta Xuseen Cabdi Salaad 39-Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka Khdiijo Maxamed Diiriye 40-Wasaarada Cilmiga iyo Tijnoolajiyada Xussen Maxamed Xuseen 41-Wasaarada Deegaanka iyo Maraynta Aafooyinka Maxamed Cali Daahiye Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile.com
  22. I think its the same list but with more ministers. It seesm they will pass it this time Insha Allah.
  23. Thanks Q, Has anyone got hold of the programm the PM distributed to the parliment?
  24. Amnesty International Raqiya Omar Somaliland Lawyers the BBC I heard Sland boqor(tradional leader)Burmadow took actions for the release of the girl, not sure about this. But what the man can do, When he himself got jailed not long ago. and Now Somali Poet from Magadishu, composing a whole long peom dedicating to her ordeal. Are all this people and organisations Puntlanders?????????? You talking to deaf folks in here bro
  25. We are not better than Arabs. Anyone who believes so is dellusional.