Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Jacaylbaro i was never a member of Alshabab nor did i support them Che Guevara the Amiir Must show humanity and the poor people affected by the drought should be feed ASAP It hurts my heart seeing all these innocent poor people literally dry dead ooh Allah have mercy on mankind
  2. War wati dawlad wadaag la sameyey warba ma haysid so Dr Maxamad rashid wasiro dawladeed laga ma dhigin dee mala faisal ba rabay in safirka finland laga dhigo. But faisal can always crown him self as sultan Faisal anaga ba ku caleemo saari doona toga herer
  3. Jacaylbaro;736132 wrote: Faysal isagaa bad galay dee ,, haduu UDUB iska daba socon lahaa taasi kumay dhacdeen ma is tidhaahdeen ? Ucid sanadihi ugu danbeyey waxay noqotay shandad yaro faisal iska leeyahay oo marba finland ula dhoofo hada waxba laga badalaya hawlihi udub waki la shaqeyn jiray laakin times change.
  4. Inqilaab aan dhiig ku daadan oo Ka dhex dhacay Xisbiga UCID Hargeysa/ToggaHerer 24 July 2011 Warsaxaafadeed ay soo saareen Qaar ka mid ah hogaanka Xisbiga UCID ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Hogaankii Xisbiga Gudoomiye Eng Faysal Cali Waraabe kuna doorteen Hogaan Cusub oo uu hoogaaminayo Aden Mire Waqaf, Masuuliyiinta Soo saartay Qoraalka ayaa warbaahintii Goobta joogtay ayna u qaybiyeen Qoraalkooda ka codsaday in aanay ka qaadin wax sawir ah iyo Cod. Geesta kale waxa la filaayay kuna Beegnayd wakhtiga la qabanayo Congress ka Xisbiga UCID maalinta Berri ah oo ay bishu tahay 25 July. Haddaba Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa sidan:- Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran: v Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hogaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011. v In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID. v In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID v Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka. v Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran. Magaca Xilka Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Gudoomiye ku meel-gaadh ah Axmed Xuseen Fagfagaash G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) G/X/labaad ku meel-gaadh ah Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere) G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah Profisor Abdiraxmaan X. Saalax G/X/afraad ku meel-gaadh ah Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji) Xoghayaha Guud Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan. Go’aankan waxa gaadhay xubnaha guddiga fulinta ee magacyadooda iyo saxeexyadoodu hoos ku qoran yihiin. La soco dhawaan ayaan idiin soo gudbinaynaa Qoraal iyo Jawaabta Hogaanka Xisbiga iyo Qaar ka mid ah Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga UCID ay ka bixiyeen Inqilaabka ka dhex dhacay Xisbiga .
  5. So what duke is really saying is that me and my uncle faroole are both pirates and stealing is our speciality
  6. Faysal Cali Waraabe Oo Inqilaabka Xilka Lagaga Qaaday Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddida Fulintana Ku Tilmaamay SSC Ka Dhex Dilaacday Xisbiga UCID. Hargeysa (Ramaas) July 24,2011 – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee guddida fulinta xisbigaasi sheegeen maanta inay xilka guddoomiyenimada ka qaadeen, ayaa sheegay inuu ka xun yahay talaabada ay qaadeen. Md Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku eedeeyay inuu ka dambeeyo talaabada guddida fulintu qaaday, isla-markaana xubnaha ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen isku urursadeen hab baylaysan. Md Faysal Cali Waraabe oo markii guddida fulintu ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen shir-jaraa’id ku qabtay huteelka Ambasador ayaa sidoo tilmaamay in nidaamka ay u mareen xil ka qaadistiisu ahayn mid sharci ah. Md Faysal Cali Waraabe oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa jirtay in baryahaba uu gudoomiyha golaha Wakiiladu uu lahaa xisbiga aniga hala igu wareejiyo, haddii KULMIYE uu isku wareejiyey heshiis ayey ku ahaayeen oo ay kala saxeexdeen, markaa meel aanu anagu heshiis ku galnayna may jirin, waxaas oo dhana waxa ka dambeeya Cabdiraxmaan Cirro waanan ka xumahay.” Md Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday “Cabdiraxmaan waxa uu urursaday dadkii xisbiga sababta u ahaa inuu dhaco ee aan waxba cod u keenin, markaad dalkeena waxa ka dhex dilaacday SSC, iyaguna waa SSC Xisbiga ka dilaacday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu kala socdaana waa sharci, sharcina ma hayaan, waxaad moodaa in laysku soo abaalulay nidaam-beeleed oo dad uu Cirro (Guddoomiyaha golaha wakiiladda) soo ururdaday oo ay isku beelo yihiin ay meesha waxan ka wadaan”
  7. Well written article indeed Somaliland is one of the only independent states in africa with no direct aid and its a success so far. God bless
  8. Somalina;736028 wrote: AUN marxuumka, sabar iyo iimaan Ilaahey haka siiyo reerkiisa. Amiin
  9. president Siiraanyo sends his condolences Madaxweyne Siiraanyo Oo Dhambaal Tacsi ah u diray Eheladii,Bahda Tacliinta, Udub iyo Shabaka S/L Geerida Ku Timid Muj Talaabo Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Waxbarashada, Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xog-hayihii Xisbiga Kulmiye MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TALAABO) oo ku geeriyooday Waddanka Nairobi Maanta 23-07-2011. Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaaqa Xornimada ee SNM, qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista ee Maleeshiyo beleedkii markii danbe noqday xooga Ciidamada JSL, Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
  10. Alshabaab is the worst thing that ever happened to Somalis since the existence of the Somali race their Cruelty Is beyond believe their aim is to destroy every little living Somali in the horn of africa. Its gone worse there are more then 3 Million people facing starvation as we speak and these Animals won't allow aid humanitarian assistance to reach the poor affected Somalis in the refugee Camps for what ?????? I can't belief one would let his people literally dry dead because the so called aid money and humanitarian assistance was brought by the WFP and other UN agencies how can a person leave the nature of our humanity and let childeren woman innocent people die because some barbaric lunatic is keeping them hostage? What did prophet Muhammad salalahu calayhi wa salam teach us what did he say he said The one who looks after a widow or a poor person is like a Mujahid (warrior) who fights for Allah's Cause, or like him who performs prayers all the night and fasts all the day.", Prophet Muhammd salalahu calayhi wa salam said look after the poor what are these Al shayaadin doing they are letting the poor people perish, May allah help our people.
  11. Taleexi u should read jidbaale cabaadka ka baxaya lol
  12. Somalina hee maxa dhacay awoow maxaan sad ku noqday. Lool
  13. Mujahid conceptkeed hadanaad aqoon. Jihaad. Laftigeeda qeex ninka dhulkisa dadkisa shacabkisa maatadisa dar alle ku difaaco wa mujahid mala diinta islaamkanad aqoon eh. Talaabo calan tawxeeda ah bu dagaalamayey for more than a decade marxist iyo falsafad shuuciyeed bu ku jihaaday ilahay na wa garab galay oo guusha wa siiyey
  14. Why. So angry well that means dharoor vally is a disputed area we shall see what happends. With all the drilling hype
  15. Dawlada Itoobiya oo sii daayey barre hiiraale oo muddo ku jiray xabsi ay gacanta ku haysey 23-07-2011 Gedo (BNN) Xildhibaan bare adan shire hiiraale ayaa la sheegaya in xuriyaadisa dib uga heley Ciidamada itoobiyanka ahaa eeh haysta mudooyinki dambeyay Sidaana waxa xaqiijiya masuuliyin ka tirsan Dawlada KMG. iyadoo Muddo ka badan 3 bil Ciidadam Militariga dowladda itoobiya ay gacanta ku hayeen xildhibaan bare aadan shire hiiraale ayaa galinki dambe eeh maanta la sheegey in ciidamaasi ay dib xoriyadiisa u siiyeen mudanahaasi ka tirsan barlamaanka kmg Somaalia Gudoomiyaha gobolke gedo eeh dowlada KMG Soomaaliya Maxamad cabdi kaliil ayaa isna u xaqiijiey saaxafada in xoriyaadiisa u dib u heley xildhibaan bare adan shire hiiraale oo muddo gacanta ugu jiray ciidaamada militaryga eeh dowlada itoobiya. saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo masuuliyinta kale ayaa la sheegey inay si aad ah usoo dhaweyeen si daysmada xildhibaanka iyado ay jireen wadahadallo lala galayay dowlada itoobiya inti u ku xirnaa xildhibaankaasi gedo
  16. Somaliland goes to Qurbaha oo Basaboorki Landta lo qeybinaya:D
  17. Dibad Wareega Taageera Maleeshiyadda Nabad-diika Ah Ee SSC Oo Cabasho Ka Muujiyey Dedaalada Xukuumadda Somaliland Ku Furfurayso Kooxdaas Bristol (Ramaas) July 23,2011 - Maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC-da ayaa badalay siyaasadii ay kula dagaalamayeen Somaliland, iyagga wadamada dibada ka bilaabay shirar ay ku majaro habaabinayaan qadiyadda Madax-banaanida Somaliland. Maleeshiyadda SSC-da ayaa dadka taageersan ee ku nool wadamada reer galbeedka ku wacyi-galiya in marka wufuuda Somaliland dalalkaas u tagaan fidinta qadiyadda Somaliland ay iyaguna dhinacooda ka qabsadaan shirar ay ku mucaaradayaan wuduuda reer Somaliland. Qoraal dheer oo laga soo saaray shir ay dhawaan Magaaladda Bristol oo ka mid ah Magaalooyinka dalka Ingiriiska ayaa eedaymo loogu jeediyay dawlada Somaliland, iyadda oo qoraalkaasi lagu sheegay in xukuumadda Somaliland baa’biinta kooxda SSC u isticmaashay lacag “Hubka ugu badan ee loo isticmaalo kala qaybinta SSC waa dhaqaale (lacag). Dhaqaalahaas waxaa markii hore aad loogu isticmaali jirey kala qaybinta SSC-da gudaha ku sugan, laakiin hadda waxaa arrinkaasi u soo gudbey jaaliyadaha dibbedda.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay shirkaasi, waxaanu intaa ku darayaa “Waxa jirey shakhsiyaad cayiman oo ka tirsan qurba-joogta ka soo jeedda SSC oo maamulka Somaliland dedaal aad u badan ku bixiyo sidii ay ugu shaqaysan lahayeen uguna fushan lahaayeen ujeeddadooda ku salaysan kala dhantaalidda midnimada SSC.” Sidoo kale, shirka jaaliyadda SSC ee Magaaladda Bristol waxa baaq loogu jeediyay saraakiisha SSC-da ee shirarka kula jira xukuumadda Somaliland “Waxaannu kaloo ugu baaqaynaa in shakhsiyaadkani ay ka waantoobaan shir-hoosaadyada ay la gelayaan Somaliland ayna ka shaqeeyaan sidii ay iyagu u samaysan lahaayeen wax ka fiican waxa loogu yeedhayo.”.
  18. The Zack a Mujahid is a person who fights for Xaq
  19. That tells you that he was a peoples man and not corrupt like most african Ministers and the little money he earned as a deputy Minister was spend on his 8 Kids and wife. Ask not what your country can do for you ask what you can do for your country,and thats what he did he served his country.
  20. Famaraa taking cheap shots against a man who is longer among us tells us everything about your faith. Mujahid Yuusuf Ciise Talaabo shall be remembered for the sacrifice he made for his country throughout all these years the seeds he planted in the 80s in Somaliland we can happeley say he saw it grow the past two decades and he took care of it while it was growing. MayAllah bless your soul Mujahid Yusuf ciise talaabo he will get a state burial in Ceerigaabo tomorrow.
  21. Taleexi;735976 wrote: Marxuumka ha habaarin oo mujaahid ha ugu yeedhin. Maan habaarin , Mujahidka waxan ka baryaya naxariisti Allah iyo in qabriga loo nuuro
  22. Alle Ha U Naxariistee Guddoomiyihii Garabka Siyaasadda Xisbiga UDUB Mujaahid Yuusuf Ciise Talaabo Oo Goor-Dhawayd Ku Geeriyooday Magaaladda Nayroobi. Hargeysa (Ramaas) July 23,2011 – Alle ha u naxaariistee Marxuum Yuusuf Ciise Talaabo oo ahaa siyaasi reer Somaliland ah isla-markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday Magaaladda Nayroobi. Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Ciise oo muddo bilk u dhow xaalad caafimaad daro ugu jiray cisbitaal ku yaala Magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay inuu geeriyooday dhowr saacadood ka hor. Marxuum Yuusuf Ciise Talaabo, ayaa xukuumadihii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda, isaga oo sidoo kalena xubin muhiim ka ahaa xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, isaga oo imikana ahaa guddoomiyaha siyaasadda xisbiga UDUB. Alle ha u naxariistee geerida Marxuum Yuusuf Ciise Tallaabo oo geeridiisa uu Ramaas u xaqiijiyey ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Cabdi-Xaliim. Marxuumka oo la sheegay inuu sanadkii 1947-kii ku dhashay Magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa ifka waxa uu kaga tagay 8 carruur ah iyo hooyadood, isaga oo sidoo kalena taariikh dheer ku lahaa halgankii dib u xoreynta dalka. Alle ha u naxariistee, Marxuumka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda maydkiisa la keeno Magaaladda Hargeysa si loogu aaso.