
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka China Last Updated::2006-11-01 17:37:41 Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlada KMG Somaaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Beijin ee xarunta dalka China. Safarka Madaxweynaha ayaa la xariira shirweyne ka dhici doona dalka China oo ay ku kulmi doonaan hogaamiyaasha dalalka Afrika iyo China. Dalka China ayaa wada qorshayaal kala gedisan oo dhinaca horumarinta iyo dhaqaalaha ah oo la xariira Qaarada Afrika, ayadoo dalka China uu heshiisyo kala gedisan la galay dalal Afrikaan ah oo dhinaca baaritaanka Shidaalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu la kulmo mas'uuliyiinta Dowlada China oo ayagu casumaadan usoo diray. Madaxweyne Yusuf ayaa heshiisyo dhinaca horumarinta arrimaha Bulshada, baaritaanka khayraadka iyo waliba dhismaha Jidadka uu u gudbin doono dalka China oo xiriir dheer lasoo lahaan jiray dalka Soomaaliya. Hussein Farah HorseedNet.com - Baydhabo
-
Garowe: Reer Nugaal support the exploration deal..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Saxib you are depressed because of the progress of the state, insha alah we will get our oil, gas and other minerals and benefit the people by creating jobs and developing infustructure. Puntland has its system, its courts, its parliment and its army. You need to go back and fix your areas before you lecture us. -
Clan courts: now Kenyan troops are Ethiopians...LOL
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxaakiimta oo horey looga bartay dhaliicooyinka ay dalka Itoobiya u diraan ayaa hada u muuqda in yoolkeedii qabtay Dowlada Kenya. Sh.Xassan Turki oo asagu ku sugan deegaanka Dhoobley ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa asagu dhawaan war uu saxaafada Muqdisho siiyey ku sheegay in ayagu wax dagaal ah ka dhaxeyn Ciidamada Dowlada Kenya. Yusuf Siyaad Indhacade ayaa maanta ka gaabsaday inuu sheego meesha ay joogaan ciidamada Kenya kasoo galay. -
Maxaakiimta oo bilaabay shirar ay ku dhaliiceynayaan Dowlada Kenya Last Updated::2006-11-01 17:31:41 Muqdisho:- Maxaakiimta magaalada Muqdisho ayaa qabtay warsaxaafadeed ay ku dhaliiceynayaan Dowlada Kenya. Maxaakiimta oo horey looga bartay dhaliicooyinka ay dalka Itoobiya u diraan ayaa hada u muuqda in yoolkeedii qabtay Dowlada Kenya. Yusuf Siyaad Indhacade oo ah Madaxa Amaanka ee Maxaakiimta Muqdisho ayaa maanta warsaxaafadeed uu qabtay ku sheegay in dowlada Kenya ay taageerayso Dowlada Itoobiya. Indhacade ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo qaba dareeska Ciidamada Kenya iyo Gaadiidkii ciidamada Kenya ay joogaan gudaha dalka Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Dowlada Kenya ay ogolaatay in dhinaca Kenya ay kasoo weeraraan ciidamo Itoobiyaan ah oo qaba Dareeska iyo gaadiidka ciidamada Kenya. Eedayntan ayaa ah tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo loo jeediyo dowlada Kenya, xili Dowlada Federaalka Soomaaliya ay codsatay in dowlada Kenya ay kamid noqoto dhex dhexaadiyaasha shirka khartuum. Warsaxaafadeedka ay Maxaakiimta ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid salka ku haya shirka khartuum oo la isku dhaafi waayey qodobka ah in IGAD ay qeyb ka noqoto dhex dhexaadinta wadahadalada Khartuum. Maxaakiimta ayaa ayagu si buux uga soo horjeeda in IGAD ay ka qeyb qaadato wadahalada ay la yeelanayaan dowlada Federaalka, ayadoo ay Dowlada Soomaliya codsatay arrintaasi. Eedeyntan cusub oo ah in ciidamo Kenya kasoo galay in ay dalka Soomaaliya joogaan ayaa ah mid aan wax cadeyn ah loo heyn. Sh.Xassan Turki oo asagu ku sugan deegaanka Dhoobley ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa asagu dhawaan war uu saxaafada Muqdisho siiyey ku sheegay in ayagu wax dagaal ah ka dhaxeyn Ciidamada Dowlada Kenya. Yusuf Siyaad Indhacade ayaa maanta ka gaabsaday inuu sheego meesha ay joogaan ciidamada Kenya kasoo galay. Ahmed Musse HorseedNet.com
-
Garowe: Reer Nugaal support the exploration deal..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xaflad Maamulka Nugaal iyo Degmada Garowe soo qaban qaabisay oo ka dhacday magaalada Garowe (Daawo Sawirada) Last Updated::2006-11-01 11:33:54 Garowe:- Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe. Xafladda ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha DGPL Mudane:Maxmuud Muuse Xirsi iyo golihiisa xukuumada, Guddoomiyaha baarlamaanka mudane axmed cali xaashi iyo goloihiisa Wakiilada, isimo, waxgaradka gobolka nugaal, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Shacabweynaha gobolka nugaal iyo haween-weynaha gobolka. Hadaba xafladda ujeedadeeda ayaa ahayd sidii ay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradkeedu ay ugu xog warami lahaayeen dawladda uu horkacayo Madaxweyne cadde iyo baarlamaankana. Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminyeyna ay u xog waramaan dadweynaha iyo maamulkaba ee gobolka Nugaal. Waxaana ugu horraynba shirka furay duqa degmada Garowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal oo labadooduba ka hadlay ujeedada xafladan iyo waxa ay xambaarsan tahay. Waxaana halkaasi isna ka hadlay Maareeyaha guud wakaalada macdanta iyo shidaalka ee Puntland Xasan Alloore oo ka warbixiyey waxyaabihii ay la soo kulmeen iyo waxa ay rajeynayaan. Waxaanu reer Nugaaleed iyo reer Puntlandba uu ka codsaday in nabadaas la haysto lagu fara adaygo, oo xaaladaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya aynaan u hanqal taagin. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay aqoon yahano, nabadoono, ganacsato oo dhamaantoodba sheegay in ay jiritaanka Puntland uu yahay muqadas meelna looga soo wada jeesto wixii ammaan xumo ku keenaya layskana qabto. Waxayna dhamaantood soo dhoweeyeen hadalkii iyo warbixintii maareeyaha wakaalada macdanta iyo shidaal, iyagoo qaarkood talooyin ay u soo jeediyeen dawladda si ay wax u saxmaan. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase, isagoo sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo maamulka gobolka iyo kan degmada ee xafladan soo agaasimay, dadkana ku booriyey in la adkeeyo nabadgelyada iyo midnimada. Halkaasina uu ugu duceeyey ummadda puntland iyo soomaali weynba in ilaahay haybaddeedii u soo celiyo. Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL,taasi oo taabanaysa dhinacyo badan oo ku wajahan waxqabadka dawladda iyo arrimaha nabadgelyada in la adkeeyo lagana shaqeeyo dawladda, iyo warbixin ku saabsan safarkoodii guulihii ay ka soo gaareen iyo waxa ay rajenayaan. Intaasi ka dib ayaa waxa loo dareeray cashadii. -
Garowe: Reer Nugaal support the exploration deal..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
GAROOWE : Reer Nugaaleedka oo si aan kala harlahayn u taageeray Barnaamijka ay dawladdu ku doonayso in lala soo baxo Khayraadka dalka (Daawo-sawiro) Posted to the Web Nov 01, 15:06 Garoowe:-Casho-sharaf maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmadda ay xalay xarunta Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ay ugu sameeyeen Maamulka gobolka Nugaal iyo kan Degmada Wafdiga uu hogaaminayay Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Dr. Xassan Osman Mahamud (Aloore) wafdigaasoo soo dhawaan dhawaan safar shaqo oo u badan arimaha baaritaanka Macdanta iyo soo saarista Shidaalka Puntland ay ku gaareen dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Imaarad iyo Maleeshiya ayaa waxaa halkaasi la isku dhaafsaday warbino ay soo kala jeediyeen maamulka gobolka Nugaal , Issimadda , Nabadoonada iyo Aqoonyahanada gobolka Nugaal iyo Wafdiga dawlada oo warbixin ka dhiibay hawlaha Macdan barista Puntland. Duqa Degmada Garoowe C/qaadir Cismaan (food-cadde) ayaa si wayn u soo dhaweeyay wafdiga madaxwaynaha wuxuuna warbixin kooban ka bixiyay xaalada Caasumadda Puntland ee Garoowe wuxuuna sheegay in ammaanku uu yahay mid heersare ah oo aad u xasiloon islamarkaasna deegeenka uu yahay mid barwaaqaysan oo roobkii Dayrta uu ka da’ay. Mr. Food-cadde wuxuu sheegay in maamulkiisu uu si wayn u taageersan yahay Barnaamijka dawladda ay ku doonayso in la soo saaro khayraadka dalka si looga faa’iidaysto wuxuuna sheegay in ay si wayn u soo dhawaynayaan. Duqa Degmada Garoowe wuxuu M/waynaha hortiisa ka codsaday in lagu taageero maamulka Degmada Ciidamo isku-dhaf ah oo laga kala keeno dhammaan gobolada Puntland si hawlaha Canshuur uruurinta ay u noqoto mid la dardar galiyo si wanaagsan uga hawlgasha Degmada , maadaama ay Ciidankayagu iyo dadka deegaanku ay isgaranayaan sidaas darteedna ay ku adagtahay in ay sidii la rabay loo qaado Canshuuraha kala duwan. C/laahi Ciise Aw-axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in gobolka Nugaal uu yahay mid aad u dagan oo xasiloon ,islamarkaasna taageero u haya barnaamijka dawladdu ay ku doonayso in la soo saaro khayraadka dalka si looga faa’iidaysto. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in inta badan warbixintiisa uu qoraal ku gudbin doono had iyo jeerna ay warbixinada gobolka oo dhamaystiran ay madaxda sare ee Maamulka u gudbiyaan. Nabadoon Axmed-shire iyo Samadoon Daahir-sanwaylood iyo Mr.Cismaan Guureeye oo ku hadlayay magaca Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahanada gobolka Nugaal ayaa si isku mid ah taageero ugu muujiyay dawladda barnaamidka soo saarka khayraadka ee dawladda ay ku doonayso in lala soo baxo khayraadka dalka , Daahir Sanwaylood ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lala soo baxo khayraadka anagu ma doonayno in aan noqono Dameer Malab sida oo aan ka qatanaano khayraadkeena ayuu yiri Sanwaylood waan taageersan nahay in la soo saaro khayraadka waxaana wax ka dhihi doonaan marka la gaaro hawsha oo ay bilaababato. Waxaa xusid mudan in dhammaan dadkan ku hadlayay afka reer Nugaaleed-ka ay xusayeen in iyaku ay dhaqaalahooda ay ku dhiseen maamulka Puntland sanadkii 1998-dii ayna ku dhiseen dayn taa soo inta badan wali maqan , sidaasdarteedna aysan munaasib ahayn in ay dayacaan oo ay cidla uga tagaan , balse ay markasta ay ka shaqaynayaan jiritaanka iyo midnimada Puntland. Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay in Puntland ay barwaaqo tahay oo ay marayso heersare , wuxuuna Cadde Muuse ku ammaanay horumarka dalka ee uu ku haminayo in uu gaaro , wuxuuna ku dhiiriyay maamulka in la difaaco dalka oo laga hortago waxkasta oo carqalad ku ahaan kara ammaanka iyo xasiloonida dalka , wuxuuna M/waynaha iyo masuuliyiinta kalaba Alle uga baryay in uu ku garab galo hawshoosa ku saabsan horumarka dalka. Suldaanku wuxuu sheegay in iminka baaritaan la samaynayo oo dalka laga baarayo khayraad haddii la waayo khayraadkaasi ma aha kuwa khasaaraya inaka laakiin waa iyaka maxaa yeelay iyaka dhaqaale aad u badani ka baxayaa waa Shirkadahee iyakaa khasaari doona mana jirto cid wax loo qabsan doono habayaraatee. Dr. Xassan Osmaan Mahamuud (Aloore) Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo soo saarista shidaalka dalka oo dawladu wakiilatay in uu ka warbixiyo safarkooda dalal dhowr ah ay ku soo mareen Wafdiga uu hogaaminayay Cadde Muuse oo Mr. Aloore iyo qaar ka mid ahaa xubnaha Wasiiradda Puntland ay ka mid ahaayeen wafdigaaasi. Aloore wuxuu sheegay in ay la kulmeen in ka badan 40 Shirkadood oo isugu jira Shirkado dawladeed (Go vernal companies) iyo kuwo gaar loo leeyahay (Private Companies) ujeedada ay ula kulmeen Shirkadahaasi ay ahayd in ay la suuq-geeyo khayraadka dalkeena si wax looga ogaado , waxaan u sheegnay in aan anagu dawlad nahay oo dalkayagu uu ammaan yahay dhibaatadii dalka ka dhacday mudada 16-ka sano ahna aan ka badbaadnay sidaasdarteed ay Puntland doonayso in ay ka faa’iidaysato khayraadkeeda cidkasta oo arintaasi baaarintaan ku samaynaysana ay soo dhawaynayso. Inta badan waxay u badnaayeen Shirkaduhu kuwo Cooperation ah oo magac iyo maalba leh , warbixino badan oo aan siinay kadib waxaan heshiis la galnay Shirkad Canadian ah oo aad u ballaaran oo lagu magacaabo Canmix , waxayna Saami (Share) ka iibsatay shirkada Range resource si ay qalabka lagu qodayo shidaalka ay uga haqabtirto. Dhulkeena waxaa laga qodi doonaa 4 ceel 2 ka mid ah waxaa laga qodi doonaa gobolka Nugaal oo waliba meel Caasumadda Garoowe u jirta in aan ka badnayn 30 Km oo qura , waxaan filayaa in dadka reer Nugaaleed ay teegeero ay u muujiyaan soo saarista khayraadka ayna ku bixiyaan lacagtooda si loo gaaro hamiga aan tiigsanayo. Waxaan aad uga codsanayaa reer Nugaaleed in ay igala shaqeeyaan soo saarista khayraadka oo sharaf inoo ah haddii uu hirgalana ay Ummadda reer Puntland ay ahaan doonaan kuwo sumcad ku leh caalamka oo loo sara-joogsado. Ugu dambayntii Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu isagu si wayn ugu qanacsan yahay xaalada ammaan ee gobolka , islamarkaasna uusan dhibaato u arkayn haddii ay waxyaalo yaryar ay dhacaan dhamaan caalamka oo dhan shiddo waa ay ka dhacdaa dhibaato iska yar. Dadka shacabka waa ay wanaagsan yihiin laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay madaxda maamulka kii meel loo dhiibo dhaqaalaha ugu horeeya isaga ayaa cunaya oo maba ay soo dhaafayso dhibaato aad u ballaararan ayaa naga haysta arintaasi. Hay’adaha ayaa qudhigoodu ay yihiin kuwo aan lala xisaabtamin oo aan dalka waxba ka qaban , Hay’addii wax qaban lahayd Wasiir ama Agaasime Guud ayaa ka qaadanaya $ 300 meel ay ku bixi lahayd ugu yaraan $40,000 waa arin dhibaato ah runtii tallaabo cad ayaan dhawaan ka qaadi doona kuwa waxaas sameeya. Kulankan ayaa ahaa mid si wayn dadka reer Nugaaleedka ay uga muuqatay in ay u heelan yihiin in dalka laga soo saaro khayraadka si looga faa’iidaysto oo dalku u noqdo mid horumarsan oo soo jiita caalamka oo loo soo shaqo tago. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com Qaadista-Sawirada Faa'iso Cabdi Dhalac Wariyaha Madaxtooyada PL [ November 01, 2006, 05:12 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]
-
Thirdly, the current Somali Transitional government is seen by Somalis as illegitimate “Warlord government” and very close to their arch nemesis Ethiopia. The prime minister who is ****** tribe was unknown figure until he was selected by Ethiopia from a dormant IGAD office in Addis Ababa and is seen too weak to reach any consensus or mediate the affairs of his besieged government let alone create a unity government. The author is unable as many here to differentiate between Islam and the clan interest. He is angered by the fact that another clan playes a prominent role in the government as well as the percieved close relationship this clan has with Ethiopia. This is seen as deterement to the interest of the clan. Eritrea is not mentioned because it is viewd to have a better interst with the clan, thus there is no need to attack Asmara and its Christian dictator. Clan courts they are..
-
^^^^No saxib all our foreign friends should leave ASAP. But while the courts have Eritrea the TFG should have also Ethiopia's support. Bambo, if Dahir Aways is 1000 stronger than before, which was in 1993 and not five years ago, lack of basic history. Yusuf then was only the leader of a wing of the SSDF and now he is the President of Somalia with much more fighters and agenda. So do not pretend that you have a better comander of war, even Galaal would testify to that.
-
New Islamic Court announced in N/Gaalkacyo; Cade reacts
General Duke replied to Paragon's topic in Politics
Actually, they want to come under people in Mogadishu. Why not, why should they not or is it somehow unimagible for Puntlanders to come under Mogadishu? Paragon, who are they, you are refereing to? dear lad this clan that people are claiming to be opening a court is my own one, it wont wash, there is consensus in Mudug that the clan courts should not be trusted. They want to start friction between us, but it wont save them. Also Puntland will not come under Mogadishu, untill it becomes the seat of the government. As for the interview, I will note the BBC has ignored the murder if four injured men in Buaale to concentrate on a make belief story. Its wonderful stuff. -
^^^ Tragic really, I rememebr no millitias in Beerxani, then they were disarmed and later those invicable, disarmed millitias surrendered? Turki says we will attack Somliland, Puntland and start with Baidoa. Sharif Ahmed says, we wont attack any where, then goes to Bur-Hakabo and says motivates the boys in the coming war. Its all garbage..
-
Qabsashadii Maxkamadaha Islaamigaa ee Gobollada Jubbooyinka oo Waji Cusub lasoo baxday! Tan markii maxaakiimta islaamku qabsadeen magalada kismaayo iyo gud ahaanba gobolada jubooyinka ayaa waxaa ka dhacay deegaankaasi falal dambiyeed ku fool xun diimaha ,dhaqamada iyo dareenka aadanaha dunida kunool Falalkaas oo dhacay in kaban dhowr jeer kuna soo aaday xili ay deegaankaas gacanta ku hayaan midowga maxaakiimta islaamka oo iyaga laga urinayey akhlaaqdii iyo dhaqankii suubanaa ee diinteena islaamku lahayd Kadib markii ay midowga maxaakiimtu la wareegeen Gacan ku haynta magaalada istiraatijiga ah ee kismaayo oo ay in mudo ah maamulayeen isbaahaysigii dooxada juba ayaa waxaa magalada kusoo batay dilalka loo geysanayo shakhsiyaad magac ku leh bulshada isla markaasna kazoo jeeda beesha wasiirka gaashaandhiga falalkaas oo sida la xaqiijiyey ay ka dambeeyaan ama geysanayaan qaar ka mid ah beelaha horboodaya maamulka maxaakiimtu u magacaabeen gobolada jubooyinka beelahaas oo ka faaiideysanaya aanooyin ay aaminsanyihiin in beesha wasiirka gaashaandhigu hore uga galeen xiligii ay gacanta ku hayeen magalada kismaayo . Mudo laga joogo seddex habeen ka hor ayaa gurigeeda loogu soo galay hawaaneey lagu magacaabi jirey xaawo muuse oo ay dhowr nin oo wajigooda dabooley rasaas ooda kaga qaadeen haweeneydaas taaso noqotay dhaqan cusub oo aan lagu aqoon qolyihii dhowrka jeer kala qabsadey magaladaas Inkastoo aan la hayn xaqiiqda weerarkaas hadana waxaa dadka qaarkiis sheegayaan inay marxuumad xaawo muuse laga yaabo inay dacwad ka dhan ah maleeshiyaad maxakiimta u gudbisey madaxdooda dacwadaas oo mujineysey inay qaar ka tirsan beelaha horboodaya maxaakiimtu ay ka haystaan hanti ma guuraan isla markaasna ay dooneyso in looga saaro nimankan xooga ku haysta hantideeda arinkaas oo sababay nafteedii qaalig ahayd ku weydo Sidoo kale waxaa dhowr beri ka hor magalaada bu’aale lagu dilay shan nin oo dhaawac ahaa oo iyagu ka tirsanaa maleeshiyadii barre hiiraale kadibna markii ay dhaawacmeen loo soo qaaday bu’aale si loogu daweeyo waxaana shanta nin ee dhaawac ahaa ugu soo goolay cusbitaalkii lagu daaweynayey qaar ka tirsan maleeshiyooyinka maxaakiimta islaamka ee jooga degmada bu’aale kuwaas oo dhaawac tirey arintan argagaxa ah ee ka dhacday goob ay gacanta ku hayaan midowga maxaakiimta islaamka isla markaasna ay geysteen qaar ka tirsan maleeshiyooyinkooda ayeysan midowga maxkamaduhu talaabo adag ka qaadin marka laga reebo hadalo ay saxaafado ka yiraahdoo oo ah cadaalada ayaa la hor keeni doonaa cidii falkan geeysatey taaso 16kiii sano ee dowlada la’aanta soomaalida caado u noqotay inay yiraahdaan cadaalada ayaan hor keeni donaa cidii falkan geeysatay Dad badan ayaa maxkamadaha ka quud dareynayey inay shantaas nine e dhaawaca ah ula dhaqmi doonaan sida ku iyaga ka dhaawacmay oo kale oo ay u qaateen Magaalda Nairobi Qof goobjooge ah oo aanu laxariirnay ayaa noosheegay sida Arrintu u dhacday isagoo ku bilaabay: Ciidankii Maxaakimta ee qabsaday Buu’aale waxay isugu jireen Ciidammo ka kala socday Deegaamada Jubbooyinka iyo kuwii laga keenay Muqdisho, Markii la ogaaday in laga awood roonaaday Barre hiiraale islamarkaasna uu isaga baxay Gobolladaas ayey Ciidankii Muqdisho ka yimid ee maxaakimtu u wareegeen Dhinaca Buurhakaba, waxaana Buu’aale kusoo haray Ciidankii Maxaakim ta oo kasoo jeeday Beelaha ******, arrintaas oo keentay inay Maleeshiyooyinkii Maxaakimta ee beelaha ****** sooboqdana Cisbitaalkii ay yaaleen Shanta Nin ee Dhaawacaa islamarkaasna ay yiraahdaan Raggaani waxay naga qabeen Rag hore ee waa in la is raaciyo Naftana laga wada rido!.. Isku soo wada duuboo Marka la eego Sida ay Beelaha Masuulka uga ah Jubbooyinka iyo sida ay uga aarsanayaan Beelihii Laga adkaatay iyo sidoo kale marka la eego sida aysan Madaxda Sare ee Maxkamaduhu Tillaabo rasmiya oo Wax ku oola uga qaadanayn waxaa Arrintaani hoosta ka xarriiqaysaa Inaysan Maxkamaduhu Dhaami doonin Qabqablayaashii horey waddanka uga talin jiray kuwaasoo Dadka qaab qabiil isaga horkeeni jiray. webmaster@allmudug.com
-
Poison, there is no place for clan agenda cloaked in Islam. Somalia needs a functioning governemnt and not further isolation from the world.
-
Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Sudan oo ka warbaxiyay kulanka Khartoum Last Updated::2006-10-31 16:36:24 Khartoum:-Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Sudan Al-safiir Cali Saadiq ayaa waxaa uu warbaxin kooban ka siiyay saxaafada kulanka Somalida ee magaalada Khartoum. Waxaa uu afhayeenku sheegay in dalka Sudan iyo J/carabta ay wadaan dadaal culus oo ayku doonayaan in ay dhinacyada Somalida ku qanciyaan in ay isla soo hor fariistan miiska wada hadalada isla markana ay bilaaban wareega saddexad ee wada hadalada. Waxaa masuulkani uu sheegay in inkasta oo weli dadaalkasi uu socdo balse ay maxaakimta Islaamiga ah ay ku adkaysanayaan shardigoda la xiriira in Etoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Somaliya. Waxaana uu intaa raaciyay in wafdiga maxkamaduhu ay bilaabashada wada hadalada ku xireen shardigan. Dhinaca kale Sida uu sheegay Telefishanka afka carabiga ku hadla ee Aljzeera madaxa wafdiga J/carabta uga qayb galaya kulanka Khartoum Danjire Samiir Xusni ayaa ku canaantay maxkamadaha shuruudaha ay ku xireen bilaabashada wada xaajodyada. Waxaana uu sheegay in ay haboonan lahayd in maxkamaduhu ay arrimahan ku soo bandhigaan miiska wada hadalada gaar ahaan ciidamada Etoobiya ee la sheegay in ay ku sugan yihiin dalka Somaliya. Dhinaca kale Wafdiga Kasocda DFKMG oo uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka C/laahi Shiikh Ismaciil ayaa sheegay in aysan aqbali doonin shuruudo lagu xiro in la furo wadahadalka. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Maxaakiimta ay wadaan shuruudo la rabo in lagu carqaladeeyo habsami u socodka wadahadalada Khartuum. Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
-
^^^Saxib, stop with the insults please, the national forces are small in mnumber but very effective, as for comparing them with your clan courts I dont see the comparison. Also remmeber who is leading bothe groups, Yusuf & Aways. We know what happened last time when these two men fought, who got chased out and destroyed and who won. Also I doubt your clan would have won if it was not for the Eritreans, Oromo and outside support. I know how cowardly Inda Cade is.
-
Kulanka Khartum oo burbur qarka u saaran 31 Oct 31, 2006, 09:28 Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, ayaa sheegay inay ergadda Golaha Maxkamadaha Islaamiga uga qeyb geli lahaa Kulanka Kahrtuum inay maanta diideen inay ka soo qeyb galaan Munasabaddii saakay lagu furi lahaa Kulankaasi. Wareegga Saddexaad ee Wada-xaajoodka Maxkamadaha iyo Dowlada, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu tobankii subaxnimo ee saakayto furmo, balse, waxaa la hakiyey, kadib, markii ay Ergadda Maxkamadaha ku adkeysteen Shuruudihii ay horey ugu xireen Ka-qeybgalka Kulankaasi, kuwaasi oo kala ahaa in Ciiddamadda Ethiopianka laga wada saaro gudaha dalka Somalia iyo inaysan Dowladda Kenya ka mid noqon karin Shir-guddoonka Kulanka Khartoum. Dhexdhexaadiyaasha Shirka iyo goobjoogayaasha Caalamiga, ayaa ku hawlan sidii ay ergadda Golaha Maxkamadaha Islaamiga ugu qancin lahaayeen inay ka soo qeyb-galaan Kulanka wada-xaajoodka, si xal-siyaasadeed oo kama-dambays ah looga gaaro xiisadaha ka taagan dalka Somalia. Dhinaca kale, Wakiilka ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Samiir Xusni, ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay ugu qancin lahaayeen Golaha Maxkamadaha inay ka soo qeyb galaan Kulanka, isla markaana loo xaliyo khilaafaadka taagan. Talifishinka Aljazeera oo maanta wareystay Samiir Xusni ayaa sheegay inay Ergadda Maxkamadahaka codsadeen inay ka soo qeyb-galaan Kulanka, isla markaana la sii ambaqaado Wada-xaajoodka lagu doonayo in lagu xaliyo Khilaafka ka taagan dalka Somalia. Cabdi Fatax Axamad, Baydhabo Garowe Online
-
WAR DGEDEG AH: SHIRKII KHARDOUM OO LAGU KALA DAREERAY Warar aanu goordhowayd ka helnay goobjoogayaal ku sugan madasha lagu waday in la isku soo horfariisiyo wafdiga maxkamadaha iyo dawlada KMG ah ayaa sheegaya in rajadii laga qabay qabsoomida kulankaas ay gebi ahaanba burburtay. Burburka wadahadalada ku yimid aya ay ka danbaysay kadib markii laga guulgaari waayey in la meelmariyo shuruudihii ay labada dhinac ku xireen qabsoomida shiraka. Maxkamadaha Islaamiga ah oo iyagu horay u shardiyey in dawlada Kenya shirgudoonka laga saaro Itoobiyana ay ciidankeeda Soomaaliya kala baxdo ayaa saacado ka hor kulan dhexmaray iyaga iyo wakiilo ka kala socda kooxda xiriirka Caalimaga ah ee Soomaaliya, IGAD, Jaamacada Carabta, Qaramada midoobay iyo dawlada Talyaaniga ayaa isafgaradwaa ku dhamaaday, kadib markii ay kooxahani soo jeediyeen in Jaamacada Carabta iyo Kenyaba shir gudoonka laga wareejiyo, maadaama DKG ah ay sheegeen ay Jaamacada Carabta aysan dhexdhexaad ahayn. Maxkamadaha ayaa arrinkaas ku gacan sayray. Mar aanu wax ka waydiinay wafdiga maxkamadaha sababta ay soo jeedintan u diideen ayaa sarkaal ka tirsan wafdiga maxkamadaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo inoo sheegay in qorshahani uu yahay mid ay IGAD wadato kaasoo la doonayo in lahu wiiqo kaalinta Jaamacada Carabta ee dhexdhexaadinka Soomaalidda, isagoo sheegay in sababta markii horeba Kenya meesha loogu soo daray ay ahayd in ugu danbaynta la isugu yimaado labada dhinacba la isla tuuro. Sargaalkan ayaa sheegay in aysan marna aqbali karin in jaamacada Carabta oo iyadoo labadii gogol ee tan ka horeeyey fidisay bixisayna dhamaan qarashka iyo martigelinta shirka sahalkaas meesha looga saaro. Sarkaalkan wuxuu kaloo ka cawday in wafdiga dawlada ka socday uu yahay mid aan wadahadal dhab ah meesha u iman, xubnihiisan dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo aan la ogayn sida ay ku yimaadaan. Wufuuda labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay beriba ku noqdaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen, taasoo waxa ku xigaa ay tahay dagaal fool ka fool ah oo dhexmara maxkamadaha iyo dawlada Itoobiya.
-
^^^I think we need to lay of Horn for a minute. Hiiraale's clan lay claim to Kismayu the same way as the anyother clan has. They are stakeholders in this and their right should not be belittled. What is the difference between the Kismayu headed by Hiiraale and Madobe? We want a Kismayu for all, Hiiraale is fighting on behalf of his clan much the same way as Morgan did as Omar Jess did as Xasan Turki and Inda cade and Seeraar and the courts do now.
-
^^^If you knew anything you would know that. 1. Xasan Dahir runs the courts, because his clan provide the most armour. If you did not knwo this simple fact then your whole arguments should not be taken seriously.
-
You said that the relationship between the TFG and Ethiopia wasn't equal but would us like to believe, that a country like Eritrea with its army and weaponary, who nearly defeated Ethiopia are equal or less equal to the UIC! How weird, there goes the logic![/] We're not ready you see to fulfill other people's objectives. If Eritrea can afford to wage war on Ethiopia, we as a broken nation with little equipment and military hardware cannot afford it because we can't even afford to feed our own people, so how can we go on war with an established nation(s)? Somalia needs peace, reconciliation and time to recover and not another bloody war, one that wouldn't certainly make the Somali people more healthy and wealthy. Our country will not become a battleground for African and Asian countries! A good rounded argument, what is it the Somali's want? Xamar that things were going terrible.Didn't it occur to u that after they have exhausted all the things they have done to dismantle the elected governments,that this recent attempt,under religion ofcourse,is their latest and most desperate attempt?And one other thing that many pple ignore,who are the fighters of the ICU,aren't they all the men commonly known to as mooriyan who are either with them willingly coz they have no other alternative or isn't it that they are the same moriyans Yusuf IndaCade's millitias are religious fighters, while the government troops are Amxaro, it does not make sense..
-
^^^Your words are those of a man who knows nothing, it was the courts who were rushing to Baidoa and calling for Jihad, why not attack? No one is leaving Baidoa.
-
Gaalkacyo: Wasiirka maaliyadda Puntland oo safar dag dag ah Gaalkacyo ku yimid kana hadlay maxkamad la sheegay in Gaalkacyo looga dhawaaqay. Talaado, October 31, 2006 Gaalkacyo (AllPuntland)- Wasiirka maaliyadda ee DGPL Dr. Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo amaanka gobolka. Wasiirka oo qaar ka mid ah warbaahinta gobolku ku booqatay hooygiisa ayaa waxa uu sheegay in sida ay wararku ku soo gaareen ay jiraan xubno u durbaan tumaya maxkamadaha magaalada Muqdisho. Waxa uu mudane Gaagaab sheeagay in ay tallaabo cad ka qaadayaan xubnahaasi iyo cid waliba oo isku dayda in ay amaanka Puntland khalkhal galiso. Mudane Gaagaab ayaa waxa uu intaasi ku daray in beelaha dagan magaalada Gaalkacyo ay yihiin ku wo midaysan aysanna suuro ahayn in beel ka mid ah beelahaasi ay u dhaqaaqdo mawqif u gooni ah. "Amaanka Puntland waa mid fiican, balse waxaa jira xubno la sheegtay in ay taageersan yihiin maxkamadaha magaalada Muqdisho, mana garanayno sababaha ay ugu xusheen" ayuu yiri Mudane gaagaab mar wax laga waydiiyay waxa ay xukuumaddu kala socoto arrimaha ku aadan maxkamadda la sheegay in Gaalkacyo looga dhawaaqay. Sidoo kale mar wax laga waydiiyay inta ay la egtahay diyaar garoowga ciidan ee ay galeen ciidamada Puntland ayaa waxa uu yiri:- "Ciidamada Puntland mar walibaa waxa ay ku jireen difaaca dalkooda, waana ay wadayaan oo marna kama ay dalayaan, waxaana ay xilligakani qaadayaan tallaabo waliba oo ay waxa amaanka wax u dhimaya uga hor tagayaan" . Wasiirka maaliyadda ee DGPL ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Mudug in ay garab is taagaan maamulkooda oo ay ka hor yimaadaan cid waliba oo wax u dhimaysa amaanka Puntland. Mahad Jama Koronto AllPuntland
-
"The leader of the ICU is honarable Sheekh Shariif Axmed, a well respect man even from those on the side of the aisle will tell you that." RED SEA, gets the first point wrong, the over all leader of the courts is Xasan Dahir Aways ask anyone. The Shura is led by Xasan Dahir. The deputies are numerous and Sharif Ahmed is a minor figure in the overall picture. He is the face but not the decision maker. The most powerful are, Jinigow, Suuley and Inda Cade, over all security chief. The Shabaab or the Youth are led By Adan Xashi Cayrow. ...There is support from various clans , but the power lies with Chircoole+Ifka Xalin + Banadir company, led by Xaji Abukar Cadaan.
-
Ciidamada dawlada iyo kuwa Ethiopianka ee ku sugan xerada ciidamada Daynuunaay oo maanta madaafiic tijaabiyey. Baydhabo, Ciidamada dawlada federaalka iyo kuwa Ethiopianka ee ku sugan xerada ciidamada Deynuunay ayaa la sheegayaa in maanta ay tijaabiyeen madaafiic oo xoogan oo dhawaqooda laga dareemay deegaanada ku yaalla duleedka Baydhabo. Ciidamada dawlada oo maalmihii ugu danbeeyey xeradaasi ay tababar ku siinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa la sheegayaa in maanta la carbinayey isla markaana lasoo bandhigayey heerka ay gaarsiisan tahay awoodooda ciidan. Dhul lama dagaan ah ayaa la sheegayaa in labadan ciidan ay ku tijaabinayaan madaafiicdan waxaana labadan ciidan ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen malayshiyaadka maxaakiimta ee doonaya in ay kusoo siqaan magaalada Baydhabo. Dadka ku dhaqan agagaarka xerada ciidamada Daynuunaay ayaa sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa madaafiic xoogan oo ciidamadan ay tijaabinayaan. Waa markii ugu horaysay oo la maqlo madaafiic ay tijaabinayaa Ciidanka FS tan intii tababaradu uga socdeen magaalada Baydhabo, gaar ahaan xerada Manaas. Jibriil Nuur Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya
-
BAYDHABO: Cutubyo ka tirsan Ciidammada Dowladda oo fariisimo cusub looga sameynayo Degmooyin kale Posted to the Web Oct 31, 12:09 Baydhabo (PP) – Saarakiisha Ciidammada Milateriga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay wadaan abaabullo ay ku doonayaan inay heegan ku geliyaan ciidammada dowladda isla markaana ay goobo cusub oo fariisinno ah u sameeyaan. Wararkaan oo aan ka hellay saraakiisha xubno ku dhowdhow ayaa waxaa lagu wadaa in aagag cusub la geeyo cutubyo ka tirsan Ciidammada dolwladda si ay uga hortagaan dagaal kasta oo yimaada dhanka Maxkamadaha midoobay oo dhaqdhaaqyo ciidan ka wada Degmada Buur-hakaba iyo deegaanno ku hareereysan. Deegaannada lagu wado in fariisimmaha cusub looga sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid noqon doonaan Degmooyinka Diinsoor, Ceel-barde, Duleedka Buur-eylo iyo goobo kale oo ka tirsan Gobolka Bay, goobahaas oo laga filan karo inay dagaallo ka yimaadaan. Saraakiisha Ciidammada Dowladda ayaa waxay u xaqiijiyeen warbaahinta qaarkeed inay haystaan hub ku filan isla markaana ay kala kulmi doonaan Malleeshiyooyinka Maxkamadaha haddii ay dagaal soo qaadaan jab iyo halaag. Waxay inkireen saraakiisha ciidammada qalabka sida ee dowladda inay jiraan ciidammo Ethiopian ah oo kaalmeyaya amaba ku sugan Gobolka Bay, waxayna ku sheegeen wararkaas inay yihiin kuwo ay mala aawaaleen Maxkamadaha isla markaana ay ku qarinayaan awooddooda. Dhaqdhaqaaqyadaan ayaa waxay ku soo beegmeen xilli ay maxkamadaha iyo Dowladdda lagu wado inay kulammo ay ku heshiinayaan uga furmaan Magaalada Kharoum ee Caasimadda dalka Sudan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com