General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Sharif Xasan did not even know what he was doing, he was making matters worse. If he did not care why is he making the same old tired excuses?
  2. MUQDISHO: Xildhibaan Cumar Filish oo maanta hubkiisii iyo ciidammadiisii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Somalia Posted to the Web Jan 18, 13:49 Muqdisho (PP) – Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta ku wareejiyay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed hub iyo Malleeshiyooyin fara badan. Kulankaan oo ka dhacay xaruntii hore ee Cumar Filish ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddiga hub-ururinta Qaranka Soomaaiyeed, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, Guddoomiyaha guddiga hub ururinta Col. C/risaaq Axmed Cali iyo xubno kale oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay inay hubkooda ku wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay doonayaan wixii hadda ka dambeeya dowladda Federaalka Soomaaliya. Hubka uu wareejiyay Xildhibaan Cumar Filish oo ahaa intooda badna kuwo aan ku xirnayn gawaarida dagaalka ayaa waxay kala ahaayeen: 2-qori oo nooca Jiibka (106mm) loo yaqaan ah, Qoriga Hoobiyaha (120mm) oo laba xabbo isagana ahaa, 37-taha qoriga loo yaqaan oo hal dhuun ah, Madfaca Arti 5 ama (85mm), Qoriga Jiijoot-ka loo yaqaan oo madfaca uu ka dhaco, iyo weliba rasaasta hubkaas iyo hub kale oo aad u fara badan. Xildhibaan Cumar Filish ayaa ku wareejiyay sidoo kale guddigii maanta ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidammo gaaraya 678-askari, waxaase uu sheegay inay diyaar yihiin oo maantaba lagu wareejiyay 334-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinkiisa. Taliyaha ciidammada u qaabilsan Cumar Filish oo warbixin ka bixiyay ciidammada ay wareejiyeen ayaa yiri: "117-askari oo ka tirsan Malleeshiyooyinka la wareejiyay waxay ku sugan yihiin Xerada laanta buuro, halkaasoo ay waardiye ka hayaan, isla markaana ay ku wareejinayaan dowladda marka doonto, sidoo kale 66-askari ayaa waxay xalay ahaayeen waardiye, sidaa daraadeedna waa la fasaxay maanta, 154-askari waxay ku sugan yihiin Deegaanka jiiro-maskiin, halkaasoo iyagana ay diyaar ku yihiin, 57-askari ayaa iyaguna shaqo gaar ah ku maqan, balse diyaar ah in la wareejiyo". Sidoo kale wuxuu sheegay taliyuhu in ciidammada ay isugu jiraan kuwo qoryahooda haysata iyo kuwo aan haysan oo sacabooley ah, waxayna sheegeen mas'uuliyiinta halkaas ka hadlay ee ka socday dhanka Cumar Filish inay diyaar u yihiin inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya gacan-siiyaan. Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ciidammada iyo hubka lagu wareejiyay, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin in dhallinyaradii Cumar Filish ay ku biiraan dowladda Federaalka Soomaaliya. "Dowladda Federaalka waxay ballanqaadaysaa wixii maanta ka dambeeyay inay damaanad qaadayso askari kasta oo ka mid ah kuwa maanta dowladda lagu wareejiyay, gaar ahaan kuwa qoryaha wata" ayuu yiri Gen. Naaji oo sheegay in xuquuqda askarta ay tahay mid ay dhowrayaan isla markaana ku cad qoraalkii ka soo baxay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ee ku saabsan howlaha hub ururinta. Guddoomiyaha Guddiga hub ururinta Qaranka Soomaaliyeed Col. C/risaaq Axmed Cali oo isagana hadal halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inay tixgelinayaan askarta maanta lagu wareejiyay ayna maanta wixii ka dambeeya mas'uul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, lana siinayo tababarro iyo xuquuqda ay leeyihiin. Hub wareejintaas ayaa markii ay dhammaatay waxaa hubka rartay guddiga oo sheegay inay geynayaan goobihii ay hubka ugu talo galeen in lagu hayo, waxayna sheegeen in Cumar Filish uu noqday hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee hubkiisa ay qaataan maanta ciidamada dowlada. Cumar Filish oo isagna warbixin ka bixiyay markii hubka la qaaday kaddib ayaa sheegay in iyagu aysan wax tikniko ah hadda hayn, balse tiknikooyinkoodii ay qaateen Maxkamadaha, balse kuwo ay iska tuureen oo u socon waayay ay ku wareejiyeen guddiga ayna tuseen iyagana ay ka doonanayaan goobahaas. Guddiga ayaa waxay shalay kala wareegeen hubkooda Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid iyo weliba Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow.Arrimahan oo dhan waxay taah-fur weyn u yihiin sida Soomaalidu ay diyaarka ugu tahay inay wadankooda ku soo celiyaan dowladoodii iyo kala danbeyntii soomaaliya ka jiri jirtay beri samaadkii. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  3. Muqdisho: Warbixin ku saabsan kulamadii dhex maray Madaxweynaha, Francios Fall iyo ururada bulshada rayidka. Khamiis, January 18, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mr. Francios Fall oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka. Kulan saacad qaatay oo dhex maray Madaxweynaha iyo Francios Fall kana dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxay ugu wada hadleen arimaha dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya sidii loo sii amba qaadi lahaa iyo ciidamada shisheeye ee Afrika ka imaanaya iyo xil ka qaadistii guddoomiyaha baarlamaanka Shariiif Xasan Sh. Aadan. Francios Fall ayaa waxaa uu soo dhoweeyay soo guurista ay dowladda u soo guurtay caasimada dalka Soomaaliya iyo dhismaha ay maamulka gobolka banaadir, mar uu ka hadlayey xaalada nabadgelyo ayuu sheegay in xiligan ay wanaagsan tahay hase ahaatee uu ka horyimid in dalka ay sii joogaan ciidamada Itoobiyaanka balse inta laga keenayo dalka oo ciidamada Afrikaanka ay badalayaan loo baahan yahay in ay sii joogaan dalka kadibna ay ka baxayaan. Mar uu ka hadlayey in ciidamada imaanaya dalka ay yihiin kuwo ku gooban Afrika oo kaliya ayuu sheegay in Qaramada Midoobay ciidamo ka socda ay qeyb ka noqon doonaan si ay ugu qeyb qaataan xasilinta amniga dalka. Fall ayaa sheegay in hey'addaha Qaramada Midoobay ay dhawaan u soo guuri doonaan caasimada Muqdisho si ay howlahooda dib ugu bilaabaan Muqdisho, iyadoo uu sheegay in xiligan aysan jirin sabab ay u sii joogaan Nayroobi. Kulanka Madaxweynaha kadib ayuu Francios Fall waxaa uu kulan mudo qaatay uu la yeeshay ururada bulshada rayidka , isagoo ku booriyay in ay nabada ka shaqeeyaan, wuxuuna ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii dowladda ay u noqon laheyd mid cagaheeda isku taagta. Ergayga Qarammada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Fall ayaa u duulay dhanka dalka Ethiopia halkaasoo lagu wado inuu kaga qaybgalo kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo beri ka furmaya Adis Ababa. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  4. 'Best chance' for Somalia peace Francois Fall (l) said it was important to see President Yusuf in the capital The UN envoy to Somalia has urged the country not to waste "the best opportunity for peace for 16 years" after visiting the president. Francois Fall urged President Abdullahi Yusuf to set up an inclusive government following the ousting of an Islamist group from the capital, Mogadishu. Meanwhile, the sacked speaker of parliament has said he fears Mr Yusuf could become a dictator. Sharif Hassan Sheikh Adan was impeached after several rows with the president. Mr Fall, surrounded by tight security as he arrived in Mogadishu, held talks with President Yusuf concerning the plans to send an African peacekeeping force to Somalia, to replace the Ethiopian troops who helped drive out the Union of Islamic Courts. Mr Yusuf arrived in Mogadishu last week for the first time since being elected president at peace talks in 2004. POSSIBLE PEACEKEEPERS 8,000-strong force proposed Uganda: 1,500 troops offered, subject to parliamentary approval Tanzania: Considering Nigeria: Considering Rwanda: Considering South Africa: Considering but forces stretched Somali viewpoints Profile: Ousted speaker Somalia has not had a functioning national government since Siad Barre was toppled in 1991. "I want to congratulate you. To see the president in Villa Somalia [the presidential palace] is a very important step," Mr Fall told the president. "There has been a lot of crime, a lot of devastation, but if you look back and say: 'This man killed my son or husband,' you will never be reconciled in this country," the envoy said. 'Rule by force' The US has also urged reconciliation in Somalia and said the vote by MPs to impeach the speaker of parliament was likely to have a negative impact on dialogue. Mr Adan was sacked for holding unauthorised talks with the Islamists while they controlled much of southern Somalia last year. The government is trying to restore order Enlarge Image "There is a dictatorship risk and some of the elements are already in place, such as the emergency legislation [passed by parliament last weekend]," he told Reuters news agency in Rome. "The president believes he can rule by force... He will try to rule the country alone, with the help of Ethiopian troops," he warned. Mr Adan had fallen out with both the interim president and the prime minister over recent developments in Somalia. "The symbol of the president and the prime minister combining to push him out is counter to that spirit of reconciliation," US assistant secretary of state for African affairs Jendayi Frazer said. The Ethiopians say they want to leave Somalia by the end of the month and regional diplomats are trying to muster enough troops for an 8,000-strong African force for Somalia. So far only Uganda has agreed to provide peacekeepers
  5. As the word international is being thrown around, here is the herald.. In Baidoa, the inland city where the transitional Parliament still meets, lawmakers ousted the speaker of the Parliament, Sharif Hassan Sheikh Adan, on Wednesday. Adan, an illiterate livestock trader, was recently one of the most powerful men in Somalia. But he fell out of favor with Yusuf and Prime Minister Ali Mohammed Gedi after he tried to strike a peace deal between the Islamists and the transitional government. He also demanded that Ethiopian troops leave Somalia. Members of Parliament accused him of being a traitor and voted 183 to 9 to remove him. A replacement has yet to be named. Adan rejected the vote, telling a Somali radio station Wednesday, "The country is illegally occupied by Ethiopia and the MPs were probably forced to vote against me." source
  6. One does need to get desperate ,the TNG was self negating from within. Its mandate ended, most of the parliment at that time were in Nairobi attending the latest conference incuding the speaker, the late Deerow and PM Xasan Abshir Farah. The thread was accurate, it was the end of the TNG.. A/Qasin even changed his position and attended the conference, ran for office, lost and then supported the new president, went against him and now chagned his position again.
  7. ^^^You are wrong, I am highlighting the fact that under Somali law, Somaliland is illegal and under international law it does not exist. Since now you have become an expert on legal matters. lol.
  8. Northerner, you are not smarter than the 200 people who choose to get this dude out, nor should one take the law in bits, under international law, Somaliland does not exist and the TFG does, it represents North West Somalia on the UN. As for Sharif he is the past, like the courts and like the warlords before them.
  9. The RRA backed by Ethiopia chased Aydeed and his group out of Baidoa, thus a landmark in recent history and one many here gave credit to the RRA.
  10. NGOONG, I am flexible, hoever I never much belived in the myth many were making regarding the defated groups, now they hope for an insurgency, hope for chaos, wish for the return of the warlords. None of the above has come true and will likely not come true, the TFG has slowly taken over the country, set up an admin for Banadir, and other parts, disarmed two of the most armed sub-clans in Mogadishu. The Ethiopian support troops have started to leave, the AU force is coming, millitias are being taken out of the capital and of course within the TFG there is clearing of all the undesirables, such as Sharif Xasan and his silly small group. Things are looking up, even in Hargaysa they have burned the beloved flag, which underscores the fact that things are looking up for the TFG hence the fear..
  11. Shariifka xilka qaadidiisa waa lala Daahay [17/01/07] Shariifka xilka qaadidiisa waa lala Daahay Bismillahi Raxmaani Raxiimi Ugu horrey wxaan salamayaa Webka Somaliweyn kaddibna waxaan rabaa in aan Raýigeyga ka dhiibta Xilka laga Qaaday shariifka. guddoomiyihii hore baarlamaanka shariif xassan waxaa loo dhiibay xil usan qaadi karin ,xattaa waxaa qald ah in uu xildhiban noqdo ,sababtoo ah waa nin daciif ah oo labo qofood ma maamuli karo . waxaa la yiri waa waxaa jiray nin doqon ah wuu habaabay usbuuc kaddib waa lasoo helay ,hoyadiis waa qososhay markaa wuxuu doqonkii yiri :"hooyo maxaad u qosleeysaa berrito mar kale aan habaabayaa ". shariifka iyo Madaxweynaha markii cadan lagu heshiisiiyey saaxiibadii waxaay sheegeen in shariifku uusan aaminaad lahayn oo isbeddelayo . Shariifka ilaa baarlamaanka la dhisay qas buu waday waxaana isaga qaldan xilka guddoomiyaha iyo xilka Xildhibaanka : Shariifku markii maxkamaduhu magaalooyin badan qabsadeen xamar buu usoo dhuuntay isaga oo islahaa maxkamaduhu dalkoo dhan xattaa baydhabo waa qabsanayaan .markii maxkamadihii baabaeen wuxuu bilaabay in uu dibadaha wareego isagoo adduunka ka codsanaya in aan Somaalida la caawinin. markii Xilka laga qaaday shariifku waa isceebeeyey wuxuuna caayey baarlamaankii oo uu ku tilmaamay lahaystayaal .Shariifka waxaan waydiinayaa 9 qof oo u codeeysay isaga xor maaha miyaa iyagana ma lahaystaa haddii lahaystana maxaay codka kuu siiyeen.,ma inta xilka kaa qaaday baa lahaystayaal ah ...waa ?????????yaabka ..yaabkiise ......... Shariifka waxaan leeyahay walaal Yuusan kugu dhcin maahmaahda carabta : Damac Kasiir Yamuut Fii Dariiq". Waxaan hambalyo u jeedinayaa xubnaha baarlamaanka oo Shariifka Xilka ka qaaday sababtoo ah magacii Soomaaliya buu sharaftii ka qaaday wuxuuna ahaa nin jahawareer hayo oo aan aqoon xilkiisa wuxuu raacay wadaadadii la bursaday iyaga ayuu ka haray oo la fikrad ahaa . Baarlamaanka waxaan kula talinayaa in aay doortaan nin waddani ah oo aqoon leh oo yaqaan shaqadiisa.
  12. As the word international is being thrown around, here is the herald.. In Baidoa, the inland city where the transitional Parliament still meets, lawmakers ousted the speaker of the Parliament, Sharif Hassan Sheikh Adan, on Wednesday. Adan, an illiterate livestock trader, was recently one of the most powerful men in Somalia. But he fell out of favor with Yusuf and Prime Minister Ali Mohammed Gedi after he tried to strike a peace deal between the Islamists and the transitional government. He also demanded that Ethiopian troops leave Somalia. Members of Parliament accused him of being a traitor and voted 183 to 9 to remove him. A replacement has yet to be named. Adan rejected the vote, telling a Somali radio station Wednesday, "The country is illegally occupied by Ethiopia and the MPs were probably forced to vote against me." source
  13. ^^^Saxib get your head out of your backside, and stop acting so high and migty, you a secessionist of all people needs not lecture me on anything. Was you not the one who used to run around here making threats and aburd predictions. You have been found wanting, thus keep the personal attacks to a minimum Mr Mujahid-SNM. My position is clear, no one needs leave the politics section because politics is fluid and ongoing, what happened yesterday is history.
  14. Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya jenaraal Ismacil Qaasim Naaji ayaa maanta la wareegay hub iyo maleeshiyaad taabacsan raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha dawladda Somalia Eng. Xuseen Ceydiid, ayadoo Jenaraal Naaji uu u dhaqaaqay dhanka guriga xildhibaan Maxamed Qanyare si uu uga la wareego hubka iyo maleeshiyaadka. Jenaraal Naaji oo hadal kooban ka jeediyay xaflad ballaaran oo lagu qabtay madaxtooyada Somalia oo lagu maamuusayay hub wareejintaasi ayuu kaga mahad celiyay hubka lagu wareejiyay dawladda fedaraalka Somalia, isagoo lagu wareejiyay 7 gaari oo Tikniko ah oo ay ku jiraan Beebayaal iyo Lidka diyaaradaha iyo in kabadan 600 oo maleeshiyo. Abaanduulaha ciidamada xooga Somaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta hub iyo maleeshiyaad uu kala wareegayo xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, kadibna xildhibaan Muuse Suudi kadibna hogaamiye kooxeedyada kale kuwa dawladda ku jira iyo kuwa aan ku jirinba. Tallaabadan dhiiri gelinta leh ayaa ka danbeysay heshiis taariikhi ah oo dhex maray masuuliyiinta ugu sarreysa dawladda Somalia iyo hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, kaasoo dhigayay in hubka iyo maleeshiyaadka lagu wareejiyo dawladda Somalia, taasoo haddii lagu guuleysto u suura galinaysa dawladda in ay xajisato gacan ku haynta dalka Somalia. Jamac Xasan. Shabakada Biyokulule,Muqdisho.
  15. mUJAHID-snm, what you think is not all that heavy nor does it make any impact on my person. I was just giving my view, that brother Paragon should stay, and continue to give his case. The section will better for it.
  16. ^^^He is gone and the TFG and Somalia is better for it. The man was divisive he had 100 MP;s to begin with and now is left with 12. All the others have left him.
  17. He is young and will no doubt be back in the political arena sooner than later.
  18. Heshiiskii Maxakamada Taariikhdu markay ahayd 11kii bishii November 2006 ayuu Shariif Xassan markale ka goostay si lama filaan ah dhinaca Dowlada, asagoo kadib u baxay magaalada Muqdisho oo ay wakhtigaa gacanta ku hayeen Maxaakiimta Islaamiga. Xiligaasi ayuu Shariif Xassan ku gacan seeray talooyin ay usoo jeediyeen Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka oo ka codsaday Guddoomiyaha inuu kala tashado wixii heshiis ah oo uu la galayo Maxaakiimta, arrintaasi oo uu ku gacan seedhay Shariif Xassan oo markaasi aaminsanaa in markale uu Baarlamaanka usoo rari doono magaalada Muqdisho. Xiligaasi ayey Dowlada Federaalka ahayd mid loogu magacdaray Dowlada Fadhiidka ah, isla markaana ku koobneyd magaalada Baydhabo, halka Maxaakiimta Islaamiga ah ay si dar darleh ulla wareegeen gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayagoo markaasi khal khal iyo hanjabaad u jeedinayey Dowlada fadhiday Baydhabo iyo waliba maamulada kale ee dalka ka jira. Heshiiskii 2aad ee Cadan Kadib markii uu Shariif Xassan heshiiska kula galay Maxaakiimta Magaalada Muqdisho ayuu u ambabaxay dalka Yemen oo uu markale ka codsaday in la dhex dhexaadiyo asaga, maxaakiimta iyo DFKMG. Arrintaasi ayaa socon weyday kadib markii uu Madaxweynaha Somaliya diiday inuu tago dalka Yemen si uu ulla shiro Shariif Xassan iyo Shariif Axmed oo markaa ka socday Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho. Taariikhdu markay ahayd 16kii bishii December 2006, ayey magaalada Cadan shir jaraa'iid kuwada qabteen labada shariif iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Yemen. Labo todobaad kadib waxaa qarxay dagaalkii dhexmaray Dowlada iyo Maxaakiimta, ayadoo si lama filaan ah 10 maalmood kadib Maxaakiimta looga qabsaday xaruntoodii Muqdisho. Burburkaasi ku yimid Maxaakiimta ayaa waxaa garab socday burbur si gaar ah ugu yimid siyaasadii Shariif Xassan ayadoo magaaladii Muqdisho oo uu islahaa u wareeg mar 2aad sidii waagii uu heshiiska la galay hogaamiye kooxeedka, ayay gacanta ku dhigtay Dowlada Federaalka oo gacan militari ka heshay Dowlada Itoobiya. La dagaalanka Itoobiya Shariif Xassan ayaa intaasi kadib wuxuu ka dhoofay magaalada Cadan, asagoo siimaray Dubair, wuxuuna dib ugu noqday magaalada Nairobi, asagoo ka gaabsaday inuu u gudbo magaalada Baydhabo. Shariif ayaa codsaday in marka hore uu la kulmo Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed, arrintaasi oo uu ku gacan seedhay Madaxweynaha oo asaguna dhinaciisa codsaday in shariifka uu Baydhabo soo galo. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Geedi oo booqday Nairobi ayaa ka gaabsaday inuu la kulmo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo markaa diyaar u ahaa in uu la xaajeysto Dowladii uu kasoo gadooday. Todobaadkaasi ayuu Shariif Xassan ku baaqay in dagaal lala galo ciidamada Itoobiya ee gacanta siinaya DFKMG, asagoo sheegay inuusan dalka degi doonin inta ay itoobiyaanka joogaan. Shirkii Jaraa'iid iyo Nairobi Markii ay Taariikhdu ahayd 5tii bishan Janaayo 2007 ayuu Guddoomiyaha markale shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Nairobi asagoo ay wehliyaan 25 xildhibaan. Wuxuun ku dhawaaqay markaasi in lala dagaalamo Ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada maadaama uu sheegay in dalka la qabsaday, waa suu hadalka u dhigayee. Arrintan ayaa keentay in Dowlada Kenya ay xabsiga u taxaabto Xildhibaano badan 6tii bishan Janaayo. Dowlada Kenya ayaa ka codsatay xildhibaanadaasi in ay isaga baxaan dalka muddo 74 saac ah. Culeyskaasi la saaray Taageerayaasha Shariif Xassan iyo xiriir la'aanta u dhaxeysay Guddoomiyaha iyo Dowlada, ayuu markale Xildhibaan Shariif Xassan isku dayey inuu soo jiito taageerada Dowladaha Kenya iyo Somaliya. 7dii bishan Janaayo 2007 ayuu Guddoomiyaha Shariif Xassan war uu Nairobi kasoo saaray uu ku sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay isdhiibaan oo ay Dowlada hubkooda ku wareejiyaan. Warkaasi ayaan wax isbedal ah ku keenin xiriirkii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Guddoomiyaha. Safarkii Jabuuti Shariif Xassan iyo xildhibaano gaaraya 11 ayaa boorsoonyinkooda ka qaatay magaalada Nairobi ayagoo 13kii bishan Janaayo 2007 gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Shariif Xassan iyo xubno kale ayaa halkaasi ugasii gudbay dalka Beljim ee magaalada Brussels xarunta Midowga Yurub oo 15kii/Jan/07 isniintii lasoo dhaafay kula kulmay Mr.Lousi Michel madaxa horumarinta ee ururka Midowga Yurub. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17kii Janaayo 2007 ayuu Baarlamaanka Somaliya xilka ka xayuubiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii ay 183 xildhibaan kalsoonida kala noqdeen. Hussein Farah Keynaan keynaan@horseednet.com HorseedNet.com
  19. Shirkii 2aad ee Khartuum Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ay taariikhdu ahayd 5tii September 2006 wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dhinaca Dowlada Somaliya ay heshiis qabyo ah magaalada Khartuum kula galeen wafdi ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah. Xiligaasi ayaa la hadal hayey khilaaf soo dhexgalay Shariif Xassan iyo Madaxweynaha Somaliya oo ku aadanaa sidii loo abaari lahaa heshiiska lala gelayo Maxaakiimta. Balse Shariif Xassan Wafdigaasi wuu kamid noqday inkastoo uu ka gaabsaday saxiixida heshiiska oo uu dowlada dhinaceeda qalinka ugu duugay Wasiirka Dastuurka C/laahi Sh. Ismaaciil. Wareegii Sadexaad ee shirka Khartuum oo la isugu tagay oo lagu waday inuu khartuum ka furmo 30kii bisha Oktober 2006 ayaa waxaa wafdigii dowlada uga qeyb geli lahaa laga saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayadoo uu wafdigaasi hogaamiyey Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee DFKMG. Wareegii sadexaad ee shirkii Khartuum ayaan asagu hirgelin kadib markii ay labada dhinac isku dhaafi waayeen shuruudo ay ku xireen shirka dhinaca Maxaakiimta Islaamiga oo diiday in shirka ay wax ka guddoomiyaan ururka IGAD oo uu markaasi matalayey dalka Kenya.