General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Saxib, the millitia at the airport died in combat as you know, they were not shot point blank unarmed and injured in the middle of a HOSPITAL. The millitias in Baidoa got out gunned, I am not talking about those who died in full combat in Buaale but the murder of injured prisoners. Its totally different and you know it.
  2. Walaac laga qabo inuu dagaal ka dhex qarxo Ciiddamadda GMIS iyo kuwa DFKMGS ee isku hor-fadhiya duleedka Magaalladda Baydhabo. Mogadishu, Khamiis, Nov 02, 2006 Radio Simba Iyadoo uu fashil ku yimid Qabsoomidda Kulanka Wada-xaajoodka ee DFKMGS iyo GMIS, ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex dillaaco labada dhinac. Labada dhinac ee Ergooyinka ka kala socday GMIS iyo DFKMGS, waxa uu midba midka kale ku eedeynayaa inuu mas'uul ka yahay Fashilka ku yimid Kulankaasi. Dhinaca kale, Ciiddamadda Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ku sii siqayaan dhinaca Magaalladda Baydhabo oo Xaruun KMG u ah Dowladda Federalka, waxaana la sheegay inay Ciiddamadda Maxkamadaha wax ka yar 40-Km u jiraan Baydhabo. Mas'uul ka tirsan GMIS oo isagoo ku sugan Degmadda Buur-hakaba, Khadka Telefoonka maanta Wareysi ku siiyey Waregeyska Asharqal Awsad, ayaa sheegay haddii uu fashilmo Kulanka Kharttoum inay u jiheysan doonaan dagaal ay ku qaadaan Magaalladda Baydhabo. Mas'uulkaasi GMIS uga hadlay Degmadda Buur-hakabo, ayaa sheegay inay DFKMGS dhabar u ridanayso Fahilka ku yimid Kulanka Wada-xaajoodka ee Khartoum, isagoo xusay inay Dowladda Federalka u oggolaatay inay Ciiddamadda Ethiopian-ka ku soo xadgudbaan Qaranimadda Somalia, isla markaana ay ku gacan sayreen in Ciiddamadda Ethiopia laga wada saaro gudaha dalka Somalia. Mas'uulkaasi Wareysiga Khaaska ah siiyey Wargeyska Asharqal Awsad, oo codsaday inaan la carabaabin, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamadooda bilaabi doonaan waxa uu ugu yeero Loolan dagaal, si ay u qabsadaan Magaalladda Baydhabo. Hadalka Mas'uulkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopian-ka ee ku sugan duleedka Magaalladda Baydhabo wadaan dhaqdhaqaaq Ciiddan, isla markaana ay maalmihii la soo dhafay Carbis Dab-rod ah ka wadeen duleedka Xeradda Ciiddamadda ee Daynuunaay. Dhinaca kale, Mas'uul ka tirsan DFKMGS, oo isagana maanta siiyey Wargeyska Asharqal Awsad, isagoo ku sugan Magaalladda Baydhabo, ayaa sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin duullaanka ay Ciiddamadda Maxkamadaha la soo maagan yihiin Magaalladda Baydhabo, isagoo xusay inay ku fashilmi doonaan isku-daygoodaasi, waa sida uu hadalka u yiri Mas'uulkaasi. Diplomaasiyiinta Beesha Caalamka, ayaa waxay ka digeen haddii uu dagaal ka dhex qarxo Ciiddamadda GMIS iyo DFKMGS inuu saamayn guud ku yeelan doono Dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay dhici karto inay Ciiddamo Shisheeye oo uu kua dhexeeyo Ficiltan-Siyaasadeed iyo mid Milliteri ay ku soo biixaan dagaalka u dhexeeya DFKMGS iyo GMIS. Simba Media Center , Mogadishu
  3. ^^^I think they were angered by the international community appeasing President Yusuf, who last month demanded that IGAD be included in the running of the talks, and not left to the Arab league alone. The Courts now demand that Sudan should be the chosen nation instead of Kenay. They made a meal of it, and look like the ones who are obstucting the peace talks.
  4. ydhabo: Ciidamda dawladda ee ku sugan xerada Manaas oo dhoola tusyo kala duwan samaynaya. Arbaco, November 01, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soconaya dhoola tus Melitry oo ay wadaan ciidamada dawaladda Soomaaliya. Ciidamda dawladda ee ku sugan xerada Manaas ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa dhoolatuskaasi wada. Ciidamadani ayaa waxa ay ka mid yihiin ciidamadii dhowaanahaan tabaabarku uga socday xerada manaas ee duleedka magaalada Baydhabo. Arrimahani ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyada ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ay wadaan hawlo dhaq dhaqaaq oo ku aadan goobaha ay gacanta ku hayaan. Dhoola tuskani ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo magaalada Kharduum loo joogo ka qayb galka wada hadalada la filayo in uu dhex maro xukuumadda Soomaaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho. Waka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ay dhoolatuskaasi ciidan ka qayb galeen xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada dawladda iyo xubno wasiiro ah. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  5. ^^^Of course it is my friend..The TFG has never said this before, they had hope the talks would work. No talks = war. But we hope it can still be averted.
  6. ^^^Saxib, there is no court, the man who announced it s behind bars. Your wishes is not going to change anyone. The letter highlights that the court is based on a branch of the clans. Yesterday you supposed it was a big deal, today I am telling you that reer Galkacyu see the courts as USC and no more.
  7. War in Somalia "more likely than not" - minister LONDON (Reuters) - Somalia no longer considers Islamists who control large parts of the country partners in peace and war is "more likely than not", the foreign minister told Reuters on Wednesday. Ismail Hurre Buba said he did not consider the peace process dead but added, "What I am saying (is) the ICU (Islamic Courts Union) is not a partner in peace, it's not a partner in bringing it about." He said he believed the Islamists were using peace talks in Khartoum as a "ploy to buy time". "These are people who want the area to explode. I'm sure that the Somali people will join together to end this kind of madness," he said in an interview in London. Asked if war was likely he said: "I think it's more likely than not ... that is a miscalculation that maybe the Islamic Courts are making." A third round of Arab League-sponsored discussions aimed at averting war in Somalia were to begin in Sudan on Monday but after two days the Islamist and government negotiators still had not come together for face to face talks. Earlier on Wednesday, the Islamists said they wanted the talks postponed until "fundamental issues", especially the presence of Ethiopian troops in Somalia, could be resolved. The Islamists, born out of a strict sharia courts movement, took over Mogadishu in June from U.S.-backed warlords and have captured large parts of southern Somalia. Islamist fighters are poised 10 km (6 miles) from joint Ethiopian-Somali government forces protecting the shaky administration's base in Baidoa. © Reuters 2006. All Rights Reserved. | Learn more about Reuters
  8. Shiikh Yuusuf Indha Cade oo maanta ku eedeeyey Dowaladda Itoobiya in ay Ciidamo Wata Dareys nooc kale ah soo dhoobtay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya. Madaxa Amaanka ee Golaha maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya Shikh yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade ayaa maanta shir jaraaíd ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uuna si kulul eedeymo ugu jeediyey dowladda dalkaasi itoobiya. “Waxaan ka War heynaa in xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay joogaan ciidamo Itoobiyaan ah isla markaana wata Dareeskii Ciidamada Kenya, iyo gaadiidkii Kenya, waxaana halkaasi ay u joogaan in ay dhibaato hor leh ka abuuraan deegaanadaasi’ayuu yiri Indha Cade. Madaxa Amaanka ee golaha Maxaakiimta islaamiga ah ee Soommaaliya waxa uu sheegay in ay dowladda Kenya uga digayaan in sida itoobiya oo kale ay noqoto, waxa uuna tilmaamay Kenya ay ogaato Adisababa amaan darada ka taagan, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay Kenya ay u aqoonsanayaan in aysan waxba ka duwaneyn itoobiya. Shiikh Yuusuf Maxamed siyaad Indha cade mar uu ka hadlayey dareenka laga qabi karo in Dagaal uu dhex maro ciidamada Maxaakiimta ee joogo Qeybo ka tirsan gobalka Baay iyo kuwa dowladda Federalka ah hadii uu shirka Khartuum ay waxba ka soo bixi waayaan, ayuu waxa uu sheegay in uusan ka hor dhici doonin waxa imaan kara hadii shirkaasi fashilmo. Indha Cade waxa uu dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Maxaakiimta iyo kuwo dowladda ay shalay Madaafiic is weydaarsadeen iyaga oo sameynaya dhoolotus, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay been, waxaan og nahay buu yiri in dhoolo tuskaasi uu u gaar ahaa Ciidamada itoobiyaanka ah ee Baydhaba Joogo, isaga oo dowladda Federaalkana ku eedeeyey in ay tahay dowlad ay maamulato itoobiya. Shirkii Jaraaíd ee uu qabtay sheikh Yuusuf Indha Cade oo ah Madaxa amaanka ee golaha Maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxaa lagu weydiiyey suáalo dhowr ah kuwaas oo uu gabi ahaanba warfidiyeena uga jawaabay.
  9. Masuuliyiinta golaha maxaakiimta oo aan weli ka hadlin falkii arxandarada ahaa ee ka dhacay bu,aale. Waxay ahayd Arin dhacdo aan weli soo marin dhowaanahan tan iyo intii ay la wareegeen badanaaba koonfurta soomaaliya midowga maxaakiimta xasuuqan oo keenay la yaab iyo anfariir ku dhalisay shacabka soomaaliyeed oo la yaaban ma cilimadii ciidamadoodii ayaa xasuuqan wada mise wax kalaa jira ? waxay noqotay su,aasha uga badan ee ay is waydiinayaan bulsho weynta soomaaliyeed ,markii Maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga intii ay gudaha u galeen goob caafimaad oo ay jiifeen Maleeshiyaad Daacad u ahaa Col Barre Hiraale kadib intii ay la soo baxeen rasaas ku fureen halkaas oo sida la sheegay ku naf waayeen ilaa iyo dhawr Maleeshiyo oo xilligaas bukaan ahaa. Masuuliyiinta sar Sare ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka hadlin falkaas oo loo baahan yahay in kuwii geystay la horkeeno sharciga Islaamka, mana dhicin falkan oo kale mudadii dagaalada sokeeye dalka ka socdeen. Waa wax lala yaabo oo laga naxo in qof dhaawaca oo dagaal lagu soo qabtay haddana isagoo Isbitaal Jiifa la dilo ayuu yidhi mid ka mid ah Saraakiisha hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha. Hay’adda Elman oo ka mid ah hay’adaha ku howlan Xuquuq Insaanka ayaa cambaareysay falkaas waxayna ka dalbatay Maxkamadaha Islaamiga in sharciga la horkeeno kuwii ku kacay falkaas. Sheekh Ibraahim Shukri (Abu Zeynab ) oo afhayeen u ah golaha maxkamadaha islaamka kismaanyo ayaa isagu horey waxa uu u qirey eedeymaha loo soo jeedinayo Maxkamadaha islaamka ee ku aadan dilka maleeshiyooyinkii dhaawacyada qabay, waxaana uu sheegay in falkaasi ay u qabteen labo nin oo loo tirinayo in ay yihiin kuwii geeystay. Si kastaba ha ahaatee waxa ay keentay arintani mowjadaha iyo hadal haynta muranka dhalisay ay noqotay maxaa keenay xasuuqa iyo sidee bay uga hadli la, yihiin masuuliyiinta golaha maxaakiimta ugu saraysa ayaa noqotay mid ay is waydiinayaan bulsho weynta soomaaliyeed .arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay odayaasha beesha **** oo ay kasoo jeedaan milsyshiyada xasuuqa loo gaystay ay ku eedaynayaan arin aargoosi qaabill ,taasina ay buslhada soomaaliyeed u aaminsanaayeen inaysan golaha maxaakiimtu qabiil ahayn . yaasiin maxamed cali (faytin) yaasiin2006@hotmail.com
  10. ^^^Saxib, if you go and ask even your old associates what sub-clan anounced the courts and how much weight it carries in Galkacyu you will be suprised. You rashness stems from not understanding the fabrics of the society you are commenting on. This is another failure for the courts as the one sub-clan out of 30 or so to have created the court is one of the smaller ones. They were the clan of the late Suldan Hurre, thus many of the other 30 sub-clans will see this as a continuation of that settled dispute. a letter to idamaale. Now find one website from Mudug that supports this new sub-clan court. Idamaale.com, Allpuntland.com, Mudugonline.com, allmudug.com all from different mudug sub-clans have come against this new mythic court, thus highlighting the weak position you find yourself in. Also the issue of war and the attack of the courts, I told you after the 1st things will change, yes the talks have broken down, the saber ratling is on and so forth. I stand on my point that the courts in battle will lose to the TFG.
  11. Yusuf oo u ambabaxey China 1 Nov 1, 2006, 09:30 Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta safar deg deg ah oo aan horey loo shaacin ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Safarka Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa la maqlay ka dib markii diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay iney qaadi doonto Madaxweyne Yuusuf. Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ku weheliya Wasiirka Qorsheynta Qalabka Xuseen Ceeylaabe Faahiye iyo wasiirka Maaliyada Shaati Guduud oo la sheegey in uu ka sii raaci doono dalka Kenya. Safarka Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku wajahanyahay wadanka Shiinaha halkas oo la sheegey in uu ka furmayo kulan dhexmaraya madaxda wadamada Afrika iyo Shiinaha. Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxwayne Cabdulahi Yusuf uu halkaas kula kulmo shirkado daneynaya khayraadka dalka Somalia. Madaxwayne Yusuf ayaa inta uuu ku sugan yahay wadanka Kenya ayaa waxa la filayaa in uu la kulmo Gudoomiyaha Barlamanaka Shariif Xasan isaga oo ku ka raaridi doona sidii uu uga qayb gali lahaa kulanka Khartum Cabdulahi Yusuf ayaa ka amabaxaey magaalada Baydhabo iyada oo laga cabsi qabo fashil ku yimaada kulnka Khartoum kaas oo sababi kara dagaal dhexmara Midowga Maxaakiimta iyo DFKMG ah. Cabdi Fatax Axmad Garowe Online
  12. The man who spoke to the BBC carries little weight and the clan he created the court for have opposed it. The story kind of reminds me of the toxic waste story and Ramas. Nothing will change and in Galkacyu of all places. The clan courts are getting desperate.
  13. Xoolaha Kalluumaysiga akadaha Xoolaheena oo ah kuwo iminka aad u liita dhanka suuqgaynta (marketing) iyadoo ay dadku iska dhoofiyaan iyadoo aan suuq loo hayn xoolaheena taa soo sababta in qiimo aad u jaban lagu gato in ay daahdo iibsigooda iyo waliba iyadoo ay dhacdo in dib loo soo celiyo. Si arimahan oo dhan looga baxo waxaan la kulanay Shirkado waawayn si nidaam caalami ah Else ah loogu dhoofiyo xoolaheena si ay magac iyo suuqba u yeeshaan , waxaana filaynaa in arintan oo iminka bilow ah ay wax inooka qabsoomaan. Waxaan leenahay xeeb aad u dheer oo khayraad kala duwan ka buuxo dhanka Kalluumaysiga ayaa dhibaato xeebteena ka jirtaa , waxaa jariifa Jariifayaal aad u waawayn oo dhibaato ku haya Kalluunkeena iyo wax soo saarkeena , waxaan isku daynay in aan helno Shirkado inaga qaata Kalluunka oo ka hawlaga xeebaheena taa soo masaabaxaysa in Kalluunkeenu uu sii bato suuqna uu yeesho. Dakada Boosaaso ayaa dhawaan la balaarin doonaa maadaama ay ku taalo meel istaraatiji ah masaabaxaysa in Maraakiib badan ay ku soo xirato haddii la ballaariyo , waxaan filayaa dhawaan waxaa iman doona khubaro arintan inaga caawin doonta waxaan filayaa marka la ballaariyo Dakada Boosaaso in la dhisi doono dakado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaafuun , EYL iyo Garacad. Arimahan oo dhan ayaa bilow ah waxaana Alle ka rajayn in ay inoo qabsoomaan , laakiin waxaas oo dhan oo horumar ah waxay ku xiran yihiin iskaashigeenka iyo ka shaqaynta ammaanka dalkeena iyo sida aan u soo dhawayno dadka ina caawinaya ayuu yiri. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpsot.com
  14. GAROOWE : Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka PL, Xassan Aloore “4-ta Ceel ee Shidaalka ee dhawaan laga qodi doono Puntland 2 ka mid ah waxaa laga qodayaa gobolka Nugaal” Posted to the Web Nov 01, 15:03 Garoowe:-Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Dr. Xassan Osmaan Maxamuud (Aloore) oo xalay warbixin-dheer oo uu kaga hadlayo socdaalka shaqo ee u badnaa hawalaha Macdan-baarista iyo soo saarista Shidaalka Puntland oo ee ay dhawaan ku tageen dalal dhowr ah Wafdi uu hogaaminayo Cadde Muuse M/waynaha Puntland oo uu isagu ka mid ahaa Wafdigaasi ayaa sheegay in shirkad wayn ay heshiis la galeen in ay qodo 4 ceel oo Shidaal ah wuxuuna sheegay in 2 ka mid ah Ceelashaasi laga qodi doono gobolka Nugaal waliba meel aan Caasumada Garoowe uga fogayn 30Km. Aloore wuxuu sheegay in Shirkada Canmix ay dalka galin doonto lacag dhan $ 50,000,000 oo ay u isticmaalayso baaritaanka khayraadka kaliya waxayna Lacagtaasi ku baxaysaa mushaarka shaqaalaha iyo hawlaha kale ee la xiriira dhammaan Lacagtaasi waa mid dalka galaysa , haddii la soo saarana shidaalka Puntland waxay ahaan doontaa meel laga qadariyo Caalamka oo dhan oo loo soo shaqa-tago islamarkaasna sharaf inoo wada ah. Safarkayagu kuma koobnayn oo kaliya arimaha Macdanta iyo Shidaalka , hase ahaatee waxaa kaloo aan shirkadu kala hadalnay arimo badan oo ay ka miyihiin:-
  15. Maxaakiimta oo u digey Kenya 1 Nov 1, 2006, 08:52 Madaxa amaanka Golaha Maxkamaddaha Islaamiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa maanta xaruntii hore ee Nabad sugida ku qabtay Shir Jaraa'id isagoo ugu hadlay arimo dhowr ah, wuxuna ka warbixiyay ciidamo Itoobiyaan a ah oo la sheegay in la soo dhoobey xuduuda dalka Soomaaliya uu la leeyahay dalka Kenya. Yusuf Indha Cadde ayaa sheegay in cadeymo buuxda oo sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka iyo dabaabaadka dagaalka in ay soo dhoobeen xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay wehliyaan buu yiri ciidamada Kenya, wuxuuna ugu digay dowladda Kenya in faraha ay kala baxdo arrimaha dalka Somaaliya. Indha Cadde ayaa sheegay in dowladda Kenya faraha kala bixi weydo ay la kulmi doonaan dhibaatooyin ka dhaca gudaha dalka Kenya, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Kenya iyo Itoobiya ay caqabad ku yihiin xasiloonida dalka Soomaaliya. Ugu danbeyntii Yuusuf Indha Cadde ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna intaa ku daray in Maxkamaddaha Islamiga aysan weerar ku aheyn dalalka Kenya iyo Itoobiya. Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho Garowe Online
  16. Maxkamadaha islaamka oo digniin u jeediyay dowlada Kenya Mogadishu 01, Nov.06 ( Sh.M.Network) Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ciidamo Ethiopian ah oo wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buux dhaafiyeen xuduuda Somalia ay la wadaagto Kenya, iyadoo Maxkaadaha islaamka ay ka digeen xasilooni darro ka dilaacda halkaasi, hadii ciidamadaasi ay kala bixi weyso halkaasi. Sheekh Yuusuf Indho Cadde Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indho cadde oo shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Ex-Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Ethiiopian ah ay haatan ku sugan yihiin xadka Kenya ay la leedahay Somalia, iyadoo uu sheegay in ciidamadaasi Ethiooianka ah ay xiran yihiin dareeska ciidamada Kenya. Indho cadde ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aysan weerar ku aheyn Kenya, isla markaana Kenya aan loo baahneyn in ay la mid noqoto Ethiooia oo uu sheegay in ay soo weerartay dalka Somalia, ciidamo fara badana ay kaga sugan yihiin, si ay u qabsato dalka. Sheekha ayaa waxa uu kaga digay dowladda Kenya in nabad darro baahsan ay ka bilaaban doonto, waa haddii si deg deg ah ciidamada Ethiiopia aan looga saarin, iyadoo uu shacabka Kenya kula taliyay in ay ka hortagaan in dowladooda ay taageerto fara galinta iyo sidoo kale nabad galyo xumada ay Ethiopia ka wado geeska Afrika si gaar ah Somalia. Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in arintaan ay ku soo beegmeyso xilli kenya ay ku guul-dareysatay in ay dhex dhexaad ka noqoto amuuraha gudaha ee dalka Somalia. Sheekha ayaa waxa uu dhinaca kale ugu baaqay beesha caalamka in uu ka hortago fara galinta Kenya ay ku dooneyso in ay ku taageerto dowladda Ethioipia ee lagu sameynayo gudaha Somalia.
  17. Juje alaysis was not bad, but what evidance do you have for the divisions between what you termed as moderates and as extremists? Also are you saying that Indacade , Sharif and Cadaane's are in the same camp? Please expand your argument a little.
  18. Sheekh Indha-cade “Ciidamo Itiibiyaan ah oo xiran dareeska ciidamada dowladda Kenya ayaa ku sugan…” Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya ee wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buuxiyeen xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya, waxayna Maxaakiimta dowladaasi Kenya kaga digeen in arrintaasi ay cawaaqib xumo kaga imaan karto. Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade oo ah madaxa Ammaana Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruntii hore ee nabad sugida Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin xaduuda Soomaaliya. “Ciidamadaas Itoobiyaanka ah waxay xiran yihiin dareeska ciidamada dowladda Kenya” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha-cadde oo intaa raaciyay in Maxkamaduhu aanay weerar ku hayn dowladda Kenya, isagoo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay Sheekh Indhacade dowladda Itoobiya ay dhibaato ka hurinayso gobolka geeska Afrika, ayna haatan ciidamadooda isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo “Itoobiya maanta nabad ma aha, balse Kenya Nabad ayaa ka jirta, haddii ay garab ku siiso Itoobiya Nabadda hadda ay heysato Kenya ma haysanayso” ayuu yiri Sheekha oo dhinaca kale sheegay in arrintan ay ku soo beegmeyso Kenya oo ku guul daraysatay in ay wax ka hoggaamiso wadahadallada Khartuum, beesha Caalamkana wuxuu ugu baaqay in ay ka hortagaan dhibaatooyin ka abuurma xaaladahaasi.
  19. C/laahi Yusuuf oo u duulay dalka China Baydhabo 01, Nov.06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baydhabo oo fariisin u ah dowladiisa, waxaana la sheegay in uu ku sii jeedo dalka Shiinay. Madaxweynaha Somalia oo safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan dowladda oo aan la shaacin magacyadooda ayaa waxa uu kaga qeybgalayaa dalka Shiinaha kulan caalami ah oo lagu casuumay Madaxweynayaasha Afrika. Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay in uu ku sii hakan doono dalka Kenya, iyadoo bixitaankiisa ay ku soo beegmatay xilli wafuudaha dowladda iyo maxkamadaha islaamka ay ku kulmi la'yihiin dalka Sudan. Shabelle Media Network Baay E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  20. ^^^lol, now you have something against my clans websites, your hatred is deep my son. Madaxwayne Yusuf oo maantay ka dhoofay Magalada Baydhabo isagoo u anbabaxay Dalka Shiinaha Posted to the MOL November 1, 2006, 11:11 am Madaxweynaha Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka ambaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dowladda Fedralka Kumeelgaarka Somaliya, Madaxweyne Yuusuf ayaa sida ay wararku sheegayaan ku hakan doona Magaalada Nairobi, iyadoo la filayo inuu kaga sii gudbo Dalka Shiinaha. Madaxwayne C/llaahi Yuusuf ayaa Magaalada Bijiin ee Caasimada Shiinaha u tagi doona Shir caalami ah oo Magaaladaas ay ku yeelan doonaan Madaxda qaar ka mid ah Dowladdaha Afrika iyo Xukuumada Shiinaha. Dowladda Soomaaliya oo ka mid ah Dowladaha Shirkaas lagu casuumay ayaa waxaa la filayaa in wafdi ballaaran oo Xukuumada ka tirsan ay maalmo kadib u dhaqaaqaan Magaalada Bijiin. Sidoo waxaa la sheegayaa in Madaxwayne Yuusuf oo Masuuluyiinta shiinaha kala hadli doono dhaqaale aya u balanqaadeen Dawladiisa ayadoo dawlada Shiinaha ay Somaliya u Magacaabatay Safiir fadhigiisuyahay Magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya Mudugonline.com
  21. ^^^Saxib you need to clean out your brain of the garbage in it. Blaming Ethiopia for all your problems is not the way, peace, development and a national government is the way. You keep hiding behind Ethiopia for the failure of leadership.. Puntland, blames no one, attacks no one and pretends to be nothing other than what it is, a state moving forward.
  22. WAR DAG-DAG AH. Madaxwaynaha Soomaaliya oo u ambabaxay magaalada Bikiin ee caasimadda Shiinaha Arbaco, November 01, 2006 Baydhabo (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Mud. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Madaxwayne Yusuf ayaa waxa uu u kicitimay magaalada Bikiin ee caasimadda wadanka Shiinaha halkaasoo uu kaga qayb galayo kulan ay isugu imaanayaan madaxda qaaradda Afrika iyo Shiinaha. Mudane Yusuf ayaa waxaa socdaalkii magaalada Nayroobi kala lug bilaabaya wasiirka maaliyadda ee dawaladda Soomaaliya Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) Sida ay inoo sheegeen xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale xukuumadda Bikiin la soo saxiixanayaa heshiis iskaashi oo ku aadan dhanka horumarinta. Horay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu ula kulmay saraakiil ka mid ah xukuumadda Shiinaha. Warar ka soo baxay madax sar sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijinayaan in madaxwayne Yuusuf uu kala soo hadlayo madaxda shiinaha sidii dalka looga fulin lahaa mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay baaridda shidaalka iyo samaynta wadooyin kala duwan. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  23. BAYDHABO: Madaxweyne Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Baydhabo isagoo ku sii jeeda dalka China Posted to the Web Nov 01, 14:55 Baydhabo (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay isagoo ku sii jeeda dalka China, balse sii maraya dalka Kenya, halkaasoo lagu wado inuu kula kulmo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaana safarka uu ahaa mid aan horay loo sii shaacin, waxaana lagu wadaa in berri uu ka duulo Kenya una duulo dalka China. Wararka ay Shabakadda Puntlandpost ka helayso Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu kaga qaybgalayo dalka China kulanka ay isugu imaanayaan madax Afrikaan ah, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Yuusuf uu halkaas kula kulmayo xubno ka tirsan dalka China. Dowladda Shiinaha ayaa waxay dhawaanahaan wadday xiriirro ay la sameynaysay Madaxda Dowladaha Afrika, waxaana China ay isku dayaysaa inay gacan ka geysato horumarinta dalalka Afirkaanka ah ee dhaqaalahoodu hooseeyo si ganacsiga dalkooda ka soo baxa halkaas ugu iib geeyaan. Soomaaliya ayaa waxay xiriir soo jireen ah la lahayd Dowladd China, waxaana dowladaha Shiinaha ay ka dhiseen dalka Soomaaliya dhismooyin caan ah sida: Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Isbitaalkii Caruurta iyo Hooyada ee Banaadir, Tiyaatarkii Soomaaliya iyo goobo kale oo fara badan. Madaxweyne Yuusuf ayaa la caddeeyay inuu dib ugu soo labaanayo marka uu u soo dhamaado safarka uu ku tagayo Dalka China Magaalada Baydhabo ee xarunta Dolwadda Federaalka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com