General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Banaanbax looga soo horjeedo Maxkamadaha Islaamka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo Talaado, September 26, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose oo ay qabsadeen maxkamadaha Islaamka ayaa shalay iyo xalay waxaa ka dhacayay banaanbaxyo lid ku ah Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale. Dadka banaanbaxa dhigayay oo ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah Maxkamadaha ayaa waxay ka sameeyeen banaanbax rabshado watay oo isugu jiray dhagax-tuur iyo taayarro la gubay, iyadoo la sheegay in ay dadkaasi ka careysnaayeen maxkamadaha qabsaday iyo weliba Calanka Soomaaliya oo laga dejiyay meel uu magaalada Kismaayo ka surnaa, isla markaana lagu bedelay calan kale oo ay Maxkamadaha wateen. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay ka mid ahaayeen Barre diide dooni meyno, USC dooni meyno iyo kuwo kale, waxaase markii ay cabaar banaanbaxayeen ka hortegay ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo kala ceyriyay. Arrinta ku saabsan karaamo-tirka lagu sameeyay Calanka Soomaaliya ee Kismaayo ka dhacday ayay mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka si kala duwan uga hadleen, wuxuuna Shiikh Xasan Turki oo Gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda uu sheegay in Calanka oo hoos loo dhigo aysan wax micno lahayn, isla markaana uu maro yahay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Maxkamaduhu leeyihiin ujeedo ka weyn Calan la dejiyo oo ah in shantii Soomaali lagu baadi doono Kitaabka Alle. Laakin Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay arrintaas ahayd qalad dhacay, balse qaladkaas ay tuhmayaan in uu ka dhacay shakhsi gaar ah, “Waxaa loo qaatay in arrinta karaamo-tirka Calanka ay Maxkamadaha ka dambeeyaan, taasina ma ahan wax jira, Annagu dood kama qabno in uu Calanka sharafkiisa lahaadoâ€ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in haddii ay wax qaldameen ay saxayaan qaladkaas, isla makaana ay baarayaan ciddii ka dambeysay in Calanka hoos loo dhigo. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Kismaayo oo ay si buuxdo gacanta ugu hayaan Maxkamadaha Islaamka, waxaana dib u bilowday isu socodkii dadka iyo howlihii ganacsiga ee ay dadku wateen, inkastoo ay jireen goobo ganacsi oo aan weli la furin, kuwaasi oo dabcan ay leeyihiin dad ku jira xaalad sug oo arag ah kadib la wareegiddii Magaalada ee Maxkamadaha Islaamka. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
^^^ ME. I have never doubted my position nor the fakery of it all, including your latest ploy. I tell you the game has just begun the players are getting limited by the day, the foreign fighters are here. My position is clear, unity through justice this fake religious reveloution is already running out of steam. Whats left, the lower Shabbele and the real liberation of the south is still to come.
-
keep it coming mate... wonderful stuff.
-
ME, Ihave always had respect for Horn.. Today he knows what I have known for a while.. As for Hiiraale, he is not beaten, he has his troops and arms and still the support of his clan, now thats one dangerous man..
-
Kismaayo Airport held by Pakistani and Oromo army, Gedonet reports.
General Duke replied to Jacpher's topic in Politics
Turki did not exist a number of years ago when Morgan was fighting the JVA and Inda cade.. Funny how he has come back to haunt the boys from Gedo... IndaCade put it nicely, when he said that they put Hiiraale in Kismayu, we wait for what Mr Hiiraale does now... As for Turki, the man is honest.. -
Ramadan Kariim all. No one is against the sacred faith that we all hold dear. One is against aggression and clan domination. The courts so far have been aggressive and clan centric. We wait and see..
-
kismayu: Hiiraale chased out, courts in+ riots + flag incident....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^Brother I am just the messinger.. no need to bite my head off.. -
MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AH: 'Isku daygii dilka Madaxweynaha, Qabsashadii Kismaayo iyo Gubidii Calanka' W/Q: Cabdiraxman Xariri Posted to the MOL September 25, 2006, 5:07 pm Shacabka Muqdishu oo baahi weyn u qabey nabad iyo degnaasho anigu shakhsiyan waan jeclaa in nabad siday ku heli karaanba ay ku helaan oo mar uun xamar oo degan la arko, maanta sida muuqata taas waxaad moodaa in la yara helay oo ay Muqdishu yar qabowdey, laakiin qiimaha ay nabadaasi ku fadhido ayaad moodaa in shacabku yara dareemayaan marka la eego sida Maxkamaduhu u dhaqmayeen todobaadyadii la soo dhaafay. Marka laga soo tago Xoriyad la'aanta iyo xukumadda lagu deg-degey ee la fulinayo iyo faragelinta dhaqan hoosaadka shakhsiyadeed ee ay gacan-togaalaynayaan max kamaduhu waxaa shacabka intiisa badan ka degi weydey sadex fariimood oo waaweyn Maxkamadaha awooda u oomani direen labadii usbuuc ee la soo dhaafay kuwaasoo muujinaya in Maxkamaduhu ka weyn yihiin wax Soomaali u gaar ah:- Isku daygii dilka Madaxweynaha Qabsashadii Kismaayo Gubidii Calanka Isku daygii dilka madaxweynaha Cabdillahi Yuusuf oo cadowyo badan oo gudaha iyo dibadaba leh wax lala yaabo ma ahayn in la isku dayo in la khaarajiyo laakiin waxaa arin ugub noqotay in qof naftiisa miidaaminaya iyo gaari miinaysan la isticmaalo taasoo ah arin aan soomaali ku abtirsan oo ay dad dibada soomaaliya kaga yimi inagu soo biiriyeen. Qabsigii Kismaayo Kismaayo waxay ka midtahay meelaha uu inta badan ka dhaceen dagaaladii sokeeye ee qabiilka ku salaysnaa waxaadna moodaa in intii xiriirka isxulufaysiga ah ee Dooxada Jubba la oranjirey la sameeyey ay yaraatay xanaftii ka dhexaysey labada qabiil ee gobolkaas iyo Soomaaliya inteeda kaleba isku hayey. Waxaana shaki kujirin Gulufkan la geliyey Kismaayo iyo lasafashada ay maxkamaduhu la safteen isbahaysigii dooxada jubba garab ka mid ah inuu damqayo dhaawacyo bogsan rabey. Taasoo muujinaysa in weerarka Kismaayo ay qaaday cid aan xaalada soomaaliya aad ula socon oo dibada inagaga timid oo aan ka warhayn muhiimada kismaayo qabaailka qaar u leedahay. Gubidaa Calanka Marka laga saaro Waqooyi Galbeed weli muran in calanku inaga dhexeeya ahi ma dhicin maanta ka horow, si kastoo la isu laayo Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta geeska ah lihi wuxuu ahaa mid ka sareeyaa khilaaf iyo in qolo lagu riixo. Cadowga qura ee "Cawaale" lahaa waxuu ahaa wadamada deriska ah oo u arkayey inuu tilmaamayo shantii soomaaliya oo ay kala ilaalinayeen. Markaa hadii calankeenii la dejiyey oo la jeexjeexay ama "lagubay sida dadka qaar sheegeen" Soomaali waa la weheliyaa oo cid aan qiimaha uu inoogu fadhiyo aqoon baa falkaa gaysatey. Marka intaasoo dhan la eego waxaa cadaatay in nabadii aan soomaaliya la damacsanayn ee aan is la hayn haday ugu dhowdahay ay noqotay dhaan-dabagaale iyo Dhedo roob noqon weydey. Gacmo shisheeye iyo dagaalo laynoo wakiishayna aynu hada kow nidhi Walaahu Aclam Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia xariri@hotmail.com
-
kismayu: Hiiraale chased out, courts in+ riots + flag incident....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gedonet.com the mouth piece of Minister Hiiraale turn on their old allies from Galgaduuud.. They claim that MP Seeraar has looted Hiiraales house. Ironic is it not.. Gedonet.com -
kismayu: Hiiraale chased out, courts in+ riots + flag incident....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Rabshado cusub oo ka dhacay Kismaayo ayadoo magaalada Bandaw ku jirto Last Updated::2006-09-26 13:03:20 Kismaayo:- Magaalada Kismaayo ayey xalay markale ka dhaceen isu soo bax rabshado wata oo ay shacabka uga soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamiga. Mudaharaadyada xalay dhacay ayaa lid ku ahaa Bandaw ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha kusoo rogeen magaalada Kismaayo. Bandawga ayaa waxaa jabiyey mudaharaadyo ka dhacay jidadka waaweyn ee magaalada halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad rayid ah oo ka careysan qabsashada magaalada Kismaayo oo u gacan gashay Maxkamadaha Islaamiga ee ka yimid Muqdisho. Illaa iyo hada macada in ay cidi wax ku noqotay rabshadii xalay ayadoo la arkayey dad badan oo dhagaxaan ku tuurayey gaadiidka maleeshiyooyinka Maxkamadaha. Magaalada Kismaayo ayey shalay ka dhaceen mudaharaadyo waa weyn oo ay 3 qofood ku dhinteen. Magaalada Kismaayo ayaa noqotay magaaladii 2aad ay shacabka dhagax tuur kala hortagaan Maxkamadaha Islaamiga. Horey ayey magaalada Bandiiradley ee gobalka Mudug shacabkii deegaankaasi ku dhaqnaa ugala hortageen banaabaxyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga. Maxkamadaha ayaa ayagu sheegay in looga yeeray magaalada Kismaayo isla markaana ay amniga sugi doonaan. Hase yeeshee waxaan muuqan qorshe ay maxkamadaha kusoo jiidanayaan shacabka magaalada, ayadoo marba marka kasii danbeysay isku dhacyadan ay sii xumeynayso wixii rajo ahaa oo laga qabay in si degen shacabka magaalada u aqbalaan maamulka cusub ee deegaankaasi la wareegay. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
KISMAAYO: Xooggag taabacsan Maxkamadaha Muqdisho oo la wareegay gacan ku haynta Kismaayo Posted to the Web Sep 25, 08:13 Kismaayo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada xeebeedda Kismaayo ayaa daboolka ka qaadaya in halkaas ay gaareen ciidammo daacad u ah Maxkamadaha Muqdisho, waxaana hoggaaminayay ciidammada gaaray Sheekh Xasan Turki oo ka mid ah golaha shuuradaha ee Maxkamadaha. Xooggaga qabsaday Magaalada Kismaayo ee Maxkaamdaha ka tirsan ayaa kula wareegay magaalada si tartiib ah oo aanay xabbadi ka dhicin, waxaana la sheegay inay haatan qaarkood qabteen dhanka Garoonka diyaaradaha oo magaalada dhanka galbeed kaga toosan 13-km. Sidoo kale waxaa jira in kooxo kale oo iyagana ka tirsan Xooggaga Maxkamadaha ay abbaareen dhanka Dekedda weyn ee Magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa inay dhawaan la hadlaan dadweynaha Magaalada Kismaayo. Sheekh Xasan Turkey oo wata malleeshiyooyinka Maxkamadaha ee la wareegay Kismaayo ayaa horay u sheegay in magaalada Kismaayo ay gacanta ku dhigayaan noocayn doonto ha noqoto xaaladduye, wuxuuna sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadaan Magaalada Kismaayo oo ah goob istiraatiiji ah. Wararka ay Puntlandpost ka helayso Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Magaalada Kismaayo ay xaaladdeedu tahay mid aad u daggan, isla makaana ay ku sugan yihiin ku xigeennadii Col. Barre Hiiraale oo sheegay inay hubkooda ku wareejin doonaan Maxkamadaha Muqdisho. Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo ay dhowr jeer oo hore isku dhaceen Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu malleeshiyadiisa iyo hubka uu haysto ku wareejin doono Maxkamadaha, waxaana uu sheegay inuu ka filayo inay wax wanaagsan ka qabtaan gobolka oo uu ku sheegay inuu ahaa mid dadkiisu ay dulmanaayeen intii uu Barre ka talinayay oo ahayd 7-sano iyo bar. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
A question: Somali clans claim of being Arab...
General Duke replied to General Duke's topic in General
I have to give the Sharif his credit, he is sticking to his guns. In my mind there is no doubt that we have Arab blood, but I am not sure how accurate the historical account of our fore fathers are. Even Imam Ahmed Ibrahim is claimed to be an ARAB, and his Jihad was led by Arab/Somali's. This is 500 years ago, and in the Futuh Alxabasha, the Somali clans are all mentioned except fora few. -
Let me put it differently though, and with a bit of moral clarity: why the Islamic Courts didn’t wage an open war (a righteous one at that) against the said groups/personalities? The answer is very simple saaxiib, and quite elementary at that, for with Ethiopia amassing troops at Baydhabo, defeated warlords regrouping and getting helping from regions that are not part of the current Mogadishu equation, Islamic Courts are left with a very limited choice as to what to do militarily and politically. I agree with that part, rightly highlighting the limit of power of the clan courts. We disagree in that I have not been bought by the re-branding of what is essentially a clan movement. The label “Islamic courts†is provocative and I admit effective, however we have seen clearly that the courts are serving a very small interest group even within the larger clan confederacy. Again I find nothing remotely new in your argument, which is to hold on to the promise made by some in the courts while totally avoiding the actions caused by their power brokers. I agree Shiekh Sharif speaks well and has made appealing comments with regards to the looted properties and return of land. However the agony continues in the south and even in Mogadishu, for the poor souls who have no pick up trucks to defend them. An interesting point you made is that the support of Inda Cade is a necessity for the courts in the mean time, I agree with you fully. But let me add that Inda Cade and his clique have been searching for legitimacy and thus the cover of the courts is also a necessity for them. He was a mere thug an alleged drug peddler a few months ago occupying the lands of others. Now he is an Islamic warrior defending us from the Ethiopian occupation to come. Brother, who is fooling who? Are the gullable sheikhs not being taken for a ride?
-
Gedonet.com
-
Isbahaysiga dooxada Jubba oo maanta kulan albaabada ay ulaabanyihiin ku yeeshay Kismaayo xili magaaladaasi ay xiisad ka taaganyahay. Published: 16 September, 2006 17:09 Madaxda ugu sarreysa maamulka isbahaysiga dooxada Jubba oo ay ka maqan yihiin guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga Yuusuf Mire Seeraar iyo taliyaha ciidamada Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa maanta kulan yeeshay hotelka Baranwaa ee magaalada Kismaayo, xilli dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada Kismaayo. Kulankan oo ah mid albaabada u laaban yahay ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiyaha isbahaysigaasi dooxada Jubba Barre Aadan Hiiraale iyo 25-ka xubnood ee uu ka kooban yahay maamulka isbahaysiga dooxada Jubba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Kismaayo. Kulankan ayaa markii uu soo afmeermay waxaa saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii kasoo baxay afhayeenka isbahaysiga Dooxada Jubba Bile Cabdi Cabdule oo sheegay in kulanka lagu go'aansaday dhisida guddi ka kooban 25 xubnood oo xal u raadiya xiisada ka dhex oogan madaxda maamulka isbahaysiga dooxada Jubba. Bile Dheere ayaa sheegay in khilaafka uu ku sae go'anyahay isfaham waa madaxda isbahaysiga gaar ahaan gudoomiyaha isbahaysigaaasi,ku xigeenkiisa iyo taliyaha ciidamada ka dhex maray maamul goboleedka Jubba Land . Hadaladan ayaa soo baxaya xilli maalintii 3aad magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Seeraar iyo Goobaale oo aan weli kulan la yeelan madaxda isbahaysiga oo uu ku jiro Barre Hiiraale, xilli dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan laga dareemayo magaalada Kismaayo, ayadoo waddooyinka magaaladaasi lagu arkayay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u fara badan. Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa la hadal hayay in golaha maxaakimta ay ku duulayaan magaalada Kismaayo inkastoo golaha maxaakimta iyo maamulka isbahasyiga dooxada Jubba ay beeniyeen wararkaasi. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia news@markacadey.net T: 2521561442
-
GAROOWE: Cadde Muuse oo la sheegayo inuu ku sii jeedo Deegaanka Buuhoodle Posted to the Web Sep 16, 20:37 Garoowe: (pp) - Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya jiida hore ee Gobalka Sool ayaa xaqiijinaya in Madaxwayne Cadde Muuse uu maanta gaaray tuulada Dharkayngeenyo oo 110 Km ka xigta dhanka waqooyiga Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool. Sida laga wada warqabo Madaxwayne Cadde Muuse ayaa maalmihii ugu danbaysey booqasho ku marayey Gobolada Sool iyo Cayn, halkaasi oo uu ku doonayo Madaxwaynuhu in uu soo taabto Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn. Wafdi balaaran oo u badan Wasiirada puntlnad iyo Saraakiisha Ciidamada, Agaasimayaal iyo xubno ka tirsan ururada bulshada siyaasiyiin iyo Ismio miisaan wayn ku leh hogaanka sare ee dhaqanka puntland ayaa maal mihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool halkaasi oo uu ka waday hawlo shaqo oo la xiriirta sidii xukunka loo baahin lahaa isla maraakana loo turxaan bixin lahaa waxyaabha la kala tabanayo. Cadde Muuse ayaa sheegay in safarkiisu uu ku wajahan yahay Gobolka Hawdka ee Cayn xarruntiisa Buuhoodle, isaga oo uu Madaxwayne Cadde uu Balan ku qaaday in ay ka go'an tahay in uu tagayo dhulalka *****ga oo aan nina ka xigin. Sidoo kale Cadde ayaa balan ku qaaday in Puntland aysan dagaal diyaar u hayn balse hadii la soo weeraro ay is difaacayso. Madaxweynaha DGPL ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Laascaanood isaga oo hada sida la xaqiijinayo jooga Tuulada Dhargayngeenyo oo 110 KM dhanka waqooyiga ka xigta magaaladaasi Laascaanood.Wararka ka imaanaya dhanka madaxtooyada oo aan sugnayn ayaa sheegaya In Maalinta Axada oo ku beegan Beri , uu Madaxwaynuha iyo wafdigiisuba ay tegi doonaan Gudaha magaalada Buuhoodle. A/rizak koronto Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya
-
Clan courts supporters anger at latest cartoon of AMIN AMIR
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sawir Gacmeedkii Amiin oo ay ka Cawdeen Taageerayaasha Awees! [16/09/06] Sawir gacmeed uu soo bandhigay Ninka sameeya Sawirada Gacanta ee lagu soo bandhigo Websaadyada Somalida ayaa waxa uu xanbaarsanaa Xaqiiq u dhow waxa ka socda Siyaasada Xamar ay lugaha la'gashay. Sawirkaan oo muujinayey sida loogu shaqeenayo Walaalaha Gal_guduud oo ay u dhex mushaaxayaan arladii oo dhan ayaa waxaa Websaadyada ku hadla codka Walaalaha Gal_guduud usoo weerareen shaqsigaas Sawirka ku cabirayey arigtidiisa ku aadan Xaqiiqda ka jirta Xamar si aan caadi aheen ayagoo ku war geliyey in aysan habooneen in uu arigtidiisa ku cabiro Runta. Waxaase mucjiso leh in Websaadaya baahiya codka Walaalaha Gal_guduud ay isticmaalaan Sawirada uu sameeyo Aartiistahaas oo ay u arkaan mid ka turjumeesa Arigtidooda! Waxaase aan la yaabay sidii uu durbaba kaga bixiyey Sawirkaas Websaadkiisa.Maleeshiyada Maxkamadaha Xamar oo ku dhawaaqay in ay soo xirayaan Xuduuda Kenya!!! Waxaa su'aal ay ka taagan tahay maxaa ku kelifay Maxkamadaha Xamar in ay ku dhaqaaqaan Talaabada noocaas ah? yaase u dirsaday in ay xirtaan Xuduuda Somaliya ay la'leedahay Wadamada kale? ma Dowlad ahaan beey u dhaqmayaan mise waa qorshe lagu fulinayo Qori? ma lasoo gaaray xiligii Runta lagula dhaqmi lahaa Kooxdaan mooday waxbaa la weeraraa si aad ku hesho Hadafkaaga? Xaabsade kulunkiisii Suudaan ee qarsoodiga ahaa muxuu soo balan qaaday? Ma'asagaa ka danbeeyey Qalalaasihii ay maleeshayadiisu ka rideen Baydhabo? Ninka uu guuxiisa ka dheereeyo ee Isbaarada ku lahaa Baydhabo intii aysan Dowlada Federaalka ahi u soo guurin Baydhaba ayaa waxa uu isu mooday in aan la'ogeen lugooyada uu la damacsanyahay Reer Bay iyo Bakool, asagoo aan arkin waxa ay Maslaxadoodu ku jirto oo ah in ay helaan Dowlad ka bad_baadisa dhibtii ay kala kulmeen Warlooradii Xamar kasoo weerari jiray! Xildhibaanada Digil/Mirifle waxaa loo soo jeedinayaa in aysan daba raacin Calool la cayaarka Suudaan ay Quraafadka ugu soo akhriyeen Qaran_diidka: Yusuf Ali <tallmanaly@yahoo.ca -
Shir looga hadlay Dhismaha Golaha Laascaano oo uu Madaxweynaha ka qeyb galay (daawo Sawirada) Last Updated::2006-09-16 15:26:42 Laas Caano:- Madaxweynaha DGPL iyo qaar ka mid ah weftigiisii ayaa saaka ka qayb galay shir lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee degmada Laas caanood. Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Waasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga iyo mas'uuliyinta dawlladda hoose. Waxaana ka soo qaybgalay odayasha degaanka Laascaanood iyo guddi odayaal ah oo ka kooban 21 xubnood. Hadaba ujeedad shirkan ayaa ahaa sidii gole degaan loogu dhisi lahaa degmada Laascaaanood. Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Md.Cali Cabdi Awaare Maamulka Degmada Furitaankii shirka ayaa waxa ka hadlay duqa degmada laascaanood C/qadir cali (shine)oo halkaasi ka soo jeediyey warbixino ku saabsan degmada. Intaasi ka dib waxa kaloo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah odayaashii ka soo qayb galay shirkan oo dhammaantood ka hadlay awood qaybsiga golaha degaanka iyo sida loo kala leeyahay. Halkaasi oo qaar ka mid ah xubnaha guddiga 21 ahi ay Madaxweynaha u soo gudbiyeen sida ay u qaybiyeen golihii degaanka ee Laas Caano. Inkastoo ay jirtay cabasho laga muujiyey hadana waxa ay ahayd meel laga shidaal qaadan karo sida uu yidhi Madaxweynuhu. Wuxuuna sheegay Madaxweyne Cadde in uu kala tashan doono cuqaasha iyo isimada haddii waxa lagu darayo iyo haddii wax laga dhimayo isagoo Madaxweynuhu uu aad ugu mahadnaqay odayaashii soo diyaariyey qoraalkan maadaama awal la la’aa meel laga bilaabo. Faisa Cabdi Dhalac Wariyaha Madaxtooyada Puntland
-
SSC traditional leaders warn Somaliland 'stay out'
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
LAASCAANOOD : Issimada gobolada Sool iyo Cayn oo digniin kama dambays ah u jeediyay Maamulka S/land Posted to the Web Sep 15, 19:15 Laascaanood:-Issimada gobolada Sool iyo Cayn ayaa maamulka S/land uga digay in ay ku sii sugnaadaan gudaha goboladaasi waxayna ugu baaqeen madaxda maamulkaasi in ay dib ugala laabtaan ciidankooda gudaha Puntland. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku tilmaamay soo galida Ciidanka S/land ee ay ku soo galeen gudaha Puntland ay tahay mid aan loo dul qaadin karin in Ciidankaasi uu halkaasi soo galo , wuxuuna ku baaqay in Ciidankaasi uu si deg-deg ah uu ugu laabto gudaha Puntland. Halkan ka akhri Cadde Muuse oo ka hadlaya amuurtaasi Soo galida Ciidanka S/land ee gudaha Puntland ayaa ka dambaysay kadib markii uu Cadde Muuse M/waynaha Puntland uu safar ku qorshaystay in uu ku tago magaalada Buuhoodle si uu halkaasi uu khudbado uga jeediyo , hase ahaatee Ciidanka S/land oo diidan in uu Cadde Muuse halkaasi ka khudbadeeyo ayaa jidgooyo ka sameeyay wadada iskuxirta magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle taa soo sababtay in M/waynuhu uu dib ugu soo laabto magaalada Laascaanood oo uu iminka ku sagan yahay. C/laahi Cali Ciise -

Issimada Gobalada Sool iyo Cayn oo digniin u diray Maamulka Somaliland Last Updated::2006-09-15 17:16:40 Buuhoodle:- Issimada Gobalka Cayn oo hada kulan kuleh xarunta gobalkaasi ee magaalada Buuhoodle ayaa digniin culus u diray Maamulka Somaliland. Issimada oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala gedisan kulaha magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ay wadaan diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse. Issimada ayaa sidoo kale sheegay in ay dhanbaal digniin ah u direen Somaliland isla markaana kula socod siiyeen in aan loo dulqaadan doonin daan daansiga uu wado maamulka Somaliland. Issimada ayaa sheegay in ay jiraan tiro ciidamo ah oo ka socda Somaliland oo dhaq dhaqaaq ka wada deegaano ku dhow gobalka Cayn, waxayna ka digeen in lagu dhaqaaqo fal keeni kara in uu dhiig daato. Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin wax xag gudub ah oo ay soo sameeyaan ciidamada Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo shisheeye ah. Garaadka ayaa digniin ka bixiyey maleeshiyooyinka kasocda Somaliland ee ku sugan dhulka aan laga rabin, wuxuuna sheegay in tilaabo laga qaadi doono haduu uu maamulkaasi ka waantoobi waayo in uu nabad kula noolaado dadka dariska la ah ee gobalada Puntland. Hadaladan ayaa kasoo baxaya Issimada gobalada Sool iyo Cayn, wakhti uu Magaalada Laas Caano ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse. Madaxweynaha oo ay wehliyaan wafuud isugu jirta Issimada, Sool,Sanaag iyo Cayn iyo waliba wasiirada iyo saraakiisha Puntland ayaa shalay socod dheer kusoo maray tuulooyinka ku yaal hawdka gobalka Sool. Socodkaasi oo ahaa mid loogu kuur galayo baahida shacabka ku dhaqan gobalka Sool gaar ahaan Tuulooyinka fog fog oo si weyn usoo dhaweeyey wafdigaasi balaaran. Madaxweynaha Puntland iyo wafdigisiisa ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay kormeer noocaan oo kale ah ku maraan tuulooyinka iyo xarunta gobalka Cayn ee magaalada Buuhoodle. C/risaaq Shiino HorseedNet.com -

Garaad Jaamac “U dulqaadan mayno ciidamada ku sugan...." Dharkengey-15.September.2006 Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka tirsan issimada gobolka Sool ayaa sheegay inaysan u dul qaadan doonin in ciidamo shisheeye ay sii joogaan deegaamadooda. Garaad Jaamac wuxuu ula jeedaa ciidamadaasi shisheeyaha ciidamo S.Land ka tirsan oo dhowaan gooyay wado isku xirta Laascaanoo iyo Buhoodle kuwaasoo diidan in madaxweynaha Puntland oo lagu wado inuu socdaal ku tago Degmada Buhoodle ee gobolka Sool uu maro halkaasi. Garaadku wuxuu sheegay inay Odayaal u direen ay la hadlayaan, laakiin haddii ay arrintu ka gudubto si nabadgelyo ayuu wuxuu yiri in ay ka tashan doonaan go'aan midaysan oo tashi laga yeeshay laga qaadan doono. Hadalkan ayuu Garaadku ka jeediyay maalintii shalay ahayd Tuulada Dharkey oo ka tirsan gobolka Sool mar uu shalay ku wehliyay booqasho uu madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Jeneraal cadde Muuse uu ku marayay ilaa 5 tuulo oo ka tirsan gobolka Sool. C/fataax Jaamac Mire SBC Laascaanood