-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
lol@ faraski ina cabdilla xassanow .
-
Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Shaqadii Ka Eryey Masuuliyiinta Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh Iyo Qaar Cusub Oo uu Ku Bedelay + Xog-waran Guud Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shaqadii ka eryey Mas’uuliyiintii Kastamada Kalabaydh iyo Berbera, isla markaana waxa uu ku bedelay qaar cusub. Tallaabadan uu ku dhaqaaqay Wasiirka Maaliyada, ayaa ka dambaysay go’aan xil-ka-qaadis ah oo uu shalay soo saaray, kaas oo uu si toos ah xilalkii ugaga qaaday Mas’uuliyiintii Kastamyada Kala-baydh iyo Berbera, isla mar ahaantaana waxa uu go’aankaas ku faray in mas’uuliyiinta cusubi isla maanta xilka la wareegaan. Masuuliyiintan uu Wasiirku xilka ka qaaday ee Kastamka Kalabaydh, ayaa wax ay kala yihiin Agaasimihii Kastamka Cumar Xasan Caalin iyo labadiisii ku-xigeen waxaana lagu bedelay Maamulaha Kastamka oo noqon doona Cabdiraxmaan Ismaaciil Cali (Cirro) halka ay labadiisa ku-xigeena noqon doonaan Maxamed Ciise Muuse iyo Magool. Sida oo kale Kastamka Magaalada Berbera waxa xilkii laga qaaday Maamulihii hore ee Kastamkaasi Maxamed Gahayr iyo labadiisii ku-xigeen oo kala ahaa Maxamed Gurey iyo Mustafe waxaana lagu bedelay Maamulaha cusub ee Kastamka Berbera oo noqon doona Maxamed Cali Cumar ku-joog (Hallaasi) iyo Sugule. Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay Kastamada Kala-baydh iyo Berbera waxay shalay ka ambabaxeen Magaalada Hargeysa iyagoo ku sii kala jeeday goobaha look kala magacaabay. Geesta kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in uu wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kala wareegi doono dayntii uu diiday maalintii xilwareejinta haddii guddida baadhistu xaqiijiso in dayntaasi ku baxay sifo sharci ah. Wasiirka oo shalay u waramay idaacada VOA-da, ayaa rajo weyn ka muujiyey dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in uu dadka reer Somaliland oo dhan ku filan yahay hadii I fiican loo maamulo, isagoo intaa ku daray in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin dhaqaala xumida ay ugu yimaadeen kagalana wareegeen xukuumaddii Riyaale, taas oo uu farta ku fiiqay sida ay uga soo kaban doonaan, isagoo tilmaamay in ay samayn doonaan dhaqaale abuuris qorshihii loo mari lahaana ay ku jiraan. Mar wax laga waydiiyey daynta aanu la wareegin nooca ay tahay ee ay wasaarada maaliyadu hore u gashay iyo cida loo raacayo haddii uu la wareegi waayo waxa uu ku jawaabay “Wixii dayn ah ee laga saxna ah waa la bixinayaa”. Sidoo kale mar wax laga waydiiyey wadada ay guddigu u marayaan baadhistaa dayntaas aanu la wareegin waxa sheegay in ay ka caawin doonaan shaqaalahii oo iyagu hawshooda sii wata, isla markaana ay yaalaan documentayadii, waxa uu yidhi isagoo ka waramaya arrintaas “Horta waxa isbedelay waa siyaasiyiintii shaqaaluhu waa sidiisii, shaqaalaha mid walba halkiisiibu jooga ilaa darawalkii, documentigiina way yaaliin, meel maaha laga wada guuray.” Sidoo kale mar wax laga waydiiyey saameynta ay ku yeelan karto dhaqaala xumida ay dhaxleen xukuumadda hore “Waxaan damacsanahay kolayba sida barnaamijka xisbigu yahay in aanu dadka u samayno shaqo abuuris waana la odhan karaayo, wax dhib leh maaha dalkuna dadka waa uu ku filan yahay, dalkuna dal la gabay maaha sida runta ah” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi. Mar wax laga waydiiyey in ay daynta kala wareegi doonaan haddii ay guddigu soo xaqiijiso waxa uu ku jawaaba “Waanu ku khasbanahay inaanu qaadano wixi dayn ah ee sifo sharci soo mara ee guddigu soo xaaqiijisay.”
-
Hargeysa (HWN) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta wasiirkii hore ee dib u dejinta Somaliland Maxamed Yuusuf Cismaan. Xaflada ay labada wasiir xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta wasaarada dib u dejinta ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaano iyo marti sharaf kale. Wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay shaqaalaha wasaaradaas sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilka hayay, waxaanu u soo jeediyay in ay ku dedaalaan sidii ay xukuumada cusub iyo wasiirkoodanba ula shaqayn lahaayeen. Waxa kale oo uu wasiirku ka warbixiyay hawlaha dib u dejinta iyo kaalmada dadka barokacayaasha ah. Wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mud. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ku dedaali doono inta karaankiisa ah hawlaha wasaaradaasi ay qaranka u hayso uu halkooda ka sii wadi doono, Waxaanu wasiirkii hore iyo shaqaalihiisaba uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay hawsha u soo wadeen. Waxa kale oo uu wasiir Gaboose shaqaalaha wasaaradan u soo jeediyay in ay dedaalkooda sii laban laabaan xoogana saaraan sidii ay wasaarada uga kici lahayd halka ay maanta taalo.
-
The Zack, it's true siad barre AUN never gave up the power until the last minute he even asked kenya to arm his militia and help him recapture mogadishu, but Aided AUN was having non of that and threatened kenya if they interefered he would attack the NFD and beyond.
-
It's most likely he means somaliland, pirateland holds no water nor democracy not to mention it's corrupted with pirate chiefs in the high ranks of it's government.
-
It's most likely he means somaliland, pirateland holds no water nor democracy not to mention it's corrupted with pirate chiefs in the high ranks of it's government.
-
President Farole talks about many issues a report and analysis of his speech
Saalax replied to Fiqikhayre's topic in Politics
faroole wa somaliland iyo ethiopia proxy wax cusub maha. -
War Kam Abokar wa magaalo google earth ka firi xogaha wax yar bii ka yartahay awaare, deegaanadas ayaga lahanjiiray waligood(since the suldaan guleed days laakinse wagi hore wii iska bananeyen haada wa la dagay oo wala camiiray dhuulkii.
-
Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Moholin is closer to Wardheer than to Qabridhahar. Aware iyo Danot intaad ka degtan waa less than 10% oo waad ogtahay. Actually haadad sii ficaan uu firisiid the Southern Hargeysa folks are the majority in deegaanka awaare, you just have to look at rabaaso, kam abakor, kam omar, and many other small towns and villages, while the otherside(onlf folks wax siida uu badan kuma laha awaare. Magalaada Awaare laakinse is divided into two parts, Northern Part= Garoodi, Southern part = ONLF.
-
The Zack, if that is your logic dee adiga iyo A&T ba marka refuuge baad ku tihin southern somalia - jubooyiinka.
-
The Zack, Tolka lives in Burco , Berbera, Hargeysa, Sanaag, Sool, Somali Galbeed - Gaashaamo, Awaare, Danot woredas, Qabri Daharna walle wii dowyihiin you just have to look at places like Moholiin, Ceel Baxay, Nusradiiq waxbana kama foga Qabri dahare it's next door if it wasn't for R.I interfering in nature Qabri dahare would have been taken longtime ago. Waxan ilowbay inan ku daro Mudug laakinse tolka wii ka so gureen meesha. waxan xasuusta laakinse in the 1960's the governor of mudug was from tolka.
-
Oodweynehe wa landheere they are 15-20% of the somali population starting from the outskirts of Qabri Dahar all the way to the blessed place of Maydh. Carada iyo cerbaha shiisha iyo Dhamal calooshiisa. Cudbi koriye ceeriga Burraho cadayga Laasdhuure. Cadaadley carfigaa Tuuyo iyo culayga Maygaagta Casaha Sheekh caleenti Burco iyo cogalka Oodweyne. Caglishiriye Ceeg iyo Togdheer harada Ceegaagta Cayanabo cadaankii Taleex Cal iyo Buur Dhaabo Halki iyo Ceerigaabiyo badiyo kuraha cawlcawlan Cagaarweyne coodiga Wardheer Caado iyo faafan Cosobkii biyeed iyo Gurracan Ceelqod iyo Baarta Curcurrada Awaare iyo Deyr cawska Digaweyne Cufka Aroor Calaydh iyo Balaadh Cawlal iyo Qaydar Gaaroodi labadiisa cidhif Ciinle iyo Tuurta Ceelkaa Hargaysa iyo Togaan cidii ka guuraynin udubkaa cidhiidhiga u degey ma cidkalaad mooday
-
lol@ ceelayo hoyoo, are you chief caqiil?
-
The Twisted Logic: Restoration of failed state of Somalia from Hargeisa.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
You mean former foster child. -
The Twisted Logic: Restoration of failed state of Somalia from Hargeisa.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
You mean former foster child. -
The Twisted Logic: Restoration of failed state of Somalia from Hargeisa.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
You mean former foster child. -
General Duke, i feel for him aswell laakinse his not the one who is going to deal with the debts or things to do with the finance, maxamed hashi is the man, alot of things are waiting for siilaanyo like how to disarm the SSC, and follow the agendas he promised to the shacab of somaliland such as providing clean water, hospitals, universities infrastructure, jobs for the young growing population of somaliland etc.
-
General Duke, the new government didn't say they won't accept it laakinse they said they won't accept it until they know the full story and where this debt is from, but yh no surprises there UDUB was quite corrupt.
-
Hargeysa(TVSLE) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta ku gacan saydhay Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale inuu kala wareego lacag lagu qiyaasay inay gaadhayso 21 Milyan oo Dollar oo dayn ah oo uu sheegay in lagu leeyahay Xukuumadda Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi ayaa diidmada Deynta lagu wareejiyay ku sheegay mid sharci daro ah isla markaana aanu aqbalayn la wareegideeda ilaa inta laga keenayo cadaymo macquul ah oo uu ku qaato, waxaanu munaasibadii uu xilka kula wareegayay ku diiday inuu saxeexo Ducumant’gii uu Wasiir Cawil ku soo diyaarsaday Deymaha Wasiirka cusub ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaan dheg jalaq u siinin Khudbad dheer oo uu Wasiir Cawil ku hoga-tusaalaynayay baahiyaha Wasaaradda iyo duruufaha Dhaqaale ee Horyaala taa bedelkeedana waxa uu soo bandhigay qorshe Maalmeedkiisa shaqo ee Sadex biloodka ah oo uu sheegay inuu markasta hor geyn doono Golaha Wakiiladda isla markaana uu ku soo bandhigi doono Saxaafadda Xuseen Cali Ducaale Wasiirkii hore ee Maaliyada ee xilka Wareejiyay ayaa isna dhiniciisa hadalo duur xul ah ku weeraray Maxamed Xaashi waxaanu u soo jeediyay maadaama uu xilka kala wareegayo in looga baahan yahay inaanu wasaaradda u soo qaadan shandadii weynayd ee uu ku ururin jiray ceebaha iyo canbaaraynta dadkii ay siyaasada isku hayeen ee uu masuul noqdo oo uu jeexo dariiq cusub Diidmada uu Maxamed Xaashi diiday inuu la wareego deynta uu soo bandhigay wasiir Cawil ayaa dhalisay dareen wer-wer leh oo laga qaatay inay xurguf Siyaasadeed ka dhalato waxaana markii Xilwareejinta laga soo dareeray arrinta isku dayay inay ka odayeeyaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ka soo qayb galay xafladda si ay goob joog uga noqdaan Xil wareejinta oo ahayd mid xaasaasi ah maadaama labada Wasiir ee la kala wareegaya xilka ay dhexdooda ka aloosnayd xifaaltan Siyaasadeed, waxaanay go’aansadeen inay sameeyaan dhexdhexaadin lagu xaliyo deynta, taasoo ay kooxiba dhinaceeda ugu balaqaaday inay kala soo kulmi doonto labada Wasiir Arrintan ayaa la filayaa haddii aan xal loo helin inay kalifi doonto in lagu kala baxo Hay’adaha Sharci kuwaasoo sii fogayn doona jawigii wanaagsanaa ee Talada lagula kala wareegay sidoo kale waxay noqon doontaa haddii aan xal loo helin caqabad adag oo ka hortimaada maamulka cusub
-
Xaji_Xunjuf, actually OLF are fighting for an independent Oromia, it's only few bad apples who are after getting equal citizenship and political share in the Woyanne Government.
-
Chief_Aaqil , Ina Kahiin can't order arrests infact the whole intelligence will report to Dr.Gaboose first, only the Interior Minister can do such a thing, The Interior minster is the third most powerful member of the cabinet behind the president and the VP.The CID, the police force, and all the Special Forces in Somaliland come under the leadership of this office.
-
A&T, that region iska ilow Prof.Gandhi & Halane are about to create a jubbaland adminstration all that is left is to free it from al shabab and you & your fellow caanoboodher's can immigrate there in masses.
-
Musaveni wa iska hadal kulaha somalis are part of nilo saharan's languages that is where he got it wrong!