General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. President Yuusuf: "argagixisadu boos kuma leh shirka dib u heshiisiinta" Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed aan laga qayb gelin doonin kooxdii maxkamadaha ee burburtay. Madaxweynaha oo u warramayey wargeyska Sharq Awsad ee ka soo baxa magaalada London, isaga oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in weeraradii dhowaan lagu qaaday Villa Somalia ay ka dambeeyeen wixii ka haray maxkamadaha, sidaas darteedna koox dhiig faraha kula jirta oo shiddo wadda aan laga qayb gelin doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. "argagixisadu wax boos ah kuma leh shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed" ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo u warramayey wargeyskaas. Waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo hor jeeda nabadda iyo nidaamka, aanay heshiis iyo nabad u baahanyn sidaas darteedna aan looga baahnayn shirka dib u heshiisiinta. Mar uu ka warramayey mustaqbalka dawladdiisa waxaa uu sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya aan cabsi gelin lagaga adkaan karaynin iyo weerarro dhuumaalaysi ah. Axmed Aar SBC Muqdisho
  2. ^^^Thats what the soon to be former scrap merchants, charcoal traders, occupiers of private & public property say.. Their time is over.
  3. ^^^I think the TFG knows but does not want to disturb the big cells yet. The crackdown has yet to begin.
  4. Ciidamada Dowlada KMG Somalia oo howl-galo ka sameeyay Waqooyiga Muqdisho. Muqdisho, Sabti, March 17, 2007 Simba Radio Ciidamada Dowlada KMG Somalia ayaa manta howl-galo balaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Waqooyiga magaalada Muqdisho. Degmooyinka ay ciidamada Dowlada KMG Somalia baaritaanada manta ka sameeyeen waxaa kamid ah Boondheere, Shibis iyo Agagaarka Fagax. Ciidamadaan Dowlada Federaalka ka tirsan ayaa baaritaano ku sameynayay gawaarida dadweynaha iyo kuwa qaaska loo leeyahay ee marayay degmooyinkaasi. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii dhawaan tababarka ugu soo dhamaaday xerada Balidoogle ee gobalka Shabeelaha Hoose kuwaaso loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan ammaanka Muqdisho lagu sugayo.
  5. Hawlgal ballaaran oo lagu sugayo ammaanka Muqdisho oo bilowday Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa hawlgal ballaaran oo ay ammaanka guud ee magaalada caasimadda ah ku sugayaan gudo galay. Hawlgalka nabad sugidda magaalada Muqdisho ayaa waxaa fulinaya ciidamadii dhowaan tabarrada kus oo qaatay Balli Doogle iyo xoogagga dawladda federaalka ee horay u joogey halkaas. Deegaannada ay hawlgalladani ka bilowdeen ayaa waxaa kamid ah; Boondheere, Shibis iyo Agagaarka Fagax. Kooxihii carqaladaynta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka tegey xaafadda Baar Ubax ee magaalada Muqdisho kadib markii dadka deegaanku ay iska caabiyeen. Hawlgalkan ayaa bilow ah ah guluf weyn oo ay dawladdu la damacsan tahay kooxaha madaaficida ka rida deegaannada ay dadka rayidka ahi ku dhaqan yihiin. Axmed Aar SBC Muqdisho
  6. The Juba's seem to have in place a no nonsence group.
  7. Kismaayo:Maamulka gobolka Jubbada Hoose oo amar ku bixiyay in aragti laga toogto cid kasta oo nabad gelyada wax u dhimeysa. 17. Mar 2007 Kismaayo(AllPuntland)-Maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa amar ku bixiyay in cid kasta oo nabadgelyada deegaanka wax u dhimeysa gaar ahaan kooxaha burcada ah ee jidgooyada dhiganaya la toogto. Guddoomiyaha gobolka Jubada Hoose Ilyaas Baddal Gaboose ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada dowladda KMG ah isagoo ku amray in ay toogtaan kooxaha burcada ah ee nabad gelyo xumida ka abuuraya gobolka iyo kooxaha kale ee isbaarada dhiganaya. "Waxaan amar ku bixinayaa in ciidamada dowladda iyo burcada ay aragti ka dhaxeyso, waxaana farayaa ciidamada dowladda in ay toogtaan cidii ay ku arkaan nabadgelyo xumo ama iyadoo dhiganaya isbaaro" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Jubada Hoose oo la hadlayey saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo. Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay kulan yeesheen saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka, iyadoo ay jireen isku dhacyo horay u dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxo burcad ah oo qal qal gelinayey amaanka gobolka. Dhanka kale ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa bilaabay howlgalo ay ku ugaarsanayaan kooxaha burcadda ah ee ka qowleysata deegaankaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  8. Kismaayo: ciidamada Dowlada oo lagu amray inay aragti ku toogtaan kooxaha burcada ah. Kismaayo, Sabti, March 17, 2007 Simba Radio Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal Gaboose ayaa lagu amray Saraakiisha ciidamada xooga dalka Somalia ee Jubbooyinka inay ciiidamada ku amraan in aragti lagu toogto kooxaha burcada ee ka qooleysata gobolada Jubbooyinka. Gudoomiyaha gobalka ayaa ku amray ciidamada Dowlada hadii ay qabtaan Maleeshiyooyinka falalka burcadnimada ku jira aysan kaabo qabiil ugu yeerin ayna halka ay ku qabtaan ku toogtaan. "Maleeshiyooyinka meeshii lagu arko waa in lagu toogtaa, oo aan Maxkamad iyo Kaabo Qabiil la sugin, lana soo xirin" ayuu yiri Ilyaas Badal. Gudoomiyaha ayaa sheegay in falalka amni daro ee ka dhaca gobolada Jubbooyinka wax weyn dhawaan laga qaban doono. Hadalka Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal Gaboose ayaa kusoo beegmay xili maalmihii ugu dambeeyay falal ammaan daro baahsan ay ka jireen wadooyinka gobolada Jubbooyinka, taasoo Maleeshiyooyin hubeysan ay dhac iyo dilal u geysanayeen rakaabka wadooyinkaasi iska kala goosha.
  9. Ciidamada Booliska Kismaayo oo soo qabtay rag burcad ah. Kismaayo, Sabti, March 17, 2007 Simba Radio Ciidamada Booliska ee magaalada Kismaayo ayaa saakay aroornimadii howl gal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen afar nin oo maleeshiyo ah kuwaasoo dhac u geystay gaadiid rakaabka ah oo kusii jeeday degmada Afgamadoow ee gobalka Jubba Hoose. Ragaan burcada ah ayaa lasoo qabtay saakay aroortii iyagoo jiifa guri ku yaala xaafada V-Afmadoow ee magaalada Kismaayo iyaga iyo hantidii ay dhaceen. Taliyaha saldhiga Kismaayo Cabdi Cabdulle "Cabdil Gaab" ayaa Idaacada Simba u sheegay inay aqbaar si ah ay saakay waaberigii ku heleen in rag burcad ah oo gaadidka dhici jiray ay jiifaan guri ku yaala magaalada Kismaayo sidaasina ay kusoo qabteen. Ragaan burcada ah ee saakay lasoo qabtay ayaa maanta iyaga iyo hubkii ay wateen la horkeenay Maxkamadaha degmada Kismaayo si loo ogaado dambiga lagu eedeeyay. Sheekh Xasan Cumar Gudoomiyaha Garsoorka gobalka Jubba Hoose ayaa sheegay in ragaan ay baaritaano buuxa lagu sameyn doona isla markaana markii dambigooda uu cadaado xukun cadaalad ah lagu rido doono. Xarumaha Saldhiga Kismaayo iyo Maxkamada ayaa manta waxaa hor buuxiyay gaadiidleyda dhaca loogu geystay wadada u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadoow iyagoo sheegay in ragaan 4 ah ay ahaayeen kuwii dhaca u geysan jiray. Si kastaba ha ahaate, soo qabashadaan raga burcada ah ayaa kusoo begantay xili saakay Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal amar ku siiyay ciidamada Dowlada inay toogtaan burcada.
  10. KISMAAYO: Amar ka soo baxay Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo sheegaya in aragti lagu dilo kooxaha burcadda ah Posted to the Web Mar 17, 07:32 Kismaayo (PP) – Amar ka soo baxay maamulka Cusub ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa amar ku siinaya ciidammada dowladda ee howgallada nabadsugidda ah ka wada Kismaayo iyo hareeraheeda inay aragti ku toogtaan kooxaha burcadda ah ee dhibaatooyinka ka wada Gobolkaas. Amarkaan oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Beddel Gabboose ayaa wuxuu ku sheegay in ciidammada dowladda ay u haystaan amar cad inay toogtaan kooxaha burcadda ah ee ay arkaan. “Kooxaha burcadda ah waa in la toogto, waayo waxay wadaan falal ammaandarooyin ah oo ay ku doonayaan in ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta Jubbada hoose ay noqoto mid meesha ka baxda gabi ahaan” ayuu yiri Ilyaas Beddel Gabboose oo saxaafadda ugu warramayay Kismaayo kaddib soo bixitaankii wareegtadaan. Ilyaas Beddel ayaa sheegay in ciidammada booliiska iyo kuwa Milaterigaba ay ku siiyeen amar inay toogtaan cid walba oo isku dayda inay fasahaadiso nabadda ka jirta Jubbada Hoose. Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawaan ka soo baxay ciidammada Ethiopia iyadoo sugidda ammaanka Jubbooyinka lagu wareejiyay ciidammada Dowladda Soomaaliya, oo iyagu dhawaan tababar uu ugu dhamaaday gobolka Jubbada Hoose. Falal ammaandarrooyin ah ayay sheegayeen wararka ka soo baxayay xilliyadii ugu dambeeyay Gobolka Jubbada, waxaana sidoo kale kooxo burcad ah ay dhaawac ugu geysteen Gobolka Jubbada Hoose askari ka tirsan ciidammada dowladda markii ay rasaas la beegsadeen gaari ay wateen oo marayay tuulada Caanjeel ee Galbeedka Kismaayo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
  11. BAYDHABO: Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo maanta siminnaar u furay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka iyo... Posted to the Web Mar 17, 13:04 Baydhabo (PP) – Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta ka furay wajigii lahaad siminnaar lagu baranayo dib u heshiisiinta. Siminnaarkaan ayaa waxaa loo furay guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo sidoo kale waxgarad kale oo laga keenay Gobollada dalka Qaarkood, waxaana siminnaarkaan lagu baran doonaa dib u heshiisiinta. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadna Madoobe oo hadal ka jeediyay furitaankii Siminnaarkaan oo ay maalgelinayaan hay’ado ka shaqeeya nabadda oo ka tirsan UN-ka ayaa wuxuu sheegan in looga baahan yahay ka qaybgalayaasha siminnaarkaan inay si weyn uga faa’iideystaan siminnaarka. “Xubnaha ka soo qaybgalay Siminnaarkaan ee isugu jira Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka kale inay si weyn uga faa’iideystaan casharrada ka baxaya siminaarka inta uu socdo, si howlaha ay u xilsaaran yihiin ay u noqdaan kuwo ugu guulaysta” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Siminnaarkaan ayaa waxaa horay ugu furay isla xubnahaan kal hore Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana kulankaan xubnaha loo furay ay wajigii hore ku barteen habka ugu wanaagsan ee dib u heshiisiinta iyagoo kanna la sheegay inay ku baranayaan habka dib u heshiisiinta guud. Lama sheegin inta maalmood ee uu socon doono siminnaarkaan looga hadlayo dib u heshiisiinta, waxaana lagu wadaa in xubnaha hadda siminaarka loo furay ay qabanqaabiyaan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in 16-ka April uu ka furmo Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@puntlandpost.com
  12. Nayroobi: Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo shir guddoomin doona xubno caan ka ah dalka Soomaaliya 17. Mar 2007 Nayroobi(AllPuntland)-Shirka dib u heshiisiinta qaran ee 16-ka bisha Apriil la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomin doona xubno caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana xubnahaasi ka mid ah Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hure "Buubaa" ayaa sheegay in guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran loo xil saaray ay iyagu qaban qaabada shirka iska leeyihiin, wuxuuna intaa raaciyay in cid kasta oo Soomaaliyeed ay kasoo qeybgeli doonaan. Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran uu heysto taageero caalami ah isla markaana taageero dhaqaale uu helay isagoo cadeeyay in 40 Milyan oo Dollar loo helay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Madaxweynaha KMG ku baaqay in la qabto 16-ka bisha Apriil. Mr. Buubaa ayaa dhanka kale ka waramay xaalada nabadgelyo magaalada Muqdisho maadaama shirweyne Qaran lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in nabadgelyada aysan wax cabsi ah ka qabin isagoo sheegay in ciidamada dowladda oo garab ka helaya saaxiibadooda Midowga Afrika iyo Itoobiya ay wax badan ka qaban doonaan amaanka. Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa guluf ugu jirto sidii loo xasilin lahaa amaanka guud ee magaalada Muqdisho xili loo diyaar garoobayo marti gelinta shirka dib u heshiisiinta. Cali Muxiyaddiin Cali
  13. Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Prof Geeddi oo sheegay in dowladda loo oggolaaday lacag dhan 32 milyan oo Euro ay ka dalbatay beesha caalamka. Ra'isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cali maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydahbo ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kaddib imaantinkiisa waxaa uu ku sheegay in guul weyn oo wax ku ool ah lagaso gaaray safarkii uu ku tagay Nairobi oo beesha caalamkana laga helay wax yaabihii ay dowladda federalku ka dalbatay Ra'isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cali maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydahbo ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kaddib imaantinkiisa waxaa uu ku sheegay in guul weyn oo wax ku ool ah lagaso gaaray safarkii uu ku tagay Nairobi oo beesha caalamkana laga helay wax yaabihii ay dowladda federalku ka dalbatay. "Beesha caalamka waxaanu weydiisanay lacag dhan 32 milyan oo Euro oo loogu tala galay in qaarkeed lagu maareeyo shirka dib u heshiisiinta qaran ee dhawaan Muqdisho ka furmaya,arrinkaana waa kusoo guuleysanay"ayuu yiri ra'isul wasaraha Soomaaliya Dr. Cali Maxamed Geeddi. Ra'isul wasaaraha ayaa todobaadkii hore gaaray magaalada Nairobi waxaana uu halkaa kulamo kulasoo qaatay msuuliyiinta beesha caalamka ee jooga Nairobi,iyadoo uu kasoo dhaadhiciyay in ay sii laba jibbaaraan taageerada la siinayo dowladda federalka Soomaaliya,islamarkaana waxaa uu dalbaday in beesha caalamku ay si deg deg ah u bixiso lacagaha loogu talagalay in lagu maalgeliyo kulan weynaha dib u hesiisiinta qaran ee bartamaha bisha inasoo aadan Muqdisho ka dhici doona. Horay ayaa warar dhanka dowladda laga helay waxaa ay u sheegayeen in Ra'isul wasaaraha Soomaaliya uu si toos ah ugu soo gudbi doono dhanka Muqdisho marka uu socdalkiisa Nairobi soo dhameysto,hase ahaatee Ra'isul wasaraha ayaa maanta gaaray Baydhabo lamana sheegin xilliga uu imaan doono magaalada Muqdisho oo haatan uu joogo madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho Contact:info@carmooyin.com
  14. ^^^lol. These pics prove what, that they claim even accidents.. Abwan sounding ever more desperate brother.
  15. lots to learn! Indeed we have allot to learn, but this is the beggining saxib.
  16. Kooxihii hubeysnaa oo isaga baxay Xaafada Baar Ubax ee Muqdisho Last Updated::2007-03-17 16:56:41 Muqdisho:- Kooxo hubeysan oo kamid ah kuwa weerarada ka abaabula Muqdisho ayaa gebi ahaanba isaga baxay Xaafada Baar Ubax. Arrintan ayey xaqiijiyeen shacabka xaafadaasi ku dhaqan oo sheegay in ay saaka arooryadii ay arkayeen kooxo hubeysan oo sadex gaari hubkoodii ku gurtay oo kadib xaafadaa isaga baxay. Dhacdadan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii xaafada Baar Ubax uu iska horimaad ku dhexmaray Kooxdan hubeysan oo damacsanaa in ay xaafada Hoobiyaal ka tuuraan iyo Ciidamada Madaniga ah. Kooxda hubeysan ayaa xalay qorsheenayey in ay Madaafiic ku tuuraan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kadib markii ay weerar kadis ah kala kulmeen Ciidamada Madaniga ah oo ay sameysteen shacabka xaafadaasi ku dhaqan. Iska horimaadkaasi oo socday muddo labaatan daqiiqo ah ayey labo ruux uga dhinteen ciidamada Madaniga ah ayadoo aan la aqoon khasaaraha soo gaaray kooxda hubeysan oo halkaasi ka cararay. Qaar kamid ah shacabka xaafadaasi ku dhaqan ayaa sheegay in saacado kadib iska horimaadkaasi ay arkayeen guri xaafada ku yaal oo ay kooxihii hubeysnaa ay kala baxayaan hub badan oo ay saarteen sadex gaari oo caasi ah, ayagoo markaasi gebi ahaanba isaga baxay xaafada. Maleeshiyooyinka ku sugan Muqdisho ee abaabula weerarada Madaafiicda ah ee shacabka laga dhextuuro ayaa had iyo goor xaafadihii ay caqabooyin kala kulmaan isaga guura. Xaafada Muqdisho ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay ay kusoo kordhayeen abaabul ay wadaan shacabka kuwaasi oo ciidamo khaas ah oo madani ah u sameystay in ay ka hortagaan in xaafadahooda ay gabaad kasoo dhigtaan kooxaha amni xumada ka wada magaalada Caasimada ah. Madaafiicda ay kooxahan hubeysan ay tuuraan ayaa inta badan ku habsada xaafado kale oo ay shacab degen yihiin, ayadoo ay aad u yartahay inta ay la helaan yoolkooda ee ah Xarumaha Dowlada. Waxaana taasi u sii dheer in weerarada noocaan ah ay jawaabo kulul kala kulmaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa itoobiya oo ayaguna Madaafiic kuwaa ka xoog badan kusoo jawaaba, taasi oo keenta in dadka wax halkaa ku noqdaan ay u bataan dadka rayidka ah. Shacabka ayaa ka daalay weerarada noocaan ah ayagoo xaafado badan ay ka socdaan olole ay shacabku ku doonayaan in ay iskood isaga qabtaan kuwa horseeda weerarada noocaan ah. HorseedNet.com
  17. ^^^I am with you saxib, my comments were directed at some groups here who are allergic to all things Puntland.. Update me on all you know brother.
  18. personnel during the conflict? Any troops killed or captured? Lady, thats a millitary secret, which will come out in due course. As for foreigners we even have a white US dude who was captured running for his life over the border, many Oromo's, Eritreans were captured at the Kenyan border some with top clan court officials.. Why is Eritrea helping Sharif Xasan, IndaCade & Xasan Dahir, is it their love of Islam or democracy?
  19. Artfull-dodger, I think the two brothers Rooble & Jimbo have answred your question for me..
  20. Range resources, Egyptians, UAE what is going on man? Why are all those people coming to our state, do they want to take all our sand?
  21. Another really stark simmilarity is the psychological character of Amin to the clan courts Baffons. Specially IndaCade, Xasan Dahir who prayed for a war and then ran away and left the kids to find their way back to their schools in Mogadishu.
  22. ^^^Eritrea's action speake for themselves dear sis. They are the only country to support the clan courts as well as giving them a safe heaven even Djibouti has given up on them, but Eritrea oh no. Even the hapless Sharif Xasan is there now. The UN monitoring group. The US, Uganda & the AU have highlighted the Eritrean involvement.
  23. History gets a beating every time Americans make a film. Like Gladiator , Brave Heart before this one. Just overblown American day dream. Fiction Persian emperor cyrus
  24. ^^^Indeed, the other intervention of India in East Pakistan is even more interesting.