
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I do love how all the "Abu's" have changed their names. Since the demise of the fake clan courts we have had a demise in the fashionable later day "Mujahid" names.. As for the claims, how many D&M clans were under occupation of the fake Shiekhs? IndaCade, Cirfo, Seeraar, Xasan Dahir and others.. -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xalane as ever has put the whole thing in simple terms for the few ignorant ones around here. If one could do something to our commanders they would. Sakhar I agree, the men you mentioned have all done an outstanding job so far, insha Allah more good will come from them. -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thanks in great part to his actions. -
Kulan Casho Sharaf ah oo Caawa ka dhacay Madaxtooyada Boosaaso Last Updated::2007-04-12 01:25:06 Boosaaso:-Kulan Casho sharaf ah ayaa Caawa waxaa uu ka dhacey Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, waxaana ka soo qeyb galey kulankaan madaxda DF Soomaaliya iyo kuwa DG Puntland. Kulan ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa qaar ka tirsan madaxda ugu sar sareyasa DF Soomaaliyeed maamul Goboleedka Puntland, oo ay ka mdi yihiin Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi iyo ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi. Kulankaan ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb galey Mas’uuliyiin Odayaal, Culimaa’udiin wax garad, iyo isimo. Kulankaan ayaa waxaa ay DF iyo Mamul Goboleedka Puntland ay kaga heshiiyeen mideynta Canshuuraha dalka Islamarkaana waxaa ay isla meel dhigeen meel marinta dhaqaalaha iyo Maamulka.. Wasiirka maaliyada Dowlad goboleedka soomaaliyeed ee puntland maxamed cali yuusuf gaagaab, ayaa si faaffaahsan ugaga warbixiyey muhiimada shirka caawa dhacay. Waxaa uuna tilmaamay in ujeedadiisa ugu weyn ay ahayd mideynta canshuuraha soomaaliya oo dhan, isagoo farta ku fiiqay in dhawaan cashuurihii ay soo rogtay dawladda feeraalka ku meel gaar ah ee soomaaliya, loo fasirtey in maamulka Dawlad goboleedka Puntland ay ka dhaga adeygeyso. Wasiirka Ganacsiga ee DF Soomaaliya isla markaana ah sii haya xilka wasiirka Maaliyada ee DF Soomaliya DR C/laahi Axmed Afrax oo isna kulankii caawa ka Hadley ayaa shaaca ka qaadey in Dawlada Kumeel Gaarka ah ay kaawimeyso DG Puntland adeegyada Ganacsiga. Waxaa ka Hadley kulankii caawa Isimo ay ka mid yihiin Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin iyo Garaad C/laahi Cali Ciid oo labadaba sheegey in kulankaan uu yahay mid aad muhiim ugu ah umada Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay ku nuux nuuxsadeen in loobahanyahay in umada Soomaaliyeed ay ka fakeraan hawlaha nabadeynta iyo dib u dhiska. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu ugu horeyn soo dhaweeyey wafdiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu hoosta ka xariiqey in maamulka Puntland uu ka mid yahay Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah. Madaxweynaha waxaa uu uga mahadceliyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya cali maxamed Geedi isbadalka uu ka sameeyey magaalada muqdisho, waxaana uu sheegey in maamul Dawlad goboleedka Puntland u taageersanyahay dawlada Kumeel gaarka ah. Madaxweynaha waxaa uu ka warbxiyey arimo dhawr ah oo ay ka mid ahayd dhacdo maalintii Isniinta ahayd ka dhacdey degmada Dhahar, ee gobolka Sanaag, madaxweynaha waxa uu sidoo kale uu ka warbixiyey xaalada Xoolaha Soomaaliya iyo Puntland, waxaana uu sheegey in taa horumar laga gaarey. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo isna hadlaaks hadalo ka soo jeedyey ayaa sheegey in Puntland ay tahay hooyadii Maamul Goboleedyada wadanka Soomaaliya loona baahanyahay in la garab qabto. Waxaa uu maamulka Puntland oga mahadceliyey taageerada ay u hayaan DF Soomaaliya oo ay hiil iyo hooba ay lagarabtaaganyihiin. Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya waxaa uu sheegey in DF Soomaaliyeed ay ka caawimeyso Puntland mashaariicda horumarinta, iyo Guud ahaan waxyabaha ay oga abahato. Kulankii Caaway ayaa waxaa uu ku soo afmeermey is garad labada dhinac ay isku afgarteen waxyaabahii ay wada saxiideen oo ah heshiisyada dhinaca ganacsiga iyo Canshuuraha. Mohamed Ali (Dalmar) mohamedali11@gmail.com Horseednet.com.
-
Dhahar becomes PUNTLANDS 19 district to set up local admin
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It changes everything, the city has an admin made up of locals and it is in the hands of Puntland troops. Remmeber how they tried this same stunt in LA a few years back and it did not work. -
You committed acts with intent to harm, destroy and damage and that is crime. You killed thousands of defenseless people and that is crime. You caused bodily harm to innocent people for no apparent reason and that is crime You deliberately inflicted on innocent people conditions of life calculated to bringabout its physical destruction and that is crime. You destroyed mosques for no logic reason and that is crime. SNM forces did all that and more.
-
^^^They will ignore this, and highlight other "supposed massacres"..
-
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The man is a well educated, hard working, honest individual who has been there from the early tough times of the TFG working on rebuilding the national police force from scratch. A some what difficult task. He has done a great job and for that he is a hero in the making.. I salute you Gen Ali.. -
Carmo Police Academy - police cadet graduation ceremony
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
CARMO :Raysalwasaare Geedi oo tababar u xiray 109 tababare-boolis Posted to the Web Apr 11, 16:18 Carmo:-Xaflad si wayn loo agaasimay oo lagu xirayo oo tababar macalimiin Boolis ah oo gaaraya 109 oo socday muddo 4 bilood ah ayaa waxaa xiray maanta Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi , waxaana xiritaanka tababarkan ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee DFKS , madaxda Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa M.kuxigeenka Puntland Xassan Daahir iyo masuuliyiin ka socotay Ha'adda UNDP oo iyadu maalgalisay mashruucan . Raysalwasaare Geedi oo halkaasi ka hadlay ayaa timaamay ahmiyada ay leedahay Kulliyadan macalimiinta Booliska Soomaaliyeed , wuxuuna sheegay in ay wax wayn ka badalayso tayada iyo aqoonta Booliska qaranka. Wuxuu ku cel-celiyay Geedi in ay aad muhiim u tahay Kulliyadan Ciidanka Booliska Qaranka Soomaaliyeed , maadaama ay u baahan yihiin in kor loo qaado tayadooda aqooneed. Geedi , wuxuu si wayn ugu mahadnaqay Maamulka Puntland oo uu sheegay in uu suurta galiyay dhamaystirka mashruucan aadka u muhiimka ah , wuxuu kaloo u mahadnaqay Hay'adda UNDP oo iyana maalgalisay mashruuca. Furitaanka dhismaha Kulliyadan ayuu Geedi horay u furay , iminkana wuxuu xiray dufcadii ugu horaysay ee tababarayaal boolis oo ka soo baxa Kulliyadda tababarka tababarayaasah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Expected such comments from you sir.. -
Carmo Police Academy - police cadet graduation ceremony
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
Prof. Geedi oo tababar ugu soo xiray ciidan degmada Carmo. Boosaaso, Arbaco, April 11, 2007 Simba Radio Ciidamo lagu tababaray deegaanka Carmo ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta waxaa tababarka usoo xiray Ra'iisul-wasaare Cali Maxamed Geedi. Ciidamadaan ayaa muddo lex bilood ah tababar ku qaadanayay deegaanka Carmo ee maamul goboledka Puntland iyadoo tiradooda lagu sheegay 109 Askari. Ciidamadaan ayaa laga soo kala aruuriyay deegaanada Puntland, iyadoo loo tababarayay inay kamid noqdaan ciidamada Booliska maamul goboleedka Puntland. Ra'iisul-wasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta usoo xirayay tababarka ciidamadaan ayaa ku booriyay ciidamadaasi inay daafacaan dalkooda. Xafladii lagu xiray tababarkaan ciidan ayaa waxa kaloo ka hadlay Madaxweyne K/xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo ku booriyay ciidamadaan maanta tababarka loo so gaba gabeeyay inay daafacaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana qeyb lixaad leh ka qaataan sugi ammaanka. Ma ahan markii ugu horeysay Ra'iisul-wasaare Cali Maxamed Geedi uu booqdo degmada Carmo isla markaana halkaasi ugu soo xiro tababar ciidan, iyadoo lagu wado in tababaro noocaa oo kale ah deegaanka Carmo loogu qabto ciidamada Booliska. Cabdifitaax Jeyte Boosaaso -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cali Madoobe oo sheegay inay diyaarinayaan 5,000 oo Ciidamo boolis ah. April 09-2007-HornAfrik, Mogadishu Taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cali Madoobe ayaa sheegay inay diyaarin doonaan Ciidan Boolis oo tiradiisu ay gaarayso ilaa 5,000 kun oo askari 6-da bilood ee soo socota. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal Cali Madoobe oo Maanta shir Jaraa'id ku qabtay xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku maando buluuusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay u howlgali doonaan sidii markaasi loo diyaarin lahaa Ciidamo boolis ah oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 5000 oo askari lixda bilood ee soo socota taasi oo uu sheegay inay qayb katahay howlaha ay dowladda wado ee laxariira sugida nabadgalyada. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal Cali Madoobe waxaa uu sheegay in howlahaasi ay yihiin kuwa loo kala qaadi doono sadax waji isagoo sheegay in wajiga koowaad uu yahay mid markaasi ay ugu guda gali donaan todobaadkaan soo socda gudihiisa islamarkaana ay diyaarin doonaan ilaa 1,500 oo askari iyadoo uu sheegay in 1,500 oo askari loogu talagalay in dalka oo dhan laga soo xulo balse iyadoo tix galin lasiinayo baahida xaga nabad galyada in markaasi laga soo xuli doono 1,000 askari gobolka Banaadir 500-ta boqol ee kalena laga soo xuli doono gobolada dalka Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Booliska waxa uu sheegay in maanta uu shir la' yeeshay duqa Magaalada Muqdisho gudoomiyaasha degmooyinka kajira Magaalada Muqdisho iyo taliyaasha qeybaha islamarkaana ay isla soo qaadeen qaabkii markaasi loo xuli lahaa Ciidamada booliska ee tiradoodu gaarayso 1,500 ee askar. Waxaana uu sheegay inay isku af garteen qaabka xulida Cidamadaasi. -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
AUDIO -
WAR DEG-DEG AH DAGAAL GOOR DHOWEYD KA QARXAY MAGAALADA DHAHAR
General Duke replied to Paragon's topic in Politics
Sorry to soem here the admin is in the hands of the Federal government under the state of PUNTLAND.. -
Somali police chief a hero in the making...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Fikrad qoraa )Genaral Cali Madoobe waa nin mudan bilad geesi!! Taliyahaya ciidanka qaranka booliska Soomaaliyeed Genral Cali Madoobe OO taariikhdu muujisays inuu yahay halyeey qaran, Tan iyo Maalintii loo doortay xilka taliyanimada genaral cali wuxuu ku bilaabay hawshiisa si ay ka muuqato xil kasnimo iyo muwaadinimo, waxaana taa dareemi kara dadka muwaadiniinta ah ee aan ku dheehnayn caadifada qabiilnimo. Waxa si cad u muujinaya hawsha uu qabtay jagenralku diyaargaraynta ciidanka booliska oo uu furay Xarunta Carmo, Xaruntaas oo maanta kala hadlay Raíisul wasaara qaranka Soomaaliyeed Pro. Cali Maxamed Geeddi. qaar ka mida dufcadaha ciidanka. Isgoo intii ay dawladu dhisnayn Ganeraalku ka dhex muuqanayey hadaladiisa si sharaf iyo xilkasnimo ku jirto markii uu ka hadlo arimaha soomaaliya , waxaa la odhanka karaa Genaraalku waa nin ku caan ah ama lagu sifayn karo edeb iyo anshax qaran iyo geesinimo, waxaa caado u noqotay dadka qaarkii inay saxaafada kaga hadlaan hadalo aan munaasab ahayn marka la eegoo milgaha hadalka iyo masúuliyad nimadaba, Waxaan ku soo gabgabeynaynaa In Genaraal Cali Madoobe ay dadka wax garadka ah ee Soomaaliyaad iyo taariikhduba ku xusi doonaan baal dahaba oo lama iloobaana ah. Yaasiin Cabdi Jire Abaaqaroow.com(Wiil Waal )
-
Dhahar becomes PUNTLANDS 19 district to set up local admin
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Degmada Dhahar oo noqotay Degmadii 19aad ee Puntland oo maamul doorata Posted to the MOL April 11, 2007, 9:55 am Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaas markii ugu horreysey laga dhisay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Dhahar ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka. Degmada dhahar ayaa waxaa loo dhaariyey 35 xubnood oo ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Dhahar kuwaas oo markii dambeyna iska dhex doortay duqa degmada Dhahar oo noqday guddoomiyaha golahaas iyo kuxigeenkiisa. Doorashadii Guddoomiyaha Tartanka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Axmed Maxamed Aadan iyo Salaad Xasan Shire oo ku kala baxay doorasho laba wareeg uun soconeysey. Axmed Maxamed Aadan ayaa helay codad gaaraya 10 cod iyadoo ay ka aamustay 11 xubnood halka 3 xubnoodna ay diidey, iyadoo musharaxa kale ee Salaad Xasan Shire uu wareeggii labaad helay 12 cod waxana ka aamustay 9 xildhibaan halka ay 3 xubnood ay diideen. Sidaasna waxaa duqa degmada Dhahar ku noqday Salaad Xasan Shire, isla markaasna ah, guddoomiyaha golaha shacabka deegaanka Dhahar. Doorashadii Kuxigeenka Kuxigeenka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Siciid Muuse Axmed mana uusan jirin musharrax kale oo la tartamay sidaas darteena wuxuu helay 20 cod oo HAA, ugu codaysay halka 2 ay diideen 2 kalena ay ka aamustay. Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare. Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyo Axmed Doonyaale oo horay u ahaan jirey wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Puntland. Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa noqotay degmadii 19-aad ee loo dhisay gole deegaan, waxana wafdiga Puntland ee ku sugan degmada Dhahar ay u gudbi doonaan degmada Xingalool ee isla gobolka Sanaag si ay gole deegaan uga soo dhisaan. Rabiile Gabanow mudugonline bosaso -
Degmada Dhahar oo noqotay Degmadii 19aad ee Puntland oo maamul doorata Last Updated::2007-04-11 13:43:35 Dhahar:- Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaas markii ugu horreysey laga dhisay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Dhahar ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka. Degmada dhahar ayaa waxaa loo dhaariyey 35 xubnood oo ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Dhahar kuwaas oo markii dambeyna iska dhex doortay duqa degmada Dhahar oo noqday guddoomiyaha golahaas iyo kuxigeenkiisa. Doorashadii Guddoomiyaha Tartanka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Axmed Maxamed Aadan iyo Salaad Xasan Shire oo ku kala baxay doorasho laba wareeg uun soconeysey. Axmed Maxamed Aadan ayaa helay codad gaaraya 10 cod iyadoo ay ka aamustay 11 xubnood halka 3 xubnoodna ay diidey, iyadoo musharaxa kale ee Salaad Xasan Shire uu wareeggii labaad helay 12 cod waxana ka aamustay 9 xildhibaan halka ay 3 xubnood ay diideen. Sidaasna waxaa duqa degmada Dhahar ku noqday Salaad Xasan Shire, isla markaasna ah, guddoomiyaha golaha shacabka deegaanka Dhahar. Doorashadii Kuxigeenka Kuxigeenka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Siciid Muuse Axmed mana uusan jirin musharrax kale oo la tartamay sidaas darteena wuxuu helay 20 cod oo HAA, ugu codaysay halka 2 ay diideen 2 kalena ay ka aamustay. Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare. Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyo Axmed Doonyaale oo horay u ahaan jirey wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Puntland. Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa noqotay degmadii 19-aad ee loo dhisay gole deegaan, waxana wafdiga Puntland ee ku sugan degmada Dhahar ay u gudbi doonaan degmada Xingalool ee isla gobolka Sanaag si ay gole deegaan uga soo dhisaan. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Gole deegaan & duq cusub oo loo doortay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Gole deegaan oo ay shacabku soo doorteen ayaas markii ugu horreysey laga dhisay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ay degmada Dhahar ay ku soo biirtay magaalooyinka Puntland ee leh golayaasha deegaanka. Degmada dhahar ayaa waxaa loo dhaariyey 35 xubnood oo ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Dhahar kuwaas oo markii dambeyna iska dhex doortay duqa degmada Dhahar oo noqday guddoomiyaha golahaas iyo kuxigeenkiisa. Tartanka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Axmed Maxamed Aadan iyo Salaad Xasan Shire oo ku kala baxay doorasho laba wareeg uun soconeysey. Axmed Maxamed Aadan ayaa helay codad gaaraya 10 cod iyadoo ay ka aamustay 11 xubnood halka 3 xubnoodna ay diidey, iyadoo musharaxa kale ee Salaad Xasan Shire uu wareeggii labaad helay 12 cod waxana ka aamustay 9 xildhibaan halka ay 3 xubnoodna ay diideen, sidaasna waxaa duqa degmada Dhahar ku noqday Salaad Xasan Shire, isla markaasna ah, guddoomiyaha golaha shacabka deegaanka Dhahar. Kuxigeenka duqa degmada Dhahar ayaa waxaa isu soo taagey Siciid Muuse Axmed mana uusan jirin musharrax kale oo la tartamay sidaas darteena wuxuu helay 20 cod oo HAA, ugu codaysay halka 2 ay diideen 2 kalena ay ka aamustay. Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha dhismayaasha golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare. Sidoo kale, munaasabaddaasi ayaa waxaa khudbad ka jeediyey guddoomiyaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland, Axmed Cali Xaashi, iyo Axmed Doonyaale oo horay u ahaan jirey wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka Puntland. Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa noqotay degmadii 19-aad ee loo dhisay gole deegaan, waxana wafdiga Puntland ee ku sugan degmada Dhahar ay u gudbi doonaan degmada Xingalool ee isla gobolka Sanaag si ay gole deegaan uga soo dhisaan. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com