General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^The TFG brought the world of clan courts & warlords crashing down and this in the end will be the legacy it has given to the people of Mogadishu. Today thanks to the TFG, all Somali's have a renewd hope of taking back their country, their capital and their lost gignity back from the ignorant, fake, selfish warlords, scrap merchants, and clan courts. The clan clowns, charcoal & scrap merchants, those who burned the Somali flag in Kismayu and while pretending to be religious occupied whole regions did no favour for Somalia. The warlords who maimed, killed and did not allow the creation of a functioning admin even for Mogadishu did no favours for Somalia. The TFG has created a new national army, police and other security apparatus, it has put in place adminstrations run by locals in every region apart from Lower Shabbele which will be announced soon. The TFG has given the unarmed clans a voice, they are represented like never before as equals.. Minister Mowlid Macane, General Naji, General C/Lahi Ali Omar and many more now represent those who did not have a voice in the clan courts, warlord movements.. They have done allot, but of course the clowns, mortar experts will get all the headlines..
  2. Afhayeenka madaxtooyada: "Waa la ogyahay in dalka ay ka jiraan dad fidno wadayaal ah oo doonaya in dalka uusan ka dhalan wax dow Ciidanka cidii awood u isticmaasho dabcan ciidanka dowlada awood ayay isaga cabin doonaan, cidii la shaqeysana waa soo dhoweynayaan" sidaas waxaa yiri Mudane Xuseen Maxamed Maxamuud, afhayeenka madaxtooyada dowlada federaalka Soomaaliyeed, ahna ku simaha afhayeenka xafiiska ra'iisal wasaaraha. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada tababarka soo dhameystay oo qaarkood shalay soo gaarey magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan hub ka dhigista iyo nabadeynta magaalada Muqdisho. "16-sano ayaa loo bartay in hub si gaar ah iyo maleeshiyaad guryaha lagu geysto, mana aqbaleyno, in hub lagu dhex heysto magaalada Muqdisho, cid ku dhex heysaneysana ma jirto" ayuu yiri Afhayeenka. "Waa la ogyahay in dalka ay ka jiraan dad fidno wadayaal ah oo doonaya in dalka uusan ka dhalan wax dowlad ah, waxbaana laga qabanayaa dadkaasi" ayuu hadalkiisa sii raaciyay. "Waxaa socda wadahadalo iyo wacyi gelin, dabcan weji kasta oo hubka lagu dhigi karo, laguna nabadeyn karo magaalada dowlada wey qaadeysaa" ayuu yiri Afhayeenka. Hub ka dhigista ciidanka dowlada ayaa sameynaya, guri guri ayayna u geli doonaan guryaha magaalada Muqdisho, ciidamada dowlada waxay ahaan jireen looma fiirinayee waxaa loo fiirinayaa waxa ay hadda yihiin, waana ciidan qaran…" ayuu yiri Afhayeenka. Mataan Gaaboow Muqdisho
  3. ^^^Puntland is a state within the Somali Federal republic, it has troops like many other regions contributing to safe gaurd their country and their capital. Thus hiding behind Puntland makes no sense, Mogadishu belongs to all Somali's and the TFG troops represent all Somali's, those killing and maiming Mogadishu residents and who want to bomb the airport & port will not be given a free pass to continue with their activities of old.
  4. Taliban, one can sense the frustration of your words. The clan courts fake "insurgency" which is now only based in a very narrow area of Mogadishu is running out of steam. Of course the media war will continue even afte all of them are rooted out of the city. The TFG has many other troops undergoing training and who soon will be sent across the country.. So far all you guys have is hot air.
  5. Press conference by deputy Minister for defence.. audio
  6. Somali envoy reveals Mogadishu peace plan GRAND PEACE PLAN: Mr Guleed speaks to Daily Monitor yesterday. Photo by W. w'Ouma FRANK NYAKAIRU KAMPALA African Union peacekeeping forces and the Somali Transitional Federal Government have embarked on an ambitious six-month plan to restore peace in the capital Mogadishu, the Somali Charge d'Affairs to Uganda has revealed. Ambassador Abdulkadir Farah Guleed told Daily Monitor in an interview yesterday that the plan includes deploying the African Union (AU) troops and three battalions of the Transitional Federal Government (TFG) forces in the city, sea patrols, coast guards and a forceful disarmament drive. "We have a grand plan at the end of which we shall see lasting peace in Mogadishu," he said. "The plan will include deploying three battalions in Mogadishu city alone, then ensuring that every single junction has a roadblock. "We are also training coast guards to man the waters because the extremists mainly use the sea to smuggle arms and bomb-making materials." Tight sea patrols are already boosted by the US Navy that has maintained heavy presence in the Indian Ocean. Mogadishu is a densely populated city with mostly dilapidated buildings and tin shacks where most of its two million people live. Ambassador Guleed said 300 families will be relocated from the Sea Port, Mogadishu Airport and the former State House where President Abdullahi Yusuf and his federal government delegation will relocate in two months. About 1,500 UPDF troops under the AU peacekeeping mission in Somalia are stationed at Mogadishu as part of a multinational force of 8,000 troops. "With the help of the AU forces, we will embark on a house-to-house cordon and search operation to recover some of the guns in Mogadishu," Mr Guleed said The Ugandan troops have already faced three attacks since they deployed last week.
  7. Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa'id kaga hadlay arrimo fara badan Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya, Salaad Cali Jeelle ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho shirkaas oo uu kaga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xaaladda ammaanka iyo diyaarad dhowaan dab ku qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Mr Jeelle ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dawladdu ay magaalada Muqdisho ka bilaabi doonto hawlgal aad u baaxad weyn oo lagu sugayo ammaanka lagagana hor tegayo falalka lidka ku ah amniga, hawlgalkaas oo uu sheegay in muddo bil gudaheed ah lagu soo afjaro amni xumada ka jirta magaalada caasimadda ah, si loo difaaco dadweynaha rayidka ah. Wuxuuna xusay in tilaabada ugu horeysa ay noqon doonto in magaalada laga nadiifiyo hubka lagu dhex wato kadibna loo gudbo dhinaca kale ee xoojinta amniga. Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in hawshan looga fadhiyo in ay soo afjaraan inta aan la gaarin 16ka bisha April xiligaasi oo uu Madaxweynaha Soomaaliya qabtay in shirka dib u heshiisiinta beelaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Mar uu kahadlayey diyaarad howaan uu dab ku qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in arrintaasi ay ahayd mid farsamo haddii ay sidaas ka beddelan tahay oo ay dhacdadaasi ahayd weerarna uu khasaaruhu intaas ka badnaan lahaa. Salaad waxuu sheegay in xiligaan Dowlada ay u gudubtay inay sugto amniga ayna diyaarsan yihiin qorshe balaaran oo amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia lagu sugayo, isla markaasna laga gudbey la dagaallanka argagixisada. Axmed Aar SBC Boosaaso
  8. MUQDISHO: Salaad Cali Jeelle: "Dowladda si dhaqso badan ayay u sugaysaa Ammaanka Muqdisho" Posted to the Web Mar 11, 12:55 Muqdisho (PP) – Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ammaankeeda wax weyn laga badalayo maalmaha soo socda. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaalyia oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso inay si deg-deg ah wax uga qabato ammaanka Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ciidammadii sugi lahaa caasimadda loo soo xiray tababarkoodii ay howlahooda ku gudan lahaayeen. “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u xaqiijinaynaa in dowladda Soomaailya ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka Muqdisho, waxaana dhawaan la arki doonaan Muqdisho oo nabad ah, dhibaatana aysan ka dhicin” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo intaas ku daray: “Wax walba waa u dhameystiran yihiin ciidammada Ammaanka sugaya, mana dhacayso in Muqdisho ay ku sii jirto dhibaatadii hore oo kale” ayuu yiri Jeelle. Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn carrabka ugu adkeeyay in Garoonka diyaaradaha ammaankiisa uu yahay mid wanaagsan wax dhibaato ahna aysan ka jirin, wuxuuna yiri: “Waxa aan caddeynayno waa midda aad u jeeddaan ee ah ammaanka ka jira Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho”. Hadalka Jeelle ee ku aaddan Garoonka ayaa yimid kaddib markii dhawaan diyaarad ay lahayd Dowladda Algeria ay qarax kala kulantay garoonka markii ay k soo dagtay, waxaase uu yiri Jeelle oo ka hadlayay diyaaradda: “Ma jirto cid dhibaato u geystay diyaaradda, balse waa qarax iyada ka dhashay, waxaana si weyn aan u beeninayaa wararka ay sii daayaan Argagaxisada ee sheegaya inay iyagu ka dambeeyeen qaraxa diyaaradda”. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay sidoo kale in diyaaradda aysan qabin wax dhibaato ayna dib ugu laabanayso dalkeedii. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  9. Ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka oo Tababarka Loo Xirey oo Soo Gaarey Magaalada Muqdisho: 03/10/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Ciidamada Dowlladda Federaalka oo tababar ku qaadanaayey Goroonka Balli-Dooglle ayaa shaley waxaa tababarka u xirey Ra’iisulwasaaraha DFKMGS iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowlladda iyo Saraakiisha Ciidmada. Ciidamadan oo tababar qaadanaayey muddo 2 bilood ah ayaa shaley loo xirey Leyliga militeri ee ay qaadanaayeen. Xoogagagn oo tiradooda lagu qiyaasey 6,000 – 9,000 ayaa waxaa isla shaley loo qeybiyey dharkooda meliteri iyo hubkooda, waxaana wejiga hore ee ciidamadaas loo soo qaadey magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradooda gaareysao illaa 4,500 askeri, waxaana la dejiyey halka loo yiqaanno xoosh oo magaalada ka yara baxsan. Ciidamadan ayaa waxaa la xaqiijiyey in saacadaha soo socda ka howl billaabi doona isgoysyada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa loo kala qeybin doonaa meelaha ay amaandaridu ka jirto ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo soo gelidooda la hadal hayey dhowaanahan ayaa waxay door weyn ka qaadan doonaan sugidda amaanka magaalada Muqdisho oo faraha ka baxey. Dhinaca kale waxaa Koonfurta Muqdisho ka socda abaabul weyn oo ay sammeeyanayaan kooxaha ku kacsan Dowlladda iyo qabaa’illada halkaas ku badan, kuwaas oo isu diyaarinaya inay la dagaallamaan ciidamada Dowlladda ee amaanka sugaya. Waxaa la xaqiijiyey laga billaabo xaafadda KPP(Kaso Popolare), Xaafadda Xerooyinka Dowlladda, Jidka Soddonka, Shiirkolo Offishaale illaa Suuqa Xoolaha waxaa ka socda diyaargorowga ugu dambeeya. Dhjinaca Dowlladda inkasta oo warbixin rasmi ah aan laga haynin misana waxaa caddaan ah inuu jirayo howlgallo weyn oo lagu sifeeynaayo magaalada Muqdisho; la arki doonee halka ay ku dambeyso. Diayaarad xamuul ah oo ay iska leeyihiin waddamada Afrikaanka ee soo daabulaayey Ciidmada Yugaandha ayaa saaka waxay soo caga dhigatey iyadoo Qiiq ka baxayo,waxaana halkaas ka soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sida ay wax u gareen diyaaraddaas. Qaar ka tirsan kooxaha ku kacsan dowlladda ayaa sheeganaya inay iyagu wax gaarsiyeen diyaaraddaas, hase yeeshee markii aan la xirirrey saraakiisha Ciidamada Dowlladda ee ku sugan Goroonka Diyaaradaha ayaa sheegaya in diyaaradda dhaxdeeda uu qarax ka dhashey, iyadoo loo maleynaayo walaxaha qarxa ee Ciidmadu isticmaalaan ay ku qarxeen markii ay soo cagadhiganeysey. Sidoo kale Sarkaal ka tirsanm Ciidmada Ethiopia ee ku sugan Goroonka Diyaaradaha oo khadka taleefoonka ku weydinney waxa diyaaraddaas gubey ayaa noo sheegey inay diyaaraddu markii ay soo cagadhiganeysey ay gudaheeda wax ka qarxeen, iyadoo aan la garanin wax qarxey waxa ay yihiin laakiin waxaa la sheegey inay siddey ciidamo iyo qalabkooda Meliteri. Waxaana diyaaradda markiiba u gurmadey Baabuurta dab damiska ee ku sugan Goroonka magaalada muqdisho,waxaana markiiba laga soo saarey dadkii saarnaa diyaaradda, kuwaas oo iyagoo bad qaba oo aysan waxba gaarin dhulka soo gaarey, sida uu sarkaalkaas noo sheegey, ugu dambeyntiina waxaa lagu guuleystey in la Qaboojiyo Diyaaradda. Ugu dambeyntii waxaa la xaqiijiyey in diyaaradda wax hub ah oo ku qarxey aysan jirin, hase yeeshee uu matoorkeedu kululaadey,qalabkeeda korontada istaabtey darteed uu qiiq ka baxey, waxaana markiiba lagu guuleystey in la qaboojiyo matoorka, Bayloodka diyaaradda oo la weydiyey xaaladda Diyaaradda ayaa sheegey inay diyaaradiisu bad qabto, ayna sii wadan karto Duulimaadkeeda. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  10. ^^^No clan is armed to the teeth dear lad. The militias of Mogadishu will be incorporated into the armed forces some have even completed their training already and have arrived today, all the police of Mogadishu are locals and thus disarming the businessmen, local militia and freelance groups is in the best interest of everyone. No clan should retain arms outside the governemnt that goes for all.
  11. Ciidamo Cusub oo Muqdisho oo soo gaaray iyo Isku dhac keenay Dhaawac Last Updated::2007-03-10 14:58:14 Muqdisho:- Labo Askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray Ciidamo cusub oo ah kuwa Militariga oo Muqdisho soo gaaray iyo Ciidamada Booliiska. Isku dhacan ayaa dhacay kadib saaka waaberigii ay si kadis ah usoo gaareen ciidamo Badan oo Militari ah kuwaasi oo ka yimid dhinaca Balidoogle oo shalay loogu soo xiray Tababaro. Ciidamadan oo aan horey loo shaacin imaanshahooda Muqdisho ayaa waxaa ka shakiyey ciidamada Booliiska ee ku sugnaa saldhiga Galbeed ee magaalada Muqdisho ayadoo halkaasi iska horimaad ka dhacay. Ciidamada Booliiska ayaa rasaas huwiyey ciidamadii halkaasi kusoo qul qulayey ayagoo u maleeyey ciidamo weerar ku ah. Iska horimaadkan ayaa socday 5 daqiiqo ayadoo isla markiiba xiriir dhexmaray labada dhinac ay isku fahmeen in ay kawada tirsan yihiin ciidamada Dowlada. Xaalada ayaa hada degan ayadoo la sheegay in labo askari ay xabadahii halkaasi ka dhacay ay ku dhaawacmeen. Ciidamo Gaaraya 4000 oo askari ayaa shalay tababaro loogu soo xiray Xerada militariga ee Balidoogle ciidamadan oo ah kuwa kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan hawlagalada magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa la fileyn in ay sidan deg degta ah kusoo gaaraan Muqdisho ayadoo aan horey loo sii shaacin imaanshahooda, arrinataasi oo loo aaneenayo sida aysan Booliiska ulla socon dhaq dhaqaaqa militari ee Dowlada. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  12. lol. The clan courts did not even create an admin for Mogadishu let alone built it up. Kindly stop with the baseless lies, the TFG has put the admin in place all of the 16 districts has its own admin, the police stations are open and so is the central prison. The remainder of the clan courts are bombing and killing and trying to undermine the security, they will be dealt with as their forces have been in crushed in the battle fields their operatives in Mogadishu will be rooted out insha Allah..
  13. Dowladda KMG ah oo 4000 oo Askari kusoo fasaxday Muqdisho si ay amniga u sugaan. Mogadishu Sabti, March 10, 2007 Simba Radio. Ciidamadii shalay Dowladda KMG ah ee Somalia ay tababarka ugu soo geba gebeysa xerada Balidoogle, ayaa maanta soo galay Magaalada Muqdisho, iyaga oo bilaabaya howl gal lagu sugayo amniga Magaalada. Illaa Afar kun oo askari oo ka kooban saddex guuto, oo ah ciidamo ay shalay DF tababar usoo geba gebeysa, ayaa Magaalada Muqdisho kasoo galay labaada dhinaca ee Afgooye iyo Balcad, iyaga oo ku hubeysan noocyada kala duwan ee qoryaha iyo gawaarida dagaalka. Dhinaca Degmada Afgooye, ayaa waxaa kasoo galay in ka badan Afartan gawaarida Dagalaka ah oo ay ciidamadaasi saaran yihiin, ayada oo dhanka Balcad ay kasoo gudbeen tiro gawaari dagaal oo kuwaasi ku dhow, sida ay Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia u xaqiijiyeen Idaacadad Simba. Ciidamadan, ayaa waxa ay bilaabi doonaan howl gal ballaaran oo lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo ahaa mid faraha kasii baxayay wixii ka dambeeyay markii gacan ku heynta Magaalada lagala wareegay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed. Dowladda KMG ah ee Somalia , ayaa wajaheysay eedeymo ka dhan ah oo ku saabsan inay ku guul darreystay in yareyso Rabshadaha ka socda Magaalada, ayada oo tallaabadan iminka lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho ay soo dhoweeyeen dad weynaha Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Somalia Salaad Cali Jeelle, ayaa horey Idaacadda Simba ugu sheegay in Dowladda KMG ah ee Somalia ay ka go'an tahay in amniga Magalaada Muqdisho gacanta ku dhigto ka hor 16-kii April xilligaaasi oo la qabanayo Shirka dib u heshiisiinta qaran. Ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdsiho iyo kuwa Ethiopian-ka ah, ayaa sidoo kale lagu wadaa in Ciidamada Dowladda ay ku gacan siiyaan sugidda amniga Magaalada xarunta ah. Simba Media Center, Muqdisho Somalia Email: simba@simbanews.com
  14. Ciidammadii dowladda ee tababarka loo soo xiray oo soo gaaray Magaalada Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 10/03/07 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaartay ku dhawaad 3-Guuto oo ah ciidammadii dowladda ee tababarka shalay loogu soo xiray Deegaanka Balli-doogle Balli-doogle. Waxay ka soo galeen ciidammadaan laba af oo kala ah waddada waqooyi iyo midda koonfureed ee Muqdisho kaga baxa dhinacyada gobollada Waqooyi iyo Midda Koonfureed. Ku dhawaad 2-kun oo Askari ayaa ka soo galay dhanka Degmada Balacd ayaa la sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii loo sugi lahaa nabadda Magaalada Muqdisho, waxaana laga doonayaan inay sugaan Nabadda Muqdisho ka hor 16-ka April ee sannadkaan. Sidoo kale dhanka Degmada Afgooye oo Muqdisho kaga beegan dhanka Koonfureed ayaa waxaa ka soo galay ku dhawaad 2-kun oo kale oo ka tirsan ciidammada dowladda, waxaana qayb ay ka yihiin ciidammada sugaya Nabadda Muqdisho. Ciidammadaan intaas gaaraya ayaa waxay gacan siinayaan kuwa nabad ilaalinta ah ee ka socda Afrikaanka, waxaana ka go’an inay nabadda Muqdisho ka dhigaan mid ka wanaagsan sida ay hadda tahay. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:002521-5573321
  15. ^^^"Clan wars", "looming clan genocide", "regional war, insurgency", "Baidoa the new Baghdad" all false statements with the aim of distorting the reality on the ground. The AU troops take allot of pressure of the TFG and give it time to train its forces and disarm the population.
  16. Muqdisho: Ciidamo aad u hubeysan oo tababar ugu soo gabagaboobay Bali-doogle oo maanta Muqdisho kasoo Galay Laba Jiho Muqdisho(Abaaqaroow)- Ciidamadii shalay ay dowladda KMG ah ee Somaaliya tababarka ugu soo geba gebeysay xerada Balidoogle ayaa maanta soo galay magaalada Muqdisho, iyaga oo bilaabaya howl gal lagu sugayo ammaanka Muqdisho Ciidamo ka kooban sadex guuto oo gaaraya afar kun oo askari ayaa maanta si rasmiya u soo galay magaalada Muqdisho ,Si ay uga qeyb qaataan howlaha Lagu sugayo amaanka ee ay Dowlada Fadaraalka ka wado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Ciidamadan ayaa sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowlada fadaraalka waxa ay Muqdisho Kasoo galeen laba dhinac oo kala ah Afgooye iyo Balcad. In ku dhaw 50 gaadiidka dagaalka oo iskugu jira gaadiidka waaweyn iyo kuwa yaryar ayaa ka soo galay dhinaca Afgooye Iyadoo dhinaca Balcadna ay ka soo gudbeen gaadiid dagaal oo aad u badan.Labada dhinacba Ciidamadaa waxaa siweyn u soo dhaweynayay bulshada qeybaheeda kala duwan iyaga oo u riyaaqsan ciidamadaasi. Ciidamadan ayaa waxa ay ku hubeysan yihiin hubka nuucyadiisa kala duwan sida hubka fud-fudud iyo kan culus iyo gaadiidka dagaalka. Ciidamada maanta soo galay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka yihiin ciidamo shalay xerada Bali-doogle Ra'isul wasaare Cali Maxamad Geedi uu u soo gabagabeeyay Tabar Muda u soconayay. Mataan Gaaboow Muqudisho Abaaqaroow.com Wii waal
  17. ^^^Rome was not built in a day.. Thus the security situation is being addressed. With the arrival of the AU troops & Somali TFG forces in Mogadishu things are changing. As for the friendly fire, well even the most sophisticated nations suffer from this problem. Day by day, all security problems are being addressed.
  18. Balanqaadkii Dowlada Uganda ee gaaraya 1500-askari oo dhammaantood la soo gaarsiiyay Muqdisho Ciidammada Nabad ilaalinta ahaa ee ka socday dalka Uganda ee ka midka ah 8-kun ee Midowga Afrika uu ugu talogalay in nabadda Soomaaliya ay ka shaqeeyaan ayaa dhammaantood la soo gaarsiiyay gudaha dalka Soomaaliya. Ciidammada Uganda oo gaaraya ku dhawaad 1500-askari ayaa waxay soo gaareen gudaha Soomaaliya, waxayna dhammanatood ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho iyadoo la dajiyay goobo ay ka mid yihiin Xalane iyo Iskoolkii hore ee Booliiska Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ciidammada Uganda ay qayb ka yihiin ciidammada loogu talogalay inay sugaan ammaanka Muqdisho iyagoo kaashanaya kuwo Soomaali ah. "Ciidammada Uganda ee loo soo diray Soomaaliya waxay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, iyagoo aan weli billaabin howlahooda, waxaase u dhan qalabkoodii ay ku howlgeli lahaayeen, dib ayaana ka sheegaynaa goobaha sida rasmiga ah loo dajin doono" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle. Ciidammada Uganda ee gaaraya 1500-askari ayaa waxay qayb ka yihiin ciidammo Nabad ilaalin ahaan loogu soo diray gudaha Soomaaliya si ay qayb uga qaataan xasilinta ammaanka Muqdisho oo la sheegay inuu yahay midka ugu xun Soomaaliya iyo qaybaha kale ee dalka. olol news desk
  19. Top Commander of the Somali armed forces. General Abdullahi Ali Omar interview.. audio Abaanduulaha ciidamada Xooga Dalka oo shaaca ka qaaday in ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka Muqdisho.
  20. ^^^Of course brother one provides images as evidance and another nothing but empty words..
  21. Dowladda KMG ah oo 4000 oo Askari kusoo fasaxday Muqdisho si ay amniga u sugaan. March 10. 2007 Radiofreesomalia.com Ciidamadii shalay Dowladda KMG ah ee Somalia ay tababarka ugu soo geba gebeysa xerada Balidoogle, ayaa maanta soo galay Magaalada Muqdisho, iyaga oo bilaabaya howl gal lagu sugayo amniga Magaalada. Illaa Afar kun oo askari oo ka kooban saddex guuto, oo ah ciidamo ay shalay DF tababar usoo geba gebeysa, ayaa Magaalada Muqdisho kasoo galay labaada dhinaca ee Afgooye iyo Balcad, iyaga oo ku hubeysan noocyada kala duwan ee qoryaha iyo gawaarida dagaalka. Dhinaca Degmada Afgooye, ayaa waxaa kasoo galay in ka badan Afartan gawaarida Dagalaka ah oo ay ciidamadaasi saaran yihiin, ayada oo dhanka Balcad ay kasoo gudbeen tiro gawaari dagaal oo kuwaasi ku dhow, sida ay Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia u xaqiijiyeen Radiofreesomalia. Ciidamadan, ayaa waxa ay bilaabi doonaan howl gal ballaaran oo lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo ahaa mid faraha kasii baxayay wixii ka dambeeyay markii gacan ku heynta Magaalada lagala wareegay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed. Dowladda KMG ah ee Somalia , ayaa wajaheysay eedeymo ka dhan ah oo ku saabsan inay ku guul darreystay in yareyso Rabshadaha ka socda Magaalada, ayada oo tallaabadan iminka lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho ay soo dhoweeyeen dad weynaha Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Somalia Salaad Cali Jeelle, ayaa horey Idaacadda Simba ugu sheegay in Dowladda KMG ah ee Somalia ay ka go'an tahay in amniga Magalaada Muqdisho gacanta ku dhigto ka hor 16-kii April xilligaaasi oo la qabanayo Shirka dib u heshiisiinta qaran. Ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdsiho iyo kuwa Ethiopian-ka ah, ayaa sidoo kale lagu wadaa in Ciidamada Dowladda ay ku gacan siiyaan sugidda amniga Magaalada xarunta ah.
  22. Muqdisho: Ciidamo aad u hubeysan oo tababar ugu soo gabagaboobay Bali-doogle oo maanta Muqdisho kasoo Galay Laba Jiho 10. Mar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamadii shalay ay dowladda KMG ah ee Somaaliya tababarka ugu soo geba gebeysay xerada Balidoogle ayaa maanta soo galay magaalada Muqdisho, iyaga oo bilaabaya howl gal lagu sugayo ammaanka Muqdisho Ciidamo ka kooban sadex guuto oo gaaraya afar kun oo askari ayaa maanta si rasmiya u soo galay magaalada Muqdisho ,Si ay uga qeyb qaataan howlaha Lagu sugayo amaanka ee ay Dowlada Fadaraalka ka wado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Ciidamadan ayaa sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowlada fadaraalka waxa ay Muqdisho Kasoo galeen laba dhinac oo kala ah Afgooye iyo Balcad. In ku dhaw 50 gaadiidka dagaalka oo iskugu jira gaadiidka waaweyn iyo kuwa yaryar ayaa ka soo galay dhinaca Afgooye Iyadoo dhinaca Balcadna ay ka soo gudbeen gaadiid dagaal oo aad u badan.Labada dhinacba Ciidamadaa waxaa siweyn u soo dhaweynayay bulshada qeybaheeda kala duwan iyaga oo u riyaaqsan ciidamadaasi. Ciidamadan ayaa waxa ay ku hubeysan yihiin hubka nuucyadiisa kala duwan sida hubka fud-fudud iyo kan culus iyo gaadiidka dagaalka. Ciidamada maanta soo galay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka yihiin ciidamo shalay xerada Bali-doogle Ra'isul wasaare Cali Maxamad Geedi uu u soo gabagabeeyay Tabar Muda u soconayay. Dowladda Fadaraalka ayaa horay u sheegtay in amaanka gobalka Banaadir wax weeyn ay kaqabandoonto kadib markii Muqdisho ay ka soo cusboonaadeen kooxo xaafadaha wax ka tuurayo taasi oo markii dambana keentay in bulshada xaafadaha ay iska ceyriyaan iyaga oo la shaqeynaya ciidamada Dowlada iyo kuwa taageeraya ee Itoobiya. C/satar D Sabiriye AllPuntland Muqdisho
  23. MUQDISHO: Ciidammadii tababarka loogu soo xiray Balli-doogle oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Posted to the Web Mar 10, 12:10 Muqdisho (PP) – Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ku dhawaad 4-kun oo ka tirsan Ciidammada Dowladda oo shalay tababarka loogu soo xiray Saldhigga Ciidammada Cirka ee Balli-doogle. Ciidammadaan ayaa ka soo galay Muqdisho labada waddo ee dhanka Koonfureed iyo midda dhanka Waqooyi, waxaana cidammadaan ay wataan gawaarida dagaalka oo aad u fara badan. Ciidammada ka soo galay dhanka Degmada Afgooye ayaa la sheegay inay ahaayeen ku dhawaad 2-kun oo Askari oo la sheegay inay sugayaan ammaanka Muqdisho, waxayna wataan ku dhawaad 40-gawaarida dagaalka ah. Sidoo kale ciidammada iyaguna ka soo galay dhanka Degmada Balacd ee Waqooyi ka xigta Muqdsiho ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan 2-kun oo kale oo wata iyaguna ku dhawaad 45-gawaarida dagaalka ah, waxaana lagu wadaa inay Muqdisho nabaddeeda sugaan inta aan la gaarin 16-ka bisha April ee sannadkaan oo lagu ballansan yahay in shirka dib u heshiinta Qaran lagu qabto Muqdisho. Ilo wareedyo ku dhow-dhow dowladda ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan lagu wado inay la kaashadaan sugidda ammaanka Muqdisho ciidammada Nabad ilaalinta Afirkaanka ah ee soo gaaray Muqdisho oo ay ugu horreeyaan Ugandese-ka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  24. ^^^Saxib that made no sense to me at all. MUQDISHO: Ciidammadii tababarka loogu soo xiray Balli-doogle oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Posted to the Web Mar 10, 12:10 Muqdisho (PP) – Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ku dhawaad 4-kun oo ka tirsan Ciidammada Dowladda oo shalay tababarka loogu soo xiray Saldhigga Ciidammada Cirka ee Balli-doogle. Ciidammadaan ayaa ka soo galay Muqdisho labada waddo ee dhanka Koonfureed iyo midda dhanka Waqooyi, waxaana cidammadaan ay wataan gawaarida dagaalka oo aad u fara badan. Ciidammada ka soo galay dhanka Degmada Afgooye ayaa la sheegay inay ahaayeen ku dhawaad 2-kun oo Askari oo la sheegay inay sugayaan ammaanka Muqdisho, waxayna wataan ku dhawaad 40-gawaarida dagaalka ah. Sidoo kale ciidammada iyaguna ka soo galay dhanka Degmada Balacd ee Waqooyi ka xigta Muqdsiho ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan 2-kun oo kale oo wata iyaguna ku dhawaad 45-gawaarida dagaalka ah, waxaana lagu wadaa inay Muqdisho nabaddeeda sugaan inta aan la gaarin 16-ka bisha April ee sannadkaan oo lagu ballansan yahay in shirka dib u heshiinta Qaran lagu qabto Muqdisho. Ilo wareedyo ku dhow-dhow dowladda ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan lagu wado inay la kaashadaan sugidda ammaanka Muqdisho ciidammada Nabad ilaalinta Afirkaanka ah ee soo gaaray Muqdisho oo ay ugu horreeyaan Ugandese-ka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com