-
Content Count
30,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Wasiirka Iskaashiga Caalamig Ah Iyo Arimaha Yurub Ee Waddanka Holland Mr.Pen Knapen Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Loo Sameynayo Golaha Guurtida Somaliland. Hargeysa (Waaheen) Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen oo safar qaatay hal maalin ah ku yimid Somaliland, wasiirku waxa kale oo uu dhagax dhigay Dhismaha Fooqa ah ee loo dhisayo Golaha Guurtida ee Somaliland, Kulankan ay yeesheen ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Golaha wakiilada ee Caasimada Hargeysa. Guddomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan (Cirro) iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Baashe ayaa uga waramay Waftigaasi Horumarka Somaliland ay gaadhay iyaga oo u sheegay in Somaliland gooni isu taagtay 1991kii Xiligaas oo ay xornimadeeda kala noqotay Dalkii laysku odhan jiray Somaliya, waxa kale oo ay u sheegen in Somaliland wax badan qabsatay. Intaasi ka dib ayaa Wasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland Mr.Pen Knapen iyo Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxman (Cirro) waxay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhisme Cusub oo loo sameeynayo Golaha Guurtida Somaliland. Hadaba Waasiirka Iskaashiga Caalamig ah iyo Arimaha Yurub ee waddanka Holland mr.Pen Knapen ayaa waxa uu qabtay shirjaraa’id oo uu kaga hadlay safarkan uu Somaliland ku yimid waxanu ku nuxnuxsaday in Somaliland tahay Dawlada waxbadan qabsatay. Waxana uu yidhi “Waxaanu Somaliland ka taageernaa dhincayo badan sida dhismayasha labada Gole, gaar ahaan kan aanu maanta dhagax dhigayno ee dhismaha Golaha Guurtida, waxa kale oo aanu aad ula dhacnay Nabadgelyada Somaliland ka jirta, oo ah mid aad taabo gal u ah, waxa kale oo aanu xukumada Somaliland ku hambalyeynaynaa doorashiidii aad u qurux badnayd ee somalialnd ka dhacday, Dawlada aan ka socdo iyo Somaliland xidhiidh fiican ayaa ka dhexeya.”Ayuu yidhi Wasiirka Holland Mar la waydiiyey Sida uu u arko Nabadgelyada iyo Xasiiloonida dumuqraadiyada ka jirta Somaliland. Waxa uu yidhi haa waanu ognahay in Somaliland tahay meel nabadgelyadeedu sugan tahay, dhincayo badan ayaanu ka taageernaa Somaliland, waxanu la soconay Doorashadii Somaliland ka dhacay oo ahayd mid xor iyo Xaal ah, Somaliland waanu taageernaa, imikan waanu taageeridoona
-
Guddida Ka Soo Tallo-bixinta Furashada Ururada Siyaasadda Oo Mar Dhawayd Madaxwaynaha U Gudbiyey Natiijada Rayi-Ururintooda Iyo Nuxurka Natiijada Ay Gudbiyeen. Hargeysa (Ramaas) June 8,2011– Guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadda oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa dhamaystirka iyo isku duba-ridka hawlahooda ayaa caawa Madaxwaynaha u gudbiyey natiijadii rayi-ururintooda. Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa shabakada caalamiga ah ee RAMAASNEWS.COM u xaqiijiyey in guddidu caawa Madaxwaynaha kulan kula yeesheen xafiiskiisa Madaxtooyadda isla-markaana gacanta ka galiyeen natiijadii rayi-ururintooda iyo talladii ay ugu tallo-galeenba. Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadu natiijadda ay Madaxwaynaha u gudbiyeen nuxurkeedu ahaa in la furo ururadda. Wixii war ah ee ka soo kordha natiijadda ay guddidu u gudbisay kala soco shakabada wararka ee Ramaas oo had iyo jeer u diyaar ah soo gudbinta warar la hubo oo sugan. Ramaasnews Desk
-
G/Tallo Bixinta Oo Ku Baaqay Furista Ururada Siyaasadda, Soo Bandhigay Ra’yi Ururintii Ay Qaadeen June 7th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddidii Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynuha magacaabay ayaa caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay shaaca kaga qaadeen in dadweynaha Somaliland ay doonayaan furista ururada siyaasada , waxaanay soo bandhigeen natiijada rayi ururin ay ka qaadeen 1769 oo qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. Guddigu waxa kale oo ay ku tallo bixiyeen in la qabyo tiro shuruucda doorashooyinka, ururada siyaasada iyo xisbiyada. War-murtiyeed Guddigu ku bayaamiyeen go’aankooda wuxuu u qornaa sidan:- “Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd: 1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada 2. Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland. 3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada. Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda: A. Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo. Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka. B. Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida. C. Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah. 1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka 2. Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo 3. Dallada Sonsaf Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan: Gobolka Haa Maya Midna Total 1: Maroodi_Jeex 190 302 11 503 2: Togdheer 157 132 0 289 3: Saaxil 91 94 5 190 4: Sanaag 208 66 2 276 5: Sool 185 39 9 233 6: Awdal 171 104 3 278 Total: 1002 737 30 1769 Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare. Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa: 1. In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka. 2. Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda. 3. In lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka 4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka. 5. In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act) Gabogabo ka dib markii aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL, isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda: ? Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka ? Kobcinta hanaanka Demcracy-ga ? Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta ? Fidinta Maamulka ? Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay ? Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa ku sooo ururtay in lafuro Ururada Siyaasad doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah. Allaa Mahd leh Mgacyada Gudida Saxeexa Suleiman Ali Korea —————————— Mahamed A/lahi Du’ale: —————————— Barkhad Jama Hirsi: ——————————- Suldan Axmed Daahir Muuse ————————— Xildh. Mahamoud Hirsi Farah —————————- Maxamed Muuse Abees —————————– Canab Cumar Ileeye —————————– C/lahi Siciid Dheere —————————— Xasan Xuseen Codyare ——————————– Pro. Xusen Xasan Guleed ——————————– Dr. Maxamed Cismaan Fadal ————————– Amina C/lahi Axmed —————————— Khadar Nour Aw Cabdi —————————— Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi ———————————- Jama Maxamoud Cigaal ———————————- Sheikh Almis Sheikh Yaxye ———————————-“
-
Guddida Tallo Bixinta Ururada Siyaasada oo caawa soo saaray go’aankoodii kuna baaqay in Ururada Siyaasada la furo Hargeysa(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya Qasriga Madaxtooyadda oo ay imika ku sugan yihiin Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ka soo tallo bixinta Furashada Ururada Siyaasada ayaa sheegaya inay guddidu go’aamisay in Madaxaweyne Siilaanyo furo Ururada siyaasadaGuddoomiye ku-xigeenka guddidaasi Maxamed Ilkacase oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa warkaas noo xaqiijiyay
-
Somaliland to get its Citizens out of yemen.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Yemen Oo Sheegay Inay Wadaan Qorshe Lagu Soo Daad-Gureynayo Muwaadiniinta Colaaduhu Ku Qabsadeen Dalka Yemen. Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay waddo qorshe ay ku soo daad-guraynayso muwaadiniinta reer Somaliland ee ku go’doonsan dalka colaadaha siyaasadeed ka dilaaceen ee Yemen. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay hadda wadanka Yemen ka bilowday diiwaangalinta guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen si marka la wada helo looga fikiro sida ugu fudud ee looga soo saari karo dalkaas. Wakiilka Somaliland ee dalka Yemen Cali Maxamed Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diiwaangaliyeen dad tiradoodu tahay 1213 qof, inkasta oo dadka halkaas joogaa intaa ka badan yihiin, ilaa haddana ay wadaan hawsha diiwaangalinta “Dadka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen waxa lagu qadaraa tiradoodu inay tahay ilaa 2000 oo qof.” Ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee dalka Yemen oo hadda ku sugan Magaaladda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu khaarajiga Somaliland u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd” Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen Cali Maxamed Axmed, waxa uu sheegay inay dawlada u gudbiyeen tallo la xidhiidha sidii dadkaasi loo soo guri lahaa “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay.” Ayuu raaciyey hadalkiisa waxaanu intaa ku daray in arintan lala socodsiiyay wasaaradaha ay khusayo iyo hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, si la iskaga kaashado daad-gureynta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xaniban dalka Yemen. Ramaasnews Desk -
Ethiopian rebels destroy ruling party stores in Gonder
Xaaji Xunjuf replied to Faafan's topic in Politics
The Amhaara rebel group if they defeat Melez zanawi the Amhaaras will protect the territorial integrity of Ethiopia they were against eritrea's secession. -
Ethnic Somalilander will be elected in kenya
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Indeed good luck to Mr Ibrahim Ahmed we support you in your elections. -
Xukuumada Oo Soo Daadguraynaysa Muwaadiniinta Somaliland ee Ku Sugan Wadanka Yeman June 7th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay soo daad gurayn doonto muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Yeman ee qalalaasaha siyaasadeed ka taagan yahay haddii xaaladu ka sii darto. “Waxa lagu qadarayaa dadka reer Somaliland ee ku sugan wadanka Yeman ilaa laba kun oo qof, waxaanu wasaarada arrimaha dibada u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee dalka Yeman Cali Maxamed Axmed oo socdaal shaqo u yimid caasimada Hargeysa. Wakiilku waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ay aad uga walaacsan tahay ammaanka muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan wadankaasi sababo xaalada dagaalada iyo qaska ka taagan wadanka Yeman. Cali Maxamed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay. Waxaanu is leenahay waxaanu ku qiyaasaynaa dadkeena wadankaasi ku nool ilaa laba kun oo qof. Waxaanay xukuumadu ku wargelisay arrintan Wasaaradaha dib u dejinta iyo Ha’yada qaxoontiga adduun. Waxaana loo diyaargaroobayaa sidii wada jir loogu soo dhawayn lahaa dadkaas.” Wakiilka oo u waramayay TV-ga madaxa banana ee Horn Cable waxa uu ku dooday in xukuumadu ay indhaha ku hayso ammaanka muwaadiniinteeda haddii xaalada ammaanka Yeman sii murugto.
-
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wafti uu hogaaminayo oo Dalka dib ugu soo laabtay Degmada Wajaalena si weyn loogu soo dhaweeyaay Hargeysa(Waaheen)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay muddo Cisho ah safar ugu maqnaayeen Dalka Ethiopia.Waftigan oo maanta gelinkii hore ka soo kicitimay dhinaca Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Ismaamul Goboleedka Somalida Ethiopia Maamulk, ka dib markii halkaasi ay keentay Diyaaradii ay ka soo raaceen Addis-ababa, waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Degmada Wajaale, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolada Hargeysa iyo Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Maayirada Degmooyinka Gabiley iyo Wajaale, Agaasimaha guud ee Kaluumaysiga iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimi Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Wajaale. Muuse Biixi Cabdi oo markii uu soo gaadhay Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u dhexeysa ee Magaalada Wajaale, ayay halkaasi ku qabileen Dadkii soo dhawaynayay, waxa uu goob Fagaare ah kala hadlay Dadweynaha Reer Wajaale, kuwaasoo uga warbixiyay ujeedad Socdaalkan ay kaga soo laabteen Itoobiya iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay, waxaanu hadalkiis ku bilaabay:- “walaalayaal socdaal todoba cisho ah ayaanu ethiopia ugu maqnayn, socdaalkaasi ujeedadiisu waxay ahayd oo uu sii kaabayay kuwii ka horeeyay ee madaxweynaha Somaliland, ee ay Xukuumadiisu hore uga hawl gashay sidii dawlada jaarka ah horumar iyo iskaashi loo wada gaadhi lahaa, Somalilandna Ictiraaf loogu heli lahaa,kuwii ayuunbaanu sii xoojinaynay, waxaana nagu Casuumay Xisbiga EPDRF, kaasoo Hogaamiyihiisa Raysal Wasaare Meles ilaa heer qabalay ay noo soo fadhiisteen, waxaanay nagu ixtiraamayeen xoogiina, karaamadiina iyo codkiina oo aanu huwanayn”. isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “walaalayaal waxaanu gaadhsiinay Dawlada Ethiopia ilaa xisbiga Xukuma fariintii aad noo dhiibteen ee markii aad codka bixinayseen aynu ku balanay ee ahayd in somaliland loo doono ictiraaf ayaanu horgeynay dawlada Ethiopia, anagoo u aragna dawlada ugu awooda badan siyaasiyan iyo xoogba waxaanu u sheegnay inay dadka Reer Somaliland maanta u baahanyihiin inay karaamo yeeshaan oo ay Golaha Caalamka la mid noqdaan, xaqna u leeyihiin dulmina ay tahay in nin laba gidaar fadhiyaa uu na metelo oo uu yidhaahda waa Somaliya, anagoo idinka idin metelayna dulmi baanu u aragnaa caalamkana waanu u sheegaynaa. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu kula dardaarmay dadkii fagaraahaasi kala hadlay inay iska kaashadaan horumarka, isla markaana ka dheeraadaan qabyaalada iyo wixii kala qoqob ku keenaya midnimadooda,waxaanu yidhi “Walaalayaal hore u socon mayno hadii aynu Reer reer iyo qolo-qolo u kala fadhiisano, hore u mari mayno hadii aynaan gacmaha is qabsan, walaalayaal baryo iyo hay’adbaa soo socota ku socon mayno, halkan fariintii aad naga farteen hadaanu nahay Kulmiye iyo Xukuumadiisa ma ilowsanin, fariinta ugu weyn ee aad na farteena waxay ahayd Wajaale waa inay Ceel biyo ah oo macaan heshaa, waanu ognahay oo wali Ceelkii maanan qodin, laakiin waanu ku maqanahay, walaalayaal hadaanu la raagno waa tamar daro e Qalbiga ayuu noogu jiraa oo waanu ku maqanahay, ee ha u qaadanina inaan codkii qaadanay oo iska tagnay, waxa kale ee aynu ku balanay waxay ahayd wadada taasina walaalayaal anagoo taag wayna mooyaane way nagu maqan tahay, waxaanan ilaawi karin maalintii Ololaha la furay maalintii inaad tihiin Magaaladii ugu horaysay ee Calamada meel walba lagu xidhay”. soo dhawayntan loo sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Waftiga uu hogaaminayo oo ahayd mid aanay u kala hadhin dadweynaha reer Wajaale, waxaan ka dhex muuqan Xukuumadda Talada haysa ee Xisbiga Kulmiye, taasoo aan haba yaraatee cid uga qayb gashay jirin, marka laga yimaado badhasaabada Gobolada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda.
-
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Si Balaadhan oo Loogu Soo dhaweeyay Dalka iyo Xukuumada oo ka Muquuratay Soo dhawayntiisa. Muuse biixi waxaa uu qiray in aanu xisbiga KULMIYE waxba ka qaban balan qaadyadii uu dadwaynaha Degmada wajaale u sameeyay wakhtigii uu ku… Daawo Sawiradda Hargaysa(GNS):- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo muddo todobaad ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Muuse Biixi Cabdi oo ka soo degay madaarka magaalada Jig-jiga ee Caasimada ismaamulka somalida ee dalka Ethiopia oo socdaal dhinaca dhulka ah ku yimid somaliland, ayaa markii uu ka soo gudbay xadka Ethiopia waxaa magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi C/raxmaan C/qaadir iyo masuuliyiin kale. Waxaa kale oo soo dhawaynta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka qayb galay badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar X.C/laahi,Agaasimaha guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda,maamulka gobolka Gabiley,xildhibaano ka baarlamaanka,salaadiin,cuqaal iyo boqolaal dadwayne ah kuwaasi oo ruxayay qaarkoodna ay ku labaisnaayeen calanka xisbiga KULMIYE iyo dadwayne kale. Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo socdaalkiisan ay ku weheliyaan gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo Axmed Cilmi yare oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi. Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi markii uu soo gaadhay magaalada Tog-wajaale waxaa uu boqolaal dadwayne ah khudbad uga jeediyay garoonka kubbada cagta ee magaaladaasi,waxaa uu kaga waramay u jeedada safarkii uu ku tegay dalka Ethiopia iyo masuuliyiintii uu la kulmay,isaga oo sheegay in u jeedada safarkan ay isaga iyo xubnaha kale ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ku tegeen dalka Ethiopia uu ka danbeeyay ka dib markii ay Martiqaad Rasmi ah ka u soo direen masuuliyiinta xisbiga talada dalka Ethiopia ahaya ee EPRDF. waxaana uu sheegay in muddadii ay ku gudo jireen socdaalkooda ay kulano la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya Ma las Zanawi, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF ee dalka Ethiopia, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradaha Addis Ababa Degen, halkaas oo labada masuul ay kulankoodaasi kaga wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ee muddada dheer soo jiray iyo siddii loo xoojin lahaa amaanka labada dal la iskagana kaashan lahaa guud ahaan wixii khatar ku ah mandaqada iyo xasiloonida labada dal.waxaana uu intaasi raaciyay Muuse Biixi in dhamaanba kulamadaasi ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee dalka Ethiopia uu ku soo dhamaaday natiijo wanaagsan iyo is afgarad. Muuse Biixi Cabdi waxaa kale oo uu khudbadaasi uu boqolaalka qof uga jeediyay kaga hadlay arimo la xidhiidha balan qaadyadii uu xisbiga KULMIYE u qaaday dadwaynaha ku dhaqan gobolka Gabiley gaar ahaana Degmada tog-wajaale wakhtigii uu ku jiray ololihii doorashada madaxtooyada,isaga oo qiray in aanu xisbiga KULMIYE waxba ka qaban balan qaadyadaasi ka dib markii uu talada dalka ku guulaystay,laakiin muuse Biixi waxaa uu dadwaynihii uu u khudbadaynayay u sheegay in aanu xisbiga KULMIYE ilaawin balanqaadyadaasi iyo sidoo kale taageeradii buuxday iyo codkii ay dadwaynaha reer wajaale siiyayeen xisbiga KULMIYE markii uu ku jiray ololaha doorashada madaxtooyada.
-
Ethnic Somalilander will be elected in kenya
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The independence of the Judiciary came under scrutiny following the decision by the High Court to halt Monday Kamukunji constituency by-election. The Orange Democratic Movement (ODM) has condemned the last-minute cancellation of the by-election saying it reads political mischief in the ruling and now wants the Bill to vet judge’s fast tracked. Deputy Prime Minister Musalia Mudavadi led the party in condemning the ruling. "To organise a by-election in one constituency costs the public about Sh50 million. The Interim Independent Electoral Commission (IIEC) has already printed ballot papers and the candidates have been on campaign trail," Mudavadi told the Press at Orange House yesterday. "This should mean three days before the election IIEC has already spent about the same amount or more. It is therefore not in the interest of the public to stop the process." Lots of resources Mudavadi wondered why ruling on the matter, which had been in court all along on, was entered yesterday, two weekend days before by the election. "There is no Chief Justice to give direction on the matter. A ruling delivered on a Friday when people are preparing to vote on Monday beats logic," he said. Mudavadi, who is also the Minister for Local Government said, the ruling was a major setback for the candidates especially ODM’s Ibrahim Ahmed, whom he said had spent a lot of resources campaigning and during the petition which he won against former MP Simon Mbugua. "Who will compensate the IIEC and the candidates?" Asked Mudavadi. ODM MPs called for a quick surgery of the Judiciary, which it described as rotten and does not listen to the wishes of Kenyans. Ahmed, who was also present during the press conference, said the court ruling would not distract him as it is meant to disorient him. Not to waver "As you are aware, we have been fighting for this seat for a long time. We will continue campaigning no matter how long it takes," Ahmed, who was accompanied by his supporters, said. He asked Kamukunji voters to be patient as the matter is being resolved and urged them not to waver in their support. ODM’s Kasarani, MP Elizabeth Ongoro, said ODM opponents were using unorthodox means to deny ODM its victory. "It was clear that our candidate was going to win this election, but our opponents have decided to use the courts to frustrate us." Nairobi Mayor George Aladwa said the Kamukunji ODM supporters would not be put off by the new turn of events, saying Mr Ahmed was their preferred choice for MP. "Kenyans are watching and that it is high time the spirit of the new Constitution guided all organs of the Government," Aladwa said. -
Ibrahim Ahmed(an ethnic Somalilander) won 2 years ago the elections for MP in Kamukunji(Eastleigh district of Nairobi). But his opponent stole the votes. Ahmed succesfully went to court and his opponent did not get elected and withdrew. Now soon there will be an re-election in Kamukunji district, which Ibrahim is leading. this would mean, that it's the first time a Somali speaking person gets elected outside of NFD area.
-
Saraakiishii u Horreysay Ciidanka Qaranka ee ka soo Qallinjabisa Aqoonta Hoggaaminta Colalka oo Soo Gaadhay Hargeysa Last Modified: Tue 07th Jun,2011 Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo si wadajir ah xaflad soo dhawayn ah ugu qaabilay saraakiishaas Hargeysa (Jam)- Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, gaar ahaan dhinaca dagaalka oo ay ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey. Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyayaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale. Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxbarashada saraakiishani soo qaadatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay muddo ku dhaw saddex sanno oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin. Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya, gaar ahaan Ciidanka Fadaraalka Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland. “Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay tiradoodu tahay 7 laakiin kaalin wayn waxay ka qaadan doonaan hoggaaminta ciidanka Qaranka,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku. Axmed Tanzani waxa uu sheegay in saraakiishan baahi weyn loo qabay, maadaama saraakiishii hore ay noqdeen wax dhintay iyo wax hawlgab ah. Isagoo ka hadlayey nooca aqoonta ay barteen, waxa uu yidhi, “Waxay qaateen tababar ku saabsan habka hoggaaminta colalka ee nooc kasta taatiko ahaan iyo istaraatijiyad ahaanba, maadaama dagaalka wakhtigan casriga ahi u baahan yahay aqoon fiican waxa lagama maarmaan noqotay in la helo saraakiil aqoon u leh fulinta nooc kasta oo dagaalka ah.” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland. “Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu. Taliyuhu waxa uu sheegay in laba kooxood oo kale oo saraakiisha hoggaaminta ciidammada ahi wakhtigan ku jiraan kulliyadda Itoobiya, kuwaas oo noqon doona jiil cusub oo ciidanka bedddela. Gen. Nuux oo la dardaarmayey saraakiishu waxa uu yidhi, “Waxaad ogaataan inay idiin taalo hawl ballaadhan, kuna talogala inay idinka uun idin sugayaan inaad tababartaan saraakiisha kale ee soo kacaya.” Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland , isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan. Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebiyey oo uu ku tilmaamay inay nasiib u heleen kulliyad tayo sare leh. “Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen, aad baanu ugu faraxsanahay in aad heshaan fursad aad ku gashaan kulliyadaas,” ayuu yidhi Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland . Wakiilka Itoobiya waxa uu sheegay in dawladdiisu Somaliland kala shaqayn doonto sidii ciidammadeedu u horumari lahaayeen, “Mudanayaal ogaada in fursad labaad la kordhin doono saraakiisha gelaysa kulliyadaasi ee ka socda Somaliland .” Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona. Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin. Dhinaca kale, saraakiisha cusub ee soo qallinjebiyey ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ay sheegeen inuu ka mutaystay. Saraakiishii u Horreysay Ciidanka Qaranka ee ka soo Qallinjabisa Aqoonta Hoggaaminta Colalka oo Soo Gaadhay Hargeysa Last Modified: Tue 07th Jun,2011 Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo si wadajir ah xaflad soo dhawayn ah ugu qaabilay saraakiishaas Hargeysa (Jam)- Toddoba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo dhammaystay waxbarasho millatari, gaar ahaan dhinaca dagaalka oo ay ku soo qaateen dalka Itoobiya, ayaa loo sameeyey xaflad si ballaadhan loogu soo dhaweeyey. Casuumad qado-sharaf saraakiishaasi loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo saraakiil wehelinaysay, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo hoggaannada ciidanka, Taliyayaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta, madax kale iyo marti sharaf kale. Madaxa hoggaanka Tababarada Ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed (Axmed-Tanzani) oo ugu horreyn munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxbarashada saraakiishani soo qaadatay iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay muddo ku dhaw saddex sanno oo ay ku jireen kulliyad ciidammada Itoobiya leeyihiin. Axmed Tanzani waxa uu u mahadnaqay dawladda Itoobiya, gaar ahaan Ciidanka Fadaraalka Itoobiya oo uu ku ammaanay waxbarashada ay u fidiyeen Ciidanka Somaliland. “Saraakiishani waxay ka soo qallinjabiyeen kulliyadda sare ee abaanduulka Itoobiya oo ah ducfadii u horreysay ee saraakiisha sare ee ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay tiradoodu tahay 7 laakiin kaalin wayn waxay ka qaadan doonaan hoggaaminta ciidanka Qaranka,” ayuu yidhi Hoggaanka Tababarku. Axmed Tanzani waxa uu sheegay in saraakiishan baahi weyn loo qabay, maadaama saraakiishii hore ay noqdeen wax dhintay iyo wax hawlgab ah. Isagoo ka hadlayey nooca aqoonta ay barteen, waxa uu yidhi, “Waxay qaateen tababar ku saabsan habka hoggaaminta colalka ee nooc kasta taatiko ahaan iyo istaraatijiyad ahaanba, maadaama dagaalka wakhtigan casriga ahi u baahan yahay aqoon fiican waxa lagama maarmaan noqotay in la helo saraakiil aqoon u leh fulinta nooc kasta oo dagaalka ah.” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in saraakiishan oo ah kuwii ugu horreeyey ee u soo qallinjebiya Ciidanka Qaranka Somaliland. “Waxa noo muuqatay in saraakiishii hore sii gaboobayaan, waxna dhimanayaan, waxa lagama maarmaan noqotay in saraakiil aqoon leh ciidanka loo abuuro oo kaalintaas buuxsi oo kala heer ah, kooxdani waa heerkii ugu sarreeyey, qaar kale oo iyaguna ilaa saddex sanno ah iyo kuwa shan sanno ahina way jiraan. Sidaas ayaanu doonaynaa in aannu ciidanka beddelkiisii u samayno oo aannu jiil cusub oo maskax iyo firfircooni cusub leh in aannu u abuurno,” ayuu yidhi Taliyuhu. Taliyuhu waxa uu sheegay in laba kooxood oo kale oo saraakiisha hoggaaminta ciidammada ahi wakhtigan ku jiraan kulliyadda Itoobiya, kuwaas oo noqon doona jiil cusub oo ciidanka bedddela. Gen. Nuux oo la dardaarmayey saraakiishu waxa uu yidhi, “Waxaad ogaataan inay idiin taalo hawl ballaadhan, kuna talogala inay idinka uun idin sugayaan inaad tababartaan saraakiisha kale ee soo kacaya.” Taliye Nuux waxa uu sheegay in saraakiishani magac iyo sharaf wayn u soo hooyeen dalka Somaliland , isla markaana ay waxbarashoodii soo dhammaysteen iyagoo sharaf huwan. Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha soo qallinjebiyey oo uu ku tilmaamay inay nasiib u heleen kulliyad tayo sare leh. “Waxaan leeyahay saraakiisha kulliyadda Millatariga Itoobiya ka soo qallinjebiyey hambalyo, inkasta oo tiradoodu tahay 7 haddana waxaannu aaminsanahay inay soo saari karaan boqolaal iyaga oo kale ah. Kulliyada ay ka soo baxeen waa inta badan saraakiisha ugu tayada sarreysa dhinaca tababaradu ka qallinjabiyeen, aad baanu ugu faraxsanahay in aad heshaan fursad aad ku gashaan kulliyadaas,” ayuu yidhi Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland . Wakiilka Itoobiya waxa uu sheegay in dawladdiisu Somaliland kala shaqayn doonto sidii ciidammadeedu u horumari lahaayeen, “Mudanayaal ogaada in fursad labaad la kordhin doono saraakiisha gelaysa kulliyadaasi ee ka socda Somaliland .” Gebogabadii xafladaasi Wasiirka Gaashaandgigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku tilmaamay saraakiishaasi geesiyaal dalkooda aqoon u soo bartay oo anfici doona. Mr. Cadami waxa uu kula dardaarmay saraakiishaasi inay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo ee laga rabo, isla markaana ay waxbadan ku soo kordhiyaan hawlaha ciidanka Milatariga ee ay ka tirsan yihiin. Dhinaca kale, saraakiisha cusub ee soo qallinjebiyey ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ay sheegeen inuu ka mutaystay.