-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Mudug: Askari rasaas ku furay arday oo xabsiga loo taxaabey
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
waba tabti xammar oo kale eh -
dee wa nooc nima argagaxiso haday dadka argagax ku ridaan siba shacabka ku nool buhooodle
-
Djibouti president receives Somaliland Parliament speaker.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay U Yeedhayaan Wasiirka Arimaha Dibeda Si Goluhu Wax Uga Waydiiyo Shirkii Uu Ka Qaybgalay. “Madaxweyne Md Ismaaciil Cumar Geelle run ahaantii waxa ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland.” Wareysi - Md. Cabdiraxmaan M. Cabdilaalhi (Cirro). Hargeysa(Ramaas) Feb. 13, 2011 - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa sheegay in si rasmi ah loogu casuumay shir caalamiya oo uu kaga qaybgalay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, kaas oo lagaga hadlayey muddo saddex cisho arimo ay ka mid yihiin nabadda iyo himilooyinka geeska Afrika oo ay Somalilandna ku taalo. Guddoomiye Cirro, waxaa uu sheegay in uu khudbad ka jeediyey shirka muddadii uu socday, taas oo si weyn usoo jiidatay wufuudii ka soo qaybgashay shirka oo ka kala socday illaa 50 dal oo aduunka ah. Guddoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu magaalada Hargeysa kula yeeshay Khadar Cali Xuseen [shiine] oo ka tirsan bahda shabakadda wararka ee Ramaasnews xafiiskeeda Hargeysa. Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Guddoomiyuhu kaga hadlay kulanno kala duwan oo uu la yeeshay ergadii baarlamaanadii ka soo qaybgalay shirka, Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaas oo uu kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada. Waraysisga guddoomiyuhu wuxu u dhacay sidan: Ramaas, Guddoomiye, waxaad nooga warantaa shirkii magaalada Jabuuti aad kaga qaybgashay waxyaabihii lagaga hadlay iyo muddadii uu socdayba. Guddoomiye Cirro, Shirkii aan magaalada Jabuuti kaga qaybgalay waxa uu ahaa shir ay ka soo qaybgaleen 50 dal, kuwaas oo lagu magacaabo ALLDEPAC [Alliance Liberal For Democracy Europe, Pacific Caribbean Countries], waxaanu ahaa markii lixaad ee la qabto, waana markii u horeysay ee ay Somaliland si rasmi ah uga qaybgasho, ka qaybgalkayaguna waxa uu ka dambeeyey kulan aanu kula yeelanay dalka Faransiiska bishii 11naad Baarlamanka Yurub, markaas oo la ogalaaday in ay Somaliland ka soo qaybgasho. Waxaanu ka koobnaa illaa 25 dal oo Afrikaana, wadamada Yurub qaarkood iyo wadamada loo yaqaano Pacific Caribbean Countries. Shirka ujeeddadiisu waxa ay ahayd oo lagaga hadlayey nabad iyo horumarka geeska Afrika, waxaanu socday muddo saddex maalmood ah, mawduuca anniga la yidhi ka hadal waxa uu ahaa rajooyinka geeska Afrika, halkaas oo aan ka soo jeediyey khudbad arintaa ku saabsan. Run ahaantiina dad badan oo goobta fadhiyey markii ay dhegaysteen khudbadayda ee aan siiyey Somaliland iyo macluumaad badan oo ku saabsan way ku baraarugeen arimaha Somaliland. Rag badan oo ka socday baarlamaanka Yurub waxa ay soo jeediyeen in Somaliland wax badan lala qabto oo la caawiyo oo xaggeeda loo jeesto, waxaanan u arkayey tallaabo wanaagsan oo aynu u baahnayn in aynu samayno oo aynu samaynay. Ramaas, Md Cabdiraxmaan Cirro, markii uu shirku dhamaaday wufuudii ka soo qaybgashay wax kulamo ah ma yeelatay, hadii-ba aad la yeelatay maxaad kala hadashay? Guddoomiye Cirro, Haa waan la yeeshay oo gaargaar ayaan ula kulmayey wufuuda ka socotay Baarlamaanada dalalkii ka soo qaybgalay shirka, waxaanan kala hadlay danta qaranka Somaliland, iyaga oo kulamadaasi u badnaayeen isbarasho. Ramaas, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirkan aad ka qaybgashay ma si rasmiya ayaa laguugu soo martiqaaday mise qaab kale ayaad uga qaybgashay? Guddoomiye Cirro, Maya ee si rasmiya ayaa la iigu soo martiqaaday aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana matelayey Somaliland oo martiqaad qoraal ah ayaa la iisoo diray sidaas ayaanan kaga qaybgalay shirka. Ramaas, Guddoomiye meesha uu shirku ka dhacay waxa ay ahayd caasimada dalka Jabuuti, intii aad ku sugnayd halkaas masuuliyiinta dalkaas cid ma kala kulantay? Guddoomiye Cirro, Haa saddexdaa cisho kadib, waxaa imartiqaaday Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo aanu ka wada hadalnay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti iyo sidii wufuud labada dhinaca ka socdaa ay u kala booqan lahaayeen labada dal, waxaanan isla garanay doorasho ayey ku jiraane doorashada kadib in ay bilaabmaan isdhaafsiga wufuuda labada dhinaca, haddii ilaahay yidhaahdo. Waxa kale oo aan la kulmay masuuliyiin kale oo badan oo dalkaas ka tirsan. Waxa kale oo aan booqasho ugu tagay muddadaas aan ku sugnaa Jabuuti Madaxweynaha dalkaas Md Ismaaciil Cumar Geelle oo run ahaantii ay ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeya, waxaanu Madaxweynuhu ii xaqiijiyey inuu xafiiskoodii Somaliland ay si dhakhso ah uga furan doonaan magaalada Hargeysa, kii Somaliland ay hadda qalabaystiisii socotay oo waan soo eegay, waxaanan arkayey calaamad wanaagsan oo muujinaysay koritaanka xidhiidhka labada dal oo halkaas ka socotay. Ramaas, Madane marka laga yimaado labada xafiis ee labada dal ka kala furan doonaan caasimadaha labada dal, waxa kale oo aad ka wada hadasheen ma jireen Madaxweynaha Jabuuti? Guddoomiye Cirro, Run ahaantii waxa kale oo aanu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo hagaajin lahaa cilaaqaadka labada dal iyo labada gobol ee Selel iyo Carta oo mashaariic horumarineed iska kaashan doona oo uu ii sheegay inay jecel yihiin inay soo gaadhsiiyaan gobolka galbeed ee Somaliland ee Selel, waxaanan qabaa labada xafiis furistoodu iyo xidhiidhka labadaa gobolba inay noqon doonaan bilow xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dal. Ramaas, Guddoomiye waxaad tahay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Gole sharci dajineed, intii aad dalka ka maqnaydna waxa dhacday inuu magaalada London kaga qaybgalay shir arimaha Somaliya lagaga hadlayey wasiirka arimaha dibeddu, arintaa Guddoomiye sideed u aragtaa ka sharci ahaan iyo ka fikir ahaanba? Guddoomiye Cirro, horta dee dalka anniga oo kaliya ayaa ka maqnaa ee golayaashii sharci dajintu way joogeen, markaa annigu wax tafaasiil ah kama hayo, markaa hadii ay shaqo qabtaan iyo hadii kaleba [xukumada] golayaashu waxa ay xaq u leeyihiin inay wax ka waydiiyaan shaqadaas goluhuna marka uu wasiirku yimaado way u yeedhayaan oo wuu hor imanayaa. Ramaas, Guddoomiye saw muu jirin sharci ay labada gole soo saareen oo mamnuucaayey ka qaybgalida madaxda Somaliland shirarka Somaliweyn, kaas oo ay ka hor imanayso shirkan uu wasiirku ka qaybgalay? Guddoomiye Cirro, Wuu inoo yaalaa sharcigu, laakiin run ahaantii wali ma hayo tafaasiil igu filan shirkaas uu ka qaybgalay wasiirku iyo sida uu uga qaybgalay, laakiin daw ayaa loogu leeyahay in la waydiiyo shirka iyo sababta uu uga qaybgalayba. -
Good work by faarmaajo
-
Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Ganacsato Ingiriis Ah February 13th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qaabilay wefti Ganacsato ah oo ka socday dalka Ingiriiska oo socdaal ku yimid dalka. War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka soo saaray kulankaasi wuxuu u dhignaa sidan:- “ Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobnaa Ganacsato iyo Maal-gashadayaal. Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Inna dhaafay. Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka. Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Sadex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhexmara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska Dhamaad ka Bish March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada . Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka. Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.”
-
SOMALILAND: 300 police recruits to be trained on human rights
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
300 Oo Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Maanta Tababar Uga Furmay Dugsiga Tababarada Ciidamada Ee Mandheera. Hargeysa(Ramaas) Feb.11, 2011 - Askar ay tiradoodu dhan tahay 300, ayaa maanta tababar uga furmay dugsiga tababarada ciidmada ee degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, kuwaas oo la bari ilaalinta xuquuqda aadamaha. Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay furitaanka tababarkan, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaarada arrimaha gudaha, taliska ciidanka booliska iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo ay masuuliyiintu halkaas ka soo jeediyeen hadalo gubaabo ah oo lagu dhiirigalinayo ciidanka. Qaar ka mida saraakiisha ciidanka booliska oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda aadamuhu ay tahay mid ka mida waajibaadka ciidamada oo ilaaliya cadaalada dadweynaha, waxaana ay u soo jeediyeen xubnaha tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan casharada la barao muddada uu socdo koorasku, si marka ay dhamaystaan tababarkana ay aqoonta ay soo barteen ugu shaqeeyaan dadweynaha, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta. Ciidanka booliska Somaliland, ayaa waxa xaga tababarada ka caawiya hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP. Tababar ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee tiro intaas leeg lagu soo tababaro ilaalinta xuquuqda aadamaha. -
War-Saxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay Wefti Ganacsato Ah Oo ka Socda Dalka Ingiriiska. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobna Ganacsato iyo Maal-gashadayaal. Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Ina dhaafay. Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka. Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Saddex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhex-mara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska dhamaad ka Bisha March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano. Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka. Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka. Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada. Allaa Mahad Leh Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
Madaxweynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland February 12th, 2011 Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa manta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.. Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada dal, waaxaana kulankaasi lagu gorfeeyay sidii iskaashiga labada dal kor loogu sii qaadi lahaa. Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyay xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland waxaanu u soo jeediyay in loo baahan yahay in qaran ay sii adkeeyaan wax wada qabigooda. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Wakiiladdu uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Jabuuti sidii ay ugu soo dhaweeyeen dalkaasi. Guddoomiyaha Wakiiladdu wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga waramay xaalada Nabadgelyo, siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland. Sida caawa uu baahiyay TV-ga Qaranka ee Jabuuti waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Md. Idiris Arnaa’uud Cali. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland kulamo kala duwan la yeeshay Golaha Baarlamaanka Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadleen sidii Baarlamaanadda labada dal ay iskaashi iyo wax wada qabsi u yeelan lahaayeen. Waa markii u horaysay ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuurti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Baarlamaanka dalkaasi.
-
SOMALILAND: 300 police recruits to be trained on human rights
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The training will take place in Ethiopia with the Support of the United Kingdom and human rights is not the only thing they will be trained on police recruits learn techniques for handling disputes and internal tensions including national protests and demonstrations. Ethiopia only provides the location of the training. United kingdom is planning another training in the next two years in a train-the-trainer training’ programme.The training will have three phases two in Ethiopia and one in Somaliland. -
SOMALILAND: 300 police recruits to be trained on human rights BERBERA — The ministry of Interior, partnering with the United Nations Development Programme (UNDP) has started a new program to train some 300 Somaliland police recruits in the town of Mandera, in Sahil region. The inauguration ceremony was attended by officials from the ministry of Interior, police commissioner, Mr. Mohamed Saqadhi Dubad and delegates from the UNDP. The aim of the programme is to help the police recruits learn techniques for handling disputes and internal tensions including national protests and demonstrations. The recruits will undertake training on human rights rules and humanitarian law principles. The training is to be conducted by Somaliland officers who received their training in Ethiopia with the support of United Kingdom. The officers received training in the areas of leadership, diversity, professional standards, community policing, human rights, intelligence led policing, serious crime, forensics, command and control and counter terrorism. UK plans to train further 450 officers in the next two years in a ‘train-the-trainer training’ programme that will cost US$968,000. The training will have three phases; two in Ethiopia and one in Somaliland. This is the largest number of recruits to be enlisted for the Mandera academy.
-
red sea Somalina believes TFG is the best solution for Somalia and only some leaders can make TFG successful
-
Allaha u naxariistee Sh. xasan Cadde oo Muqdisho ku geeriyooday
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
alayaraxma raximin -
Taleexi;694595 wrote: Maxaad dalka la damacdeen hadduu Duke madaxweyne noqdo? waxay ka baqaysa inu cabdilahi yusuf oo kale ku noqdo war hoy hoy ma ii maqleysin wa habaar qabihi mudug gah gah gah
-
i agree down with qabyalaad
-
Che nabadiidku na wa guuraya , nabadoonkuna wa so galaya;)
-
Weleh nimanki way ka so darayaan;)
-
nuune;694244 wrote: Xaaji Xeyraan , is every SSC origin a rebel? I need one page explanation if you have spare time now PLEASE no ofcourse not the rebels are the qarandiids and nabaddiids only, and they should not be confused with the noble people of sool sanaag and cayn the majority of the people of ssc origin are peace loving Somalilanders
-
Actually taleexi abti it's the rebels who refused peace and they used kalshaale disputed area between the two brotherly clans as a reason to declare a war on the Somaliland armed forces. who are stationed there in the buhoodle district as peacekeeping forces in between the various clans in the Buhoodle region it's the rebels they are the one who are using the clan card to get sympathy fromt he diaspora community and their Tribesmen with in the country. But we know what your plans are and it's not going to happen. the rebels will be cleaned from south eastern togdheer.
-
^^ eeg watan sheegeyo dagaal uun baad hurinaysan nabada aad baad u necebtihin laakin anagu nabada baanu ka shaqeyneyna nabada dalkayaga waanu ilaalinayna anagu.
-
kalshaale dee wa dhul daaqsin waxa la isku dilaya ,, in dhulka an dagaal ka dhicin. hadaydan ciidanka qaranka so weerarin dagaal ba ma dhaceen
-
Kuwan irin ma jidbaalay akhriyan iyaguna kulaha 1000s displaced Meesha la isku dagalay ba shacab ba degana
-
Army Boosting Forces After Deadly Unrests In Eastern Somaliland KALSHALE (Somalilandpress) — The Somaliland army is boosting its forces in the Buhodle district a day after deadly clashes left more than 20 dead in the village of Kalshale. According to eyewitnesses in the town of Burao, hundreds of heavily army vehicles were heading to the flashpoint areas to confront an armed clan militia backed by Somalia’s semi-autonomous region of Puntland. The Sool, Sanaag and Ceyn group, abbreviated as SSC, on early mornings of Monday launched a counter-attack against army positions in the village of Kalshale. The army was originally moved to the area to shore up a fragile ceasefire between two warring local clans who clashed over grazing pasture and water sources after a server drought.