General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. AFGOOYE: Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda oo soo gaaray Afgooye kuna soo jeeda Muqdisho Posted to the Web Mar 14, 13:35 Afgooye (PP) – Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda oo aad u fara badan kuwaasoo laga keenay dhanka Ballidoogle. Ilo wareedyo ku sugan Afgooye oo ay Puntlandpost xiriir la sameysay ayaa waxay sheegayaan in ciidammada oo aad u fara badan ay wataan gawaari aad u fara badan oo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa dagaalka, waxaana la sheegay in ciidammadaan ay u soo gudbayaan dhanka Muqdisho. Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in sababta ku hakisay ciidammadaan Afgooye ay tahay iyagoo gaari ka mid ah gawaaridii uu watay uu ku dhacay mooto ay wateen saddex wiil oo dhallinyaro ah, taasoo sababtay in dhallinyaradii la dhigo isbitaalka Degmada Afgooye ayna iyagu ka warhaynayaan xaaladda dhallinyaradaas sida ay noqoto. Dhallinyarada ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo kala duwan oo la sheegay inay ahaayeen kuwo aad u culus, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhaawacyadooda sida ay noqdeen. Dadka ku sugan Degmada Afgooye ayaa ugu sheegay Puntlandpost dhanka qadka Taleefoonka in ciidammadu ay yihiin kuwo aad u feejigan, sidoo kalena ay ka muuqato haybad ciidannimo ayna aad ula yaabeen markii ay arkeen tababarka ay qabaan. Ciidammada ayay dowladdu horay u sheegtay inay ku doonayso inay ku sugto ammaanka Muqdisho oo loo arko inuu yahay midka uug xun guud ahaan Soomaaliya, waxaana sugidda Ammaanka Muqdisho ay dowladdu qabtay muddo hal bil ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  2. Madaxweynaha Puntland oo madaxtooyada ku qaabilay safiirka Masar Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada magaalada Garoowe, wafdi uu hoggaaminayey safiirka dalka Masar ee Soomaaliya. Safiirka dalka Masar, Siciid Mursi, ayaa uga mahad celiyey mas'uuliyiinta Puntland soo dhoweyntii diirranayd ee lagu soo dhoweeyey magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, waxana uu mahadcelin gaar ah u jeediyey madaxweyne Cadde Muuse. Labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo fidin lahaa isla markaasna mac-hadka Al-Azhar al-Shariif loo fidin lahaa loogana hir gelin lahaa gobollada kale ee Puntland, kaas oo haatan ku kooban magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayna wax ka dhigaan macallimiin Masaari ah oo gaareysa 27. Siciid Mursi, ayaa dawlad goboleedka Puntlnad u soo jeediyey in ay dawladda Masar u soo gudbiyaan codsi rasmi ah oo ku aaddan fidinta deeqaha waxbarasho ee ay dawladda Masar siiso Puntland, iyo ballaarinta machadka Al-Azhar, waxana uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in arrintaas si degdeg ah ay dawladda Masar uga jawaabi doonto. Wefdiga Ambasaddor Siciid Maxamed Mursi ayaa ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar gaar ahaa goboladan Puntland. (sawirka: puntlandgov.net) Maxamed Axmed Maxamed (Ilkacase)
  3. ^^^It aint your resturent dear lad, thus think before you write such nonsence.. As for the fake patriotisam and religious fervour, one has come accustomed to it.
  4. ^^^Indeed not a single mortar hit Villa Somalia. They hit the neighbourhood injuring civilians.
  5. ^^^All talk and no action these folks.
  6. ^^^He ran away from Mogadishu rockets but the deputy speaker, minister of interior, deputy defence minister, chief of police, commander of armed forces are all there, oh so is the President. Unlike the clan courts who ran away when the bullets started flying the TFG is in home soil..
  7. USA: Bayaan ka soo baxay Somali American United Council Posted to the Web Mar 13, 17:18 (PP)- SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL, waxay ka abuurantay afkaarta cafimaadka qaba ee bulshadeenna Somaliyeed oo ku nool Waqooyiga Mareykanka, iyadoo ay afkartaasi ku saleysantahay dareen xilkasnimo iyo suaa’lo soo noq-noqday oo ah sidee laysugu soo dhoweyn karaa bulshadeenna Somaliyeed, xiriir sokeeye oo cudur-qabiil iyo dano rakhiis ah ka xoreysan, iyo isla socod joogto ahna looga abuuri karaa, si loo yeesho mar-kasta dareen wada jira ee nabad kuwada nolaansho iyo xiriir wanaagsan ku saleysan oo lala yeesho cid kasta oo ku nool Waqooyiga Mareykanka. Aqoonta bulshada oo kor loo qaadayo, adeegga ay u baahanyihiinna oo si wanaagsan ee hufan loogu fidinayo. Markastana sharciga iyo qanuunka Dalka oo si habsami ah loo ilaalinayo, loona hirgelinayo si horumarin nololeed oo si kasta u ebyan loo helo. Waxaannu kaloo xil gaar ah iska saarnaa adkeynta dhaqanka mujtamaceenna Somaliyeed iyo dhowrista sumcad wanaagga bulshadeennu caanka ku tahay. Waxaa saldhig noo ah Falsafada leh: QARAN IYO QABIIL ISMA QAADI KARAAN EE KALA DHOWRA. Hal ku dhigayagu waa wada Tashi, Cadaalad, Sinaan, Maamul Wanaag, Maamul Wadaag, Isu gar-gaar iyo Is Taakuleyn, Dulqaad iyo Iskaashi Joogto ah; iyadoo wax waliba saldhig iyo asaas looga dhigo Mabdaa’ suuban oo leh: Walaalkaa la Jeclow – Waxa aad Naftaada u Jeceshahay. SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL oo ka dhisan, kana hawlgasha 15 Gobol (States) ee Waqooyiga Mareykanka ayeey xubnohooda iyo Guddiyadood Mamulba si buuxda oo wada jir ah u ayidayaan Shirweynaha DibUheshisiinta Somaliyeed ee bisha April 16-ka ku qabsami doona Magaala-madaxda Xamar. Waxaannu raalli ka nahay sida hufan ee sinnaanta ku saleysan ee Dawladda KMG-ka ah u qaybisay kasoo-jeedka ergooyinka la filayo in ay ka qaybqataan Shirweynaha.Waxay nagula muqataa in Shirweynaha Nabadeed uu horseed u noqon doono Dib U Uheshisiin dhab ah ee dhex marta Bulshaweynta Somaliyeed, waxayna abuuri dontaa nabad waarta iyo xal laga wada raalli yahay, oo laga gaaro dhibaatooyinkii ka abuurmay dagaallada eheliga ahaa ee 16kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaanu ayidaynaa qoraalka kasoo baxay Xukuumadda Federaaliga KMG ee Somaliyeed oo summadeedu tahay WDXJ/105/2007, tariikhdeeduna ahayd March 1.07; ujeedadeenu ahayd Somali National Reconciliation Congress. Waxaannu ballan ku qaadeynaa in aanu si xalaal ah ee hufan uga hawlgeli doonno xilkaas adag ee nalaku aaminay, hab-maamuskiisana saldhig uga dhigi doonno Falsafadda SAUC ee kor ku cad iyo Mabaadida suuban ee aannu aaminsanahay. Waxaannu ka mahad-naqynaa kalsoonida nala siiyay, waxaanuna ku ballan qaadeynaa hufnaan iyo cadaalad ku saleysan dareen Somaalinimo iyo Qaranimo. Go’aan Mideysan ee kasoo baxay SAUC E-mail: kraf_ahmed@yahoo.com Daabacaada: Puntlandpost.com
  8. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah dadka dhintay uu ahaa cunug yar. :mad: Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah oo isbitaalada la dhigay. Villa Somaliya ayaa ayadu la sheegay in aysan cidina wax ku noqon kadib markii lala waayey hoobiyaashii loo waday xili ay halkaasi ka socdeen kulamo uu Madaxweynaha la lahaa siyaasiyiin kala gedisan. Madaafiicdan ayaa sidoo kale burburiyey ugu yaraan hal gaari oo shibil ah oo dadkii ay saarnaayeen ku dhaawacmeen. source
  9. ^^Update on the story, allot of noise but only civilians hurt by the actions of these groups. Hoobiyaal lagu weeraray Villa Soomaaliya ee Magalada Muqdisho Last Updated::2007-03-13 22:40:17 Muqdisho:- Madaafiic ayaa lagu weeraray xarunta Villa Soomaliya ayadoo Qaraxyo kala duwan iyo dhawaqa madaafiicda laga maqlaya agagaarka madaxtooyada xili Madaxweynaha DF uu ku sugan yahay Villa Soomaaliya. Weeraradan ayay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux oo rayid ah kadib markii madaafiicdan ay ku dhaceen meel ka baxsan Villa Soomaliya. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah dadka dhintay uu ahaa cunug yar. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah oo isbitaalada la dhigay. Villa Somaliya ayaa ayadu la sheegay in aysan cidina wax ku noqon kadib markii lala waayey hoobiyaashii loo waday xili ay halkaasi ka socdeen kulamo uu Madaxweynaha la lahaa +siyaasiyiin kala gedisan. Madaafiicdan ayaa sidoo kale burburiyey ugu yaraan hal gaari oo shibil ah oo dadkii ay saarnaayeen ku dhaawacmeen. Ciidamada Dowlada ayaa dhinacoodana uga jawaabay rasaas xoog badan oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic. HorseedNet.com
  10. Safiirka Masar ee waddanka Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyey Qardho Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey safiirka waddanka Masar ee Soomaaliya, Siciid Mursi. Safiirka ay la socdaan wafdi Masaari ah ayaa waxaa si diirran u soo dhoweeyey maamulka degmada iyo gobolka Karkaar iyo dadweyne, waxana socdaalkooda ku weheliyey mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland. Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya oo maalintii shalay ka soo degey magaalada Boosaaso ayaa socdaal shan casho qaadan doona ku maraya magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, waxana uu maanta booqday goobo gaar ah sida dugsiga Al-Azhar al-Shariif oo ay 27 macallin oo u dhacay dalka Masar ay wax ka dhigaan kuwaas oo soo dhoweynta dhinacooda kaga jirey, cusbataalka guud ee magaalada Qardho iyo goobo kale oo muhiim ah. Wafdiga uu hoggaaminayo safiirku ayaa lagu wadaa in ay u gudbaan magaalada Garoowe si ay halkaas ugula kulmaan madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi. Maxamed Axmed Maxamed (Ilkacase) SBC Qardho
  11. ^^^Welcome brother and we await your contribution. Taliban aside many clan court supporters have been a bore.
  12. President Yusuf requesting Parliment to relocate cabinet & executive to Mogadishu audio ............... 1. President Yusuf is in Mogadishu's villa Somalia. 2. The "opposition" groups could not prevent him enetering the city nor could they stop, the deputy speaker, the chief of police, the interior minister, the deputy defence minister and others from working inside the capital. 3. The TFG has no real problem other than the weapons in the hands of the public, there is no power in Mogadishu that can stop the TFG. 4. Now people, be prepared for a massive crackdown and kindly no farting when the project starts. No blaming "Xabashi", "Ugandans" or "Puntlanders". Make sure your fighters dont run away.
  13. Xiin, as you can see with stability comes the world to help us get out of this predicament of our own creation. Egypt, Kuwait, Yemen, Algeria and the list goes on and on..But of course our neighbours Kenya and Ethiopia must never be forgotten for the support they have given us.
  14. ^^^Che, the TFG has presented a clear plan, full disarmamanet, peace, return of private property and reconciliation amongst Somali clans. This TFG has built admins led by locals for every region in Somalia, it envisages a federal system which gives priority to local concerns. All the clans of Mogadishu have been briefed many times and that is why the security crackdown has taken so long, because it is being adapted to their needs and wants.
  15. ^^^I am disapointed that you think Plnd cities are little and dusty, but even in Galkacyu his home town there is little pomp & cermony. The welcome today in Mogadishu was warm, much like how hundreds met him in villa Somalia last tine round including A/qasin and other former opponents. Dont beluve the hype, the President himself requested parliment to move his office to Mogadishu..
  16. I am saying rape is rape and a horrible crime, but even if this incident is true, is it the firts time rape has occured. Remmeber the child Samasm Dualeh and how she was treated in Hargaysa, I bet you was in uproar about that.
  17. Che_ A president travelling within the nation needs no pomp and ceromony. As for the TFG not enjoying the support of the population, I doubt it could last a day without the consent of the public. What we have is media war waged by the clan courts supporters and those who have lost much and will lose more when Mogadishu is secured. The casuality levels are not even close TO 5% of what the courts Vs Warlords did to the people, and a few nice words did nothing for the countless over 500 dead in the 4 months urban battles by the Balcad group. The romantic view of the clan courts is all well and good but history will note that they were the occupiers of whole regions as well as private property and got rich from charcoal and scraps and it was this and not faith they fought for and still causing some damage to the people of Somalia.
  18. Boosaaso: Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Boosaaso. 12. Mar, 2007 Boosaaso (AllPuntland)- Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Somaaliya ayaa waxaa booqasho ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Safiirka xukuumadda Masar ee dalka Soomaaliya Siciid Maxamed Muxsin ayaa waxa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland. Safiirkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu u yimid maamul goboleedka Puntland arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay sidii xiriir ganacsi ay u wada samaysan lahaayeen xukuumadda Puntland iyo dawladda Masar. Waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalwad goboleedka Puntland oo uu ka mid yahay madaxwayne Cadde Muuse Xirsi. Warar aannu ka helnay madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ambasadoorkaasi magaalada Boosaso ay ku qaabileen saraakiil ka tirsan madaxda dawlad goboleedka Puntland. Waa markii ugu horaysay oo sarkaal heerkaasi gaarsiisan oo ka socda wadamada Carabta uu yimaado maamul goboleedka Puntland. Illaa iyo hadda lama sheegin inta ay qaadanayso booqashada mas`uulkaasi. Mahad Jama Koronto AllPuntland Related Articles
  19. ^^^Mogadishu is not that of a big obsticle, it seems amazing to some but that shell of the old once beautiful city needs the warrior to restore order and give the people of Somalia a chance. Those who made it into a graveyard are just crying, much like how you used to hope that Baidoa would be the TFG hrave yard, now all you hope is what? That Shirkoole or KM-4 be the last stand? It will be the last stand for your clan day dreams saxib. Anyhow the order is coming, just be patient..
  20. Wafti ka socda Masar oo gaarey PL 12 Mar 12, 2007 - 6:10:57 AM Safiirka dalka Masar ee Somalia iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa abaarihii 11:55 duhurnimo ee maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Safiirka iyo waftiga la socday ayaa si weyn waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse oo kasoo baxay magaalada Qardho markii ay waftigaasi imaanayeen magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray labo saac kadib Boosaaso. Cadde Muuse ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay waftiga uu hogaamiyay Sariika dowlada Masar ee dalka Somalia, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasada Somalia. Waftigaan ayaa la sheegay ujeedada socdaalkoosa inay ugu waa weyn yihiin sidii ay Puntland kala saxiixan lahaayeen sida la xaqiijiyay ganacsi kua adan xoolaha nool oo ay Puntand u dhoofin doonto dalka Masar. Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo wafti ka socda Safaarada Masar ee dalka Somalia ay soo gaaraan maamul goboleedka Puntland. Cabdi Fatax Axmad,GO