
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo Wareegto ku magacaabay Maamulka Magaalada Muqdisho, iyada oo xubno cusubna ay ka muuqdan Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/01/07 Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu sheegay in ka dib markii la tixgaliyey soo jeedinta R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha isla markaana la qiimeeyey baahida deg deg ah ee loo qabo maamulka Magaalada Muqdisho ay lagama maarmaan noqotay in ma magacaabo duqa Magaalada iyo ku xigeenadiisa. Mas’uliyiinta la magacaabay oo isugu jiray kuwa horay uga tirnsaa Maamulkii dhisnaa iyo kuwo ku cusub waxa ayna kala yihiin. 1- Maxamuud Xasan Cali Gaaboow(Cade) Duqa Magaalada Muqdisho 2- Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweey) K/Xigeenka Siyaasada iyo nabadgalyada. 3- Xasan Maxamed Nuur Qalaad ku xigeenka Dhinaca Dhaqaalaha iyo Maaliyada. 4- C/qaadir Suufi Golf ku xigeenka dhinaca howlaha guud iyo arimaha bulshada. Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa looga codsaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid inuu soo magacaabo maamullada kala ah: Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Madaxa Xafiiska Qorsheynta ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 16-k degmo ee Maamulka Magaalada Muqdisho iyo ku xigeennadooda, Agaasimayaasha waaxaha, Dib u heshiisiinta, Caafimaadka, Nabadgalyada, waxbarashada, ururrada bulshada, Nadaafadda, dib u dhiska, shatiyada, suuqyada, dakhliga kala duwan, xisaabaadka, dhulka, gadiidka, tirada dadka iyo dhirta. Wareegtan ka soo baxday Xarunta Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u aqriyey C/raxmaan nuur maxamed Diinaari, waxaana sidoo kale la dhowrayaa ku dhawaaqida maamulka Gobalka Banaadir iyo Madaxdii hogaamin laheyd.
-
Breaking news..Xasan Dahir son in law Sharif Ahmed captured..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The news is incoming so lets be patient. -
Madaxweynaha Somaliya oo magacaabay Maamulka cusub ee Muqdisho Last Updated::2007-01-15 12:53:15 Muqdisho:- Madaxweynaha DFKMG ee Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa maanta soo bandhigay kuna dhawaaqay maamulka cusub ee Caasimada Muqdisho. Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah: 1. Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) - Guddoomiyaha / Duqa magaalada Muqdisho 2. Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweye) - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Siyaasada iyo Nabadgelyada. 3. Xasan Maxamed Nuur Qalaad - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Dhaqaalaha iyo Maaliyada 4. C/qaadir Suufi Muriid - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada iyo Howlaha-guud Maamulkan ayaa ah kii ugu horeeyey oo Dowlada Federaalka ku dhawaaqdo kadib markii ay la wareegtay maamulida Caasimada Muqdisho. Maamulka ayaa ah midka soo dhisi doona maamulada Degmooyinka weli dhiman, ayagoo la shaqeenaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xussen Maxamed Caydiid. Duqa magaalada Cadde Gaabow ayuu horey xilkaasi ugu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Somaliya. Maamulkaasi ayaan illaa iyo hada ku guuleysan inuu awood u helo inuu si rasmi ah ulla wareego maamulida caasimada. Maamulka Cadde Gaabow ayey horey ugu horyimaadeen hogaamiye kooxeedkii Muqdisho ayagoo markaasi dhisay Gole ay ugu magacdareen gobalka Banaadir. Inkastoo hogaamiye kooxeedka kasoo horjeedeen Maxamuud Cadde Gaabow ayey hadan golihii ay dhiseen markale u doorteen isla xilkaasi Mr.Gaabow. Hase yeeshee Maamulka Cade Gaabow ayaa caqabad weyn la kulmay markii ay awooda Muqdisho la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga. Maxaakiimta ayaa ayagu wax kama jiraan ah ku tilmaamay maamulkii Cade Gaabow, inkastoo uu Guddoomiyaha kamid ahaa siyaasiyiintii taageeray kacdoonkii Muqdisho looga saaray hogaamiye kooxeedka. Maxamed Xassan Cadde Gaabow ayaa markale loo magacaabay xilka maamulka Muqdisho oo ah midka ugu culus ee hada ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca sugida amniga. Gaabow ayaa hada fursad u heysta inuu si rasmi ah u shaqo galo ayadoo ay magaalada gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Federaalka. Waxaase caqabada ugu weyn ee hortaal ay tahay sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada Muqdisho oo ay weli ku sugan yihiin maleeshiyooyin kasoo horjeeda maamul u sameynta iyo waliba guud ahaan Dowlada Federaalka. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Maamulka gobolka Banaadir Isniin, January 15, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir, iyadoo Duqa magaalada Muqdisho loo magacaabay Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde). Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magabaacay Kuxigeenka arimaha siyaasada iyo nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaawey), Kuxigeenka dhaqaalaha iyo maaliyada Xasan Maxamed Nuur Qalaad iyo guddoomiye kuxigeenka arimaha Bulshada iyo howlaha guud C/qaadir Suufi Muriid. Madaxweynaha dowladda Federaalka kmg ah Soomaaliya md. C/llaaahi Yuusuf Axmed oo magacaabistooda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in meesha laga saaray jiritaankii guddoomiyaha gobolka Banaadir balse la magacaabay Duq magaalo, wuxuuna madaxweynaha uu u rajeeyay xubnaha cusub in xilkooda ay kasoo dhalaalaan wuxuuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisaan maamulada degmooyinka, oo uu sheegay in uu gacan ka siinayo dhismaha maamulada degmooyinka wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Caydiid. Sidoo kale Mayarka gobolka Banaadir Cadde Gaabow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in xilkooda ay si daacad ah u gudan doonaan isagoo sheegay in uu ku qanacsan yahay magacaabista cusub, wuxuuna qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Banaadir uu ka codsaday in ay dhigaan bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee gobolka Banaadir. Cali sandheere AllPuntland, Muqdisho
-
MUQDISHO: Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo soo saaray xalay wareegto uu ku magacaabay Maamulka Magaalada Muqdisho Posted to the Web Jan 15, 07:48 Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabayo maamulka Gobolka Banaadir oo loo baddalay maamulka Magaalada Muqdisho. Wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay si toos ah uga soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lambarkeedu uu ahaa: RSTS/OP/23/07, oo soo baxday 14/01/2007, waxaana wareegtadaan lagu sheegay in lagu ogolaaday soo jeedin ka timid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo jeediyay magacaabidda maamulkaan cusub. Maamulka Magaalada Muqdisho ee cusub ayaa ka kooban guddoomiye ku saddex ku xigeen ayaa waxay kala yihiin sidan soo socota: 1- Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Muqdisho, Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow). 2- Ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye). 3- Ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyadda Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) 4- Ku xigeenka dhinaca Howlaha guud iyo arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriiddi (Golf). Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa looga codsaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid inuu soo magacaabo maamullada kala ah: Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Madaxa Xafiiska Qorsheynta ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 16-k degmo ee Maamulka Magaalada Muqdisho iyo ku xigeennadooda, Agaasimayaasha waaxaha, Dib u heshiisiinta, Caafimaadka, Nabadgalyada, waxbarashada, ururrada bulshada, Nadaafadda, dib u dhiska, shatiyada, suuqyada, dakhliga kala duwan, xisaabaadka, dhulka, gadiidka, tirada dadka iyo dhirta. Eng. Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale loogu sheegay warqadda inuu la tashiyo la sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan maamulladaan ku dhawaaqin. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Magaalada Muqdisho oo maamul nooc cusub ah loo magacaabay Isniin, January 15, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Maamul ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynahana uu magacaabistaas sameeyay kadib markii uu la tashaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid. Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaan lagu sheegin wax maamul gobol Banaadir ah, taasi bedelkeeda waxaa maamulka cusub loogu yeeray Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka cusubna ay xubnahiisa kala yihiin: Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow), ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhinaca Siyaasadda iyo Nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Xasan Maxamed Nuur Qalaad, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Howlaha guud iyo Arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriidi Golf. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid in uu si deg deg ah u soo magacaabo xubnaha kala ah Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha guud, Madaxa Xafiiska Qorsheynta Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyayaasha 16ka Degmo iyo ku xigeenadooda, Agaasimaha guud ee Ururrada Bulshada, Agaasimaha Waaxda Dib u heshiisiinta, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Nadaafadda, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda dib u dhiska, Agaasimaha Waaxda Shatiyada, Agaasimaha Waaxda Suuqyada, Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan, Agaasimaha Xisaabaadka, Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka, Agaasimaha Waaxda Tirada Dadka iyo Agaasimaha Waaxda Diinta. Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale laga codsaday marka uu magacaabista sameynayo in uu la tashadayo Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Magacaabista uu sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay timid kadib markii uu madaxweynaha maalmihii tegay kulamo la lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqanka Gobolka Banaadir. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Breaking news..Xasan Dahir son in law Sharif Ahmed captured..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maxkamadihii bur buray ee Islamiga sheegan jiray oo maanta lagu qabtay dalka Kenya xilli uu xero qoxooti ku dhuumaaleysanayay. GARISSA, Kenya (AP) --Poliska wadanka Kenya ayaa maanta soo xiray hoggamiye sare oo ka trisanaa maxkamadihii islamiga shegan jiray ee bur buray kaddib markii ciidanka xoogga dalku ay cagta mariyeen dabayaaqadii bishii hore,waxaana xarigga hoggamiyahan xaqiijiyay poliska dalka Kenya . GARISSA, Kenya (AP) --Poliska wadanka Kenya ayaa maanta sooo xiray hoggamiye sare oo ka trisanaa maxkamadihii islamiga shegan jiray ee bur buray kaddib markii ciidanka xoogga dalku ay cagta mariyeen dabayaaqadii bishii hore,waxaana xarigga hoggamiyahan xaqiijiyay poliska dalka Kenya . Hoggaamiyahan maxakimtii islaamiga sheeganjiray ka tirsanaa ayaa saka wabarigii waxaa lagu xiray xero qoxooti oo ku taala dalka Kenya oo uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taala xadka bara dalalka Kenya iyo Soomaliya manta goor sii horreysay. Sarkaalka Kenyanka ahi waxaa uu sheegay in hoggaamiyahan maxakimtii bur buray ka tirsanaa uu kusii jeeday markii la qabanayay xerara qoxootiga dhadhaab ee ku tala meel qiyaastii 62 mile ama 100 kilomitir u jirta magaalada Garisa ee bariga dalka Kenya. Hadii la xaqiijiyo xarigga hoggamiyahan waxaa ay taasi noqonaysa talaaboweyn oo horay loo qaaday oo lagu soo afmeerayo dagaalkii dalka Soomaliya ka socday ee bilowday markii ciindaka Itoobiyanka oo garab siinaya dowladda federalku aydalka Soomaliya soo galeen,si ay uga hortagaan kusii fiditaankii maliishiyooyinka islamiyiintu ay kusii fidayeen dalka Soomaliya,iyagoona caqabad xagga amaanka ah ku ahaa dalka Itoobiya. Labada hoggaamiye ee ugu sarreeyay maxakimtii bur buray ee Islaamiga sheegan Jiray oo kala ah Sh Xasan Daahir iyo Sh Shariif waxaa ay ballanqaadeen in ciidankoodu ay siiwadi doonaan dagaal Jabhadayn ah inta ciidanka Itoobiyaanku ay wali sii joogaan gudaha dalka Soomaliya. Maliishiyooyin hubeysan oo aan ilaa iyo iminka si dhab ah loo garan halka ay xaruntoodu tahay iyo halka laga ababulo ayaa xilliyada habeenkii waxaa ay mararka qar weeraraan ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa kale ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaliya ee kusugan magaalada Muqdisho ee caasimmadda ah. Aweys waxaa uu ahaa aas aasihii golihgii maxakimtii islaamiga sheeganjiray oo hubka qaaday si ay gudaha Soomaliya uga dhisaan Imaarad Islaami ah sidiiba ay ku doodi jireen,waxana sh Aweyn uu yahay Hogaamiyaha ururka mintidka ah ee Al Itixaad oo ku xiran ururka Al Qaacida ee uu hoggaamiyo Osama Bin Laden. Laakin Sh Shariif Sh Ahmed ayaa marka la bar bardhigo Sh Aweys waxaa lagu tilmaama in uu yahay hoggaamiye diineed dhex dhexaad ah oo waqti dhowna soo shaac baxay,waxana soo shaac bixiddiisii lagu bartay in uu ahaa guddoomiyaha goliihii maxakimta islamiga ee gobalka Banaadir sheegan jiray horraantii 2005-tii xigasho CNN http://www.cnn.com/2007/WORLD/africa/01/15/somalia.kenya.ap/ Xafiska warqabadka Shabakadda wararka Carmooyin.com ee Muqdisho -
Xasan Dahir & his son in law Sharif Ahmed have been captured by Kenyan police in liboi.. Top leader of Somalia's Islamic militia arrested Monday, January 15, 2007 GARISSA, Kenya (AP) -- Kenyan police arrested a top leader in Somalia's Islamic militant movement on Monday, a Kenyan security official said. The leader was arrested at midmorning at a refugee camp near the Kenyan border with Somalia, the official said, quoting from a police report. The official, speaking on condition of anonymity because of the sensitivity of the matter, said he was on his way to the Dadaab refugee camp, 62 miles (100 kilometers) east of Garisa, to help identify the suspect. If confirmed, the arrest could be a major step toward ending the fighting in Somalia, which began when Ethiopian troops intervened to stop the Islamic movement's advance to destroy the internationally backed government. Top movement leaders Sheik Hassan Dahir Aweys and Sheik Sharif Sheik Ahmed have pledged to carry on a guerrilla war as long as Ethiopian troops remain in Somalia. Unidentified gunmen have repeatedly attacked Ethiopian troops in the capital, Mogadishu, over the last two weeks. Aweys was the founder of the Council of Islamic Courts, which took up arms to establish an Islamic emirate in Somalia in January. Before that, he was a senior leader of al-Itihaad al-Islamiya, a group listed by the United States as a terrorist organization with ties to Osama bin Laden's al Qaeda. Ahmed is considered a religious moderate compared to Aweys. He emerged as the leader of the courts' executive council in early 2006, but has been named as a religious leader who could be part of national reconciliation talks to end 16 years of clan violence in Somalia. The Horn of Africa country has not had an effective central government since 1991, when clan warlords overthrew the government and then turned on each other. The Islamic courts control most of southern Somalia for six months, until Ethiopia intervened on December 24. Within 10 days, the Islamic council had been driven out of all major towns and was in hiding. Source: Jan 15, 2007
-
Muqdisho: Dowladda amar ku bixisay in la xero idaacaddaha HornAfrik, Shabeelle, IQK iyo xafiiska Al-Jaziira ee Muqdisho Isniin, January 15, 2007 Muqdisho(Allpuntland)- Dowladda Federaalka MKG ah ee Soomaaliya ayaa maanta amar ku bixisay in la xero xarumaha idaacaddaha HornAfrik, Shabeelle, Idaacadda Qur'aanka Kariimka iyo xafiiska Al-Jaziira ee Muqdisho kadib markii wareegto kasoo baxday xafiiska hey'adda nabad sugida lasoo gaarsiiyay xafiisyadaasi. Wareegtadan oo kasoo baxday xafiiska nabad sugida ayaa waxaa ku saxiinaa Agaasimaha xaruntaasi G/sare Axmed Cali Xasan ayaa waxaa lagu amray xarumahaasi in marka ay soo gaarto qoraalkaas la xero sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo sidoo kale lagu amray agaasimayaasha xarumahaaasi in maalinta beri oo taariikhda ku beegan 16-ka Janaayo saacadda 10 subaxnimo ay ku tagaan xaruntii hore ee nabad sugida. Idaacaddaha Shabeelle, HornAfrik iyo IQK ayaa markii ay soo gaartay qoraalka amarka lagu siinayey ay hawada isaga baxeen. Lama garanaya tallaabada xigta ee dowladda ka qaadeyso mas'uuliyiinta xarumahaasi oo beri looga yeeray iney tagaan xafiiska nabad sugida ee Muqdisho. Cali Sandheere Allpuntland, Muqdisho
-
-
Horn is right, with peace and security comes development, trade. Its time we just stoped surviving and started to thrive..
-
Today I had an emotional encounter with my country Somalia! Today I remembered my loss inside has truely returned! Today when I saw ordinary Somalis in neighbourhoods assisting the TFG forces in disarming our capital by fingerpointing to houses where weaponary were stored! Women and Children moving/walking in front of the soldiers and identifying houses of trouble-makers and killers in order to take away the weapons they terrorised the people with for over 16 years! Nice one.. Shiekh keep them coming..
-
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Banaanbax Lagu Taageero TFGS - London 13.1.2007 : (Daawo Sawirada) Posted to the MOL January 14, 2007, 7:42 am London:- Waxaa maalintii shalay oo bishu ahayd 13-ka janaayoo 2007 ka dhacay banaanka xafiiska ra'iisal wasaaraha dawlada Britain Tony Blair mudaharaad balaaran oo ay soo abaabuleen jaaliyada Somaliyeed ee ku nool wadanka ee Ingriiska. Mudaharaadkaas oo lagu taageerayay dadaalka dawlada KMG ah ee nabadeed iyo soo celinta amniga ee ay ka wado magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan cariga Ingriiska. Si aad u daawatid sawirada laga soo qaaday oo ah "Slide Show" waxaad ka gashaa halkaan: pictures -
AU visits Somalia for peacekeeping talks MOGADISHU, Somalia (AP) - An African Union delegation was in Somalia's capital Sunday to discuss the deployment of international peacekeepers as government troops expanded a house-to-house search for weapons in one of the world's most dangerous and heavily armed cities. Mohamed Foum, the AU's special representative for Somalia, said nine delegates arrived in Mogadishu on Saturday for meetings with leaders of the U.N.-supported transitional government in this chaotic Horn of Africa nation. "A team has gone to take a look and to get information that will help us devise a plan for peacekeepers," Foum said. Somali President Abdullahi Yusuf needs to establish enough calm so foreign peacekeepers can deploy to protect his government until it can form an effective police force and army. Troops loyal to the interim government, with critical help from the military of neighboring Ethiopia, last month routed an Islamic militia that had controlled much of southern Somalia since summer. But insecurity remains a problem in a country whose 7 million people haven't had an effective government since clan warlords toppled a longtime military dictatorship in 1991 and then turned on each other. Fighting between clan militias over pasture and water for livestock in an area 90 miles northwest of Mogadishu killed at least 20 people since Thursday in rural central Somalia, clan elders and witnesses reported.
-
Tukaale it's a good observation you made, some would think it's a iraqi style kinda insurgency when one throws one hand grenade and runs off killing nobody! A great point, these hit and run attacks are not as bloody as the supporters of the defeated groups.
-
Troops in Somalia go house-to-house in search of weapons Ex-police officers loyal to the government patrol a Mogadishu street. MOGADISHU, Somalia -- Somali troops and allied Ethiopian soldiers expanded their house-to-house search for weapons Sunday as this country's fledgling government struggles to assert authority over a nation that has known little but clan warfare and chaos for 15 years. Government spokesman Abdirahman Dinari said the search was taking place in several neighborhoods but he refused to comment on the number of weapons seized, saying it was a military secret. On Saturday, troops were searching homes near Mogadishu's main airport. "The government's plan of disarmament is a way to stabilize the country," Dinari told The Associated Press. The plan to rid Mogadishu of weapons is fraught in this capital, which is awash in guns after more than a decade of anarchy. Last month, the government, with the critical help of Ethiopia's military, drove out an Islamic militia that had controlled much of southern Somalia since summer. On Saturday, Somalia's acting parliament voted to allow the U.N.-backed government to impose martial law for up to three months in this Horn of Africa nation of 7 million people, deputy parliament speaker Osman Ilmi Boqore said during a legislative session broadcast live on a state-owned radio station. A few hours later, Ethiopian jets reportedly bombed at least one village in the south, killing three people, a traditional elder reported. Abdi Rashid Sheikh Ahmed told The Associated Press by phone from Af Madow that residents of the village of Bankajiiro came to his town with the bodies of three relatives they said died in the air strike. Lawmaker Abdulrashid Hidig, speaking from the port town of Kismayo, and Dinari, the government spokesman, said they had heard reports of air strikes but did not have any details. Ethiopian forces do not speak to journalists in Mogadishu. Boqore said 154 legislators voted in favor of letting the government impose martial law. He said two lawmakers voted against the motion. The remainder of Somalia's 275 lawmakers were not present at the session in Baidoa, a western town that had been the two-year-old government's stronghold until the Islamic militia was routed in an offensive that began Dec. 24. Dinari told AP he did not know when President Abdullahi Yusuf would sign a decree to impose martial law. Information Minister Ali Ahmed Jama has said the measure was needed because of widespread insecurity in the country, which has been without an effective government since clan warlords toppled a dictator in 1991 and then turned on each other. Opposing lawmakers said too many Somalis are armed to impose strict order right now. As Ethiopian-backed government forces captured the last stronghold of the Islamic movement at the southern tip of Somalia last week, the president secured a promise from warlords to enlist their fighters in the government army. Yusuf needs to establish enough calm to allow international peacekeepers to deploy in Somalia to protect his government until it can establish an effective police force and army. (AP) Source: AP
-
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
It seems there are no anti government demonstartions in any region aside from a few streets in Mogadisu and in the diaspora the majority of Somali people are happy that the TFG is working well these days. Aas for IndaCade, Seeraar, Xasan Dahir, they have lost and will no longer be taking extotion money from the unarmed people of lower shabbele and beyond. Back tot he topic, more on the demo.demo -
Somalia is moving forward, those who want to contribute can those who do not want to can at least stop wishing for the best.
-
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Obviously one frgets who has been oppressing the millions of Somali's for the past decade and lately hiding behind the garb of faith. Xasan Dahir, IndaCade, Cirfo were the men behidn the occupation of the fertile country south of Mogadishu. They were profiting from charcoal. scarps[national institutions] illegal tax, and allegedly even drugs. source -
Guns and explosives seized Dinari said government forces searched houses in the northern Arafat area and seized AK-47s, grenades and explosives. He said seven "gangsters" in another area were arrested. "The operations were aimed at improving security in the capital city," he said.
-
AU delegation arrives in Somalia The AU is to increase the number of troops to Somalia from an 8,000-strong deployment [AFP] African Union officials have arrived in Somalia to finalise plans for a peacekeeping force as itnerim government troops search for weapons after Ethiopian troops helped them win a two-week war against the Union of Islamic Courts. Somalia's weak interim government says it wants African peacekeepers to be deployed as soon as possible. Abdirahman Dinari, a spokesman for the interim government, said on Sunday: "They came to meet with government officials in order to discuss how the African Union troops could be deployed." "They will visit several places in the country ... and they'll meet with senior government security officials. We hope the African troops will be deployed as soon as possible." Troop deployment. The African Union's peace and security council agreed this week to increase the number of soldiers from a proposed 8,000-strong deployment and called on the international community to fund the peace mission. Uganda is ready to provide the first battalion, but awaits its parliament's approval. Meanwhile Kenya, chair of regional body IGAD, has sent senior officials to several African nations to seek support for the force. Ethiopia says it wants to withdraw its soldiers in the coming weeks. But diplomats fear that would leave the government vulnerable to remnants of the Somalia Islamic Courts Council (SICC) which says it will carry out a guerrilla war after being driven out of Mogadish, the capital, and parts of southern Somalia its fighters had controlled since June. Guns and explosives seized Dinari said government forces searched houses in the northern Arafat area and seized AK-47s, grenades and explosives. He said seven "gangsters" in another area were arrested. "The operations were aimed at improving security in the capital city," he said.
-
TFG continue discussing PEACE with clan leaders President of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia, Abdullahi Yusuf continued meeting and discussing with clan leaders, civil society group and former politicians in Somalia. President Abdullahi met and discussed with the ........ at his presidential palace on way of jointly working in the ongoing effort to maintain peace and security in Somalia. President Abdullahi on the occasion expressed the government’s readiness to engage and closely work with leaders of various clans, religious leaders and civil society in the country. The president also lauded the decision of the ........ to jointly work with the government and the moral support it provided for the TFG so far. The president on the occasion requested members of the sub-clan to further enhance their participation on the ongoing efforts to restore peace and security in the country. Leader of the , Dr. Mohammed Faraha Jemahale on his part said peace and stability are the top most priority needs of the Somali people. Dr. Mohammed affirmed his clan’s readiness to jointly work with the TFG in the process of forming administrative bodies at 16 administrations in all parts of the country. Dr. Mohammed stated that the sub-clan will soon disarm and merge its 1,500 militias with the national army and police forces in the country. All war lords in Mogadishu on Friday signed an agreement with the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia to disarm their militia and work with the TFG. The agreement was signed after TFG President Abdullahi Yusuf and the Prime Minister Ali Mohammed Gedi met and discussed with the war lords in Mogadishu. TFG Spokesman Abdurrahman Dinari told Ethiopian journalists in Mogadishu on Friday that eleven war lords have reached an agreement with the TFG to disarm their militia and handover ammunitions, battle wagons and other artilleries to the TFG forces. The war lords have also set up a committee of 12 members that will facilitate the disarmament process, the TFG spokesman said. The TFG has also agreed to recruit and reintegrate the disarmed militias with the national army and police force in the future, Dinari said.
-
Hub ururin ka socota Muqdisho 14 Jan 14, 2007, 07:08 Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia ayaa howlgal ay saakay ka fuliyeen qeybo ka mid mid ah magaalada Muqdisho waxay kusoo qabqabteen Qoryo gacmeedyo isugu jira AK-47, BKM (Daba-Jeex), RBG (Baasuuke) iyo waxyaabaha qarxa ee Bambooyinka. Afhayeenka Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ay howlgal ay saakay ka bilabeen xafaddaha Yaqshiid, Suuqa Xoolaha, Ceymiska, Waxar Cadde goobo kale iyagoo baaris ku sameeyay guryo gaar ah oo laga shakiyay waxayna soo heleen hub aad u fara badan oo goobo ganacsi iyo guryo gaar ah laga soo helay. Goobaha howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka Carafaat ee ku yaala wadada Warshadaha halkaasi oo labo maalmood ka hor uu ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamada Ethiopia, waxayna ciidamada Dowladda ay ka qaateen ilaa iyo 8 qori oo kala duwan ilaaladii isbitaalka. Ciidanka Ethiopia ayaa sida ay qortey jariidada Telegaraph waxa lagu soo eedeeyay in tacadi u geystaan shacabka Somalida gaar ahaan kuwa ay ku tuhumayaan in ay fikir ahaan ka horjeedaan joogitaankooda gudaha dalka Somalia Howlgalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay qodobada xaalada deg dega ee dalka lagu soo rogay mudo sadax bilood ah. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
Gaadiid Dagaal oo laga helay Masaajid ku yaal Muqdisho Last Updated::2007-01-14 18:34:34 Muqdisho:- Ciidamada DFKMG ayaa maanta la wareegay labo gaari oo nooca Tiknikada loo yaqaan oo ku jiray Masaajid. Ciidamada DFKMG oo ay garab socdaan kuwa Dowlada Itoobiya ayaa maanta baaritaano ku sameeyay dhawr xaafadood oo ku yaal caasimada Muqdisho. Xaafada Waxar Cade oo kamid ah goobihii maanta baaritaanka laga sameeyey ayaa waxaa Masaajid xaafadaasi ku yaal laga dhex helay dayrkiisa labo gaari oo ay saaran yihiin Qoryaha waaweyn ee lidka diyaaradaha. Hubkan ayaa la sheegay in ay laaheeyn Maxaakiimtii ka dhisnaan jiray magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowlada oo hubkaasi la wareegay ayaa sidoo kale gacanta maanta ku dhigay tiro badan oo ah hubka daraandooriga u dhaca iyo Baasuukeyaal. Baaritaankii maanta ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ee laga sameeyo magaalada Muqdisho tan iyo intii ay dhaceen dagaaladii sokeeye. Dowlada Federaalka ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyey oo si bareer ah isugu daya inuu hubka ka aruuriyo ganacsatada iyo shacabka. Waxaana la garan karin in ay qorshahan ku guuleysan doonto DFKMG. Shalay ayuu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharci cusub oo Xaalad deg deg ah oo dalka lagu dhaqi doono muddo 3 bilood ah. sharcigaasi ayaa la sheegay in loo adeegsan doono adkeynta iyo xasilinta guud ahaan dalka Somaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com