Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,211
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    63

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Umar carte qalib@ arab league in 1974 but back then we where a country dad aan la rabbin ina la cawiyo oo is cawineyn lama cawiyo
  2. Madaxtooyada Oo Guddi Qabanqaabo U Magacawday Keenista Maydka Iyo Aaska Marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe “Xukuumadu Jimcaha Ayey Diyaarada U Buukin Garaysay Guddi Qabanqaabana Waa Loo Magacaabay” Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax Hargeysa, December 30, 2009 (Haatuf)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa guddi qabaqaabo u magacaabay keenista iyo aaska wakiilkii Somaliland u fadhiyey magaalada Paris ee caasimada dalka faransiiska marxuun Maxamud Saalax Nuur Fagadhe oo Axadii todobaadkan ku geeriyooday cusbitaal ku yaala caasimada faransiiska. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu wargayska Haatuf u xaqiijiyey in gudi qaban qaabo ay xukuumadu u magacawday keenista maydka iyo aaska marxuum Fagadhe, isagoo arinkaa ka waramayana waxa uu yidhi “maalinta jimcaha ayaa la buukin gareeyey diyaaradii marxuumka maydkiisa ka soo qaadi lahayd magaalada Paris, ka dibna dhinaca caasimada somaliland ayaa loo soo qaadayaa sidaa darteed maydka safiirka waa la keenayaa, gudi qaban qaabo oo aanan magacyadooda hayn ayaa loo magacaabay arinkaana madaxwayne ku xigeenka ayaa loo xilsaaray oo ka hawl galaya” Dhinaca kale ilo xogagaal ah ayaa Haatuf u xaqiijiyey in guddida qaban qaabada ee xukuumadu magacawday oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin dawlada ka tirsan uu gudoomiye u yahay wasiirka qorshaynta qaranka Cali Ibraahin Maxamed (Cali sanyare), kuwaas oo la sheegay in ay qaban qaabin doonto sidii aas qaran loogu samayn lahaa Alle haw naxariistee marxuum Maxamud Saalax Nuur Fagadhe. Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada iyo ehelka marxuumka ayaa noo xaqiijiyey inay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu si rasmiya u dhamays tiray kharashkii iyo inkaaniyaadkii lagu fulin lahaa keenista maydka marxuumka, laguna qaban lahaa aas heer qaran ah oo loo sameeyo wakiilkii Somaliland ee dalka faransiiska marxuum Fagadhe oo isagu ahaa halgamayaashii dhidibada u aasay qaranimada Somaliland.
  3. Maalinta Sabtida Oo Marxuun Fagadhe Lagu Aasi Doono Hargaysa Written by Qarannews Dec 30, 2009 at 06:24 AM Hargaysa,(Qarannews)-Waxa maalinta sabtida la keenayaa caasimada Somaliland maydkii Ilahay ha u naxariistee marxuun Maxamuud Nuur Saalax Fagadhe oo ahaa wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska. Aaska marxuunka maalinta sabtida ka dhici doona caasimada Somaliland ayaa waxa soo qaadista maydka marxuunka ayaa waxa uu maanta madaxweynahu uu u magacaabay gudi qabn qaabo oo ka kooban shan xubnood gudidaasi oo uu gudoomin doono wasiirka deegaanka mudane Maxamed Dirir Xagar. Waxa kale oo gudidan ka mid ah wasiirka qorshaynta qaranka mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare} gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiir ku xigeenka arimaha dibada mudane Axmed Ismail iyo wasiirku xigeenka mudane Axmed Xaashi. Soo qaadista maydka marxuunka oo si aad ah loogu diyaar garoobay, ayaa ilaa maalintii uu marxuunku geeriyooday xukumada Somaliland waxa ay si aan kala joogsi ahayn ugu hawlanayd sidii ay maydka marxuunka u soo qaadi lahaayeen , taasina waanu ku guulaysanay sidaasi waxa maanta saxaafda u sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada mudane Axmed Ismail. Dhanka kalena waxa jira warar been abuur ah iyo buun buunin oo ay saxaafada qaarkeed ka qoraysay halka lagu aasi doono marxuunka oo ay xukumada Somaliland beenisay in ayna marnaba maydka marxuunka ku doorsanynin in la soo qaado maydka oo lagu aaso dal kale oo aan ahayn dalka Somaliland. Qarannews
  4. he was right snm always wanted Secession and they got it
  5. Nabi Maxammad caleyhi salatu wa salaam wuxu yidhi Qawmka Haween ka dhigta hogaan . waligood ma barbaraan. wa xadiis saxiix ah.
  6. Ma ogalli anigu inay golaha Duriyada ay so fadhisato ruux dumarii, gabadh ba ku jirta golaha guurtida somaliland. taasa ba dhib igu haysa.Ma adna adan ba Cabdi waraabe miska uu qaraacii iyo ina sheikh madar.
  7. Weftigii ka Socday Baarlamaanka Kiiniya oo Galabta ka Ambabaxay Dalka Written by Qarannews Dec 28, 2009 at 04:05 PM Hargaysa,(Qarannews)-Weftigii ka socday Baarlamaanka Kenya ee uu Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed, oo muddo todobaad ah dalka booqasho rasmi ah ku joogay ayaa maanta galab ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Horumarinta Baarlamaanka.Madaxa weftigan Md. Faarax Macalin oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin madaarka ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkooda xaqiiqo raadinta ah ee ay ku yimaadeen dalka, waxaanu Xukuumada, Goleyaasha Baarlamaanka iyo shacbiga Somalilandba uga mahad celiyay sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolada dalka. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Xukuumada, Goleyaasha iyo shacbiga Somaliland sidii walaaltinimada lahayd ee ay noogu soo dhaweeyeen dalka, waxaan ku rajo weynahay inaan wixii aanu ku aragnay dalka horumarka iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland inaanu u gudbino dawlada iyo Baarlamaanka wadanka Kenya,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya. Md. Faarax Macalin oo ka hadlayay sawirka uga soo baxay Socdaalkiisa wuxuu yidhi“Sawirka ku arkay imika Somaliland iyo sawirkii aan ka haystay aad ayay u kala fogaayeen.badanaa dadku waxay u arkayaan meel nabadgelyadeedu hoosayso wax badan oo aanu filaynay markii aanu nimid way ka duwan tahay.waxaanu aragnay meel nabadgelyo ah oo xasiloon oo Ganacsigii uu ka jiro oo dadku wakhtiga ay doonaan shaqaysan karaan.” Guddoomiye ku Xigeenku wuxuu intaasi ku daray “Waxaanu aragnay Baarlamaan shaqaynaya iyo Golle Guurti oo runtii aad u wanaagsan.tacliinta oo wax fiican laga qabtay.in kasta oo si taam ah wax looga qaban karin ictiraaf la’aanta darteed.wadooyinka oo aad u dhib badan ayaanu aragnay.waxaanu maanta la tagaynaa inaanu wixii aanu la qaban karayno la qabano.” Qarannews
  8. ^Recognize Somaliland and we will support the TFG, and we will support the TFG politically military and financially, and begin next year there wont be a shabaab. We can play a bigger role then Djibouti in stabilizing the koonfurians
  9. SIlanyos trip will benefit Somaliland’s relations with the west, few month ago dr Maxammad cabdilahi cumar ,visited congressman Donald payn ,
  10. Wakiilkii dalka Faransiiska u fadhiyay Somaliland oo galabta geeriyooday Written by Qarannews Dec 27, 2009 at 12:39 PM Paris ,(Qarannews)- Waxa galabta 4,30 kii galabnimo markii ay saacada Hargaysa ahayd ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada Paris ee casimada dalka Faransiiska wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalkaasi marxuun Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, marxuunka ayaa xukumada Somaliland u soo magacwday in uu noqdo wakiilka Somaliland ee dalkaasi, taariikhdu maraka ay ahayd bishii tobnaad ee sanadkii 2007. Fagadhe ayaa ahaa wakiil kii ugu horeeyay ee si toos ah ay xukumada Somaliland uga soo dirto dalka, iyada oo wakiiladii hore ay ahaan jireen qaar ku nool dalkaasi, tan iyo intii uu xilkaasi la wareegayna waxa uu marxuun Fagadhe uu kor u soo qaaday xoidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Faransiiska. Geerida marxuunka waxa shabakada qarannews u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arimaha dabada Somaliland., kuna tilmaamay in uu Fagadhe ahaa siyaasi rugcadaa ahaa, waxa aanu sheegay wasiir ku xigaanka arimaha dabadu in ay aad iyo aad uga xunyihiin geeridaasi kutimid marxuun Fagadhe. Fagadhe ayaa xilal kala gadisan ka soo qabtay xukumada Somaliland, isga oo xiliyada qaarkood ahaa wasiirkii arimaha dibada ee Somaliland, dhanka kalena isaga oo ka mid ahaan jiray madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye ee Somaliland isaga oo ka soo noqday gudoomiye ku xigeenka labaad ka hor intii aan laga dhigin safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska. Ilaa hada ma cada in maydka marxuunka loo qaadi doono dalkii iyo in lagu aasi doono dalka Faransiiska, hase ahaatee waxa xiligan socda qaban qaabada sidii marxuunka loo aasi lahaa iyada oo ay maanta tahay maalin fasax lagaga jiro dalka Faransiiska ayaa waxa xiligan dalka Faransiiska ku sugan marxuunka walaalkii iyo xaaskiisii, kuwaasi oo si dhakhso ah ay ugu biiri doonaan shaqaalaha xafiiska Somaliland ka hawl gala. Dhanaka kalena waxa jira dadaal xoogan oo ay wado wasaarada arimaha dibada Somaliland iyaga oo xidhiidho la soo samynaaya xafiiska Somaliland ee dalka Faransiiska, taasi oo ilaa bari lagu wado in ay warar ka soo baxaan dhanka qoyska marxuunka iyo xaga xafiiska Somaliland, warkaasi oo la ogaan doono marxuunka halkii lagu aasi lahaa. Dhawaan ayaa waxa dalka Sucudiga ku geeriyooday isaga oo xajkii gudanaaya wasiirkii macdanta iyo biyaha Somaliland xaga doraad lagu aasay magaalada Hargaysa wasiiru dawlahii arimaha dibada, masuulkan ayaa ah masuulkii sadexaad ee mudo bil gudaheed ah ka baxa xukumada Somaliland, dhamaantoodna Ilahay naxariistii jano ha ka waraabiyo. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun! Dhamaan hawl-wadeenada shabakada Qarannews dibad iyo gudaba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacabka reer Soomaaliland gaar ahaana qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ilaahay ha u naxariistee wakiilkii Somaliland ee dalka Faransiiska Marxuum Danjire Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe),oo maanta ku geeriyooday magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska. Marxuumka waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu janadii geeyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
  11. 5. ethiopia and Kenya and the A.U. will move towards a pro Somaliland policy With riyaale in office aint going to happen
  12. Ilahay ha uu naxaristo qabriga na ilahay ha uu nuuro nin aad iyo aad uu qaali aha buu aha samir iyo imaan to his close relatives
  13. 1Galkacyo oo gacanta puntland ka baxday 2Silanyo oo madaxweyne loo dhaariye Somaliland 3Sheikh dalxis oo is iyo casilay xammar oo aan waxba iska badalin.
  14. Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo Saaka Gaadhay Magaalada Laascaanood. Written by Qarannews Dec 27, 2009 at 06:45 AM Burco(Qarannews)-Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,Md.Faarax Macalin oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo golaha wakiilada somaliland ayaa saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka sool, subaxnimadii hore ee saaka ayay socod ku dhaafeen magaalada Burco Weftigan uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya,iyagoo ammaankooda si xoogan loo ilaalinayo. Masuuliyiinta iyomadaxda Gobolka Sool ayaa kaga horyimi Tuulada Guumays oo duleedka magaalada Oog,halkaasoo ay waftiga uga sii galbiyeen dhinaca magaalada Laascaanood. lama oga wakhtiga uu ku sugnaando waftigaasi halkaasi,Haseyeeshee socodka wafuudan ayaa ku beegmay wakhti uu xalay fiidkii magaalada Laascaanood ay ka dhaceen Qarax miinada laga hago Ramuudka,taasoo ay ku dhaawacmeen hal qof. waftigan uu horkacayo Md.Faarax Macalin ayaa hore Socdaalo ugu soo maray Magaalooyinka Hargaysa,Berbera iyo Boorama. Togdheernews They also visit lascanood and sool. And hopefully tomorrow they will go to Ceerigabo sanaag.
  15. i like jaaliyadaa ssc eeh wareegeysa geeska africa
  16. I told you long time before Ethnic somalilanders in Ethiopia should have its own rebel movement to protect the right and lives of the their people in Ethiopia
  17. Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado Written by Harawo Dec 26, 2009 at 12:34 PM Hargeysa (Qarannews) - Madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu marti qaad rasmi ah ka helay boqortooyada Sucuudi Arabiya, waxaana la filayaa in uu booqashadiisii ugu horaysay ku tago dalkaasi todobaadkan. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka boqortooyada Sucuudiga marti qaadka ay boqortooyadu u fidisay waxaa ka shaqeeyay wafti wasiiro ah oo ku sugan dalka Sucuudiga oo ka kooban ama kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duulista iyo Hawada, oo gudashadii waajibaadka xajka u tagay dalka Sucuudiga, waxaana ku taageeray Ganacsadaha Carbeed ee Aljaabiri oo isagu suuro geliyay in xoolaha Somaliland ay tagaan dalkaas. Waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu baaqasho ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii. Waxaanad moodaa in xidhiidhka Somaliland iyo Sucuudi Arabiya waji cusbi u furmayo tan iyo intii xoolaha Somaliland loo furay Sucuudiga. Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah wadanka ugu wayn mandaqadaas, isla markaana ah wadanka shidaalka ugu badan soo saara ama dunida u dhoofiya, door muhiim ahna ku leh golayaasha caalamka, isla markaana wax wayn ka tari kara qadiyada madaxbanaanida ama ictiraafka Somaliland haddii uu u soo jeesto. Dalalka Carabta ayaanu jirin xidhiidh fiican oo Somaliland la leedahay, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Isu-taga Imaaraatka carabta waxa si wayn isu soo tarayay xidhiidhka Somaliland iyo Carabta sanadkan dhamaanaya ayaa bilowgiisi Madaxweyne Rayaale marti qaad ka helay dawlada Kuwait, halkaas oo kulan guul ku dhamaaday uu la yeeshay xiligaa amiirka dalkaas. Warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ma sheegin wax war ah oo dhinaca xukuumada somaliland ka soo baxay oo arintan ay kaga hadlayaan, hasa yeeshee waxa uu wargeysku intaa ku daray in Madaxweynuhu todobaadka soo socda safar ugu bixi doono dalka Sucuudiga, lana kulmi doono masuuliyiin dalkaas ka tirsan. Xiligan ayaa waxa sucuudiga ku sugan xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu ka midyahay wasiirka duulista iyo hawada mudane Warancade iyo wasiirkii aqaafta iyo wasiirka madaxtooyada iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga, kuwaasi oo baryahanba xagaasi kulamo isdaba joog ah ka galaayay. Madaxweyne Rayaale ayaa hore u booqday dalalka Imaaraadka, Yemen iyo Kuwait, socdaalkani la shaaciyay ee aan ilaa hada la cadayna hadii uu rumoobo waxa uu noqonayaa socdaal mihiim u ah xukumada Somaliland iyada oo labada shicib ee Somaliland iyo Sucuudigu ay leeyihiin xidhiidh aad u qoto dheer.
  18. I would support ucid with another candidate for the seat of president some one like Khadar ambassador let faisal cali waraabe be the vice president or some one like Dr axmed xussein ciise. The vision is good the political program is good the party is fantastic they have good ideas for Somaliland I just don’t believe faisal cali warabe is the right person for the job he is a wadani a true nationalist loves his country but he unfortunately does not have the capacity to be a great president I can be wrong but that’s just my opinion, but some one like khaddar ambassador he will get my vote. The previous 3 presidents where all from two where from burco one is from borame its time for a president from hargeisa.
  19. Originally posted by Mr. Red Sea: If true, then this is big deal really. The sad part is Riyaale is a lousy President and makes a bad first impression on everywhere he goes. Someone like Silaanyo or Igal aun would be better suited to take advantage of this opportunity. i soo agree riyaale wax ka fadhi xun , xata fadhigii madaxweynaha malaha iska da hadal wacan oo u ku hadle eh