
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
The man is in your clans pocket. That’s why you hasten to make the usual uninformed comments. Listen the TFG government troops will be there for a temporary period and power will be given to the clan that resides in Bay and Bakool. You know and I both know that’s the program. Now lets have a quick look at the lower Shabbelle, what are the intentions of your clan and their land grabbing strategy? Is it for the benefit of the clan of Xabsade? The governor of Bay is from Bay, tell me where the governor of Lower Shabbele hails from? Who runs, Barava, Marka and all the way to Bali-Dogle? Are the local inhabitants happy with their rule? While you can call others names, in practice you have always defended your clans subjugation, enslavement and total takeover of Lower Shabbele and the Juba’s. And you pretend to be a person driven by justice.. The TFG is the best solution in Somalia right now. For in principle it will give back everyone their rights and their land.
-
Breaking News: Clan Courts to attack KISMAYU..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
What if they lose? -
Breaking News: Clan Courts to attack KISMAYU..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Allmudug 12-09-06 Wararka Shabakadda Allmudug kasoo gaaraya Magaalada kismaanyo ayaa sheegaya inay Maamulka Dooxada Jubba ee uu madaxda ka yahay Barre hiiraale ay Heegankii ugu ballaarnaa galiyeen Ciidankooda kaddib markay soo baxday inay Duullaan kusoo yihiin Ciidan isku dhaf ah oo isugu jira Midowga Maxaakimta Islaamigaa laakiin Huwan Shaatigii Maleeshiyadkii Moorgan oo ay iska soo horjeedeen Barre Hiiraale. Barre Hiiraale iyo Midowga Maxaakimta islaamigaa ayaa kala booday kaddib markii ay midowga maxaakimtu ay soo saaren Qaraar dhigaya inuusan jiri karin maamul koonfurta ka jira oo ka madaxbanaan Maamulka Maxkamadaha, dhanka kale waxay Midowga Maxaakimtu ka caroodeen Iskaashiga ballaaran ee uu Barre Hiiraale la sameeyey Dowladda C/laahi Yuusuf iyagoo saldhig muhiima oo uu C/laahi Yuusuf leeyahay u aqoonsaday Dooxada Jubba ayna muhiim tahay in laga hortago. Inkastoo ay Maalinba malainta ka danbaysa ay sii xumaanaysay Xiriirka labada dhinac ayaa waxay faraha ka baxday kaddib markii ay Deegaanka uu ka taliyo Maamulka dooxada Jubba ay soo abaareen Sh Xasan Turki oo isagu ah sargaal sare oo Hogaamiya Ciidanka Maxaakimta iyo Moorgan iyo Xoogag ay hogaaminayaan kuwaasoo sida la sheegay kusoo jeeda Deegaanka uu ka taliyo Barre Aaden Shire Hiiraale, Arrinkaas oo keenay in ay shir Dagdaga isugu yimaadaan Madaxda Maamulka Dooxada Jubba islamarkaasna Heegan la galiyo Ciidanka Barre Hiiraale. Xildhibaan kasoo jeeda Beesha ********* ayaa qaylo dhaan u diray Madaxwaynaha iyo Beesha caalamka isagoo sheegay inay Maxaakimtu duulaan kusoo yihiin Gobolka Jubbada dhexe. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inay jirto Qorshe lagu doonayo in barre hiiraale looga qaado Maamulka Dooxada Jubba iyadoo arrinkaasina noqon doono mid Culus oo sababa Dagaal ballaaran maadaama ay Xiriir fiican iyo Iskaashi hoose leeyihiin Dowladda C/laahi Yuusuf iyo Maamulka Dooxada Jubba. Xafiiska Allmudug... -
PRESS RELEASEBaidoa, Somalia - September 11, 2006 "THE OBSERVER HAS BEEN MISLED AND SHOULD APOLOGISE FOR THE FALSE REPORTING!" The Office of the President of the Transitional Federal Government of the Republic of Somalia strongly deny the alleged meeting between the so-called Select Armor a US military firm based in Virginia executives and His Excellency President Abdullahi Yusuf Ahmed in Nairobi, Kenya. The Observer should have done more investigative report on real issues and not succumb to the fabrication of those against the return of the rule of law, justice and the pacification of the nation. The TFG of the Republic of Somalia is the only entity who is still suffering of this illegal embargo imposed to the Federal Republic of Somalia since it came to power. The breach of UN embargo is being demonstrated daily by different groups in Somalia. The cargo planes recently being offloaded in Mogadishu Airport should have been a good example. A real embargo is one that has control and monitoring mechanism to deter any flow of arms to an area. The lack of control and monitoring in Somalia makes it easier for elements in our society who are against the return of the rule of law and justice to benefit this embargo. We are appealing to the UN Security Council to lift the arms embargo for the TFG of the Republic of Somalia in order to establish its own security forces in the next session on September 25, 2006. Regards, Abdirahman M. Haji-Jama Chief of Presidential Protocol Federal Republic of Somalia Baidoa State House, Baidoa - Somalia Tel: +2521-540-213 Tel: +2521-534878 Nairobi Office: P.O. Box 168-00606 Nairobi - Kenya Tel: +254-725-843-910 Fax: +1-831-603-6380 E-mail: somchiefofprotocol@gmail.com
-
Breaking News: Clan Courts to attack KISMAYU..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The boys from Gedo news is here.. Gedonet..Report Gedonet.com -
Now Barre Hiiraale becomes the heathen.. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku eedeeyey Maxaakiimta inay qorsheenayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo. September 12- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey maxaakiimta Islaamiga inay qorsheenayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo iyadoo taliyaha ciidanka dooxadda jubba uu arrintaas beeniyey Hadalkan oo uu mid fagaare ah oo baarlamaanka gudihiisa ah ka jeediyey xildhibaan Xasan Deer ayaa ku sheegay in magaalada Muqdisho ay maxkamadaha ka qaban qaabinayaan weerar ay ay ku qaadaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo. Xildhibaanka ayaa ka digay in dhibaato weyn ay ku imaan karto weearar lagu qaado magaalada Kismaayo ayaa fisiraad ka bixiyey jiritaanka xaqiiqda arrintan ciidanka lagu weeraray waxa uuna sheegay in ciidanka ay joogaan tuulooyinka Jilib waxa uuna sheegay inuu wato Nin la yirahdo Turki Taliyaha ciidanka isbaheysiga dooxada jubba Goobaale oo si kulul u beeniyey weerarka uu sheegay Xasan Deer ayuu dhinaca kale xaqiijiyey in isaga iyo xildhibaan Seeraar ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo. “Maxkamadaha ma wadaan wax weerar ah mana muuqato sabab lagu weeraro magaalada Kismaayo†ayuu yiri Goobaale oo intaa raaciyey in Xasan Turki uu joogo magaalada Muqdisho islamarkaana aanu maleeneen qorshe uu ku doonayo dagaal uu ku qaado magaalada Kismaayo. Abaaulka iyo rabshadaha ka taagan magaalada Kismaayo waa mid lug weyn ku leh dhinaca Muqdisho,waxaana siyaasiinta iyo mas'uuliyiinta dowladda ee uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ay wadaan abaabul ay kaga hor tagayaan kooxaha cadowga ayuu yiri xildhibaan Xasan Deyr isagoo ku tilmaamay maxkamadaha kuwa dhul balaarsi ka wada Soomaaliya. Hadaladan ayaaa ahaa kuwa la isla dhexmarayo magaalooyink Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo iyadoo labadii maalin ee ugu dambeysa ay soo baxayeen ciidan iyo tikniko ku soo jeeda magaalad Kismaaye hase yeeshee taliyaha ciidanka isbheysiga dooxada jubba ayaa sheegay inaa aanu jiri wax ciidan ah balse mas'uuliyintii dooxada juba ee Muqidsho ku sugeynd ay tagaaan magaalada Kismayo waana taageersanahay maxkamadaha Islaamiga haddii ay tagaana waan taageerayaa ayuu yiri. Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan wararka ka soo baxaya ay sheegayaan in gaacsato iyo culumaa'udiin ay halkaas ka wadeen abaabul ay ku taageerayaan maxaakiimta Islaamiga iyadoo mas'uuliyiinta sare ee dooxada juba oo uu horkacayo Barre Hiiraale ay soo rogeen mamnuucida ay ku sameenayaan shirarka siyaasadeed iyo muxaadarooyinka laga qabto magaalada Kismaayo
-
I think many here are getting rather carried away. Puntland with all its faults is better than all the other clan based institutions in Somalia. Yes Puntland is based on a single clan that has agreed to run its own affairs since the demise of the central government. It is my state, my region and I am proud of it.. Somaliland is also based on a single clan and the idiotic notion that it can claim other people's land, the SSC is part and parcel of Puntland rather like Awdal, Sahil, Waqooye-Galbeed are integral to the identity of Somaliland.. The clan courts, yes they yesterdays warlords are formed from a single clan with the false premise they are an Islamic union, in which each sub-Sub-clan has its own independent court..How absurd.. Here is more news on H.E. visit to SOOL. Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tagay Cisbitaalka Laas Caano Last Updated::2006-09-12 18:07:08 Laas Caanood:- Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi (Gen.Cadde Musse)iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqday Cisbitaalka Guud ee Laas Caano. Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaalada Cisbitaalka ugu weyn ee magaalada Laas Caano. Madaxweyne Cadde ayaa halkaasi kula kulmay dhakhaatiirta ka shaqeysa iyo waliba bukaanka ku jira isbitaalka. Madaxweyna ayaa shir gaar ah la yeeshay maamulka Cisbitaalka iyo madaxda Caafimaad ee gobalka Sool, ayadoo shirkaasi looga hadlay xaalada Caafimaadka ee gobalka iyo baahida jirta. Madaxweynaha ayaa socod ku maray qeybaha kala gedisan ee cisbitaalka oo ah mid la dhisay wakhtigii Ingiriiska dalka heystay. Cisbitaalka oo dhawaan dayactir iyo balaarin lagu sameeyey, ayuu Madaxweynaha kormeer dheer ku maray. Madaxweynaha Puntland ayaa shalay soo gaaray xarunta Gobalka Sool ee Laas Caano, waxaana weli u socda kormeero uu ku tagayo xarumaha Dowlada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Ciidamada ee ku yaal magaalada. C/risaaq Shiino HorseedNet.com
-
War is a totally different thing to this incident..
-
MMA, even the staunch clan websites are turning on the courts... Take hobyonet.com, a clan portal that supported the courts against the TFG. Now it is feeling the heat on behalf of their own sub-clan.. hOBYONET.. Hobyonet...meeting in the UK.
-
Muxuu ula jeeday Amiin caamir in Sheekh Shariif uu dameer ku tilmaamo? Posted on Monday, September 11 @ 11:58:18 EDT by editor Amiin Caamir oo ah Nin Farshaxaniiste ah , loogana bartay sawir Gacmeedka uu uga hadlo arimaha Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay waxaa soo food saartay dhaliishii ugu heerka saraysay oo uu la kulmay kadib markii Shabakadani ay soo gaareen Emailo badan oo looga hadlayo Sawir Gacmeedkii ugu danbeeyay oo 10kii Bishan uu kusoo bandhigay Bogiisa Gaarka ah ee looga bartay Sawiradda Gacanta, Sawirkaasi oo ka hadlayay ama Muujinaya in Sheikh Shariif oo Dameer u eg uu dusha ka saaray Sheikh Xasan Daahir iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan isla markaana uu Shariifka haraantiyay Cali Mahdi Maxamed, baabuurkiisiina uu horay uga sii qaatay, Waxaa kaloo uu afka uga xiray Sheekh Shariif Liijaanta lagu yaqaano Dameerka xiliyada la hagayo ee xakamaha loo hayo. (Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo si gaar uga faaloonaya kadib markii aan u bandhignay Qoraaladda Onkod soo gaaray) Eedayntaasi oo si weyn ay uga caroodeen Taageerayaasha Maxaakimta Islaamiga ee Soomaaliya, gaar ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dad badani ay ku yaqaanaan in uu yahay Hogaamiye hadal dabacsan oo wax weyn ka badalay Siyaasaddii Muqdisho oo uu u ahaa laf dhabar kadib markii dadka Reer Muqdisho ay ku taageereen Siyaadaiisa iyo hadaladii uu jeedinayay intii dagaalada ba'ani ay ka dhacayeen Magaaladda Muqdisho. Amiin Caamir waa markii ugu horaysay oo uu soo bandhigo sawir sidan saamayn ugu yeesha, gaar ahaan qof lagu tilmaamo in uu Xayawaan oo kale yahay, loona muujinayo dadka in uu yahay Shakhsi ay dad gaar ahi ku shaqaysanayaan ama dusha ka saaranyihiin iyadoo Diinta islaamku ay Karaamaysay qofka bani'aadamka ah. Horay waxaa Amiin Caamir uu usoo bandhigi jiray sawiro inta Badan uu uga hadlo Ethiopia oo uu u tusin jiray dadka Daawada sawiradiisa in ay damac ka leeyihiin arimaha Soomaaliya. Waxaa kaloo uu si weyn usoo bandhigi jiray sawiaradda ragga ugu cad cad xiligan Siyaasadda dalka oo ay ku jiraan hogaamiyayaashii laga awooda roonaaday, Dawladda kumeel gaarka ah iyo Golaha Maxaakiimta islaamiga ah oo iyagu haatan gacanta ku haya Muqdisho. Micnaha Sawirka marka la sharxo waa sidee? Iyadoo aan ognahay in hal Sawir-Gacmeed uu u dhigmo in ka badan 10 Bog oo qoraal ah ayaa sawir-Gacmeedkii ugu danbeeyay waxaa uu muujiyay in Sheikh Shariif oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta uu ku shaqaynayo Siyaasado gaar ah oo ay ka danbeeyaan Hogaamiyayaal diimeed iyo kuwo siyaasadeed inkastoo dadka qaarkiis ay u arki karaan Sawir laga dha dhansan karo arimo Qabyaaladeed oo ah kuwii dalka soo bur buriyay. Sheekh Shariif oo ah Hogaamiye ay dad badani u arkaan in uu isku hayo Maxaakiimta ayaa isna sawirkani uu muujinayaa in uu yahay qof aan caqli bdanayn ama lagu Shaqaysanayo , waxaana ka muuqda Astaamaha lagu yaqaano dameerka sida in Dhabarka laga saaran yahay, Liijaan afka looga xiray, in aanu ikhtiyaar lahayn oo la hagayo iyo Haraantida oo kamid ah waxyaabaha lagu yaqaano dameerka. Waxaa kaloo Sawirka ka muuqda Cali Mahdi oo dhulka fadhiya isla markaana haraanti ay ku dhacday. waxaa kaloo intaasi dheer in laga qaatay Gaarigiisii oo Shariifku uu qaatay ( Sawirkaasi waxaa uu muujin karaa dhacdadii ay Cali Mahdi u gaysteen xubno kamid ah Maxaakiimta xilli ay hubka ka dhigeen iyo Gaari nooca dagaalka ah). Dadka qaarkiis waxaa ay u arki karaan sawirkaasi in uu yahay Mid kicin karo Fidno qabiil oo ka duwan kuwii horay uu usoo bandhigi jiray Amiin caamir oo ah Shakhsi ay dad badani jeclaayeen waxyaabaha uu qoro. Wixii Faah faahin ah kala xiriir ridwanhaji@journalist.com ama hadii kale emailkan onkod@london.com
-
^^^ Your point is?
-
Madaxweynaha Puntland oo saaka gaarey magaalada Laas Caanood Laas Caanood - 11.September.2006 Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka gaarey magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool. Safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriira u kuur gelid xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo shaqada dawladda ee gobolka. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah; wasiirka waxbarashada Puntland, Axmed Siciid Aw-Nuur, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cali Xirsi, Cali Cabdi Awaare, wasiirka caafimaadka Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Puntland Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle Geesood. Wafigan ayaa waxaa magaalada Laas Caanood ku soo dhoweeyey; isla markaasnas u gelbiyey aqalka madaxtooyda ee magaalada Laas Caanood, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Axmed Cabdi Xaabsade, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, taliye xigeenka ciidanka daraawiishta Puntland, Cabdisemed Cali Shire. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Laascaanood: Madaxwaynaha Puntland oo kulammo la qaatay Isimada iyo wax garadka gobolka Sool. Monday, September 11, 2006 Laascaanood (AllPuntland)- Madaxwaynaha DGPL Maxamud Muuse Xirsi Jen, Cadde ayaa waxa uu kulammo la qaatay wax garadka iyo odoyasha ku dhaqan magaalada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool. Madaxwayne Cadde iyo wafdigisa oo maanta gaaray magalada Laascaanood ayaa waxa ay la kulmeen Salaadiin ay ka mid yihiin Garaad Jamaad iyo Salaadiin kala duwan. Madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in meel fiican ay u marayaan hawlihii uu u yimid gobolka Sool iyaga oo isku afgartay odoyaashii u la kumay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo dhibaatooyinka ka tagan qaar ka mid ah deegaannada hoos yimaada gobolka Sool. Mudane Cadde ayaa mar uu saxaafadda la hadlayay waxa uu sheegay in uu dhowaan rajaynayo in uu soo gabagabeeyo booqashada u ku joogo gobolka Sool. Madaxwayanaha ayaa waxa u ka hadlay arrimo ay ka mid yihin nabad galyada gobolka isaga oo sheegay in odoyasha iyo cuqaasha gobolka loo baahan yahay in ay ka qayb qaataan sugidda amaanka gobolka guud ahantis. Madaxwaynaha Putland ayaa waxaa dhowaan la filayaa in uu cagta soo mariyo deegaanno ay ka mid yihin deegaanka Buhoodle. Waxaa madaxwaynaha Socdaalkiisa ku wehiliya Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, Wasiirada iyo Xilldhibaanada Puntland, waxana magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyay maamulka gobolka iyo degmada. M. J. Koronto AllPuntland
-
Allmudug 10-09-06 Xaflad aad loo maamuusay ayaa ka dhacday Guriga Garaadka Beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, Xafladaas oo ay kasoo qayb galeen wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayey Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayna ku jireen wasiiro faro badan oo ka tirsan Xukuumaddiisa. Xafladdaan oo looga Gol lahaa inay ku kala warqaataan Madaxda Puntland iyo Maamulka, Shacabka iyo Waxgaradka iyo sidoo kale Golaha Isimada Sool ayaa waxaa hadal ka jeediyey halkaas Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Xaabsade, Madaxwaynaha Puntland, Maamulka Gobolka iyo sidoo kalena Garaad Jaamac Garaad Cali. Hadalkii ay masuuliyiinta Puntland ka jeediyeen Xafladaas ayaan nuxurkeedu ahaa inaysan Xukuumadda Puntland ka gaabinayn shaqada iyo holaha Gobolka Sool iyadoo Alwasiir Xaabsade tilmaamay in Dib udhac walba iyo dibin daabyo walba oo timaada ay Eeddeeda dusha u ridanayso Beesha ama Shacabka Deegaanka isagoo sheegay inay intii tabartood ah xukuumaddu dadaasho. Mr Cadde ayaa isaguna sheegay inuu yahay Madaxwaynihii ugu booqashada badnaa ee Gobolka sool yimaada isagoo sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka madaxwayne nimo uu ugu yaraan lix jeer tagay magaalada laascaano uuna aaminsanyahay in Gobolka Sool iyo Buuhoole ay kamid yihiin Deegaanada iyo Dadka ugu Puntlander-san waa sida uu hadalka u dhigaye, Hadalkaas oo Dadka siyaasadda indha indheeyaa ay ku Fasireen inuu jawaab u yahay Hadallo horey ay dadka qaarkiis usheegeen kaasoo dhigayey inaysan xukuumadda Puntland Gobolka sool siinin Ahmiyadda ay siiso Gobollada kale ee soomaaliya sida Bari. Si kastaba ha ahaatee Safarka General cadde iyo Xukuumaddiisa ayaa si wayn looga soo dhaweeyey Gobolka Sool iyadoo uu ugu danbayntii halkaas hadallo Guugaabo iyo Duco isug jira ka jeediyey Garaadka guud ee Beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali. Xafiiska Allmudug...
-
XAABSADE OO MAR KALE U DIGAY DOWLADDA C/LAAHI YUUSUF E-MAIL THIS PRINT THIS Abdikarim Ibr. Aden E-mail: ampacalin@hotmail.com Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dawladda KMG ayaa mar kale ku celiyay isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay dalabkiisa ku aadan in ciidamada C/llaahi Yuusuf ay isaga baxaan magaaladaasi. Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xaabsade Baydhabo ayuu si kulul ugu eedeeyay amaandarada iyo xasilooni la’aanta taagan inuu ka dambeeyo C/laahi Yuusuf Axmed isagoo ugu baaqay in uu ka guuro halkaasi, haddii uu u hoggaansami waayana uu qasab kaga saari doono Gobolka. Dhinaca kale wuxuu sheegay Xildhibaan Xaabsade in mashaqadii dhowaan ka dhacday garoonka magaalada Baydhabo ee ay tirada dadka ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen in ay mas’uuliyadeedu leedahay Xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale waxa uu hadalkan mar labaad si kulul ugu celiyay Md. Maxamed Ibraahim Xaabsade iyadoo ay magaalada Baydhabo shirar albaabada u xiran yihiin ay ku leeyihiin saddexda mas’uul ee ugu saraysa dowladda KMG, lamana oga sida ay arrintu u biyo shuban doonto, mana jiraan ilaa iyo haatan warar xaqiijinaya in dhammaan caqabooyinkaas laga gudbi karo iyo in kale.
-
Gud. Gobolka Banaadir: Afganbiga Maxaakimta u dul qaadan mayno Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisjho Maxamuud Xasan Cali Cade (Gaaboow) ayaa aad uga qeyliyay qaabka ay wax ku wadaan Maxaakimta islaamiga ee dhawaan qabsaday Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mida Gobolada dalka. Cadde Gaaboow oo uu garabkiisa midig fadhiyay Md. Totow ayaa waxaa uu ku eedeeyay Maxaakimta islaamigu in ay Afduubeen lana wareegeen guushii ka dhalatay Kacdoonkii shacabka oo uu sida uu sheegay qeyb ka ahaa kacdoonkaas. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay in guushii ay la gadoomeen maxaakimta oo Gobolkii iyo maamulkiiba laga qadiyay ayaa waxaa uu yiri â€Xaqiiqda kacdoonka maxaakimta iyo Gobolka Banaadir waa isla socdeen Dagalka waa isla galeen laakiin markii guusha la gaaray ayaa waxaa soo if baxaya kacdoonkii oo labo kacleeynaya, taariikhada hadaan dib ugu noqonana kacdoon aan hor kacno oo nalaku inqilaabo ama nalaku dilo naguma cusba marka saas daraadeed dadweynahaan rabaa iney ogaadaan kacdoonka yaa xaq u leh yaasan u lahaynâ€. Duqa Magaalada oo arrinta sidey u socoto aad ula fajacsan oo tilmamaya inaan looga baahnayn Maxaakimta islaamiga iney ictiraafaan ayaa yiri “Horta sideedaba Maxaakimta Islaamiga, gobolka Banaadir aqoonsi loogama rabo. barkee labo isla socoto oo dagaalka isla galay ayaan ahaynâ€. Isagoo sababeynayay waxa ay mar hore la kici waayeen oo ay ujeedooyinkooda u cadeysan waayeen ayuu wuxuu yiri “Dadweynaha ayaa laga dhowrayey isqabqabsiâ€. Guulaha la gaaray oo ay ka mid tahay furida garoonka diyaaradaha iyo dekada ayaa waxaa uu tilmaamay ineysan kaligood guusha keenin waxaana uu yiri “16 sanno ka dib dakada furan garoonka iyo nabadaan waa la wada keenay cid gooni u keentayna ma jirtoâ€. Isagoo dhaliilsan Madaxda maxaakimta firkaradaha ay idaacadaha ka sheegaan ee khuseeya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan ka xumaahay masuuliyaanta qaarkood oo idaacadaha ka maqleyno ee cusub iney noo keeneen Doofaar iyo Eey, ayaa isku haysta magaalada waa kalmad aan laysku cafineyne ilaa meel la saaro ,yaa waaya ma murasade iyo ******aa ma habar gidir iyo ******aa waxaan rabnaa cadeynâ€. Waxaana carabka uu ku adkeeyay in uu hormuud ka ahaa Kacdoonkii ka dhacay magaalada muqdisho iyo isbadalkii dhacay ayaa waxaa uu yiri “Isbadelka aad ayuu wanaagsan yahay waana wada keenay cid gooni u lehna ma jirto waana ka qeyb qaadanay, horseed ayaana ka ahayn dadka qaar ee hadlayana anaaba uga horeeyay, sida Yuusuf Indha cade uu u sheegay Maadaama uu kacdoonkahooyo u haay aingana abti iyo adeer ayaan u ahay ee yaan laysku xad gudbin dadka dariishada ka soo galayna tartiibsada ayaan leeyahayâ€. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa walaac laga muujinayaa in xaalada amaanka ay ku soo kordheen dilal dhacay, waxaana soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maamulkii Gobolka Banaadir ee Dowlada Ku meel gaarka ay soo dhistay, iyo Maxaakimta islaamiga, iyadoo maxaakimtu maamulna dhisin quursanayaan.
-
Ali Mahdi Mohamed, My car was robed by Courts
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Inda Cade the mother of the courts speaks about the incident.... INDHA-CADDE OO JAWAAB KULUL KA BIXIYEY E-MAIL THIS PRINT THIS Maxamed Axmed C/lle Email:afkaxaaji10@hotmail.com Golaha Maxakiimta islaamiga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay falkii Cali Mahdi Maxamed ay kula kaceen Ciidamada Maxkamada Islaamiga ee ku sugan Km. 13 ee siinka dheer iyo qaabka uu Cali Mahadi Maxamed saxaafada uga hadlay. Madaxa Amaanka golaha Maxaakiimta Islaamiga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indho-cadde ayaa ka hadlay Waxyaabihii dhexmaray Cali Mahdi iyo ciidamada maxaakiimta isagoo sheegay in uu aad ugu xunyahay falkaasi wuxuuna caddeeyay in ay ciidamada Maxkamaduhu ay gudanayeen asi taxadar ah howlaha amaanka, arrintaasna ay ahayd mid si kama u dhacday. Sheekh Indho-cadde ayaa gashaanka ku dhuftay in ciidamada Maxkamadaha ay tahay howshooda in cidkasta oo isticmaaleyso gaadiid ama Hub si sharci darro ku wadato meelaha ay maxkamadaha ka taliyaan in ay joojiyaan.,.si loo hubiyo ayuu yiri in hubkaasi uu yahay mid sharciyeysan iyo in kale. Sheekh Yuusuf ayaa sidoo kale ku xusay in markii uu ka war helayba dhacdadaas uu ka xumaaday isla markiibana uu dib ugu celiyey hubkii iyo gaarigii ay maxaakiimtu kala wareegeen Md. Mahdi, isagoo intaa sii daba dhigay in loo marsiiyey ganacsato ay isku heyb yihiin. “In qofka hubka laga dhigo nidaamka ayaa ku salaysan haddii uusan qoraal ka haysan hay’adda maxkamadaha ee shaqada ku leh arrintaas†ayuu yiri Indha-Cadde oo intaa sii raaciyey in isaga qudhiisa ay qabsatay oo mar badan la joojiyay. “Aad ayaan ugu xumaaday qaabka uu saxaafada uga hadlay siyaasi Cali Mahdi, wuxuuna igaga baxay ballan in uusan hadlin ilaa inta arrintaas la isaga imaanayo†ayuu yiri Sheekh INdha-cadde oo dhinaca kale beeniyey in uusan jirin Nin la dhashay guddoomiyaha Shuurada Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah ciidamada Maxaakiimta, isla markaana uusan gaarigiisa kaxaysan. Cali Mahdi Maxamed ayaa maalintii darraad isagoo ku sii jeedo beertiisa oo ku taala degmada Afgooye ay km 13 ku joojiyeen ciidamada maxaakiimta kaddibna hubkii iyo gaarigii uu sitay kala wareegeen kaddib markii ay ka waayeen warqad aqonsi ah oo ah oo u ogolaanaysay inuu uu hubkaas wato, wuxuuna sheegay Cali Mahdi dhankiisa in si xun ay ula macaamileen ciidamada Maxkmadaha eek u sugan aagaasi. -
Heshiiskii Beelaha Domco iyo Kalabaydh oo lagu soo Afjaray Guriga Garaad Jaamac (daawo Sawirada) Last Updated::2006-09-11 21:31:25 Laas Caanood:- Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Laas caanood wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi. Weftigan ayaa waxa si aad ah loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood. Mas'uuliyinta ku weheliyey safarka Madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammniga, Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Maaliyada Maxamed cali Yuusuf, Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Caafimaadka C/raxmaan Siciid Maxamuud, Wasirka diinta iyo Awqaaafta C/risaaq Yaasiin Cabdulle, Wasiirka Waxbarashada Axmed Siciid aw Nuur, Taliyaha Booliska Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr, Taliye ku xigeenka Daraawiishta Puntland C/samad Cali Shire, iyo masuuliyin kale. Hadaba ujeedada imaatinka weftigan ballaaran ayaa ah u kuurgelida xaaladda gobolka Sool. Soo dhaweyn iyo nasasho ka dib ayaa weftiga Madaxweynuhu waxa ay u kicitimeen guriga Garaad Jaamac Garaad Cali halkaasi oo lagu soo gabababaynayey nabadayntii labada beelood ee Khayr cabdi iyo Bahararsame. Xafladdan ayaa ahayd mid ay soo Agaasimeen gabdhaha labadaasi beelood. Abarihii 10:00am saacada Laas Caanood ayaa xafaladii gunaanad ka heshiiska beelaha khayr cabdi iyo Bahararsame si toos ah uga bilaabatay Hoolka shirarka guriga Garaad Jaamac Garaad Cali. Ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay laba caaqil oo u hadlay gudiyadii xalinta khilaafaadka labada beelood. Iyagoo uga waramay wefdiga Madaxwaynaha heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arintan ay manta xafladeeda ku casumeen madaxda sare ee Puntland, iyagoo u sheegay Madaxwaynaha inay arintaasi ufadhiyeen mudo 5 bilood ah. Waxaa kaloo gudigaasi sheegeen in markii heshiisyo hore oo la gaadhay ay socon waayeen ay go,aan sadeen inay iyagu si toos ah uwada hadlaan ilaahna waa nagu guuleeyey. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay isimada gobolka sool oo uu ka mid yahay Garaad Abshir Saalax, Ugaas c/dilaahi ciise iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo dhamaantood ka hadlay arrimaha nabadaynta iyo warbixin ku saabsan gobolka. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka maaliyada dowlad goboleedka puntland Mr.Gaagaab oo sheegay in ay Puntland dejisay siyaasad cusub oo la rabo in lagu dhaqo Puntland taas oo ah in gobolka walba uu isagu iska bixiyo mushaharooyinka isla markaana uu isku filaado gobolka kasta oo ka tirsan Puntland. Waxaa kaloo hadlay Waasiirka arrimaha Gudaha Xaabsade oo sheegay in halkan loo yimid in wax la saxo wax badana laga bedelo gobolka. Ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi lagui soo dhoweeyey madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo run ahaantii halkaasi ka soo jeediyey qudbada aad u ahayd muhiim isla markaana ay dadku aad ugu riyaaqeen. Wuxuuna sheegay in uu halkan u yimid in uu wax ka qabto waxa ay tabanayaa dadku iyo sidi loo dhisi lahaa golaha degaanka si ay dadku iyagu wax u qabsadaan. Faisa Cabdi Dhalac Wariyaha Madaxtooyada Puntland HorseedNet.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo sheegay in cid kasta oo diidan keenista Ciidamada Shisheeye aaney IGAD marna u bedeli doonin qorshaheeda Axad, September 10, 2006(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Mr. Raphael Tuju ayaa sheegay in wada hadallada ay Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta ku lahaayeen aanu ahayn mid wax u dhimaya qorshaha ay ku dooanayaan in ay ciidamo ka socda IGAD ku keenaan Soomaaliya. Wasiirka waxaa uu sheegay in keenista ciidamo nabadda ilaaliya ay tahay mid caawineysa wada hadallada si loo gaaro nabad Soomaaliyeed, “kaliya waxaan dooneynaa in Soomaalida aan u tababarno si ay arrimahooda u fushadaanâ€ayuu yiri Wasiirka . Wasiirka oo la weydiiyay sababta dib u dhigtay keenista ciidamada ayaa sheegay in ay sabab u tahay xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo baahida dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen ciidamadaas. “Dariiqa aynu ku socono cidna uguma noqoneyno la hayste in ay dib noogu celisoâ€ayuu yiri Wasiirka oo xusay in IGAD ay diyaar u tahay in ay wada hadal la yeelato cid kasta oo diidan keenista ciidamada nabad ilaalinta. Mr. Raphael Tuju waxaa uu sheegay in haddii xaaladda ay is-bedesho ay madaxda dowladaha mar kale dib u kulmi doonaan si ay u qiimeeyaan xaaladdaas, isagoo xusay in ciidamada IGAD ka socda aaney qaban doonin howlaha Booliska, isla markaana aaney ka mid noqon doonin dalalka la deriska ah Soomaaliya, si looga fogaado ayuu yiri in ay dhexda uga dhacaan arrimo siyaasadeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya waxaa uu sheegay in Dowladaha Suudaan Uganda iyo Eritrea ay keeni doonaan ciidamo balse ay haatan dowladda Uganda la diyaar tahay ciidamadaas, wuxuuna weydiistay dalalka kale ee Afrika in ay ka qeybqaataan howsha nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Wasiirka waxaa uu sheegay in dadka ka soo horjeeda keenista ciidamada ay yihiin kuwo aan ogoleyn in ay shaqeyso dowladda Federaalka, isla markaana ay rabaan in wadanka ku sii jiro xaalad fowdo ah, “Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwo kale ayaa laga yaabaa in ay diidan yihiin keenista ciidamada Soomaaliya, maxaa yeelay ma fahamsana howsha ciidamada IGADâ€ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya. “Ciidamada IGAD waxaa loogu talagalay inay difaacaan dowladda Federaalka KMG ah iyo Hay'adaheeda, sidoo kalena ay gacan ka geystaan tababaridda ciidamada shacabka u adeega iyo weliba dhismaha ciidamo boolis ah oo uu leeyahay wadanka oo idil oo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntlandâ€ayuu yiri Wasiirka Ariimaha Dibadda Kenya . Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya waxaa uu sheegay in xitaa qabqablayaashii laga saaray Soomaaliya ay xitaa ka soo horjeedeen in la keeno ciidamo shisheeye, wuxuuna xusay in aaney marna IGAD bedeli doonin qorshaheeda cid kasta oo ka hor timaada. Mr. Tuju waxaa kale oo uu sheegay in dhamaadka bishan uu golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadli doono sidii loo qaadi lahaa xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in ay kadib soo diri doonaan ciidamadii IGAD ee loogu talagalay in ay yimaadaan Soomaaliya, isla waqtigii loo qorsheeyay. Wareysiga Wasiirkan oo ku soo baxay Jariidada Daily Nation ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib kolkii ay magaalada Nairobi ku kulmeen qaar ka mid ah Madaxda Dalalka IGAD oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wasiirro metelayay madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Suudaan, halka ay dowladaha Eretereya iyo Jabuuti ka cudurdaarteen ka qeybgalka kulankaas. Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa marar badan ku cel celiyay in aaney ogolaan doonin in dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka IGAD, iyadoo ay sidoo kale jireen banaanbaxyo ka dhacayay magaalada Muqdisho oo looga soo horjeeday in gebi ahaanba dalka la keeno ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa ay xiligan qorsheynayaan Urur goboleedka IGAD in ay Soomaaliya u soo diraan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Ali Mahdi Mohamed, My car was robed by Courts
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Has anyone denied the alleged mistreatment? Why would Ali Mahdi make up this huiliating incident? Why are General Galaal, A/qasin, Daylaaf, Inda Cade not disarmed? -
Ali Mahdi Mohamed, former TNG President of Somalia, cites abuse on the hands of the Courts.. Audio..... Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in laga qaatay Gaarigii uu watay iyo hubkii saarnaa agagaarka Siinka Dheer xili uu ku sii jeeday Beertiisa. Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee fadhigoodu yahay Agagaarka Siinka Dheer Afgooye ayaa maanta la wareegay Gaari Cabdi bile ah iyo Qoryihii saarnaa, kaas oo uu la socday Cali Mahdi Maxamed oo mar Madaxweyne ka soo noqday Dalka Soomaaliya. Siyaasiga Cali mahdi Maxamed oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacada Banaadir ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Ciidamada Maxaakiimta ay ku dhaqaaqaan falal aan ka fiirsi laheyn, waxa uuna xusay in laga qaatay Gaarigii uu saarnaa iyo hubkii la socday, isaga oo cadeeyey in uu dib ugu soo laabtay hoygiisa Magaalada Muqdisho. Cali Mahdi Maxamed Waxa uu sheegay in Dhacdadan ay tahay mid xadgudub ku ah sharaftiisa shaqsiga ah, waxa uuna tilmaamay in ay haboon tahay in talaabooyinka la qaadayo laga fiirsado. Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed waxa kale oo uu sheegay in aysan jirin illaa iyo iminka mas’uuliyiin ka socato maxaakiimta oo kala soo xiriirtay dhacdadan, isaga oo hoosta ka xariiqay weli in uu ka maqan yahay gaarigii iyo hubkii saarnaa. Falkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee siyaasi Caan ah lagula kaco, waxaana illaa iyo iminka aan la ogeyn sababaha ku xambaaray Ciidamada Fadhigoodu yahay Agagaarka Siinka Dheer, kuwaas oo maanta falkaasi u geystay Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo ku sii jeeday Beertiisa oo ku taala Agagaarka Balcad
-
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiya Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u dhoofay Liibiya. Jimco,Sept,8,2006 Hobyoradio Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhoofay garoonka caalamiga ah e magaalada Mogdisho asagoo ku si jeeda wadanka Liibiya, halkaa oo ay ka heleen marti qaad. Wafdigaan uu hogaaminayo Shekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah madax weynihii dowladii Carta C/qasim Salaad Xasan, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aways, Guddoomiye ku xigenkii hore ee Baarlamaanka Abroone Amiin iyo Siyaasiga caanka ah Xuseen Xaaji Bood. Wafdigaan oo martiqaad ka helay dowlada liibiya ayaa ayaa lasheegayaa in ay ka qayb galayan sanad guurada Ururka Midowga Afrika oo ka dhici doona barrito wadanka Liibiya, inkastoo aan markii hore lashaacin waxa ay u safrayaan wafdigaa ayaa haddana waxaa xaqiiqa ah in ay u socdaan in ay ka qayb galaan Munaasabada sanad guurada Ururka Midowga Afrika . wafdigaan ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa iyo labaatameeyo ruux, waxaana ka mid ah arday deeq waxbarasho ugu socota wadanka Liibiya iyo qaar ka tirsan ciidamadii Midowga Maxaakiimta ee ayagu ku dhaawacmay dagaaladii ay maxaakimtu horey ugaleen oo gaaraya 11 xubnaad. Caamir Muuse.Muqdisho
-
Liibiya Oo Markii Ugu Horeysay Kulan Fool-ka-Fool ah Isugu Keenaysa Madaxweyne Yuusuf, Sh. Xasan Daahir Aweys & Meles Senawi. Posted to the Web Sep 09, 02:48 Tripoli-Jamaahiriyadda Dalka Libya ayaa markii ugu horeysay qaadaysa talaabo wax ku ool noqon karaysa oo ay ku doonayso in kulan sedex-geesood ah ay isugu keento Madaxda Dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo Maxaakimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed. Sida ay saakay qortay Jariiradda Al-Sharqal Awsat ee kasoo baxda Magaalada London Dowladda Libya ayaa dhexda u xiratay haatan sidii ay madal qura isugu keeni laheyd si ka fool ka fool ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamka Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo R/wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi oo saaxiintinimo soo jireen ah ay kala dhaxayso Madaxweyne Yuusuf. Mas’uuliyiintan ayaa sida ay Jariiradu sheegtay waxa ay martiqaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Jamaahiriyadda Dalka Libya Col. Mucamaral Qadaafi, oo ku casuumay in ay kaqeybgalaan Munaasabad lagu maamuusayo aasaaska Ururka Midowga Africa oo dhidibada loo taagay sanadki markuu ahaa 1999-kii. Shalay ayaa Wufuud Maxaakimta ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Golayaasha Shuurada iyo Fullinta Sh.Xasan Daahir Aweys Iyo Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan Siyaasiyiin can ah waxa u kicitimeed Dalkaasi Libya. Wararkii ugu dambeeyeyna waxaa ay sheegayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu saacadaha soo socda ka ambabaxayo Magaalada Baydhabo isagoo kusii jeeda Dalka Libya. Crisaaq Claahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho
-
Liibiya oo kulansiinaysa madaxweyne Yuusuf, R/Wasaare Meles Zenawi iyo Sh. Xasan Daahir. Tripoli:-Dawladda Liibiya ayaa isku dayaysa in si foolka fool ah ay isu soo horfariisiso madaxweynaha dawladda Fs C/llaahi Yuusuf Axmed, R/wasaaraha Ethioipia Meles Zenawi iyo guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha islaamiga Sheekh Xasan Daahir Aweys xilli ay kawada qeyb galayaan munaasabad lagu maamuusayo sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegatay markii magaalada Sirta ee dalka Liibiya lagaga dhawaaqay dhismaha midowga Africa. Wargayska Al-sharqal Awsat oo soo xiganayay ilo wareed Soomaali iyo Liibiyaan ah ayaa sheegay in dawladda Liibiya ay doonayso in ay kulansiiso 3daasi masuul si xal looga gaaro dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya, ayadoo madaxweynaha Liibiya Mucammar Qadaafi uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo madaxweyne Yuusuf iyo Meles Zenawi. Warkan uu qoray wargayska ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ay marti qaad rasmi ah ka heleen dhigooda dalka Liibiya, ayadoo sidoo kale munaasabadaasi lagu casuumay masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga sida Sh Xasan Daahir Aweys iyo Sh Shariif Sheekh Axmed, taasoo dad badan ay hadal hayaan sababaha ka danbeeya casuumaadan loo wada fadiyay dawladda Soomaaliya iyo maxkamadaha islaamiga. Hadii dawladda Liibiya ay ku guulaysato in ay kulansiiso dawladda Fs iyo maxkamadaha islaamiga waxa ay noqoneysaa kulankii ugu horeeyay oo dhex mara masuuliyiinta ugu sarreysa maxkamadaha iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf, xilli wufuud kakala socota labada dhinac heshiis hordhac ah ay ku gaareen magaalada Khurtuum todobaadkii laga soo gudbay. Jibriil Nuur Waayaha.net,Tripoli,Liibiya
-
Latest news...Uganda ok's troops + Demo's in Mogadishu, Marka
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dibadbaxyo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye in la keeno dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Shabeelaha Hoose September 7, 2006 Markacadeey. -------------------------------------------------------------------------------- Isu soo bax ballaaran oo ka dhan ah go'aankii urur goboleedka IGAD uu ku gaaray inuu ciidamo ugu soo diro dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ayadoo dibadbaxaasi uu soo abaabulay maamulka ka arimiya gobolkaasi. Dadweyne boqolaal gaaraya ayaa ka qeyb galay dibadbaxyadii maanta Sh/Hoose ka dhacay ,waxaana kiisii ugu ballaarnaa uu ka dhacay magaalada Marka,ayadoo inta badan irdaha loo laabay goobihii ganacsiga. Culumaa'udiin iyo wax garad ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay dibadbaxyadaasi oo si daran looga soo horjeestay ciidamo shisheeye in la keeno dalka Soomaaliya. Dadweyne ka qeybgalay isu soo baxyada ayaa waxa ay hadaaqayeen ereyo ka dhan ah dowlada Ethiopia oo ay ku tilmaameen in ay tahay mida ayadu ka danbeysa in ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in aysan u kala hari doonin difaaca diinta iyo dalka hadii ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya. Waa dibadbixii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ka dhaca koonfurta Soomaaliya kaasi oo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye in loo soo diro dalka Soomaaliya. Maxamed Carab Xafiiska Markacadeey Muqdisho