-
Content Count
30,089 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Puntland = pirate state either take the whole package or leave them all together
-
Baashe the deputy speaker of the Somaliland parliament said it all they are in effective and have no power what’s so ever
-
He did make a report about the piracy in eyl last year cowke
-
Nice song I heard this song was dedicated for those who are fighting the Ethiopian regime also known as the onlf.
-
The United States Should Recognize Somaliland Now
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
xammar iyada xaqeedi iska boobtay , ma ciid bay xaq ka booni karta lol, xammar waa budh budhay boowe , dhiso adigu mise waxad rabta inu oodweyne ku dhiso -
AU should occupy Somalia and rule her for 50 years
Xaaji Xunjuf replied to nuune's topic in Politics
Indeed a failed country but I don’t think an African union occupation can make a difference , there will be just more resistance and more bloodshed unfortunately -
Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga kulmiye oo Dalka ku soo Guryo noqday ka Dib markii uu ka Qayb galay Shirkii urur Goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Daawo Sawirada Hargeisa (GNS)-Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ku soo guryo noqday Somaliland kadib markii uu ka soo laabtay shir uu la lahaa urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, shirkaas oo lagaga hadlay arimo ku saabsan arimaha geeska Afrika. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Cigaal international Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga kulmiye iyo Marti Sharaf kale. Xoghaya Arimaha Dibada ee xisbiga Kulmiye Dr/Pro. Maxamed C/laahi oo qolka martida ee Cigaal International Airport ugu waramay warbaahinta isagoo waftiga socdaalkiisa uu ku weheliyay Wasiir kuxigenka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka qayb galay lagaga hadlay 3 arimood oo kala ahaa. 1-Berbera Corridor oo ah jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo uu xoghayuhu sheegay in shirka lagu soo qaaday isla markaana lagu soo bandhigay qorshaha lagu dhamaystirayo jidkaasi u dhaxeeya Berbera Ilaa Wajaale. 2-Tamarta oo la gu soo qaaday faa,idada ay leedahay iyo sida loogu baahna yahay in Tamarta loogu roggo dhuxul dhagax si loo yareeyo xaalufinta dhirta oo faro baas ku haya wadamada ay Somaliland ka mid tahay . 3-Somaliland Funding –Waxa kale oo shirka lagu soo qaaday sidii Somaliland loogu samayn laha dib udhis balaadhan, maadaama Somaliland Dhamaystirtay Doorashooyinkii madaxtooyadda. Xogahaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar aya lagu wadaa in loo magacaabo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyadoo dadka inta badan Somaliland ay si wayn ugu hanqal taagayaan magacaabsita xilka wasiirka arimaha dibada oo dadku aad ugu ganacsan yihiin in uu yahay shakhsi karti badan isla markaana si wayn uga soo bixi kara xilkaasi. Sida ay baahiyeen Wargaysyada qaarkood ee kasoo baxa magalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in xilalkii ugu horeeyay ee wasiirnimo ee la magacaabay ay noqdeen Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabayo Dr Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Tamarta oo loo magacaabayo Prof Ismaaciil Muumin Aare, inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xilkan loo magacaabay labada Wasiir. Dawlada cusub ayaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo tirada wasiirada ay ka koobnaanyso lagu soo koobay 15 Wasiir, waxaana meesha laga saaray Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiro dawlayaashii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Riyaale ka koobnayd. Safarkan Dr.Maxamed C/laahi ku tagay Dalka kenya oo noqonaya kii ugu horeeyay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo ka fuliso Wadanka Dibadiisa tan iyo intii ay ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland. Dawlada cusub ayaa dadku uuga fadhiyaa inay ka dhabayso balanqaadyadii badna ee xiligii doorashada sheegeen inay sideeda u filayaan , waxaana dadku inta badan jecelyihiin inay maqlaan in dawlada soo socta noqoto mid kooban oo ay ka dhex muuqdaan wajiyaal ku cusub siyaaada Somaliland, isla markaana daacad u ah Dalka iyo Dadkaba. Siciid Cali Daahir (Sacad Guray) Gabiley News Editor Hargeysa Somaliland contactgabiley@yahoo.com
-
Originally posted by Chief_Aaqil: Are you still talking about Faroole and Puntland. Niyow dantaada ka shaqee intaad isku mashquulin leheed Faroole. Besides I thaught SSC left Puntland to go for its own? Why are you guys still talking about what Puntland should do to get your regions "back". good point but i think libaan still loves puntland deep deep inside.
-
Obama steps up rhetoric against al-Qaeda and al-Shabab
Xaaji Xunjuf replied to Che -Guevara's topic in Politics
Terrorism will be fought everywhere in the world we back you on this mr president -
SOMALIA: Failure in curbing the advances of the Somaliland secessionists
Xaaji Xunjuf replied to NASSIR's topic in Politics
You don’t even have to look far just take an example our Ethiopian neighbours , their kingdoms became a great Grassroot for the modern Ethiopian state as we know it today -
The dervish state was a short lived state it only existed for 6 years in 1899 till 1905 the mullah and the dervishes made a treaty with Italians and became an Italian subject under the Italian protectorate ,and that my friend was the end of Dervishes, unless the Italians were Part of darawish al saalixiya lol . Somaliland independence waxa u dagalamaay farax omaar sh bashiir sh yusuf suldan timma cade Xisbullah snl usp nuf
-
SOMALIA: Failure in curbing the advances of the Somaliland secessionists
Xaaji Xunjuf replied to NASSIR's topic in Politics
There was no Somali state , there were only local sultanates and emirs ruling parts of Somaliland as we know it today , it even stretched all the way to Djibouti, and also local sultanates and emirs ruling parts of Somalia . The Somali state modern Somali state came to existence in 1960 first of July and it last only for 31 years -
Originally posted by A_Khadar: quote:Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Rer-waqooyigyu waa bunch of hypocrites. Maalin dhowydna Xoosh ayaa na caayey ayey la haayeen, maalin walbana gabadhan Saado Cali ah ayey wax kasta oon afka la soo marin karin ku yidhaahdaan. All because she happens to have a different political opinion. War islaanta ka xishooda. Ma ka yaabta Abitigiis... My understand of this song is towards Og-region and their freedom seekers, but I belief s/lers waxay ka boodeen last word of the song oo ah "Somalia ha kala gooynina".. Somaliya ma ciid ba kala gooynaysa , somalia wa mid from raskambooni ila raas caseer
-
President silanyo sends his condolences to the people of Uganda
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha la doortay oo ka hadlay Qaraxyadii Kampala, tacsina u diray shacabka Uganda July 16th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay ka talo-bixiyey siyaabaha loo xakamayn karo, loona fashilin karo shirqoollada kooxaha argagixisada ah ee isqarxiyaa ka fuliyaan dalalka mandaqada Geeska Afrika. Madaxweyne Siilaanyo oo dabajoogay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya horraantii toddobaadkan ka fuliyeen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxa uu madaxda waddamada Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ugu baaqay in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan la socoshada dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo ka hortagga falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan, isla markaana loo helo xogo sugan oo ku jihaysan meelaha laga soo abaabulo. Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray shalay oo xambaarsan tacsi uu u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Uganda iyo baaq uu u jeediyey dalalka deriska iyo kuwa Afrika. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan; “Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timi shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal-dambiyeedkani; waxaanan ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga. Falalkaasi foosha xun oo ay sheegteen ururka Al-Shabaab ee Somalia waxa maalintii Axadda ee bisha July aheyd 11ka sannadka 2010 lala beegsaday laba goobood oo lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta aheyd ee kubbada cagta adduunka ee ay wada ciyaarayeen dalalka Spain iyo Holland; waxaana falalkaa argagixiso ku dhintay in ka badan toddobaatan (70) qof, iyadoo in ka badan siddeetanna (80) ku dhaawacantay. Waxaynu ogsoonahay inay aad ugu soo badanayaan dunida maanta gaar ahaan dalalka ku yaal Geeska Afrika falalka is-miidaaminta ee laga fuliyo xafiisyada dawladda, dugsiyada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah sida goobaha ganacsiga, hoteellada iyo meelaha dadweynuhu ku kulmaan. Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dhibaatadu ka soo gaadhay falalka argagixiso. Waxa ka dhacday masiibo aad u ballaadhan magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa bishii Oktoobar 29dii ee sannadkii 2008, kadib markii ay ka dhaceen saddex qarax oo is-dabajooga oo xooggan, lana doonayey in lagu burburiyo nabbadda, xassilloonida iyo dimoqraadiyadda koraysa ee Somaliland, waxana halkaasi ku naf-waayey dad tiradoodu kor u dhaaftay 29 qof, tiro intaasi ka badanina ku dhaawacantay. Falalka noocaas ah waxa kaloo laga fuliyey dalalka mandaqadda ku yaal sida Ethiopia, Kenya iyo Tanzania. Si haddaba loo ogaado, loogana hortago shirqoollada ay maleegayaan ururrada xag-jiraa waxa lagama maarmaana in si wadajira ay isaga kaashadaan waddamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika iyo IGAD dhinaca xuuraanka iyo dabagalka dadka ka dambeeya qorshaha iyo fulinta falalkani halista ah oo maanta cabsi fara badan iyo werwerba ku haya shucuubta ku nool Geeska Afrika. Waxaannu diyaar u nahay haddii aanu nahay madaxda iyo shacabweynaha Somaliland inaanu gacan ka geysano wax alla wixii lagu xakamaynayo ama lagaga hortegayo mu’aamaraadka iyo falalka aragagixiso ee la doonayo in laga fuliyo dalalka Geeska Afrika.” Somaliland.Org Hargeisa News Desk wararkasomaliland@gmail.com -
SOMALIA: Failure in curbing the advances of the Somaliland secessionists
Xaaji Xunjuf replied to NASSIR's topic in Politics
Are you telling me there was a Somali state before 1884 lol -
Originally posted by A_Khadar: quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf: She talks more then xaglajiifiye though, darwiishkan ay sheegeyso manay ahayn ki anu jabbinay lol :confused: Adinkoo ah gumaystihii ingriis miyaa? anaga jabbinay dooxatadi geela dhici jirtay Miyaannaan wadaadkii cawarin, camalliyeynaayey Cuqaashii miyaannaan ku layn, ceelkan gudihiisa
-
Puntland Govt Officials Taking Action Against Sanaag Terrorists
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
what are you talking about sxb -
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska oo Hargeysa jooga iyo Amaanka Caasimadda oo aad loo adkeeya Written by Waaheen Jul 15, 2010 at 03:18 PM Hargeysa-(Qarannews)-Waxa manta Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ka soo degay Wafti Sare oo ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska kuwaasoo la socday Diyaarad khaas ah oo ka soo duushay Dalka Itoobiya Waftigan waxa hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland, kuwaasoo tababar dhinaca Maamulka Sirdoonka ah u tagay magaaladda Addis-ababa Ilaa hada ma cada sababta waftigani ay u yimaadeen Dalka hase yeeshee warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay xidhiidho la socoshada dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somaliya oo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka bilaabay Mandaqada kuwaasi oo ay kor ka kala soconayaan Sidoo kale waxa la sheegay inay imaanshaha waftigan ka danbayso xisaabtan ay ku doonayaan inay ku ogaadaan Deeqo lacageed oo ay Xukuumadda Somaliland hore u siiyeen kuwaasoo loogu talagalay in wax lagaga qabto dhinaca War-doonka Sida ay ilahaasi sheegeena waxa ay kormeer ku samaynayaan Xarun weyn oo ay Ciidamadda Sirdoonka Ingiriisku ka dhisteen Magaaladda Hargeysa oo ay ugu talagaleen inay ka dhigtaan Saldhig ay ku baadhaan dadka ay u tuhmaan argagixiso iyagoo qalabayn doona xaruntaas oo muddo hore dhismaheeda la dhamaystiray balse aan ilaa hada wali la furin Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska ah ayaa la dhigay jidadka Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amaanka Waftigan, iyadoo la filayo muddada ay dalka joogaan inay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta Dalka Safarka Waftigan ayaa ku soo hagaagay iyadoo ay cabsi weyni ka jirto Somaliya iyo Dalalka la jaarka ah, oo ay ku hirdamayaan kooxaha Jihaad doonka ah iyo dalalka urur goboleeda Igad Waaheen
-
Puntland Govt Officials Taking Action Against Sanaag Terrorists
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
Does the pirate state take orders from odayaals, cant the administration decide on their own. Do they need to get a green light from oday fadhia bossaaso.