General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Uganda oo diyaar garowgii ugu danbeeyay ku jirta 21 Jan 21, 2007, 02:22 Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay dalka Soomaaliya ku imaanayaan labo todobaad gudahood, kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni uu magacabay taliyihii hogaamin lahaa ciidamadas. Musaveni ayaaa waxaa u magacaabay Taliyaha ciidamada imaanaya dalka Soomaaliya Major General Levi Karuhanga, wuxuuna Madaxweynaha Uganda uu sheegay in ciidamada dalkiisa in ay ku jiraan diyaar garow iyo qaban qaabadii ay ku imaan lahaayeen dalka Soomaaliya. Sidoo kale captain Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidamada imaanya dalka Somaliya ayaa sheegay in uu gabo gabo marayo diyaar garowga ciidamada Uganda ee loo soo dirayo Somaliya, iyadoo haatan ay socoto qalabeynta iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamadaasi. Ma jirto dal kale oo si rasmi ah ciidamo ugu yaboohay dalka Somaliya, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Mozambique iyo K/Afrika ay go'aan cad aysan ka qaadin ciidamo ay u soo diraan dalka Somaliya. Cali Muxayadiin Cali,GO
  2. Uganda oo sheegtay in labo todobaad ay ciidamadeeda ku imaanayaan Somalia Kampala 21, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in labo todobaad gudaheeda ay ciidamadeeda ku keeneyso Somalia. Madaxweynaha dalka Uganda Uveri Musavini ayaa magacaabay taliyihii hogaamin lahaa ciidamada Uganda ee dhowaan imaanaya dalka Somalia, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ku imaanayaan dalka Somalia. Afhayeenka howl-galka ciidamada Uganda ee imaanaya Somalia Captain Badi Ancunda ayaa waxa uu u sheegay saxaafadda Kampala in ay socoto howlo lagu diyaarinayo qalabeynta ciidamada Uganda iyo qarashkii ku bixi lahaa inta ay joogaan Somalia. Madaxweyne Musavini ayaa u magacaabay Major Gen. Lefi Cruhanga in uu noqdo taliyaha ciidamada Uganda ee howl-galka ka sameyn doona Somalia. Xubnaha Baarlamanka Uganda ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay si buuxda u ansixiyeen qorshaha ciidamada Uganda lagu soo daadgureynayo dalka Somalia si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Africa ee la ansixiyay in ay Somalia ka sameeyaan howl-galada. Ka sokoow dowladda Uganda ma jirto dowlad kale oo ciidamadeeda diyaarisay si ay u yimaadaan Somalia, inkastoo ururka Midowga Africa uu sheegay in ilaa 8 dal oo African ah ay ciidamadooda imaanayaan dalka Somalia. Shabelle Media Network Uganda E-mail us: info@shabelle.net
  3. ^^^dont forget. I aint angry, this is how I smile by Yusuf Garad
  4. Complete history of Eyl, the Nugal, by MKA Yoonis
  5. Misunderstood by Ali Mohamed Geedi & Hussain Aydeed
  6. ^^^Thats the past dear boy, we had a poor managed government from 1960-1969, and then dictatorship from 1969-1991, and from 1991-present we know what has taken place. Somalia has matured, and the only way forwad is develoution of power from the centred to the regions. Federal states will make a settlement with Somaliland a probable option, will ensure Puntland stays and that many in the south will get their fair share.
  7. Dowladda Sudan oo sheegtay in ay jartay xiriirkii kala dhexeeyay maxaakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray Xukuumadda wadanka Sudan oo ka mid ahayd dalalkii sida aadka ah xiriirka dhow u lalahaa maxakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray ayaa muujisay is badalka weyn eek u yimid fikirkeedii ku aadanaa maxaakimtaasi la shiiqiyay Xukuumadda wadanka Sudan oo ka mid ahayd dalalkii sida aadka ah xiriirka dhow u lalahaa maxakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray ayaa muujisay is badalka weyn eek u yimid fikirkeedii ku aadanaa maxaakimtaasi la shiiqiyay . Sudan waxaa ay sheegtay in ay gebi ahaanba jartay xiriirkii siyaasadeed iyo midkii dhaqaale eek ala dhexeeyay maxaakimtii beelaha midoobay ee Islaamiga sheegan jiray,lamina garanayo sababta ku xanbaartay Sudan in ay xilligan talaabadaa qaadato,waxaase tani ay kusoo beegmaysaa kaddib socdaal ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu shalay Sudan ku tagay iyo9 wada hadallo uu madaxda dalkaa la qaatay. “Dowladda Sudan ma sii wadi doonto xiriirkii kala dhexeeyay maxkamadaha ISlaamiga ah “ayuu yiri wasiiru dowladdaha arrimaha dibadda dalka Sudan Cali Axmed Kaarti oo hadalkan ka sheegayh shir jaraa’id oo uu kuqabtay magaalada Khurtum ee xarunta dalkka Sudan,kaddib tagitaankii ra’isul wsaaraha Soomaaliya ee dalka Sudan maalintii Sabtidii. Sudan ayaa dhowr jeer ooh ore wada xaajood nabadeed isugu geysat dowladda federalka Soomaaliya iyo maxkamadihii bveelaha midoobay ee Islaamiga sheeganjiray,waxaase lagu guuleysan waayay in heshiis rasmi ah la dhex dhigo dowladda iyo kooxdii argagixisda ahayd sababo la xiriira argagixisada oo diiday in ay ka haraan nidaamka argagixisanimo una soo nuglaadaan hanaanka nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya,ugu dambeyntiina waxaa dowladda Soomaliya ay ka fursan weysay in ay qaado dagaal ugu dambeyntii lagu shiiqiyay awoodii dhalanteedka ahayd ee kooxihii argagixisada ahaa ee Islaamiga sheeganjiray. Xafiiska warqabadka shabakadda carmooyin.com ee Muqdisho
  8. KHARTOUM: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulammo la qaatay madaxda Sudan, kana hadlay arrimo dhowr ah Posted to the Web Jan 21, 06:55 Khartoum (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulan kula qaatay Magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu ku joogo booqasho gaar ah madax dalkaas ka tirsan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Dibadda dalka Sudan. Prof. Geeddi ayaa madaxda uu kulanka kula qaatay dalkooda Sudan uga warbixiyay xaaladda uu dalka haatan marayo, isla markaana faahfaahin dheeri ah ka bixiyay mowqifkooda ku beegan hadal ay la qaataan Maxkamadihii Midoobay ee laga awoodda badiyay. "Ma jiraan wax maxkamado ah oo meel ku sugan oo aan la yeelanno wadahadallo dib u heshiisiineed, waxaana badatay waayahaan hadallada noocaan oo kale ah, balse waxaan caddeynaynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan jirin cid ka tirsan Maxkamadaha oo meel macruuf ah ku sugan oo aan wadahadallo la qaadanno" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo intaas raaciyay: "Ma jirto wadahadallo aan la galayno xubnihii ka haray oo baxsad ahaan ku jooga dalalka dibadda qaarkood". Dhanka kale Dowladda Sudan ayaa waxay sheegtay in aysan sidii hore xiriirro dambe ula sameynayn Maxkamadihii Midoobay ee la kala eryay, hadalkaan ayaana u muuqda mid ay Dowladda Sudan ku muujinayso mowqifka ay maanta ka taagan tahay Maxkamadaha Midoobay oo ay lahaayeen xiriir siddadiisu adag tahay. "Dowladda Sudan lama yeelanayso wax xiriirro ah madaxdii Maxkamadaha ee ka badbaaday dagaalladii ka dhacay dalka Somalia, ha ku sugnaadeen gudaha dalkooda ama dibadda, balse Sudan ahaan waxaan qabnaa in lala hadlo maxkamadaha xubnihii ka haray ee dibadda ku sugan, isla markaana ha loo caddeeyo mowqifka laga aaminsan yahay" ayuu yiri Wasiirka Dibadda ee Sudan Cali Axmed Kepti oo kulankii Ra'iisul wasaaraha Somalia iyo Madaxda Sudan goobjoog ka ahaa. Sudan oo ka mid ahayd dowladaha bariga Afrika ee sida weyn ugu xiran Maxakamadaha ayaa hadalkeedaan wuxuu u muuqdaa mid ay ku muujinayaan inay ka baxeen xiriirro ay la lahaayeen Maxkamadaha, waxaana arrintaan ay niyad jab ku noqonaysaa madaxda Maxkamadaha oo qaarkood haatan ay ku sugan yihiin dalka Sudan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  9. How the Al-Shabaab became, the Al-Kabab by Adan Cayrow & Abu Mansuur with introduction by Xasan Turki Seige of Baiodoa, and other stories By Yusuf Siyad IndaCade The Shoes fit Al Haji Musa Sudi Yalaxow The long journey home By A/Yusuf Ahmed
  10. Federalisam is a reality and the only viable option. Those who want a centralised state have failed to deliver. One has to be honest and ask which entities have lasted these past 16 years, Somaliland, Puntland and what else? The only admins were these ones which where based on the clans of those regions taking responsabilities for their areas. Thus they succeeded while all else failed. It is a blueprint for Somalia as a whole regional adminstartions which the local populations can benefit from. Puntland is a reality it accepts the TFG and is part of it, it wants to continue to run its own affairs while contributing towards the federal state as a whole. Somaliland will not come back to a central state based in Mogadishu and become a mere region as it was in the past, thus if you want to save the union you can either offer Somaliland what it has today with a few changes or you can let it go and become a seperate nation or you can subjugate it? Your choice.
  11. Maxamed Dheere oo hubkiisa goor dhow ku wareejinaya dowlada federaalka January 20, 2007 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer), gudoomiyihii maamulka Shabeelaha dhexe ayaa goor dhow hubkiisa ku wareejinaya dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed. Guddigii loo xilsaaray in ay hubka ku jira gacanta dadweynaha iyo hogaamiyeyaasha ku wareejiyaan dowlada federaalka ayaa ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, Maxamed Dheerena fariisin u ah. Sidoo kale, Hubkan Maxamed Dheere uu maanta wareejinayo waxaa iyana laga bar bar wareejin doonaa hub ay leeyihiin C/Qaadir Beebe oo horjoogayaasha maleeshiyaadka Muqdisho ka mid ahaa iyo Nuur Xasan Cali Nuur Daqli oo ahaa ninkii Maxaakiimta Mudo bil ku dhan ay ku dagaalamayeen deegaanka Sii sii ee magaalada Muqdisho. Horey waxaa hubkooda u wareejiyay Muuse Suudi Yalaxoow, Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen Ceydiid iyo Cumar Filish oo dowlada federaalka ku wareejiyay gaadiid dagaal gaaraya ilaa iyo 160 gaadiid dagaal iyo maleeshiyooyin. Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  12. ^^^If there is oil, gas and other such riches its enough for all them nomads and more.
  13. Ciidammo ka socda Uganda iyo South Africa oo soo gaaraya dhawaan gudaha Soomaaliya Jan 20 . 2007 Radiofreesomalia.com Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan gudaha Soomaaliya toddobaadkaan billowga ah dabayaaqadiisa ciidammo dhowr dal oo Afrikaan ah ka socda. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammo ka socda Dalalka South Afrika iyo Uganda ay soo gaaraan gudaha Soomaaliya inta uusan dhammaan toddobaadkaan, waxaana tani ay ka dambeysay kaddib markii Dowladda Ethiopia ay sheegtay inay ciidammadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya. Dowladda Uganda ayaa waxay diyaarisay ciidammo gaaraya 2500-askari, waxaana la horgeeyay qorshaha ciidammo geyntaan dalka Soomaaliya baarlamaanka dalkaaas, six buuxda ugu codeeyay in ciidammadooda ay qayb ka noqdaan ciidammada nabad ilaalin ahaanta u tagaya gudaha Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda South Afrika ayaa iyaduna waxay qirtay inay ciidammo tiro badan oo aysan tiradooda cayimin u soo dirayso Soomaaliya maalmaha soo socda, waxaana lagu wadaa in ciidammadaan ay qayb ka noqdaan kuwa nabadda ilaalinaya ee gudaha Soomaaliya la geynayo. Afrikaanka ayaa waxay sheegeen inay ciidammo nabad ilaain ah u dirayaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo baddali doona kuwa Ethiopian-ka ah ee haatan ku sugan, waxaana dowladaha Uganda iyo South Afrika ciidammadooda haddii ay yimaadaan Somalia noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee yimaada gudaha Soomaaliya.
  14. ^^^I respect that point, however the attacks and threats are coming from one side, what we want is peace, so lets hope for dialogue.
  15. ^^^Its great and here is an all together different game, chess.
  16. ^^^As you know there is no occupation, that story is so yesterday.
  17. ^^^Indeed, it was a mistake not to take these districts security seriously. I think its ahigh time more troops are recruited and trained from the local areas so they can secure every inch of SOOL, SANAG & CAYN.
  18. Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb M.dheere ayaa maanta wareejiyey hub kala gedisan iyo ciidamo xukuumada federaalka soomaliya
  19. ^^^Everyone supported the disarmamanet of the warlords a blue print to peace. However now they have been disarmed by the national army headed by Gen Naji, everyone should welcome it.
  20. ^^^Mob up jobs will have an impact on these groups. It will take time and attacks are to be expected, but can they takeover even a street in Migadishu for a minute? No.
  21. Adis Ababa: Midowga Afrika oo hoosta ka xariiqay in ciidamo ay u dirayaan Soomaaliya, lix biloodna ay halkaasi joogi doonaan Axad, January 20, 2007 Adis Ababa(AllPuntland)- Midowga Afrika ayaa xafiiskiisa magaalada Adis Ababa kasoo saaray go'aan ciidamo loogu dirayo dalka Soomaaliya. Ciidamada ay isla ogolaadeen midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay yihiin 9 Batalyan oo ah ciidamada kala duwan ee Afrika. Ciidamadan ayaa waxaa laga dhawaajiyay inay dalka Soomaaliya joogi doonaan muddo lix bilood ah, kadibna ay hawsha kala wareegi doonaan ciidamada Qaramada midoobay. Siciid Jinnit oo kamid ah madaxda golaha ammaanka midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamadan ay caawin doonaan dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay u shaqayn lahaayeen hay'adaha dawliga ah. Mr: Jinnit wuxuu sheegay in midowga Afrika uu ka codsaday midowga Yurub iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika inay dhaqaalaha ka caawiyaan ciidamada tagaya dalka Soomaaliya. Ciidamada guud ee midowga Afrika ugu talo galay dalka Soomaaliya ayaa gaaraya 8,000 oo askari, waxaana la filayaa in bilowga ciidankaasi ay tagaan dalka Soomaaliya bishan dhammaadkeeda. Midowga Afrika wuxuu ka codsaday qaramada midoobay in ay caawiyaan midowga Afrika todobaadyada ugu horeeya ee ay hawsha galayaan ciidanka midowga Afrika. Magaalada Muqdisho waxaa khamiistii tagay Francios Fall oo qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu arimaha ciidamo gaynta kala hadlay madaxwaynaha Soomaaliya. C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in dawladdu aysan hawsha wadi karin haddii aysan helin ciidamo nabad ilaalin ah oo caawiya. CCC Farayaamo AllPuntland