Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,379
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Haatu, waxan maqlay NFD kikuyuudii iyo Maysayda ba ku batay meesha aad iyo aad bal tas wax ma ka jiiran.
  2. What is weird about asking about deegaanka soomaaliida ee kenya - NFD iyo xaladeeda since you claim to be from there?
  3. Chief_Aqiil, aniga waxan ka imi somalilandheer sxb.
  4. chief_Aaqil, adigu yaad ugu riidaysa electionka.
  5. FAYSAL CALI WARAABE OO KHUDBAD AAD U DHEER SHALAY KA JEEDIYEY MAGAALADA BOORAME. http://www.youtube.com/watch?v=cqHfFWot8w8&feature=player_embedded
  6. Viva Somaliland may it have a peaceful and fair election inshallah and may the best man for the country and honest for it win.
  7. Calaacal.com, SSC ma waxas bii noqotay some qaxooti men writing calaacal from qurbaha?
  8. Faroole is doing a good job tackling SSC extremists, i don't think he hates the people but he rather hates troublemakers.
  9. Salaam bro safe journey make sure you take pictures of erigavo iyo beerihi midhisho + the coastal settelements of sanaag if you ever head to eastern somaliland, also when you go to hargeysa take alot of pictures of New Hargeysa, Calamada etc and all over hargeysa iyo gobolka Oodweyne especially Oodweyne town itself, Magaalada Gatitalay farming settlement, Haro Sheikh.
  10. Thankful, the reason dhaharnews and other makhiri websites get upset about the term "Eastern Sanaag" is they have a fear that they will isolated from the rest of sanaag if people using that term lol.
  11. Thankful , that is besides the point the folks of eastern sanaag , eastern sool will not be trusted with the highest position as long as they are doing treasons against somaliland and not committing themselfs into the nation, dahir riyaale's peeps are equal partners because they stayed true to their original 1991 agreement with somaliland unlike some people who are keep flip-floping.
  12. Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa shalay gabal dhicii dhagax dhigay taalo, loogu talogalay in lagu xasuusto taariikh halgameedkii ururkii SNM. Taaladan oo laga dhisi doono xaruntii ay SNM ku lahayd magaalada, Baligubadle ee magaalo madaxda gobolka Hawd. Xaflada taalada dhagaxa dhiga oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, Guddoomiyaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim (Qabo), Guddoomiyaha ololaha doorashada madaxtooyada Dr.Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox), masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka socotay xisbiga UCID. Ugu horeyn Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee ilaa hada afkiisa laga maqlo hadalo dhinaca diinta u jandheedha, waxaanu ku hambalyeeyay sida uu mar walba diinta hal ku dhega uga dhigtay. “Faysal baaba yidhaahda ilaahay sida uu khayrku ku jiro ha inooga yeelo, isaga si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa, waayo diinta insha allaah carabka wuu ku badiyaa” ayuu Xasan Ciise Jaamac dhagax dhiga taalada laga qotomiyay xaruntii SNM uu yidhi Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID, ahna murashaxa jagada madaxweyneha Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas kalmado kooban ka yidhi “Hore ayaan u sheegay waxa aan idhi hadii aynu guulaysano taariikhdeenii halgankii iyo Lixdankii labadaba waa la qori doonaa, waxaanan jecelahay in dhagaxa uu maanta dhigay Xasan aanu noqon doonin kii Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenkii ay dhigi jireen, balse ay noqdaan kuwo dhab ah, taariikhdiina waanu qori doonaa haddii uu eebe yidhaahdo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagews/Office Hargeysa/Somaliland
  13. Haatu, a piece of advice NFD should not join somalia until it's perfect or it will regret it, never join somalia i say.
  14. Gudoomiyihii Degamada Borama Ee Xisbiga KULMIYE oo is Casilay (Hadhwanaagnews) Wednesday, June 16, 2010 Borama(HWN) Gudoomiyihii degmada Borama ee xisbiga KULMIYE uqaabilsanaa Maxamed Maydhane ibraahim, oo ku magacdheeraa waydka ayaa maanta si rasmiya iskaga casilay jagadii uu ka hayay degmada Borama ee xisbiga kulmiye. Hadaba mar aan khadka telefoonka ku waraysanay sababta uu isku casilay ayaa waxaa uu yidhi "waxa jira arimo badan oo aniga ii gaar ah waxaana gartay inaan iska casilo jagadan aan u hayay Xisbiga kana baxo Kulmiye waxaanan maanta laga bilaabo ku biiray xisbiga talada Haya ee UDUB hormoodka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin" waxa kale oo uu sheegay in maantaba ay wada kulmeen Madaxwaynaha ayna ka wada hadleen in beelwaynta uu ka soo jeedaa ee degta degmada Borama ay si toos ah u taageersan yihiin Madaxweyne Daahir iyo xisbigiisa. Isku soo wada duuduuboo tani waxa ay imanaysaa xili lagu jiro saacadihii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada toban cisho wax ka yarina ay ka hadhsan tahay wakhtiga loo qabtay Doorashdu inay dhacdo ee 26 June. Waxaana la odhan karaa cid walba oo ka dhex wayda xisbiga ay ku jirto danaha ay ku qabto waxa uu isla markaaba u hayaamayaa meesha uu is yidhaahdo dantaada ayaa ku jirta. Reporter:C/qaadir C/laahi Awxuseen(Ilko) Borama Office
  15. “Dadka Aakhirul Licibka Ku Biira Kulmiye Waa Kuwo Xilal Doonaya, Laakiin UCID Kuwa Ku Soo Biiraa Waa Kuwii Horumarka Jeclaa” Eng. Faysal Cali Waraabe (Hadhwanaagnews) Wednesday, June 16, 2010 Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xukuumadii hore ee ay hogaanka u qabteen mujaahidiintii SNM ay ka dhaqaaqi wayday dadkii dalka u soo halgamay. Waxa kale oo uu tilmaamay in mujaahid xasan ciise jaamac ka dib markii ay burburtay dawladii ay soo dhiseen uu ka door biday in uu gurigiisa kelidii iskaga noolaado isaga oo diidan in qaabkii ay siyaasiyiintii wakhtigaasi hawlaha u wadeen. Waxa kale oo uu Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu dadka siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku biirayaa ay yihiin kuwo mansab siyaasadeed iyo xilal doonaya, halka buu yidhi taageeryaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga UCID ku soo biirayaa ay ka yihiin kuwo doonaya horumar iyo badhaadhe. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar galabta la hadlayay taageerayaal iyo masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayay xibsiga UDUB oo u dhashay Magaalooyinka Balligubdle iyo degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo sheegay in ay ku soo biireen xisbiga UCID. Xafladan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID, guddoomiyaha golaha wakiilada, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID, xoghaha arrimaha gudaha ee xisbiga, guddoomiyaha ololaha heer qaran ee xisbiga UCID, masuuliyiin iyo taageerayaal aad u tiro badan. Ugu horeyn faysal cali waraabe oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta ii rumawday hadal aan odhan jiray Dadka u dhashay Magaalada Balligubadle iyo Degmada Axmed Dhagax ee ku jira xisbiyada kale in ay yihiin UCID ambatay, waxaanan leeyahay waa ilaahay mahadii mar haddii ay xisbigii UCID dib ugu soo laabteen,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in aanu weligii islahayn rag la mid ah kuwa maanta ku soo biiray xisbigiisa ayaa ku hadhay UDUB, waxaanu yidhi “Waligay ismaan lahayn ragan oo kale ayaa ku jiray xisbiga UDUB, laakiin waxa aan ogaaday in raggii nafta lahaa ay noqdeen wax ay qariyeen xashiishka ka buuxa xisbiga UDUB oo soo dul maray,” ayuu yidhi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay in dawladii ay SNM nasiibka u heshay ay ka dhaqaaqi wayday siyaasiyiintii wakhtigaas ““Maanta maxaa keenay Rayaale, waxa keenay baylah ka timi hogaankii SNM. Maxaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Guriga ku xareeyey, waxa uu ku xareeyey oo uu uga gaabsaday, waxa uu arkay qaddiyadii u u dagaalamay oo la khiyaameeyey, waxaana khiyaameeyey Nimankii ay Ilmaadeerka ahaayeen ee ay wada dagaalameen, waana kaas shibta [aamuska] galay. Maanta wax aanu damacnay wixii aad u dagaalanteen ee ahayd caddaalada, xornimada iyo gooni isu taaga inaanu hirgelini ayaanu doonaynaa haddii ilaahay ka dhigo. Maxaynu ku hirgelinaynaa? Waxa aynu ku hirgelinaynaa kelmada ‘Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi,’ kelmadaas ayanu u maraynaa dariiqa toosan.” ”Dadka ku biiraya xisbiga Kulmiye waa kuwo xilal iyo mansabyo doonaya, laakiin maanta kuwa ku soo biiraya xisbiga UCID, waa dadka intii doonaysay in uu horumar la taaban karo gaadho dalku” ayuu yidhi. Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay khudbad uu dhawaan madaxweyne rayaale u jeediyay taageerayaashiisa kaas oo uu ku sheegay in ay hada iyaga jeebkoodu buuxo, halka ay xisbiyada mucaaradka ahina ka madhan yihiin, waxaanu guddoomiye faysal tilmaamay in hadalkaasi uu ula mid yahay kii uu hore wasiir xukuumadiisa ka tirsani u sheegay ee ahaa in ay ka dhergeen hantidii umada. Ugu danbayntiina waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay ka koraan qaabka qabiil ee ay wax ku doonayaan. Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo sheegay in ay isaga maanta farxad u tahay mar haddii ay ragg miisaan siyaasadeed ku dhex lahaa xisbiga UDUB ay ku soo biireen xisbiga UCID. Waxa kale oo uu sheegay in muddo gaaban oo uu joogay dalka uu durba ka hirgeliyay tiroba 16 xafiis, halka ay Toban hore uga jireen, waxaanu tilmaamay in hada 6 xafiis oo uu lahaa xisbiga UDUB ay hada gacanta ku soo dhigeen. Xoghayuhu waxa uu ugu baaqay dhamaanba taageerayaasha xisbiga UCID in ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii uu xisbigu horumar u gaadhi lahaa. Dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyihii hore ee degmada Axmed Dhagax ee Xisbiga UDUB Mawliid Keyse, Maxamed C/laahi (Sumuni) oo ka mid ahaa aasaasayaashi xisbiga UDUB iyo Maxamed Xasan Qayre (Shabaash) oo ka mid ah golaha deegaanka ee balligubadle. Waxaanay masuuliyiintani tilmaameen in maanta laga bilaabo ay la shaqayn doonaan xisbiga UCID oo ay hada xubno ka yihiin. Si kastaba ha ahaatee xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay talaabooyin wax ku ool ah hore u qaaday, waxaana ilaa hada si isdaba joog ah ugu soo biiraya taageerayaal iyo masuuliyiin cusub oo xilal ka hayay xukuumada. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office
  16. I am Somali and absolutely love it! Marta Getachew well done.
  17. I am Somali and absolutely love it! Marta Getachew well done.
  18. Muj: Xasan Ciise Jaamac Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Dhagax Dhigay Xaruntii Halganka Ee SNM. Hargaysa (CRBO) June 15, 2010 - Guddoomiyaha ururkii SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii shalay dhagax dhigay taalo laga dhisayo xaruntii halganka SNM ee magaaladda Baligubadle. Mujaahid Xasan Ciise oo goobtii ay dhagaxa dhigeen hadal yar oo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in halgankii SNM uu sabab u noqday in dib loo xoreeyo dalka Somaliland, laguna soo caliyo xoriyadii ka luntay lixdamaadkii, waxaanu u duceeyey Mujaahidiintii ku geeriyootay halgankaas oo uu inay qayb ka jiraan taariikhda Somaliland. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu Ilaahay uga baryey in Mujaahidiinta inuu Ilaahay ciseeyo, isagoo dhinaca ku amaanay Murashaxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe fikirka wanaagsan ee uu la yimid, kaas oo uu sheegay inuu mar walba isticmaalo kalmada Isha Allaah. “Mujaahidiinta aan magacooda ku hadlayaa waxa ay ku jiraan Saddexda Xisbiba, qaarkoodna saddexda Xisbi midna kuma jiraan, waxanan Ilaahay ka baryeyaa inuu ciseeyo meelkasta oo ay joogaan intii Dhimatay Ilaahay u naxiirto.” Ayuu Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxwayne Ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland. Dhinaca kale waxa isna meeshaas ka hadlay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo Ilaahay ka baryey in aanu dhagax dhigani noqon kii Madaxwayne Daahir Rayaale, waxaanu carabka u adkeeyey in taariikhda Mujaahidiintii dalka xoreeyey lagu aruurin doono taaladan marka ay dhisanto, waxaanu yidhi “Ilaahay waxaan ka baryeyaa in aanu dhagax dhigani noqon kii Madaxwayne Rayaale ee uu noqdaa mid Ilaahay nagu guuleeyo. Ummad kastaaba taariikh ayay leedahay, markaa walaalayaal waxaanu doonaynaa in goobtani noqoto meel lagu aruuriyo taariikhdii Mujaahidiintii dalkan u shihiiday Isha allaah hadii Ilaahay ka dhigo, waxaanu sheegay in hadii ay dalka ku guulaystaan uu Xasan Ciise Jaamac noqon doono dadka ugu horeeya ee nala shaqeeya.” Ceerigaabo