Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,066
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Wasiir Ku Xigeenka Arr. Dibada Norway Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland February 17th, 2011 Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka socday dalka Norway oo uu Hoggaaminayay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada MR. ESPEN BARTH EIDE. Weftigaasi oo ka koobnaa lix xubnood waxay saaka ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa waxaana iyagoo ammaankooda aad loo adkeeyay loo soo galbiyay dhinaca xarunta Madaxtooyada. Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa kulankii Madaxweynaha ay la yeesheen weftigaasi ka soo saaray war-murtiyeed u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Dawlada Norway, MR. ESPEN BARTH EIDE. Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noociisa ah oo ay Dawlada Norway iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag. Madaxwweynuhu waxa uu weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada, Madaxwweynuhu waxa kale oo uu Weftiga uga waramay sooyaalkii taariikheed ee somaliland iyo Sidii uu ku yimid midawgii hore ee somaliya iyo siduu ku burburayba. Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan. Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay Dawlada Norway u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland isaga oo Madaxweynuhu weftiga ku soo Dhaweeyey Dalka. Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dalka Norway MR. ESPEN BARTH EIDE wuxuu Dawlada Somaliland ku amaanay Sida Qiimaha Badan ee ay uga Shaqeeyeen Horumarka Dalka iyo Dimuquraadiyada isaga oo si gaara ugu Amaanay Bulshada Reer Somaliland Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku muujiyeen Midnimadooda iyo sida ay ugu bisil yihiin in la Aqoonsado oo ay ka mid noqdaan Dawladaha Caalamka ka jira ee la aqoonsan yahay taasi oo uu sheegay in ay ka Norway ahaan Fiiro gaara u lahaayeen tadawarkii ay soo martay Somaliland ee Dhinacyada Dimuquraadiyada iyo dib u dhiska Dalka. Wuxuu ku Nuux nuuxsaday Wasiirku xigeenku sida ay Somalialnd uga Shaqaysay nabad gelyada ka jirta dalkeeda taasi oo uu tilmaamay inay deris latahay xasilooni daro ka jirta Somaliya Wasiirku Xigeenku waxa uu ka hadlay inay bulshada Caalamku isha ku hayso Budhcad badeeda isaga oo Somaliland-na ku amaanay Doorka ay ka Qaadato Budhcad badeeda kuna Dhiiri geliyey inay halkaa ka sii wado Dedaalkeeda. Ugu Danbayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inay Dawlada Norway Soo Dhawaynayso Horumarka ka socda Somaliland isla markaana kor u qaadi doonto Xidhiidhka iyo kaalmada ay ka gaysanayso Dhicineeda Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Duulista iyo Hawlada, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,. Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnayeen. 1. Espen Barth Eide 2. Per Ludvig Magnus 3. Kjell Harald Dalen 4. Kjetil Elsebutangen 5. Rina Kristmoen 6. Geir A. Schei.” Dhinaca kale weftigan waxay la kulmeen shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland. waa weftigii ugu cuslaa ee ka socda dalka Norway ee socdaal ku yimaada Somaliland.
  2. Xukuumadda Oo Furtay Jeelkii Cusbaa Ee Hargeysa Iyo Khubadii Masuuliyiinta February 16th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha cusub Jeelka Xafladii furitaanka jeelka weyn oo lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa waxa kale oo ka soo qeyb galay wasiirrada cadaalada, Gaashaan dhiga, kalluumaysiga iyo Madaxda ciidanka Asluubta Somaliland. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa halkaasi ka hadlay ayaa waxa sheegay inay xukuumad ahaan ay wax weyn ka qaban doonaan xaalada xabsiyada oo ay maxaabiistu kala kulmaan dhibaatooyin badan oo aan xad lahayn, isaga oo sheegay in mustaqbalka uu heerka xuquuqul insaanka Somaliland la mid noqon doonaa wadamada horumaray.”Waaan ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa in aad loo casriyeeyay loona qalabeeyay Jeelkii weynaa ee Hargeysa ee aynu furayno, isagoo leh dhammaan baahiyihii maxbuusku u baahnaa oo dhan ee ay leeyihiin jeelasha adduunka oo dhammi.” Md. Saylici wuxuu ammaanay fanaaniinta Ciidanka Asluubta oo xafladaasi ku soo bandhigay riwaayad aad loo jeclaystay oo ku saabsanayd waajibaadka ciidanka asluubta iyo waxqabadkooda. “Waxaan hambalyeynayaa dhalinyarada sharafta leh ee hobolada ah [Kooxda ciidanka Asluubta ee Samotalis] ee ay sameeyeen maamulkan cusub ee asluubtu,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku. waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Cadaalada Somaliland Md. Ismaaciil Muumin Aare waxaanu yidhi “Xabsigu xal maahee waa laga maari waayey, Cadaaladu waxay u baahan tahay oo ay u jeedada cadaaladu tahay in la yareeyo danbiyada, in la yareeyo xabsiyada Markaa xabsigu xal maaha ee waan ka maari-weynay ilaa Nebi Yuusuf waakuwii soo qaaday, waxa loo baahan yahay inaynu wax ka bedelno xabsiga laftigiisa, gaar ahaan dhaqankiisa iyo aragtidiisa, waxaana la adeegsanayaa aqoonta Aqoon ayaa wax lagu bedeli karaa sidaa daradeed ayaanu doonayna, Xabsiga Hargeysa muxuu kaga duwan yahay xabsiyadii hore Waxa uu kaga duwan yahay dhaqaalaha xabsiyada ku baxa caalamka oo dhan ayaa ka soo horjeestay.Sidaa daradeed xabsiyada waxa la doonayaa saami ahaan dadka xidhan iyo askarta ilaalinayaa way kala badan yihiin, 2000 oo qof ayaa xidhan ciidankeenina waa 2000-qof, markaa arrinta waxaanu doonaynaa inay soo yaraato oo ay noqoto 10-qof ama 100-kii qof waa inuu qof ilaaliyo, waa in dhaqaalahooda la yareeyo.” Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland Gen. Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane) ayaa xafladaasi ka jeediyay warbixin uu kaga hadlayay xaalada jeelka waxaanu yidhi “Xabsigii Hargeysa waxa la dumiyey 25-kii bishii December 2006-kii waxa uu dhismihiisu socday afar sanadood, waxa xabsigaasi qaadi karaa 562-maxbuus, run ahaanti xabsigu ma dhameystirna waagi dhaweyd markii ay tuugtu badatay boolisku olole ayey ku qaadeen, taasi waxay keentay inay xabsiyadii buuxsamaan, dabadeed isaga oo dhameystiran inaanu maxaabiista geyno. Labada hay’adood dhismaha xabsiga weyn ee Hargeysa isaga kala danbeeyey waxay kala yihiin Dhismaha Xabsigan bilowgiisi waxa bilaabay hay’asda UNDP, markii danbena waxa dhameystiray UNDOPOS oo hada gcanta ku haysa.”
  3. taleexi transitional government for how long abti,, dawladan meel ma gaadho ,goormey gaadhaysa halkay kumeel gaaadhayso;)
  4. adna read here http://oodweynenews.com/news/50308-wasaarada-duuliska-iyo-hawada-ee-somaliland-oo-beenisay-in-magacii-laga-baday-madaarka-cigaal-international-airport-ee-magaalada-hargeysa.html
  5. Shabaab oo xilka ka qaaday gudoomiyahooda gobolka Banaadir Muqdisho :(Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay xilkii ka qaadiyeen gudoomiyahoodii gobolka Banaadir ee Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa waaligii walaayaadka gobolka Banaadir. Kadib munaasabad balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiin, Waxgarad, ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ka dhacday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Maktabka siyaasadda xiriirka gobolada ee Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Maamulka gobolka Banaadir ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo lagu badalay Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo loo yaqaano (Abuu C/raxmaan). Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah Madaxa siyaasadda iyo gobolada ee Al Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Shabaab ee gobolka Banaadir mudo badan uu soo shaqeeyay islamarkaana Maktabka uu gartay in xilka laga qaado laguna badalo Sheekh Max’ed Xasan Cumar. Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay waaligii hore ee Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo sheeagy in uu ku faraxsanyahay xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka qabtay gobolka Banaadir. Sheekh Cali Max’ed Xuseen Wakiilkii hore ee Xarakada Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo maanta xilka laga qaaday ayaa waxaa uu sheegay in loo baahnaa in isbadal lag sameeyo Maamulka gobolka Banaadir ee Al Shabaab, isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo gudoomiyaha lagu badalay. Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu C/raxmaan) oo ah waaliga cusub ee gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo isna ka hadlay munaasabda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanayahay xilka adag oo ay u magacaabeen Al Shabaab wax badan uu ka qaban doono wanaaga gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhikgay. Gobolka Banaadir oo ka kooban 16-degmo, waxaa ku dhawaad 10-degmo gacanta ku haya Shabaab, waxaana gudoomiyaha cusub ee gobolka Baanadir ee Al Shabaab uu ugu baaqay ciidamada Shaabab inay sii wadaan dagaalada ay kala horjeedaan dowladda KMG Somaaliya.
  6. Madaxwayne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Qaadhaan Bixiyayaasha Hargeysa, February 16, 2011 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay galab xafiiskiisa ku qaabilay, wafti ka socda gudida qaadhaan bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, taas oo ay hogaaminaysay Mss Valentina Auricchio. Waxaanay wafigaasi kulankaas kaga xogwarameen ujeedada ujeedada socdaalkood, waxaanay madaxwayne Axmed Siilaanyo uga mahadnaqeen go’aankii uu ka qaatay furista ururada siyaasada. Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa isaguna waftigaas ka socda gudida qaadhaan bixiyeyaasha uga mahadnaqay socdaalkooda iyo taageerada ay u fidiyaan Somaliland, waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse), waxaanu isaga oo dhamaystira u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Galabta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ay Hogaaminayso Ms. Valentina Auricchio oo ka socda Gudida Qaadhaan Bixiyaaasha ee Somaliland ka Caawiya Hanaanka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka. Ugu Horayn Xubanha Weftigu waxay Madaxweynaha uga Warameen u jeedada socdaalkooda oo ay Sheegeen inay tahay Xogogaal u noqoshada Hawlaha Doorashooyinka Hadhsan (Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ) ee Somaliland iyo sii Anba Qaadida Qabsoomidooda. Xubnaha Weftigu Waxay Madaxweynaha Ku Hambalyeeyeen Go’aamadii uu ku sheegay Mawqifka Xukuumadiisa ee Dhinaca Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka Somaliland Khudbadii uu Bishan Horaanteedii Baarlamaanka u Jeediyey. Weftigu waxay Madaxweynaha u Sheegeen in ay Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somaliland ka Caawiya Doorashooyinku ay Diyaar u yihiin Doorka ay ku leeyihiin Sidii ay Doorashooyinka Hadhsan uga Qabsoomilahaayeen Somaliland. Waxa kale oo ay Weftigu ku dheeraadeen Culayskii ay lahayd Diiwaan Gelintii Codbixiyayaashu iyo Aragtidooda la Xidhiidha Qodobkan. Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu weftiga u sheegay inay Somaliland ka hana qaaday, Hanaan Dimuquraadiyadeed oo Guulaystay, Qaran ahaana ay ka go’an tahay Xaqiijintiisa. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay inuu ku talagalku yahay in ay Doorashadii Golayaasha Deegaanada ee Dawladaha Hoose Dalka Ka qabsoonto Sannadkan Gudihiisa. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay Qabashada, Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka oo u sheegay in Markii Dhinac walba laga eegay ay ka Fursan wayday inuu Madaxweyne ahaan Golaha Guurtida ka Codsado in Doorashada Wakiilada iyo Guurtida la Qabto Sannadka 2013, si looga Maarmo ama Looga Baxsado Hawsha iyo Dhaqaalaha iyo Weliba Wakhtiga ay Dalka kelifi lahaayeen in Saddex Doorasho la kala qabto, Saddex Sannadood oo isku Xiga. Dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu Weftiga u sheegay in uu Dhawaan Magacaabayo Gudi Qaran oo Daraasadaysa Isla markaana talo Qaran ka keenta Su’aasha la Xidhiidha Furashada Ururada Siyaasadeed. Madaxweynuhu waxa kale oo uu Weftiga u sheegay in uu Komishanka Doorashooyinka kala tashanayo Qodobka la Xidhiidha Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Ugu Danbayn madaxweynuhu waxa uu Wadamada Deeq bixiyayaasha ee Somalialnd ka Caawiya Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka uga Mahadnaqay Gacan Qabashada iyo Dhaqaalaha ay ku bixiyaan geedi socodka Hanaanka Dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka Hirgalay. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Xubnaha Weftiga uga Mahad naqay Bookhashada ay ku yimaadeen Dalka
  7. WIKILEAKS: Egypt Concern About Somaliland Recognition Passed to the Telegraph by WikiLeaks 8:22PM GMT 15 Feb 2011 Ref ID: 09CAIRO1571 Date: 8/12/2009 9:35 Origin: Embassy Cairo Classification: CONFIDENTIAL Destination: Header: VZCZCXRO0849PP RUEHDE RUEHROV RUEHTRODE RUEHEG #1571/01 2240935ZNY CCCCC ZZHP 120935Z AUG 09FM AMEMBASSY CAIROTO RUEHC/SECSTATE WASHDC PRIORITY 3425INFO RUCNSOM/SOMALIA COLLECTIVERUEHNR/AMEMBASSY NAIROBI 0422 Tags: PREL,PTER,EWWT,KCRM,SO,EG C O N F I D E N T I A L SECTION 01 OF 02 CAIRO 001571 SIPDIS DEPARTMENT FOR NEA/ELA, AF/E E.O. 12958: DECL: 08/04/2019 TAGS: PREL, PTER, EWWT, KCRM, SO, EG SUBJECT: PM PDAS COUNTRYMAN TALKS PIRACY WITH EGYPTIAN OFFICIALS Classified By: Minister Counselor for Economic and Political Affairs Donald A. Blome for reasons 1.4 (b) and (d). 1.© Key Points: — The Government of Egypt (GoE) stressed it values cooperation with the USG on piracy and Somalia. Egypt is anxious to implement the media strategy, agreed upon in the May 25 Fourth Working Group (WG4) meeting of the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), and wants to discuss this at the next CGPCS meeting in New York on September 10. — PDAS Countryman urged the GoE to become one of the first affected countries to accept, detain, and prosecute pirates. However, MFA officials stated Egypt supports the creation of an international court to address piracy because Egypt and other countries are “reluctant to change their laws,” and an international court would ensure fairness and uniformity in the process. PDAS Countryman noted the USG’s many serious reservations about establishing an international court for this purpose. — Both the USG and GoE are committed to addressing the broader situation in Somalia, but the USG believes piracy can be effectively addressed in the near term by the CGPCS. — PDAS Countryman assuaged Egypt’s concerns that Western engagement with local government officials in Somaliland and Puntland would lead to recognition of these regions as separate states. 2.© Comment: The GoE is beginning to understand USG ideas on the division of labor between the two Somalia contact groups, but would like to create a link between the two. We do not expect the GoE to prosecute suspected Somali pirates because Egypt values its position as an interlocutor with all Somali parties including Shaykh Sharif, Shaykh Aweys and Al Shibaab. Ambassador Abdelhammed Marzouk, Deputy Assistant Foreign Minister for East and South Africa has been the key champion of the U.S. policy on piracy in the MFA. He will leave the MFA in September to assume his post as Ambassador to Mauritius. End Comment. ————————————– Cooperation on Piracy and in the CGPCS ————————————– 3.© PM PDAS Countryman met in separate meetings on August 2 with Ambassador Abdelhammed Marzouk, Deputy Assistant Foreign Minister for East and South Africa, and Dr. Ashraf Mohsen, Deputy Assistant Foreign Minister for Counterterrorism and the Egyptian chair of Working Group 4 of the CGPCS, to discuss U.S.-Egyptian cooperation on piracy. Countryman said addressing piracy is a priority for the USG. He said the USG was looking 1) to encourage more countries to sign the New York Declaration dealing with shipping best practices, 2) increase prosecutorial capacity in Kenya and other regional states, 3) address financial levers to interrupt the flow of money generated by piracy, and 4) urge affected countries to prosecute the pirates and not pay ransoms. 4.© Marzouk said the GoE values cooperation with the USG on piracy and Somalia. He had recommended increasing U.S.-Egyptian cooperation by sending a frigate to join in counter-piracy operations, but this idea was met with reluctance by the Egyptian Ministry of Defense, stating financial and operational constraints. Mohsen said Egypt’s position as WG4 chair was not a difficult mandate, although he claimed his colleague “mismanaged” the first WG meeting. He was buoyed by the widespread agreement at the May 25 WG meeting on counter-piracy media strategy, including the message, target audience, and means of delivery. He said the CGPCS should discuss how to implement the strategy at the September meeting. Mohsen opined the GoE and the Government of Yemen can have a positive influence in Somalia to counter piracy, and said he asked an Al Azhar shaykh to work on a paper explaining why piracy is anti-Islamic. However, he warned that Ethiopian outreach efforts could have a negative impact within Somalia. 5.© Countryman stated 20 countries are currently participating in joint anti-piracy naval operations. However, he recognized Egypt’s small Red Sea fleet was involved in preventing weapons smuggling into Gaza, and it was reasonable for Egypt to focus on this as a higher priority than anti-piracy operations. CAIRO 00001571 002 OF 002 ———————————— Detention and Prosecution of Pirates ———————————— 6.© Countryman advocated for prosecution of pirates by affected countries and said if Egypt were one of the first to accept, detain, and prosecute pirates it would enhance the GoE’s credibility and show its commitment to the fight against piracy. He said an international court was unnecessary because piracy cases number in the hundreds, not the thousands, and the crime doesn’t rise to the level of other crimes tried in international courts. He also noted it would undermine state sovereignty – a concept especially dear to both Egypt and the US – on what should be a relatively routine law enforcement matter. 7.© Mohsen said the idea of local Egyptian prosecution was a “non-starter.” He claimed the international court was his idea and opined that this court, based in an African country, would be affordable. Mohsen said in the battle against piracy, Kenya is perceived as “the dumpster of the West,” and corrupt Kenyan officials are “getting paid” to convict pirates. He also stated the Somali Government is opposed to using Kenya for the detention and prosecution of pirates. Marzouk said the GoE failed to realize why the USG was pushing for local prosecution when this would require most countries to change their laws. He told us Egypt has no laws specific to the issue of piracy, and pirates brought to Egypt for prosecution would not see jail time. He said the MFA passed the USG request to take the suspected pirates from the MV Amira to the Ministry of Justice, which Marzouk reported “lacked interest in this issue.” Marzouk said Egypt favors an international court to address piracy because it would ensure fairness, uniformity, and most countries are “reluctant to adjust their laws.” He clarified that he understood the U.S. position, and expressed his view that it would not get in the way of our cooperation on counter-piracy. ———————– The Solution in Somalia ———————– 8.© Countryman explained the USG is committed to the long-term stabilization of Somalia, but feels piracy can be effectively addressed in the near term through the CGPCS. This accounts for the “division of labor” between the two contact groups related to Somalia. Marzouk repeated the Egyptian MFA position that piracy will not be eradicated unless we work to solve the “mess of Somalia.” He understood the U.S. and Western countries want to keep the CGPCS focused on piracy, but he said that in order to address the Somalia issue there need to be linkages between the CGPCS and the Contact Group on Somalia, which is charged with capacity building in Somalia. 9.© Marzouk noted that the U.S. was working separately with the local governments in Somaliland and Puntland, and he asked if the U.S. supported recognizing these areas as separate sovereign entities. He stated the GoE respects the territorial integrity of Somalia and wants to ensure that a solution for Somalia includes the entire country, not specific regions. He also inquired if the USG would be willing to engage with all Somali factions including Aweys and Al Shibaab. Countryman said the USG was committed to Somalia’s territorial integrity, and stated Western engagement with officials in Somaliland and Puntland stemmed from the local authorities, willingness to assist in the battle against piracy and help stabilize Somalia. Noting the USG’s designation of Al Shibaab as a terrorist group, he expressed skepticism that “extremist groups” could be part of the solution in Somalia, and said the USG would listen, not lead, if mediated peace discussions between the TFG and the groups developed. 10.(U) PDAS Countryman cleared this cable. SCOBEY Source: The Telegraph | 15 Feb 2011
  8. Somaliland Receives USD 10Million for airports upgrade HARGEISA — Somaliland Minister of Aviation formally launched a USD 10 million programme to modernise and upgrade two existing airports in the country on Tuesday. Speaking at a ceremony held at Egal International airport, Mr Mohamoud Hashi Abdi told local media that Hargeisa’s main Egal International airport and the main port of Berbera will be rehabilitated in the coming months. He said the Kuwaiti government will be providing all the $10million funds needed to improve the airports’ capacities, terminals, runways and the security to comply with International Civil Aviation Authority (ICAO) standards. He added the Kuwaiti government will supervise and oversee the projects as well as providing technical assistance and capacity building through their non-profit organization, the Kuwait Foudation. Kuwait Foundation is a private, non-profit organization and is chaired by H. H. the Amir of the State of Kuwait. A delegation from the foundation is due to arrive in the country in the next forthnight to assess the airports. The Minister has been abroad for the last two weeks visiting the Middle East and the UK. He has been pushing for developments for all airports in the country. As soon as he took oath, after his party came to power in July, the minister quickly reversed years of neglect for Burao airport and reopened the facility in early this year. Hargeisa airport It is not clear if the new administration will use designs and blue prints for Egal International Airport from the previous regime, who produced a number of designs before their depature from office. Somaliland airports have became under pressure from recent increase in traffic due to many Somaliland Diasporas returning home and the region becoming a gateway to connect Asia, Africa and Europe. As well as these airports, Kuwait also helps Somaliland in the fields of health and humanitarian reliefs.
  9. Somalina koonfurianska waxanu rabna inanu heshiisino oo ay gacmaha is qabsadan ileen wey wareereen eh labbatan sannadood bey is cunayeen , jamhuuriyada Somaliland waxay rabta inad nabad ku noolaatan mustaqblakina so socda haday taasi dhacdo sh dalxiis na wu iska deynaya socodka badan. Somalina na wey iska deyn doonta faroole hadal haintiisa
  10. alayaraxmo wixi wax ku noqday , waxan meesha dawlad isku sheegeysa waxa la yidhi uun shacabka laaya subxaan
  11. ^^^Anagu qof shacab ah oo dalkisa jooga waligayo wax maanu yeelin xita shimbir Booliska Somaliland kumey dilin laascaanood
  12. mamulka gobolka badhan/jsl oo u mahadceliyay xukuumadda jsl. Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Badhan oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolkaas iyo Maayorka degmada Xingalool ayaa iyagoo ku sugan magaalada Badhan (Sanaag-bari) waxay halkaas guud ahaan mahadnaq ballaadhan uga soo jeediyeen xukuumadda JSL. Maammulka Gobolka Badhan Oo U Mahad-celiyey Wasiirka Waxbarashada Somaliland. Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Badhan Faa’iza Xuseen Mire oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolkaas C/xakiin Wahaabi iyo Maayorka degmada Xingalool ayaa iyagoo ku sugan magaalada Badhan (Sanaag-bari) waxay halkaas guud ahaan mahadnaq ballaadhan uga soo jeediyeen xukuumadda Somaliland oo ay uga mahad celiyeen dardar gelinta iyo fidinta maammulka degaannada Sanaag-bari ee gobolka Badhan. Gaar ahaan Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Badhan Faa’izo Xuseen Mire ayaa waxay si gaar ah ugu mahad celisey Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo-Samsam Cabdi Aadan oo dhowaan guddoomiyahan usoo magcawday waxbarashada gobolka Badhan islamarkaasna guddoonsiisey hal baabuur L/cruiser ah iyo shaqaale waxbarashada gobolkan oo loo kordhiyey. Sidoo kalena waxay Agaasimaha guud ee W/Waxbarashada Somaliland Cali-Caliyowiyo weliba Madaxa gaadiidka ee wasaaraddan Cabdi-dheere oo iyaguna si hagar la’aan ah ugala shaqeeyey fulinta hawlaha dhowaan guddoomiyahani ku tagtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo baabuurkan cusub iyo kordhinta shaqaalaha waxbarashada ee gobolkeeda ay ka mid yihiin. Waxyaabahaas oo ay guddoomiyahani sheegtay in ay dar-dar gelin iyo dhiirii gelinba u yihiin bulshada gobolkeeda ku dhaqn.Badhasaabka gobolka Badhan C/xakiin Wahaabi iyo Maayorkan degmd Xingalool ayaa iyaguna dhinacooda Wasiirka Waxbarashada uga mahad celiyey guddoomiyahan waxbarashada loogu soo magcaabay oo sida ay sheegeen ah mid ay ku kalsoon yihiin kuna qanacsan yihiin in ay tahay mid hawshan ku habboon oo ka midho dhalin karta iyo weliba deeqdaas iyo shaqaalahaas waxbarashada gobolkan Badhan.
  13. Maxammad ibrahin aw cali , magaca horaan u maqlay i just can't remember where
  14. Ilahay ha u naxaristo Halyeyadi ufo eeh gacanta ka xaqdarani dishay kuwi nool na ilahay cimriga ha u dhereyo
  15. Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Maanta U Soo Bandhigay Golaha Wakiilada Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011. Hargeysa (Ramaas) Feb. 14, 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta u soo bandhigay ku talagalka odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011, taas oo ka badan miisaaniyadii sannadkii hore la ansixiyay. Wasiirka oo maanta hortagay golaha wakiilada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka kharashaadka miisaaniyada dawlada, isaga oo ballanqaaday in ay kharashgaraynta ay ka dhex muuqan doonto kordhsiimada mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawalada, oo ay hore xukumadu ugu kordhisay mushaharka, waxaana uu wasiirku sheegay in miisaaniyadu ay ka badan tahay ilaa toddobo boqol oo bilyan oo shilinka SL ah, isla markaasna ay bixiyeen dhammaanba daymihii ay ka dhaxleen maamulkii hore dadaalna ay ugu jiraan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka. Waxa uu wasiirku sheegay in xooga saareen cashuur ururinta oo ay ku guulaysteen in ay soo xareeyaan dhaqli badan muddadii ay xilka hayeen, waxaana uu ugu baaqay Md Xaashi shacabka in ay bixiyaan lacagta cashuurta ku waajibtay si looga gudbo duruufaha ay sababtay dhaqaale xumadu, waxaan uu yidhi wasiirku isaga oo ka waramaya xaalada dhaqaale ee wadanka’’ waxa aanu dhaxalnay xalaalda dhaqaale xumo oo aanu ka dhaxalnay dawladii naga horaysay waxa ay ahayd mid adag, waxa aanu meesha uga tagnay lacag la yidhi waa dayn, laakiin aan dayn ee ahaa mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan la bixin afar bilood April ilaa Ausgust kuwii ciidamada oo aan la bixin bishii july raashinkii ciidamada, cisbitaalada iyo jeelasha oo aan wax la siin waxyaabo sidaasa ayaa lagu magacaabay dayn, waa tii lama magcaabay guddi ka kooban hantidhawrka, guddida dhaqaalaha ee wakiilada iyo wasaaradayada dhawr nin oo ka socday kolkay ka soo bilaabeen baadhitaankooda 2002-dii ilaa 2010-kii waxa ay ******** in aanay jirin wax khasaare ah ama ku baaqday dawlada muddadaas, waxa dhacay uun wax isdaba marin waxa soo saareen in ay jirtay 150 bilyan oo dheeraad ah, waxaan aanu bilownay sidii aanu u bixin lahayn mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada oo raashin dheer yahay dhibaatadii aanu la kulan ugu horayn taasaa ahayd, muddo saddex bilooda ah waxaanu iska bixinay mushaharadii, waxa aanu kordhinay dhaqligii 32%, dabadeed waxa aanu ku dhaqaaqnay sidii aanu samayn lahayn dhaqli ururis dhab ah.” Mar uu wasiirku ka hadlay korodhka miisaaniyada sannadkan, waxa uu sheegay in ay miisaaniyadii hore dheer tahay 70%, taas oo ay keentay dadaal xoog leh oo ay wasaadu u gashay sidii loo ururin lahaa dhaqli fara badan, waxa uu yidhi” waxaanu kordhinay miisaaniyada sannadkan 70% kolkaa waxaad arkaysaa muddadaa waxa aanu ku kordhinay oo anaan waliba sidii guda galin nidaamkeedii oo aanu iminkuun bilaabayno,waxaad garan kartaan in aynu wax badan kordhin karno, waxaan bilow in aan diwaan galino meherada oo dhan hadaan tusaale idiin siiyo Hargeysa oo kale waa shan xaafadood ama shan waaxood ayay Magaalada u qayb san tahay, waxa ay noqdeen laba labaatan xaafadood ayay u sii qaybsan yihiin xaafad walba waxa aanu ka furnay xasfiis, xafiiskaas waxa uu ka shaqaynayaa tirakoobka soo ururinta dhaqliga xafaadaas, waxa noo suurta gashay in aanu diwaan galino meheraha Hargeysa ama gobolka Maroodijeex, waxa kale oo aan hawshaas ka bilownay Magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, Boorama, Gabilay iyo Wajaale in aanu diwaagalino meheradaha Magaalooyinkaas ururiska lacagahaas waxaanu galinaynaa Server, si aanu ogaano halka ay cashuurtu ku baaqatay iyo halka ay ku dhimantay, cid kasta ha ahaado ganacsade ama shaqaale dawladeed cashuurta waa lagu leeyahay, waxa aanu hoose u dhignay tacriifadii si ay yaraato tuugado, waxa aanu filaynaa dhaqligii lix bilood ee hore in uu kabato, waxa la leeyahay waxaan kordhinay wali waxa inoo dihin wasaarada dhawr iyo tijaartii, wasaarada qaarkood kharashkooda ayaa ka badan wax soo saarkooda.“ Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada Warsame Siciid, oo faahfaahin ka bixiyay odoroska miisaaniyada, waxaana uu sheegay in miisaanyadan ay tahay kor u kac dhaqaale marka loo eego wakhtigii hore, iyada oo miisaaniyadan ay ku jiraan lacagta loo kordhiyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida iyo, isla markaasn la suura galiyay in ilma kasta oo Somaliland ku nooli heli karo wax barasho bilaasha ah, ka dib markii lacagta laga dhaafay dhammaan dugsiyada hoos/dhexe ee wadanka, iyada oo kharasha shaqaalaha dugsiyada ay bixin doonto xukumadu.
  16. British Investors Arrive in Somaliland HARGEISA — With investment and business deals in mind, a British business delegation of six members arrived in the country on Saturday afternoon to hold talks with government officials. The investors were warmly received at the Presidential palace by President Ahmed Mohamed Silaanyo, Vice-President Abdulrahman Abdullahi Ismail and other senior ministers. The delegation, led by Somaliland-born British businessman Mohamed Yusuf and composed of joint venture and private companies from various industries, are expected to spend the next five days in the country to study the business climate and opportunities in the country. According to a press release signed by the Presidential spokesman, Mr. Abdullahi Mohamed Dahir, the trip is a follow-up action for the agreements President Silaanyo reached with members of the UK government and British firms during his visit to London in late November of last year. It was during that last visit by President Silaanyo that British and Somaliland investors established an economic cooperation center dubbed the Anglo-Somaliland Chamber of Commerce (ASCC). The Chamber will promote trade and investment between the United Kingdom and Somaliland’s private sector and will help foster a cooperation between the two sides. Mr. Yusuf, who has important contacts in the British corporate and government sector, played a crucial in the establishment of ASCC and is currently the president of the organization. As well as holding negotiations and exploring greater investment opportunities in Somaliland, the delegation also brought with them an invitation for the Somaliland government from their UK counterparts. The delegation revealed that the British Foreign and Commonwealth Office has invited three Somaliland minister for another trade and commerce conference to be held in London at the end of March. The conference is expected to host British investors and buyers from both public and private sectors and will enhance bilateral economic cooperation between the two nations. For the first time the UK government is to treat Somaliland as a sovereign nation with equal playing field. Anglo-Lander meetings President Silaanyo briefed the investors of his regime’s achievements since coming to power in July 2010 and the economic reforms they carried out so far. He cited that Somaliland was a virgin solid pipeline of investment opportunity and that his regime has plans to broaden the economy and build stronger foundation for investment opportunities. He added Somaliland was capital-hungry country and a great strategic location on Horn of Africa along southern approaches to Bab el Mandeb and route through Red Sea and Suez Canal. It’s not clear the areas the British investors will explore for possible investment but Somaliland is pushing forward with plans to privatise port of Berbera; the only deep-water port in the Gulf of Aden and an increasingly important port for Ethiopia. The country has proven hydrocarbon potential but two American firms, Chevron and ConocoPhillips maintain their former concessions in the region stands and they still have the rights to explore. However, these concessions were signed under dictator Mohamed Siad Bare who fell more than two decades ago. Somaliland is part of the Arabian-Nubian Shield (ANS) and shares a very similar geological evolution as Ethiopia, Egypt, Eritrea, Sudan, Saudi Arabia and Yemen. It is believed to have precious and industrial metals such as gold, zinc, lead, tin, copper and silver, in particular along the coastline, where rocks have been crystallizing on the flanks of the Red Sea since the Neoproterozoic era. Somaliland is also part of the Mozambique belt and has abundant deposits of gemstones, from emerald to aquamarine, ruby and sapphire as well as vast amounts of garnet, quartz and opal as well as lesser-known minerals such as titanite and vesuvianite. A number of local miners have already unearthed emeralds, rubies and opals but most mining is extremely difficult and painstakingly slow because most miners lack the proper tools and equipment. In 1977, a Bulgarian company extracted some 200 tonnes of quartz of high purity and clarity in an area to the west of Darbuuruq, near Gabiley. According to a South African geologist and gemmologist Dr Judith Kinnaird, there is production of red spinel and tourmaline in dark green and pink watermelon type, zircon, nice crystals of colourless topaz, blue and green vesuvianite, rarer titanite as well as apple green apatite occurs in abundance in the emerald-bearing localities. Somaliland is seeking investors to help them construct a railway from the port city of Berbera to the town of Tog-Wajale on the Ethiopian border. They are also seeking foreign investors in the telecommunication, health and education sectors. The new administration said foreign capital and investment is one of their top priorities during their time in office. As well as Britain, the government plans to invite investors from China, United States, Sweden, Denmark and Finland. The President is expected to visit both Beijing and Washington in the months ahead. Somaliland was a British protectorate that gained independence on June 26 1960, the country was formally recognized for a few days in 1960 as the State of Somaliland, before unifying with the Trust Territory of Somalia (the former Italian Somaliland) later the same week to form the Somali Republic. However the union went sour and Somali republic collapsed in 1991 after two decades of internationally-hidden civil war. Shortly after, Somaliland declared the restoration of its sovereignty.
  17. Taleexi;694821 wrote: Somalina ... saaka dad bay rabtaa inay qarasta ku kiciso lol @ qabiilada Soomaaliyeed oo isu tegey. 4.5 bey sheegeysa abti
  18. dee wa nooc nima argagaxiso haday dadka argagax ku ridaan siba shacabka ku nool buhooodle