Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Jacaylbaro;693628 wrote: He will just come and say WAA BEEN ,,,,, oo sawta xita af fransiis ku qoran siiday been ku noqon karta
  2. Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Hanjabaad Kulul U Diray Puntland kuna eedeeyey dagaalka KalshaaleSubmitted by admin on Tue, 02/08/2011 - 14:34 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu ay si toos ah uga soo qayb gashay dagaaladda ka socda Deegaanka lagu muransan yahay ee Kalshaale. Wasiir Xaabsade waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay qaranimadeeda u difaaci lahayd, waxaanu u soo jeediyay Maamul Goboleedka Puntland in ay faraha kala baxaan deegaamada Somaliland, haddii kaleba buu ku hanjabay in ay kala kulmi doonto cawaaqib xumo aanay dib uga soo waaqsan doonin. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan idiin sheegayaa in ciidamo ka socda Puntland ay soo galeen dagaalka, waxaanan leeyahay Puntland oo aanu isnaqaano, haddii aad ku sii jirtaan waxa aad kala kulmi doontaan cawaaqib xumo” ayuu ku hanjabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaabsade. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in gaadmadii shalay aroor la soo weeraray ciidamada Somaliland ay ku dambaysay dhirbaaxo kulul oo ay ciidamada qaranka Somaliland huwiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray “Ciidamada Somaliland way iska waabiyeen ciidamada, waxaanay badeen jab iyo mahadho aan yarayn, waxaanan ugu baaqayaa ciidamada Somaliland in ay ka feejignaadaan cid kasta oo isku dayda in ay hagar daamo gaadhsiiso” ayuu yidhi Wasiirku. Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “kooxada nabaddiidka ahi waxa ay caadaysteen in wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin is ay khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxa ay doonayaan in ay fadqalalo ka aburaan mandaqada Buhuudle iyo Laascaanood waxa ay sidaas sameeyeen markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan beelaha lacagta u soo dira”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland Si kastaba ha ahaatee labada dhinac ee isku haya degaanka ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkii shalay ka dhacay Kalshaale, waxaanay wararka ka imanaya maanta uu yahay mid xasiloon
  3. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Oo Ku Eedeeyay Kooxda SSC Masuuliyada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Kalshaale, Digniin Culus U Diray Kooxdaas. Hargeysa (Ramaas) Feb.08, 2011 – Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta, ku eedeeyay kooxda SSC-da in ay masuul ka ahaayeen dagaalkii ku dhexmaray deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada jabhada SSC-da, kaas oo sababay khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhawaac keenay. Md Xaabsade waxa uu sheegay in kooxda SSC-du ay caadaysteen in falal amni darro ah ay had iyo jeer ka abuuraan deegaamada Buuhoodle iyo Sool, si ay u kiciyeen shacbiga ku nool jiidahaas oo ay ku beer-laxawsanayaan hayb qabiilnimo, waxaana uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay difaacada xuduudaheeda haddii la soo wareero, waxaana uu yidhi wasiirku ”Kooxada nabaddiidka ahi waxa ay caadaysteen in ay wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin si ay u khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxaana ay doonayaan in ay fadqalalo ka abuuraan degaamada Buuhoodle iyo Laascaanood. Waxa ay sidaas sameeyeen markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo berkadihii la qoday, ayay bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan beelaha lacagta u soo dira”. Wasiir waxa isaga oo hadalkiisa sii wada sheegay in kooxda SSC ay dadka ku nool Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ay ka dhaadhiciyaan in la gumaysto, waxa uu yidhi” kooxdan waxa ay ka dhaadhiciyeen dadka ku nool deegaanada Laascaanood iyo Buuhoodle in la gumaysto, waxaan u sheegayaa shacbigaas in aanay jirin cid gumaysataa waana dad walaalo ah oo wada daga dhulkaas”. Hadalkan ka soo yeedhay wasiir Xaabsade ayaa noqday kii ugu horeeyay ee noociisa ah illaa intii uu noqday wasiirka bishan horaanteedii, kadib markii uu maalintii shalay dagaal ba’ani dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo falaagada SSC-da.
  4. Somalina;693478 wrote: Maxaa la idinla hadlaa oo aad haysaan? dal kulahaa... i'm rooting for you in la idinku aqoonsado cantarabarashkiina iyo sedexdiina gobol... again wali waxba ma haysin 20 sannoh ka bacdi waxad joogteeen halki la idinkakaga tagay qaarna waxay ku dawakheen cajaladihi dawladi siyad bare beri laga duubay , qaarna cumamaad bay qaateen oo godki usama bin ladan oo kale bey galleen. qarna dawlada dalxiista bay tageeraan oo u hudheelada calaamiga ayey barteen sida looga quraacdo like yartan awoowgay u ahay good luck My koonfurian friends
  5. Taleexi;693456 wrote: hehe, happy day for your clansmen, Allow na astur. happy day for ciidanka qaranka iyo ummada qaranimada Jecel
  6. Dagaal Saaka Ka Qarxay Deegaanada Kalshaale, Hagoogane, Buuhoodle iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay. Hargeysa(Ramaas) Feb.07, 2011 - wararka ka soo baxaya deegaanka Kalshaale iyo Hagoogane, ayaa sheegaya in ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaas ay saaka weerar ku soo qaadeen ciidan beeleedyo hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle. Dagaalkan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha labada dhinaca soo kala gaadhay, ayaa hada wararku sheegayaan in ciidanka qaranku dhirbaaxo laxaadle ku dhufteen ciidankii soo weeraray fadhiisimadooda. Dagaalkan ka qarxay deegaankaas, ayaa waxa ka hadlay Wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Md Axmed X Cali Cadami oo sheegay inuu dagaalku saaka dhacay, isla markaana aanu faahfaahin rasmi ah ka hayn khasaaraha dhabta ah ee kala gaadhay ciidanka, isagoo arintaas ka hadlaya waxa “dagaalku waxa uu bilaabmay saaka, ilaa hada si rasmi ah uma ogin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay halkaas, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa”. Md Cadami, isagoo sii wataa hadalkiisa waxa uu yidhi “ciidanka waxa soo weeraray waa ciidan beeleedyo iskaashanaya iyo kooxdii hubaysnayd ee SSC, ciidanka qaranku wuu is dufaacay waayo meel madaafiici kaaga soo dhacayso dee eegan mayside waa iska dufaaci”. Ugu dambayntii waxa wararku sheegayaan in ciidanka Somaliland jabiyey kooxdii soo weerartay, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanadii ay weerarka ka soo qaadeen iyagoo ku sii siqaya dhul cusub oo aanay markii hore joogin ciidanku oo ah duleedka Buuhoodle.
  7. herer nabadi way fiicantahay laakin wa in nabaddiidka iyo qarandiidka laso qa qabta
  8. President siilaanyo is protecting his country from invaders and insurgents well done to the commander in chief of the armed forces.
  9. The rebels are a lost case they lost more ground since the so called creation of the ssc rebel group today they lost 4 men and over 8 injured this is a sad day for the rebels.
  10. maxaba tfg laga la hadla ,, dawladan ma iyada ba wax gacanta ugu jirto
  11. Dagaal Saaka Ka Qarxay Deegaanada Kalshaale, Hagoogane, Buuhoodle iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay. Hargeysa(Ramaas) Feb.07, 2011 - wararka ka soo baxaya deegaanka Kalshaale iyo Hagoogane, ayaa sheegaya in ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaas ay saaka weerar ku soo qaadeen ciidan beeleedyo hubaysan oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle. Dagaalkan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha labada dhinaca soo kala gaadhay, ayaa hada wararku sheegayaan in ciidanka qaranku dhirbaaxo laxaadle ku dhufteen ciidankii soo weeraray fadhiisimadooda. Dagaalkan ka qarxay deegaankaas, ayaa waxa ka hadlay Wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Md Axmed X Cali Cadami oo sheegay inuu dagaalku saaka dhacay, isla markaana aanu faahfaahin rasmi ah ka hayn khasaaraha dhabta ah ee kala gaadhay ciidanka, isagoo arintaas ka hadlaya waxa “dagaalku waxa uu bilaabmay saaka, ilaa hada si rasmi ah uma ogin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay halkaas, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa”. Md Cadami, isagoo sii wataa hadalkiisa waxa uu yidhi “ciidanka waxa soo weeraray waa ciidan beeleedyo iskaashanaya iyo kooxdii hubaysnayd ee SSC, ciidanka qaranku wuu is dufaacay waayo meel madaafiici kaaga soo dhacayso dee eegan mayside waa iska dufaaci”. Ugu dambayntii waxa wararku sheegayaan in ciidanka Somaliland jabiyey kooxdii soo weerartay, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanadii ay weerarka ka soo qaadeen iyagoo ku sii siqaya dhul cusub oo aanay markii hore joogin ciidanku oo ah duleedka Buuhoodle.
  12. War Deg deg ah Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale iyo Masuuliyiin Xukumada ka Tirsan oo ka hadlay. Monday, 07 February 2011 War Deg deg ah Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale Burco-(Togdheernews.com)Dagaal Culus ayaa waxa uu ka socda Degaanka Kalshaale, Dagaalkan ayaa waxa uu Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Soomaaliland iyo Meleeshiya Beeleedka SSC. Dagaalkan ayaaa waxa la isku Adeegsaday Hubka Noocyadiisa kale Duwan, ilaa hadana Waa uu Socda Dagaalku lamna Sheegin Wax Dhaawac iyo Dhimasho ah. Dagaalkan ayaa ka Culus dagaaladi hore ee ka dhici jiray degaankaasi,isla markaana u muuqday mid labada dhinacba ay u soo diyaargaroobeen, kaaso la filaayo in khaasare culusi ka dhasho. Sidoo kale waxa Dagaalkaasi ka Hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Sooomaaliland Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in ciidamada Jiida hore ee Somaliland ay iska Dhiciyeen maleeshiyada Beeleedka SSC oo saaka weerar gaadmo ah ku soo qaaday. Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu tilmaamay in mar walba ay ciidamada Somaliland heegan buuxa ugu jiraan sidii ay iskaga waabin lahaayeen cadawgooda, waxaanu ugu baaqay in ay heegan buuxa galaan ,isla markaana ka feejignaadaan wax kasta oo ku yimaada. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd ka hadlayay xarunta Baarlamaanka Somaliland, ka dib markii uu ka soo qayb galay hadal uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeedinayay labada gole ee wakiilada iyo Guurtida. “Saaka lixdii aroornimo ayay falaagada SSC weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland, waxaanan idiin sheegi karaa in ay iska waabiyeen isla markaana dhirbaaxo kulul ku dhufteen” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu intaasi ku daray isla markaana uu baaq u diray dhamaanba ciidamada Somaliland ee sugan jiida Hore “Waxa aan u soo jeedinayaa ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dibada kaga iman, kara waxaanan aad ugu kalsoonahay in ay cadawgooda iska dhicin karaan” ayuu yidhi. Wasiirka ayaa tilmaamay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamada Somaliland, balse ay jabiyeen isla markaana khasaare laxaad leh gaadhsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.
  13. hit and run tactics lol waleh kuwaas maalin dhow wala siifeynaya
  14. NASSIR;693272 wrote: Xaaji, How can we substantiate that these furtive photos from the interior and yard of the house are from Xiingalool. I have yet to see a self-professed secessionist from Hargeisa on Maakhir/Puntland soil . The last time such secretive exercise took place inside an unidentified Badhan house resulted in immediate incarceration and stiff penalty from the regional government of Sanaag. Please respect the rights of others to remain united with their brethrens and being champions of Somali unity. its from your own maakhir websites http://www.xingaloolnews.com/?p=4953 and i believe these people are also ethnic maakhiris. Do you see any familiar faces
  15. Somaliland oo Usoo Magacawdey Guddoomiye Cusub Degmada Xingalool (Sawirro) Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo maanta ka dhacdey hoolka Xarunta cilmi baadhista ee Degmada Xingalool ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Xingalool ee Maamulka Somaliland kula kala wareegey Xaaji Iimaan Warsame Cirroowe gudoomiyihii hore ee Degmada iyo Yuusuf Warsame Cali Shire gudoomiyaha cusub. Guddoomiyaha hore ee Degmada ayaa caddeeyey in xilkii uu hayey uu ku wareejiyey Mudane Yuusuf Warsame Cali Shire kadib markii ay soo gaadhey wareegto kasoo baxdey xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose taas oo lambarkeedu ahaa 48/01/2011 kuna taariikheysneyd 16 bishan January waxaana ku qeexnaa in gudoomiyihii hore uu xilka wareejiyo isla markaana uu gudoomiyaha cusub xilkiisa u guto si hufnaan iyo hawl karnimo ay ku jirto Madasha ay ka dhacasey lakala wareegidda xilalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland Mudane C/xakiin Wahaabe, Taliyaha Guutada Shanaad ee Ciidamada Somaliland Maxamuud Boqolle, Isimo, Saraakiil iyo waliba waxgarad kale oo ka tirsan bulshaweynta ku dhaqan Degmada Xingalool waxaana si weyn loogu hambalyeeyey gudoomiyihii hore Iimaan Warsame sida hufnaanta ah ee uu xilka ku wareejiyey. Isla goobtaa ayaa maamulkii hore ee Degmadu waxa uu kusoo wareejiyey maamulka cusub Gaadhi, Guri iyo waliba dhamaan hantidii uu u hayey maamulka Somaliland iyadoo arrintaas si weyn ay ugu mahad celiyeen madaxdii ka hadashey goobta iyo waliba dadweynihii kasoo qeyb galay xafladda. Iimaan Warsame oo xilka gudoomiyaha loosoo magacaabey sannadii 2007 ayaa ahaa gudoomiyihii ugu horreeyey ee ay yeelato Degmada Xingalool isagoo tan iyo xilligaa qabtey waxyaabo la taaban karo oo aaney hore ugu hirgalin Jamhuuriyadda Somaliland waxaana lagu tilmaamey sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyey Gudoomiyihu mid xil-kasnimo ay ku jirto oo bogaadin mudan. Dhanka kale waxaa socdaal hawleed ku maraya Degmada Xingalool Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland C/xakiin Wahaabi kaas oo uu ugu kuur galayo xaaladaha abaarta ee ka jirta deegaanka isaga oo sheegey in warbixinta deegaanka uu u gudbin doono xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha deeqaha bixiye ee ku sugan jamhuuriyadda Somaliland.
  16. Ethiopia says it foiled terrorist attack during AU summit Sunday, February 06, 2011 Addis Ababa, Ethiopia (APA) - The Ethiopian government revealed on Saturday that it has foiled a terrorist attack attempt last week during the 16th African Union (AU) summit and seized 45kg of explosives, APA learns here. “Explosive called C-4 and accessories transported to Addis Ababa via Djibouti were put under control. Alleged Oromo Liberation Front (OLF) instruments and their collaborators were also arrested following court orders while undertaking activities to commit the crime,” said Ethiopian police on Saturday. However, it is not yet clear how many suspects were arrested in connection with this incident. The National Intelligence and Security Service managed to foil the attempt as it was aware of the plot earlier. “The police have been investigating the cause of the alleged criminals put under control in an area locally called Semien Mazegaja in the capital,” said police. The explosive is similar to the one that exploded in Kampala, Uganda, according to police. “Recently explosive was seized in Afar and Amhara States while being transported to Ethiopia from Eritrea following tips from the public,” said police. Ethiopia has been accusing its neighbor Eritrea of similar kind of incidents while Eritrea repeatedly denied it. Several African heads of state and government attended the summit from 24 to 31 January. Ethiopia hosts the AU headquarters in Addis Ababa the capital. Source: APA
  17. Ismahan Somali youth league played a role in the Somalias road to independence from 1950s till the 1960s. This should not be confused with Somalilands road to independence we had our resistance parties Somaliland national league and Xisbullah wich later merged with SNL.
  18. Jacaylbaro;693203 wrote: Konfurians ?? Could be wa iyagi
  19. Che -Guevara;693194 wrote: MD xaal qaado, If axmaqino is defined, Mr Dirir is it. What hell is Somalia people or Somalians? Somalians people from Somalia
  20. a khadar iska daa ina xaji cumar camay waanu iska heshineyna wu yara cadhooday uun arinta kalshaale tana wala iskala heshiinaya ha sugi wayin. we respect the xaaji, Suldaan sicid manaad dhegyesan 5 weeg ka hor ba siilaanyo noogu danbeyse inanu wada hadalnay;)
  21. Shongole:AMISOM iyo DKMG cidii la shaqaysa dhiigoodu wa banaanyahay Muqdisho:(Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in uu dhiigooda banaanyahay cidii la shaqaysaa dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMSIOM ku waasi oo ay tilmaameen inay ku bartilmaameedsan doonaan meelkasta. Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf oo ka mid ah saraakiisha Xaradaka Al Shabaab oo qudbad ka jeedinayay Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo ku aadan dilalka loo gaysanayo dadka la shaqeeya AMSIOM iyo dowladda KMG Soomaaliya. Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu banaanbayahay dhiigooda iyo Maalkooda dadka la shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG islamarkaana ay ka furan tahay sida uu tilmaamay xaasaskooda, isagoo intaasi raaciyay in meel kasta oo lagu arka dadkaasi ay yihiin in la dilo. Sheekh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in iyana dhiigooda ay banaanyihiin dadka ku doodaya in AMISOM ay si sharci ah kusoo gashay dalka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhiftay in meel waliba oo lagu arka dadkaasi ay ku bar tilmaameedsanayaan, isagoo intaasi ku daray in Shabab ay sii wadayso dagaalada ay kula jirto AMISOM iyo dowladda kuwaasi oo uu sheegay inaysan jirin cid ay ka aqbalayaan joojinta dagaalada ay kula jiraan. Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa bartilmaameedsado dadka u shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG kuwaasi oo inta badan dil u gaystaan gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.