General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Raiisal Wasaare Geeddi oo xaruntii xisbiga kula kulmay xubniha labada gole ee DFKMG Muqdisho-01.May.2005 Ra'salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo maalintii sadexaad kusugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan lawada sugayey wuxuuu kula yeeshey Xaruntii Xisbiga Xubnaha labada Golle DFKMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa ka qayb galey inta badan xubnaha labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Gudoomiye kxigeenka 2-aad ee Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Xubnihii Beesha Caalamka ee la socdey Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi , waxaana shirkaasi sidoo kale maanta ka qayb galey Wafdi ka socdey Wadamada dabeeya Arimaha Soomaaliya iyo waliba Wakiilada Beesha Caalamka oo ay ka mid ahaayeen Safiirada Qaramada Midoobey iyo IGAD. Shirkaasi maanta ka dhacey Xaruntii Xisbiga oo haatan fariisin u ah Xubnaha labada Gole ee DFKMG ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka xubanaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, waxaana uu ka warbixiyey hawshii ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ee amaan ku soo dabaalida iyo halka ay wax u marayaan Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya oo halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsadey sida uu ula dhacsan yahay hawsha ay ka wadaan Muqdisho xubnaha labada Golle ee DFKMG ah, waxaana uu ku booriyey in wax walba lagu meel mariyo hanaan Maamul, isla markaana lagawada qayb qaato nabadeynta Magaalada Muqdisho Kulankii maanta ka dhacey Xaruntii Xisbiga ayaa waxaa ka soo qayb galey badi xubanah labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa xubnihii joogey Cismaan Caato oo ah wasiirka Hawlaha Guud iyo Bootaan Ciise oo ah Wasiirka dhaqancelinta iyo Maleeshiyaadka, waxaase kulankii maanta aan imaan Wasiirka Ganacisga Muuse Suudi oo la sheegay in uu xanuunsanayo iyo waliba Maxamed Qanyare Afrax oo la sheegay in uu ku mashquulsanaa wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ka soo degayey Garoonka gacanta uu ku hayo ee Dayniile eek u yaal duleedka Magaalada Muqdisho. Shirkaasi markii uu dhamaadey ayaa Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi wuxuu tagey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay haatan ku sugan yihiin Taageerayaasha Wasiirka arimaha Gudaha Eng. Xuseen Caydiid, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xuseen Caydiid. Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale booqdey Xarunta Radio Muqdisho iyo Taliskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Xuseen Caydiid. Wararkii ugu dambeeyey ee inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee uu qadka Telefoonka inoogu soo sheegayo Wariye MM Dhoore, Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu daqiiqado ka hor soo afmeeray booqashadii uu ku tagey Xarumaha uu maamulo kuxigeenkisia Xuseen Caydiid, waxaana uu u soo dhaqaaqey Hotelka Ramadan ee uu degan yahay. MM Dhoore SBC Muqdisho.
  2. Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta guryahooda ku booqday Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan RW Cali Maxamed Geedi iyo Cali Mahdi Maxamed Sabti, April 30, 2005(HOL)@20:00GMT: Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay markii ugu horeysay dalka dib ugu soo laabtay tan iyo markii loo magacaabay Ra'iisal Wasaarenimada ayaa maanta guryahooda ku booqday Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo horay madaxweyneyaal KMG ah uga noqday Soomaaliya. Ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Saiirrada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Kenya iyo Jabuuti ee kala ah Maxamed Cabdi Afey iyo Maxamed Siyaad Ducaale, afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Yuusuf Bari Bari, iyo weliba ku xigeenka Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdalla Mubaarak, Maxamed Cali Foam oo Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo xubno kale ayay maanta u ahayd maalintii labaad oo ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, iyagoo ku guda jira booqasho afar maalmood ah oo ay ku indha indheynayaan xaaladda Gobolka Banaadir. Cabulqaasim Salaad Xasan iyo RW Cali Maxamed Geedi C/qaasim Salaad Xasan oo ka hadlayay kulankii gurigiisa ka dhacay ee dhexmaray isaga iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u bisil yihiin in ay helaan dowladnimo, deganaan iyo nabad, marka la eego sida ay dadka u soo dhaweeyeen Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna mar sii horeysay Xamar soo booqday. Mas'uuliyiinta kale ee dowladda ayuu C/qaasim Salaad ugu baaqay in ay dalka yimaadaan oo ay ka howl bilaabaan, isagoo xaqiijiyay in ay u dhib yaraan doonaan howlaha ay qabanayaan waayo ayuu yiri waxaa dowladda ku jira oo wasiirro iyo xildhibaano ka ah Hoggaamiyayaashii hubeysnaa ee dowladdeyda isbaarada u dhigtay. "Annagu mar walba waajibkeena waxaa uu ahaa in dadku nabad helaan dalkuna horay u socdo, haddii ayan sidaas ahayn isbaarooyinkii dowladdeenii loo dhigtay ayaan dhigan lahayn, sidaas ayayna ku bur buri lahaayeen wax kasta"ayuu yiri C/qaasim Salaad oo sheegay in wixii ay muddo labo sano ah u joogeen shirkii Kenya oo mararka qaarkood lagu hayay wax aan Soomaalida dan u ahayn ay ahaayeen in dalku dowlad helo, shacabkuna ay dhibaatada ka baxaan. Maxamed Cabdi Afey iyo Maxamed Siyaad Ducaale, afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Yuusuf Bari Bari iyo weliba ku xigeenka Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdalla Mubaarak, C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisal Wasaare Geedi iyo isaguba ay dhamaan yihiin dad reer Xamar ah, "Md. C/llaahi Yuusuf tan iyo markii uu soo garaadsaday wuxuu ku noolaa halkan oo uu guryo ku leeyahay, Prof. Geedina waxaan xusuustaa in uu Jaamacaddii Umadda uu duruus ka bixiyay aniga oo madax ka ah Wasaaradda Tacliinta sare" ayuu mar kale madaxweynihii hore ee TNG-da oo ugu baaqay Mas'uuliyiinta Dowladda in ay dalka yimaadaan oo ay gutaan waajibka saaran. Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna ka hadlay kulankan wuxuuna ugu horeyn sheegay Ra'iisal Wasaaruhu in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta soo booqdo madaxdii dalka ka soo talisay dowladda Federaalka ka hor oo uu weliba ku tilmaamay "Senators", "Marka ay joogaan dalka Senator-ro sidan oo kale ah waxay mudan yihiin in laga talo qaato oo lala tashado waayo waxay leeyihiin waayo aragnimo dhinac walba ah"ayuu yiri Prof. Geedi oo ujeedada booqashadiisa ka hadlayay. "In aan soo booqdo C/qaasim Salaad waan ku faraxsanahay, wax badan ayuuna qabtay intii uu madaxweynaha ahaa, hayeeshee waxaan ka rajeyneynaa in uusna naga harin oo uu door weyn ka ciyaaro geedi socodka loogu jiro dib u heshiisiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi. Prof. Geedi waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir shaki laga geliyo in caasimadda dalka ay Muqdisho tahay, wuxuuna arrintaas ka yiri "Waxaan idiin sheegayaa in aaney jirin arrintaas meel ay ku qoran tahay iyo meel looga hadlay intaba, waxaana aaminsanahay in caasimadda wareejinteeda uusan xitaa Baarlamaanku go'aamin karin oo loo baahan yahay in dadka afti laga qaado haddii ay baahideeda timaado". Intaasi kadib waxay wafdiga Ra'iisal Wasaare Geedi booqdeen Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo isna horay u soo noqday Maxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya kadib markii ay bur burtay dowladdii Mileteriga ahayd ee Soomaaliya, waxaana halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah. Cali Mahdi Maxamed ayaa u sheegay wafdigii soo booqday ee uu hoggaaminayay Ra'iisal Wasaare Geedi in shacabka Soomaaliyeed uusan maanta ahayn sidii uu shalay ahaa, wuxuuna dib u xusuusiyay dadka in shalay la isu dilayay jufo jufo, iyadoo ujeedada la leeyahayna ay ahayd in cid kasta ay iyadu madax noqoto, balse waxaa uu caddeeyay in maanta shacabku uu wanaagsan yahay, isla markaana uu cudurkaasi ka baxay, "Ummaddu waxay qabtaa hal baahi oo ah in ay hesho dowlad loo dhan yahay" ayuuna yiri Md. Cali Mahdi Maxamed. "Gobolka Banaadir haddii shalay la dhahayay qabiil gaar ah ayaa leh warkaas maanta waa la idiin beeniyay, in ay cid kasta imaan kartana waad aragtaan, waxaan kitaab ku mari karaa haddii maanta madaxweynaha ka soo dego Muqdisho in loo soo dhaweyn doono sidii loo soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaaraha seddex jibaarkeed"ayuu mar kale yiri Cali Mahdi Maxamed oo ballanqaaday in ay la meel marinayaan isaga iyo inta ku fikirka ah xilka ay sidaan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku dhuftay in ay weliba uga murug badnaan doonaan xilka Qaran ee ay hayaan, iyagoo aan dan gaar ah ka lahayn. "Muqdisho waxaan u imid in aan la kulmo siyaasiyiintii hore, si ay xilka noogu tufaan, isla markaana aan uga talo qaadanno"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi oo kulamadaas kadib saxafiyiinta la hadlayay. "Xubnaha Xukuumadda halkan kuma wada hadleyno, waxaan ku wada hadli doonnaa xarunta Golaha" ayuu mar kale Ra'iisal Wasaaraha oo ka jawaabcelinayay weydiin ahayd ma wada kulmeysaan adiga iyo xubnaha labada gole ee horay khilaafka idinkugu dhaxeeyay?. Maxaad ku diidan tahay in dowladda la keeno caasimadda Mudqisho oo aad meelo kale u dooneysaa in la geeyo?, ayay ahayd su'aal kale oo la weydiiyay Ra'iisal Wasaaraha, wuxuuna si kulul u yiri "marka hore saxaafadda Luuqadda ay ku hadleyso waa in ay saxdaa, anigu marna ma dhihin Muqdisho lama tegayo ee waxaan sheegay in ay jiraan duruufo nagadgelyo xumo, haddiise hadda la hagaajiyo ammaanka waxaan kuu sheegayaa in aan berriba Xukuumadda keenayo, midna ogow annaga ugu horeyno dowlado caasimadahooda si KMG ah uga wareegtay kadib markii taladii faraha ka baxday, waxaana dalalka sidaasi sameeyay ka mid ah dalka Aljeeriya". Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  3. Xildhibaanno Ka Shiraya Sidii Ay Geeddi Ula Kulmi Lahaayeen!! E-MAIL THIS PRINT THIS Webmaster Xubnaha xildhibaannada ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta xaruntii hore ee xisbiga ku yeeshay kulan ay kaga arrinsanayeen, sida ugu haboon oo ay ula kulmi karayaan ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo aanay wali is arag xildhibaannada. Kulanka ay yeesheen xildhibaannadan oo ahaa mid aan saxaafadda loo oggolayn ayaa looga arrinsanayay arrimo dhowr ah oo xildhibaannada Muqdisho ku sugani damacsan yihiin in ay ra'iisul wasaaraha ka dalbadaan sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdsiho ku sugan Cumar Xaashi Aadan oo kulankaasi ka dib saxaafadda hadal kooban siinayay. Dhinaca kalena wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta gurigiisa qado sharaf ugu sameeyay safiirrada shisheeyaha ah ee la socday ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya. Warar kale oo la helayaana waxay sheegayaan in Cismaan Caato oo ah wasiirka howlaha guud iyo guriyaynta uu isna xanuunsanayo si la mid ah Muuse suudi yalaxow. Liibaan Cabdi Cali, Goobjoog, Muqdisho hayaanl_8@hotmail.com
  4. Geeddi Oo Weli La Sugayo Qudbadiisa Iyo Suudi Oo Kaduudyo La Xanuunsan... E-MAIL THIS PRINT THIS Webmaster Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho isagoo aan wali la hadlin shacbiga Soomaaliyeed Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho shalay waxa uu ku hor maray xarunta xisbiga ee haatan ay ku shiraan xubnaha golaha wasiirrada iyo baarlamlaanka. Ra'iisul wasaare Geeddi waxa uu sheegtay daal fara badan isagoo intaana raaciyay in uu u garaabayo dadkii mudada saacadaha ah ku sugayay garoonka No 50 oo iyaguna daallan yihiin Ra'iisul wasaare Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo aanay xubno dowladeed ku badnayn ayaa waxaa la dajiyay hoteelka Ramadaan, halkaasi oo iminka uu ka billowday dhaqdhaqaaq xooggan iyadoo ammaankiisana si aad ah loo adkeeyay. Waxaa hoteelka Ramadaan uu hadda noqday goobta ugu zaxmadda badan magaalada Muqdisho iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshada laga dheehan karayo, kuwaas oo qaarkood ra'iisul wasaaraha kulammo kala duwan la qaadanayaan. Waxaa la filayay in ra'iisul wasaaruhu uu maanta la hadlo dadka magaalada Muqdisho balse taasi wali maanay dhicin. Siyaasiyiintii horay magaalada Muqdisho u joogay oo wasiirrada ka ahaa dowladda Geeddi sida Muuse Suudi Maxamed Qanyare iyo Cismaan Caato oo shalay aan soo dhawaynta ra'iisul wasaarah ka qayb qaadan ayaan walina ugu tagin hoteelka uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho. Wali waxaan la caddayn waxa ku dhaliyay wasiirradaasi oo ah hoggaamiyayaasha ugu waawayn magaalada Muqdisho ahna wasiirrada kaliya ee magaalada horay u sii joogay in aysan ra'iisul wasaaraha soo dhawayntiisa ka qayb qaadan,laakiin waxaa la sheegayaa in qaarkood ay xanuunsanayaan sida Muuse Suudi oo la tilmaamay in uu hayo cudur aad uga jira magaalada Muqdsiho oo loo bixiyay Kaduudiye halka wasiirrada kalena ay wakiillo uun u direen soo dhawaynta ra'iisul wasaaraha oo xitaa aanay iman xarunta xisbiga oo ra'iisul wasaaruhu hadal gaaban ka jeediyay Liibaan Cabdi Cali, Goobjoog, Muqdisho hayaan_8@hotmail.com
  5. Geeddi Oo C/qaasim Iyo Cali Mahdi La Kulmay, Kalana Hadlay... E-MAIL THIS PRINT THIS Webmaster Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee somalia Cali Maxamed Geedi ayaa gurigiisa ku booqday oo kulan muddo gaaban qaatan la yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka somalia C/qaasim Salaad xasan Ra'iisul wasaaraha iyo madaxwaynihii hore ee somalia waxay kulankooda ka dhacay guriga c/qaasim salaad xasan kaga wada hadleen arrimo la xiriira dalka somalia iyo sida nabad loogu soo celin karo. Ra'iisul wasaaruhu waxa uu ka dalbaday c/qaasim salaad xasan in uu dowladda kmg ah la shaqeeyo si ay ugu suurto gasho in ay dalka ka howl gasho ayna ugu guulaysato howlihii loo doortay in ay sida ugu habboon u gudato. Sidoo kale madaxwaynihii hore ee somalia c/qaasim Salaad xasan ayaa ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi ka dalbaday in uu taageero howsha magaalada Muqdisho lagu nabadaynayo ee ay maalmii la soo dhaafay wadeen qaar ka mid ah xubnaha golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada ee toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa in ra'iisul wasaaruhu uu ka aqbalay c/qaasim salaad xasan dalabkaasi. Markii uu soo gaba gabagaboobay kulankii uu la yeeshay c/qaasim salaad xasan ra'iisul wasaare Geedi waxa uu u dhaqaaqay dhinaca guriga uu magaalada Muqdisho ka dagganyahay madaxwaynihii hore ee isna dalka soomalia soo maray sagaashamaadkii cali Mahdi Maxamed oo kulankoodu uu wali soconayo. Cali Mahdi isagu dowladda horayba waxa uu u sheegay in uu taageersanyahay isagoo walibana madaxwayna, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha kale ee ku mowqifka ah ku raacsan in dalka la keeno ciidammo shisheeye oo u sheegay in ay lagama maarmaan yihiin si hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubaysan, waxaan cali mahdi uu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa'id oo uu goor sii horraysay ku qabtay hoteelka Ramadaan. Liibaan cabdi cali hayaan_8@hotmail.com
  6. ^^^ Geedi was a "weakling" a coward who did not have much support in Xamar, according to the warlord/ and supporters. Now we know for a fact that he has more support than any man in Mogadishu, has gained a cross clan welcome from every major clan groupings, including those the three "strongmen" Ato, Qaynyare and Yalaxow supposidely represent.
  7. ^^^ What ever mate. Like I said on many occasions we wait on the government to lead. What ever they decide we must support in order to realise the dream of Somali rebirth.
  8. Mudane Cali Mahdi oo gurigiisa ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa halka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi halkaas oo si diiran Prof. Geeddi loogu soo dhaweeyay. Qadka isgaarsiinta ayaa wareyaheen Muqdisho Nuuradiin nagu soo garsiiyay in kulankaas uu bilowday (Waqtiga Muqdishi 14:00pm ) qaatayna waqtigaaban ayaa waxaa ka muuqatay Mudane Cali Mahdi farxad isla markaasna u hanbalyeyay Prof. Geedi, kadiba waxaa leys dhafsady war bixino iyo arimaha xaalada Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyn doono Dowladda KMG isla markaasna loo bahan yahay inlaga faaideysto fursadaan qaali ah. Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulankaas waxaa ku wehliyay Danjiraha Kenya Maxamed Cabdi Afey,Afhayeen madaxweynaha Yuusuf Bari Bari, Wakiilka Jaamacadda Carabta Cabdalla Mubaarak, Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cali Foum,Safiir kuxigeenka dalka Uganda u fadhiya Nairobi Mr. Didas, Safiirka Al-jeeriya u fadhiya Nairobi Maxamed Hijan Al-Shariif, Danjiraha Dowladda Jabuuti Maxamed Siyaad Ducaale, waxaa kaloo goob joog ahaa Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), Nuur Shirbow iyo xubno kale. Sidoo Kale kulan waxa ka horeeyay kulan kale uu Prof. Geedii la yeeshay C/qaasim Kulankas oo ku dhamaaday is afgard iyo jawi wanaagsan ayaa Prof. Geeddi u mahadceliyay Mudane Cali Mahdi sid xil kasnimada uu u muujiyaya inuu la shaqeyn doono Dowladda KMG. Wixii warar ee soo kordho iyo sawiradada shirarkaas waan idin soo gudbin doonaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  9. Kulan ay yeesheen Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiqaasim Salaad oo ka dhacay guriga C/qaasim Kulan ay yeesheen Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiqaasim Salaad oo ka dhacay guriga C/qasim (Waqtiga Muqdishi 13:00pm ) ayaa ra'iisul wasaaraha waxaa kulankaas kuwehliyay danjirayaasha wafdiga ka soo raacay magaalada Nairobi. Sida uu wariyaha Midnimoee magaalada Muqdisho Nuuradiin qadka isgaarsiinta ku soo gaarsii yaya xarunta Midnimo ee London ayaa shegay in kulankaas oo qaatay waqti yar laguna soo dhaweeyay Prof. Geeddi, looga hadlay arimaha Soomaliya ayaa Prof. Geeddi u xaqiijiyay wafdigii lasocda ,C/qaasin iyo saxaafada in ay caasimada Soomaaliya tahay Muqdisho meel kalena aysan noqn karin caasimd . Kulanka markuu dhamaaday ayaa Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo C/qaasim Salad waxey yeesheen shir gooni ah oo ay labadooda kaliya meel gooni ah wada geleen lamana yaqaano waxa ay ka wada hadlayeen. Wafdiga uu hogaaminaayo Rai'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu wada in ay u gudbaan guriga Mudane Cali Mahdi Maxamed halkaas oo Prof. Geeddi kulan kula yelan doono Mudane Cali Mahdi. Wixii Warar ah oo soo kordho iyo sawiradada shirarkaas waan idin soo gudbin doonaa. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  10. Muqdisho: Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo guryahooda ku booqday laba Nin ee xilal Madaxweyne kasoo qabtay Soomaaliya dagaalada sokeeye dhexdooda - Saturday, April 30, 2005 at 13:21 Muqdisho (AllPuntland)- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta ku booqday guryahooda Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii DKMG ahayd ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 iyo Cali Mahdi Maxamed oo isagana madaxweyne ka ahaa dawladii lagu soo dhisay Jabuuti 1991-kii. Labadaas madaxweyne hore oo ayan shaqayn dawladahoodii ayaa wafdiga ra'iisal wasaaruhu ay ka bilabeen kulamada ay la lee yihiin waxgaradka Muqdisho ku sugan. Ra'iisal wasaaraha ayaa Cabdiqaasim iyo Cali Mahdiba la galay kulamo gaara oo aan la shaacin waxay kawada hadleen, laakiin kulamada furan ee ay wadayeesheen ayay kaga hadleen sida dawlada hadda Soomaaliya u dhalatay ay uga badbaadi lahayd wadadii ay mareen dawldihii ka horeeyay, iyadoo Geedi uu xaqiijiyay in caasumada Soomaliya tahay Muqdisho. CCC Farayaamo AllPuntland
  11. Which ever city the government decides to move to. Its up to them to decide and for us to follow.
  12. I dont want to add anything in this thread apart my appreciation You are welcome dear brother. As for the misguided portals it took them a while to adgust to the reality that things are really changing. Also how could I pass on such a moment when every Somali news portal is for once reporting the same thing. That in itself is progress It is a great day, the head of the cabinet and first minister came to Mogadishu the capital to tell the people one thing, the government is yours, it belongs to THE PEOPLE OF SOMALIA including those who reside in the once and future capital Xamar.
  13. ka mid ah Wasiirada hubeysan oo maanta ka qeybgalin soo dhaweynta Ra’iisal wasaaraha Iyadoo maanta magaalada muqdisho ku mashquulsanayd soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale 3 ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hubeysan ka baaqsadeen soo dhaweynta. Intii aan joogay Garoonka Diyaaradaha ee No-50 ayaa la ii sheegay in 3 daas Wasiir ay ku sugan yihiin isla markaana Wafdiga ku sugayaan xarunta xisbiga hase yeeshe markii aan soo gaaray xarunta xisbiga ayaa guud ahaan waxaa waayay muuqaalka 3 daas Wasiir oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow Wasiirka Ganacsiga, Maxamed Qanyare Wasiirka Ammniga Qaranka iyo Cusmaan Caato, lamina sheegin sababta ay uga soo qeybgali waayeen soo dhaweynta. Sidoo kale waxaa soo dhaweynta aan ka soo qeybgalin kuxigeenka koowaad ee Cali Maxamed Geeddi Maxamuud C/llaahi Jaamaca “Sifirâ€, arrintan ayaa dadweynaha muqdisho la yaab ku reebtay. Marka aad eegto muuqaalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa markiiba aad dareemi kartaa inaan wax farxad ah wejigiisa ka muuqanin, dadka ka hadla Siyaasadda Soomaaliya waxay sheegeen in Geeddi weli mowqifkiisa waxba iska bedelin. Maqanaasha 4 nin ayaa weli waxay caddeyn u tahay inaan laga heshiin khilaafkii jiray, iyadoo Wasiirka Ammniga Maxamed Qanyare shalay sheegay inaan wax heshiis ah laga gaarin khilaafkii jiray. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  14. The MP's in Xamar led by Omar Xashi Adan, plus the likes of Abdi Qaybdeed, Sacid Bulbul, Inda cade[surprise], General Galaal Xaf, Bashir Raage,Abukar Cadane, other businessmen, traditional leaders of Mogadishu north and south united to welcome Somalia's Prime minister. Who was absent? who else Osman Ato, Qaynyare and Suudi Yalaxow. They said Geedi cannot come to Xamar, he replied by getting a bigger welcome than any man who ever arrived R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo manta markuu soo gaaray muqdisho la hadlay dadweynaha. Somaliweyn (Mogadishow 29 ,2005) R/wassaaraha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa hadal u jeediyay dadweyne faro badan oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa. R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho ay tahay markii ugu horeysay tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’isulwasaarenimada mudo 6 bilood ka hor ayaa hadal uu ka jeediyay xaruntii hore ee xisbiga waxaa uu u mahad celiyay maamulada gobolka Sh/hoose iyo Banaadir sida weyn maanta ay uga qeybqaateen soo dhoweyntiisa, isagoo heegay in si walaaltinimo iyo qaranimo ay u soo dhoweeyeen , waxa uuna balan ku qaaday in maalmaha soo socda dadka Muqdisho uu kala hadli doono meel fagaare ah. Ra’isulwasaare Geedi ayaa waxa uu ka cudur daartay in daal awgiis uusan ku dheeraan Karin qudbadda, ka hor inta aanu hadalka qaadan R/wasaare Geedi waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka xubnaha labada gole ee DFKMG ee ku sugan Muqdisho xildhibaan Col. Cumar Xaashi Aadan ,maamulka gobolka Banaadir C/llaahi xasan Ganey (Firimbi) iyo maamulka gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho cade). Mas,uuliyiintaasi ayaa waxa ay sheegeen in dadka ay kala aragti duwanaan karaan ,balse in u jeedada ugu weyn ay tahay in la ilaaliyo qaranimada dahlia Soomaaliya . Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Indhocade oo ka hadlayay munaasabada soo dhaweynta ra’isulwasaare Geedi ee ka dhacday xarunta xisbiga ayaa sheegay in horey dalka ay u soo mareen dowlado hareer maray ku dhaqanka shareecada islaamka ,waana la ogsonyahay ayuu yiri halka ay ku danbeeyeen dowladahaasi ,waxa uuna xusay in dadka Muqdisho ay awood u heli karaan in ay hubka iska dhigaan ,nabadda caasimadda Muqdishana ay ka shaqeeyaan. R/wasaaraha oo ay dhinac fadhideen danjirayaal uu ka mid yahay Danjiraha Kenya u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa socdaalkiisa uu ku soo gaaray magaalada Muqdisho ay is weydiinayeen dadweynihii ka soo qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa ay ka badali karto qilaafka u dhaxeeya labada gole ee dowladda FKMG ee Soomaaliya, iyadoo soo dhaweynta wafuuda uu hogaaminayo ra’isulwasaare Geedi aysan maanta ka qeybgalin wasiirda Ganacsiga, Amniga iyo H/guud ee DFKMG ee Soomaaliya , Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cismaan Caato. Wafdiga Ra’isulwasaare Geedi ayaa ugu dambeyntii tagay Hotel Ramadaan oo iyana sidoo kale ay dadweyne aad u fara badan ay si diiran ugu soo dhaweeyeen. Ra’isulwasaare Geedi ayaa mar uu socdaal ku soo aaday Soomaaliya tagay magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, B/weyne, iyo gobolo ka tirsan maamulka Puntland taasoo ka careysiisay dadweynaha magaalada Muqdisho oo aad ugu han weynaa imaanshaha ra’isulwasaaraha, hasayeeshee socdaalkiisa iminka uu ku joogo Xamar waxa uu sheegay ra’isulwasaaruhu in uu la xiriiro in aan loo kala turjumin isaga iyo dadweynaha., oo uu sheegay in la jaha wareeriyay. Abdifitahaam Ahmed Mogadishu - Somalia
  15. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho Jimco, April 29, 2005(HOL)@19:00GMT: Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta duhurradii wuxuu ka soo degay garoonka No. 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo halkaasina uu ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolkaas Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo u badnaa Safiirro iyo Suxufiyiin Anjabi ah ayaa waxaa garoonka No. 50 looga galbiyay gawaari loo soo diyaariyay oo ay dhinacyada ka socdeen gaadiidka dagaalka oo aad u faro badan. Sida uu HOL u sheegay Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari waxaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Xubno ka ah Maxamed Cabdi Afey oo dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cali Cali Foam oo Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ku xigaanka Wakiilka Jaamacadda Carabta iyo safiirro kale oo uu ku jiro midka Aljeeriya, iyadoo sidoo kale uu wafdiga la socdo La Taliyaha Arrimaha Dibadda Ra’iisal Wasaaraha oo ah nin Ajnabi ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Daniel. Sheikh Yusuf Maxamed Siyad Indhacade, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa intaas kadib si toos ah loo geeyay Xaruntii Xisbiga oo maalmahan Xarun KMG ah u ahayd Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan, taasi oo ay ku sii sugayeen dadweyne aad u faro badan iyo xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood. Waxaa xusid mudan in ay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ka baaqsadeen Wasiirrada kala ah Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo Maxamed Qanyare, waxayna warar aynu ka helnay dad ku dhow dhow mas’uuliyiintaas ay sheegayaan in ay qaarkood xanuuno qabaan, halka warar kalena ay leeyihiin waxay u imaan waayeen xurguf kala dhaxeysa Ra’iisal Wasaaraha oo aan la xalin darteed. Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo isagu saakay ilaa maanta oo dhan aad isugu dubaridayay dadka degmooyinka gobolka Banaadir si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisal Wasaaraha ayaa Xarunta Xisbiga ugu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in shacabka Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ay ilaa saakay aroor hore u taagnaayeen sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen, isla markaana ay taasi muujineyso in ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan madaxdooda dowladda Federaalka, “Md. Ra’iisal Wasaare u sheeg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sidan oo kale ayay dadka Muqdisho diyaar ugu yihiin in ay soo dhaweeyaan ee yaanan Qaranka nalooga xawilin meel kale†ayuuna yiri Md. Firimbi oo ka codsaday Ra’iisal Wasaare Geedi in uu shacabkaas heeganka u ah uu ugu hiiliyo in Qaranka Soomaaliyeed caasimadda loogu keeno oo aanan meel kale laga geynin. Safiirka Kenya u qaabilsan dalka Soomaaliya Waxaa isna hadalkii qaatay oo cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ninka lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde oo maanta sameeyay wax aan laga fileyn oo ahaa in uu si Qarameed u soo dhaweyn doono Ra’iisal Wasaare Geedi oo uu horay u sheegay in uusan u aqoonsaneyn Ra’iisal Wasaare Soomaaliyeed, hayeeshee waa siyaasad iyo xaalkeeda wuxuu Indha Cadde ku gaabsaday markii uu hadlayay “Waxaan nafteyda iyo Naftiina aan kula dardaarmayaa in Allaah laga cabsado, isla markaana aan dalkan la keenin dowlad faanjir ah, waayo dowlad faanjir ah Alle ayaa dalkan ka bur buriyay in ay u soo noqotana ma yeelayo, waxaanse idin leeyahay ku soo dhawaada magaalada waa magaaladiiniâ€. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa isguna halkaas ka hadlay, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha uga warbixiyay dadaalka ay labada gole ee Muqdisho ku sugan beryahaan wadeen, isagoo tibaaxay in howsha ay hayaan ay meel gebo gebo ah u mareyso, dhowaanna la xareyn doono maleeshiyooyin fara badan oo magaalada ku kala firirsan, kuwaasi oo saraakiishii tababari lahayd uu maalinta berri ah seminaar ugu soo geba geboobayo Xarunta Xisbiga, Ra’iisal Wasaarahana uu ka rajeynayo in uu u soo xiri doono. Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay dowlad u heelan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynayaan haddii ay u imaaneyso, “ku soo dhawaada magaalada Xamar iyo dadkeeda oo dowladnimo u hamuun qaba, wixii kale oo farsamo ah oo aad nagu biirineyso Md. Ra’iisal Wasaare waan kaa rabnaa†ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi. Ugu dambeytiina waxaa hadalkii soo gunaanaday oo cod baahiya looga yeeray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo marka hore ka cudurdaartay soo daahitaankoodii, kadibna u mahadceliyay dadkii ilaa saakay u taagnaa soo dhaweyntooda, “Waxaan idiin ballan qaadayaa in aan meel fagaare ah kala hadli doono shacabka, markaasina aan faah faahin doono barnaamijka Xukuumadda guud ahaan, gaar ahaan midka Caasimadda Muqdisho†ayuuna ku gaabsaday Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in wafdiga iyo dadka soo dhaweeyay labaduba ay yihiin kuwo daalan, isla markaana uusan hadal badan jeedineynin. Si kastaba Arrintu ahaatee waxaa la dhihi karaa maanta si weyn ayaa magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay Wafdigii uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Geedi, marka laga reebo Ex Hoggaamiye Kooxeedyadii Wasiirrada noqday oo iyagu markii noogu war dambeysay wax ka tirsanayay Ra’iisal Wasaaraha, waxaana soo dhaweyntan ka qeybqaatay Bulshooyinka gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose qeybahooda kala duwan, haddii ay ahaan lahayd Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Fannaaniin iyo Caruur. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  16. Wafdi uu hoggaaminayey ra’iisal wasaare Geedi iyo xubnihii la socdey ayaa maanta si weyn oo aan la arrag loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya. April 29 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Aweys Foodeey. Muqdisho, Soomaaliya. Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si weyn loogu dhoweeyey xarunta baarlamaanka Ex-xaruntii xisbigii hantiwadaaga ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula Hadley dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiin ka qeyb qaadanayey soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha, kuwaasoo saaka ilaa sagaalkii subaxnimo halkaasi isugu soo ururey. Ra’iisal wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo soo dhoweyn weyn loogu sameeyey maanta xarnunta baarlamaanka Ex-xaruntii hore ee xisbiga, ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa qeybaha kala duwan ee ururada degmooyinka gobolka Banaadir, ciidamada baan beyda oo garaacayey muustikada astaanta u ah calanka jamhuuriyada Soomaaliya, fanaaniinta qaranka, iyo dadweyne aad u fara badan oo qaarkood luxayey caleemo qoyan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdulaahi Xasan Ganeey “Firimbi†oo ugu horeyntii ka Hadley soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir ay balan qaadayaan nabadeynta caasimadda magaalada Muqdisho, ayna muujinayaan wanaaga iyo jaceylka ay u qabaan dowladnimada, isagoo ka codsadey ra’iisal wasaaraha inuu ugu hiiliyo shacabka sidii ay ugu hiiliyeen. Waxaa kaloo munaasabadaasi ka Hadley guddoomiyaha Sh/Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cade†oo ka Hadley qaabkii ay u dhacdey soo dhoweynta ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi. Munaasabadaasi ayaa waxaa kaloo ka Hadley xildhibaan Cumar Xaashi Aadan afhayeenka xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyey hawlaha ay labadda gole ka qabteen magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha gobolka Banaadir ay ku hawlan yihiin dibu soo celinta ambnigii caasimada magaalada Muqdisho, iyo nidaamkii iyo kala danbeyntii, isagoo sheegay iney dadweynaha gacan ka helayaan xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho. Xidlhibaan Cumar Xaashi Aadan waxa uu intaa raaciyey in hawlaha u diyaargarowga sugidda amniga magaalada Muqdisho ay meel fiican mareyso, dhowaan maleeshiyooyinkana laga saari doono guddaha magaalada lana geyn doono xerooyin loo qoondeeyey, isagoo intaa raaciyey in barito loosoo gabagabeyn doono siminaar u socdey muddo saddex cisho ah. Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna munasabadaasi ereyo kooban kasoo jeediyey ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta weyn ee loo sameeyey. Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in mar kale uu ka hadli doono siyaasadda dowlada federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan xaalada magaalada Muqdisho.
  17. Ra’iisal wasaare Geeddi oo maanta si weyn oo aan horey loo arag loogu soo dhoweeyey Muqdisho(7-dii aroornimo illaa 2-dii duhurnimo oo la sugayay) Muqdisho Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta saacadu markey aheyd 2:00 duhurnimo ka soo dagay dagay garoonka diyaaradaha No.50 ee Gobolka Sh/Hoose. Wafdiga uu hogaaminayey ra’iisal wasaare Geeddi oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, beesha caalamka, Jaamacada Carabta, ururka Midowga Afrika, iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxa kale oo ka mid ahaa safiirka dowlada Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdi Afey, afhayeenka ra’iisal wasaaraha C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari), afhayeenka madaxweynaha Yuusuf Bari-bari waxaana halkaasii si diirean ugu soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan oo tiradoodu kumanaan ay gaaareysay kana kala yimid gobolada Banaadir iyo Sh/hoose oo iyagu watay gawaari lagu qiyaasay illaa 200 oo isugu jira Basas iyo kuwa yar yar, ururada bulshada rayidka ah, Haweenka, iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka kal tirsan xubnaha labada gole ee ku sugan magaaladan Muqsisho, ganacsato iyo siyaasiyiin, waxaana ka mid ahaa masuuli’yiintii halkaasii ku soo dhoweysey ra’iisal wasaare Geeddi iyo wafdigiisa gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) oo isagu maanta sugayey amaanka garoonka diyaaradaha ee No.50 iyo ganacsade C/rashiid Shirre Ilqeyte, waxaana uu raiiisal wasaare Geedi halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tisan ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana halkaasii muusikada astaanta Qaranka Soomaaliyeed ka garaacayey kooxda Baanbeyda ciidan ka Booliska Soomaaliyeed. Kadibna ra’iisal wasaaraha iyo xubnihii la socday waxay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdaan boqolaal baaabuur isugu jira gawaarida loo yaqaan Tiknikada oo ay saaran yihiin maleeshiyooyin aad u hubeysan, intii ay wadada ku soo jireen ayaa waxaa waddooyinka hareerahooda safnaa daweyne aad u fara badan oo iyagu u soo baxay soo dhoweynta ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxayna ruxayeeen caleemo qoyan, waxaana markii danbe ra’iisal wasaare Geeddi iyo xubnihii la socday ay soo gaareen xaruntii hore xisbiga ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugayeen dadweyne kumanaan ruux gaaraya, ururada bulshada, Haweenka degmooyika G/Banaadir, ciidamada qalabka sida, iyo fanaaniinka Hobolada Qaranka Soomaaliyeed, oo iyagu tan iyo saakay halkaasi u taagnaa soo dhweynta wafdiga ra’iisal wasaaraha, waxaana uu halkaasi uga gacanhaatiyeydaweynihii halkaasii isugu soo baxa Waxaa halkaasii hadalo soo dhoweyn ah ka soo jeediyey gudoomiyayaaasha G/Banaadir iyo Sh/hoose, C/laahi Xasan ganey Firinbi iyo Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, hadal gaaban oo uu halkaasi ka soo jeediyay C/llaahi Firimbi ayaa waxa uu sheegay in dadweynaha G/banaadir ay ka xumaadeen markii ay maqleen in magaalo madaxdii Soomalaiya meel kale loo xawilay" anaga nafteena aadbaan uga xumaanay hadaanahay mas’uuliyiintii G/banaadir Mudane Ra’iisal wasaare, waxaana rajeyneynaa inaad noogu hiiliso sidii aan kuugu hiilinay iyo sidii aan kuugu soo banaanbaxnay" ayuu yiri C/llaahi Firimbi iyadoo dadweynihii halkaasi isug yimid sacabtumeen. Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xidhibaan Cumar Xaashi Aadan oo isagu ku hadlayay magaca xubanaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, isagoo ugu horeyntiina sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin inay maanta ku soo dhoweeeyaan xarunta xisbiga "Mudane ra’iisal wasaare dadweynah ku nool G/Banaadir waxay in muddo ah ku howlanaayeen, ka shirayeen kana tashanayeen abaabulayeena sidii magaalada Muqdisho amnigeedii iyo kala dambeyntii iyo sharcigii ugu soo celin lahaayeen suuragalna ay u noqon laheyd in dowladda KMG ay ku soo dhoweeyaan arrintaasoo xubnaha labada gole ee Muqdisho ka jooga gacan ku siiyeeen" ayuu yiri xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay inay howshaasi hadda meel gabo gabo ah u mareyso Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi oo hadal gaaban halkaasi ka jediyey ayaa uga mahad celiyey daweynihii iyo mas’uuliyiintii kale ee sida diiran isaga iyo martidii la socotayba ugu soo dhoweeyeen magaaladan Muqdisho. "Mas’uuliyiinta labada gole ee dowlada fedraalka ah ee Soomaaliya, masuukitiinta labada gobol ee Sh/hoose iyo Banaadir, ciidamada kala duwan, qeybaha bulshada oo ka kooban culumaa’udiinka, nabadoonada, Haweenka, ganacsatada, dhalinyarada iyo gaar ahaan fanaaniinta halkan nagu madadaalisay waad salaaman tihiin, Soomaalidu waxay tiraahdaa war nina si u dheh nina si u qaaday, wixii jira goob intaan ka balaaran oo aan aamin sanahay in diyaar loo yahay ayaan uga hadli doonaa siyaasada dowlada ee ku wajahan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ee caasimada ah, waxaan ka cudur daaraneynaa soo daahida aan soo daahnay illaa xalay ayaad qaban qaabo ku jirteen illaa saakay iyo saacadaanba waad taagan tihiin, waan dareemayaa,waxaana u qaadanayaa soo dhoweyntaas Galkaceyl loo qabo dowlada aan Ra’iisal wasaaraha ka ahay, walaalayaal, mudaneyaal iyo Marwooyin waqtigoo kooban iyo idinkoo daalan iyo martida ila socota oo daalan,aniga hadaan doono 24 saac waan hadli karaa waana taagnaan karaaye waqti baan isu heli doonaa waxaana idin kaga mahad celinayaa hadaad tihiin mas’uuliyiin iyo shacbi kala duwanba soo dhoweynta qiirada badan ee aadnoo sameyseen, ee Qaranimo iyo walaatinimo, ee aad nagu soo dhoweyseen, shacbigaG/Banaadir waxaan u balan qaadayaa inaan goob fagaare ah uga soo jeediyo qorshihii iyo khudbadii aan ugu soo talo galay, waana mahadsan tihiin" ayuu yiri Prof. Cali Max’ed Geeddi oo intaasi ku soo gabo gabeeyey khudbadiisii. Imaanshaha Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka tirsan hogaamiyeyaasha Muqdisho ku hubeysan, kana mid ah xukuumadda ra’iisal wasaare Geeddi aysan ka soo qeyb galin soo dhoweynta Geeddi, waxaana xubnaha maanta ka maqnaa goobta ay ahaayeen, wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afarax, Howlaha Guud iyo Giriyeynta, Cumsaan Xasan Cali (Caato), Ganacsiga, Xaaji Muuse Suudiy Yalaxow iyo wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, lamana garanayo sababaha ay u maqnaadeen xubnahaasi. waxaa isku soo duway, Garaad Salaad Xirsi iyo Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)Dayniile,Muqdisho
  18. SHACABKA MUQDISHO OO SI AAN HORE LOO ARAG MUQDISHO UGU SOO DHOWEEYAY WAFDIGA RA’IISAL WASAARE GEEDI Somaliweyn.com ( Muqdisho 29 Abriil 2005) Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aan hore loo arag u soo dhoweeyay wafdiga Ra'iisal Wasaare Geedi oo isugu jira xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka ah, wafdiyo ka kala socda dalalka deeqda bixiya, IGAD iyo Jaamacadda Carabta, iyadoo inta badan waddooyinka waaweyn ee Muqdisho lagu arkayay dadweyne aan la qiyaasi karin oo subaxnimadii hore isu diyaarinaya inay Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa uga hor tagaan Garoonka Diyaaradaha No.50 isla markaana u soo galbiyaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo raxan raxan u kireystay Gawaarida Basaska xamaasadda ay u qabaan inay muddo 15-sano ah kaddib arkaan waxa ay tahay Dowladnimo iyo inay madaxda Dowladooda ku soo dhoweeyaan caasimada Soomaaliya. Ka sokow diyaar garowga ay si iskood ah ugu dhaqaaqeen shacabka Muqdisho, waxaa iyana qabanqaabo isugu diyaariyay xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka horena u joogay Muqdisho, taasoo ka dhacday Hotelka Saxafi oo ay ku jireen inta badan xubnahaasi iyo xarunta Xisbiga oo maalmahanba fariisin u ahayd qoshuhuna ahaa in marka uu caasimada soo gaaro wafdiga ay halkaasi kula hadlaan xubnaha labada Gole iyo dadweyne si iskood ah isugu abaabulay oo xaruntaasi soo buux dhaafiyay. Farxadda iyo xamaasadda ay u qabaan inay caleemo qoyan ku soo dhoweeyaan Ra'iisal Wasaaraha matalaya Dowladda ay shacabka Soomaaliyeed si weyn uga dhowrayaan inay ka dulqaado heeryada dulsaaran waxay sii ballaaratay kaddib markii ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay inay lug jiidaan Ex-Hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho ku sugan, oo iyagu maalmihii la soo dhaafay si aan caadi ahayn u jebiyay Muraayadda qalbiga shacabka dhibaateysan mudada 15ka sano ah, kaddib markii ay Idaacadaha ka dacaayadeeyeen oo afkooda laga hayo hadalo aanu afkiisa qaban karin shaqsi mas'uul ka ah masiirka shacabka, waxayna arrintani horseeday inay reer Muqdisho ka war dhowraan madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo qaabka ay uga tallaabsan doonto turuntooyinka faraha badan ee horyaala. Xubno ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Afhayeenka labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo lagu magacaabo Cumar Xaashi Aadan, Yuusuf Indhacadde oo maamula gobolka Sh/hoose iyo kuwo kale ayaa siyaabo kala duwan uga muujiyay aragtidooda ku aadan soo dhoweynta Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo doorka ay ka qaadanayaan. Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Maxamed Qanyare Afrax kana mid ah hoggaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ayaa sheegay in dhinacooda ay weligoodba ku baaqayeen in Dowladdu si toos ah u soo degto Muqdisho, isla markaana imaanshaha Ra’iisal Wasaare Geedi aanay sameyneyn wax macne ah, balse ujeedadu tahay in Dowladdu caasimada timaado oo ay ka howlgasho, isagoo dhaliilay in Dowladda Federaalka ay si KMG ah u sii degto magaalooyinka Jowhar iyo Baydhaba. Md. Qanyare isagoo hadalkiisa sii qeexaya ayuu sheegay in nabadgelyo xumida laga faafinayo Muqdisho ay tahay dacaayad raqiis ah laguna doonayo in go’doon lagu geliyo, waxaana mar uu ka hadlayay howlaha nabadeynta ah ee ay baryahan wadeen meel fiican mareyso, taasoo uu sheegay in maleeshiyooyinka ay ururiyeen damaanad qaadayaan amniga Dowladda. Cumar Xaashi Aadan oo ah Afhayeenka labada Gole ee Muqdisho ayaa sheegay inay diyaar garow weyn ugu jiraan sidii uga qeyb qaadan lahaayeen soo dhoweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha labadii maalmood ee la soo dhaafay, wuxuuna tibaaxay in dib loo dhigay imaanshaha wafdigan darteed Seminaar loo soo gabagabeyn lahaa qaar ka mid ah hor joogayaasha maleeshiyooyinka Muqdisho, iyadoo dib loogu dhigay in Ra’iisal Wasaare Geedi Seminaakaasi soo xiro, isagoo ammaanay howlaha ay Muqdisho ka wadaan oo uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho ay tahay mid la isku halleyn karo, balse waxaa soo dhoweynta wafdiga ka maqnaa Hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee kala ah: Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cusmaan Xasan Cali (Caato). Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho waxa uu si weyn uga duwanaa sidii uu hore u ahaan jiray, sida soo dhoweynta Madaxweynihii hore ee C/qaasim Salaad, iyadoo waxyaabihii aadka iiga yaabiyay mudadii aan u kuur gelayay qaabka ay dadweynuhu uga qeyb qaadanayaan soo dhoweynta wafdiga ay ka mid tahay in la kala garan waayo dadweynaha oo isugu jiray kuwo wadada hareeraheeda taagan iyagoo wata caleemo qoyan iyo kuwo kale oo iyagoo Basas yar yar saaran ku sii jeeday Garoonka, waxaana maanta la kala garan waayay inuu shaqeynayo Gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose. Abaarihii 11:30 daqiiqo ayay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha No.50 mid ka mid ah Diyaaradii ugu horeysay ee wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, waxaana ka soo degay cutubka ugu horeeya wafdiga oo uu hoggaaminayay Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Baribari, oo markii uu soo gaaray xarunta Xisbiga mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ku sugayay halkaasi mahad celin uga jeediyay sida aan hagrashada lahayn ee ay u soo dhoweeyeen, hase yeeshee ka gaabsaday inuu faahfaahin ka sii bixiyo ujeedada socdaalka iyo qorshaha safarkooda, wuxuuna sheegay inaanu isagu ka sii hor dhaceyn qorshaha imaatinkooda, oo uu sheegay inay si wadajir ah u shaacin doonaan. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed ee ka soo kictimayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo watay saddex Diyaaradood, ayaa duulimaadkii labaad soo degay dhowr daqiiqo kaddib, waxaana wafdiga Diyaaradan hor kacayay C/raxmaan Diinaari, iyagoo markii ay gaareen xarunta Xisbiga si weyn uga mahad celiyay sida habsamida leh ee ay u soo dhoweeyeen dadka reer Muqdisho oo halkaasi iska xaadiriyay aroornimadii hore, wuxuuna Md. Diinaari sheegay inaanay wax qarsoomi kara ahayn sida ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ugu hamuun qabaan nidaam Dowladeed oo mar kale ka curta dalka. Muddo dhowr Saacadood ah kaddib waxaa xarunta Xisbiga soo gaaray qeybtii ugu dambeysay ee Wafdiga oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Geedi, waxaana gudaha xaruntaasi is qabsaday sawaxan gilgilay dhismaheeda oo markii horeba ay dadku si aad ah ugu badnaayeen, hase yeeshee Ra’iisal Wasaaraha ayaa dabaqa kore uga sii gudbay goob loo diyaariyay inuu dadka kala hadlo, saxmiga dadka oo markii uu Ra’iisal Wasaaruhu soo galay xarunta si aad ah ugu sii qulqulayay gudaha xaruntaasi, isagoo dabaqa labaad ee dhismahaasi tegay si uu halkaasi khudbad kooban uga jeediyo dadweynihii cadceeda kuleylka badan u taagnaa maalin barkeed soo dhoweyntiisa, isagoo ugu horeyntii mahad celin ballaaran u jeediyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii sida xamaasadda leh u soo dhoweeyay, isagoo kaddibna yiri “Ma rabo inaan idiin sii dheereeyo wakhtiga faraha badan ee aad halkan igu sugeyseen, hase yeeshee ujeedada socdaalkeyga iyo qorshayaasha Dowladaba meel fagaare ah ayaan idinkaga sheegi doonaaâ€. Inkasta oo wafdiga madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay maanta ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan sababo ay ka mid tahay wakhtiga oo aad u yaraa awgiis, ayay hadana marka la macneeyo ka soo qeyb gal la’aanta soo dhoweyntooda saddexda hoggaamiye kooxeed ee Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cusmaan kana soo dhalaali waayay doorkii laga sugayay iyo sida ay uga gaabsadeen wufuuda inay uga waramaan xaalada Muqdisho ay u muuqataa mid fallaar ku ah hoggaamiye kooxeedyadan. Marka la fiiriyo sida niyadsamida leh ee ay ugu farxeen Diblomaasiyiintii la socotay Ra’iisal Wasaare Geedi dadweynihii tubnaa laga soo bilaabo Garoonkii ay ka soo degeen ilaa xarunta Xisbiga ayaa iyadana muujineysa sida dadka reer Muqdisho ugu heelan yihiin helitaanka Dowlad soo celisa xasiloonida iyo kala dambeyntii dalku lahaa isla markaana Diblomaasiyiintu xaqiiqsadeen in kuwa Dowladda ka tirsan ee guryahooda hoosta ka soo xirtay ay afduub ku heystaan shacabkii faraha badnaa, hase yeeshee kooxahan maanta ayay dhammaatay ruwaayadii ay baryahan Muqdisho ka wadeen ee lagu qaldayay beesha Caalamka, maadaama ay soo xaadiri waayeen iyagoo isku sheegayay inay iyaga oo kaliya ka go’do masiirka caasimada dalka ee Muqdisho isla markaana ka mid ah Xukuumadda Federaalka ay soo dhoweyn waayeen mas’uulkii iyaga magacaabay ee mansab ahaan ka sareeya, hase yeeshee wixii jiraaba waa la ogaan doonaa saacadaha soo socda. Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) jabriil@journalist.com Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho somoginfo@somaliweyn.org
  19. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wafdi u badnaa Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Labada Gobol ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyadoo Garoonka Diyaaradaha No-50 iyo inta u dhaxeysa muqdisho ay taaganaayeen dadweyne aad u fara badan oo sitay caleemo iyo sawirka Prof. Cali Maxamed Geeddi. Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Danjiraha Dowladda Yamen ee Soomaaliya iyo Wariyaal Shisheeye oo aad u badan. Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Jen Axmed Jilacow Caddow ,Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Bari Bari, Xaaji Xuseen Cagay iyo Nuur Shirbow Waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), Jen Maxamed Nuur Galaal, Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan, Cabdi Qeybdiid, Xaaji Koogaar,Enj Maxamed Xuseen Caddow, Dr Cusmaan Dufle, Ganacsato u badan kuwa magaalada muqdisho iyo 160 oo Baabuurta dagaalka ah. Ra’iisal wasaaraha oo ka muuqatay daal aad u fara badan ayaa waxa uu khudbad aad u kooban ka soo jeediyay xarunta Baarlamaanka oo horey u aheyd Xarunta Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed. Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka cudur daartay in uu ka soo jeediyo halkaasi Khudbad ka hadleysa waxyaabaha uu u yimid iyo barnaamijkiisa inta uu muqdisho joogo sida ay ahaandoonto isagoo aad ugu mahadceliyay sida loosoodhaweeyay iyo dadkii iskalahaa qabanqaabadda. Ra’iisal wasaare Prof. Geeddi ayaa sidoo kale waxa uu u mahadnaqay dadweynihii maanta oo dhan qoraxda istaagsanaa oo sugayay oo kaliya soo dhaweyntiisa, “ waxaa ii cad in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda maxaa yeelay Qoraxdaan ma istaagsanaan leheyn hadii aysan dooneynin Dowladda midaasina waan ugu mahad celinayaa†ayuu yiri Prof.Geeddi. Prof. Geeddi ayaa balan qaaday in maalin aan maanta aheyd u khudbeyndoono shacabka Soomaaliyeed wuxuuna ka cudur daartay in soodaahitaanka ay soo daaheen ay u sababtahay iyagoo ku jiray qabanqaabo aad u xoog badan sidaa daraadeed ay u soo daaheen, Prof. Geeddi ma shegin inta maalmood oo uu ku sugnaan doono Magaalada Muqdsho, khudbadiisa kadib ayaa waxa uu mar kale khudbad ka jeediyay Barxad weyn oo ka soo horjeeda Hotel Ramadaan. Dhibaatada ugu weyn ayaa waxaa meesha ka soo gaartay Wariyaasha oo kala kulmeen Saraakiisha Ilaalada Wafdiga kala jiid iyo inay la dhacaan qoriyaha baadkooda, waxaana adkaatay in meesha uu Ra’iisal wasaaraha ku sugnaa loo dhawaado. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  20. Somali premier visits Mogadishu Ghedi toured Somalia earlier this year but avoided Mogadishu The prime minister of Somalia's transitional government, Ali Mohammed Ghedi, has begun his first visit to the capital, Mogadishu. Mr Ghedi, who has been based in neighbouring Kenya since taking office last year, is trying to bolster the unity of the transitional government. Somalia has had no functioning central authority since 1991. The prime minister was greeted at an airstrip 50km from the capital by crowds of cheering well-wishers. Officials who have returned to Mogadishu in recent weeks were also there to welcome him. The main airport in Mogadishu has been damaged by years of warfare between rival militias. The BBC's Mohammed Olad Hassan in the capital says the prime minister travelled to Mogadishu in a convoy of 70 vehicles, including jeeps mounted with anti-aircraft guns, known as technicals. He hopes to persuade ministers and members of parliament to return to Kenya for further discussions on his plans for the relocation of the government.
  21. Ra’iisal wasaare Geeddii oo hadal kooban u jeediyey dadka reer Muqdisho Muqdisho - 29.April.2005 Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliyeed, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta gaarey caasimadda Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilkaas, ayaa hadal kooban u jeediyey dadweynaha magaalada Muqdisho. Raiisal wasaaraha oo ka hadlayey xaruntii hore ee xisbiga ayaa waxaa uu cudurdaar ka baxshey in uu hadal badan u jeediyo dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyey, daalka safarka awgiis, waxanu uga mahad celiyey soo dhoweyntii ay u sameeyey dadka reer Muqdisho. “Waxaa ii cad in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda sababta oo ah saacado dheer ayey u taagnaayeen qoraxda si ay u soo dhoweeyaan madaxda dawladda federaalka Soomaaliyeed†ayuu yiri ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi. Markii uu ra’iisal wasaaruhu dhammaystay munaasabadii xaruntii xisbiga halkaas oo ay mas’uuliyiin fara badan ku soo dhoweeyeen ayuu waxaa uu u gudbey Hotel Ramadaan halkaas oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen. Wafdiga Ra'salwasaaraha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka socda Beesha Caalamka sida Danjire Maxamed Cabdi Afey oo ah Ergayda Xukumada Kenya u qaabilsan Arimaha Soomaaliya, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Ducaale, Wakiilka Jaamacada Carabta ee ee Soomaaliya Cabdalla Mubaarak, Safiirka Al-Jeeriya u jooga dalka Kenya Mohamed-Hecene Echarif iyo xubno kale oo aad u fara badan. Wafdigan oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee No 50 ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliyiin aad u fara badan oo ka socdey Qaybaha Siyaasada ee Magaalada Muqdisho, Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe iyo Dadweyne aad u fara badan oo gaarayey kumanaan kuwaasi oo tubnaa ilaa Garoonka iyo Magaalada Muqdisho. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Muqdisho
  22. Prof.Cali Maxamed Geedi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Airporka No:50 Muqdisho :- Daqiiqado kahor ayuu Airporka No:50 kasoo degay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno kamid ah dowlada Federaalka. Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha oo saarnaa diyaaradii labaad ee maanta soo cago dhigata Airporkaasi ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey kumanaan dad ah oo ka qeyb qaadanaya munaasabada Soo dhaweynta hogaamiyaha xukuumada Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamo ah oo halkaasi ku soo dhaweeyey ayaa hada usoo gudbay dhanka magaalada Muqdisho. Wafdigan oo ay gelbinayaan gawaari aad u badan oo nooca tiknikada ah ayaa waxaa la filayaa in ay wax yar kadib soo gaaraan Hotel Ramadan ee magaalada ku yaal halkaasi oo ay ku leeyihiin Qado sharaf. Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Wakiilka dowlada Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Afey iyo Safiirka dalka Jasaa'ir ama Aljeeriya u fadhiya Kenya ee Mr.Mohamed Hisene. Soo dhaweynta maanta ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaalada ayadoo shacabweyne isugu soo baxay soo dhaweynta ay dhooban yihiin daafaha jidadka si ay markaa halkaasi ugu soo dhaweeyan Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socda. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya