Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,188
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    61

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Xiinfanin wadaadkass ina cabdulla xassan maxanu is eryanay oo anu is tirinay , laakin wa runta Waxanu maanta wadna inanu ka dhadhicino beesha calaamka inanu Somaliland dhiig badan uu so cabnay xata waagii darawishta , iyo wagaad fardaha aad kori jirteen. Gaalka mar mar ba lala tashada faidadisa iyo kaga aya la is barbar dhiga. halka madanu idinku gaaadhin wali lo.
  2. Originally posted by Mr. Somalia: ^^ War Xaaji, magacyada qabiilada lagu caayo dee meesha ka tirtir...see waaye yaakhay! loool gabaygay ku jirta dee lol. midna ankugu daro magacaasi qallad bay dadku ka fahman wa no nanays. maha magac aflagado run ahanati aniga runti marka magaca la igu yeedho iftiin ba ii muuqda
  3. Originally posted by Ducaysane_87: Hanjuf^^ i don't think that is a good thing. wax fiicnaan lahayd if haadi muslimka kula jiraan instead. Muslimku wa kuwee sxb? Dunidan gaalada loogu kala horeyaa Iyo xidhidka beesha calaamka
  4. Originally posted by xiinfaniin: ^^ Xaaji, yours remind me Master's verses ******** Kufriga wacad Allaw u yaale'e Waa niman walaala tan iyo waaga aakhiro'e what about this one ******ku inu wadda waddal yahay weye inu hanfada wada yahay uu hoos u forara weye inu naarta janahana wadda wadhanyihin weyee odagaysii gabayadiisa wu nugu dhameye lol.
  5. Originally posted by Mr. Somalia: Naag sadex lagu qabo oo royootay maxaa anaga noogu jira? Bal Ilaahay baan idinku dharshey'e, ninkaan reer dhan buu umaqanyahay... Horta niyo marka siyasada laga hadlayo maxaad naag iyo wax la qabo un uga sheekeysa?
  6. Waxaa Dagan maanta Magaalada lascaanood iyadoo xalay uu ka dhacay qarax bambo gacmeed ah oo lala beegsaday Saldhiga daami Posted to the web on Jan 13 S Maanta ayaa dagan Magaalada lascaod ha se ahaatee wali Badwow ayaa ka jirta Dadkuna Aanay isku gudbi Karin. Xaalada magaalada lasano aya iyadu iminka Dagan ka dib Qarax Bambo gacmeed ah markii xalay lala beegsaday Saldhiga Daami Ee magalada lascanod. iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 Askari oo labo ka mid ahi ay ahaayeen kuwo aad u liita guud ahaan saddexdan Askarina waxaa loo qaaday Magaaladda Burco Ee Xarunta gobolka togdheer. Gudidda Nabad-galyadda ee magaaladda Laascaanood waxa ay saaka ku yeesheen guriga Gobalka shir Albaabadu u xidhan yihiin. Qaraxan xalay dhawacay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo maalinimadii shalay ahaydna jeelka magaaladda Laascaanood laga sii daayey 10 ka mid ah dadkii loo haysta dilkii Taliyaha qabyta 12aad cismaan yuusuf nuur Afdhilo waa kuwan magacyadii dadkii la sii daayey. Waxaana wali magaaladda Saaran Bandow iyada oo cid Ka Baxaysa aysan jirin, Se la soo gali karo magaalada. holhol.net holholnews@hotmail.com
  7. jacaylbaro bugland was behind it ma maqashay
  8. Dagaal qadhaadh mise dagaal qaraar.
  9. lol me and jidbaale anigu wararka meel walba waan ka so ururiya not one place
  10. Qarax ka dhacay Laascaanood iyo Somaliland oo koonfurta ku eedaysay (Dhageyso) January 12, 2010Waxaa caawa Qarax xoogan ka dhacay bartamaha magaalada Laascaanood, ayadoo qaraxan lala beegsaday saldhig ciidan ayaa keenay khasaaro. Qaraxan ayaa caawa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, halkaasi oo Saldhiga Booliiska ee ku yaal bartamaha magaalada lala beegsaday qarax. Guddoomiyaha Maamulka Soomaaliland ee gobalka Sool, Faarax Askar Xassan oo Horseed Media caawa khadka telefonka ugu waramay qadar yar kadib qaraxaasi markuu dhacay, ayaa sheegay inuu hada baaritaan socdo. Mr.Askar ayaa sheegay inaysan jirin cid loo soo qabtay falkan, balse baaritaan xoogan ay wadaan, wuxuuna Guddoomiyaha Soomaaliland ee gobalka Sool, sheegay in ay jiraan 2 askari oo dhaawac kasoo gaaray. Dhegayso Wareysigii Faarax Askar Xussen: Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha qaraxan ka dhashay. Faarax Askar Xuseen ayaa sheegay in falkan ay filayaan in koonfurta laga soo abaabulay, asagoo sheegay inay ka danbeeyaan dad dano shisheeye u shaqeenaya. Horseed Media oo weydiisay inuu ku eedaynayo kooxaha Koonfurta Soomaaliya ka dagaalamo inay falkan ka danbeeyeen, ayuu sheegay inay sidaa ulla muuqato. Weerarka ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan abaabulka iyo qorsheynta shir balaaran oo beelaha ku dhaqan gobalkaasi cuqaashooda iyo issimadooda ay ku yeelan doonaan deegaanka Holhol ee gobalka Sool. Horey ayey magaalada uga dhaceen weeraro noocaan ah oo bambaano lala beegsaday askarta maamulka Soomaaliland, ee magaalada gacanta ku haya. Waxaan horey weerar bambaano lagu dilay Taliyihii ciidamada Soomaaliland. Dhinaca kale qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliland ay inta badan qab qabtaan dhalinyaro aan wax galabsan markii ay dhacaan weeraro noocaan oo kale ah Source horseed media
  11. haa waxa la yidhi koonfurians ba ka danbeye kuwi baydhabo iyo bakool ka yimi ba ka danbeyaa kuwasanu u xidh xidhayna qaraxyada. gabaygana yaa tiriye ?
  12. Hub cusub baanu yara testgereyneyne wax weyn maha beri magaaladu wa caadi
  13. Hubka Darandooriga U Dhaca Oo lagu Garaacayo Xaafado ka Tirsan Lascaanood (Lascanood) 12.1-10 Waxaa qarax weyni ka dhacay magaalada Laascaanood caawa. waxaan qaraxyada in yar ka dib bilaabatay Hub waa weyn oo lagu garaacayo xaafadaha. Sidoo kale waxaa magalaada ka jira jaha wareer ayadoo aan la garadeyn cida duqaynaysa Magaada xiligan oo ah wakhti habeen ah. ilaa hada wararku way iska so daba dhacayaan , mana jiro war sugan maadaba wariyahaga ku sugan magaaladu uusan awoodin in uu helo meel Acess ah maadab ay wada xidhan yihiin meheradihii interneryadu. Wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayana in sadexda qofi ay yihii Askar aysana jirin cdi dhimatay. Sida uu soo sheegayo weriyaha Widh-widh online ee gobolka Sool qaraxn ma jirto ilaa hada cid ku dhimatay waa warkii ugu danbeeyey hada oo saacada geeska afrika tahay 10:50pm. la soco warar kale
  14. Originally posted by xiinfaniin: This is very close to Kismayo...cant blame Kenya for taking advantage for Somalia's down Do you think the world stand still because koonfurians are fighting because of their religion world goes on and Kenya indeed will keep on developing, while Somalia is sinking deep into anarchy
  15. The killer of Col Cisman yusuf nur just need to be brought to justice and the city will come back to normal.
  16. Remember the killing of the Somaliland military officer that got killed in lascanood last year there is suspect being held in of those prisons, and some locals just want him out of the prison.
  17. I think this is the work of just some angry locals that know there is a guy being hold in of the prison of lascanood.
  18. Some say 3 are dead some say 3 are Wounded
  19. Laascaanood,(lasanod Online)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in Rasaasta hubka culculus ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood.. iyadoo xaalad adag ay gashay magaaladu dhinaca amaanka. mana cadda meesha lagu ridayo hubkan iyo cidda ridayso midna. Saldhigii qaraxu ka dhacay ayaa dhankiisa laga maqlayaa dayaanka hubka culculus, iyadoo gudaha magaaladana ay shacabku yaacayaan iyagoo u kala jihaysanaya ruux kasta halkii ku beegnayd. Warar hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in 3 askari oo kamid ah askartii saldhigu ay ku dhinteen qaraxan balse wararka iska soo daba dhacaya ayaa tibaaxaya inuu jiro khasaare badan. Warka dhimashadan askartan ayaa ah wararka ilaa iyo hada laysla dhexmarayo iyadoo aanay jirin warar sugan oo si cad u qeexaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhalatay qaraxan. Kala socda Shabakadda LASANOD wararka kasoo baxa qaraxan ka dhacay saldhiga magaalada.
  20. Laascaanood: Weerar Bambaano oo Lala Beegsaday Saldhiga Ciidanka Booliska Laascaanood (Somalilandpress)- Weerar loo adeegsaday Bambo-gacmeed ayaa lala beegsadaycaawa fiidkii Saldhigga Booliska ciidamada Laascaanood oo ku yaala xaafada daami ee badhtamaha jidka Laamiga ah ee magaalada. Weerarkan oo ilaa hadda sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood oo lagu kalsoon yahay, qaraxana nooga waramaya ayaa waxa la hubaa ilaa hadda inay 3 Askari oo ka tirsan ciidankii Saldhigaasi inay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan, iyada oo warku intaasi ku daray in dhaawaca ciidankaasi qaarkood culus yahay oo loo soo qaadayo magaalada Burco si loogu dawaayo. Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Laascaanood ayaa Somalilandpress oo khadka telefoonka kula xidhiidhay u xaqiijiyay inuu qaraxani laba jeer dhacay, oo laga maqlayay gariirkiisa magaalada iyo tuulooyinka nawaaxigeeda ah. Qaraxan Bambaano ayaa siday wararku sheegayaan ahaa mid xoogan, ciidamada ayaa xidhay dhamaan wadooyinka, wayna adag tahay ilaa hada sida lagu ogaan karo, baaxada khasaare ee dhaafsiisan 3-daas Askari ee naloo xaqiijiyay in la ogaadaa. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in aanay jirin, ilaa hadda cid loo hayo inay ka dambaysay falkani, hase yeeshee, waxa ay arrintani daba socotaa weeraradii hore uga dhacay magaaladaasi ee looga shakisnaa inay ka dambeeyeen ururka argagixisada ah ee Al-shabaab. maaha markii u horaysay ee qarax noocan oo kale ahi uu ka dhaco magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Saaxil, hase yeeshee ilaa dabayaaqadii Sanadkii tagay inta la ogyahay waxa ka dhacay ilaa 5 qarax, iyada oo mid ka mid ah qaraxyadaasi oo gaystay dhaawac iyo dhimashaba lala beegsaday Alle ha u naxariistee Taliyihii Qaybta 12-aad ee ciidamka Qaranka Somaliland. wararka aanu jiida Sool ka helaynaa waxay intaasi ku darayaan in qarax caawa uu ku beegmay iyada oo maanta Maxkamada Gobolka Sool ay fasaxday oo ay xoriyadoodii u soo celisay dad badan oo xidhnaa falkii lagu Dilay Taliyaha ciidanka Qaranka ee qaybta 12-aad, ka dib markii Maxkamadu siday xustay wax dambi ah oo arrintaasi la xidhiidha lagu waayay. wixii warar ah ee ka soo kordhan magaalada Laascaanood kala socda Somalilandpress.com
  21. War dag dag ah Waxaa caawa ka dhacay magaalada lasanod Qarax weyn oo gilgilay magaalada iyadoo lala beegsaday Saldhiga Daami Posted to the web on Jan 12 S Waxaa Caawa weerar loo adeegsaday Bambaano Gacmeed lagu weeraray Saldhiga Daami ee magaalada laascaanood saldhigaas oo ku yaala badhtamaha magaalad laascaanood weerarkan Ayaan wali la helin wax ka danbeeyaay islmamarkiiba waxaa la xidhay wadooyinka soo gala saldhiga, surta galna may ahaay in la booqdo saldhiga oo ay joogeen askar aad ugadoodsan. War hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in 3 askari oo kamid ah askartii saldhiga ay wax yeelo ka soogaadhay wax yeeladaas oo aan wali la xaqiijin in ta ay leegtahay iyo in ay jirto wax dhimasha ah, Dhinac kale warar isasoo taraya ayaa waxay sheegayaan in qasaaruhu intaa ka badan yahay waxaase xaqiiqda dhabta ah la ogaan doonaa bari insha allah. Wixii War Ah Ee Ka soo kordha kala soco Shabakada holholnews Holhol.net holholnews@hotmail.com