Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Wa shaqadii onlf wa inay arimihan ka fuliyaan Puntland oo ay puntland mar danbe ku dhicin inay shacab Uu dhashay somalida Ethiopia oo dhibaan Dawlada Ethiopia
  2. This is great now we know the enemy now we can crush them all once and for all
  3. Originally posted by Halyeey 11: ninka dhintay meesha ma hawlo samafal buu u joogay . Wa sarkaal Ciidamada qarranka Somaliland Abuunduulaha ciidanka 22 gobolka sool
  4. i said the Garaad is waging a clan war does he mean the garaad is the slave of riyaale
  5. Riyaale is a great guy and he is our commander in chief, and he will protect Somaliland from any aggressor may it be Muslim ku sheeg ah ama garadada kukuyada uu gallay
  6. Well I just no 2 days ago Alshabaab said we are taking over the entire horn, that could mean something, second the garaad said he gave Somaliland 7 days, he killed a Commander of the military of Somaliland. Not a native from lascanood , but from burco. So if the garaad is waging a Clan war inside Somaliland that could be a possibility.
  7. Actually your right Axmed cabdi godane is not a koonfurian he is from Ethiopia. But he is behind this I am sure the alshabaab said 2 days ago we will go to Somaliland and puntland And Djibouti this is their work
  8. Originally posted by Che -Guevara: ^Well Mr. Konfurian, they ain't from the south. LooooooL@traitor the irony. well who knows Bomb la tuuro iyo sarkaal la diilo wa shaqadii koonfurianka baadhitaan baan ku jiira i wil get back to u when i know more , waxa laga yabaa inu garaadkii alshabaab iska soo dhigay , garaadki kukuyada uuu gallay
  9. Madaxtooyada Somaliland oo Lagu Qabtay Xus Baroordiiq ah Oo Loo Sameeyay Qaraxyadii Argagixisadu Hargeysa la Beegsatay Sannad ka Hor BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND Hargiesa 2007 British P.Minster Welcome Party Hargeisa Univ Hargiesa 2006 S/Land-Aljezera Hargaysa (SDWO 30/10/09)- Xuska sannad-guurada kowaad ee ka soo wareegtay maalintii madoobayd ee qaraxyada argagixiso lala beegsaday magaalada Hargeysa 29-kii October 2008-dii, ayaa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland. Munaasibad baroordiiq ah oo lagu xusay, isla markaana loogu duceeyey dadkii ku dhintay qaraxyadii argagaxiso ee lagu qaaday xarunta Madaxtooyada, xafiiskii safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne-ku-xigeenka, xildhibaano, masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu horkacayey Guddoomiye Fasal Cali-waraabe, madaxda xisbiga UDUB, wasiiro tiro badan, aqooyahan iyo ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi. Haseyeeshee waxaan ka qaybgelin xafladaasi xisbiga KULMIYE oo la sheegay in Guddoomiyahooda ciidan isugu jiray boolis iyo kuwa waddooyinku u diideen baabuurkiisa inuu u soo gudbo dhinaca Madaxtooyada oo maanta jidka hor mara gaadiidka dadwenaha laga xidhay. Goobta lagu xusayey maalintan oo digaarada lagu dhejiyey magacyada dadkii ku dhintay, ayaa ugu horreyn Madaxweyne Rayaale uu halkii qaraxii Madaxtooyadu ka dhacay dhigay ubax, waxaannu dadkii ka qaybgalay ka codsaday inay Faataxadda u maraan dadkaa dhintay Allena u baryaan inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo. Kadibna Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay qaraxyadaasi cadowga Somaliland la beegsaday sannad ka hor dalka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa kii ugu darnaa ee Somaliland lagu soo qaado, isla markaana lagu doonayey in lagula dagaalamo qaranimadeeda. “Maanta Marka ugu horaysa kulankani waxa uu ka turjumayaa inaan xusuus u samayno dhacdooyinka qarankeenan ku dhaca oo tani ahayd tii ugu darnayd. Laakiin waxaa jecelahay dhacdadani waxa ay ahayd mid lala beegsaday Qarannimadeena weliba waqti xasaasi ah oo doorasho aynu ku jirno, oo loogu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, oo ay ugu talo-galeen ilaahay kamuu aqbaline in Somaliland halkaas ku dunto oo lagu kala dhaqaaqo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan jecelahay inaan xusuus ka bixiyo dhacyooyinkii dalkan ka dhacay ee falalka argagixisada ahaa, laga soo bilaabo 19-kii September 2002-dii falkii budhcadnimada ahaa ee gaadhi hay’adda UNDP lahayd ee ka dhacay xaafada Guryasamo ee magaalada Haragaysa, markaas ayey inagu bilaabantay argagixisadu. Waxa ku xigay falkii 5-dii bishii Janaury ee 2003-dii loo gaystay laguna dilay dhakhtaradii Analina ee Talyaaniga ahayd ee ka shaqaynaysa dhakhtarka TB-da Boorama. Waxa ku soo xigay falkii 5-tii bishii koobaad ee 2003-da lagu khaarijiyey macalimiintii lamaanaha ahaa ee Dugsiga Sheekh. Waxaa ku xigay falkii 20-kii bishii tobnaad ee 2003-da budhcadu ka fulisay magaalada Wajaabe ee ay lacagta ku dhaceen. <img src="http://www.sdwo.com/BARORDIIQ4.jpg-for- web.jpg" alt="" /> Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in falalka isqarxintu ka mid yihiin fidno ku soo koradhay dunida, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo qorshe lagaga hortagayo oo lagula dagaalamayo, waxaannu yidhi; “Waxa inla gudboon inaynu dalalka islaamka ah kaga dayano sida ay ula dagaalamaan kooxahaas sida Sucuudi Areebiya oo kale. Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo weliba Wasaarada Diinta iyo Aw-qaaftu ay hormuud ka noqonayo in fadwo lagaga hadlayo noocan dagaalka cusub ah ee weliba Ummadeena diin la’aanta u horseedaya in la sameeyo.” Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey dadka waalidiinta ah inay Ubadkooda ilaashaadan, isla markaana ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha la barayo. Waxaa kaloo uu mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inuu qayb-libaax leh ka qaatay daawayntii dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay. Waxaannu reer Somaliland u soo jeediyey inay meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyadooda Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey baroordiiqda loo sameeyey xuska maalintii qaraxyada, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Maanta waxa weeye maalin aynu doonayno inay u murugoono oo aynu u faataxayno dadkii gar-dardarrada ku dhintay maalintan maalinteedii, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dadkaa jannadii fardawsa ka waraabiyo ilayn garacan gar-darro ah ayay ku dhinteene, waxaana aan hubaa inay ahaayeen dad mujaahidiin ah. Waxaan ilaahay ka baryaa in dadkii farlkaas sameeyey in uu sharkooda intaa inoogu eekeeyo oo aanay gacan-dambe inaga soo gaadhin oo ilaahay inaga xijaabo.” Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa u duceeyey dadkii ku geeriyooday falalkii argagixisada. Waxaannu sheegay in dadkii falkaas gaystay ee dadka muslimiinta ah nafahooda galaaftay ay cadaabta ku waari doonaan, isla markaana aanay Jannada urin doonin. “Meeshan ee ay ku soo duuleen dee gurigii ilaahay [masaajid] ayaa inta aad aragtaan u jira, dad islaam ahina way galaan oo aan dambi lagu dilo lahayn, oo sababihii la yidhidhi ku dila, qisaas, dhac iyo wax ay gaysteen iyada oo aan midna jirin, ayaa intas oo Islaam ah halkaas nafta lagaga wada-qaaday,” ayuu yidhi Wasiir Suufi. Waxa kale oo munaasibadaas baroordiiqda hadalo ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Md. Xasan Macalin, Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid iyo Aamina Nasteexo oo ku hadlaysay magaca dumarka. Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa sirshiine@yahoo.com
  10. I support In godane ,For the koonfurians Iyaka Emir ka dhigtay halka ha uu joogo
  11. looooooooooooooool looks funny cawil and cirro
  12. Ciidanka Qaranka Oo Joojiyey Madaarkii Laga Macmalayey Buhoodle Buuhoodle, October 29, 2009 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida degmada Buuhoodle ayaa shalay ku waabariistay Airport laga Samaynayey duleedka bari ee degmadaasi, kuwaas oo gabi ahaanba ciidanka qaranku ay si rasmi ah u joojiyeen.Ciidanka qaranka Somaliland ayaa hawlgalka fuliyey, ka dib markii ay ku war heleen in ay dad aan fasax u haysani dhismaha madaarkaasi oo ay todobaadkan ka xaadhxaadhayeen halkaasi goob ilaa saddex kiilomitir dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle. sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan goobtaasi ayaa sheegay in ciidanka in ciidamada qaranka ee ku sugan jiida buhoodle ay hawlgalkaasi fuliyeen, iyadoo ay horsocdeen saraakiil ay ka mid ahaayeen sida la sheegay Axmed Maxamed iyo Ismaaciil Xaashi, isla markaana ay hawshaasi si nabadgelyo ah ku soo dhamaatay gabi ahaana ay joojiyeen dhismihii Madaarkaasi lagu doonayey in lagu hirgaliyo. Warku wax faahfaahin ah kama bixin dadka ku hawlanaa madaarka iyo ujeedada ay ka leeyihiin samaynta madaarka midna, laakiinse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in hindisaha madaarkaasi ay wateen kooxdii dhawaan ku shirtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo uu hogaaminayey Garaad Jaamac Garaad Cali oo la sheegay in ujeedada ay u samaysanayeen ay hayd sidii ay saldhig diyaaradeed oo ay ku soo degaan uga samaysan lahaayeen deegaankaasi.
  13. General Duke the land is called O gaden it has nothing to do with Clan , onlf hunts down every dhabaqoodhi regardless of his clan and his region, why does puntland arrest any one who says its wrong to hand over People from the ismaamul goboleedka somalida Eh Ethiopia. Why cant the these people live in peace in the puntland regions
  14. Buuhuu baha Kuwaasii anaga dhulkayaga ma iman karran
  15. Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo Written by Jidbaale Thursday, 29 October 2009 13:31 Gaalkacyo(Jidbaale):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya. Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo ciidanka Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka cadhooday howlo lagu burburinayay guryo la sheegay in sharci darro loo dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo badhtamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo. Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale uu ku soo gardarrooday. Jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Last Updated on Thursday, 29 October 2009 13:44
  16. Galkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo.... 29. oktober 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Galkacyo(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug. Dagaalada oo bilowday maantadii hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 4 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida ay APL usheegeen Saraakiil Caafimaad. Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay. Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi. Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi. Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug saaka weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan. Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo. Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday. F. C. Maxamed AllPuntland
  17. Qaramada Midoobay oo ka hadashay sanad-guurada ka soo wareegtay Qaraxyadii Hargeysa Khamiis, 29 October 2009 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa maanta ka hadlay sanad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii Qaraxyada lala beegsaday saddex goobood oo ku yaala Hargeysa oo ay ka mid tahay Xarunta Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP. Sida lagu sheegay War-murtiyeed laga soo saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HOL, Isu-duwaha arrimaha Xuquuqal-Aadamaha ee Soomaaliya Mr. Mark Bowden ayaa sanad-guurada koowaad ee Qaraxyadii Hargeysa oo ay ku dhinteen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay awgeed, wuxuu sheegay in ay weli sii wadaan barnaamijyada horumarinta. “Sanad ka dib Weeradaas axmaqnimada ah markii la fuliyay, waxaan xushmad iyo qaddarin u hayaa saaxiibadayda aan ka daalin inay caawiyaan Soomaalida ka soo kabanaysa 18 sanno oo ay khilaaf ku jireen, iyaga oo wajaha maalin kasta khatar wayn iyo caqabado ka hor yimaadda shaqadooda intay ka shaqaynayaan goobahan.” Ayuu yidhi Mark Bowden. Subaxnimadii 29 October 2008 ayaa saddex Qarax oo culus lala beegsaday saddex goobood oo kala ahaa; Aqalka Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo sidoo kale Xafiiska UNDP ee Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood ay ku dhinteen 25 Qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 35 Qof. Waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
  18. Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo October 29, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0) Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo | read this item Horseed Media News Desk. Inta la ogyahay 12-qof ayaa ku dhimatay dad intaasi ka badan way ku dhaawacmeen dagaal iminka ka soconaaya agagaarka Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug. Dadka dagaalkaasi ku geeriyooday iyo dhaawaca ayaa waxaa ay isugu jiraan Ciidamada Dowlada Puntland iyo dadka rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sida Horseed Media ay u xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo markiisi hore ka bilowday howlgalo burburin guryo sharci daro ah ay ku sheegeen maamulka degmada iyo diidmo ay ka muujiyeen ganacsatada suuqaasi ayaa waxaa u soconaaya ku dhowaad toban saacadood,iyado dhawaaqa rasaasta laga maqlaayo gebi ahaanba magaalada Gaalkacyo. Dhaawaca kala duwan ayaa marba marka ka dambeysa la soo gaarsiinaaya cisbitaalka weyn ee magaalada,kuwaasi oo baabur kala duwan ay ka soo daabulayaan aaga dagaalka. Cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa maanta ka badalan sidi u ahaa waqtii hore,waxaana Cisbitaalkaasi hareeyay dhaawaca iyo meydka ku soo waxyeeloobay dagaalkaasi. Xirriiro kala duwan oo Horseed Media ay la samaysay maamulka Galmudug ayaa suurto gelin Isgaarsiinta oo aad u xun daraadeed,waxaana la shaacin khasaaraha dhinacaasi maadaama u dagaalku waqtigan soconaayo. Warar Xog Ogaal ah ayaa waxaa ay sheegaayan in gurmad u soo gaaray ciidamada Galmudug,iyadoo maamulka Puntland ciidan ka tirsan oo ka soo ambabaxay Garoowe ay saacadaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Gaalkacyo. Ma jirto ilaa iyo iminka cid u istaagtay sidi ay u kala dhexgali lahayd labadaasi dhinac,waxaana dagaalku uu u muuqanaaya mid si xoogaysanaaya marba marka ka dambaysa. Horseed Media Back to Top