-
Content Count
30,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
They are in some way but a different half cast harari half cast:D
-
Dr dube cali yare wrote a book in the 50s about the tribal origins of the peoples of Somaliland so he said that his tribe on their maternal side are related to the hararis and his grandmother was from Harar and not from Abyssinia
-
I am not sure about Siilaanyos Habesha connection:D
-
MoonLight1;844316 wrote: in his speech iley was insisting the PL isimo to come and he said he will take them to Tigre region to see the Negus tomb and mosque, I am not sure about it, but i think since MJ (the lady) was a Tigre maybe he wants to take them to her grave yard and lough on them. WTF:D:D
-
Libaaxa wa melez zanawi iyo Iley oo isku dhex jira laxda dhakada madoow na wa faroole:D
-
Foreign Secretary welcomes historic talks between Somaliland and Transitional Federal Government of Somalia 22 June 2012 Foreign Secretary William Hague: "I congratulate the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday." Representatives of Somaliland and the Transitional Federal Government of Somalia met at Chevening House on 20-21 June. The purpose of the talks, the first of their kind, was to establish a framework for future substantive talks. At the request of both parties the meeting was facilitated by the UK government, along with the EU and Norway. Following the meeting the Foreign Secretary William Hague said: “I congratulate the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday. We hope this will be a landmark in the process of clarifying their future relations and achieving peace, security and stability in the region. I congratulate both sides on their willingness to continue the talks and to cooperate on areas of common interest. I am pleased that the UK, along with Norway and the EU, was able to build on commitments at the London and Istanbul Conferences on Somalia to support dialogue by facilitating these talks. Britain will work with international partners to support their efforts as they continue this important and historic dialogue.” http://www.fco.gov.uk/en/news/latest-news/?view=News&id=779032582
-
^^lol@Moonlight:D
-
^^ What about Nuur cade for President?
-
And we have to say he did an amazing job with Mogadishu the past few years Xamar dibi dhiskeeda qeyb libaax ah bu ka so qaatay hadaan la is xaqirayn wadooyinka la furay nalalka lugu xidhay dibu dhiska ka socda dhismayasha ka socda ganacsiga etc. If some loves the city he can really transform the city.
-
Maaddeey;844249 wrote: ^ lol Adeeradeey waa Cali (Sayfu Allaah al maslool), Ahmed gurey, Sayidka, Xasan Dahir IWM, you already noticed they are not related. Now, tell how they all became my uncles?. Amiir Axmed Godane iyo Sheikh Ibrahim Afghani baad ilawday kuwaas ba wa adeeraysha:D
-
I know tarzan i demonstrated with Tarzaan against the Ethiopian occupation in London few years ago he is a good lad.
-
Che -Guevara;844079 wrote: ^Well, think of them like the American Jewish lobby. :D
-
Haa hadaan fahmay wa qolyihi kale weye:D
-
Anigu hagtan wali maan fahmin maxay tahay ma hagbad cusub baa?
-
Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Sh Shariif oo ku guulaystay muddo xileedkooda inay Albaabada u furaan wadahadalo 21 sano lagu dhici la’aa Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku guulaystay 20 sano kadib inay wadahadalo u furan labada Xukuumadood ee midoobay 1960 kii ee Somaliland iyo Somaliya sida ku xusan qoddobada go’aamadii ka soo baxay Shirarkii Caalamka ee Ingiriiska iyo Istanbul iyo kan u danbeeyay ee ay isku soo horfadhiisteen Somalida laftigeedu. Qoddobada lagu heshiiyay ee hordhaca ah ayaan wali sarin halka ay sartu ka qudhunsanayd 20 ka sano iyo ka horba balse waxay u muuqdaan kuwo bilow u ah natiijo fiican oo ay mustaqbalka labada dhinac ku wada gaadhi doonaan xal kama danbays ah oo u cuntama labada dhinac. Qodobada wadahadalka koowaad ka soo baxay waxay kala yihiin:- 1. Iyadoo la raacayo dedaaladdii iyo go’aamadii ka soo baxay bayaankii shirkii London iyo bayaankii shirkii Istanbul ee ahaa in beesha caalamku taageerto wada hadal dhex mara dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya (ama cidda bedeli doonta) iyo Somaliland si ay u heshiis uga gaadhaan xidhiidhkooda ay yeelanayaan mustaqbalka, labada dhinac waxay yeesheen kulan farsamo 20-kii bishani June 2012 ilaa 21-kii bishii June 2012 kulankaasi oo ka dhacay guriga Chevening 2. Kulankani waxaa marti-geliyey Dawladda ingiriiska waxaana ku wehelinaayey dawlada Norway iyo Midawga Yurub. 3. Ujeedada kulankani wuxuu ahaa sidii loo diyaarin lahaa qodobo ajande u noqda wada-hadal mustaqbalka dhex mara labada dhinac. 4. Ka soo qayb-gallayaasha shirkani ee labada dhinac waxay soo dhaweeyeen furitaanka wada-hadalada waxaanay muujiyeen siday uga go’antay inay sii wadaan horumar laga gaadho wada-hadaladani oo ay wada hadaladu sii socdaan. 5. Ka soo qayb gallayaasha Kulankani waxay isla garteen: b) In kulankani uu dhex marayo laba dhinac oo kala ah Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ama bedelkeeda mustaqbalka) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo ama la eegayo qodobka 6-aad ee baaqii ka soo baxay shirkii London iyo qodobka 10-aad ee baaqii shirkii Istanbul t) Waxay labada dhinac isla meel dhigeen in meel dhexe la iskugu yimaado si looga hortago wax kasta oo carqaladayn kara sii socodka wada-hadaladani. J) Waxaa la isku af-gartay inay labada Madaxweyne (Somaliland iyo TFG-du) Kulmaan si loo darso loona sii ambaqaado horumaka wada hadaladda kulankaasi oo dhici doona sida ugu dhakhsaha badanleh X) waxaa la soo jeediyey baaq ah in beesha caalamku sii wado fududaynta wada-hadaladani iyadoo ay fududayntaasina ay ka mid tahay in beesha caalamku u fidiso wada-hadaladani khubaro dibadeed oo dhinaca sharciga, ammaanka iyo dhaqaalaha ah. Kh) Waxaa la isku afgartay la iskuna waafaqay in la wadaago khibradda ah in lagala shaqeeyo beesha caalamku sidii ay gacan dhinaca gargaarka, horumarinta iyo dibu dhiska ah ugu fidin lahayd dadyawga labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) waxaana loogu baaqay inay bulshada caalamku kordhiso gargaarka ay siiso labada dhinac. K) Waxaa la isku raacay la iskuna waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxaha argagixisadda, xagjirka iyo kooxaha danbiyada culus gaysta. L) Waxaa la isku raacay oo la isku waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo budhcad badeeda oo lagala dagaalamo bedda, beriga, in lala dagaalamo danbiyadda bedda ka dhaca, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadiyo bedda. M) Waxaa lagu celiyey taageeradda ah in loo baahanyahay in wakhtiga ku meel-gaadhka ahi dhamaado. Ma jirto ilaa had acid naqdiday qoddobadaasi oo dhinacyada mucaaradka labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanay u muuqdaan labada siyaasi ee kala hogaaminayaa inay dhinac iskaga riixeen ama muquuniyeen Mucaaradadii ka hor iman lahayd, maadaama oo aan ilaa hada wax hadal ah laga haynin. Arrintan waxa loo macnaysan karaa Mucaaradada labada dhinac ee naqdiyi lahaa inay culays ku noqotay Hanjabaadii beesha Caalamka ee ahayd cidii ka hortimaada in talaabo lagu xayirayo dhaqdhaqaaqooda iyo Hantidoodaba lagu soo rogayo. Dhinaca kalaena waxa la odhan karaa kooxihii Somaliya Xukuumadda talada haysa ee Sh Shariif ee ay Ciidamadda Amisom ka bar-bara dagaalamayaan guulo aamusiiya Mucaaradkooda ayay ka gaadhay haday tahay dhinac Milatari iyo mid siyaasadeedba. Dhinaca Madaxweyne Siilaanyana Mucaaradadiisu waxay noqdeen kuwo ka dhacsan xaalada Siyaasadeed ee Dalka ka taagan. Tusaale ahaana wadahadalada noocan oo kale ahi waayo waayo haddii la soo hadal qaado waxay noqon jireen kuwo Buuq iyo Qaylo siyaasadeed Dalka ka kiciya, hase yeeshee sida muuqata waxay noqdeen Xisbiyadii iyo Ururadii Dimuquraadiyaddu keentay kuwo afka biyo uga buuxsameen oo tahli kari la’ inay wax aka yidhaahdaan mustaqbalka siyaasadeed ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku Hogaaminayso. Ma cada sababta dhabta ah ee keentay wakhtigan inay Mucaaradka Somaliland ka hadli waayaan waxyaabaha ka dhacaya Dushooda maadama ay yihiin kuwo sharciyan u jira oo uu Dastuurku damaanad qaaday balse marka aad la sheekaysato waxaad kala kulmaysaa inay baqdin fara badani ka hayso xukuumaddu inay biqilka ku jarto inta aan la gaadhin Doorashada Dawladaha Hoose, taasoo hogaamiye kastaa ka war-warsan yahay haddii uu Siyaasadda Xukuumadda naqdiyo inay dagaal boqnaha goysa la galayso.
-
Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay dowladda KMG SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 22, 2012 Afgooye: (Sh. M. Network) Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu is ku soo dhiibay sarkaal sare oo katirsan Ururka Al Shabaab. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee maamulka gobolka Sh/hoose Axmed Cumar Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maanta sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu is ku soo dhiibay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye ee gobolkaasi. Axmed Cumar Max’ed waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee gobolka Sh/hoose waxa uu tilmamay in qorshahoodu uu yahay in ay qaranka Soomaaliyeed ay difaacaan, islamarkaana ay ciidamada qalabka sida ee gobolka Sh/hoose ku sugan ay diyaar u yihiin in ay sugaan Ammanka gobolka oo dhan.
-
Oba War maaddeey haka xanaajiin yanu isku ka qarxin eh:D
-
Waa koow Maadeey miyaadan dagaal ka daalin qoladinan Shabaab maxaad wada hadal u diideen inad la gashan dawlada kmg waxano dhan wala so afjari laha.
-
Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Somalia;844218 wrote: Fiqi seems to support unity between brothers like you do with Djibouti. But not only Dijbouti.. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/53003-New-Mamuul-goboleed-in-Somalia-udubland Why support this phantom state I wonder? Djibouti is a Somali country and its a neighbor of Somaliland there is trade between the two countries 30% of the Somaliland citizens hold the Djibouti nationality. As for udubland state every one knows i am against clan federalism but udubland state is a funny name udub a Somaliland party:D But fiqi is thinking there is a huge conspiracy against one of the Major Somali clans. So he thinks signing deals with Ileey is something positive a new clan alliance on the horizon between Garowe and Jigjiga:D -
^^:D Carafaat waxkasta oo maskaxdisa ku so dhacda halkan bu ino so dhiga
-
Construction rebuilding boom continues in Mogadishu +PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Abtigiis;844202 wrote: War fiqi'ga ileen qabyaalad baa madax martay!! We don't want a DAG to confront the HAG! Abtigiis Fiqi wuxu leeyahay reer Somaliyeed oo Puntland iyo Jubaland dega ba lo heshiiyey markaas Ileey oo isla reerki habeen iyo maalin Jeel O'gaden ku gura ayaan garab ka dayey:D -
Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Thats just nonsense Djibouti is a neighbor of Somaliland and its in their interests to have relations with Somaliland and good relations is needed the movement of people but that doesn't mean there is a conspiracy against Puntland. Somaliland has other political ambitions than the folks in Mogadisho hence why the talks between Somaliland and Somalia are starting now after 21 years. The Federalism you want is something the other Somalis in the south of the country are not interested in not because they don't like you but because they think its infeasible. Somalia's political power-sharing is still pretty fair 4.5 the 4 major tribes sharing the Parliament and the cabinet the President and Prime Minister. Its just some don't believe in 4.5 Clan federalism and that's the problem. -
The imam is not happy:D
-
AKHRISO warqad uu Madaxwaynaha Puntland u qoray Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska oo kusaabsan wadahadalladii dhex maray TFG iyo Somaliland. Posted by pi English on June 22nd, 2012 Taariikhdu markay ahayd 19-kii bishan aynu ku jirno ee Juun , madaxwaynaha Puntland oo ku hadlaya magaca dawlddiisa iyo dadkiisa wuxuu warqad u qoray dawladda Britian, dawladda Norway iyo waliba midowga Yurub .Warqada oo English ah riix halkaan Ujeedada warqaddu ay ka hadlaysay ayaa waxay ahayd shirkii magaalada London ku dhex maray TFG iyo Somaliland, oo dawladda Puntland ay saluugsanayd waxyaabo si ula kac ah loo khalday. Warqaddan xubnaha ay sida gaarka ah ugu socotay waxay ahaayeen, Matt Bough oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya , Alex Rondos wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub ee Afrika, iyo Per Ludvig Magnus oo ah ambassador-ka Norway u fadhiya Kenya. Sidan ayaa madaxwaynuhu hadalkiisu u dhignaa:- Mudanayaal Xukuumadda Puntland waxay taageero u muujisay dawladda Britain isku daygii iyo qabashadii shirkii Soomaalida ee London ka dhacay 23-dii Feberaayo 2012, kaasoo Soomaalidu ku kulantay qodobbo dhaxal gal ahna laga soo saaray. Ayadoo isla shirkaasi London laga shidaal qaadanayo , madaxwaynaha dawladda kumeel gaark ah ee Soomaaliya wuxuu magacaabay 7 xubnood oo dar dargaliya wada hadallo u dhexeeya TFG iyo Somaliland. Go aankaasi uu madaxwaynuhu ku magacaabay guddigaasi 15-kii April 2012 , wuxuu ahaa go’aan uu madaxwaynuhu qaatay oo mudnaantiisa lahaa marka la eego xaaladaha adage ee dalka ka jira. Dawladda Puntland waa ay aqoonsatay guddiga uu madaxwaynaha dawladda federaalku magacaabay oo ka koobnaa 7 xubnood oo ay ku jireen 2 xubnood oo aad u sareeya oo ka tirsan dawladda Puntland. Tixgalintan gaarka ah waxay ahayd mid saxan marka la eego waxyaabaha 10-kii sano ee lasoo dhafay soo dhex marayay Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan Somaliland barakicinta ay ku haysay qoysas badan . Cabashooyin adag oo ka dhan ah Somaliland-na waxay kallifeen in dagaalo lagala horyimaado Somaliland , taasoo khal khal galisay xasiloonida gobolka. Dadka kunool gobollada Sool iyo Sanaag iyo waliba Buuhoodle oo daris la ah waxay milatariga Somaliland kala kulmeen dhibaatooyin iyo tacaddiyo badan , xilli ay beesha caalamku ay ka aamusan tahay wali. Hadda oo la joogo Somaliland way waddaa siyaasado rabshad iyo qas kusalaysan oo is ballaarin ah. Mudanayaal Waxaan ognahay inay London marti galinayso wada hadal u dhexeeya TFG iyo Somaliland, waxaana ogaannay in TFG ay si kadis ah booska uga saartay xubnihii dawladda Puntland u matali lahaa wada hadalka sabab aan la garan Karin, ayadoo ka dhigtay 5 xubnood xubnaha wada hadallada ka qayb galaya. Liistiga cusub ee laga tagay xubnihii matalayay dawladda Puntland waxay ku tusinaysaa in madaxda TFG cadadis siyaasadeed kadib inay isku dhiibeen dalabkii Somaliland ee ahaa wada hadallada fool ka foolka ah. Waxaan u aragnaa arimaha soconaya kuwo kuwo aan sharci ahayn, oo si khalad ah ay isku naas nuujinayaan labada dhinac TFG iyo Somaliland, waxaana arintani ay si cad meel uga dhacaysaa oo dhaawacaysaa yididiiladii loo qabay shirkii London ee 23-kii Feberaayo ka dhacay magaalada London. Sida saadaasha ah wada hadallada dhex maraya koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland waxay siinayaan awood aysan u qalmin iyo mudnaansho dheeri ah Somaliland oo doonaysa inay ku dooddo helidda madax bannaani , ayadoo si indho adayg ah ku sheeganaysa xudduuddii gumaystayaashu ay xilli hore sameeyeen , isla markaana si cad isaga indho tirayso runta iyo xaqiiqada meesha k ajirta. Puntland waxay horay tanaasulaad uga gashay kabixidda guddiga wada hadallada inta ka harsan xilliga kumeel gaarka ah oo ahaa 4 bilood, laakiin sidaas oo ay tahay , Puntland ma aqbali doonto is beddelada hadda socda iyo wixii kasoo baxa shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland taasoo meesha ka saartay xubnihii Puntland, si ay Somaliland jaanis ugu hesho daneheeda go’itaanka. Mudanayaal Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska inay dib u milicsato marti galinta iyo soo dhawaynta shir noocaan oo kale oo aan loo dhammayn, Puntland-na ma aqoonsan doonto, raallina kama noqon doonto waxa kasoo baxa shirkaasi tan iyo inta waxa khaldan laga saxayo. Tan iyo markii la aasaaasay Puntland 1998-dii , Puntland waxay ku hawlanayd xasilinta deegaannadeeda ayadoo adeegsanaysa dadkeeda iyo ciidankeeda, iyo waliba habkooda gaarka ah . Puntland way sii wadi doontaa dadaalkii wanaagsanaa ee looga bartay si loo helo dawlad awood leh oo Federaal , waxayna ugu yeeraysaa beesha caalamka inay ka qayb qaataan dhiiri galinta nabadda ,dib u heshiisiinta iyo horumark Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo hab wanaagsan oo nadiif ah loona samaynayo dadka Soomaaliyeed taageero la taaban karo