General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. KAMPALA: Baarlamaanka Uganda oo u codeeyay ciidammo nabad ilaalin ah oo loo diro gudaha Soomaaliya Posted to the Web Sep 07, 16:10 Kampala (PP) - Baarlamaanka dalka Uganda ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in ciidammo ka tirsan kuwooda qalabka sida loo diro dalka Soomaaliya si ay nabad ilaalinta Soomaaliya uga qaybqaataan. Wararka Shabakadda wararka ee Puntladpost ka soo gaaraya dalka Uganda ayaa sheegaya in qodob ka mid ah qodobbada dastuurka dalkaas uu dhigayo in marka hore baarlamaanka la hordhigo oo cod aqlabiyad ah looga raadiyo ciidammada ka baxaya dalka Uganda oo ka mid ah kuwooda qalabka sida. Codka aqlabiyadda ah ee uu baarlamaanka ku ogolaaday ayuu ku sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda oo lagu magacaabo Mr. Muwanza inay tahay mid xaq oo ay dowladdu martay isla markaana ay iyaguna ogolaadeen, waxaana uu sheegay in codka aqlabiyadda ah ee lagu ogolaaday in ciidamadooda loogu diro Soomaaliya ay tahay mid hagaagsan. "Dowladdeenu waxay qayb ka qaadanaysaa xasilinta Soomaaliya oo muddo ka badan 16-sano ah ay ka taagnaayeen dhibaatooyin colaadeed" ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha dowladda Uganda, waxaana uu intaas ku daray: "Uganda iyo Somalia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo aan abid xumaan". Ansixintaan la ansixiyay in Dowladda Uganda ay u soo dirto Somalia ciidammo gaaraya 2000-askri ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo dal ka tirsan IGAD uu si dhab ah isugu raaco inay ciidammo u soo diraan soomaaliya. Dhawaan ayaa waxaa ka dhacay Muqdisho dibad-bax lagu diidan yahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidammo ka socda IGAD oo loogu magac-daray IGADSOM iyadoo maantana isku soo baxyo lagu diidan yahay ay ka dhaceen Gobolka Shabeellada Hoose. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  2. all i can say is sxb somalia ha noolaato Indeed..Long live the Somali people..
  3. ^^^ There we go, we agree then on most points. The need for a national governemnt, to getting rid of the occupation of the South. To peace. We differ slightly, on the timing and this notion that the courts are the most powerful, but thats your opinion, I respect that. I too do not wish to see a fight for Mogadishu or any where else, we are tired of war. But lets put pretences aside, lets work towards the greater good.
  4. ^^^ It seems we agree on many things then. You say the courts are powerful and point to the weakness of the TFG, yet then you say they cannot get rid of the Thug. Should we not make it clear that because of the clan politics and the fact their foundation is the clan of Inda Cade means they can not go against him. Inda Cade made a valid pint when he said that his gang[lower Shabbele] was the Mother of the courts. Good. You say that I support the governemnt, of course, but that does not mean I am against negotation, or even power sharing. What I am agaisnt is this nonsence of the clan courts pretending to be anything other than the same clan that rules lower Shabbele. Thus the TFG is absed on every clan ruling his or her town, while the courts still rule as you pointed out the lower Shabbele and thus against even decent fairness much less the just Islamic law. You insult the TFG, but is it not a more inclusive entity than the courts? Does it not represent every clan while the courts only stands for a single clan? Moving on. What need will there be for FT when everyone has their rights? The fact that the TFG wants to train its army and police force with the help of outside troops should not be a worry. What should concentrate your mind is the plight of the millions of Somali;s under the gun, even in Mogadishu. The looted properties, the lack of jobs and most of that can be adressed by a national governemnt made up of all clans, armed and un armed where we have many regions, Not the old daydream of the likes of Inda Cade and Co who misunderstand that today fate is on their side, and abuse what Allah has given them...
  5. ^^^^ Ok. Nothing on Earth exists in a vacume. While you are right that the courts have been in power for 3 months in Migadishu, their age is much longer. As you pretend they have not come into existance over night. They have been around since the Arta government and even endorsed that government. You have not refuted that the basic structure of the courts is based solely on clan. I will go further and say that the courts are based only on one clan and controle only that clans areas. Thus it is absurd to hear them say theu control Somalia. You have said they will do this and that in the future, I am more interested in facts on the ground and actions. Xasan Dahir also stated that there is no problem in Lower Shabbbele, and has defended the man you rightly call a thug. Lets go back to the core issue, Lower Shabbele, I put to you that Xasan Dahir is an integral part of the occupation of Lower Shabbele and that he is very close to the white eyed wonder Inda Cade. He with Abdiqasin strenthened the occupation of their sub-clan. priorities of the clan courts You say the clan courts have only been in power 3 months and have opened the port,airport and so on. Also in this same time they have opened up to 10 courts based in their clans and even a court for BURHAKABO to fight the TFG, but not one in Afgoyee to fight Cirfo and Inda acade. Thus they extend their control in Cadaaado and failed attempt in Hobyo, but have not been around long enough to travel less than 50km down south. The TFG imperefect as it is is for all Somali's, the clan courts perefect as they seem to you are only based on the wants of one clan. Their priority is not in tandem with their professed ideology. Islam is simple religion to understand its notion of justice is universal. I put to you once again that the clan courts are the replacers of the warlords. They have taken the position the warlords had in that clan. Thus they can not represent Somalia, much like Puntland and Somaliland can not represent Somalia. I put to you that bringing peace to Mogadishu is a wonderful think but it does not excuse the continued suffering and marganilisation of a whole clan. I put to you that Xasan Dahir has yet to chastise any of his kinsmen including, Cirfo, Inda Cade, Dhuxulow, Goobanle, Seeraar all powerful warlords, scrapmerchants who's millitias have killed maimed and destroyed countless Somali villages. Yet he condemns a whole government. The summary and key points. ...The courts of Mogadishu are based solely on the armed clans of Mogadishu.. They even split into sub - clans.Courts ...The clan courts represent only 1 out of Somalia's 5 major clans. ....The clan courts unlawfully control the lower Shabbele and the Juba's through their proxy Inda Cade, Cirfo and Dhuxulow. Inda Cade is [security Chief[ of the courts... ....They do not recognise the governemnt the same reason their friendly warlords did not...GREED ...Ethiopia is a pretext to keep control of the lower Shabbele and claim power of Somalia.. .
  6. ^^^^You made some good points mate. So long as we oppress each other we will never progress.
  7. maxkamadaha oo la filayo in la soo hor dhigo Jagooyin ay ka qabtaan Dawlada Federalka Somaliya Posted to the MOL September 2, 2006, 10:38 am Khartuum:- Sida ay qortay shabakada Sudantribune, dowladda federaalka kmg ee Soomaaliya ayaa waxaa laga yaabaa inay u bandhigto maxkamadaha Islaamiga inay jagooyin ka qabtaan golayaasha dowladda si ay ugu soo biiraan dowladda federaalka. Maxamuud Sayid Aadan wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo u warramay wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay midka ay dowladu kula shir tegayso gogosha kulanka Khartuum. Maxamuud Sayid Aadan waxa uu intaa raaciyay in maxkamaduhu ay yihiin hal qabiil isla markaana ay dowladu u ogoshahay inay yeeshaan cadka ay ku leeyihiin dowladda kmg ah iyadoo la marayo 4.5 habka ay Soomaalidu wax ku qeybsato. Lama oga sida ay maxkamaduhu u ogolaan doonaan qorshahaasi, hase yeeshee Sheekh Daahir Geelle oo ka tirsan wafdiga maxkamadaha ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay in laga wadahadli doono kuraasta iyo jagooyinka ay yeelan doonaan maxkamadaha Islaamiga. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  8. Duqa magaalada Garowe oo la doortay Last Updated::2006-09-02 13:14:28 War deg deg ah:- Waxaa qadar yar kahor lasoo geba gabeeyey doorashadii Guddoomiyaha Degmada Garowe oo maanta ka dhacday Xarunta PDRC. Munaasabad balaaran oo ka dhacday Xarunta Cilmi baarista ee PDRC ee magaalada Garowe, ayay Xildhibaanada Golaha degmada Garowe ku doorteen Guddoomiyaha Cusub ee Golahaasi. Doorashadan ayey isku soo taageen labo musharax oo kala ah: 1.Cabdulqaadir Cusmaan Samatar ( Food Cadde) 2.Cawil Mataan Tooxyare Madasha doorashada ka dhacday ayaa waxaa fadhiyey 23 kamid ah xildhibaanada 27ka gaaraya ee Golaha Deegaanka Garowe. 4 Xildhibaan ayaa ayagu madasha ka maqnaa ayadoo codbixinta ay u dhacday. 1.Cabdulqaadir Cusmaan Samatar ( Food Cadde) - 13 cod 2. Cawil Mataan - wuxuu helay 9 cod, halka 1 codna uu xumaaday. Sidaa ayey guusha doorashada ugu raacday Musharax Cabdulqaadir Cusmaan oo noqday Guddoomiyihii 3aad oo ay soo doortaan Golaha Degmada Garowe. Labo jeer oo hore ayey golaha deegaanka Garowe sidan oo kale u soo doorteen Guddoomiyahooda ahna duqa magaalada Garowe. Degmada Garowe ayaa noqotay degmada kaliya ee Puntland oo muddo kooban ay ka dhacaan 3 doorasho guddoomiye. Munaasabadii doorashada ee maanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi, iyo xubno badan oo ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale madasha ku sugnaa Issimada gobalka, Cuqaal iyo waxgarad kale oo lagu casumay. Waxaana halkaasi ku sugnaa Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muse. Madaxweynaha Puntland oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay maamulka cusub ee degmada inuu wax qabad la taaban karo uu muujiyo ayadoo uu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in wax laga qabto ay tahay amniga caasimada. Guddoomiyaha cusub Md.C/qaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dhamaan Xildhibaanada Golaha ee doortay iyo kuwa kaleba. Wuxuuna sheegay in hawsha culus ee loo dhiibay uu la kaashan doono hirgelinteeda cid walba oo gacan kusiisa. Islaan Ciise oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku baraarujiyey Golaha degmada iyo waliba Guddoonka cusub in ay wax weyn ka qabtaan arrimaha Bulshada ku dhaqan degmada oo wax weyn loo baahan yahay in laga qabto sida dhinaca Nadaafada iyo wacyi gelinta. Munaasabadii maanta ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ayaa si wanaagsan u dhacday ayadoo ay kasoo qeyb galeen shacabweyne badan oo xiiseenayey daawashada Doorashadan. C/risaaq Shiino HorseedNet.com
  9. Manhaj cusub oo Mideeya waxbarashada deegaanada Maamul Goboleed Puntland oo la Sameeyay Last Updated::2006-09-02 12:57:50 Bosaso:- Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa sheegtey in la dhaqan geliyay Manhaj cusub oo loo samaynayo Waxbarashada Asaasiga ah ee deegaanada Maamul Goboleedka Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Ahmed Siciid Aw Nuur oo habeenkii xalay ahaa ka hadlayay xaflad ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika (East Afrika University) ee Magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay qorshaha Manhajka cusub oo uu sheegay in sanadkan 2006/2007 uu ka dhaqan gelidoono dugsiyada Puntland. Manhajkaan ayaa la filayaa in uu wax wayn ka badali doono Waxbarashada kala Manaahijta ah ee ka jirta deegaanada Puntland, kuwaasi oo haysta Manajiih kala duwan oo ah Wadamada Dariska la ah Soomaaliya. Wadamada Manaahijtoodu sida wayn looga dhigto gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa waxaa ka mid ah sida Yemen,Kenya, Masar, iyo Sucuudiga oo dhamaantood ku salaysan luuqada Carabiga iyadoo ay jiraan dugsiye kale oo ku baxa luuqada ingiriiska. Waxaana Manaahijtaan uu wax weyn ka badali doonaa dhamaan Manhajyadaas kala duwan oo uu noqon doono in dhamaan dugsiyada Puntland ay qaataan hal Manhaj oo Midaysan oo isku mid ah,dhawaana ay dhaqan galin doonto Wasaarada Waxbarashada Deegaanada Puntland. Manhajkaan Cusub ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay furmayaan Sanad dugsiyeedka 2006/ 2007 dugsiyada deegaanada Maamul Goboleedka Puntland. Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay oo Wasaarada Waxbarashada Maamul Goboleedka Puntland ay soo bandhigto Manhaj u fududeeya dugsiyada sidii ay u socon lahaayeen waxbarashadooda. Yusuf Mohamed Ismail (Gaduudow) HorseedNet.com
  10. Shariif Xasan iyo Prof Cadow oo qudbado ka jeediyay furitaanka kulanka Khurtuum. Khartuum:-Wareega labaad ee wadaadalkaKhurtuum ayaa maanta si rasmi ah uga furmay qasriga Asdiqaa ee magaalada khurtuum,halkaasi oo ay kulamo ku dhexmarayaan wufuudda dowladda FS iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed,iyadoo furitaanka shirka ay goob joog ahaayeen masuuliyiin kala duwan. Wasiiru dowlaha dalka Sudan Cali Karte ayaa xarigga ka jaray shirka,iyadoo halkaasi uu ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay Nabadda Soomaaliya,isagoo ku booriyay labada dhinac in ay soo afjaraan kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya. Masuuliyiin ka soctay Jaamacadda Carabta,IGAD,QM iyo kuwo kale ayaa iyana halkaasi hadalo ka jeediyey oo dhamaantood ku booriyeen labada dhinac in ay heshiis ka gaaraan waxyaabaha dhex yaalla,iyagoo dibu dhis u ballan qaaday dalka hadii ay ku heshiiyaan siyaasadda. Prof.Ibraahim Xasan Cadow oo horkacayay wafdiga Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa halkaasi hadal ka jeediyay waxaana uu ka hadlay ololihii Golaha Maxkamadaha ay u galeen sidii Muqdisho ay uga dhigi lahaayeen goob nabdoon,isagoo sheegay in ay jecel yihiin shirka Khurtuum in uu noqdo mid wax ku ool ah oo ay kasoo baxaan natiijooyin mira dhal ah. Pro.Cadow waxaa uu hoosta ka xariiqay in Muqdisho markii ay la wareegen ay awoodeen in ay ku dhawaaqaan dowlad ,balse waxaa uu sheegay in danta Shacbiga kaliya ay ka shaqeynayeen sidaasi darteedna ay aqoon sadeen xukuumadda FS. Guddoomiyaha Baarlamanka oo isagauna hogaaminayay wafdiga dowladda Sharif Xasan sh.Aadan ayaa halkaasi hadal ka jeediyay waxaana uu shaaciyay in dowladda FS ay diyaar u tahay in ay wax la qeybsato Golaha Maxkamadaha,isagoo sheegay in ay yihiin dowladda sharciga ah,isla amrkaana aysan inkirsaneyn horumarka Maxkmdaha ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Shariif Xasan waxaa sidoo kale uu sheegay in loo baahan yahay in laga hormariyo danta shaqsiyadeed tan guud ee shacbiga Soomaaliyeed,isagoo xasuusiyay labada dhina in ay gacamahooda ku jirto danta guud ee umadda Soomaaliyeed. Jibriil Nuur Waayaha.net,Khartuum,Suudan
  11. Kulankii dhinacyada Soomaalida ee Khartoum oo si rasmi ah u furmay Khartoum - 02.September.2006 Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Khartoum ee xarunta waddanka Sudan uga furmay wada xaajoodka nabadda ee u dhexeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo maxkamadaha midoobey. Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee ay labada dhinaca si kafool kalool ah u yeeshaan tan iyo bishii Juun ee aynu ka soo gudubney ayaa waxaa ajendaha wada hadalka ugu muhiimsan sida loo qaybsanayo awoodda waddanka. Munaasabaddii maanta lagu furay shirka Kharoum ayaa waxaa ka qayb galay Diplomaasiyiin ka kala socda Ururradda Jaamacadda Carabta, QM, Ururka Islaamka ee IC iyo Urur Goboleedka IGAD. Labada dhinacaba waxay horay u sheegeen in ay rajo ka qabaan in heshiis la kala saxiixdo. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  12. Kharduum: Magaalada Kharduum oo ay ka furmeen wada hadaladii dawlada iyo maxkamadaha. Saturday, September 02, 2006 Kharduum(AllPuntland)- Magaalada Kharduum ee casimadda wadanka Sudan ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay wada hadaladii mudada la sugayay ee xukuumadda iyo Maxkamdaha islaamiga ah ee magaalada Muqdisho. Shirkaasi ayaa waxaa furitaankiisi ka hadalay mas`uuliyiiin kala duwan oo ka socota Jaamacadda Carabta, Qaramad Midoobay iyo Golaha midnimada qaaraddda Afrika. Franciso Fall oo ah u qaybsanaha QM ee arimaha dalka Somaliya oo ka mid ahaa mas`uuliyiintii ka hadashay wada hadaladaasi furitaankooda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Somalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafaadyada ka dhaxeeya xukuumadda Somaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho. Waxaa soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay rajo xumo laga muujinayo in ay qabsoomaan wajigaasi labaad ee wada hadalada dalka Somaliya. Waxa ay labada dhinacba la filayaa in ay ka wada hadalaan xaaladda dalka Somaliya iyada oo maxkamaduhu gaar ahaan ay doonayaan in ay soo bandhigaan mawqifka ay ka taagan yihiin ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Somaliay. M. J. Koronto AllPuntland.
  13. What a silly statement yu make . Please dont think high of yourself I have seen many secesionist like you who believe that Xasan Dahir, Inda Cade and their clan will do what they can not do. Destroy the old enemy. I promise you that wont happen.
  14. Come on SXB, lets not go into to business of twisting each others words. TFG is not fighting its people but all qarandiids One can even go and say a year ago all these groups were in the same camp today the opposition in the south has becoem smaller, the warlords are broken. So it makes things a bit simpler, you know the address of your rivals now and it is in Marka...
  15. WIIL_SHAYDAANKA Anyone whith that kind of name has no need to be taken seriously. But let me make a few points which are integral to the thread. It has coe to pass that these clan courts are just another name for the warlords of Mogadishu. Inda Cade is a thug and one who is integral to the courts. They are defending his occupation and not the poor he has oppressed. So much for the beautiful words of Shiekh Sharif. Ethiopia: is yet another lame excuse to continue the rape of the fertile areas. Even the latest champion of the clan courts goes on to say.. freeing lower shabelle from indo cadde is something i support but the fact of the matter is we have been invaded and therefore getting rid of inda cadde is a ''no no'' An age old tactic to avoid responsability is to blame someone else, the bogyman of Somalia happenes to be, you guessed it "Ethiopia". Langauage The term clan courts is a fitting one, since each clan of the armed clans of Mogadishu have their own seperate court. For instance Inda Cade's, Xasan Dahir's and Abdiqasin's clan have the Ifka Xalin court. Aydeed, Ato and Qaybdeeds clan are represented by Al-Furqanclan court. The Cadaado clan have their own, Chircoole Qaynyare's clan is represented by Dayniile courts and then the clan of Beledweyne is calledIf-Tin There are even sub -clan courts for North Mogadishu such asSisis So rather than being propoganda the termclan courts is an accuarte representation of these courts. Even Xasan Dahir clearly stated that South Galkacyu is a go area, since his clan lived there...Thus the courts are now the true representatives in poiltics of a particular clan. Issue of Minority clans What took place in Mogadishu this summer was that the armed clans decided to get rid of their own famous warlords and give power to their own courts. Thus a smooth change took place most warlords [apart from Inda Cade, Seeraar, Goobanle] went out of the door and in came armed 'Shiekh's. The thinking here is that these courts will better serve the interest of the clan. But what about the vast number of unaremed clans? Why have they not been brought into the courts and armed and giving their rights? What justice is there when the majority of the people of Mogadishu, Banadir and Lower Shabbele do not have their rights as accorded to them in Islam? This is not propoganda but facts on the ground.. Christian Eritria Most people here seem to not understand that Ethiopia is run by the Tigray and not the Amhara of yester year. They also do not understand that in Asmara is a Tigray junta as bruatal as the one in Adis and who share the same value as their brethren, both came out of the opposition to Menghestu and both are Coptic Christian regimes. So if Asmara does not see Xasan Dahir and his gang as Islamic warriors why should we?
  16. MMA, lol. I like all his works the man is brave and fair, right...
  17. Castro, get the cloak of my son,for you are no more nationalist than any of us here. Yes I support the elected and legitimate leader of Somalia. Why then do you say he is our uncle or use the term uncle Yey? Should one rebuke you by highlighting your clan affiliation to Mr Dahir Riyaale Kahin,should one say you oppose the TFG our government because of your clan kinsmen or Uncle Riyoole? Should one go further and point out that you support the clan courts only because deep down you hope it might give your uncle Riyoole his dream of recognition. Your attacks on all things Puntland has been noted, and I must say it is quite disgraceful. Keep supporting uncle Riyoole..
  18. ^^^The people of Hobyo thus are more important than the people of Lower Shabbele? Amazing. These courts were not wanted in Mudug thus they have been chased out.. They are wanted deperately in LowerShabbele but have resited answering the call of those people. Hypocracy I tell ya. Xasan Dahir even compared his clans occupation to the local structures of Puntland and Somaliland. I guess you must be those who belive its all swell in the lower Shabele...
  19. Xassan Daahir Aweys oo sheegay inuusan aqoonsaneyn Dowlada Somaliya Last Updated::2006-09-01 17:07:39 Muqdisho:- Sheekh Xassan Daahir aweys hogaamiyaha Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa beeniyey wareysi uu siiyey Jariirada TIMES. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa maanta oo jimce ah saxaafada Muqdisho u sheegay inuusan aqoonsaneyn dowlada Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayuu Xassan Daahir soo saaray kadib markii Wareysi uu sheekha siiyey Jariirada Times lagu sheegay in Xassan Daahir Aweys uu diyaar u yahay nabada inuu kala shaqeeyo dowlada Soomaaliya, oo u aqoonsan yahay in ay tahay dowlad la ictiraafsan yahay. Hadalkan ayuu dib uga gurtay Sheekh Xassan Daahir Aweys Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Islaamiga, asagoo sheegay in uusan wax taageero ama ayidaad ah u heyn dowlada federaalka Soomaaliya. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa asagoo ku sugan Muqdisho sheegay in dalka ay ku jiraan ciidamo badan oo shisheeye ah, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay arrimahaasi kala hadlaan Dowlada Federaalka. Wuxuuna sheegay in shirka Khartuum diirada lagu soo saari doono sidii dalka looga saari lahaa ciidamada ku jira gudaha Soomaaliya. Sheekh Xassan Daahir ayaa carabka ku dhuftay in Dowlada Qaranka Somaaliya ay ka qeyb gelin doonaan Soomaali oo dhan, walow uusan sii faah faahin dowladaasi in ay tahay mid ay Maxkamadaha Islaamiga ay dhisi doonaan iyo in kale. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa wareysi kale oo uu todobaadkan siiyey Jariirada Al Sharqul Awsat uu ku sheegay in Maxkamadaha aysan Xukun-doon ahayn, balse ay doonayaan in nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya. Maaha markii ugu horeysay oo hadalo is burinaya ay kasoo baxaan hogaamiyaasha Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho, arrintan oo salka ku heysa dhinaca siyaasada Maxkamadaha. Dadka sida weyn ulla socda siyaasada Soomaaliya, ayaa horey u sheegay in Maxkamadaha Islaamiga aysan lahayn barnaamij dhameystiran oo ku wajahan dhinaca maamulka iyo siyaasad qoto dheer. Ayadoo lagu tilmaamay Maxkamadaha Islaamiga ah kuwo siyaasado kala duwan wata ayadoo Maxkamad waliba ay qorshe u gaar ah fulineyso, taasi oo laga cabsi qabo in ay caqabad ku noqoto hirgelinta heshiis walba oo laga gaaro shirka Khartuum oo ay ku kulmi doonaan wafuud ka kala socota Dowlada Somaliya ee Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Caasimada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dhexe. Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa horey wareegii 1aad ee shirka Khartuum ku saxiixay 22kii bishii June, heshiis horudhac ah oo qodobadiisu kamid ahayd in Maxkamadaha Aqoonsan yihiin in Dowlada Federaalka ay tahay Dowlada Sharciga ah ee dalka Soomaaliya. Heshiiskaasi ka koobnaa 7da qodob ayaa sidoo kale ku qeexnayd in dowlada Federaalka aqoonsan tahay jiritaanka Maxkamadaha Islaamiga iyo in ay yihiin awood cusub oo dalka kusoo biirtay. Heshiiskii hore ee shirkii Khartuum ayaa noqday mid aan waxna ka hirgelin ayadoo su'aalo badan la iska weydiinayo waxa kasoo bixi kara kulanka wareega 2aad ee wadahalada Dowlada iyo Maxkamadaha.
  20. ^^^So Galkacyu which was 750 KM away was more of a priority? Shabbele will be dealt with Insha ALLAH but not by those who have caused it harm these past 10 years..
  21. MUQDISHO: Guddoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Maxkamadaha oo sheegay inay Isbaarooyin yaallaan shabeellada Hoose Posted to the Web Sep 01, 13:19 Muqdisho (PP) - Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadaha Muqdisho Sheekh C?/raxmaan Maxamuud Faarax (Jinaqoow) ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan isbaarooyin yaalla gobolka Shabeellada Hoose kuwaasoo ay ka warhayaan Maxkamadaha Muqdisho. Sheekh C/raxmaan wuxuu sheegay in Isbaarooyinkaas ay dhawaan wax ka qaban doonaan isla markaana laga hirgelin doono gobolka Shabeellada hoose maamulka Maxkamadaha, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inaysan noqonayn shabeellada hoose meel la iska hilmaamo. "Shabeellada hoose way la socdaan Maxkamaduhu waxa ka jira mana dhacayso in la isk daayo ama ay sidaa sii ahaanayso, balse waxaa wax laga qaban doonaan dhawaan" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Jinaqoow. Sheekha ayaa sidoo kale dhawaajiyay in dhibaatooyinka ka dhacaya gobolkaas ay yihiin kuwo lala socodo, ayna Maxkamaduhu doonayana inay dhawaan wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas ayna ka hirgeliyaan halakas Maamulka Maxkamadaha oo ah nasteexo ka wanaagsan maamulka hadda ka jira. Hadalkaan ayaa khilaafaya hadal uu dhawaan jeediyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in Shabeellada Hoose aan loogu abaalgudeyn in maamulkooda la buburiyo isla markanaa maamulka Maxkamadaha laga hirgeliyo, waxaase uu sheegay inay saxayaan wixii khaladaad ah ee jira. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com