Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Dee way fiicantahay hadu tageero baaqi beesha galbeedka burco if they want Cadalaad caladaad wata dadka kala hagta why not Suldaan Yusuuf Suldaan Maxammad xiiray Suldaan Shire Sharmarke Adan the supreme Sultan of beesha bariga Hargeysa says galbeedka Burco wa mid iyaga u taala anagu lama qabno now Somaliland is a democracy each sultan can say what he wants and supports what he want
  2. Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahim Oo Soo Gaadhay Dalka Iyo Dadwayne Tiro badan oo Soo dhaweeyay Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland Daawo Sawiradda Hargeysa(GNS)Madaxexweynihii hore ee somaliland MD Daahir Riyaale Kaahim ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay gagida diyaarada ee Egal airport international ee magaalada Hargeysa. Waxana madaxweynaha soo dhoweyay oo ka hortagay wufuud aad ubaaladhan ooay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland hadana ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada, wasiirkii hore ee cadaalada ,wasiirkii hore ee duliista iyo hawada, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryaynta afhayeenka xisbiga udub iyo waliba wufuud aad usaraysa oo isugu jira wasiiro hore iyo xubno muhim ah oo ka socda xisbiga udub waxa sidoo kale soo dhowentan ka soo qayb galay wufuud ka socda xisbiga UCID oo uu hor kacayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi mudane Aadan Maxamed Mirre Waqaf iyo xubno kale oo xisbiga ucid ah waxa isla madashaas ku sugnaa bulsho weyn aad ufara badan oo ah taageerayaasha xisbiga udub. Dadkan ka hor tagay madaxweynihii hore ee somaliland ayaa sitay boodhadh ,caleemo iyo waliba calamaan kuwaasoo muujinayay shucuurtooda soo dhoweenayd , waxana ay ku dhawaaqayeen eryo ay ku taageersan yihiin madaxweynihii hore ee somalialnd Mudane Daahir Riyaale Kaahim Dhanka kale waxa jiray oo loo diiday in loo ogolaado madaxda sarre ee mucaaradka UDUB in ay galaan gudaha madaarka taasina waxa ay sababtay in laysku dhagxiyo isla markaasna ay raasaas lays weydaarasado , Rasaasta ayaa waxa ridayay ciidanka amaanka halka shacabkuna ay tuurayeen dhagax isla markaasna ay ku qaylinayay ciidanka amaanka ,Wallow aanay wax khasaara ahi ka dhalan arintan, balse waxa ay noqotay meel foodo iyo rabashad kicisay ,balse waxa lagu daddalay isla markaana lagu guuleysat in la dajiyo arintan. Kadib soo degitaankii madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta guud ee xisbiga UDUB isaga oo Gudoomiyaha xisbiga UDUB Mudane Riyaale uu umahadnaqay dhamaan shacab weynaha somaliland isla markaasna hambalayo iyo mahadnaq usoo jeediyay cid kasta oo soo dhoweysay. Si kastaba ha ahaatee soo dhoweynatan ayaa si weyn looga dareemay gabi ahaanba caasimada somaliland waxana ay noqonaysaa markii ugu horeysay ee intuu xilka wareejiyay Mudane Daahir Riyaale Kaahim uu ku soo noqdo dalka. Reported By Ali-Mahdi Osman Ahmed Khadar Cabdi Muuse Gabiley news Reporters
  3. You will see soon A khadar just watch My dear friend peace will prevail
  4. Che -Guevara;729472 wrote: In other news, Maayarka Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga La Dhigay Maayarka Oo Lagu Eedeeyay In Uu Abaabulay Shirar Ka Dhan Ah Qarannimada Somaliland Laascaanood (Somaliland.Org)- Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Aw Daahir Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markaana laga qaaday xilkii Maayarnimo ee uu hayay. Xadhiga Maayarka ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu soo eedeeyay in uu ka dambeeyay oo uu abaabulay shirar ka dhan ah qarranimadda Somaliland, iyo taabo galka nabadgelyada gobolka Sool. Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye oo aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo u xaqiijiyay xadhiga iyo xil ka qaadista Maayarka. “Warkaasi wuu jiraa, waa la xidhay maayarkii xilkii uu hayayna waa laga qaaday, shalay makhribkii ayaa Ciidamada Boolisku xidheen oo ay ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood.” Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, isaga oo hadalkiisi sii watayna waxa uu intaa raaciyay “Maayarka la xidhay waxa lagu soo eedayay falal ay ak mid yihiin in uu uu abaabulay shirar ka dhan ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, amaanka iyo xasiloonida gobolka iyo musuq maasuq baahsan oo ka jira dawladda hoose ee magaalada Laascaanood,” Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee la xidhiidha xadhiga Maayarka ayaa sheegaya in tuulada Karin oo 70 Km Laascaanood ka xigta dhinaca magaalada Garoowe uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay guddoomiye ku xigeenka kooxda nabaddiidka ah ee SSC Cali Sabaray iyo wasiirka qorshaynta maamul goboleedka Puntland Maxamuud Bisin. Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in uu Maayarku magacaabay 21 xubnood oo uu ku tilmaamay guddida nabadgelyada magaalada Laascaanood, kuwaas oo dhawaan si cad ugu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka hadalo ka dhan ah qarannimada Somaliland iyo xasiloonida gobolka Sool. Waxa kale oo lagu eedaynayaa in uu si cad u diiday in uu wada shaqayn la yeesho weftigii ka socday xukuumadda iyo golayaasha qaranka oo ku sugan magaalada Laascaanood. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com He is lucky he is not executed
  5. Kheyr ba ka socda Widhwidh mashallah
  6. Widh-widh: Magaalo la ciir-ciiraysa ergooyinka ka qeyb galaya Shirka nabadeed June 19th, 2011 Widh-widh (Somaliland.Org)- wada hadaladii nabadeed iyo gogoshii Madaxweynaha Somaliland u fidiyay waxgaradka Gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa maalinta Salaasada si rasmi ah uga furmaya magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle. Shirkan nabadeed oo ay ka qeyb galayaan 300 oo ergay oo ka kala socda salaadiinta, cuqaasha, aqoon yahanada iyo waxgarada Gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaana badi ergooyinku ay soo gaadheen goobta shirka lagu qabanayo ee degmada Widh-widh oo laga dhisay taandho weyn oo leeg tii shirkii Carta oo kale, waxaana magaalada Widh-widh ay la ciirciiraysaa samxada ergooyinka shirkan ka qeyb galaya. Waxa kale oo shirkan lagu wadaa inay ku soo biiraan saraakiil badan oo ka mid ah kooxda nabad diidka ah ee SSC kuwaasi oo xiligan go’aansaday inay ka qeyb qaataan wada hadalada nabadda isla markaana ay tabashooyinkooda ka sheegaan shirka nabadeed ee xukuumadda Somaliland u sameysay waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle. Dhinaca kale, waxa xukuumadda Somaliland uga qeyb galaya shirkan wefti heerkiisu sareeyo oo wasiiro ah kuwaasi oo lagu wado inay maalinta bari soo gaadhaan magaalada Widh-widh. Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland iyo dadweynaha deegaankaasi oo is abaabulay ayaa si weyn u xoojiyay amniga degmada Widh-widh ee shirku ka furmayo.
  7. Imisan laha oba TFG wa inay Alshabaab la heshiyaan taas oo kaliya bay kaga bixi karan yuweri Museveni iyo ciidamadisa. Alshabaab waxay haystan ciidan gaadhaya ila iyo 4000 oo xoog u hubeysan intaas ayaa loo bahanyahay ku dar Ciidamada dawlada Kumeel gaadhka isku dar waxad marka haysata Ciidamada Amaanka dalka. Yaad kallo u baahantahay TFG siday maanta tahay is no solution for Somalia , Somalia maha dal xor ah waxa looga yeedhiya Kampala hadaase la diido amarka Kampala way kharajiynayan Ciidamada Kampala ka yimi Masuuliyinta Somali.
  8. Gudoomiyaha Wakiilada Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Norway June 19th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta xafiiskii ku qaabilay wefti ka socday dawlada dalka Norway oo socdaal gaaban ku yimid Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxa uu sheegay in weftigaasi oo ka koobnaa dhawr xubnood ay ka kala socdeen wasaaradaha Cadaalada, Arrimaha dibada iyo Safaarada Norway ee wadanka Kenya waxaanu tilmaamay in kulankoodan oo socday muddo saacad ah uu warbixin dheer ka siiyay xaalada siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale ee Somaliland. Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray inuu uga waramay marxaladihii Somaliland soo martay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay isla markaana uu ka dalbaday in dawlada Norway ay Somaliland ka taakulayso dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay u socdeen sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarinta iyo casriyaynta Jeelasha dalka, waxaanu carabka ku dhuftay inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic ay ku baxayso lacag lagu qadaray 2 Milyan iyo 700 oo kun oo Dollar oo kor loogu soo qaadayo xabsiyada dalka. Geesta kale, waxa maanta ka bilaabmay tababar Mudaneyaasha lagu siinayay qaabka loo isticmaalayo Makarafoono lagu xidhay hoolka shirarka ee golaha wakiilada kaasi oo Mudane waliba heli doono Makarafoon ku yaala Miiskiisa.
  9. ^^ sawdigi odhan jiray ugandhisku nabad bay no keeneyan ?
  10. Muqdisho:-Siihiya Xilka Ra'iisul Wasaaraha oo loo magacaabay C/Wali Maxamed Cali 19. juni 2011 APL Muqdisho(Allpuntland)Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa siihaya xilka Ra'iisul Wasaaraha u magacabay Dr. C/wali Maxamed Cali. Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa ahaa Wasiirkii Qorsheeynta islamarkaana ahaa Ra'iisul Wasaare Xigeenka Xukuumadii Farmaajo oo maanta waqtigeeda dhamaaday. Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa magaacaabstaan siihaya Xilka Ra'iisul Wasaaraha ku sheegay shirkii Jaraa'id ay si wada jir ah u qabteen isaga Ra'iisul Wasaarahii is casilay . Ra'iisul Wasaarahii hore ee Farmaajo ayaa isu casilay caadis uga yimid dhinacyo kala duwan hasa ahatee Farmaajo ayaa waxa uu taageero u muujiyey shacab Soomaaliyeed iyadoon aan la ogeeyn waxa xigi doona iscasilaadiisa.
  11. Waad Ogaydeen In Guddidu Ay Soo Jeediyeen In Shacbigu Doonayo In Asxaabtii La Furo, Sidaa Daraadeed, Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Ayaan Idiin Soo Qadimay” Madaxweyne Axmed Siilaanyo Hargaysa, June 19, 2011 (Haatuf) – “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Furista Ururada iyo Wax ka bedel kaabid lagu sameeyo aan idiin soo qadimay, waad ogaydeen intii muddo ah, waxa ina horyaalay oo aan guddi u saaray oo dood badani ka taagnayd qaranka furista Asxaabta in la furo iyo in aan la furin, guddibaynu u saarnay, guddidii waxa ay ka soo warsatay shacabkii, qiimayn fara badan bay soo samaysay, dedaal aad u fara badan bay gashay, markaa waxa ay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furo, sidaa daraadeed, sidii balanku ahaa, go’aankaa furista Asxaabta iyo wax ka bedelka iyo kaabista lagu samaynayo xeerarka nidaamka Asxaabta ayaan idiin soo qadimay, insha allaahu waxa aan rajaynayaa taa in aad waajibkeeda ka gudan doontaan”. Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay Khudbad uu maalintii shalay ka jeediyey golaha Wakiilada Somaliland oo lagu furayey Hool cusub oo loo dhisay golahaasi, kaas oo ay ka baxday lacag dhan yahay $310 kun oo Dollar, isla markaana boqolkiiba 10% ay bixisay xukuumada cusub ee Somaliland, waxaana maalgelisay Ururka Baarlamaanada Afrika ee AWEPA. Munaasibada xadhigaga lagaga jarayey Dhismahan ayaa waxa sidoo kale ka soo qayb galay Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Guurtida, Xildhibaanada Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirada. Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay munaasibadaasi ka sheegay inuu wax ka bedel uu ku sameeyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamada Sare, waxaanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya “Waaanagii gacan galinay garsoorka iyo Maxkamadaha oo tacadiyo badani ay ka jireen arrinkaas isku bedal ayaaan ku samayey Garsoorayaasha iyo gudoomiyaha Maxkadamada Sare intooda badan. markaa inaad ansixisaan isku bedalkaas ayaan idinka Codasayaa waanad Mahad santihiin.” Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kaas oo u mahad naqay Ururka AWEPA ee Baarlamaanka Afrika oo maalgeliyay dhismahan, waxaanu intaasi ku daray in dhismahan ay ku baxday 310 kun oo Dollar, waxaana kharashkaasi 10% bixisay xukuumada cusub ee Somaliland. waxa kale oo uu xusay in dhismahan ay gacan ka geysteen Golaha Wakiiladdu. Waxaana halkaasi uu Madaxweynuhu shahaado sharafeedyo ku gudoonsiiyey Hay’ada AWEBA oo maalgelisay dhismaha cusub ee loo sameeyey Golaha Wakiillada. Waxa isaguna shahaado la gudoonsiiyey Injineerkii dhisay Xarunta Cusub ee Golaha Wakiillada oo ah Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng Ciise Cali Xamari oo Guddoomiyaha Wakiiladu uu u guddoomay maadaama oo Ciise Xamari uu dalka ka maqan yahay.
  12. Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysay heshiiskii ay madaxda DKMG ah ku gaareen Magaalada Kampala Axad, June 19, 2011 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay taageersan tahay heshiiskii 10-ka qodob ka koobnaa ee madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay horraantii bishan ku kala gaareen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda. Warsaxaafadeed ay xukuumadda Itoobiya soo saartay ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi uu taageersan yahay heshiiskii Kampala, kaasoo ay khilaafkooda ku xalliyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Qoraalka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in shir dib u heshiisiineed oo lagu qabto gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku-haya. Sidoo kale, qoraalkan waxaa looga soo horjeestay banaanbaxyadii Muqdisho ka dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaasoo lagu taageerayay xukuumaddii ra'iisul wasaarihii iscasilay loogana soo horjeeday madaxda kale ee dowladda Soomaaliya iyo heshiiskii Kampala. Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay garab-taagan tahay DKMG Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaas oo dagaal kula jira baa lagu yiri warsaxaafadeedka Xarrakada Al-shabaab. Xukuumadda Itoobiya ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay oo taageerta heshiiskii Kampala marka laga reebo dowladda Uganda oo dalkeeda lagu gaaray, waxaana jira dalal kale oo kasoo horjeestay heshiiskaas.
  13. Ra’iisal wasaarihii Soomaaliya Farmaajo Oo Iscasilay Goordhawayd Muqdisho (Ramaas) June. 19, 2011- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Famraajo) ayaa iska casilay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay dowladda Uganda iyo dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa iscasilay kadib kulammo saacado socday uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Uganda iyo AMISOM oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha cusub ee AMISOM Maj. Fredrich Mugisha. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in iscasilaadda Ra'iisal wasaarihii Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiskii Kampala, iyadoo lagu wado in Farmaajo uu saxaafadda la hadlo goor dhow. Ra'iisal wasaaraha iscasilay ayaa toddobaadkii hore shir jaraa'id ku sheegay in aanu iscasilayn inta heshiiskii Kampala ay go'aanno ka gaadhi doonaan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu ay sii shaqeyn doonaan. Taliyaha ciidamada Uganda, taliyaha AMISOM iyo saraakiil la socday ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulammo la lahaa Ra'iisal wasaaraha, inkastoo uu dhawr jeer oo hore diiday inuu is casilo ayuu haddana maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqay. Farmaajo ayaa xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kadib markii uu khilaaf soo dhexgalay Ra'iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo Madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo Farmaajo uu soo dhisay xukuuumad ka kooban 18-wasaaradood
  14. War Degdega:Madaxwayne Silanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Maxakamada Sare Iyo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Garsoorka Dalka Hargaysa ( Waaheen ) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxakamada Sare Maxamed Xirsi Oomane, waxa uu sidoo kale Madaxwaynuhu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay Garsoorkii Dalka. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti yar ka dib xidhitaanka Shirwaynihii Dib- u habaynta Garsoorka Somaliland taasoo uu Madaxwaynuhu ka jeediyay khudbad uu aad uga dayriyaya nidaamka Cadaalada Dalka kuna balan qaaday inay Xukuumadiisu si dhakhso ah wax uga qaban doonto Short URL: http://waaheen.com/?p=16578
  15. Somaliland: President Silanyo dismisses head of Supreme Court Posted on 19/06/2011 in Latest Headlines Hargeisa(JSLTimes.com) – The president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo today issues a presidential decree in which he dissolves the committee of Judges of Somaliland Supreme Court and he dismisses from his post the head of Somaliland Supreme Court Mr.Mohamed Hirsi Oomane and submits it to the parliament and the senate. On the other hand, the president requested them to do their duty and accept the dismissal of the head of Supreme Court. the president hereby appoints judges that will replace the dismissed ones. The head of Somaliland Supreme Court Mr.Mohamed Hirsi Oomane has been replaced This step taken by the president is part of efforts to right Somaliland justice system. The dismissed judges 1. Mr. Shawqi Elmi Ali 2. Mr. Osman Husen Khayre 3. Mr. Ahmed Diiriye Qalib 4. Mr. Abdi Emi Hasan 5. Mr. Mohamed Yusuf Aynaan 6. Mr. Osman Ismail Ahmed 7. Mr. Mohamed Abdi Naleye 8. Mr. Mohamud Hirsi Farah The newly appointed judges expected to replace the dismissed ones 1. Mr. Ahmed Husen Dirir to be a judge of Supreme court. 2. Mr. Abdiqani Ahmed Mohamed 3. Mr. Abdirahman Salah Mohamed 4. Mr. Abdirahman Madar Arale 5. Mr. Mohamed Omar Geele reinstated as judge of the supreme court 6. Mr. Yasin Hasan Ismail
  16. War Degdega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Furista Ururada Una Gudbiyay Barlamaanka Hargaysa (Waaheen) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa saaka Qudbad uu ka jeediyay Xaflad uu ku furayay Dhisme Cusub oo loo dhisay Golaha Wakiilada kaga dhawaaqay Furista Ururada, isagoo Madaxwaynuhu intaa ku daray in uu u gudbiyayay Golaha Wakiilada. Madaxwayne silanyo ayaa hore Gudi ugu saaray ka soo talo-bixisa Furista Ururada Siyaasiga ah Gudidaas oo ku talisay in la furo Ururada una gudbiyay Go’aankooda Madaxwaynaha oo laga dhursugayay inuu si rasmi ah ugu dhawaaq. U gudbinta Baarlamaanka uu Madaxwaynuhu u gudbiyay arrintan Furista Ururada ayaa ka turjumaysa in uu Madaxwaynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay taasoo ay Barlamaankuna ka gudan Doonaan Wajibaadkooda Dastuuriga ah.
  17. Somaliland: President announces formation of political parties Posted on 19/06/2011 in Latest Headlines Hargeisa(JSLTimes.com) – President of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo today delivers speech to the parliament. He opened a new building for Somaliland representatives and officially announces the formation of more political parties. The president added that he submitted it to the parliament to pass it. The president earlier appointed a committee that will deliberate the formation of political parties and they submitted a verdict in favor of it two weeks ago. Having the president submitted to the parliament the decision of forming more political parties; it indicates that the president officially announces it. The project of the new building was implemented by the organization of African parliament and estimated money of around 310 million dollars was spent. The ceremony was attended by the chairpersons of the three political parties, the Finance Minister, parliamentary speaker, members of the parliament, the senate and other honorable guests. The president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud siilaanyo said in a speech delivered on this occasion of opening new premises for the parliament and thanked the organization of African parliament for their help in assisting us. The government of Somaliland contributed 10 percent of the budget of the new building.
  18. Ra’isal wasaare Farmaajo oo goordhow iscasilay Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa goor dhow shirjara’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay inuu iska casilay xilka ra’isal wasaaraha DKMS. Ra’isal ayaa sheegay hadalkan kadib markii magaalada Muqdisho uu kula kulmay madaxwaynaha DKMGS Shariif Sheekh Axmed,waxaana xilka ra’isal wasaaraha si Kumeel gaar ah loo sii dhiibay Ra’isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Prof Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas. Ra’isal wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inuu xilkan uu sii hayn doono tan iyo inta madaxwaynaha uu ra’isal wasaare cusub ku soo magacaabi doono muddo 30-maalmood ah. Madaxwaynaha dowladda KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goobta ka sheegay in ugu mahadcelinayo iscasilaada ra’isal wasaare Farmaajo. Arintan ayaa la sheegay inay la xiriirto hirgalinta heshiiskii magalaada Kambala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo guoomiyaha baarlamaanka taasi oo qeexaysay in ra’isal wasaaraha uu isku casilo maalmo gudahood kadib saxiixii heshiiskaasi ay qalinka kuwa duugeen madaxwayne Sheekh Shariif iyo Afhayeenka baarlamaanka Shariif xasan Sheekh Aadan. Dhinaca kale afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka magaalada Muqdisho,waxaana shir jara’id uu qabtay ku sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo khilaafka ka dhexjira Dowladda KMGS. Kala Soco Horseed Media faahfaahinta warkan Horseed Media.